Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,001
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kenyan authorities have begun a month-long vetting process at the Dadaab refugee camp near Somalia to determine who qualifies as a Somali asylum-seeker and who is a Kenyan citizen Source: Hiiraan Online
  2. Kenya is playing a host to a meeting between high level officials from the Ogaden National Liberation Front (OLNF) led by party Chairman, Abdirahman Mahdi Madey Source: Hiiraan Online
  3. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaysa in hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ay go’aansadeen qorshe liddi ku ah jadwalkii uu soo saaray guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay magacaawday dowladda dhexe. Kulamo magaalada Dhuusamareeb uga socday hoggaanka Ahlu-Sunna saacadihii lasoo dhaafay ayaa lagu go’aamiyey in 29-ka bishan ay Ahlu-Sunna ku dhawaaqdo 89 xildhibaan oo ah tirada guud ee baarlamaanka maamulka Galmudug. Maalinta ay Ahlu-sunna go’aamisay inay shaaciso liiska xildhibaanada cusub ayaa dhinaca kale waxay ku aadan tahay maalinta ay guddiga maamul dhisidda Galmudug oo ay magacaawday dowladdu ay jadwalkooda ku cadeeyeen inay bilaabanayso soo xulista xildhibaanada maamulka Galmudug. Masuul ka tirsan hoggaanka sare Ahlu-Sunna ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in fadhiga lagu go’aaminayey arrintaas ay goobjoog ahaayeen Macalin Maxamuud Sheekh Xasan iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, isla markaana ay iyagu go’aankaas gaareen. Ahlu-Sunna ayaa hadda Dhuusamareeb ka wada soo xulidda xildhibaanada cusub ee Galmudug oo gaaraya 89 mudane, sida uu noo xaqiijiyey masuulkaas ka tirsan xubnaha sare ee Ahlu-sunna. Ahlu-Sunna ayaa horay u magacaawday guddi doorasho oo ka madax banaan ka ay magacaawday dowladda federaalka ee soo saaray jadwalka doorashooyinka maamulkaas. Sidoo kale go’aankaan ayaa ku soo aadaya iyadoo caawa laamaha amaanka magaalada Dhuusaamreeb ay soo saareen amar ah in hoteelada magaalada aan lagu qaban karin shirar ka dhan ah dowladda federaalka ama aan ogolaansho looga heysan saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb.
  4. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO, kaa oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Wasiir Sadik Warfa ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray dadaallada ay dowladda Federaalka ah ku dooneyso in si isku mid ah loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed barnaamijka Daryeelka bulshada oo waara. “Iyadoo aanu taageero ka helayo bah-wadagteenna horumarinta, waxaan bilownay qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta ee aad muhiimka u ah si aan u hirgalinno Nidaam daryeelka Bulshada – oo waafaqsan Xeerka Daryeelka Bulshada ee Qaranka…Marka laga hadlayo awoodda maaliyadeed, waxaan ku faraxsanahay in bishii Luulyo 2019-ka -Guddiga fulinta ee hay’adda lacagta adduunku (IMF) ay kulmeen si ay u soo gabagabeeyaan la tashiga qodobka 4aad ee ku saabsan Soomaaliya. Waxay ku heshiiyeen in siyaasadaha dhaqaalaha iyo qaabdhismeedkeeda ee hoosta looga qeexay SMP- afaraad – ay buuxiyeen heerarka siyaasadaha ee la xiriira qorsheynta deynta sare. “ ” Xafiiska Ra’iisul wasaaraha (tubtiisa Horumarinta Bulshada iyo Horumarinta Dhaqaalaha) ayaa horey u muujiyay in maalgashiga waaxaha bulshada, gaar ahaan daryeelka bulshada iyo biyuhu ay heli doonaan qoondeyn miisaaniyadeed oo ballaaran ka dib deyn cafinta.” ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Wuxuu rajo wanagsan ka muujiyay dadaallada socda ee deyn cafinta ee guulaha laga gaaray inay dhammeystirmaan , taas oo uu sheegay inay horseedeyso horumar dhaqaale iyo isku filnaasho uu dalku gaaro. “Iyadoo la tixraacayo Siyaasaddeena Daryeelka Bulshada ee Qaranka, Dowladda Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an inay horumariso hannaan Daryeelka bulsho ee waara – waxaanuna ka faa’iideysan doonaa dhammaan kheyraadkayaga oo aanu u adeegsan doono sidii loo hubin lahaa in la gaaro Mabda’a ‘Cidna inaan laga tagin’ iyadoo looga faa’iideynayo inta nugul marka hore.” ayuu ku daray. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirro, wakiillo iyo hoggaamiyaasha ururro caalami ah,iyadoo Soomaaliya ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. PUNTLAND POST The post Wasiir Warfaa oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha daryeelka Bulshada ee Geneva appeared first on Puntland Post.
  5. Jubbaland waa cabatay!…OO yaaba is gaaray?!… wali waxaan garan la’nahay waxa laynaga maagay, talada iyo fikirkeenana waxay ku soo urureen qaab aad moodayso inaan wada qarweyno!…waa hadlaynaa, khalad baan arkaynaa, laakiin ma saxayno! Waxaan sheegaynaa talo kuma dhaqmayno!… Maxaa innagu dhacay?!…Baddeenii baa Kenya iska sheeganaysaa oo maalin kasta niman aanan annaga dooran oo aanan keensan oo siday ku yimaadeen aan ognahay u yeer-yeeranaysaa oo talo meel la dhiganaysaa oo qaybo dalkeenii ah nin u saxiixayaa! Waase haddii aan sidaas u dulownay!…Maxaa ina aamusiiyay?! Golihii-SHacabka baa loo iibiyay oo loo gaday niman la doonayo in qallinkooda laynoo adeegsado!…niman aan rumaysnayn wixii aan dhiganay ama aan ku heshiinay (Dastuurkii) sidee bay wakiil inoogu yihiin?!… Ummad waxaynu nahay xor ah! Waxaan marar badan ku celceliyay Awoowayaasheen waxay u dagaalameen oo u dhinteen GOBANIMMADEENNA laakiin annagu oraah baan ku difaaci la’nnahay dhaxalkii ay awoowayaasheen inoo dhaafeen!! Waxay innagu soo simmeen dal xor ah oo dowlad ah laakiin maanta waa kaalinteenii siiba dadka dhallin-yarada ah! Ololaha colaadeed ee ciidammada Itoobiya ka wadaan gobolka Gedo waa mid ka dhashay heshiisyada huursan ee dadka laga qariyay, markaan sidaas leeyahay malaha runtaan ka baqayaayee wax qarsoonba ma jiraan!… maamulka Jubbaland hiil buu u baahnyahay waxaana muuqata Abiy Axmed iyo Farmaajo heshiiska ay galeen inuu yahay midka horseeday xad gudubka ay ciidammada Itoobiya ku soo ku soo galeen gobolka Gedo, ee maamulka Jubbland ee Soomaaliyeed!…Arrintan ma aha sida dad badan ay moodayaan mid Jubbaland ku ekaan doonta, laakiin waa mid soconaysa oo aan joogsanayn gaaraysana dhammaan gobollada Puntland, Somaliland, waana midda Gal-Mudug lagu qabsan doono aakhirka, waxaana in dadka Soomaaliyeed inay fahmaan ay tahay in Koonfur-Galbeed iyo Hir-SHabeelle ay yihiin sal-dhigyo ciidamo Itoobiyaan oo ka amar qaata si toos ah madaxda sida aan kor ku soo xusay talada dalka loogu dhiibay. Markii ugu horeysay 1996kii ayeey ciidammada Itoobiya ku soo xad gudbeen xuduudda iyo ciidda Soomaaliyeed, iyagoo ku marmarsoonaya inay ku raad joogaan argagixiso Soomaaliya gudaheeda kaga soo duushay, duulaankaas oo runtii ahaa mid dhibaato ma hadho ah ugu tagay dadka Soomaaliyeed ee gobolkaas ku dhaqan ayaa waxaa Itoobiya ku taageeray Qarammada Midoobay (QM), iyagoo sabab uga dhigay inay Itoobiya xaq u leedahay inay is difaacdo!…waxaase nasiib daro ahayd in cabashadii dadkii shacabka ahaa ee gobolkaas aan cidina uga garaabin, iyadoo waliba ciidammada Itoobiya ay geysteen tacadiyo xagga bini aadanimmada ah oo ay laayeen dad badan oo shacab ah oo waxba galabsan, isla markaasna ay dhac iyo boob badan ka geysteen magaalooyinka Baled-Xaawo iyo Luuq! Waxaana jiray warar soo baxay oo sheegayay in ciidammadaas ay kula kaceen shacabka xad gudubyo ay ka mid ahaayeen inay dadka xilliyada habeenimmada ah guryaha ugu dhaceen oo ay halkaas ka geysteen kufsi baahsan isla markaasna qoriga caaraddiisa ku qaateen waxayaabo qiimaha leh sida lacagta, dahabka iyo electronics-ka. Dacwadii Jubbaland wali James Swan waa ka jawaabi la’yahay, maxaad sababta u malaynaysaa?! SHaki la’aan Jubbaland marka la fiiriyo doorashadii ka dhacday waxay u dhaqantay sidii uu dastuurka qorayay, waxayna ku adkaysatay inay iyada is maamusho si madax bannaani buuxda ah oo xuquuqda uu dastuurka siiyay dowlad-goboleeddada waafaqsan, khaladaadkii ka dhacay doorashadii la qabtay waxaa abuuray oo si ku talo gal ah u sameeyay madax-weyne Farmaajo oo ku talo galkiisu ahaa in madax-weynaha Jubbaland Axmed-Madoobe uu xukunka ka tuuro xataa haddii ay ku kacayso dadka shacabka ah dhiiggooda, waxaan middaas cadayn u ah sida uu ula dhaqmay maamulkaas dastuuriga ah, haddii ay tahay inuu ka garab dhisay madax-weynayaal kale ama ciidamo Itoobiyaan ah ha ku dalbado! Waxaase Alle mahaddiis ah in dad-weynaha Jubbaland ay midnimo muujiyeen ammaankoodana adkaysteen! Waxaase ayaan daro kale noqotay in colaaddii Farmaajo aysan halkaas ku dhammaan oo ciidamo Itoobiyaan ku soo hoggaamiyay Jubbaland, waxaana la xirxiray maamulkii Gedo ka jiray ee Jubbaland, waxaana jira dhibaatooyin soo gaaray dadka shacabka oo qaarkood deegaanadoodii ka bar-kacay, sidaasoo kale waxaa jira khasaaro kala duwan oo naf iyo moodba isugu jira inkastoo aan la heli karin warar sugan oo la xiriira wax-yeelada ciidammada Itoobiyaanka ay ka geysteen deegaannadaas ay soo galeen. Arrimahaas oo dhan aduunka isagoo u jeedo ayuu ka aamusanyahay, laakiin Farmaajo Kenya ayuu heshiis la galay aduunka oo dhan baa u hambalyeeyay!…Yaa Salaam!!.. Waa arrimahaan waxa la doonayo in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan!… Maxaa duulaankaan gar-darrada ah ee lagu soo qaaday dal xor ah, oo waliba xubin ka ha Qarammada Midoobay, dunida uga aamustay?! Waa midda la doonayo dadka Soomaaliyeed inay qaadaa-dhigaan macneeyaan, siiba dhallin-yarrada wax-baratay waa inay falanqeeyaan, fasiraad u helaan, waxa ay ka fahmaanna ay dad-weynaha ku war geliyaan, war-baahinta uga sharxaan!…Waxaase Alle mahaddii ah; ugu dambeyn 10 casho ka dib cabashadii Jubbaland in Madashii Xizbiyada ay ka dhiidhiyeen duulaanka ama faro-gelinta guumeysigu ka dambeeyo ee ay Itoobiyo ku hayso Soomaaliya, waxaase loo baahanyahay in guddomiyaha Madasha Xizbiyada SHiikh SHariif Axmed uu qoraal rasmi ah oo mowqifkooda ah uu u gudbiyo safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho, isla markaasna uu ogeysiin siiyo xafiiska Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta. Wakiilka xafiiska Qarammada Midoobay, James Swan, wuxuu ka aamusay oo uusan wali wax jawaab ah ka bixin cabashadii ay gudbisay dowlad-goboleedka Jubbaland November14, 2019, taasoo ay kaga cabanaysay duullaanka Itoobiya ay ku soo qaaday gobolka Gedo, ee Jubbaland. Jawaab la’aanta Swan waxay noqon kartaa inuu ogyahay in ciidammada Itoobiya ay fasax ama codsi ka yimid dowladda federal-ka ah (Farmaajo) ay ku soo galeen gobolka Gedo, sababtaas aawgeedna uu u arko inay sharci ku joogaan… waana sababta ugu muhiimsan ee uu cudur daarka ka dhigan karo, laakiin taasi ma noqonayso cudur daar ku filan dhaqanka ciidammada Itoobiya iyo waxyaabaha ay ka sameeyeen gobolkaas oo runtii xad-gudub ku ah qaranimmada Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ah. Itoobiya iyadoo ciidamadeeda ay ka mid yihiin hawl-galka AMISOM in ciidamo kale ay dalka Soomaaliya soo geliso, oo waliba ay burburiyaan dowlad-goboleed ka tirsan dowladda federal-ka, waxay meel-ka dhac ku tahay qaranimmada Soomaaliya!… Xataa ciidamo ka tirsan AMISOM qaynuun ahaan ma dhex geli karaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlad-goboleeddada iyo federal-ka, waayo xilkooda kama mid ah… Jawaab la’aanta wakiilka QM James Swan, ayaa dhinaca kale waxay qayb ka tahay qorshayaasha iyo barnaamijyada ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ka leedahay Soomaaliya laguna ilaaliyo ciidammada AMISOM, si gaar ahaaneedna Itoobiya. Madasha Xizbiyada yeey wakiil ka yihiin?!…Burhaantiina muujiya!…Ha la arko Waxaa Madasha Xizbiyada hor yaala hawlo adag, xubno badan oo iyaga ka mid ah ayaa fari ku godantahay oo dhibaatooyinka jira qaarkood loo haystaa inay lug ku lahaayeen, hasa yeeshee haddii ay maanta wax saxayaan wax tarkooda waa loo baahanyahay, arrimaha ugu muhiimsan waxay tahay in dad-weynaha iyo midnimadooda ay raadiyaan, inay dad-weynaha xogta dhibaatooyinka uu dalka wajahayo ay la socodsiiyaan oo ku baraarujiyaan!… Itoobiya iyo Kenya, hawlaha ay ka wadaan dadlka gudihisa u turjumi karaan shacabka, dal kasta oo faraha kula jira arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya waa inay u fasiri karaan shacabka biyo dhaca siyaasaddiisa ku wajahan Soomaaliya!…dhammaan talaabooyinkaas waxay sare u soo qaadi karaan lixo jeclaha ay dad-weynaha u qabaan dalkooda, waxayna soo dhoweynaysaa midnimmada ummadda. Xaaladdu waxay maanta maraysaa meel aad khatar u ah, dalku ma laha Gole-SHacb, mana laha hay’ad kale oo la xisaabtamaysa Golaha-Fulinta, sidaas aawgeed xizbiyada mucaaradka ah waxay ku soo beegmeen xilli munaasab ah waa haddii ay gartaan kaalinta u banaanee!…shaki yuusan idinka gelin Golaha-SHacabka waxaa iibsaday waxa loogu yeero Beesha Caalamka, waayo lacagta xil-dhibaannadii ummadda u dhaartay lagu laaluushay ama lagu gatay waxaa bixiyay dalal shisheeye ah!…si dalka u u noqdo mid aan la kala xigin, danta laga leeyahayna laga qunsado iyadoo aysan jirin cid dantiisa ilaalinaysa!…Marka Xizbyada mucaaradka waa ay dadaaleen, wayna ahyd inay ka hadlaan xad-gudubka Itoobiya! Waxaa loo haystaa shkhsiyaad iskood isaga socda oo aan lahayn dad ay wakiil ka yihiin, waxaana fiicnaan lahayd inay qabtaan isu soo baxyo (Rallies) iyo kulano ay dadka kula hadlayaan, iyo waliba inay abaabulaan bannaan baxyo dad-weyne oo ay ku diidayaan fara-gelinta shisheeyaha; Itoobiya, Kenya, Maraykan, Ingiriis…iyo ku xad-xgudubyada xudduudaha Badda iyo Beriga ee ay wadaa Itoobiya iyo Kenya?!… Duulaanka Itoobiya iyo sheegashada badda Soomaaliyeed ee Kenya, Sal-dhigyada ciidammada shisheeyaha ah ee gobollada laga dhisay iyo hawl-galka AMISOM intuba waa mid waana isku ujeeddo!…laakiin shacabka?!…shacabka?!…waa la halmaamay, dowlad la hadasho ma leh, dowlad wax uga baahan ma leh (koleey cod ku tahay) xiriirkii iyaga siyaasiyiinta dalka waa la kala gooyay, sidaas aawadeed siyaasadda dalka kaalin kuma leh…waxaana shaxdaas dhigay oo jeexay waxa loogu yeero Beesha Caalamka!…. Balse ka feker, kulankii uu soo qabanqaabiyay Kyle McCarter safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya ee dhex maray Farmaajo iyo Uhuru November 14, 2019, ka dib maxay Kenya ugu yeertay madax-weynaha Jubbaland?!…Madasha Xizbiyada maxay arrintaas kaga tashatay?!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan alle_yaqaan99@yahoo.co.uk AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaadashada laaluushka iyo wax isdaba marinta ayaa meeshii ugu sareysay ka gaartay xarunta laga qaato warqadaha dhalashada (dad dhigista) ee dowladda Hoose, halkaas oo loo yaqaano Sugunto Liido. Caasimada Online ayaa ogaatay in dadka inta badan aysan tagin xarunta balse dirsadaan oo kaliya lacag ka badan intii adeega lagu qaban lahaa, waxayna sidoo kale dirsadaan xogta muhiimka ah ee lagu qori lahaa Documents-ka dhalashada kadibna ayagoo xaafadahooda jooga loo keeno dokumentisyadooda. . Sidoo kale xogta aan helnay ayaa cadeyneysa in Suulka saxiixa ah uu u saaro qof kale oo aan aheyn midka loo sameynayo dhalashada taas oo ka dhigan qiyaano iyo dembi weyn laakiin kamid noqotay howl-maameedka qayb kamid ah shaqada dowladda. Sidoo kale maalin gudaheed ayaa dadka lacagta laaluushka bixiya loogu dhameeya shaqada, halka kuwa mara wadada saxda ah ay ku qaadato maalmo dheer helida adeegooda. Lacagta looga baahan yahay qofka si sax ah usoo mara doonashada adeegdayada laga bixiyo qaybta dad dhigista ee dowladda Hoose waxay gaareysaa 15 dollar, halka kuwa kale ay bixiyaan lacag taas aad uga badan oo marka ku xiran qofka ay la macaamilayaan. Weriye ka tirsan Caasimada Online oo kamid ah dadka halkaasi adeegga u doontay ayaa yiri. “Kaliya waxaan bixiyay 25 dollar waxaana adeegayga helay 5 saac kadib waxaana fariin qoraal ku doray warbixintayda dhalashada.” Arrintan ayaa dhibaato ku ah dadka aan jeebka buurneyn ee aan awoodin lacagta dheriga ah, xilli tii sharciga ahaydba ay dhib ku tahay, kuwaas oo mararka qaar maalmo isaga daba noqda halkaas. Lama hubo sida wax looga qaban doono arrintaan waxaase muuqata in ay halis ku tahay degaanka iyo bulshada Soomaaliyeed waana shaqo muhiiim ah bulshada oo si maalinle ah loo qabto.
  7. An internationally-renowned artist is using music to help connect the Somali youth to their cultural identity. Mohammed BK, who aims to connect Somalis in Bristol Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-26112019.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga sharciga doorashooyina ee baarlamanka Soomaaliya, oo dib u eegis ku sameynayey waxna ka beddelayey sharciga doorashooyinka ee ay golaha wasiirada Soomaaliya ansxiyeen 2-dii May 2019, ayaa shaqadooda soo geba gebeeyey. Guddigan ayaa dhowr maalmood ka hor guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan u gudbiyey sharciga doorashooyinka oo ay ka beddeleen dhowr qodob, balse waxaa ugu weyn uguna muhiimsan saddex qodob. Sida xubno ku dhow guddoomiye Mursal ay u sheegeen Caasimada Online, guddiga ayaa meesha ka saaray qodobkii 56-aad ee sharciga doorashooyinka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Qodobkan ayaa u ogolaanaya in madaxweynaha iyo baarlamanka ay muddo laba sano ah waqtiga kororsadaan, haddii dalka ay ka dhici weyso doorasho sababo jira awgood. Sababaha la xusay ee doorashada ay ku baaqan karto ayaa waxaa ka mid ah amni-darro baahsan, dillaaca cudurada la is-qaadsiiyo, abaaro, daadad, duufaanno iyo wax kasta oo lagu qeexi karo musiibo qaran. Guddiga ayaa go’aamiyey in wax ka badan 6 bilood oo ah waqti kordhin farsamo aan la siin karin madaxweynaha iyo baarlamanka. Taasi waxay noqon kartaa haddii arrimo farsamo ay u saamixi waayaan guddiga doorashooyinka qaranka in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigooda. Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyey in xildhibaanada cusub ee baarlamanka ay deegaanad ay kasoo jeedaan kasoo doortaan shacabka ayaga oo adeegsanaya nidaamka qof iyo cod ee doorashada deegaanada badan (Multi constituency), oo macnaheedu yahay in xildhibaan kasta laga soo dooranayo deegaan doorashadiisa iyo maamul goboleedkiisa. Tani waxay meesha ka saartay rabitaankii Villa Somalia ee ahaa in dhammaan xildhibaanada laga sooo doorto hal deegaan doroasho (Single constituency), taasi oo u saamixi lahayd inay dad taageersaan meel isugu keento, oo ay u codeeyaan dadka rabto kaliya. Go’aanka ugu culus ee guddiga gaaray ayaa ah in madaxweynaha cusub ay soo doortaan xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka, sida uu dhigayo qodobka 89-aad ee dastuurka, farqadiisa koowaad oo leh. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada Gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah. Guddiga ayaa meesha ka saaray qodobkii ay rabtay Villa Somalia ee ahaa in madaxweynaha ay doortaan shacabka, balse aan shacabka oo dhan ahayn ee ahaa dad hal meel la isugu keeno oo la leeyahay waxay wada-matalayaan shacabka, taasi oo ogolaan lahayd in dad gaar ah oo lasoo xulay meel la isugu keeno, una codeeyaan qofkii isku keensaday.
  10. Roma (SMN) – Shirkani oo u dhexeeya dalalka Afrika iyo Talyaaniga looguna magaca daray (Afrika & Italy Business Week) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga,kaasi oo ay si wada jir ah u fureen Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee dalkaasi Talyaaniga (Emanuela Claudia Del Re). Inta uu socdo shirkan waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Ganacsiga Dalxiiska,iyadoo ay iska kaashanayaan wadamada Talyaaniga iyo Afrika oo Soomaaliyana ay kujirto sidii looga faa’ideysan lahaa fursadaha ganacsiga Dalxiiska ee labada dhinac,wuxuuna socodn doonaa muddo labo maalmood ah. Mudane Maxamed Cabdi xayir (Maareeey) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka shirkan (Afrika& Italy Business Week) ayaa dowladda Talyaaniga iyo Shacabkeeda ku ammaanay martigelinta muhaajiriinta Afrika ee dalkaasi galaya. “Marti sharafka, hal abuurayaasha bulshooyinka Italy iyo Africa,diplomaasiyiinta,dhamaan mamuuskasta oo aad halkani ku fadhisaan,waxaan idin leeyahay subax wanaagsan , anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan wafdigan aan hoggaaminayo, marka ugu horeysa waxaan rabaa in aan halkan kaga mahadceliyo dowladda iyo shacabka Talyaaniga,casuumaaddani oo ku aadan shirkan (Africa & Italy Business Week)kaasi oo ay martigelinayso magaaladan quruxda badan ee Milano,waxaan rabaa markale anigoo ku hadlaya magaca wadamada Afrika in aan uga mahadceliyo dowladda Talyaaniga badbaadinta iyo martigelinta muhaajiriinta badan oo Afrikaan ah,kuwaasi wadankan ku soo galaya hab sharci daro ah“.Ayuu yiri Wasiir Maareeye. Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Waxuu la kulmay shir fool ka fool ahna la yeeshey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Dalka Talyaaniga Emanuela Claudia Del Re ,iyagoo ka wada hadlay horumarinta warbaahinta gaar ahaan Keydka Radio Muqdisho. C/risaaq Cabdi Cadullaahi agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku wehliya safarka wasiirka,waxaana inta ay halkaasi joogaan sidoo kale kulamo kaladuwan la yeelan doonnaan mas’uuliyiinta shirkaasi ka qeybgalaysa. Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe ku howlanayd sidii loo horumarin lahaa ganacsiga Dalxiiska Dalka,maadaama dalka uu haatan ka soo kabsanaya dagaaladii sokeeyey iyo burburkii,islamarkaana uu cagta saaray dhabihii horumarka dowladnimo. View the full article
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Amar ka soo baxay laamaha amaanka magaalada Dhuusamareeb ee hoos taga dowladda federaalka ayaa lagu mamnuucay shirarka aysan ka warqabin ee lagu qabanayo goobaha hoteelada iyo maqaayadaha ee magaalada. Caasimada Online ayaa ogaatay in si gaar ah amarkaan loola wadaagay milkiilayaasha hoteelada ku yaalla magaalada Dhuusamareeb. Amarkaan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa milkiilayaasha hoteelada magaalada waxaa looga digay in hoteeladooda aan lagu qaban karin shir aan ogolaasho ka heysan iyaga ama liddi u ah dowladda federaalka. Amarkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada ay kulamo uga socdaan hoggaanka Ahlu-Sunna, kuwaas oo ka arinsanaya wixii ay ka yeeli lahaayeen talaabdii uu shalay qaaday guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug oo soo saaray jadwalka doorashada maamulkaas. Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Galmudug, kuwaas oo iyaguna Dhuusamareeb ka wada kulamo ay uga arinsanayaan hanaankii ay saamayn ugu yeela la haayeen maamulka loo dhisayo Galmudug. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu daadiyey inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada.
  12. (SLT-Hargeysa)-Mas’uuliyintii Xisbiga Waddani Iyo Mujaahid Ilameerayso Oo Ka Hadlay Xadhigooda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Somalia’s Jubbaland Vice-President Mohamud Sayyid Adan is holed up at a Mandera hotel for his safety after Ethiopian forces are said to have prevented him from visiting Bula Hawa, a border Somali town. Mr Adan and his entourage were booked at the hotel five days ago by Kenyan security agencies in Mandera and their security immediately taken over by the Kenya Defence Forces (KDF). “We have a VIP from Somalia who was prevented from visiting Bula Hawa by some military forces but you can get much information from Nairobi,” a security source in Mandera told Nation. But KDF spokesperson, Major Paul Njuguna failed to pick several phone calls as we sought to confirm the military’s role in the stay of the Jubbaland VP. MEDDLING Somali Democratic Council (SDC), a lobby group, has accused the Ethiopian troops of preventing the VP from visiting the city of Beled-Hawo (Bula Hawa) in Gedo, Jubbaland state. SDC said the incident was “a clear and unmistakable invasion” by the Ethiopian government. In a letter dated November 20, 2019 and addressed to United Nations Secretary-General Antonio Guterres, the US-based group accuses Ethiopia and the federal Somalia government led President Mohamed Abdullahi Farmajo of meddling in Jubbaland affairs. “Mr Secretary General, We the Somali Democratic Council would like to make you aware of the grave and deeply disturbing events that are unfolding in the Jubbaland State of Somalia where non-Amisom Ethiopian troops are wreaking unimaginable havoc by detaining duly elected officials in the cities of Beled-Hawo, Dolow, and Luuq,” reads the letter signed by Abdikarim A. Omar, the council’s chairman. Mr Omar adds that “unfortunately, the Federal Government of Somalia is in cahoots with Ethiopian government forces to create chaos in Jubbaland.” View the full article
  14. The Security Council on Monday called for peaceful, inclusive, credible and transparent universal elections next year in Somalia. In in a press statement, the Security Council said elections would be a historic step which will the country’s democratic development The 15 member UN body noted stakeholders to take a step to finalize the preparation of the exercise. The members of the Security Council noted that finalizing the election model would require a compromise. The council members emphasized that the election process should be inclusive, allowing for engagement from all clans and regions, and should provide for the full, equal and meaningful participation of women at all stages, and the commitments made by Somalia to including at least 30 percent minimum quota for women parliamentarians. “The members of the Security Council noted that finalizing the election model would require a compromise and called on all key actors and institutions in Somalia to set aside their differences and engage constructively in discussions,” the Council said in a statement. The members of the Security Council welcomed the role of the National Independent Election Commission in preparing for the elections and reiterated the need for the Electoral Security Task Force to meet and to set out a plan as soon as possible for the creation of a safe and secure environment for elections. Parliamentary and presidential elections took place in late 2016 and early 2017 through a system of indirect suffrage. Somalia last held one-person, one-vote elections in March 1969. That October, the government was overthrown in a bloodless military coup. View the full article
  15. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa rajo xumo wayn laga muujinaya helitaanka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyadoo uu sii kordhaya khilaafka arintaasi ku saabsan. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhismaha iyo howlihii maamulka ay Xukuumadda Soomaaliya kuwado si dardar leh balse ay jiraan cabashooyin barbar socda oo ay muujinayaan Ahlu-Sunna iyo dadka degaanka. Aqoonyahaan Xirse Iimaan oo ka tirsan dadka ka soo jeeda Galmudug xog ogaalna u ah arrimaha maamulkaasi ayaa sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo isdiidan, kuwaas oo aan ka tarjumeen maslaxadda guud ah ee Galmudug. Caqabada ugu weyn ee dhismaha Galmudug waa in madaxda dowladda Soomaaliya ay doonayaan in ay ka baxaan heshiis ay la galeen Ahlu-Sunna kaas oo ay beesha caalamka uga digtay in la baalmaro. In dhamaan odayaasha iyo beelaha Galmudug aysan ku qanacsaneen sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u wado dhismaha maamulka. Iyo dowladda Soomaaliya oo dooneysa in aysan degaanka u dhisin maamul ku saleysan rabitaanka shacabka balse dooneysa in ay u dhisto mid ku saleysan danaheeda siyaasadeed iyo doorashada 2020-ka. Waa saddex qodob ee ugu weyn ee dib udhigay dhismaha maamulka Galmudug sida uu noo sheegay aqoonyahaan Xirse Iimaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka soo jeeda degaanada Galmudug. Guddiga Farsamada ee dhismaha Galmudug ayaa shalay Shaaciyay Jadwalka doorashada inkastoo ay ka soo horjeesteen masuuliyiin ka tirsan Ahlu-Sunna waljameeca.
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-26112019-sax.mp3 View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi, Afhayeenka Xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun iyo Cabdi Ibraahim oo ka mid ah waxgaradka magaaladda Hargeysa ayaa goor dhaweyd dib u helay xorriyadooda. Masuuliyiintan oo dhawaan laga qabtay Magaaladda Hargeysa ayay xukuumaddu xorriyadooda u soo celisay, ka dib markii sida la sheegay xadhigooda lagu canaantay xukuumadda. Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Hogaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Cali Xaaji xasan, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Xamse Ciise, hogaanka iyo taageereyaasha xisbigaasi ayaa ku sugaya Xubnahan dib u helay xorriyadooda duleedka Magaaladda Hargeysa,kuwaas oo isu diyaarinaya soo dhaweyntooda. Source
  18. Wararka ka imaanyo magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhex maray labo maleeshiyo beelood deegaan hoos yimaada magaalada Ceerigaabo, waxaana ka dhashay Khasaare soo kala gaaray labada dhinac. Deegaanka dirirtu ay ka dhacday ayaa lagu magacaabaa Waqadariya ee waqooyiga magaalada, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay sedex ruux halka laba kalana uu soo gaaray dhaawacyo kuwaas ka kala tirsanaa maleeshiyaadka maanta ku dagaalantay gobalka Sanaag. Sidoo kale laba dhinac ayaa goobta wali isku hor fadhiyo waxaana mararka qaar deegaanka Waqadariya laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo laba dhinac ay isku ridayaan, waxaana dadka deegaanka mar waliba ay ka cabsi ka qabaan inuu dagaal dhex maro labada dhinac. Dhanka kale waxaa warar ka la duwan ay ka soo baxayaan sababta dagaalka dhalisay wararka qaar ayaana sheegaya in labada dhinac ee dagaalantay ay ku loolamayaan gacan ku heynta deegaanka Waqadariya oo horay loo sheegay in uu yahay deegaan laga heli karo Kheyraad kala duwan sida Macdanta iyo Dahabka. Ugu danbeyn waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay labada maamul ee Somaliland iyo Puntland oo ayagu mid waliba sheegto in uu hoos yimaado gobalka Sanaag ku aadan dagaalka maanta ka dhacay deegaanka hoos yimaada magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Mali)-Saddex iyo toban Askari oo Faransiis Ah ayaa ku dhintay kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood oo Heicopter ah gudaha dalka Mali, waxaana loo malaynayaa inuu yahay khasaaraha keli ah ee ugu weyn ee ciidamada Yurub ee halkaas ku sugan soo gaadhay tan iyo 2013. Shilkan ayaa dhacay fiidnimadii Isniinta iyadoo askartu ay ku mashquulsanaayeen dagaalyahanno dhowr jeer weerarro isdaba joog ah ku qaaday waqooyiga Mali toddobaadyadii la soo dhaafay, xafiiska madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yidhi. “Madaxweynaha wuxuu ku dhawaaqay geerida naxdinta leh ee ku timid 13 ka mid ah ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalka Mali fiidnimadii Isniinta ee taariikhdu ahayd November 25, shil ka dhacay labadooda helicobter intii lagu gudajiray howlgalka lagula dagaallamayo jihaadiyiinta,” ayaa lagu yidhi Madaxweynaha dalka Faransiisku. Baadhitaan ayaa lagu wadaa sababta dhalisay shilka sababay isku dhaca dhinaca hawada ee labada diyaaradood ayaa sheegay wasiirka difaaca, Florence Parly. Ilo wareedyo wasaarada gaashaandhiga laga helayo ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in diyaarad Helikobtar ah oo isku dhacday ay sababeen dhimashada lix sarkaal. Shilka ayaa ka dhigaya tirada 38 askarta Faransiiska ee lagu dilay Mali tan iyo faragalinta Faransiiska lix sano ka hor si ay gacan uga geystaan ​​dib u soo celinta amaanka iyo la dagaalanka kooxaha hubaysan ee ku hanjabaya inay dalka ka saarayaan. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Soo Bandhigay Khaladaadka Dastuuriga Ah Ee Ku Jiray Dhaartii Komishanka Doorashooyinka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook farriin ugu diray xeer-ilaaliyaha cusub ee qaranka ee uu madaxweyne Farmaajo magacaabya shalay. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi. Waxaan soo dhowaynayaa xeer ilaaliyaha cusub ee xilkaas weyn loo magacaabay shalay Md. Sulaymaan Maxamed, aqoon badan uma lihi balse xilka loo magacaabay ayaan aqaanaa iyo qaabkii siyaasadaysnaa ee xilkaas dano gaar ahaaneed ayadoo laga leeyahey loogu shaqaysan jirey uuna u fududeyn jirey ninkii asaga uga horeeyey. Waxaan xeer Ilaaliyaha cusub kula dardaarmayaa inuu xilkaas iyo waajibaadkiisaba u guto sida sharciga dalku qabo, oo aan laga dhigan aalad lagu shaqaysto ama lagu fushado dano siyaasadeed oo gurracan, asagoo ka tusaale qaadanaya in maalin un uu ka tagi doono, markaasoo xumaantii iyo gaboodfalladii uu ku kacey ay hortiisa ka muuqan doonaan, ayadoo sumacaddiisii iyo karaamadii uu umadda ku dhex lahaana oo dhaawacan uu ka huleeli doono xafiiskaas. Waa tallaabo horey loo qaaday in xafiiskii xeer ilaaliyaha guud isbedel lagu sameeyey, anigoo rajaynaya in guud ahaanba garsoorka dalku uu u baahan yahay dib u habeyn iyo isbedel la taaban karo, taasoo u suurtaglin karta hey’addaas mid hawlaheeda u gudata si ka madax-banaan hey’adda fulinta ee dawladda oo ah mid la siman garsoorka. Ugu danbayn Xeer Ilaaliyaha cusub waxaan kula talinayaa haddii uu xafiiskaas la iman doono dhaqan la mid ah midkii dadkii uga horeeyey xafiiska, waxa u dhaanta inuusan sumacadiisa meeshii uu ku dhaawici lahaa inuusan lugahiisa ku soo doonan, balse haddii uu sida uu yahey oo uu ku dhaaran doono uu u gudan doono xilkiisa, ha soo dhowaado waana midda aan u bogaadinayno xil magacaabistiisa.
  22. Burco(SL-): DegDeg: Gudoomiyaha GaashaanBuur Axmed Faarax, Bayle Iyo Faahiye Oo Beeniyay In La Casilay. Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shalay xilkii ka qaaday Xeer ilaaliyihii Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir isagoo xilkaas u magacaabay Sulayman Maxamed Maxamuud. Faah faahino dheeraad ayaa ka soo baxaya sababtii keentay xil ka qaadistiisa, toos oo ay inta badan dadka Soomaaliyeed dhinacyo badan u kala fasirteen. Maxamed Maxamuud Cadde oo ah weriye hore islamarkaana arrimaha siyaasadda ka faalooda ayaa sheegay in Axmed Cali Daahir uu dowladda ka ilaalin waayey qaladaad qaanuun, sida shaqadiisu ahayd, taasna ay horseeday in la beddelo. “Xeer ilaaliyihii Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu ku fashilmay in uu dowladda ku ilaaliyo qaanuunka oo aysan sameynin xadgudubyo balse waxaa dhacay wax aan la fileyn, kuwaas oo markii dambe sababay in maxkamad lala tiigsado Xukuumadda iyo aduunyada ay ka yaabto qaladaadka qaanuuniga ah ee dalka ka dhacaya,” ayuu yiri Maxamed Cadde. “Dowladdu waxay sameysay xadgudubyo waa wayn oo dastuuri ah, waxaana loo baahnaa in uu waxyaabahaas kala taliyo, kana horjoogsado, sidoo kale waxaa jira kiisas badan oo dowladda ku furan sida dad la dilay, dad la is hortaagay, arrimahaas oo dhan waxay aheyd shaqadiisa in uu qanuunka waafajiyo kana tala bixiyo” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde. Xil ka qaadista Xeer ilaaliyihii Guud ee Qaranka ayaa hadal heyn ka dhax-abuurtay bulshada Soomaaliyeed waxaana jira qoraalo kala duwan oo la isku dhaafsanayo Internet-ka. Dad badan ayaa aaminsan in arrintaan ay saameen wayn ku yeelan karto dacwadda Kiisa Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya inkastoo ay jiraan dad badan oo qaba in uusan saameyn ku yeelan doonin xil ka qaadistiisa, maadaama qareenada u doodaya Soomaaliya ay weli sidoodii yihiin.