-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Al-Shabaab has claimed responsibility for two separate attacks in Galkayo and Bossaso, both located in Somalia’s northeastern Puntland. The first attack in the northern part of Galkayo on Sunday night was used two grenade bombs targeted a police station, wounding two soldiers and one civilian, residents said. Al-Shabaab also claimed responsibility for an assassination in Bossaso, the commercial capital of Puntland. The militant group said its fighters killed Mohammed Ahmed working with a security firm. View the full article
-
The geology of offshore Somalia is proven— and fresh details attracted even more attention at Africa Oil Week in November—as the country prepares for its much-delayed first licensing round in December. Source: Hiiraan Online
-
Galmudug police clash with armed militias in Godinlabe village located between Dhusamareb and Adado districts in the central Galgadud region on Monday. The fighting came after armed militias attacked a humanitarian aid distribution center in the area. At least three people were injured in the clashes between the two sides, local sources have confirmed. There has been no statement yet from the local administration about the fighting. The situation was reported to be tense, with local residents reporting the battle could erupt at any time again due to the esclation. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Haweenka iyo Xuquul Insaanka Soomaaliya Samra Ibraahim Cumar, ayaa shalay xirtay waddada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho oo k amid ah kontaroolada laga ilaaliyo Villa Somalia. Samra ayaa gaarigeeda oo qooqan ah ku dhax baakintay laamiga, si aysan gaadiidka isaga gudbin, waxayna arintaan ka dambeysay kadib markii loo diiday in ay ilaaladeeda la marto wadada hormarta Madaxtooyada. Muddo ku dhaw 30 daqiiq dood taagneed ayaa sababtay in xoog looga reebo ilaaladii la socday kadib markii qoryo lagu qabtay wiilasha, waxayna kadib ay darawalkeeda ku amartay in uu gaariga ku dhax Baakimo laamiga, iyadana ay dhaxda ka fariisatay waxayna gashatay Log, kadib waxay ciidamada ku tiri “kaalay dhaqaajiya gaariga.” Ciidanka ilaalada madaxtooyada ayaa u waayay xal markii ay gaadiidka isaga yimaadeen labada dhinac ee laamiga oo Jaam ka abuurmay agagaarka madaxtooyada ayey qaateen go’aan kale. Sarkaalka hogaamiya ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee ku sugan Xaawo Taako iyo Tiyaatarka Qaranka ayaa go’aansaday in bir ku go’aaneed laamiga dhinaca tiyaatarka laga qaado, taas oo la dhigay bishii December ee sanadkii hore, markaas uu dhacay qaraxii ay ku dhinteen dad uu kamid ahaa Weriye Cawil Daahir Salaad, si Jaamka meesha looga qaado maadaama aysan waxba ka galin go’aanka Wasiiradda. Dood dheer kadib waxaa mesha ka baxday Samra Ibraahim Cumar oo ah wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka lamana oga waxa lagu dhameeyay arintii taagneed waxaase loo diiday in ay la gudubto ciidankii la socday. Hoos ka daawo sawirrada dhacdada
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo kasoo dhoofay dalka Qatar, ayaa soo gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland, oo uu uga qayb gelayo madasha qaxootiga adduunka oo maanta furantay. Madasha Qaxootiga adduunka oo la qabanayo markii ugu horreysay ayaa ah fursad mabaadii’da mas’uuliyad wadaagga caalamiga ah ee qaxootiga loogu bedelayo ficil, laguna soo bandhigayo ballan qaadyo, tabarrucaad, sidoo kalana la isku dhaafsado khibradaha dalalku u leeyhiin arrimaha qaxootiga. Wasiirrada qorsheynta iyo gargaarka iyo mas’uulyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya ka qayb galka madasha qaxootiga adduunka oo soconeysa mudda sedax maalin ah oo ku eg Deseembar 18, 2019. Ka qayb galayaasha ayaa ka hadlaya xaaladda taagan iyo sida loo xoojinayo ka jawaabidda caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga iyada oo addunyada dacalladeeda ay ku suganyihiin Malaayiin qof oo ay saameeyeen dagaallo, rabshado iyo dhibaatooyin kale. Tirada qaxootiga dunida ayaa kor u dhaaftay 25 mliyan, waxaana Soomaaliya ku nool 35,438 ruux oo isugu jirta qaxooti iyo dad kale oo megengalya doon ah. Madasha ayaa sannadkaan diiradda lagu saarayaa isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca. Soomaaliya ayaa madasha ka cadeyneysaa in ballan qaadkeeda diiradda lagu saarayo sedax arrimood oo kala ah, isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadda, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha iyo xaluusha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Geneva kaga qeyb gelaya Madasha Qaxootiga Adduunka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Boorama)-Wararka ka imanaya magaaada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeedo xadhiga Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo ay ciidamada Boolisku xabsiga dhigeen shalay. Dibadbaxan ayaa ka dhacay saaka xaafada Sisibta ee magaalaa Boorama, waxaanay dadkaasi shacabka ahi ay dalbadanyaan in xuriyadiisa dib loogu soo celiyo Suldaanka la xidhay. Dhinaca kale ciidamada booliska gobolka Awdal Ayaa Waxay kala dareeriyeen shacabkii mudaharaadayay dhigayey waxaana halkaasi uu dhaawac ka soo gaadhay wiil dhalinyaro ah oo ay rasaasi lugta kaga dhacday. Sidoo waxa jira warar la isla dhexmarayo magaalada Boorama gudaheeda oo sheegaya in Suldaan Abshir loo qaaday dhinga xabsiga Mandheera, inkastoo qaar ka mid ah Waraabinta ku sugan Boorama oo la hadashay Taliska Bileyska qaybta gobolka Awdal ay beeniyeen arintaasi. Waxaanu halka idin ku soo gudbinaynaa hadallada lagu xidhay Suldaan iyo eheladiisa oo shalay ka hadlay xadhiggiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Jabhad cusub oo ka dhan ah Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagaga dhawaaqay gudaha magaalada Buuhoodle. Jabhadan oo la magac baxday SSC, isla markaana loo soo gaabiyey Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa waxay si weyn uga biyo diidan tahay ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolada Sool iyo Sanaag. Jabhadan oo uu hogaaminayo nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali, ayaa waxa uu sheegay in ujeedka ka dambeeya jabhadani oo loo aas-aasay uu yahay sidii gobolada Sool iyo Sanaag looga xoreyn lahaa Somaliland. Maxamed Axmed Cali, Hogaamiyaha Jabhadan cusub ee lagaga dhawaaqay magaalada Buuhoodle ayaa waxa uu shacab weynaha gobolkaasi u soo jeediyey inay gacan weyn ka geystaan duulaanka ka dhanka ah xukuumada Muuse Biixi oo ay hogaaminayso jabhadiisu. Jabhadan ayaa iyadu aaminsan haddii ay gacan ka helaan shacabka ku nool deeganadaasi inay ciidamada Somaliland ka saari doonaan deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag, sida uu xusay hogaamiyaha Jabhadaasi. Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay la daala dhaceysay Jabhado cusub oo ka sameeysma gudaheeda, midaasi oo inta badan loo aaneyno hogaan xumada uu ku hago xukuumadiisa Madaxweyen Muuse Biixi.
-
Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa maanta ka dhacay isku Aadka wareega 16-ka tartanka kooxaha horyaalada qaarada Yurub ee UEFA Champions League-ga. Kooxda difaacanaysa tartankan ee Liverpool ayaa wajihi doonta kooxda reer Spain ee Atletico Madrid oo ah koox aan la dhayalsan karin, halka kooxda Man City ay ku aaday kooxda uga guuleysiga badan tartankan ee Real Madrid. Kooxda reer England ee Chelsea ayaa ku dhacday kooxda reer Germany ee Bayern Munich oo ay 2012 ka qaaday tartankan, Lampard oo isagoo ciyaartoy ah tartankan ka qaaday ayaa isagoo tababare ah ka hor-iman doona Bayern. Barcelona oo wadata xidiga ugu laacibsan dunida ee Messi ayaa ku aaday koox sahlan waana Napoli, halka Juventus oo kamid ah kooxaha ugu awooda badan Yurub ay wajihi doonto kooxda reer France ee Lyon oo ah koox sahlan. Sidoo kale kooxaha Borussia Dortmund iyo Paris Saint-Germain ayaa isku aaday, halka Tottenham oo sanadkii hore lagaga guuleystay tartankan ay ku dhacday kooxda reer Germany RB Leipzig oo ah koox sakhiran. Kulamada lugta koowaad ee wareega 16-ka ayaa la ciyaari doonaa 18-19 iyo 25-26 bisha February 2020, halka lugta labaad la ciyaari doono 10-11 iyo 17–18 bisha March 2020. Hoos kaga bogo sida ay isugu aadeen 16-ka kooxood. Borussia Dortmund vs Paris Saint-Germain Real Madrid vs Manchester City Atalanta vs Valencia Atletico Madrid vs Liverpool Chelsea vs Bayern Munich Lyon vs Juventus Tottenham Hotspur vs RB Leipzig Napoli vs Barcelona PUNTLAND POST The post Sidee isugu aadeen kooxaha isugu soo haray tartanka kooxaha Yurub? appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inuu albaabada u laabi doono laba saldhig oo militari oo Turkey-ga ku yaalla kuwaas oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka ka dib markii ay Washington ku hanjabtay iney cunnaqabateyn ku soo rogeyso Ankara sabab la xariirta hubka uu Turkigu ka soo iibsanayo Ruushka. “Haddii loo baahdo, waan xireynaa Incirlik, waanna xiri karnaa Kurecik,” ayuu Erdogan u sheegay telefishinka dowladda taageera ee A Haber. Labadan saldhig ayaa ku yaalla xeebta koonfur-galbeed ee Turkiga ee ku dhow xuduudda dalka Suuriya. Erdogan ayaa marka ay xaalad siyaasadeed oo kacsan ka dhex aloosanto dalkiisa iyo Washington waxa uu caadiyan soo hadal qaadaa suurtagalnimada in la xiro labadan saldhig. Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa saldhigga militari ee Incirlik u isticmaala duqeymaha ay ku qaadaan kooxda la magac-baxday ISIS ee gudaha dalka Suuriya. Saldhigga kale ee Kurecik ayaa martigeliya raadaar weyn oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga NATO. Wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa todobaadkii hore soo qaaday suurtagalnimada in la xiro labadan saldhig isaga oo ka jawaabayay hanjabaadda Mareykanka ee cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo Ankara. Dowadda Turkey ayaa Jimcadii la soo dhaafay u yeertay safiirka Mareykanka ee dalkaasi ka dib markii aqalka sare ee Senate-ka Mareykanku ansixiyey sharci ay horey usoo gudbiyeen aqalka hoose ee Wakiilada kaasi oo xasuuq loogu aqqoonsanayo dilkii 1915 loo gaystay Armeeniyiint. Sharcigan ayaa weli sugaya inuu qalinka ku duugo Madaxweyne Trump. Xigasho: VOA
-
(SLT-Hargeysa)-Guddidii dhex-dhexaadinta ka dhex waday xisbiyadda mucaaridka ah iyo xukuumadda Somaliland oo iminka la hadlay warbaahinta ayaa soo saaray go’aamo. Go’aamada ay guddigu soo saareen ayaa ka mid ah: 1)-In la kala diro kominshankii cusbaa ee doorashooyinka. 2)-In la soo celiyo kominshankii hore ee doorashooyinka. Sidoo kale guddigu waxa ay Xisbiyadda mucaaridku ugu baaqeen inay joojiyaan ficil iyo hadal kasta oo ka dhan xukuumadda iyo golleyaasha qaranka. Halkan hoose ka DAAWO warkan Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in la musuq maasuqay saxiixayaashii rasmiga ahaa ee Beesha Murusade oo uu kasoo jeedo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Sida aan xogta ku helnay, waxaa la badalay illaa afar oday oo kamid ahaa lixdii oday ee saxiixayaasha u ahaa Beesha Murusade ee dhisamay Maamulka Galmudug sanadkii 2015. Sidee Isbadalka u Dhacay?: 1. Muuse Maxamud Cali oo ahaa saxiixaha 2015-kii ayaa lagu badalay Xasan Axmed Sabriye, Habar Maxamed, Hillibi. 2. Cabdulahi Daahir Maxamed oo saxiixe ahaa 2015-kii lagu badalay Cabdiqaadir Wabeen, oo Daguuro 3. Iimaan Jimcaale Faarax oo ahaa saxiixe 2015-kii ayaa lagu badalay Cali shiine, Abakar 4. Maxamed Cabdi Badane oo ahaa saxiixe 2015-kii ayaa lagu badalay Maxamed Dheere, Cabdlle 6-dii saxiixe ee rasmiga ahaa waxaa ka soo haray Maxamed Xasan Xaad iyo Nabaddoon Bootaan oo la sheegayo in weli laga daba qeylinayo. Odeyaal la hadlay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa eedda dusha ka saaray guddoomiyaha degmada Dayniile Dayniile Jacfar Abuukar Cali , Yaxye Hareeri iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa la sheegayaa in aaney awood u laheyn iney xaqiijiyaan hufnaanta xulista odeyaasha saxiixayaasha taasi oo su’aalo badan ka keeni karta tayadooda ku aadan iney doorasho xalaal ah qaban karaan. Xigasho: Idaacadda Goobjoog
-
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labo weerar oo saacadihii la soo dhaafay ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ee Puntland. Weerarka koowaad oo lagu qaaday saldhigga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayey Al-Shabaab sheegatay inay ku dhaawacday illaa labo askari, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in dil qorsheysan ay ka fulisay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray, Maxamed Axmed. Al-Shabaab ayaa shaacisay in ninkaasi uu ahaa sarkaal ka tirsanaa shirkad ka shaqeysa arrimaha amniga. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerareen saldhigga deegaanka Hoosingow. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha labada dhinac soo gala gaaray, basle xaaladda ayaa haatan ah mid degan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa inta badan lagu xiray kaamirooyin cusub oo lagala socon doono dhaq-dhaqaaqyada. Kaamirooyinkaan ayaa lagu arkay inta badan isgoyska wadada Makka Al-Mukarama ayaa ah kuwa loogu talagalay in lagu sugo Amniga. Kaamerooyinka oo ah nooca CCTV ayaa ku duwan kuwii hore oo muddo kadib howlgab noqday, waxayna wataan baallooyin u gaara, anteenooyin iyo qalab kale, waxaana lagu bilaabay wadooyinka u dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo isgoysyada waaweyn. Kaamirooyinkaan ayaa waxaa laga maamulayaa Xarunta Nabadsugidda ee Habar Khadiijo, waxaana halkaas lagu diyaariyey shaashado tiro badan oo lagala soconayo dhaqdhaqaaqa Isgoysyada magaalada Muqdisho. Marka Isgoysyada Muqdisho dhan lagu xiro kaamirooyinkaan ayaa wuxuu qorshaha yahay in la furo jidadka xiran ee Muqdisho, iyadoo halkaas la dhigi doono kaliya ciidamo baarayo gawaarida, waxaana dhaqdhaqaaqa lagala socon doonaa kaamirooyinkaas. Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli Al-Shabaab ay amarro kusoo rogtay xarumaha ganacsiga waaweyn ee magaalada oo damiyey kaamerooyinkooda wadooyinka kusii jeeday, sida ay qortay Caasimada Online kadib markii qaar ka mida Kaamerooyinkaasi ay suurageliyeen in la garto xubno Al-Shabaab ka mida oo qaraxyo fuliyey. Magaalada Muqdisho ayaa bilihii dhowaa ka nasatay qaraxyadii waa weynaa ee ay fulin jirtay kooxda Al-Shabaab.
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Saturday donated an assortment of office equipment to the Somali Police Force (SPF) to enhance their operational efficiency. Source: Hiiraan Online
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Booliska maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan oo maanta ka dhacay deegaanka Godinlabe oo u dhexeeya degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen goob lagu qeybinayey mucaawino oo ay ku sugnaayeen ciidamadaasi. Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhaawacantay iska hor imaadka labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona xiisad u dhexeysa labada dhinac laga dareemayo halkaasi. View the full article
-
Saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsanaa ciidanka dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay soo wajahday xaalad adag, kadib markii lagu qabsaday guryihii ay daganaayeen iyaga iyo qosaskooda, kuwaas oo ku yaalla degmada Hodan ee G/Banaadir. Qaar ka mid ah saraakiisha aya sheegay in hadda burburin lagu bilaabay xaafadahoodii oo ay dajisay dowladda Milatariga ee Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen madaxda dowladda federaalka inay soo farageliyaan arrintooda, islamarkaana ay wax ka qabtaan burburinta lagu hayo dhulalkooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/www-1.mp3 View the full article
-
Waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Magaalada Jabuuti lagu qabto madasha aragti wadaagga Soomaalida. Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyay Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage, ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 150 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin ka socota Dowladaha, Soomaaliya, Jabuuti, Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Somaliland, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf ka socota dhammaan degaannada Soomaalida. Ajandaha Sanadkan ee lagu lafa gurayo Madasha aragti wadaagga ayaa ah kaalinta Soomaalida ee nabadda geeska Afrika. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-16122019.mp3 View the full article
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has completed management and leadership skills training for 30 Somali Police Force (SPF) officers to enable them to perform their duties effectively. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Jabuuti)-Shirka Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa goor-dhowayd waxa uu ka furmay Guriga Ummada ee dalka Jabuuti. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 150 qof oo iskugu jira Mas’uuliyiin ka socota dowladda Jabuuti, dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad deegaanka Soomaalida, Somaliland, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf ka socota dhammaan deegaannada Soomaalida. Ajandaha Sannadkan ee lagu lafa gurayo Madasha Aragti Wadaagga ayaa ah Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika Dabar-Furidda Awoodda Dadka si Loo gaadho Horumar Guud. Source
