-
Content Count
214,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The United Nations Food and Agricultural Organization (FAO) handed over 12 fishing vessels with inboard diesel engines to Puntland State authorities on Wednesday. The vessels are meant for local fishing co-operatives working on the Puntland coast. “The vessels are another contribution from the Coastal Communities Against Piracy (CCAP) Project, generously funded by the European Union, which works to develop a vibrant fisheries sector that harnesses the great potential offered by Somalia’s coastline by providing decent employment opportunities young people along the fisheries value chain,” said John Purvis, FAO’s CCAP Project Manager in Somalia. The boats will be distributed among various fish farmers in the state in an effort to boost their produce for income-generating activities. “Puntland state is committed to ensuring that these vessels contribute to generating income and opportunities to youth in the coastal communities of Puntland. We thank you FAO and the European Union for their longstanding and continued support to develop our fisheries sector,” said Abdiqani Gelle Mohamed, Minister of Fisheries and Marine Resources, Puntland State of Somalia. Despite having the longest coastline of Africa, Somalia’s fisheries sector still holds a huge potential to be developed. It is currently estimated to only account for roughly one percent of Somalia’s Gross Domestic Product. FAO believes developing a solid fisheries sector is crucial not only to put a halt to illegal activities in the sea but also for improving Somalia’s food security. The fisheries sector is key to boosting fish consumption among the population, thereby improving Somalia’s fragile food security situation. View the full article
-
Somalia’s international partners* (listed below) welcome the recent meeting between President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo and two former Presidents, Hassan Sheikh Mohamud and Sheikh Sharif, which discussed Somalia’s priorities and the importance of preserving open political space. They also welcome the consultations between President Farmaajo and more than 50 political parties, as a positive step to foster inclusive dialogue ahead of the 2020 ‘one-person, one-vote’ elections. We encourage further engagement among key stakeholders at both the national and Federal Member State level to ensure inclusive dialogue with a view to a broad consensus on peaceful, free, fair, transparent and credible ‘one-person, one-vote; elections which will be a historic moment in Somalia’s state-building process. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmay Mette Knudsen oo ah Safiiradda dowlada Denmark u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles . War-saxaafadeed ka soo baxay Jubaland, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ayaa Safiiradda warbixin kooban ka siiyay xaalada guud ee Jubbaland, doorashadii Jubaland ka dhacday iyo Xaalada Siyaasadeed ee hadda dalku marayo. War-saxaafadeedka ayaa intaasi ku daray, in madaxweynaha Jubaland uu safiiradda la wadaagay aragtida Jubbaland ee doorashada 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorasho loo wada dhanyahay maangalna ah loo suuro galin karo, taas oo uu sheegay inay u baahantahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale, Mrs. Mette Knudsen ayaa sheegtay in danta Soomaaliya iyo tan beesha caalamkuba kujirto in wada shaqeyn rasmi ahi dhex marto dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo dalkana loo xoreeyo argagixisada, sida lagu xusay war-saxaafadeedka Jubaland. Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyey dowladda Denmark mashaariicda hormarineed ee ay ka wado Jubbaland oo uu ugu horreeyo mashruuca Kalluumeysiga oo ay hay’adda DRC waxbadan ka qabatey. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay safiir ka socotay dowladda Denmark appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug ee dowladda Puntland, G/sare Jaamac Maxamed Axmed oo waresyi siiyay Puntland Post, ayaa eedayn kulul u jeediyay ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka Mudug oo uu sheegay in ay shalay weerar ku qaadeen Maxkamadda magaalada Gaalkacyo, islamarkaana xoog kula baxeen maxaabiis ku eedaysan in ay Khamriga ka ganacsadaan oo Maxkamaddu xukuntay. Taliyaha ayaa sheegay, in ciidan hubaysan oo Daraawiishta Puntland iyo malayshiya-beeleed ka kooban ay weerar ku qaadeen xarunta Maxkamadda degmada Gaalkacyo oo markaasi xukuntay laba eedaysane oo lagu helay ka ganacsiga Khamriga, kadibna ay gudaha Maxkamadda xoog ugala baxeen labadii xukmane. G/sare Jaamac Maxamed Axmed, ayaa tilmaamay in Booliiska magaalada Gaalkacyo ay weerarkaasi ku qabteen, mid kamid ah ciidankii Daraawiishta Puntland ee xoogga ku soo galay Maxkamadda, balse aan lagu guulaysan in la soo qabto labadii xukmane ee ciidankaasi kala baxeen gudaha Maxkamadda. Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Booliiska gobolka Mudug ay ka shaqeyn la’ yihiin, ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka oo uu ku eedeeyay in ay qeyb- ka yihiin Khamriga iyo daroogada la soo geliy gudaha magaalada Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi. Waxa kale oo uu caddeeyay, in uu dacwad ka dhana ciidanka Daraawiishta u gudbiyay Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Yuusuf, si wax looga qabto dhibaatada ay Gaalkacyo ka wadaan ciidanka Daraawiishta sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, Taliyaha ayaa ka warbixiyay in ka badan 1500 oo dhalo oo Khamriya, kaasi oo saaka lagu gubay Gaalkacyo, kadib markii ay soo qabteen ciidanka Booliiska gobolka Mudug. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Ciidanka Daraawiishta Puntland oo weerar culus ku qaaday Maxkamadda Gaalkacyo ayaa xoog kula baxay maxaabiis xukman appeared first on Puntland Post.
-
The fiftieth anniversary of the military coup that cut short Somalia’s experiment with parliamentary democracy stirs up passions in Twittersphere. Views exchanged by those still enamoured of the kacaan (revolution) day and those who find it abhorrent to this day realise that 280 letters cannot deliver a nuanced view of a regime that bit the dust nearly 29 years ago. The zeal with which each camp presented its view reminded this columnist of Chou En Lai’s dictum on the French Revolution (some say it was about 1968 student revolt): It is too early to tell about the impact of the Revolution. The impact of the Somali military coup runs deep in the Somali political discourse. Is the failure to reflect on that fateful day in a level-headed manner to do with the language Somalis use to discuss their politics? Language here does not refer to the mother tongue of Somalis upon which the military regime bestowed dignity of orthography in 1972. It alludes to terms used to describe a political phenomenon. One of those terms is kelitalisnimo (Dictatorship) which was never allowed to feature on the government-run mass media. Fifty years is a long time in a country’s history. The military regime inherited a system nurtured and run by civilian leaders. Armed opposition movements that toppled the military regime had not shared post-dictatorship goals. Unlike the military commanded by Major Mohamed Siad Barre before overthrowing the civilian government, the opposition did not have one leader able to steer Somalia towards a more prosperous and democratic path. Those facts might make kacaan enthusiasts look winners in tweet exchanges. The military regime was autocracy. Sam Hill defines “autocrats as those who came to power and held on to it through undemocratic means. It turns out badly 99% of the time, measured both by the rights of people in those countries and their economies. ” According to Simon. 99 % of autocracies resulted in failed or failing states. State collapse followed the ouster of the military dictatorship. To many Somalis it is difficult to be on the guard against the military regime’s approach to history. The regime described its predecessor government as dowladdii musuqmaasuqa (the corrupt government) and yet corruption reached its zenith under the military regime. Major General M. S. Barre In Monetary and Exchange Rate Policies 1960-2001, Mohamed Dalmar Abdurahman recounts how the junta abolished the Somali Central Bank Law that prevented civilian leaders from printing money or using Somalia’s hard currency reserves. The military regime leaders reneged on their promise to return to barracks. To stay in power longer than desired in the national interest is an indefensible argument. That is partly why the 1991 political change was both violent and fruitless . © Puntland Post Monthly, 2019 The post In Coup D’etat We Trusted appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada. Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa iska xog-wareysan doona qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka. Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka soo qeyb galaya shirkan. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo u safray Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Minneapolis (Caasimadda Online) – Dab xooggan ayaa ka kacay dhismo ay deganaayeen dad u badan Soomaali, kaasi oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka. Wararku waxay sheegayaan in dabkan uu si gaar ah uga kacay dabaqa 14-aad ee dhismo ka kooban 25 dabaq, waxaana la sheegay in halkaasi ku dhinteen Shan qof oo Afar qof Soomaali yihiin, sidey sheegeen Soomaalida ku nool magaaladaasi. Maxamuud Noor oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Minnesota ayaa waxaa ay sheegay in dadka badi ay u geeriyoodeen Neefta oo ku xirantay sababo la xiriira qiiqa dabka oo aad u badnaa. Waxaa soca baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan sababta keentay in dabkan uu kaco, iyadoo ciidamada Booliiska ay howshaasi wadaan. Xaafaddan uu dabka ka kacay ayaa loo yaqaanaa Muqdisho yareey, marka la’eego sida ay Soomaalidu ugu badan yihiin.
-
Shirkii Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga Guud ee Puntland, Wuxuu Goluhu Baaq Nabadeed u diray xaaladda colaadeed ee ka jirta deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag iyadoo Goluhu uu uga digey cidkastoo hurinta ka qeyb qaadanaysa in ay ka waantowdo. Goluhu wuxuu warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada oo ka warbixisay waxqabad la xiriira guulaha laga gaaray joojinta xaalufka deegaanka, iyo Guddiga kala-xadeynta Shaqooyinka Hayáddaha iyo Wasaaraddaha oo iyana Golaha usoo gudbiyey qorsheyaasha shaqo ee ay dejisteen iyo siday u kala horeeyaan. Arrimaha kala ee laga hadlay waxaa ka mid ah saameyntii roobabakii ka da’ay gobolada Gardafuu, Sanaag iyo Cayn iyo halka uu marayo gurmadka loo fidinayo goboladaasi. Ugu danbeyn Goluhu wuxuu soo jeediyay in Guddiyada Xukuumadda ee ka kooban Afarta Guddi ay Baarlamaanka uga warbixiyaan waxqabadkii xukuumadda ee 9kii bilood ee u danbeeyay, taasi oo qeyb ka ah wadashaqeynta Goleyaasha Dowladda iyo in Shacabka lala wadaago waxqabadka xukuumadda. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaya magaciisa iyo Kan Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Axmed Kheyr oo ku geeriyoodey magaalada London ee dalka Ingiriiska. Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Axmed Kheyr waxa uu soo noqday Wasiir Amni iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, waxaana uu ka mid ahaa haldoorka Puntland ee bud-dhigga u ahaa aas-aaskii Puntland, waxa uu door wanaagsan ka qaatay nabadda, xasiloonida iyo dhismaha ciidanka Booliska Puntland. Waxa uu ku suntanaa karti, hufnaan iyo wadan jacayl. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa uu si gaar ah tacsi ugu dirayaa shacabka Puntland, ciidanka qalabka sida ee dowladda Puntland, gaar ahaan ciidanka Booliska Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Marxuum Yuusuf Axmed Kheyr, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, uuna deris uga dhigo Suubanihii Rasuulkeena Maxamed SCW. DHAMMAAD The post Ku simaha madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Gen. Yuusuf Axmed Kheyr appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Soomaaliya, oo sheegay in ay fulinayaan amar ka soo baxay Ra’iisul wasaare xukuumadda Federaalka Xassan Cali Khayre, ayaa gebi ahaanba joojiyay qorista Shaqaale cusub. Qoraal ku taariikhaysan 24-ka bishan November, oo ka soo baxay Guddiga laguna socod-siiyay dhammaan hay’adaha dowladda Soomaaliya, ayaa lagu wargeliyay in aan wax shaqaale ah la qorin karin ilaa iyo amar dambe. Guddiga ayaa sheegay, in wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda lagu wargelin doono xilliga ay munaasib noqoto qorista shaqaale cusub, balse wixii intaas ka horreeya la joojiyay qaadashada shaqaale cusub. Hoos ka akhriso qoraalka Guddiga PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo joojisay qorista Shaqaale cusub ilaa amar dambe appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobalka Saaxil Oo La Xidhay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Hargeysa)-Wararka aan ka helayo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxa ay sheegayaan in hadda xabsiga loo taxaabay guddoomiyahii Xisbiga WADDANI ee gobalka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali. Sababta loo xidhay illaa hadda lama oga, balse wararku waxa ay intaa ku darayaan in aan xadhigiisu la xidhiidhin murankii u dhexeeyay Xukuumadda iyo Xisbiga WADDANI Source -
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Guddoomiyaha Xisbiga ONLF C/raxmaan Maadeey iyo xubno la socday. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu hambalyeeyay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga ONLF C/raxmaan Maadeey oo dhowaan lagu doortay magaalada Godey. Qoraal kooban oo ka so baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu xaqiijiyay kulankaan oo lagu sheegay inuu ahaa mid ay kasoo baxday natiijo iyo is afgarad. “Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka gudoomiyaha Xisbiga ONLF iyo xubno kamid ah wafdigiisa kula kulmey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya” ayaa lagu yiri qoraalkaan. Labada dhinac ayaa yeeshay is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo isku wadida bulshada dal iyo dibadba, waxaana uu ku soo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Jubbaland. “Kulankan oo ahaa Hambalyo madaxweynuhu ugu hambalyeynayay doorashada gudoomiyaha cusub ee xisbiga ONLF mudane Cabdiraxmaan Maadey, is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo iskuwadida bulshada dal iyo dibadba ayaa kusoo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Jubbaland. Kulankan ayaa ahaa mid la sugayay inay labada dhinac yeeshaan, iyadoo qaar ka mid ah warbaahinta dalka Itoobiya ay qoreen in kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo Guddoomiyaha ONLF ay qaban qaabisay dowladda Kenya. Madaxweynaha Jubbaland oo doorashadii uu ka soo laabtay muran badan ka dhashay ayaa maalmahaan ku sugan Nairobi halkaasoo uu kulamo kula leeyahay Mas’uuliyiinta dowladda Kenya iyo wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay Nairobi.
-
Dab xooggan ayaa ka kacay dhismo ay deganaayeen dad u badan Soomaali, kaasi oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka. Wararku waxay sheegayaan in dabkan uu si gaar ah uga kacay dabaqa 14-aad ee dhismo ka kooban 25 dabaq, waxaana la sheegay in halkaasi ku dhinteen Shan qof oo Afar qof Soomaali yihiin, sidey sheegeen Soomaalida ku nool magaaladaasi. Soomaalida dhimatay ayaa badi sababsaday sida la sheegay neefta oo ku dhegtay, maadaama ay waayeen goob ay ku baxsadaan, ama ay hawo ka helaan. Waxaa soca baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan sababta keentay in dabkan uu kaco, iyadoo ciidamada Booliiska ay howshaasi wadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- Minneapolis)-Ugu yaraan laba qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad ka kacay dhisme ku yaalla magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Waaxda caafimaadka gobolka ayaa shaacisay magacyada afar ka mid ah shan qof oo dabkaas ku dhintay waxaana ay kala yihiin; Jerome Stewart, 59jir ah; Nadiifa Maxamuud, 67 jir ah; Maryan Maxamed Maxamuud, 69 jir ah; iyo Amatalah Adam, 58 jir ah. Maryan Maxamed Maxamuud, iyo Nadiifa Maxamuud ayaa la xaqiijiyay in ay Soomaaliyihiin,kuwaas oo degganaa dhismaha uu dabka ka kacay. Maryan Maxamed waxaa ay degganeyd dabaqa 27aad ee dhismaha,waxaana neefta ku celiyay qiica ka dhashay dabka sida ay sheegeen hay’adaha gurmadka. Laba Gabdhood oo ay dhashay ayaa isku dayay in ay hooyadood u gurmadaan waxaana loo ogolaaday in ay tagaan qeybta hooyadood degganeyd laakiin markii ay marayaan dabaqa 17aad ayey hooyadood oo kor ka soo carartay ku waayeen qiica. Fardowsa Yuuruf oo ah mid ka mid ah labada Gabdhood ayaa sheegtay in Hooyadood intii ay nooleyd ku dardaarantay in lagu aaso Soomaaliya, haddana ay qaban qaabinayaan sidii ay dalka ugu soo celin lahaayeen. Nadiifa Maxamuud, ayaa qaban qaabada aaskeeda waxaa uu ka socdaa Magaalada sida uu sheegay Imaamka Masaajidka Daarul Hijra Shariif Maxamed. Dabaqa ayaa la sheegay in ay ku noolaayeen dadka da’da ah iyo dadka kaligood nool, halkaas oo ay sidoo kale dhowr qof oo kale ku dhaawacmeen. Source
-
Ankara (Caasimadda Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaaray heshiis cusub oo is-afgarad ah, kadib socdaal uu dalkaasi ku gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa maanta wadahadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu magaalada Ankara, iyagoo kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood ee Somalia iyo Turkiga. Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh. Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir ayaa waxa uu ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, is-dhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga. Qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavasoglu ayaa sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen uu sii xoojin doono iskaashiga ka dhaxeeya labada Wasaaradood, isla markaana mar walba ay taageeri doonaan walaalaheena Soomaaliyeed sida uu yiri. “Waxaan ka wada hadalnay xiriirkeena wanaagsan iyo arrimaha gobolka Wasiirka Arrimaha dibadda walaalkey Axmed Ciise Cawad, heshiiska aan la saxiixaday waxaa uu soo xoojin doonaa iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradaheena”ayuu yiri Mevlut Cavasoglu. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011kii markaas oo macluul daran oo ka jirtay Soomaaliya oo Madaxweynaha Turkiga oo xilligaas ra’isalwasaare ahaa yimid Muqdisho kana billaabay gargaar iyada oo Turkigu kaddibna sii ambaqaaday taageerada Soomaaliya ee amaanka, dib u dhiska, Waxbarashada, Ganacsiga iyo wixii la mid ah.
-
(SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay xilliga kama dambeysta ah ee ay ku dhawaaqeyso ololaheeda ay ku dooneyso kursiga aan joogta ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Jabuuti ayey ku sheegtay in iyada oo cuskaneysa xeerarka Midowga Afrika ay han sare ka leedahay kursiga golaha ammaanka ee mudda xileedkiisu yahay 2021 ilaa 2022. Howlgalka Jabuuti ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in 5ta Bisha December ay si rasmi ah ugu dhawaaqayaan musharraxnimadooda iyaga oo caalamka ka codsaday in lagu taageero kursiga oo uu tartan adag kala dhaxeeyo dowladda Kenya. Jabuuti ayaa sheegtay in khibradaha ay ka heysato Ururrada Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay dhaam xubin ka tahay wax badan uga tari doono xaaladaha ku gedaaman caalamka. Howlaha ay soo qabatay Jabuuti ee ku jira war-saxaafadeedka waxaa ka mid ah dadaalladeeda nabad dhlinta Soomaaliya sida howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka tahay iyo shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee laba jeer ka dhacay dalkaas. Source
-
(SLT-Dubai)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta u qaabilsan Tababarka iyo Taakuleynta ciidanka Puntland ee PMPF. Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qanciyay, in ay sii wadaan Qandaraaska shirkadda PDG oo dowladda Imaaraadka ay adeega iyo Saadka u soo marin jirtay ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa bishii June ee sannadkan hakisay Logistic-kadii ay ciidanka PMPF u soo marin jirtay shirkaddaasi PDG, kadib markii uu khilaaf ba’an soo kala dhex-galay Saamileydii ku midaysnaa PDG, islamarkaana uu khal-khal ku yimid hawlihii shirkaddaasi. Sidoo kale, saraakiisha Imaaraatiga ayaa wakhtigaasi ku hanjabay, in ay gebi ahaanba Qandaraaska kala laaban doonaan shirkadda PDG, kadib markii la xallin waayay khilaafka u dhexeeya Saamileyda ku midaysan Shirkadda. Balse, madaxweynaha Puntland ayaa sida la sheegayo mas’uuliyiinta Imaaraadka u xaqiijiyay, in xal rasmiya laga gaadhay khilaafkii u dhexeeyay Saamileyda PDG, isagoo ku qanciyay in ay sii wadaan Qandaraaska PDG ee Taakuleynta ciidanka PMPF. Wararku waxay intaas ku darayaan, in madaxweynuhu safarkiisi soo geba-gabeeyay, isagoo la filayo in uu maalinta Sabtida soo socota dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland. Source
-
Madaxweynaha iyo safiirka Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya mudane Benfender ku qaabiley hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Kulanka dhexmarey Madaxweynaha iyo safiirka ayaa laga wadada hadley xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo arrinta ay DFS ahi ka wado qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo. Madaxweyne Axmed ayaa sheegay in nooca doorashada 2020/2021 loo baahanyahay inay noqoto mid dastuurka waafaqsan Soomaaliduna kuwada qanacsantahay, taas si loo xaqiijiyana ay u baahantaahay in loo maro wadada ugu munaasibsan ee ay bulshada Soomaaliyeed kuwada qanacsanyihiin, hor u socodka dalka iyo nidaamka dowladnimana laga dhex arki karo. Safiirka Dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiriir wadashaqeyneed iyo isfahan rasmi ah ay gaaraan Dowlada federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si horumar dhankasta uu dalku u gaaro doorasho loo wada dhanyahayna dalka uga dhacdo taas oo uu safiirku si gaar ah madaxweynaha uga codsadey inuu uga shaqeeyo sidii xalwaara looga gaari lahaa arrintaas. Sidookale Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kawada hadley dhaqdhaqaaqyada sharciga baalmarsan ee ay Dowlada federaalku ka wado gobolka Gedo, taas oo la isla qirey inay tahay faragelin qaawan oo aan sal iyo raad kulaheyn dastuurka dalka cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda qaadeyso DFS. Ugu danbeyn safiirka dalka Ingiriiska ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey sida Madaxweynuhu muhiimada gaarka ah u siiyey adkeynta amniga iyo la dagaalanka argagixisada ee deegaanada Dowlad goboleedka Jubbaland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in dhankooda ay dhaqan geliyeen dhammaan qodobadii lagu heshiiyey 14-kii November ee sanadkan. Qoraalka waxaa lagu xusay in duulimaadyada ka taga Muqdisho ay toos u tagi-doonaan Nairobi halka kuwa meelaha kale ka yimid mari doonaan Wajeer. Dhanka kale, dal ku galka diblomaasiyiinta, shaqaalaha dowladda iyo xildhibaannada ayaa lagu bixi doonaa Airportiga Nairobi. Source: goobjoog.com
-
A couple of years ago Dr Abdirahman Duale Beileh , the Finance Minister of the Federal Government of Somalia, wrote a popular called Soomaaliya Waa Mashruuc (Somalia is a Project). When the Somali National Television played the song Dr Beyle had been the Foreign Minister of a Government unable to rein in run- away corruption. Dr Beileh at Brookings Institution Dr Beileh extolled the use of mobile money in Somalia despite the fact that the mobile money in circulation in Somalia is denominated in US Dollars. In 2014 the first post-transition government of President Hassan Sheikh Mohamud drew up a plan to print Somali Shillings in Sudan. The plan has not come to fruition. State collapse meant that no authority has a powers to print Somali Shillings that can be viewed as a legal tender throughout Somalia. In such a monetary situation the national currency of Somalia cannot be fully fungible, one of the criteria for money to be a unit of account. At Africa Growth Initiative at Brookings Doha Center Brookings Growth Summit Dr Beileh pounced at the opportunity to differentiate the incumbent Federal Government from its predecessor and Federal Member States. He questions on what basis Somalia, a homogeneous country, has adopted federalism. He said that citizens were not keen on federalism. “Only regional leaders are” he added. A catalogue of achievements attained by the Federal Government predisposes Dr Beileh to get gung-ho about centralism. The Federal Government embarked on successful security reforms that save roughly US$ 10 million previously pocketed by corrupt commanders and managers in the name of phantom soldiers and civil servants in Mogadishu and nearby regions. At an event for the Somali community in USA, Dr Beileh vowed to sue any organisation that describes the Federal Government as corrupt. ” Every year we meet the targets set for us in revenue generation. We follow strict and transparent procurement procedures” the Finance Minister added. There is a risk that progress in governance may unravel if the Federal Government uses its political platform to deride foundations upon which it is standing. © Puntland Post Monthly, 2019 The post Federalism-bashing Finance Minister of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Delhi)-Diblumaasi sare oo u dhashay dalka Hindiya ayaa ku baaqay in maamulka Delhi uu la jaanqaado hanaanka Israa’iil deegaameynta kaga wado dhulka Falastiin. Muuqaal socday in ka badan hal saac oo la soo dhigay baraha Bulshada ayaa qunsulka Hindiya ee magaalada New-York Mr Sandeep Chakravorty, wuxuu ku baaqay in dowlada ay dib u dajin uga sameyso shacabka Hinduuga gobolka Kashmiir. Isaga oo la hadlayay koox Hinduu ah oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa wuxuu sheegay in xaalada amni ee gobolka Kashmiir ay kaliya ku soo hagaagi karto arintaan. Arintaan ayaa waxaa ka cadhooday shacabka muslimiinta ee gobolka Kashmiir, oo afartii bilood ee la soo dhaafay uu saaran yahay bandow. Mr Chakravorty ayaa yidhi ma ogi sababta aan u raaci la’nahay wadada Israa’iil haddii shacabkooda si nabad ah ugu nool yihiin anagana waan awoodnaa si la mid ah in aan sameyno ayuu yidhi. Hindiya ayaa kumanaan Askari bishii Agoosto u dirtay gobolka Kashmiir iyadoo wacad ku martay in ay la dagaalami doonto waxa ay ugu yeedhay kooxaha Argagixisada. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida lagu qoray Defenceweb, Shirkadda soo saarto Gaadiidka kala duwan ee Ciidanka ee lagu magacaabo Navistar ayaa waxaa la siiyey mashruuc ay gaadiidka dagaalka ku geyneyso Soomaaliya . 25 Bishaan November ayaa shirkadda Navistar la siiyey heshiis ku kacaya $26 748 087 Milyan oo dollar oo ay ka heshay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, waxaana lagu sheegay heshiiskaas inuu yahay mid qiimihiisu go,an yahay. Shirkaddaan ayaa lagula heshiiyey inay Ciidanka Soomaaliya usoo saarto laba nooc oo ah gaadiidka ciidamada oo dhex dhexaad ah oo ah kuwa ganacsi ahaan loo soo saaro gaar ahaan noocyada 6×6 General Transport Truck iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck oo wato qalabkii lagu dayactiri lahaa. Sida heshiiska dhigayo Shirkadaan ayaa laga doonayaa inay gaadiidkaas iyo qalabka dayactirka ay Soomaaliya gaarsiiso sanadkan 2022 laguna wareejiyo Dowladda Soomaaliya. Gaadiidka la filayo inay shirkadaan Soomaaliya keento ayaa waxaa kamid ah 7000-MV oo ah kuwa qaado xamuulka dhulka ayna isticmaalaan inta badan ciidamada Dowladaha Adduunka. Gawaaridaan ayaa la sheegay in midkiiba uu qaadi karo culeys gaarayo ilaa 5 Tan, waxaana xusid mudan inuu leeyahay qol lagu keediyo hubka, waxaana markiiba raaci karo 20 Askari, waxaana sidoo kale kamid ah gawaaridaas kuwa qaadi karo illaa 13 Tan, Askari iyo Kunteenarada sahayda loogu qaado ciidamada. Gawaaridaas la filayo in Soomaaliya la keeno ayaa waxaa kamid ah mid si weyn u anfici doono Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirto Al-Shabaab, waana Wrecker oo ah Gaari la tacaali karo miinooyinka jidadka lagu aaso, sidoo kalana ka hor tagi karo gantaalada kala duwan waxayna leeyihiin goob ay isku badbaadin karaan 2 ilaa 3 Askari marka lala helo Qarax, wuxuuna qaadi karaa illaa 36 Tan. Gaarigaan ayaa waxaa ku xiran qalab Balastic ah oo lagu magacaabo ‘Incrovised Explosive Devise (IED)’ kaasoo qabanayo shaqada ah in la qaboojiyo qaraxyada iyo miinooyinka lala beegsado, wuxuuna ku xiran yahay qeybta dambe ee gaariga. Mareykanka ayaa Soomaaliya siinayey kaalmo military si ay uga qeyb qaadato dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, balse waxay joojisay Bishii December 2017 markii Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay ku fashilmeen inay soo gudbiyaan xisaab xirka cuntooyinka iyo Shidaalka la siin jiray Ciidamada balse waxaa dib loo bilaabay Bishii July ee sanadkaan inkastoo aysan aheyn sidii markii hore looga bartay. Dowladda Mareykanka ayaa adkeysay joogitaankeeda Militari ee Soomaaliya sanadkii 2006, waxayna saldhigyo ku kala leeyihiin Kismaayo iyo Balidoogle halkaas oo ay ka qaadaan weeraro lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Saldhigga ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya ayaa ah midka Balidoogle, waxaana ku socdo dhismo casri ah iyadoo lagu bixiyey 12 Malyan oo Lacagta mareykanka waxaana la filayaa in la dhameeyo dhammaadka sanadkaan. Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin heshiiskaas Soomaaliya lagu keenayo Gawaarida dagaalka oo casri ah, waxaana xusid mudan haddii ay arrintaas suurta gasho inay ciidamada Dowladda ka caawin doonto dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab. Soomaaliya weli waxaa saaran cunaqabateynta hubka, mana helin ciidamada Dowladda Soomaaliya qalab casri ah tan iyo burburkii Dowladdii Siyaad Barre, waxayna taas keentay inay ciidamada Dowladda ka adkaan waayaan Al-Shabaab oo ka taliyo deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya.
-
(SLT-Nairobi)-War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya kaas oo u muuqday in la soo gaadhsiiyey Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in Kenya dhaqan gelisay heshiiskii ay dhawaan wada galeen Madaxweynayaasha labada dal. Sida lagu sheegay qoraalkan waxaa ay dowlada Kenya bilowday inay joojiso duulimaadyadii sida tooska ah ugaga soo baxay magaalada Muqdisho inay soo maraan magaalada Wajeer iyo in sidoo kale diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan marka ay tagaan dalka Kenya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa caddeysay in diyaaradaha toos uga dagayo Nairobi ay yihiin kaliya kuwa Muqdisho kasoo dhoofo balse kuwa kale ay mari doonaan Magaalada Wajeer. Sidoo kale Kenya ayaa raja waxaa ay ka muujisay in Soomaaliya ay dhankeeda dhaqan gelin doono heshiiska Madaxweyne Farmaajo iyo uhurru Kenyatta ay ku wada galeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Source
-
Popular Contributors
