Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,011
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen taageerayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ayey ku sheegeen inay soo dhoweynayaan kulankii dhawaan dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaal hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo ay sheegeen in looga wada hadlay arrimaha siyaasadeed ee dalka. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyey kulan kale oo ka dambeeyey kii wada qaateen seddaxda Madaxweyne, kaas oo uu Madaxweyne Farmaajo ku qaabilay in kabadan 50 xisbi siyaasadeed oo dalka ka jira. Kulamadaas ayey saaxiibada Soomaaliya ku tilmaameen tallaaboyin wanaagsan oo dhiira-gelin u noqon kara wadahadal loo dhan yahay ka hor doorashada 2020-ka oo la doonayo inay noqoto mid qof iyo cod ah. “Waxaan dhiira gelinaynaa wada shaqeyn dheeri ah oo ka dhex bilaabata daneeyayaasha muhiimka ah ee heer qaran iyo heer dowlad-goboleedba, si loo hubiyo wadahadallo loo dhan yahay, iyadoo la eegayo is waafajinta dhinacyada xoriyadda, cadaaladda, hufnaanta iyo aaminaadda, si loo qabto doorasho hal-qof iyo hal cod ah, taas oo taariikhi u noqon doonta geedi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka. War-saxaafadeedkan ayaa waxaa wadajir u soo saaray dhinacyada kala ah: Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Talyaaniga, Kenya, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United Nations, United StatesAmerica.
  2. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanha-Warraka-27112019-sax.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Shirkii u dhexeeyay Dowladaha Afrika iyo Talyaaniga oo ay Soomaaliyan kujirto ayaa maanta lagu soo geba gebeeyay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga,iyadoo Soomaaliya uu u matalayay wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan halkaasi. Mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday shirkan oo loogu magac daray (Afrika & Italt Business Week) ayaa diiradda lagu saarayay sidii wadamada Talyaaniga iyo Afrika ay isaga kaashan lahaayeen ganacsiga Dalxiiska Soomaaliyana ay kujirto. Sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay agaasimaha waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane C/risaaq Cabdi Cabdullaahi oo kamid ah wafdiga wasiir Maareeye uu hoggaaminayo ee shirkaasi ka qeybgalay. Mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) iyo wafdigiisa ayaa shirkaasi ku soo bandhigay fursadaha dhanka ganacsiga Dalxiiska ee kajira Soomaaliya,maadaama dalka uu haatan ka soo kabanayo burburkii,islamarkaana uu cagta saaray dhabihii horumarka. Sidoo kale waxaa wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu kulamo gooni gooni ah uu la yeeshey qaar kamid ah madaxdii ka qeybgashey shirkaasi,waxaana kamid ahayd wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee Talyaaniga (Emanuela Claudia Del Re ) oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal iyo in dowladda Talyaanigu ay taageerto qorshayaal lagu horumarinayo warbaahinta dalka. Khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirkaasi ayuu wasiirku ku ammaanay dowladda Talyaaniga sida ay dhabarka ugu ridatay martigelinta muhaajiriinta Afrikaanka ah,kuwaasi oo dalkaasi galaya,iyagoo ka gudbaya badda Mediterraneanka ee isku xirta dalalka Afrika iyo Qaaradda Yurub. Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid ah wadamada galaangalka ku leh taageerada Soomaaliya,waxaana jira xiriir soo jireen ah oo ka dhexeeya labada dowladood,taasi oo fursad u siinaysa Soomaaliya in ay ka faa’ideysankarto barnaamijyadan horumarinta ganacsiga Dalxiiska. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo wasiirkii arimaha gudaha dowladda Soomaaliya, haatana lagu wado inuu noqdo mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2020/21 Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu uga hadlayo sharciga doorashooyinka Qaranka oo maanta loo qeybiyey xildhibaanada golaha shacabka. Cabdikariin Guuleed ayaa guddiga soo diyaariyey sharcigaas ku amaanay wax ka bedel loo baahnaa oo uu sheegay inay ku sameeyeen qodobada qaar, isagoo sheegay inay jiraan dhaliilo kale oo uu wali sharcigaas ka qabo. Halkaan Hoose ka akhriso qoraalka Mr. Guuleed oo dhameys tiran: QABYO QORAALKA SHARCIGA DOORASHOOYINKA. Waxaan si guud u soo dhaweynayaa qabyo qoraalka wax ka badalka sharciga doorashooyinka ee gudiga baarlamaanku uu maanta u qeybiyay xubnaha golaha shacabka. Haddaba anigoo marka hore ku amaanaya gudiga sharafta leh dadaalka weyn ee ay ku bixiyeen inay sharciga si guud u soo waafajiyaan dastuurka ku meel gaarka ee dalka u yaala iyo wadatashiga balaaran ee ay sameeyeen intaba, haddana waxaa jira arimo dhawr ah oo aan qabyo qoraalka ka qabo sida: 1. In kasto aynu ognahay in sharcigu uu yahay mid guud (Universal) oo aan sanad doorasheed gaar ah khuseynin, haddana waxay aheyd in gudiga ay wax ka soo yiraahdaan suurta galnimada in sharcigaan doorasho loogu gali karo sanadka 2020, maadaama uu shaki weyn ka jiro suurta galnimada qabsoomidda doorasho qof iyo codkiisa, sababaha soo socda awgeed: A. Xaaladda amaan dari ee dalka ka taagan, taaso keenaysa in qeybo badan oo dalka ka mid ah aysan ka qabsoomi karin doorasho qof iyo codkiis ah. B. Waqtigii doorashada golayaalka sharci dajinta ee baarlamaanka oo ay ka harsan tahay in ka yar hal sano. T. Sharcigii Soomaalinada (Citizenship law) oon weli shaqadiisa aan la bilaabin waqti iyo dood siyaasadeed badannna u baahan. J. Tirintii iyo tirakoobkii cod bixiyayaalka oo aan la heynin iyo ayadoo ay muuqato in mudada gaaban ee dhiman laga gaarin arinkaas. X. Heshiis iyo isfaham la,aanta siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada gacanta ku haya goobaha doorashadaas ay ka dhici laheyd. Kh. Uradada siyaasadeed ee curdinka ah ee Dalka ka hana qaaday oo aan weli gaarin xaaladihii ay uga bixi lahaayeen ururninada uguna gudbi lahaayeen heer loo aqoonsan karo Xisbi siyaasadeen, iyadoo ay weliba sii dheertahay inaysan soo muuqanin ififaalo muujinaya in ay shuruudaha ku xeeran Xisbinimada ee ay ku soo buuxin karaan mudada ka dhiman xili Doorashada Dalka ee 2020. 2. Waxaa ka muuqda sharciga dulduleelo sharci oo dhiiragalin kara, horseedina kara muddo kororsi Hay’adaha dastuuriga ah ee haatan jira, arinkaas oo khatar siyaasadeed iyo amniba galin karta dalka, dib u dhac weynna ku keeni karta. Gabagabadii waxaan is leeyahay in sharcigu uu oga baahan yahay xildhibaanada sharafta leh dood iyo falanqeyn weyn, si loo helo hanaan sharci doorasho oo xaaladaha haatan jirana looga gidbo, mistaqbalkana la jaanqaadi kara.
  5. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiinta UAE u qaabilsan Tababarka iyo Taakuleynta ciidanka Puntland ee PMPF. Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qanciyay, in ay sii wadaan Qandaraaska shirkadda PDG oo dowladda UAE ay Adeega iyo Saadka u soo marin jirtay ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa bishii June ee sannadkan hakisay Logistic-kadii ay ciidanka PMPF u soo marin jirtay shirkaddaasi PDG, kadib markii uu khilaaf ba’an soo kala dhex-galay Saamileydii ku midaysnaa PDG, islamarkaana uu khal-khal ku yimid hawlihii shirkaddaasi. Sidoo kale, saraakiisha Imaaraatiga ayaa wakhtigaasi ku hanjabay, in ay gebi ahaanba Qandaraaska kala laaban doonaan shirkadda PDG, kadib markii la xallin waayay khilaafka u dhexeeya Saamileyda ku midaysan Shirkadda. Balse, madaxweynaha Puntland ayaa sida la sheegayo mas’uuliyiinta UAE u xaqiijiyay, in xal rasmiya laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Saamileyda PDG, isagoo ku qanciyay in ay sii wadaan Qandaraaska PDG ee Taakuleynta ciidanka PMPF. Wararku waxay intaas ku darayaan, in madaxweynuhu safarkiisi soo geba-gabeeyay, isagoo la filayo in uu maalinta Sabtida soo socota dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. PUNTLAND POST The post XOG: Deni oo dowladda Imaaraadka ku qanciyay in ay sii wadaan Qandaraaska PDG appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT- Manchester)-Nin Soomaali ah, oo isku dayay inuu dilo saddex qof, oo uu ku jiray askari ka tirsan booliska Britain ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah. Mahdi Maxmuud ayaa falkaas ku geystay weerar uu toorri u adeegsaday oo ka dhacay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Manchester. Ninkan 26 jirka ah, ayaa toorri la dhacay lammaane wada socday, ka dibna wuxuu weeraray askari lagu magacaabo Lee Valentine, oo ka howlgalayay Manchester Victoria, dabayaaqadii sannadkii lasoo dhaafay. Waxaa hore loogu sheegay in 11 sano oo xabsi ah lagu xukumi doono ka dib markii uu qirtay saddex nooc oo dambi ah, oo dhammaantood la xidhiidha isku day dil iyo fal argagixisanimo ah. Maxkamadda Manchester Crown ayaa ku dhawaaqday xukunka. Maxamuud ayaa marka hore lagu xidhi doonaa meel ka mid ah cisbitaal amnigiisa si weyn loo adkeynayo. Garsoore Stuart-Smith, oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sida ay wax u dhaceen u sheegay Mahdi, oo daggan xaafadda Cheetham Hill ee magaalada Manchester, wuxuuna ku yidhi ; “Waxaad adigoo si daggan ugu dhex socda goobta tareennada laga raaco aragtay lammaanaha”. “Kadib waad daba raacday, waxaad lasoo baxday mid kamid ah toorriyahaaga waadna ku weerartay. Waxaad weerartay adigoo damacsan inaad disho”, ayuu yidhi garsooraha. Garsooraha ayaa sheegay in dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah ay ninkan u horseedeen inuu ku fikiro arrimo jihaadi ah, laakiin uu qaadan karay mas’uuliyadda buuxda ee weerarka uu geystay. Maxamuud ayaa marka cisbitaalka laga saaro loo gudbin doonaa xabsi uu noloshiisa ku dhameysan doono. Maxkamadda ayaa horay loogu sheegay in Maxamuud uu daba socday lammaanaha, oo da’dooda lagu sheegay 50-meeyo, abaare saacaddu markii ay ahayd 21:00 GMT, 31-kii bishii December. Wuxuu ku dhawaaqay erayada “Allahu Akbar” iyo “ha noolaado khaliifada”, kadibna wuxuu ku weeraray toorri. 13 dhaawac oo ninka haweeneyda la socday soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah jab, halka haweeneydana dhaawaca wajigeeda ku dhacay uu gaadhay ilaa lafta. Mr Valentine, oo 31 jir ah ayaa rasaas ku riday Mahdi, balse waxay ku hakatay jaakaddiisa, mana aysan curyaaminin. Askariga oo ka tirsanaa booliska gaadiidka ee Britain ayaa garabka laga tooriyeeyay ka hor inta aan ninka weerarka fulinayay la xidhin. Middi kale oo nooca jikada lagu isticmaalo ah ayaa laga helay Mahdi jeebkiisa, booliska Manchester ayaana sheegay inay sidoo kale ka heleen waxyaabo badan oo muujinaya fikradaha argagixisada. Afar askari, oo uu ku jiro Mr Valentine (qofka labaad ee dhinaca bidix) iyo labo shaqaale oo kale Maxamuud, oo heysta dhalashada Netherlands, asal ahaanna kasoo jeeda qoys Soomaali ah, ayaa UK tagay isagoo 9 jir ah, waxaana lagu xagjireeyay dhinaca internet-ka, sida ay booliska ku warrameen. Det Supt Will Chatterton ayaa yiri: “Kani wuxuu ahaa weerar argagax leh oo dhacay mid ka mid ah maalmaha ugu mashquulka badan sanadka waana ogahay in dadka waxyeelladu gaartay ay waligood xasuusnaan doonaan arrintaas. “Shaki kuma jiro waxa dhici lahaa haddii uu Maxamuud adeegsan lahaa middida weyn ee ku jirtay jeebka jaakaddiisa”. Maxamuud aabihiis, oo warqad u diray garsoorka maxkamadda, ayaa sheegay in qoyskiisu ay dadka dhaawacmay u duceynayeen tan iyo markii uu dhacay weerarka “argagaxa” leh, wuxuuna sheegay inuu aad uga mahadcelinayo jawaabta degdegga ah ee ay ciidanka amnigu bixiyeen. Wuxuu intaas ku daray in qoysku ay aad uga “argagaxeen”, ayna “naxdin weyn” dareemeen markii ay maqleen waxa uu wiilkiisa sameeyay, isagoo sheegay in haddii uusan dhibaato dhinaca maskaxda ah qabin uusan sameyn lahayn ficil noocaas ah. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Ku Baaqay In Loo Gurmado Dadka Reer Saylac, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay doonayaan in dalka ay uga qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, markii lagaaro dhamaadka sanadka 2020-ka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar badan sheegay in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana aysan jiri doonin muddo korarsi iyo in dib loogu laabto nidaamka soo xulista Baarlamaanka ama nidaamkii doorasho ee ugu dambeysay ee ahaa doorasho dadban. In kastoo madaxda dowladda Soomaaliya ay doonayaan in dalka ay ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah ayaa hadane waxaa muuqda ilaa 7 qodob oo diideysa in doorasho nuucaas xiligaan ay dalka ka dhacdo, islamarkaana loo baahan yahay in laga fikiro qorshe kale oo isbadal maamul lagu gaaro 13 bil kadib. Qodobada diidaya in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa ka mid ah ilaa 7-daan qodob oo muhiim ah doorashooyinka nuucaas oo kale ah. 1 – In la ansixiyo sharci doorashooyinka dalka oo ka soo gudbay Golaha Wasiirada, islamarkaana hadda horyaalla Golaha Shacabka kadib markii ay soo gudbiyeen guddi dib u eegis ku sameeyey sharcigaasi. 2 – In tiro koob lagu sameeyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed maadaama uu dalka ka soo kabanayo bur bur iyo dhibaatooyin, islamarkaana aysan jirin tiro koob sax ah oo la sameeyay, kaas oo la isku raacsan yahay. 3 – Diiwaan gelinta cod-bixiyaasha ayaa sidoo kale ah qodob kale oo muhiim ah oo aysan la’aantiis waxba socon karin. 4 – Sidoo kale dalka kama jirto kalsooni amni waxaana qatar weyn ku ah Al-Shabaab, xataa ma jirto kalsooni amni oo lagu qabo magaalooyinka ay dowladda maamusho iyo kuwa maamul gobaleedyada. 5 – In la sameeyo Maxkamadda dastuuriga ah ee kala saari laheyd Xisbiyada markii la isku qabsado ama muran ka yimaado natiijada doorashada 6 – Dhameestirka qabya qoraalka dastuurka oo muddo dheer soo jiitamayay, kaas oo aan ilaa hadda xal laga gaarin. 7 – Iyo in la dhameeyo wadahadala Soomaaliya iyo Somaliland oo aan marna fariisan tan iyo wixii ka dambeeyay Xukuumadda hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Falanqeeyaasha arimaha Soomaaliya iyo dadka yaqaana arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in ilaa laga helo 7-daas qodob in aysan dalka ka dhicin karin doorasho xor iyo xalaal ah oo ay dadweynaha Soomaaliyeed ku doortaan qofkii ay u baahnaayeen. Siyaasiga Cabdiraxaman Cabdishakuur Warsame ayaa todobaadkaan Yurub ka sheegay qaar kamid ah qodobadaan waxa uuna kamid yahay boqolaal kale oo aragtidaan aaminsan.
  9. Five people died early Wednesday in a fire on the 14th floor of a Minneapolis public housing high rise, and three others were hospitalized, authorities said. Source: Hiiraan Online
  10. Faysal Cali Waraabe ayaa booqasho ugu tagay Hotelka uu Degan yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku sugan Nairobi. Waraabe ayaa sheegey inuu damacsanaa inuu [...] Source
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-27112019.mp3 View the full article
  12. Jabuuti (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Djabuuti ee dalka Jabuuti. Waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kala hadleen doorashooyinka lagu waddo in ay ka dhacaan Soomaaliya Sanadka 2021-ka. Sheekh Shariif ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayay la kulanka Madaxweyne Geelle waxaana uu u qornaa siddaan: Waxaan soo gaarnay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, iyada oo aan kulan gaar ah la qaadannay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb Aadan Xasan Aadan. Waxaa kulanka igu wehliyay Xoghayaha arrimaha dibadda Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Danjire Cabdirisaaq Shoolle oo kamid ah xubnaha sare ee Xisbiga. Waxaan ka wada hadalnay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka innaga oo warbixinna ka siinnay aragtida Himilo Qaran ee dhismaha dowladnimada iyo doorashada la filayo 2020/2021. Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti madax iyo shacab waxaan uga mahad celinaynaa markasta doorkooda muuqda ee dib u dhiskii dowladnimadii naga burburtay.
  13. Dhuusamareeb , Sunday November 24, 2019: The Federation of Somali Journalists FESOJ, in cooperation with the Free Press Unlimited under the project of Our Right to Know supported by the EU organized one-day symposium on Council of Peace at Hotel Badar in Dhuusamareeb city, Galmudug State focusing on the safety and protection of journalists ahead of Galmudug elections. The program Council of Peace is titled “Strengthening security agencies and media relations for the safety of journalists, access of information, freedom of expression and media freedom in Somalia” The aim of the meeting was institute confidence-building mechanisms and professional journalistic processes to facilitate dialogue between the security agencies and media, fostering greater understanding and eliminate distrust and mutual suspicion in order to promote and create an environment conducive to freedom of media and safety of journalists during elections. The symposium discussed how understanding could be established between all stakeholders that is the media and security agencies, which allow and facilitate each part conduct its duties, while at the same time any party not to be challenge to the other. The meeting attracted considerable number of journalists working in Dhuusamareeb city, Moalim Nur Elmi Abdulle , Governor and Mayor of Dhuusamareeb City, Abshir Abdi Shiikhow, Minister of Constitution of Galmudug State, Mohamed Nur Diini, Deputy Minister of Energy and Water, Colonel Abdullahi Hassan Ali , Dhuusamareeb Police Commander, Mahad Khalif Rooble and Farah Warsame Jama (Garas), Senior officials of the Somali Custodial Forces. It was a follow up to a similar meeting held last year in 2018 and was also a direct follow-up to the implementation of a priority identified by stakeholders on the safety of journalists so that lines of dialogue can be opened and agreement between media, security agencies as well key state institutions with a common strategy to deal with the safety and security of journalists. During the debate and discussions, the participants were taken through the main topics on how to communicate with the media, operational safety procedures when dealing with the journalists and freedom of expression, and how security forces can ensure that journalists can access the information they need to pass to the public. In his opening remarks, the second deputy President of FESOJ Abdifatah Hassan Farah said its fundamental human rights to ask for, and receive information held by the public organizations and government bodies, its therefore imperative that the security agencies allow journalists to carry out their work freely by providing information that the public needs to know. All the officials who attended the meeting noted that there are challenges facing the Somali media; and they are prepared to work with the Somali journalists. They have also called the journalists to avoid transmitting fake news that some of the journalists rush to. Journalists got an opportunity to interact and ask direct questions regarding their safety and security with the police officers and other government officials attended the meeting, particularly on the daily challenges they come across during news gathering in the city or outskirts of Dhuusamareeb city. The security forces have replied to all the significant questions that have been raised. “In elections, journalists face challenges so this symposium has come an important period as Galmudug prepares for elections, and we want the media to get collaborations from all parties” Mohamed Ibrahim Moalimuu FESOJ Secretary General said. In conclusion, all the parties attending in the meeting has agreed to work together, with the view everything in terms of the rules each party operates on. The meeting was closed by the second deputy President of FESOJ Abdifatah Hassan Farah who thanked the participants for their frank discussion of key issues affecting media freedom and access to information. Since the relationship between the media and security agencies, including those in the law enforcement and intelligence services, has always been a delicate one in Somalia and often characterized by frequent clashes, arising from a somewhat startling inability of either side to fully appreciate the role of the other in society, In conclusion it was agreed that such meetings should be continued to lead for real cooperation and both sides should come up and establish a taskforce for further dialogues.
  14. Qoys reer Boorama ah ayaa sheegay in madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ku haysto dhul ay ku leeyihiin magaalada Boorama. dadkan oo maanta warbaahinta Boorama kula hadlay ayaa madaxweyne Biixi, ugu baaqay in uu ka qabto awood sheegasho ay sheegeen in uu ku hayo Saylici. Source
  15. Hoggaamiyaha xisbiga UCID ee mucaaradka ah ee Somaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha maamulka Soomaaliya ee Jubaland Mudane Axmed Madoobe. Kulankan ka dhacay caasimadda Kenya ee Nayroobi ayaa lagu sheegay in lagaga wada hadlay arrimo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya iyo Somaliland. Faysal ayaa hore taageero ugu muujiyay Axmed Madoobe markii xukumadda Farmaajo culayska siyaasadeed ku haysay Jubaland waxaana kulanka ku weheliyay Maxamed Aadan Ilkacase agaasimihii hore ee wasaaradda shaqo gelinta Somaliland oo ka qayb galay caleemo saarkii Axmed Madoobe. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta wadajir u yeesheen labada Aqal ee Baarlamanka oo ahaa shirkoodii saddexaaad ayaa lagu qeybiyey Sharciga Doorashada ee ay soo diyaariyeen Guddi uu sameeyay Guddoonka Baarlamaanka, kaasoo ka duwan sharcigii hore ee Golaha Wasiirada ansixiyeen, kana yimid Madaxtooyada Soomaaliya. Sharcigan cusub ayaa ka bedelay kii Golaha Wasiirada iyo Madaxtooyada ee loo gudbiyey Baarlamaanka, waxaana isbedel ku sameeyay Guddiga baarlamaanka oo tegay dhammaan maamul Goboleedyada dalka, isla markaana la-tashiyo la sameeay xisbiyada siyaasadda iyo qeybaha Bulshada. Kulanka wadajirka ee labada Aqal ee Baarlamanka wuxuu ku furmay 186 Mudane, iyadoo ajenduhu uu ahaa: Habraaca Ansixinta Dib u eegista Dastuurka Kumeelgaarka, kadibna waxaa la qeybiyey Xeerka Doorashada oo si weyn ay uga horjeedo Madaxtooyada Soomaaliya. Warbixinta oo ka koobneyd lix bog ayaa waxaa ku lifaaqneyd sharciga doorashooyinka oo loo qeybiyay Xildhibaanada, iyadoo lagu sameeyay wax ka bedel badan qaabkii ay Xukuumadda u soo diyaarisay ee aan waafaqsaneyn Dastuurka. Sidoo kale warbixinta Guddiga ayaa waxaa ku jirtay la tashiyo uu ka soo sameeyay dowlad goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dhammaan warbixinta ku cadaa natiijada kulamada Guddiga soo waday ee la xiriiray la tashiyada sharcigan. Qodobada Guddiga wax ka bedelka ku sameeyay ayaa ahaa inuu meesha ka saaray hannaanka doorashada ee nidaamka Metelaada isu dheeli tiran ee Liiska xiran (Proportional representation closed list), kaasoo ahaa mid dhaliyay doodo kala duwan, gaar ahaan sida la isku waafajin karo awood qeybsiga 4.5. Sidoo kale Guddiga ayaa qaatay Nidaamka Aqlabiyada badan (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka. Nidaamkan cusub ayaa laga hor akhriyay Golaha inkastoo aan laga doodin oo wali howshiisa ay socoto, waxaana xildhibaanada lagu wargeliyey inay laba cisho isha soo mariyaan si sharcigaan looga doodo. Guddoonka labada aqal ayaa u midoobay inay ka hortagaan sharciga Doorashada ee ay wadato Madaxtooyada, waxaana la xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo aanu raali ka ahayn sida ay u socoto shaqada labada Aqal xilligan. Halkaan hoose ka akhriso Qoraalka Guddiga oo dhameystiran
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay isbedel la sheegay inuu ku yimid xidhiidhkii kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya, isla markaana ay Xukuumadooda ay walaac qabto. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa sheegtay inaysan waxba iska badalin xidhiidhka Somaliland kala dhaxeeya dowladda Itoobiya, midaasi oo ay ku beeninayso warbixin dhowaan uu daabacay Wargeysa ka soo baxa Itoobiya. Wargeyskaasi ayaa sheegay in Somaliland ay aad uga walaacsantahay isbedelka uu siyaasadii dowladda Itoobiya ka sameeyey Raysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, oo arrintaasi ka hadlayey ayaa warbixinta wargeyskaasi ku tilmaamay mid aan xaqiiqda ku saleysneen oo malo awaal ah. “Hadalkaasi markii aanu baadhnay siduu ku soo baxay waxay iska ahayd si sheeko ah oo aan ujeedo ahayn wax si rasmiya uga baxay wasaaradda oo uga waramayey may ahayn wax kala fogaansho ah iyo wax ka bedelmay xidhiidhkii hore ee fiicnaa ee Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeyey ma jirto” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Faratoon. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Cid iska indho tiri karta jiriteenka Somaliland ma jirto, dadka ka shakiyey shirarkii madaxweynaha Soomaaliya, ka Eritrea iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya ku shiri jireen ee u qaatay inay khatar ku tahay Somaliland waxba kama jiraan, waayo ee gobolka saddexdaas dal uun maaha oo dalal kale ku yaalla”. Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in dowladda Itoobiya kala laabatay wakiilkeedii Hargeysa, taasi oo uu sheegay in uu Safiirka Itoobiya ee Hargeysa uu gaadhay da’dii howl-gabka, isla markaana ay dowladda Itoobiya badelkiisa diyaarineyso.
  18. A public awareness forum held in Mogadishu on Tuesday called for an end to violence against women in conflict in Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Duulaanka Itoobiya ee Gedo wuxuu macnayniyaa ujeeddada iyada iyo Kenya ay u joogaan Soomaaliya! Jubbaland waa cabatay!…OO yaaba is gaaray?!… [...] Source
  20. Somalia’s ratification of a key convention to protect internally displaced people in Africa is a landmark achievement for the country and the African continent, UNHCR, the UN Refugee Agency, said today. Source: Hiiraan Online
  21. Garneylada Booliisku soo bandhigay Taliska Qeybta Booliiska gobolka Bari, ayaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ku soo bandhigay, hubka garneylada gacanta laga tuuro oo ciidanka Booliisku ay ka soo qabteen gudaha magaalada. Taliyaha Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka warbixiyay hubka ay soo bandhigeen, ayaa sheegay in hawlgallo ciidanka Booliisku ka sameeyeen xaafadaha Boosaaso, ay u suura-geshay in ay soo qabtaan garneyladan gacanta laga tuuro ah, kuwaasi oo kooxihii sitay ay ka carareen. Taliyaha ayaa tilmaamay, in kooxo argagixiso ah oo hubkan ku qarinayey xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso, ay bannaanka u soo saareen, dabadeedna luuqya cidlo ah uga carareen, kadib markii ay ogaadeen in ciidanku baaritaan ku wadaan guryaha magaalada. Sidoo kale, Taliyaha ayaa warbaahinta u soo bandhigay dad loo soo qa-qabtay dhac iyo furasho ay gudaha Boosaaso ka wadeen, gaar ahaanna dhalinyaro ku eedaysan in ay habeenkii dhac u gaysan jireen shacabka magaalada Boosaaso. Dadka ku eedaysan dhaca iyo furashada dadweynaha ayaa qaarkood lagu soo qabtay Khamro iyo maandooriyaal kale oo ay adeegsan jireen, waxaana taliyuhu sheegay in dhowaan sharciga la hor-geyn doono. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Booliiska gobolka Bari oo soo bandhigay Hub ay ka soo qabteen gudaha Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ayaa kulan la yeeshay Guddigii hore ee doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo muddo-xileedkoodu dhamaanayo bishan. Sidaana waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo Maanta ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay guddidii hore ee komishanka doorashooyinka qaranka oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka, waxaana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax. Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha Guurtida & wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ayey ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii Madaxtooyada. Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, waxaana ay tilmaameen in shaqadii ay soo qabteen ahayd masuuliyaddii loo igmaday iyo waajibaad qaran oo ay u guteen si Dastuuri ah.” Source
  23. HARGEISA (HOL) - Authorities in in Somaliland released Waddani Party officials Tuesday evening following the intervention of a committee of elders which mediated their release. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimadda online) – Kulankii wadajirka ahaa oo ay maanta yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana ay goobjooga ka ahaayeen 186 Xildhibaan iyo Senator, ayaa waxaa loogu qeybiyey Sharciga doorashooyinka. Sharcigaan ayaa waxaa dhawaan soo geba-gabeeyey diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka,guddigaas oo ka koobnaa 15 Xubnood oo laga soo xulay xildhibaannada Golaha Shacabka. Dhanka kale Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista dastuurka ee labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo kulankaan ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan caqabado hor taagan dib u eegista Dastuurka. Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Khilaafka ka dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada uu caqabad ku noqday shaqadii dib u eegista Dastuurka. Cabdi Qeybdiid ayaa ku sheegay qodobada soo socdo inay caqabad ku noqdeen dib u eegista Dastuurka oo aan weli sidii loogu talagalay aan looga doodin: Khilaafka Dowladda iyo Maamul Goboleedyada la tashiga bulshada Soomaaliyeed oo uusan wada gaarin wadatashiga dastuurka Arimaha Maaliyada ee ku shaqeeyo Guddiga oo aan la helin. Mudo xileedka baarlamaanka 10aad oo mudo xileedkiisa siidhamaanayo iyo shaqooyinka horyaaha oo badan Ugu dambeyntii Cabdi Qeybdiid ayaa xusay inay jiraan caqabado uu ka gudbay guddiga uu madaxda u yahay, wuxuuna tusaale ahaan usoo qaatay xalkii laga gaaray khilaafka u dhaxeeyey labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
  25. MOGADISHU (HOL) - Winner takes all election system as used in Somaliland is the most viable electoral model for parliamentary and civil elections in Somalia, a parliamentary report has recommended. Source: Hiiraan Online