-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo shalay gaaray Switzerland ayaa maanta magaalada Geneva uga qayb galay madasha qaxootiga adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga. Madasha qaxootiga adduunka oo ah tii ugu horreysay ee la qabto, ayaa sanadkaan diiradda lagu saarayaa isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca. Ka qayb galayaasha ayaa ka hadlaya xaaladda taagan iyo sida loo xoojinayo ka jawaabidda caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga iyada oo addunyada dacalladeeda ay ku suganyihiin Malaayiin qof oo ay saameeyeen dagaallo, rabshado iyo dhibaatooyin kale. Tirada qaxootiga ku sugan daafaha dunida ayaa kor u dhaaftay 25 mliyan, waxaana Soomaaliya – oo gudaheeda ay barakacayaal ku yihiin 2.6 Milyan oo ruux – sidoo kale waxaa ku nool 35,438 ruux oo isugu jirta qaxooti iyo dad kale oo megengalya doon ah. Madasha oo Soomaaliya sidoo kale madasha ay ka joogaan wasiirrada qorsheynta iyo gargaarka iyo mas’uuliyiin kale, ayaa madasha ka cadeyneysa in ballan qaadkeeda diiradda lagu saarayo sedax arrimood oo kala ah, isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadda, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha iyo xaluusha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka Qayb Galay Madasha Qaxootiga Adduunka Ee Ka Socota Geneva appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Xabsiga Dhexe Sarreeye Guute Maxamed Shiikh Xirsiile ayaa lagu eedeeyey inuu mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho kala soo baxay bukaan Xabsiga Dhexe ku xanuunsaday oo ay dhakhaatiirta Xabsiga sheegeen inaan wax looga qaban karin isbitaalka ku yaal gudaha xabsiga. Qoyska Bukaanka ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanayo awood ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka uu Bukaanka jiifay, waxayna sheegeen inuu bukaanka ku qaatay mid ka mid ah Gawaarida gargaarka oo laga leeyahay Xabsiga Dhexe, isla markaasna ay ku buufsan tahay calaamadda Ciidamada Asluubta. Bukaanka oo lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow oo ku jiray xaalad halis ah isla markaasna koomo ku jiray ayey qoyska Bukaanka sheegeen inuu Taliyaha amray in laga furo koomada isla markaasna dib loogu celiyo Xabsiga Dhexe. Qoyska Bukaanka oo muuqaal ka duubayey marka uu taliyaha falkaan sameenayey ayaa muuqaalka ku dhex sheegay waqtigaas inuu taliyaha awood u sheeganayo isla markaasna uu isaga qaadi doono mas’uuliyadda bukaankaan haddii uu dhinto. 24 Saac kadib bukaanka ayaa ku dhex geeriyooday Xabsiga Dhexe, waxayna qoyska marxuumka sheegeen inaan la duugi doonin inta sharciga laga hor keenayo taliyihii sababta u ahaa in Isbitaalka laga soo saaro. Qoyska Marxuumka ayaa Dowladda ka codsaday in lasoo qabto taliye Xirsiile isla markaasna laga qaado garaadaha u xiran lagana qaado magdhowga marxuumka geeriyooday. Marxuumka geeriyooday ayaa ku xukunaa ilaa 8 sano, wuxuuna Xabsiga ku jiray muddo 3 sano iyo bilooyin ah. Taliyaha xabsiga weli kama jawaabin eedeymaha loo jeediyey waana idin soo jeedin doonaa marka uu hadlo. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka sheekadaan naxdinta badan
-
Sawirro: Wafdi ka socda DF oo shir uga qeyb galay Sucuudiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay kulamo la qaateen Masuuliyiinta Ururka Dayax-gacmeedka Carbeed ee loo yaqaan ARABSAT oo saldhigiisu yahay magaalada Riyaad. Madaxweynaha ahna Agaasimaha Guud ee ARABSAT Mudane Eng. Khalid A. Balkheyour oo ku soo dhoweeyey wafdiga xarunta Ururka ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhoweynayaan ka qeybqaadashada firfircoon ee soomaaliya ee howlaha Ururka ARABSAT maadaama dalkeenu uu ka midyahay saamileydii asaastay Ururka, kulamadan labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd adeegyada ARABSAT iyo sidii dalkeena loogu caawin lahaa kaalmo farsamo oo la xiriirka dhinaca horumarinta Isgaarsiinta. “waxaa naga go’an in aan si firfircoon uga qeybqaadano dhammaan howlaha Guddiyada, Hay’addaha iyo Urrurada Gobol, Qaaradeed iyo Caalami ee isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, kuwaas oo aannan badankood ka dhex muuqan muddo, taasna waxa ay muhiim u tahay wadaagista khibradaha iyo mideynta dadaalada,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “iskaashiga iyo isku-xirnaanshaha adduunka gaar ahaan dhinaca tiknolojiyadda waxa uu marayaa maanta heer aysan suurto-gal ahayn in aan gooni u socono, daddaaladan dhamaantoodna waxa ay leeyihiin hal ujeedo oo ku saabsan fulinta qeybaha kala duwan ee Siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku. Sidoo kale wafdiga Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa waxa ay booqasho ku tageen xarunta safaaradda dalkeena ee Magaalada Riyaad halkaas oo ay kula kulmeen diblomaasiyiinta ka howlgesha safaaradda, Wasiirka ayaa waxa uu warbixin ka siiyey diblomaasiyiinta xaaladda dalka, howlaha Tubta horumarinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan howlaha ay sida gaarka ah ugu xilsaarantahay Wasaaradda. Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddada ay joogaan dalka Sacuudigaa waxa ay ka qeybgali doonaan Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalalka carbta, waxa ayna sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doonaan masuuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalka Sacuudi carabiya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta lagu guuleystay in la kala qaado maleeshiyaadkii dhowaan ku dagaalamay bariga gobolkaasi. Dadaalladan ayaa waxaa si wadajir u sameeyey taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, maamullada Galmudug iyo Puntland. Maleeshiyaadka labada dhinac ayaa la sheegay in la kala geeyey goobo gaar ah oo loogu tala galay, si loo qaboojiyo xiisada labada dhinac. Maalmihii dambe xaaladda deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa aheyd mid degan, waxaana kulamo dib u heshiisiineed ka waday taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya. View the full article
-
Taliye ciidanka Xoogga dalka oo gaaray deegaanka Xaaji Cali
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliye Ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa maanta booqday fariisimaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Taliye ku xigeenka ayaa mid Mid u kormeeray fariisimaha ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali, wuxuuna sidoo kale kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka deegaanka iyo ciidanka Macawiisleyda oo ladagaalama Al-Shabaab. Taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise waxa uu kooxda Macawiisleyda kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka Al-Shabaab. View the full article -
Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyey shuruudaha iyo habraaca loo marayo diiwangelinta ururada siyaasadda ee maamulkaasi. Warqad ka soo baxday guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in is-diiwangelintu ay socon doonto muddo saddex bilood ah. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Taliye Ku xigeenka Ciidanka Millitariga dowladda Federaalka Soomaaliya S/guudto Maxamed Cali Bariise ayaa Booqday Fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Degaanka Xaaji Cali ee Hoostaga Degmada Cadale Gobolka Shabellada Dhexe. Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegtay in Taliye xigeenku uu Mid Mid u kormeeray Fariisimaha Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degaanka Xaaji Cali, sidoo kalena kulamo laqaatay odayaasha dhaqanka deeganka iyo Ciidanka macawiisleyda oo ladagaalama Maleyshiyaadka Al-shabaab. Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka sareeye guuto maxamed cali bariise waxa uu Saraakiisha Macawiisleeyda uu la kulmay uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka Al-shabaab looga saarayo Gobolka Shabellada. PUNTLAND POST The post Taliye xigeenka Militariga Soomaaliya oo kormeeray fariisimaha ciidanka ee Shabeellada Dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallada xeebta ku taalla Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. James Swan iyo wafdigiisa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey madaxda ugu sarreysa Jubbaland, iyadoo si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi. Ergeyga QM ayaa haatan xarunta madaxtooyada maamulkaasi wadahadallo kula leh Madaxweyne Axmed Madoobe oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo. Intooda badan wadahallada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa, xaaladda Jubbaland, khilaafka kala dhexeeyey dowladda iyo arrimaha doorashooyina ee 2020-ka. Kulankaan ayaa ku soo aadaya, iyoo weli halkiisa uu yahay khilaafka siyaasadeed ee dowladda iyo Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorashadii maamulkaasi. Sidoo kale James Swan ayaa maalmihii dambe safaro ku kala bixinayey xarumaha maamul goboleedyada, isaga oo waday kulamo wadatashiyo ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-17122019.mp3 View the full article
-
Somalia’s Lower House of Parliament on Monday grilled the minister of defence, Hassan Ali Mohamed, and the army chief, Brig-Gen Odawaa Yussuf Rage, over military operations and other related issues. The session, chaired by Speaker Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman, saw many MPs asking the defence minister direct questions related to military activities across the country. The defence minister, who was flanked by his deputy and the army chief, answered the lawmakers’ questions. At the end of the session, Speaker Mursal urged the military to respect parliamentarians and also called on the lawmakers to always support the military in its efforts to defeat Al-Shabaab militants. View the full article
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire held talks with Turkish President, Recep Tayyip Erdoğan in Geneva on Monday. Key Cabinet members from both sides attended the high-level meeting in the Swiss capital. The two discussed ways to enhance bilateral diplomatic engagement and boost trade, economic cooperation between the two friendly states to improve Somalia’s growing economy. Prime Minister Kheyre and President Erdogan joined other world leaders in Geneva for Global Refugee Forum. Turkey hosts more than 3.6 million Syrian refugees that fled the civil war in their country while Somalia hosts over 35,000 refugees and asylum seekers mainly from war-torn Yemen. There are approximately 25 million refugees worldwide according to the United Nations High Commission for Refugees (UNHCR). View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani ayaa aqbalay go’aankii guddida dhexdhexaadintu soo saartay ee ahaa in Komishanka cusub la kala diro lana soo celiyo guddidii hore. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo mucaaradka u hadlay ayaa ugu baaqay in ay go’aammada aqbalaan Xukumadda Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
The Somali government conducted an airstrike on a suspected Al-Shabaab militant in the country’s south in cooperation with the United States military, Somalia’s federal government said on Monday. “On the evening of 16 December 2019, the Federal Government of Somalia in coordination with U.S. Africa Command conducted an airstrike against an al-Shabaab operative near Dujumma, Somalia,” a Somali government source said in a statement to The Defense Post. “It is assessed that one al-Shabaab operative was killed in the airstrike. Also at this time, it has been assessed that no civilians have been killed or injured.” AFRICOM carried out a drone strike against a suspected senior Shabaab leader in the same area last week. The U.S. has about 500 troops in Somalia. U.S. forces use the Baledogle (or Ballidoogle) airfield, in the Wanlawayn district roughly 95 km (60 miles) northwest of the capital Mogadishu, to launch drone strikes on al-Shabaab militants and to train Somali commandoes for counter-terrorism missions. Al-Qaeda-linked Shabaab has fought for more than a decade to topple the Somali government. The army, which largely relies on the African Union Mission in Somalia forces for military support, is regularly targeted. The Shabaab was routed from Mogadishu in 2011 by the 22,000-strong AMISOM mission and has had to abandon most of its strongholds, but it still controls vast rural areas and remains the key threat to peace in Somalia and carries out attacks in neighboring Kenya. U.S. strikes in Somalia surged after President Donald Trump declared southern Somalia an “area of active hostilities” in April 2017, according to rights group Amnesty International. Shabaab militants attacked the U.S. base at Baledogle and European troops based nearby with vehicle bombs in September. View the full article
-
At least three people have been killed and several wounded in a daring overnight attack by Al-Shabaab on a key Somali military base in the outskirts of Mogadishu on Monday night. According to the sources, the ambush led to a heavy gunfight between the troops and armed militants that led to the deaths of two soldiers and one civilian. Al-Shabaab has claimed responsibility for the assault and said its fighters killed three government soldiers stationed in the base which is located near Bal’ad town. The attack was the latest in series of Al-Shabaab campaign against Somali military bases in southern regions as the country’s army with AU and American forces step up operations to retake areas still under the militants’ control. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda dalka Zimbabwe ayaa xidhay xaaska Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Constantino Chiwenga oo magaceeda la yidhaa Marry Mubaiwa, taas oo loo xidha iskudayga dilka Saygeeda iyo arimo kale oo la xidhiidha musuqmaasuq, sida ay sheegtay waaxda la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalkaasi. Marry Mubaiwa, oo ahayd Xaaska Madaxweyne ku xigeenka dalka Zimbabwe ayaa da’deeda lagu sheegay 38 jir, waxaana la xidhay galabnimadii maalintii Sabtida, waxaanay maxkamada ka soo hormuuqatay maanta oo Isniin ah. Afhayeen u hadlay Guddida la dagaalanka Musuqmaasuqa ee (ZACC) oo magaciisa la yidhaa John Makamure ayaa ku gaabsaday in Haweenaydaasi loo haysto musuqmaausuq. Guddidan la dagaalanka Musuqmaasuqa oo uu magacaabay Madaxweyne Emmerson Mnangagwa sanadkan, ayaa waxa ay guddidu ay culays farabadan kala kulmaysaa sidii ay u cidhibtiri lahayd musuqmaasuqa heerka sare gaadhay, kaas oo hay’adda Transparency International ay ku qiimaysay sanadkii in dalkaasi lagu lunsado $1bn. Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa iyadu ogaatay in intii u dhaxaysay October 2018 iyo May 2019 Mubaiwa lagu eedeeyey in si sharci daro ah ay u gudbisay Koonfur Afrika lacag gaadhaysa $919,000, inkasta oo ay beenisay. Source
-
(SLT-Pakistan)-Maxkamad gaar ah oo ku taalla dalka Pakistan ayaa madaxweynihii hore ee millatariga ahaa ee dalkaas Pervez Musharraf, ku heshy dambi khiyaameyn qaran ah oo weyn, waxayna ku xukuntay dil. Kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah go’aankii Musharaf uu sanaddii 2007 ku hakiyey dastuurka dalka islamarkaana dalka kusoo rogay xaaladda deg deg ah. Tallaabadaas muranka leh ayaa dhalisay dibad-baxyo xooggan oo ka dhan ah Musharraf ugu dambeynna hoggaamisay inuu si-casilo. Hoggaamiyihii hore ee Pakistan, oo sidoo kale wajahaya dacwado la xidhiidha maalmihii uu xukunka hayey, ayaa ku gacan saydhay eedeymaha loo jeediyey oo uu ku qeexay kuwa ay siyaasad ka dambeyso. Musharraf ayaa tan iyo sanaddii 2016 ku noolaa magaalada Dubai, markaasi oo laga qaaday xayiraad saarneyd, si uu caafimad uga raadsado dibedda. Waxa uu sanaddii 1999-kii ku xukunka ku qabsaday afgambi aanu dhiig ku daadan, isaga oo riday dowladdii ra’iisul wasaare Nawaz Sharif, kaasi oo markii dambe uu u ceydhiyey dalka Saudi Arabia, isaga iyo xubnaha qoyskiisa. 76 jirkan ayaa waxa uu hadda inta badan waqtigiisa ku qaataa Dubai iyo London. Source
