-
Content Count
214,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara. Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, Doorashooyinka la qorshaynayo inay dalka ka dhacaan iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxeysa Midowga Afrika iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Cumar Filish ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay diiradda wada saaraan sidii iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen amniga iyo sidii doorashooyin uga qabsoomi lahaayeen Caasimadda dalka, si talada dib loogu celiyo shacabka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay sameynayaan Xafiis amni oo labada dhinac xiriiriya, isla markaana mideeya qorsheyaasha uga dagsan amniga Caasimadda, isagoo xusay maamulkiisu inuu xoogga saarayo amniga in loo wajaho qorshe mida. “Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii qorshe mideysan loogu wajihi lahaa amniga, anagoo kaashanayna dhinacyada bahwadaaga ku ah ammaanka, lana diyaariyo sidii shacabka Caasimadda talada loogu celin lahaa, maadaama dalka looga diyaar garoobayo doorashooyin”. Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan horumarinta Caasimadda, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan barnaamijyada uu wado Maamulka Gobolka ee ku aaddan amniga iyo doorashooyinka. Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar M.M. Filish iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Medara ayaa xaqiijiyey dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-29112019.mp3 View the full article
-
The Head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Ambassador Francisco Madeira, has pledged to work closely with the new Mayor of Mogadishu and Governor of Banadir Region, Omar Mohamud Mohamed, to ensure the mayor’s vision of a more secure and peaceful Mogadishu is realized. Mayor Mohamud Mohamed assumed office in August. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga Itoobiya, oo aan qayb ka ahayn Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay gaareen magaaladaasi. Ciidamadan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, watana gaadiidka xamuulka ciidamada ee Uraalaha loo yaqaano ayaa waxay gaareen Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ku biiraya Ciidamadii Jabuuti ee ku sugnaa. Militariga Itoobiya ayaa Khamiistii soo dhex maray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii ay ka soo tallaabeen xuduuda labada dal. Ciidan kale oo Itoobiyaan ah ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb, si ay amniga magaalada u xoojiyaan. Dowladda Somaliya ayaa waxay dareen ka muujinaysaa inay Ahlu Sunna caqabad ku noqoto amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo Doorashooyinka Baarlamaanka & Madaxtooyada ee Galmudug. Madaxda Ahlu Sunna ayaa waxay dhawaan iska diideen in ay ka qayb qaataan dhismaha Galmudug-ta cusub, sababo ku aadan, iyagoo ku andacoonaya Dowladda Somaliya oo aan meelmarin heshiiskii ay bartamihii sanadkan wada gaareen. Qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa waxaa ku jira qodob qeexaya in Ahlu Sunna 35 xubnood laga siin doono Baarlamaanka cusub ee Galmudug, tiiyoo ay dib uga laabatay Dowladda Federaalka Somaliya. Inkastoo Ahlu Sunada Galmudug aanay weli qaadin tallaabooyin liddi ku ah dhismaha Galmudug-ta cusub ayaa waxaan meesha laga saari karin suurta-galnimada inay caqabad ku noqon karto dhismaha maamulkaasi.
-
Muqdisho (SMN) – Guddiga Beeraha ee Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan Xog-Wareysi ah la qaatay Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka, Soomaaliya Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid. Kulanka ayaa looga hadlay Cilmi Baaris la Sheegay in ay Sameesay Jaamacadda Queen’s University ee Ireland oo ay ka Diyaarisay Dalagyada Dalkeena Kasoo Go’a. Guddiga iyo Wasaarada Beeraha ayaana ugu Danbayntii isla gartay, In Baaris Dhab ah, lagu Sameeyo Warbixintaas Been Abuurka ah . Wasiir Ciid oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaadey in lasoo jeediyey in xiriir lala sameeyo maamulka Jaamacadda isla markaana isla xisaabtan dhab ah lagala yeesho been abuurkaas. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Beeraha.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Boostadda Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixiyey sharciyo ay meelmariyeen Golaha Wasiiradda. Xeerarka la melmariyey ayaa waxay dhamaantooda ku saabsan yihiin Tiknoolajiyadda iyo Arrimaha Isgaarsiinta dalka. Cabdi Canshuur Xasan ayaa tilmaamay in sharicyaddan ay muhiimad gaar ah u leeyihiin guud ahaan shacabka Soomaaliya. Mr Xasan ayaa u mahadceliyay xubnaha xukuumadda, isaga oo sheegay in ay ka shaqeynayaan dhaqan-gelinta sharciyaddan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Wasiir.mp3 View the full article
-
Gedo (SMN) – Dhowr qof ayaa lagu waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay degaano ka tirsan gobolka Gedo ugu dhinteen cuduro aan la aqoon. Sahal Macalin Aadan, gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, ayaa u sheegay Shabelle in dadkan ay ku geeriyoodeen duleedka Ceelwaaq. Mr Aadan iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka ayaa kormeer ku tegay degaanadaas, iyaga oo u kuur-galayey xaaladda. Gudoomiye ku xigeenka ayaa wuxuu tilmaamay in ay ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladdan soo korodhay. Ugu dambeyntii, wuxuu dowladda federaalka iyo hay’addaha caalamka ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii loola tacaali lahaa xaaladdan. View the full article
-
Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta wuxuu ka qeybgalayaa shir madaxeedka ururka IGAD. Farmaajo oo shalay gaarey Addis Ababa ayaa xalay kulamo la qaatay madaxda qaar ee kasoo muuqan doonta shirkaas. Kulankaan ayaa waxaa lagu waddaa in xooga lagu saaro sidii loo hagaajin lahaa cilaaqaadka dowladdaha iyo dib u habeyn lagu sameynayo ururka. Madaxweynaha dalkeena ayaa lagu wadaa in shir madaxeedkan uu kasoo hooyo guulo kala duwan, isaga oo la fariisanaya hogaamiyeyaasha qaar ee IGAD. View the full article
-
Golaha Wasiirada oo ansixiyay Istaraatiijiyadda qaran Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa meel mariyay Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda dalka. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda oo Golaha u gudbisay Xeerkaasi, ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu Dalku yeesho. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in siyaasaddan ay ku timid wada-tashiyo muddo dheer qaadatay oo lala yeeshay dhammaan daneeyayaasha kala duwan ee siyaasaddan. Mudane. Canshuur ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu leeyahay mid ka mid ah Isgaarsiinta ugu casrisan Qaaraddan Afrika, hase yeeshee ay ku shaqeyn jireen Suuq uusan ka jirin sharci iyo siyaasad, balse Saddexdii Sano ee la soo dhaafay ay Wasaaraddu waqti galisay sidii loo sameyn lahaa nidaamkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa shirkadaha. Sidoo kale, Wasiirka ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasaddan, wasaaradaha Isgaarsiinta ee dowlad goboleedyada, daneeyeyaasha kale ee fikirkooda ka soo dhiibtay muddadii wada-tashiyada iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo taageero farsamo ku caawisay sidii loo heli lahaa siyaasad casri ah. Halkaan ka akhriso Istaraatiijiyadda Goluhu Ansixiyay PUNTLAND POST The post Wasaaradda Boostada oo faah-faahisay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay kulan xasaasi ah ku yeesheen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo C/Naasir Seeraar oo kamid ah Xubnaha mucaaradsan Axmed Madoobe kana soo horjeeda dib u doorashadiisii. Wararka horudhaca ah oo kulankaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xal laga gaaray khilaafkii Axmed Madoobe iyo Cabdi Naasir Seeraar ee ka dhashay doorashada, iyada oo dhex-dhexaadin labada mas’uul ay garwadeen ka yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya. Cabdi Naasir Seeraar Maax iyo Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig oo ka tirsan Golaha Shacabka oo labaduba kasoo horjeedaan Axmed Madoobe ayaa mid kasta taageerayaashiisa Magaalada Kismaayo waxaa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland, hayeeshee C/Naasir Seerar uu si lama filaan ah ku tegay Nairobi kulana kulmay Axmed Madoobe, halka Cabdi Rashiid Xidig aan weli wax war ah dhankiisa kasoo bixin. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kadib doorashadiisii sheegay in uu diyaar yahay in uu xaliyo cid kasta oo wax ka tabanayesa, waxaana maalmahaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu kulamo kula qaadanayay siyaasiyiin iyo madax ka tirsan Beesha caalamka. Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diiday dib u doorashadiisii ayaa weli uu u dhaxeeyaa khilaafkii ka dhashay doorashada taas oo aan weli xal loo helin. Axmed Madoobe ayaa Nairobi ka wado kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiin Soomaali ah iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, wuxuuna waqti badan ku bixinayaa sidii uu xal ugu heli lahaa khilaafka ka dhashay doorashadii dib loogu doortay ee ka dhacday Kismaayo.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo ay maanta kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Urur Goboleedka IGAD. Hoggaamiyaasha dalalka IGAD ayaa shir-madaxeedaasi uga arrinsanaya, qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada Dhaqaalaha iyo Nabad galyada. Waxa kale oo hoggaamiyeyaasha IGAD ay iska xog-wareysan doonaan qorsheyaasha ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo xasaradaha ka jira waddamada Gobolka, waxaana warbixinno looga dhegaysan doona Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira. Madaxweyne Farmaajo, ayaa madaxda dalalka IGAD la wadaagi doona , aragtida dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka. Sidaasi waxaa sheegtay Villa Somalia. Sidoo kale, Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee kasoo qeyb galaya shirkan. PUNTLAND POST The post Shir Madaxeedka Hoggaamiyaasha Urur gobolleedka IGAD oo maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-2911-2019.mp3 View the full article
-
Saudi Arabia oo wajahaysa Halis kaga soo fool leh Dimoqraatiyiinta Mareykanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa wajahaysa halis cusub, kadib markii ay sarre u kacday rabitaanka Dimuquraadiyiinta Mareykanka, ee ay ku doonayaan in lagu soo rogo cunaqabteyn. Dimuquraadiyiinta Mareykanka ayaa dhowaan bilaabay inay hogaamiyaan olole xoogan oo ka dhan ah Sacuudiga, kaasi oo ay ku dalbanayaan in Boqortooyada la saaro cunaqabateyn ama laga qaado talaabooyiin adag. Dacwadan Dimuquraadiyiinta ayaa salka ku haysa dilkii Wariyihii Sacuudiga ahaa ee Jamal Khashoggi ee lagu dhex dilay safaarada Sacuudiga ee Istanbul ee dalka Turkiga iyo dagaalka lagu hoobtey ee Sacuudiga ka bilaabay Yemen. Waxa sidoo kale ololaha Dacwadeed ee Dimuquraadiyiinta Mareykanka ka qeyb ah xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kuwaasi oo raba in Dowladda Sacuudiga arrimahaasi darteed looga qaado talaabo adag. Valueimpression Placeholder Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa inta badan waxa ka dhaxeeya xiriir sare oo diblomaasiyadeed, kaasi oo uu Trump u arko mid faa’iido badan u leh dowladda Mareykanka. Musharaxiinta Dimuquraadiga Mareykanka ee hadda hogaamiya ayaa iyaguna qaba in uusan muhiimad weyn laheyn xiriirka Sacuudiga ee Mareykanka, sida ay dhowr jeer ku muujiyeen hadaladooda iyo khudbadaha qaar. Dowladda Sacuudiga ayaa iyaduna waxay qabtaa wal-wal xoogan oo ku aadan qofka ku guuleysan doona doorashada Mareykanka haddii Madaxweyne Donald Trump uu lumiyo doorashada soo socota ee November 2020 ama ka horba la casilo. Qaran News
-
Kenya oo mucaaradka Itoobiya uga raadineyso guddaha Soomaaliya fariisimo cusub Khilaafkii, iyo wadashaqeyn la’aanta u dhaxaysa Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya ayaa galay marxalad cusub, kaddib markii ay soo jiidatay dareenka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Golaha Ammaanka markii uu warbixin ka dhagaystay Ergayga QM Mudane James Swan, Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), iyo Danjire Abukar Daahir Cusman Baale, ayuu ugu baaqay Dawladda Soomaaliya iyo dhammaan Maamul-goboleedyada dalka ka jira inay dib u billaabaan wadahadalladoodii si ay u xalliyaan khilaafka u dhexeeya. Khilaafka u dhexeeya Mudane Axmed Maxamed Islaam-Madoobe, iyo Xukuumadda dhexe, ka sokow gobolka Jubbaland waxuu noqoday goob ay si gaara ugu hardamaan dalalka Itoobiya iyo Kenya. Labadan dal oo deriska la ah Soomaaliya, dhul iyo dad Soomaali ahna ay qayb ka yihiin dalalkooda, islamarkaasna ciidamadoodu qayb ka yihiin AMISOM, ayaa loollan ka dhex bilowday si mid waliba gooni ahaan u ilaashado danihiisa siyaasadeed, dhaqaale, iyo ammni. Dowladda Itoobiya waxay ku dhaliishay Kenya inay ku abuurayso gudaha maamul-goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya xoogag ka dhan ah qarannimada Itoobiya, islamarkaasna, halis ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka guud ahaan. Halka Kenya ay ku eedaysay dalka Itoobiya inay gacan siinayso xukuumadda Soomaaliya, si ay meesha uga saarto Mudane Axmed Madoobe oo gacan saar la leh dowladda Kenya. Hadabba maxaa ka jira eedaha ay isdhaafsanayaan labadan dal ee dariska la ah Soomaaliya? Maxaase run ka ah, doodda mucaaradka Soomaaliya ee dhahaysa, xukuumadda Soomaaliya waxay ciidamada Itoobiya u adeegsanaysaa cabburinta mucaaradka, iyo maamul goboleedyada? Waxaan la ogyahay, in Soomaaliya u loogan tahay cadawgeeda, maadaama cudud ciidan, dhaqaale, iyo hay’addo dowladeed dhammaystiran, haddana midaysan intaba aysan lahayn. Waxay Xukuumadda Soomaaliya la soo baxday tabo siyaasadeed oo dalka looga badbaadiyo jabka ay la maaggan yihiin xoogagga shisheeye ay horkacayaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Taasoo ka dhigan “Majo dhooqo midba marbaa la bixiyaa”. Xukuumadda Soomaaliya oo u aragtay fursad isbeddelka ku dhacay hoggaanka Itoobiya waxay isbahaysi la samaysatay Itoobiya, iyo Erateriya. Heshiiska ay galeen saddexdan dal waxuu saameynayaa dhaqaalaha, siyaasadda, iyo nabadgelyada. Bilowgiiba waxaa heshiiskaan si isku mid ah u dareensaday dowladda Kenya oo u aragtay in Soomaaliya ay ka baxday siriqdii ay ugu jirtay Kenya iyo Itoobiya oo isku dhinac (dan) ahaa, iyagoo heshiis ku ahaa in Soomaaliya aysan helin dowlad midaysan oo shaqaynaysa, iyo madaxda maamul gobeleedyada oo qaarkood taageero siyaasadeed, iyo hub ay ku wiiqaan dowladda dhexena ka heli jiray Itoobiya. Waxaa xusid mudan, in waajibaadka AMISOM ay ka mid tahay, la dagaallanka Alshabaab iyo inay Dowladda dhexe ka caawiyaan sugidda amniga, tababarka ciidan qaran, iyo ka hortagga waxii keeni kara khal-khal amni. Dowladda Soomaaliya oo ka faa’iidaysanaysa heshiiska ay la gashay Itoobiya, iyo Erateriya waxaa u suurto galay labo arrimood: (1) In Itoobiya ay joojiso gacansaarkii ay la laheed maamul goboleedyada, taasoo xukuumadda u oggolaatay in barnaamijyadeeda ay ku tayaynayso hay’adaha dowladda u gacan banaanaato, iyo (2) Inay dhisto ciidamo, tayaysan, tiro kooban, kuwaas oo leh muuqaal qaran. Welwelka mucaaridka ee la xiriira adeegsiga ciidamada Itoobiya ee Dawladda Federaalka waxuu ku salaysan yahay dhacdadii xiritaankii Roobow iyo faraggelinta Dawladda Federaalka ay ku samaysay doorashadii Koonfur Galbeed, halkaasoo ay ka dhistay talis goboleed hayin u ah, balse ka hor imanaya rabitaanka dadweynaha Koonfur Galbeed. Haddaba waxaa muhiim ah, in mucaaradka ogaal u yeeshaan hadalkooda, iyo ficilkooda si aysan danahooda gaarka u dhaawicin danaha qaranka, iyagoo qasdigoodu yahay oo qudh ah xukuumadda mucaarada! Arrinka khuseeya khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo gobollada, waxaa habboon in mucaaradka haddaysan ka odayayn karin khilaafka inay ka aamusaan ama dhedhexaad ka ahaadaan oo aysan “dabka bansiin ku shubin.” Dhanka kale, Kenya oo u aragta halis isbahaysiga ay samaysteen Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya, ayaa waxay isku dayaysaa inay fariisimo u hesho mucaaradka Itoobiya ee saldhigooda ahaan jiray dalka Erateriya, kuwaasoo saldhigyadoodii la baabbi’yay horraantii sanadkan, kaddib markii ay heshiiyeen Itoobiya iyo Erateriya. Mudane Cabdiraxmaan Mahdi Madey, oo loo doortay hoggaanka OLNF November 11, ayaa soo gaadhay maalintii Axadda ee Nofeembar 24kii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyay Nairobi masuuliyiin Kenyaan ah. Walaaca Itoobiya ayaa ah, in Mudane Axmed Madoobe oo mar xiriirkiisa muhiim u ahaa amniga Itoobiya, inuu mar qudha ah u gudbay dhanka Kenya, sida uu qoray wargeyska Addis Standard. Wargayska oo soo xiganaya ilo iyo xog diblomaasiyadeed ayaa qoray, in Kenya ay martiggelinayso shir uu qaban qaabiyay oo uu maalgeliyay Machadka Rift Valley ee Kenya, kaas oo u dhexeeya masuuliyiin heer sare ah oo ka socda Jabhada OLNF oo uu hoggaaminayo gudoomiyaha xisbiga, Cabdiraxmaan Mahdi Madey, iyo masuuliyiin sarsare oo ka socda Maamul-goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne goboleedka Axmed Maxamed Islaam Madoobe ( Addis Standard November 26, 2019). Dowladda Itoobiya horay waxay maamulka Mudane Axmed Madoobe ku eedaysay in saraakiil danbiyo xuquuqda aadanaha ka gaystay gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya xilligii Cabdi Maxamed hayay talada ay Jubbaland siisay gabbaad. Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, waxay rumeysan yihiin inkastoo aragtidii dunida ka qabtay Soomaaliya wax badan iska baddaleen, misna go’aanadda Golaha Amaanka waxaa ka muuqda inaysan weli meesha ka bixin fikradda ku salaysan “Qaran xoog leh oo ay Soomaaliya yeelataa waxuu halis ku yahay waddamada deriska la ah.” Haseyeeshee, go’aanka Golaha wuxuu raacay talabixintii Guddiga Khubarada (Panel of Experts), wuxuuna ku salaysan yahay in Guddiga uusan gacan ka helin Xukuumadda si ay talabixintooda u ebyaan. Dhanka kale xukuumadda iyo Guddiga waxaa u dhexeeya xurguf la xiriirta habka ay uu u shaqeeyo guddiga iyo halka ay fariisin ka dhigteen oo ah Nairobi, iyadoo ay Xukuumada dacwad horey uga gudbisay, balse aan natiija dhalin. Waxaana suurtaggal ah, inay Soomaaliya sii saarnaato cunaqabataynta hubka, haddii dadaallada Dowladdu waddo oo lagu dhisayo ciidan qaran aysan taageerin dhammaan shacabka Soomaaliyeed muxaafid iyo mucaaradba! Waxaana quman in aan la siyaasadeyn barnaamijka dhismaha ciidan qaran, iyo sugidda amniga. W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Soomaali ku dhimatay dab ka kacay daar dheer oo ku taal Minneapolis Shan ruux oo ay labo soomaali tahay ayaa dhintay, halka 4 qof oo kalena cisbitaalka la dhigay, ka dib markii mid ka mid ah daaraha dhaa-dheer ee ku yaalla xaafadda Cedar ee Soomaalidu ku badan tahay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uu dab ka kacay. Dabka ayaa waxaa uu ka kacay guri ku yaal dabaqa 14-aad ee daartan oo ay daggan yihiin dadka xanuunsan, kuwa da’da ah iyo dadka kaligood nool. Afar ka mid ah dadka ku dhintay ayaa magcohooda la shaaciyay, waxaana ay kala yihiin Amatalah Adam oo 74 jir aheyd, Maryan Mohamud (69-jir), Nadifa Mohamud (67-jir) iyo nin isna magaciisa lagu sheegay Jerome Stuart oo 59 jir ahaa. Booliska oo aan wali shaaci magaca qofka shanaad ayaa sheegay in uu isna yahay qof da`ah, ayna gadaal magaciisa ka shaacin doonaan. Sarkaal u hadlay waaxda dab-damiska ee magaalada Minneapolis Chief John Fruetel ayaa warbaahinta u sheegay in wali uu socdo baaritaan ku aadan qaabka uu dabku u dhacay iyo waxa sababay, balse uu isagu qiyaasayo in uu si shil ahaan u dhacay. Dadka dagganaa daartan ayaa dibedda loo wada dareershay markii uu dabku kacay. Qaran News
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa waxay shalay tababar u soo xirtay boqolaal askari oo Soomaali ah, kuwaa oo ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Ururka Al Shabaab. Askartan ayaa waxaa tababarka loogu soo xiray Xarunta Taliska Ciidamada Turkiga ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho (Turksom), ka dib markii tababar uu heerkiisu sareeyo ay ku soo qaateen dalka Turkiga. Ciidamadan oo Kumaandoos ah ayaa waxaa loogu talagalay in ay ka qayb qaataan dagaalka Ururka Al Shabaab looga xoreynayo qaybo ka mid ah Gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya. Munaasabad ballaaran oo ciidamadan loogu wareejinayay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Xerada Turksom, waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Hawlgalka Ciidamada Turkiga, General Varmeyez. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa waxaa uu Dowladda Turkiga kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.
-
Ankara (Caasimada Online) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga digay isku dayo uu sheegay inay wadaan qolo uusan carabaabin, kuwaasi oo sii xoojinaya kala qeybsanaanta ka dhex jirta Muslimiinta. Erdogan ayaa sheegay in qolooyinkaasi ay muujinayaan kala duwanaashaha qowmiyadaha iyo madaahibta diiniga, kuwaasi oo uu sheegay inay Shiicada iyo Sunniga ay ka dhigaan labo diin oo kala duwan. Madaxweyne Erdogan ayaa arrinkaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay maalintii Khamiistii gaba-gabada shirkii lixaad ee Golaha Shuurada diinta, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen madaxda Arrimaha Diinta ee caasimada Ankara. Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dunida Islaamka uu ku soo kordhiyay mowqif mideysan oo ka dhan ah weerarada lagu qaado goobaha ay ku cibaadeystaan muslimiintu. “Waxaa jira kuwa si qoto dheer khilaaf uga dhex abuuraya Muslimiinta, iyaga oo muujinaya kala duwanaashaha qowmiyadaha iyo mad-habyada diiniga” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan. Wuxuuna intaas kusii daray Erdogan “Waxaana gacan ka geysanay in adduunka Muslimka ah uu meel uga soo wada jeesto, kana qaato mowqif mideysan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo meelaha muqadaska ah ee Muslimiinta”. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Golaha shuuradu uu xal u helo arrimaha casrigan marka laga eegayo dhinaca diinta iyo aragtiyaha aadanahaba, isagoona carabka ku adkeeyay inaysan qiimeynaynin fikirka caqiido ee diinta ka soocaya nolosha.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmay Mette Knudsen oo ah Safiiradda dowlada Denmark u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles . War-saxaafadeed ka soo baxay Jubaland, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ayaa Safiiradda warbixin kooban ka siiyay xaalada guud ee Jubbaland, doorashadii Jubaland ka dhacday iyo Xaalada Siyaasadeed ee hadda dalku marayo. War-saxaafadeedka ayaa intaasi ku daray, in madaxweynaha Jubaland uu safiiradda la wadaagay aragtida Jubbaland ee doorashada 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorasho loo wada dhanyahay maangalna ah loo suuro galin karo, taas oo uu sheegay inay u baahantahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale, Mrs. Mette Knudsen ayaa sheegtay in danta Soomaaliya iyo tan beesha caalamkuba kujirto in wada shaqeyn rasmi ahi dhex marto dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo dalkana loo xoreeyo argagixisada, sida lagu xusay war-saxaafadeedka Jubaland. Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyey dowladda Denmark mashaariicda hormarineed ee ay ka wado Jubbaland oo uu ugu horreeyo mashruuca Kalluumeysiga oo ay hay’adda DRC waxbadan ka qabatey. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale shalay magaalada Nairobi kula kulmay safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Ben Fender, oo ay ka wada-hadleen arrimaha Soomaaliya iyo doorashada 2021. Kulamadan ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin dadaallo ay beesha caalamka ku dooneyso in lagu xaliyo xiisadda u dhaxeysa Jubaland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
-
Popular Contributors
