-
Content Count
214,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The UK has called on China to give UN observers “immediate and unfettered access” to detention camps where up to a million Uighur Muslims are being held. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta deeq mucaawino ah kala wareegay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya. Deeqdan oo isugu jirtay raashin, teendhooyin iyo alaabe kale ayuu guddiimiyuhu kula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in gargaarkan la gaarsiin doono dadka ay saameeyeen roobabkii saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degmooyinka Banaadir. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee garoonka, isagoo tilmaamay in nadaafad darro ay ka jirto, waxna uu ka qaban doono maamulkiisa. View the full article
-
Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta loo qeybiyay sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay dhowaan soo gabagabeeyeen diyaarintiisa Guddi KMG ah oo ahaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. Kulanka wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ay maanta yeesheen ayaa lagu qeybiyay nuqulada sharciga doorashooyinka heer Federaal oo ay horay u soo gudbisay Xukuumadda, balse wax ka bedel ay ku soo sameeyeen sharcigaas Guddi ka kooban 15 Xildhibaan oo 3-dii bil ee la soo dhaafay ku howlanaa diyaarinta sharcigaas. Baarlamaanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu guda galo dooda sharcigan, iyadoo ay Xildhibaanada ku soo akhrisan doonaan muddo labo cisho, kaddibna ay ka doodi doonaan, si ugu dambeyn loo meel mariyo. Kulankii maanta ee wadajirka ay u yeesheen Golaha Shacabka ayaa waxaa ka soo qeyb galay illaa 186 Xildhibaan iyo Senator, waxaana ka dhex muuqday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa dhowaan sheegay in sharciga doorashooyinka ay ansixin doonaan horaanta bisha December. Beesha Caalamka ayaa ku cadaadineysa dowladda Federaalka in kama dambeys dhamaadka sanadkan la soo saaro sharciga doorashooyinka, si sanadka 2020 uu dalka ugu diyaar garoobo doorashooyin. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujisay kulan ay abaabushay Kenya oo Nairobi ku dhex maray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo hoggaamiyaha ONLF Cabdiraxmaan Mahdi Madey, waxaa sidaas qoray wargeyska Addis Standard. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah u agaasimay, fududeeyey, islamarkaana lacag ku bixiyey Machadka Rift Valley ee Kenya. Xiisadda Jubaland iyo Itoobiya ayaa sare usii kaceysay wixii ka dambeeyey bishii August, ka hor doorashadii Axmed Madoobe, markaasi oo mas’uulinta Jubaland ay diideen inay garoonka Kismaayo ka degto diyaarad ay saarnaayeen agab iyo ciidamo Itoobiyan ah. Jubaland ayaa sidoo kale toddobaad ka hor cabasho ka muujisay faro-gelin xoogan oo ciidamada Itoobiya ay ka wadaan gobolka Gedo, ayaga oo taageeraya madaxweyne Farmaajo. Hoggaamiyaha ONLF, Cabdiraxmaan Mahdi Madey ayaa bishii August, ka hor inta aan xilkan loo dooran waxa uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uga digay faro-gelinta Jubaland. “Kismaayo waxay ku taalla goob muhiim ah. Hadii halkaas isbeddel uu ka dhacana waxay saameyn doontaa waddanka oo dhan. Waxaan aaminsanahay in Axmed Madoobe uu shaqo wanaagsan qabtay. Mana hubo in haddii dad kale ay meesha yimaadaan uu amniga sidan sii ahaan doono. Waxaan ka baqayaa haddii aynan ka fiirsan faro-gelinta halkaas, inay saameyn doonto gobolka oo dhan, sababtoo ah waxaa jira ciidan cadow ku ah Itoobiya, oo Axmed Madoobe uu hadda la dagaalayo.” Lama yaqaan ujeedka iyo waxa looga hadlaya kulanka kulanka Nairobi ee Axmed Madoobe iyo Cabdiraxmaan Mahdi, sida uu qoray Addis Standard. Dhinaca kale, sarkala sare oo ku dhow madaxweyne Axmed Madoobe ayaa beeniyey inuu wax kulan ah ka dhaay Nairobi. “Joogitaanka hogaamiyayaasha Jubaland iyo ONLF ee Nairobi waa mid isku aaday oo kaliya. Ma jiro wax kulan ah oo dhacay, haddii ay kulmaanna waxay noqon doontaa kaliya inay isa salaamaan.” Ayuu yiri.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Cunaqabateynta saaran magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose muddo ka badan 3 bil ayaa sababtay in dhalinyaro badan ay kuwaayaan shaqadooda kadib markii shirkadihii ganacsiga iyo xarumaha kalaba ay bixin waayeen mushaarka shaqaalaha. Ugu yaraan 200 oo qof oo ah dhalinyaro ka kooban dumar iyo rag ayaa shaqada laga fasaxay intii u dhaxeysay 23-kii August ilaa 23-ka bishaan kadib markii shirkadaha ay sheegeen in aysan awoodin bixinta mushaarka. Dadka shaqada laga eryay ayaa 20 qof oo kamid ah waxay ka tirsanaayeen hal Shirkad halka inta kalane ay u badanyihiin shaqaale ka tirsan Shirkadaha Duulimaadka, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah dadkii aan la hadalnay. “Shirkadda Maandeeq Airline oo kaliya ayaa fasaxday 20 qof oo midka ugu yar qaadan jiray 200 dollar waxaana midkiiba ku hoos noolaa 5-7 qof” ayuu yiri Shaafi Raabi Kaahin oo ah guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland oo baaritaan ku sameeyay khasaaraha ka dhashay cunaqabateynta saaran magaalada. “Haddii shaqada laga eryay 200 oo qof midkiina biili jiray qoys ka kooban ugu yaraan 5 qof waxay halis soo wajahday ugu yaraan kun qof” ayuu yiri Shaafi Raabi Kaahin oo warbaahinta Muqdisho la hadlay. Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa kale Travel agency-ga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ku adkaatay bixinta mushaarka shaqaalaha maadaama ay istaagtay shaqadii Kismaayo ee duulimaadka. Madaxda Shirkadaha ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay u garaawdo dadka dhibaataysan islamarkaana wadahadal lagu xaliyo dhibaatooyinka taagan. Rugta Ganacsiga Jubbland ayaa 2-da Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya u gudbisay cabasho ka dhan Xukuumadda Soomaaliya, taas oo ku saabsan cunaqateynta saaran magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose. Cunaqabteynta saaran Kismaayo ayaa kusoo koobantay kaliya shacabka, ayada oo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu siduu doono uga duulo Kismaayo, isaga oo toddobaadkan tagay Nairobi, ayada oo aysan jirin wax ay ka qaban karto dowladda.
-
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha XFS, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo soo dhaweyn loogu sameeyey. Sabriye ayaa lagu wadaa inuu kulan gaar ah la qaato hoggaanka Ahlu Sunna oo weli tabasho ka muujinaya hanaanka dowladda ee maamul dhisida Galmudug. Sidoo kale wuxuu wasiirku la kulmi doonaa guddiga farsamada oo dhowaan shaaciyey jadwalka doorashada ee dowlad goboleedka Galmudug. Dhinaca kale waxaa magaalada Dhuusamareeb laga mamnuucay in lagu qabto shirarka siyaasadeed ee looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Amar ka soo baxay laamaha amniga ee degmadaasi oo lagu wargaliyey milkilayaasha hoteelada ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeya aan hoteeladooda lagu qaban karin shirar aysan ogeyn saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda Dhexe. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Guddiga uu golaha shacabka BF u saaray sharciga doorashada ayaa la yimid model cusub oo doorasho iyaga oo meesha ka saaray hannaanka doorashada nidaamka matelaadda isu dheelitiran ee liiska xiran, taa badalkeeda keenay Nidaamka Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka. Qodobada Xiisaha badan waxaa ka mid ah: Waxa ay dhamaan dhinacyada kala duwana ee aan la kullanay walwal ka muujiyeen nidaamka doorasho ee ku dhisan ergooyinka ee lagu soo galay doorashooyinkii 2016 ayagoo ku sababeenaya amni darrada jirta inay tiro kooban ahaayeen ayna horseedi karaan musuqmaasuq. Waxa ay dhinacyada kala duwan intooda badan walaac ka muujiyeen gaar ahaan qaybaha kala duwan ee dowlad goboleedyada in hannaanka doorashada nidaamka matelaadda isu dheelitiran ee liiska xiran (proportional representation closed list) uusan ahayn mid ku haboon marxaladda dalka marayo uusanna ka hirgeli karin Dalka. Waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqeen in hanaankan dhalin karo lumitaanka miisaanka awood qaybsiga ee horay ummadda Soomaaliyeed ugu heshiisay, waxay kaloo ay farta ku fiiqeen iney adag tahay qabsoomidda doorasho qof-iyo-cod ah xilligan. Dhammaan Dowlad Gobolleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadeed waxay si wadajir ah u sheegeen in doorashada ku dhacdo waqtigii loogu talagalay. Dhinacyada aan la kulanay dhammaantood waxay soo jeediyeen in doorashada qof iyo cod aysan hirgelin karin ayadoon la diyaarin qodobadan hoos ku xusan: Dhameystirka Dastuurka; Midnimadda dhammaan dalka oo idil; Diyaarinta Sharciga Jinsiyadaha; Muwaadiniinta Soomaaliyeed tirakoob rasmi ah loo sameeyo; Sugidda xuduudaha degmooyinka iyo gobollada dalka. Nooca Doorashada ee Guddiga soo-jeediyey: Guddigu wuxuu si wada jir ah isugu raacay in nidaamka (modelka) doorashooyinka ee dalka ku habboon yahay. Nidaamka Aqlabiyadda ah (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka. Astaamaha Nidaamka Aqlabiyadda Nidaamkan Aqlabiyadda hal kii kursi ah (Single-Member Popularity – SMP). Marka loo eego nidaamyada kale waa midka ugu sahlan wuxuuna leeyahay astamahan hoos ku xusan; Halkii kursiba gaarkiis ayaa loogu tartamayaa, Sida magaciisa ka muuqata FPTP. codeynta koowaad ayaana lagu kala baxayaa, Murashixii u codbadan ayaa kursiga ku guuleysanaya. Codbixiyuhu hal murashax ayuu ka dooranayaa liistada Murashaxiinta ee kursiga. In la xaqiijiyo dheellitiranka saamiqaybsiga. matalaadda Bulshada ee golayaasha Baarlamaanka; In ay dhacdo doorasho ku salaysan xisbiyo. In dadwaynaha deegaanka degan ay u siman yihiin u codeynta murashaxiinta. In codbixiyayaasha wax dooranayaa ka iman karaan deegaanka goobta doorashada ee heer gobol ama dawlad goboleed ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka laga helayo gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey degmada Afgooye ee gobolkaasi. Wabiga ayaa ku fatahay deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada magaaladaasi, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Sidoo kale waxaa halkaasi gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo uu ugu horreeyo guddoomiye, Ibaraahim Aadan Cali (Najax). Guddoomiyaha ayaa sheegay inay haatan wadaan gurmad loo fidinayo dadka ku guryo beelay dadkaasi. Maalmihii la soo dhaafay wabiga Shabelle oo qararka jabsaday ayaa fatahaado ka sameynayey deegaano ka kala tirsan maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle. View the full article
-
War ka soo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland. Qoraalkan ayaa ugu horreyn waxaa lagu sheegay in beesha caalamku ay si xoogan uga walaacsan tahay xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee haatan ka jira magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulkaasi. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in xubnaha dalalka caalamka ay si aad ah uga xun yihiin muddada labada sano ah ee loo kordhiyey labada gole ee Somaliland. Warbixinta ka soo baxday beesha caalamka ayaa waxa sidoo kale looga digay dibdhac uu ku yimaado doorashooyinka baarlamaanka iyo mida deegaanka ee maamulkaasi. ”Waxaan ka walaacsanahay dib u dhaca doorashooyinka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Somaliland in ay si weyn u wiiqaan sumcadda dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo heerka caalamiga ah. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahay xariga u muuqda mid aan sharciga ku dhisneyn iyo xayiraadaha kordhaya ee xorriyadda hadalka.” ayaa lagu yiri warbixinta. Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in looga baahay xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda in la ixtiraamo heshiiskii labada dhinac ee la gaaray bishii Luulyo ee sanadkaana 2019-ka, si loo qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca deegaanada maamulka Somaliland. View the full article
-
Roobab ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe iyo wabiga oo fatahay ayaa horseed u noqday inay go’aan waddooyin xiriiriya degmooyinka Jowhar, Balcad iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolkaasi. Arrintan ayaa waxa ay sababtay inaysan dadka isku gudbin, ganacsigii iyo noloshii kale ee caadiga ahaana hakad uu ku yimaad. Mid ka mid ah dadka deegaanadaasi oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in halka waddo ee hadda furan ay tahay Badda, taas oo halisteeda leh. Roobab dhowaanahaan ka da’ayey gobolka Shabeelaha Dhexe iyo wabiga oo qararka jabsaday ayaa saameyn ku yeeshay isku socodkii dadka iyo gaadiidka. Dhanka kale dad badan ayaa ka barakacay guryahooda, si aysan biyuhu noloshooda u galaafan. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka HirShabelle ayaa magacaabay dhowaan guddiyo ka shaqeeya gurmadka loo fidinayo dadkaasi, hase’ahaatee weli waxaa moodaa inaysan joogsan qeylo dhaanta ka soo yeereysa bulshadaasi dhiban. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-27112019.mp3 View the full article
-
Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa walaac weyn ka muujisay muddo kororsigii ay dhawaan sameysteen labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland Qoraal ay wada jir u soo saareen Qaramada Midoobay, Urur gobolleedka IGAD, Midowga Yurub, Ingiriiska, Mareykanka, Jarmalka, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, Netherlands, Finland, France, Italy, Greece iyo Switzerland ayaa lagu sheegay walaaca ay qabaan dalalka Somaliland ka taageera horumarka iyo dimuqraadiyadda ee ku saabsan dib u dhaca doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka. Beesha Caalamka ayaa xustay in sida kaliya ay ku sii wada shaqeyn karaan Somaliland ay tahay in doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka lagu qabto wakhtigii horey loogu ballamay ee sanadka soo socda 2020-ka. Beesha Caalamka ayaa xustay in uusan jirin dal dimuqraaddi ah oo golayaashiisa Wakiiladda ay muddo intaas la’eg doorsho la’aan ku fadhiyaan kuraasta. Waxay Beesha Caalamku ugu baaqday Somaliland in ay dhisto Guddi doorasho oo qabta doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, ayna qeyb ka yihiin dhammaan jilayaasha siyaasadda Somaliland. Sidoo kale Beesha caalamku waxay walaac weyn ka muujiyeen xariga sii kordhaya iyo xadidida xorriyatul qawlka ee Somaliland. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo walaac weyn ka muujisay xaaladda Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyeyn Wasiir ku xigeenka Dekedaha, Guddoomiye ku xigeenka RugtaGganacsiga iyo Xubno ka socday mashruuca lagu magacaabo GEEL , ayaa maanta magaalada Muqdisho ka Daah-furay mashruuca dhoofinta Mooska. Wasiirka Beeraha iyo Waraabka dowladda Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid oo ka hadlay munaasabadda Daah-furka dhoofinta Mooska oo ka qabsoontay dekedda Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in shaqadan ay qeyb ka tahay qorshaha ay Dowladdu ku dhiiri-gelineyso wax soo saarka dalka. Mudane Ciid, ayaa Beeraleyda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kordhiyaan wax soo saarkooda, si uu dalku u gaaro isku filnaasho dhanka cuntada ah oo dhameystiran. Intii lagu gudo jiray munaasabaddan, ayaa dekedda Muqdisho waxaa laga dhoofiyay Laba Konteenar oo horudhac ah oo ay hubinta tayadoodu iska kaashadeen Wasaaradda Beeraha, Shirkadda GEEL Project iyo ganacsato Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Beeraha, kaas oo si tijaabo ah loogu diray dalka Sacuudi Carabiya. Mooska oo ka mida dalagyada ka soo baxa dalka, ayaa Soomaaliya laga dhoofin jiray 30 Sano ka hor, waxaana soo celinta iib-geyntiisa lagu tilmaamay mid faa’iida weyn u ah dhaqaalaha guud ahan waddanka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo dib u bilowday Dhoofinta Mooska appeared first on Puntland Post.
-
Beesha caaalamku waxay walaac ka qabtaa hannaanka dimuqraadiyaddeed ee Somaliland. Waxay sheegeen inay dhaleecaynayaan xadhiga sii badanaya ee xoriyatul qowlka, muddo kordhintii Guurtida iyo goleyaasha deegaanka Somaliland ee sharci la’aanta ku shaqeynaaya. “Somaliland Waxay ku xadgudbtay nidaamka dimuqraadiyadda iyada oo goloyasheeda qaarna ay ku fadhiyaan Igmasho La.aan. Waxaa loogu baqayo inay dib ugu Soo noqdaan xayndaabka dimuqraadiyadda iyo sharciga .. waxaanay ka muujiyeen walaac S/Land Waa kuwan waddamada iyo ururada saxeexay”Beesha Caalamka. Halkan hoose ka akhriso *United Nations, IGAD, European Union, United States of America, Germany, United Kingdom, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, The Netherlands, Finland, France, Italy, Greece, Switzerlanh https://eeas.europa.eu/delegations/somalia/71087/joint-statement-delays-somaliland-parliamentary-and-local-council-elections_en Source
-
Somaliland released Khadar Hussein Abdi Secretary of Waddani party and Barkhad Jama Hersi spokesperson of Waddani Party from the prison on Tuesday. The President of Somaliland Muse Bihi Abdi has Ordered the release of detained opposition leaders After meeting with a committee of businesspersons and religious leaders to mediate the political parties. The council chairman Mohamed Ahmed Farah said in a media conference the elders, acting on their own accord met with President Muse Bihi and Waddani leader Abdirahman Irro separately. “The president accepted our plea to release the officials of Waddani party and ordered the security officials to release them,” Farah said. On 17th November 2019, the Police in Somaliland arrested Khadar Hussein Abdi, the secretary-general of Waddani, and the spokesperson of the party, Barkhad Jama Batun. Earlier that day the leadership of the party called its supporters to gather at the party’s headquarters to “receive information.” The Police Commissioner, Mohamed Adan Saqandhi, called the announcement illegal and said they will prevent such gathering to happen. View the full article
-
The Somali Immigration department has denied media reports that the Egyptian education mission teachers operating in the Puntland region state were blacklisted and denied visas to enter back the country. In a brief Facebook post, the aviation authority stated that the personal information and photos circulated on the media were fake and incorrect. Officials from the immigration department based in the North-Eastern state also denied the media reports on Tuesday. The reports accused the agency of blacklisting and denying the Egyptian teachers entry to the country in a bid to go back to their respective teaching posts in Qardho, Galkayo, and Burtinle. There are several foreign staff mainly teachers working at various institutions in Somalia. View the full article
-
Popular Contributors
