Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah-furay Manhajka dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka isaga ka hadlay arrimo badan oo manhajka, ardeyga iyo guud ahaan waxbarashada dalka ah. Mr. Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar yihiin ilaa hal milyan oo buug iyo buugaag kale oo lagu hago macalimiinta oo gaaraya ilaa 102,000 Sida ay qortay Villa Somalia, buugaagta ayaa loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka. Dowladda federaalka ah waxaa ay si rasmi ah gacanta ugu heysaa ilaa 25 Iskuul oo ay dhigtaan 65 kun oo ardey, waxaase manhajka qaarkiis sida arrimaha bulshada in lagu dhigo Soomaali lagu dhaqaa iskuullada gaarka loo leeyahay ama ay maamulaan dalado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Cabdisamad Abwaan) oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso, ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in aysan Puntland waxba ka soo gaarsiin Deeqaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya. “Deeqda caalamiga ah Muqdisho ayay ku ururtaa, gacanta dowladda Federaalkayna ku jirtaa, waxaan ognahay Bakhaaro xiran oo deeq ah oo aan ka baqeyno in ay halkaa ku dhacaan oo ku expire-garoobaan” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari. Abwaan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay, in ay umadda Soomaaliyeed si siman u wada-gaarsiiyaan Deeqaha lagu soo qaato magaca Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku xeraysan yihiin bakhaaro waaweyn oo ku yaalla magaalada Muqdisho. “ Dowladda Federaalka, waxaan leenahay, Deeqda aad haysaan, oo bakhaarada ku xiran, oo dadka Soomaaliyeed la idiinku dhiibay idinku ma lihidine, umadda Soomaaliyeed u soo gudbiya sida ay tahayna u gaarsiiya, maalinta Qiyaamada adduun iyo aakhiraba waa wax la idinkula xisaabtamayo” ayuu sii raaciyay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya, si adag loogula xisaabtami doono Deeqaha ay Caalamka ka soo qaadaan ee bakhaarada ugu xeraysan, xilli dadka Soomaaliyeed ka baahan yihiin. Hoos ka daawo hadalka guddoomiyaha oo dhan PUNTLAND POST The post Cabdisamad Abwaan: Deeqda Caalamiga ah Muqdisho ayay ku ururtaa Puntland waxba kama soo gaaraan appeared first on Puntland Post.
  3. Khartoum (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa mar kale kasoo muuqday maxkamad xukunkeeda muran badan ka dhashay kadib markii ay isku soo baxeen dad badan oo isaga taageersan. Maxkamadda Al-Bashiir oo ku bilaabatay jawi dagan ayaa mar qura isku badashay qeylo iyo khalalaaso kadib markii ay maxkamadda isku gadaameen taageerayaal badan oo qeylo billaabay markii uu Garsooraha ku dhawaaqi lahaa xukunka. Waxay ku qeylinayeen in dacwadda ay tahay mid siyaasadeed, ka dibna garsooraha ayaa amray in ay ka baxaan maxkamadda gudaheeda, iyadoo arrintaas loo adeegsaday ciidamo tiro badan oo Boolis ah. Murankaas kadib maxkamadda ayaa Al-Bashiir ku riday laba sano oo xabsi iyadoo lagu helay in uu galay dembi musuq-maasuq. Balse waxaa yaab lahaa in maxkamaddu sheegtay inay Al-Bashiir la geyn doonin xabsi caadi ah, balse lagu hayn doono xuran dhaqan celin ah. Musuq maasuqa lagu helay Al-Bashiir ayaa waxaa ugu weyn $25 milyan oo dollar oo laga helay gurigiisa muddo yar ka dib markii xilka laga qaaday oo ay ciidamada Dowladda la wareegeen gurigiisa. Al-Bashiir oo maxkamadda horteeda ka hadlayey ayaa sheegay in lacagta $25 milyan oo dollar ay aheyd hadiyad uu ka helay boqortooyada Sacuudiga, si gaar ah wuxuu u tilmaamay inuu ka helay Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal sugaha Sacuudiga. Garoosraha Maxkamadda Al-Sadiq Cabdiraxmaan oo soo saaray xukunka ayaa yiri “Maxkamadda waxay dembi ku heshay Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir, Maxkamadda waxay go’aansatay in ay u dirto xarun bulsho oo loogu talagalay daryeelka iyo dhaqancelinta oo laba sano lagu hayn doono.” Bishii April ee sanadkaan 2019 ayey aheyd markii xilka laga tuuray madaxweyne Al-Bashiir kadib dibadbaxyo dhowr bilood ka socday jidadka waaweyn ee dalka Suudan.
  4. Nabaddoon Imaan Jimcaale Faarax oo ka mid ah ergadii dhawaan loo diiwaan geliyey soo xulista xulidhibaannada Galmudug ayaa sheeg in wasaaradda arrimaha gudaha ay ka saartay liiskiisa nabaddoonada ee ku sugan magaalada dhuusamareeb. Nabadoonka ayaa ku eedeeyey wasaaraddu in ay ka dhex wado nabaddoonada musuqmaasuq midkii ay rabtana ay soo xulanayso midkii aysan rabina ay a tageyso, waxaana uuna xusan in wasiirka booskii uu isagu ku jiray lagu badalay nin ka yimid qurbaha waxaana uu yiri ” Aniga magaceygu waxaa uu ku jiraa saxiixayaasha Numbarka 5-aad liiska adduunka oo dhan ayaa heysta kuwa rasmigaa ayaan ka mid ahay, aniga oo sugaaya inaan xaroodo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa ay soo saartay liis kale oo mardhow uu soo saaray wasiirku nin oday ah oo aan qaraabo nahay oo qurba jooga Ingiriiska dagan ayuu ku soo daray aan odayna dhaqan ama siyaasad ku matala beesha, wasiirka ayaana sameeyey arrinkaas” Sidoo kale Nabddoonka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in nabaddoonada dhexdooda ay ka jirto musuqmaasus iyo cadaalad darri bahsan ayna samaynayso wasaaradda arrimaha gudaha waxaana uu yiri” ” Arrinkaasi waa xadgudub, waa cadaalad darri, musuqmaasuq ayaa meesha ka jira, dowladda Soomaaliya musuqa ayaan la dirireynaa ayeey tiri lakiin wixii lagu heshiiyey oo ahaa Galmudug saxiixayaasheedu in ay aasaas noqdaan aniga ayaana ahaa ninka ugu mudnaa haddii Galmudug la abaal marinaayo” Dhanka kale Nabadoon Imaan Jimcaale Faarax ayaa xusay in faragelin baahsan lagu haayo saxiixayaasha Galmudug badalka asaga lagu sameeyey uu yahay mid ka socda dowladda dhexe gaar ahaa Villa Soomalia waxaana uu yiri” Faragelin ayaa lagu hayaa sixiixayaasha Galmudug waxaa faragelin ku haayo dowladda dhexe, wasaaraddeeda arrimaha gudaha, Villa Soomaalia ayuu ka socdaa arrinta aniga la igu badalay” Ugu danbeyn Nabadoon Imaan Jimcaale Faaraxayaa carabka ku adkeeyey in ninka lagu badalay uu yahay qof laga soo saxiisay Villa Soomalia uuna saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu yiri ” Ninka aniga la igu badalay oo odayga ah waxaa uu suuqa dhexdiisa la taagan yahay anigu waxaan wataa sixiixa Madaxweynaha dadka reer Galmudug waa ogyihiin” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka ayaa tilmaamay in Dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho, iyada oo loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka. Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda uu leeyahay manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh oo ay helaan da’yarta Soomaaliyeed oo 30-kii sano ee la soo dhaafay wax ku baranayey manaahij qalaad oo kala duwan. “Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo. Waa waajib dastuuri ah in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda waxbarashada iyo dib u soo kabashada dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bugaagta manhajka u qeybiyey ardayda wax ka barta Dugsiga Maxamuud Mire, isaga oo wax ka weydiiyey dhigaalka iyo casharrada manhajka, kulana dardaarmay in ay ilaaliyaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii waxa ay saddex laabtay qoondada miisaaniyadda waxbarasho ee dalka oo horey u ahayd 0.67, iyada oo haatan la gaarsiiyey ku dhawaad 10% miisaaniyadda guud ee dalka.
  6. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide. Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland, waxaana uu Madaxweyne Deni u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya amni iyo horumar. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha Puntland, waxaana uu tilmaamay in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga labada dhinac. View the full article
  7. Nawaal Maxamed oo ah Hooyo Soomaaliyeed ayaa sheegtay in muddo sagaal sano ah Sayigeeda uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla dalka Kuuriyada Koonfureed. Hooyadan oo heysta inan ayaa sheegtay in Sayigeeda la xiray iyadoo gabar yar ah, welina ay sugeyso, waxaana ay intaasi ku dartay in loo heysto Burcadbadeednimo. Sidoo kale Nawaal ayaa ugu baaqday dowladda federaalka inay ka caawiso, sidii uu xorriyaddiisa dib ugu heli lahaa ninkeeda oo muddo fog aynaan is arkin. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ww.mp3 View the full article
  8. Kadib markii ay Xukuumada Federaalku ay Shaaciyeen in Heshiis laga gaaray Khilaafkii Maamul u Dhisida Galmudug ayaa waxaa durba Arinta ka hadlay qaar kamid ah [...] Source
  9. SOMTURK Agro Expo 2019 oo ah bandhigga ugu weyn ee Ganacsiga, Waxsoosaarka Beeraha, Xoolaha & kheyraadka Quwadda looga maarmo adeegsiga Shidaalka ee dhalinta Korontada ama Layrka ee lagu qabto Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Furitaanka Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga oo ay hirgelinteeda iska kaashanayaan Jaamacadda Zazam ee culuumta iyo Teknolajiyadda iyo Shirkadda daabacaadda iyo xayeysiiska ee Signjet waxa kaqaybgalay Wasiirka ganacsiga iyo Wershadaha Eng: Cabddullaahi Cali Xasan, Shaqada & Shaqaalaha xildh: Saddiiq Warfaa, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waraabka & Beeraha Dr Xaamud, xildhibaano katirsan Baarlamaanka federaalka, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, kuxigeenka guddoomiyaha gobolka iyo shirkadaha ganacasiga ee bixiya waxsoosaarka iyo adeegga ee Soomaaliya. Maxamed Maxamuud Beerey oo katirsan Zamzam Foundation oo kaqaybgalay furitaanka Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa uga mahadceliyey dhammaan kasoo qaybgalayaasha Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga, isaga oo sidoo kalana u mahadceliyey shirkadaha ganacsiga ee kaqaybqaatay hirgelinta Carwada ganacsiga iyo Beeraha ee Soomaaliya iyo Turkiga sida Zamzam University, Zamzam foundation, Dahabshiil Group, Salaam Somali Bank, Save the children & Turkish airways. Xildhibaan Dr: Cabdi Cali madaxa guddiga nabadgelyada cuntada ee Baarlamaanka Soomaaliya oo hadal kooban ka jeediyey SOMTURK Agro Expo ayaa sheegay in waxsoosaarka Soomaaliya uu wajahayo mashaakil badan oo u baahan in dowladda iyo Hay’adaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay kaalin iyo gacan weyn ka geystaan sidii ilaha waxsoosaarka waddanku u yeelan lahaa awood u ku dhaqaaqo. Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ambassador Mehmet Yılmaz, oo hadal ka jeediyey munaasabadda furitaanka SOMTURK Agro Expo 2019 oo ay kaqaybgaleen ganacsato Turki ah ayaa u mahadceliyey hay’adaha taabbageliyey SOMTURK Agro Expo 2019 isaga oo dhiirrigeliyey dadaalka dib u hagaajinta Waxsoosaarka Beeraha iyo ganacsiga Soomaaliya. Wasiir kuxgeenka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Dr Xaamud ayaa dhankiisa sheegay in dadkii Soomaaliyeed ee beeraleyda ahaa ay barakacayaal ku yihiin Muqdisho ayna dhibaato kataagan tahay dhulkii beeraha iyo Webiyada. Carwada SOMTURK Agro Expo 2019 waxa ay ka soconeysaa magaalada Muqdisho maalmaha 14-15-16 – Dec-2019.
  10. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa la sheegay inuu ku fashilmay xil ka qaadis uu ku sameeyey xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo. Wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ayaa waxaa ka hor yimid guddooniye ku xigeenka gobolkaasi, guddoomiyeyaasha degmooyinka Luuq, Beledxaawo iyo Doolow. Cismaan Nuur Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga G/Gedo ayaa sheegay in markiiba horeba aysan wada shaqeyn toos ah la laheyn maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna tilmaamay in waayadii dambe ay xiriir fiican la lahaayeen dowladda dhexe. Xaaladda gobolka Mudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay aheyd mid kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaq siyaasadeed laga dareemayey gobolkaasi. Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan loo diiday inuu gudaha u galo degmooyin ka tirsan G/ Gedo. View the full article
  11. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay isagoo ku hadlaya afka Madasha ay ku mideysan yihiin Qaar kamida Xisbiyada Qaran ayuu wuxuu [...] Source
  12. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qayb galay furitaanka madasha Dooxa. Madasha Dooxa oo qorshuhu yahay in ay socoto maanta iyo berri, ayna kasoo qeyb geleen madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, ayaa waxaa furay amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay u tahay markii sedaxaad ee uu ka qayb galo ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  13. Iftiiminta Araggii Goob-joogga ahaa ee Bandhigii Buugaagta Laas-caanood. Qalinkii: Akram Cabdala Haddii aad ka maqnayd xafladdii caalamiga ahayd ee bandhigga buugaagta laascaanood, kaalay imikaba ila arag. Iftiiminta araggii goob-joogga ahaa. Waxaynu soo gallay magaalo bilic iyo baaxad leh, waa 10 december 2019 maalin salaasa ah. Daganaanshiyaha, amniga, jawiga xasiloon iyo dhulka barwaaqaysan, waa kuwo xasilinaya quluubta san-ku-neefle walba, waxa iyana na arka yidhi bulsho aad mooddo in loo carbiyey soo dhaweynta martida boqolaalka ah. Waa aroor daruuro irmaan dallaalimeeyeen magaalada, waxa horteenna iyo hareereheenna fadlinaya fardo ku xasuusinaya faraskii caanka ahaa ee xiin-finiin. Qurux weynaa! dad weynaha caleemaha qoyan lulaya, mashxaradda haweenka iyo sacabka dhawaaqiisu samada marayo ayey ku raaxaysanayaan dhageheennu. Magaalada intaa koobsatay waa Laascaanood oo ah caasimadda gobolka Sool. Hore aynu u soconno… Waxaynu kadinka ka galnay garoonka Cabdi Bile oo si weyn usoo jiidanaya indhaha aadamaha. Gudaha garoonka waxa laga sameeyey hool weyn oo si farshaxan ah loo sharraxay oo dhexdiisa si siman kuraas loo dhigay. Qalab dhamays tiranna ku dhan yahay. Madashaa bilicdeeda waxa kor usii qaaday dhalinyar hablo iyo innamo leh oo sida faraawilka ugu heemaalan fagaarahan loo buteeyey bandhigga buugaagta. Martidu waa abwaanno, culimo, hal-abuur, wasiirro, agaasimayaal, qurba-joog, hay’ado madax-bannaan, garaaddo, salaadiin, mas’uuliyiin, xildhibaanno, aqoonyahanno, fannaaniin, suxufiyiin iyo marti-sharaf badan. Martidu 65% waa soomaalilaand, inta kalana waa jigjiga, puntland, muqdisho, kenya iyo xubno ka socda qaramada midoobay (UN). Dhamaan iyagoo mabsuud ah ayey si nidaam u fadhiisteen kuraasta. ILAAHAY (SW) ayaa suura-galiyey in xafladdaasi si habsami ah u socoto muddo saddex maalmood iyo saddex habeen ah. Dadaalka ay reer laascaanood sameeyeen ka sokow, waxa 100% xusid mudan guddoomiyaha hay’adda (svo) cabdikariin siciid aw-cabdi oo si hagar-la’aan ah naf iyo maalba ugu huray, guntigana dhiisha iskaga dhigay qabsoomidda xafladda bandhiggan oo aan odhon karo waa bandhiggii ugu milgaha iyo sharafta badnaa ee ka dhaca waddanka somaliland. AlxamduliLAAH. Madasha bilicdasan ummadda joogtay lama wada magac-dhabi karo, balse waxay dadkii meeshaa ku sugnaa si kadiso ah ugu dhex arkeen laba shakhsi oo dhegaha iyo maskaxda ummadda soomaaliyeed taariikhdoodu ka buuxdo, waa ayo? Waa (hurre walanwal iyo laantii bari ee cambaro) oo qarni hore xusuus iyo raad aan tirmayn wacdarro ka dhigay carrada nugaal. Wallee naf waliba halkeega ayey ku mabsuudday. Waxaan xasuustay Kalmad uu abwaan Hurre Walanwal yidhi: “Hargeysa ha loo sheego in Laascaanood nabad tahay, hadday diidaanna ha loogu dhaarto” Lixdaa caana-maal 8:00 aroornimo ilaa 9:00 caweysnimo kala go’ muu lahayn bandhiggaasi. Lama daalayn lama dakaamayn lagama xiiso go’ayn oo waxaabad moodaysay in dadku rabaan in aanay dhamaan xafladdaasi. Maalmahan boqrani taariikhda baal dahab ah ayey ka galeen, wallee laascaanood mar kaliya ayey boqol tallaabo hore u qaadday, kun jeer waxa bogaadin mudan magaaladaa sida hufnaanta leh u marti qaadday boqollaalka qof Dadka reer Sool waxay muujiyeen gobonnimadooda iyo xariirta dadnimadooda. Waxa layaab noqotay, kumanaankii buug ee madashaa la keenay midh muu baaqan ee waa la wada iibsaday. Alaylehe xaddaarad iyo ilbaxnimo aan qarsoomayn ayaa ka hirgalay gobolka sool. Hal-doorkii goobtaa iskugu yimid, qof waliba si qiiraysan oo jibbo ka muuqato ayuu u burqaday. Mid gabya, mid qur’aan iyo axaadiis dareeriya, mid aqoon muujiya, mid heesa oo dhaanteeya, wallee farxad ayaa shaksi wal oo hadlay ku godladay cilmi iyo aqoonba. Layskuna baray oo kalgacal buuxa ayey martidii kala dhaqaaqday bandhiggaa. Qoraal iyo qoraallo, Lagagama gayoon karo muuqaalkii muunadda lahaa ee lixdaa caana-maal ka hillaacayey magaalada laascaanood. Bandhiggani nasri ayuu ahaa oo bulshadii reer laascaanood wuu mideeyey, waxaad mooddaa hal qof. Aan soo gaabiyee laascaanood xaqiiqdii horumar weyn ayey ku amba-baxday. Sooleey maanta waxaad tahay xiddigtii somaliland. ILAAHAYOW waa mahaddaa. Qalinkii: Akram Cabdala new #darwiish Qaran News
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-141219.mp3 View the full article
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka ayaa tilmaamay in Dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho, iyada oo loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka. Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda uu leeyahay manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh oo ay helaan da’yarta Soomaaliyeed oo 30-kii sano ee la soo dhaafay wax ku baranayey manaahij qalaad oo kala duwan. “Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo. Waa waajib dastuuri ah in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.” Madaxweynaha ayaa sheegay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda waxbarashada iyo dib u soo kabashada dalkeenna. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bugaagta manhajka u qeybiyey ardayda wax ka barta Dugsiga Maxamuud Mire, isaga oo wax ka weydiiyey dhigaalka iyo casharrada manhajka, kulana dardaarmay in ay ilaaliyaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii waxa ay saddex laabtay qoondada miisaaniyadda waxbarasho ee dalka oo horey u ahayd 0.67, iyada oo haatan la gaarsiiyey ku dhawaad 10% miisaaniyadda guud ee dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  16. MOGADISHU (HOL) -Somali President Mohamed Farmaajo Saturday unveiled over one million primary school books targeting 300,000 pupils countrywide. Source: Hiiraan Online
  17. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney socdaan qorsheyaasha lagu dedejinayo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug. Wasiirka wasaaraddan Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in ay ka go’antahay dhismaha Galmudug oo ay u dhanyihiin dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug ayna diyaariyeen qorshayaashii lagu dhameystiri lahaa arrintan. Wasiirka ayaa xusay in heshiiska lala galay Ahlusunna Waljamaca uu qeyb weyn ka qaadan doono dhameystirka dhismaha Galmudug, ayna sugayaan in beelaha ay soo dadajiyaan hannnaanka loo wajahayo dhismaha maamulka. “In Hanaankan maamul dhisidda Galmudug uu horey u dhaqaaqo mar hore ayay ahayd, balse howshan ayaa ku soo korortay oo ay ahayd in meel la saaro, mid, laga bilaabo maanta waxaan sii dar dargelineyaa dhismaha maamulka, qorshaha maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku xirnaan doonaan sida beelaha ay ku soo fududeeyaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa khamiistii heshiis la gashay culimada Ahlusunna Waljamaaca.
  18. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah-furay Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka. Madaxweynaha ayaa manhajkan ku daahfuray Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho, iyada oo loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa muujiyey muhiimadda uu leeyahay manhaj mideysan iyo waxbarasho tayo leh oo ay helaan da’yarta Soomaaliyeed oo 30-kii sano ee la soo dhaafay wax ku baranayey manaahij qalaad oo kala duwan. “Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo. Waa waajib dastuuri ah in aan u diyaarinno ubadkeenna Soomaaliyeed waxbarasho iyo mustaqbal wanaagsan.” Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda waxbarashada iyo dib u soo kabashada dalkeenna. Madaxweyne Farmaajo ayaa bugaagta manhajka u qeybiyey ardayda wax ka barta Dugsiga Maxamuud Mire, isaga oo wax ka weydiiyey dhigaalka iyo casharrada manhajka, kulana dardaarmay in ay ilaaliyaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2017-kii waxa ay saddex laabtay qoondada miisaaniyadda waxbarasho ee dalka oo horey u ahayd 0.67, iyada oo haatan la gaarsiiyey ku dhawaad 10% miisaaniyadda guud ee dalka. PUNTLAND POST The post Muqdisho oo lagu daah-furay wajiga 2-aad ee Manhajka dugsiyada appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynaha Dowlada Puntland oo Dalka Emaraatka howl shaqo ugu maqnaa ayaa maanta Dalka kusoo laabtay,saaka barqadii ayuu Madaxweynuhu uu kasoo degay Garowe. Madaxweyne Deni ayaa [...] Source
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahu Deni oo mudda 20 Cisho ah safar ugu maqnaa magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatiga, ayaa maanta oo Sabtiya dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku soo dhaweeyay, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda iyo maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe. Mudane Deni, ayaa markii uu Garoonka ka soo degay, wuxuu si toos ah ugu soo gudbay xarunta madaxtooyada, isagoo aan ka warbixin safarkiisi magaalada Dubai ee xarunta Gnaacsiga waddanka Imaraaadka Carabta. Madaxweynaha ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia oo uu shalay soo gaaray, waxaana uu halkaasi xalay kula kulmay Wasiirka Maaliyadda Ethiopia Axmed Shide. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  21. MOGADISHU (HOL) -The UN and other international partners in Somalia have welcomed the power sharing deal in Galmudug that will see Alhu Sunna Wal Jamaa get 20 seats in new parliament. Source: Hiiraan Online
  22. International Community has called on stakeholders to jointly work on the process form inclusive government in Galmudug State. In a statement, Somalia’s international partners welcomed the statements by the Federal Government of Somalia and the leadership of Ahlu Sunna Wal Jama’a (ASWJ) issued on 12 December. “We appreciate the tireless efforts made by the Federal Government of Somalia, ASWJ leadership and other concerned stakeholders to resolve points of difference through dialogue and compromise,” the statement reads in part. The partners encouraged all concerned to continue their efforts and underscore the importance of an inclusive process that reflects the aspirations of all the communities of Galmudug, and that results in a fair, credible and transparent outcome that is acceptable to the people of Galmudug “We believe this is an important step towards establishing a unified and stable administration in Galmudug, which will be essential in order to advance Somalia’s national priorities for 2020,” the international community said. .The statement jointly by African Union Mission in Somalia (AMISOM), Canada, Denmark, European Union, Ethiopia, Finland, Germany, Italy, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United Nations and United States. View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah Madasha Dooxa. Shirkaan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa daah-furay Amiirka Qatar, Tamim Bin Hamad Al Thani, iyadoo ay ka qeyb galayaan madax iyo hay’ado caalami ah. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu khudbad dheer ka jeediyo Madasha, taas oo uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka. Waa markii saddexaad ee uu Ra’iisul wasaare Khayre ka qeyb-galaayo Madasha Dooxa, isagoo goob-joog ahaa sanadihii 2018-kii iyo 2017-kii. Sidoo kale inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelan doonaa madaxda dalka Qatar iyo qaar kamid ah xubnaha kale ee ka qayb geleysa madashaasi. Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow saaxibada ula ah Soomaaliya, waxaana dowladda federaalka ay siisaa taageero kala duwan oo wax ku ool ah.
  24. (SLT-Muqdisho)-Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa qarka u saaran inuu is casilo, ka dib markii uu isbedel dhinaca dayn cafinta Soomaaliya ah kala kulmay dawladiisa. Waxa sidaas shalay baahiyay wargeyska Foreign policy ee caalamiga ah. Wargeysku, wuxuu sheegay inuu sidoo kale qarka u saaranyahay inuu burburo dedaal caalami ah oo lagu doonayay in daynta lagaga cafiyo Soomaaliya, kaas oo haddii uu guuldaraysto uu wargeysku saadaaliyay inuu wiiqi doono dedaalada dunidu ku doonayso inay Soomaaliya nabadii ku soo dabaasho. Wuxuu wargeysku sheegay in wasaaradda maaliyadda Maraykanku ay samaysay khalad uu sheegay inay ka dhalatay cadho badan oo sababaysa is casilaadda safiirka Maraykanka ee Muqdisho fadhiya, sida ay u sheegeen wargeyska saraakiil ka tirsan dawladda Maraykanka. Khaladka ka dhacay wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka iyo ta’ arrimaha dibadda, ayuu wargeysku ku sheegay inaanay wasaaradahani ku soo wargelin qorshaha dayn cafinta Soomaaliya xildhibaanada aqalka Koongareeska Maraykanka, si miisaaniyadda Maraykanak ee 2020 loogu darro. Lix sarkaal oo Maraykan ah ayaa wargeyska u sheegay sidan. Laakiin wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka oo uu wargeysku xidhiidh la sameeyay ayaa diiday inay ka jawaabto arrintan. Sidoo kale wasaaradda maaliyadda Maraykanka ayaan ka soo jawaabin taar uu wargeysku u diray. Masuuliyiin ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa waxa ay dawladooda ku dhaliileen sida ay uga gaabinayso in daynta laga cafiyo Soomaaliya, “Illaa iyo hadda waan rumeysan la’ahay in Soomaaliya oo karash iyo wakhti badan naga galay, ay dadaalladeenii ku burburaan khalad sidan u yar.” Sidaas waxa wargeyska u sheegay masuul ka tirsan dawladda Maraykanka. Wargeysku wuxuu sheegay in danjire Yamamoto ay arrintani ku qasbayso inuu ka fikiro inuu is casilo, waxase jira ayuu wargeysku tilmaamay dedaalo la doonayo in xal loogu helo arrintan. Qorshaha dayn cafinta Soomaaliya waxa muddo dabada ka riixayay dawladda Maraykanka, waxaana la diyaariyay Barnaamij la yidhaahdo HIPS (Heavily Indebted Poor Country ), oo nuxurkiisu yahay dal sabool ah oo dayn culus lagu leeyahay, waxaanu Barnaamijkani u baahanyahay in dhammaan dalalka daymaha bixiyaa oo uu Maraykanku ugu horeeyaa ay Soomaaliya ka cafiyaan daynta mar qudha, sida uu wargeysku sheegay, waana sababta uu Maraykanku caqabad ugu noqon karo daynta cafinta Soomaaliya, waxaanu Maraykanku Soomaaliya ku leeyahay lacag kord u dhaafaysa hal bilyan oo dollar. Source