Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,019
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Addis Ababa)-Gaashaandhigga ahna ku xigeenka Xisbiga ODP ee degaanka Oromiya ka taliya Lamma Magersa ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo midaynta xisbiyada dalka ee EPP iyo nidaamka MADAMAR ee uu layimid Abiyi Axmed. Waxa uu sheegay in bilawgiiba uu guddida fulinta u sheegay in aanay sax ahayn hannaanka lagu midaynayo xisbiyada maamul goboleedyada ee la isugu guurayo xisbiga talada Itoobiya haya, haddiiba ay sax tahayna ay wakhtigeedii ka soo horumartay. Waxyaabaha uu sheegay waxa ka mid ah in aanay bulshadooda Oromada ee leh xisbiga ODP aanay ka qancin karin arrintan marka horena ay tahay in bulshadu aamminto oo ku qanacdo nidaamka cusub. Lamma Magersa ayaa arrintan ka sheegay mar uu u waramayay laanta Afka Oromada ee VOA, inkastoo sida wararka qaar sheegayaan waraysigan markii hore la hakiyay sababo aan la caddayn haddana xalay ayay baahisay laanta Afka Oromada ee VOA. Hadalka Lamma Magersa ayaa kusoo aadaya xilli la rabo in dalka oo dhan laga hirgaliyo arrimaha ku saabsan midaynta xisbiyada dalka. isla markaana arrintan ayaa dhabarjab ku noqon karta siyaasadda cusub ee Abiyi Axmed rabo inuu dalka ku hoggaamiyo. Lamma Magersa ayaa ahaa ninka ugu soo dhaw Abiyi Axmed, wuxuuna hayaa xilka ugu sareeya dawladda isagoo awood badan ku leh gudaha degaanka Oromiya ee ay kasoo wada jeedaan isaga iyo Abiyi Axmed, islamarkaana uu hore u soo hoggaamiyay gobolka Oromada iyo xisbigooda ODP ayaan wali ka jawaabin hadalka ku xigeenkooda Lamma Magersa. Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Somaliland ayaa doonaysa in Boqolkiiba Soddon Shixnadaha Kontiinarrada Itoobiya ay ka soo degaan dekedda Bebera, iyadoo uu kala badh wejigii hore ee casriyeynta dekeddu dhammaatay. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu dekedda Berbera ka qoray Wargeyska Capital oo ka soo baxa Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya, waxaanu Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Cabdilaahi u xaqiijiyey Wargeyskaas in casriyeynta marsadda Berbera la dhammaystiri doono Bisha October 2021ka. Warsidaha Capital waxa uu sheegay in dhismaha jidka Berbera Corridor oo dhererkiisu yahay 250km oo isku xidhaya Magaalooyinka Berbera iyo Wajaale ay wada galeen dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana uu jidkaasi wax ka tarayo sidii Itoobiya ay u isticmaali laheyd dekedda Berbera. Sidoo kalena, Maareeyaha Dekeduhu wuxuu sheegay in fulinta qorshaha casriyeynta iyo ballaadhinta marsadda Berbera ay u socoto sidii loogu talogalay. Jidka Berbera Cooridor oo lagu wado inuu dhammaado Bisha May ee sannadka fooda innagu soo haya, waxa Guddi wadajir ah oo ka kooban Somaliland iyo Itoobiya ay wadajir uga wada shaqeynayaan arrimaha kastamada iyo cashuuraha. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Guddida Cusub ee Doorashooyinka Somaliland ayaa laga hor-istaagay inay doortaan Gudoomiye ku meel gaadh ah. Guddigga u kala dab qaadaya Xukuumadda iyo Mucaaraddka ayaa diiday in Guddiga Cusubi Gudoomiye yeeshaan , Arintaasi ayuu Guddiga dhex-dhexaadintu u arkeen inay sii hurinayso khilaafka hadda jooga hoose ku socda Ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Mucaaraddka . Guddiga dhex-dhexaadinta ayaa ilaa hadda si wayn loogu amaanay jihada ay wax u wadaan. Balse Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka ayaa Berri ka Tashanaya soo jeedinta Guddiga dhex-dhexaadinta . Source
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay sii joogayaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo haatan ka howlgala inta badan deegaanada Jubbaland. Kenyatta ayaa sheegay in inta laga saarayo kooxda Al-Shabaab ciidankiisu sii joogayaan gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay qeyb ka sii ahaan doonaan howlgalka AMISOM. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dolwaddiisu ka go’aan tahay, sidii looga adkaan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab. “Ciidamadeenu waxay sii wadi doonaan inay ka sii mid ahaadaan AMISOM, illaa haliska ka imaanaya kooxaha xagjirka ee dalkeena qalqal gelinta la soo afjaro.”ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in hadafkooda kaliya uu yahay in ay nabad ku soo dabaalaan Kenya iyo dariskeeda, sida uu hadalka u dhigay. “Ciidamada difaaca waxay ku dadaalayaan hadafkooda ah inay nabad waarta iyo horumar waara ka keenaan Kenya iyo deriskeeda.” ayuu markale yiri Kenyatta. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo si aad ah xukuumadda Nairobi loogu dhaliilay xagga amniga, gaar agaan ciidamada ay u soo dirtay Soomaaliya oo marar badan loogu baaqay inay la soo baxdo, si wax looga bedalo weerarada Al-Shabaab ka fuliso dalkaasi.
  5. (SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay xilka guddoomiyaha baarlamaanka midoobay ee Qaaradda Africa. Maxamed Cali Xumad guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa xilkaasi loo doortay, wuxuuna bedali doonaa guddoomiyaha baarlamaanka dalka Burkina Faso, Alassane Bala Sakandé, kaas oo muddo hayey jagadaasi. Guddoomiye Xumad oo ka hadlay guushiisa ayaa sheegay in tani ay fursad u tahay dhammaan dalalka ku yaalla Geeska Africa. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in ay wadamada Qaaradda Africa u baahanyihiin in ay dhaqaale ahaan is-dhexgalaan, isagoo ku baaqay in is-dhexgalku noqdo mid badax banaan, looguna daneynayo nolosha guud ahaan dadka ku dhaqan Qaaradda Africa. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inuu ka shaqeyn doono Dimuqraadiyadda iyo sidii hormar looga sameyn lahaa gobolka. Jabuuti ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dadaallo xoogan ka waday gobolka, si ay uga mid noqoto dalalka ugu horreeya xaga hoggaanminta, iyadoona sidoo kale sanadka 2020-ka Kenya kula tartami doonto kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Source
  6. MOGADISHU (HOL) - An international audit organisation has warned the National Audit Bill currently in the Upper House will erode the power and independence of the Auditor General if passed as it is. Source: Hiiraan Online
  7. (SLT-London)-Ninka weerrarka soo qaadday oo booliisku magaciisa ku sheegay Cismaan Khan oo ah 28 jir, hore u ahaa maxbuus bannaanka ku joogay damiin waqtiga uu weerrarka dhacayay, kaas oo lagu dilay nin iyo haweeney saddex qof oo kalana waa ay dhaawacmeen. Khan ayaa waxaa toogasho ku dilay boooliska kaddib markii xubno ka tirsan dadweynaha ay ninkaasi hareereeyeen, Booliiska ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagixiso. Mas’uuliyiinta ayaa aqoon u lahaa Cismaan Khan, oo waxaa ninkaas falal argagixiso loo xukumay sanaddii 2012-kii, sida uu sheegay taliye ku xigeenka boooliiska London Neil Basu. Bayaan uu Basu soo saaray ayuu ku sheegay in ninkaasi damaanad xabsiga looga sii daayay bishii Diseembar 2018. Raisul wasaaraha Britain ayaa Boris Johnson ayaa shegay in muddo dheer uu ku doodi jiray inay qalad tahay in daambiilayaasha halis ah xabsiga laga siidaayo iyada oo uusan waqtiga lagu xukumay u dhammaan, Booliiska ingiriiska ayaa imika baaritaan ku haya goobtii uu ku noolaa Mr Khan. Source
  8. (SLT-Doha)-Dowladda Qatar ayaa diiday eedeymo been abuur ah oo uga yimid dowladda Eritrea, oo ay Doha ku eedeysay inay dalkeeda ka waddo arbushaad dhan walba ah. Qatar ayaa sheegtay in ayna wax shaqo ah ku lahayn koox ama kooxo ku sugan dalka Eritrea, taasina ay dowladda Eritrea “si wanaagsan uga war-hayso.” Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay shalay soo saartay ku eedeysay Qatar inay “hubeeneyso kooxo islaamiyiin ah oo dalkaas ka jira, iska horkeeneyso shacabka Eritrea, islamarkaanna abaabuleyso kacdoon lagu ridayo dowladda dalkaas.” Bayaan shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Qatar ayaa lagu sheegay inay aad ula yaabtay bayaanka ay deg degta usoo saartay wasaaradda warfaafinta Eritrea, intii ay mari lahayd hanaanada diblomaasiyadda iyo sharciga ah ee la aqoonsan yahay. “Tani waxa sare u qaadeysaa shakiga laga qabo ujeedka dhabta ah iyo dhinacyada ka dambeeyey bayaanka aan garowshiiyaha lahayn” ayaa lagu yidhi bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Qatar. Bayaanka ayaa lagu sheegay in Qatar ay bishii April dhambaal cabasho ah u gudbisay safiirka Eritrea ee Qatar, islamarkaana muujisay sida aysan ugu faraxsaneyn qoraal la mid ah kii shalay oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Eritrea. Bayaanka ayaa lagu yiri “Safiirka Eritrea ee Midowga Africa waxa uu sanadii 2017 Qatar ka codsaday inay dhex-dhexaadiso dalkiisa iyo Jabuuti oo muran xuduudeed ka dhaxeeyey. Haddii Eritrea ay wax shaki ah ka qabtay dhab ahaanta eedeymahan nacasnimada ah ee kasoo baxay wasaaraddeea warfaafinta, ma sameyn lahayn codsi noocan ah.” Wasaaradda arrimaha dibedda Qatar ayaa ugu baaqday wasaaradda warfaafinta Eritrea “in ay eegto xaqiiqda iyo xudunta dhibaatada, intii ay sameyn lahayd eedyemo been abuur ah oo ka dhan ah dal saaxiib ah oo dadka Eritrea ay xushmad u hayaan.” Source
  9. Musharrax Odowaa Musharraxa xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayaa eedayn culus u jeediyay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Mudane Odowaa, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo, in uu garab iyo gaashaan uu adeegsado ka dhigtay ciidamada dowladda Ethiopia, si ay kursiga ugu sii hayaan, islamarkaana afduub, cabburin iyo caga-juglayn ugu geystaan cid kasta oo dhaliilsan Siyaasadda Farmaajo. Musharraxa ayaa soo taxay dhacdooyin dhawr ah, oo madaxweyne Farmaajo u adeegsaday ciidamada Ethiopia, in ay u af-duubaan siyaasiiyiin, mas’uuliyiin iyo madaxba, balse qaarkood aysan ku guulaysan, isagoo tusaale u soo qaatay arrima ay kamid yihiin; doorashadii Koonfur Galbeed, af-duubkii Roobow, mas’uuliyiin laga qabtay gobolka Gedo iyo sidoo kale isku day in la qabto madaxweynaha Jubaland oo fashilantay. Sidoo kale, wuxuu sheegay in hadda madaxweyne Farmaajo uu ciidamo Ethiopiana ku daabulayo magaalada Dhuusamareeb, si loogu cabsi geliyo musharrixiinta u tartamayaa doorashada Galmudug ee aysan dowladdu wadan, islamarkaana loogu af-duubto doorashada maamulkaasi Galmudug. Ugu dambeyntii, musharrax Odowaa ayaa madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay in uu doorashada ku galay Ethiopian Neceyb, balse durbadiiba uu si xishood-darro ah isugu dhiibay dowladda Ethiopia, waxaana uu ku boorriyay in uu is daba-qabto. PUNTLAND POST The post Odowaa oo Farmaajo ku eedeeyay in uu ciidamada Ethiopia u adeegsanayo Af-duubka doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Ciraaq)-Ra’iisul Wasaarihii dalka Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii iska Casilay. War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Caadil ayaa waxaa lagu shaaciyay inuu xilkii iska Casilay, kadib todobaadyo Ciraaq ay dhaceen Dibad-baxyo rabshado watay. Sidoo kale is casilaada Caadil ayaa timid, kadib markii wadaadka shiicada Ciraaq uu si kulul u Cambaareeray in awood loo adeegsaday Dibad-baxayaal Careysan oo kasoo horjeeday Xukuumadii Caadil. Ugu yaraan 400 qof ayaa ku geeriyootay Dibad-baxyadii dalka Ciraaq ka socday tan iyo Bishii Octoober ee sanadkan 2019. Source
  11. Howgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa magaalada Kismaayo tababar ugu soo gabagabeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka. Tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay 60 sarkaal oo ka howgala maamulka Jubbaland,waxaana tababarka uu ku saabsanaa adkeynta ammaanka, ka hortaga falalka kufsiga iyo arrimaha bin’aadanimada. Taliyaha guutada 11-aad qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka, Maxamed Badal Xasan ayaa sheegay in tababarka ay kafaa’iideen xirfado kala duwan, islamarkaana ay sida ugu haboon ugu shaqeyn doonaan xirfadahaasi. Ugu dambeyn Hamoud Mohamed Kanu oo ah sarkaal sare oo ka tirsan AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in tababarkaasi uu saraakiisha ka qeyb galay ka caawin doono sidii ay u fahmi lahaayeen wax badan oo ku saabsan arimaha bin’aadanimada. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay xilka guddoomiyaha baarlamaanka midoobay ee Qaaradda Africa. Maxamed Cali Xumad guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa xilkaasi loo doortay, wuxuuna bedali doonaa guddoomiyaha baarlamaanka dalka Burkina Faso, Alassane Bala Sakandé, kaas oo muddo hayey jagadaasi. Guddoomiye Xumad oo ka hadlay guushiisa ayaa sheegay in tani ay fursad u tahay dhammaan dalalka ku yaalla Geeska Africa. Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in ay wadamada Qaaradda Africa u baahanyihiin in ay dhaqaale ahaan is-dhexgalaan, isagoo ku baaqay in is-dhexgalku noqdo mid badax banaan, looguna daneynayo nolosha guud ahaan dadka ku dhaqan Qaaradda Africa. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inuu ka shaqeyn doono Dimuqraadiyadda iyo sidii hormar looga sameyn lahaa gobolka. Jabuuti ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dadaallo xoogan ka waday gobolka, si ay uga mid noqoto dalalka ugu horreeya xaga hoggaanminta, iyadoona sidoo kale sanadka 2020-ka Kenya kula tartami doonto kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
  13. Warbixin uu Shalayto oo Jimca ahayd soo saaray Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aaddam-nimada QM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay 574,000 Qof wax yeello kasoo gaartay fatahaadihii dhowaan ka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka, halka 370,000 kalena ay ku barakaceen. Fatahaadihii dhacay Bil ka hor oo ahaa kuwo ka baxsan xaddigii la filayay ayay sheegtay hay’addu in ay gaab yara gelisay in badan oo ka mid ah howlihii samafalka ee ay ka wadeen goobahaasi. Xafiiska xiriirka howlaha Bini’aadam-nimada Qaramada midoobay ee OCHA, ayaa intaa raaciyay in Dadka ay saamaynta ku yeesheen ay markii horaba la daalaa dhacayeen Abaaro iyo wax soo saarkii dalagyada ay oo ka hooseeyay 70%. Waxaa haatan soo kabanaya Dadkii ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkii ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya, iyadoo ay samata bixinta Dadkii ay waxyeelladu soo gaadhay ay Gacan weyn ka geysatay Dowladda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  14. Afhayeenka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u saaray xayiraadii 25-kii bishan lagu sameeyey, xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ku sii jeeday gobolka Gedo ee K/Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiye Mursal, islamarkaana loo diray guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka ayaa lagaga dalbaday guddigu in muddo labo todobaad gudahood ay golagha ku ku hor-keenaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xayiraadii dhowaan lagu sameeyay, Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ka tirsan Golahaasi. Tallaabadan ayaaa waxaa cambaareeyey Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo dalbaday baaritaanka haatan lagu sameynayo dhacdadaasi. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddi gaar ah u saaray xayiraadii safar ee dhowaan lagu sameeyey, xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo dooneysay inay ka dhoofto gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in xubnaha guddiga xaqiiqa raadinta looga fadhiyo inay warbixin dhameystiran ka keenaan kiiskaasi. Sidoo kale qoraalkaan oo loo diray guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka ayaa lagaga dalbaday guddiga in muddo labo todobaad gudahood ay Baarlamaanka ku hor-keenaan warbixin dheeri ah oo ku saabsan xayiraadii lagu sameeyay, Xildhibaan Daleys Xasan Aadan. Xildhibaanada oo ka hor hadleysay Golaha Shacabka ayaa sheegtay in isniintii ciidamo ka tirsan nabad sugida Soomaaliya ay is hortaag ku sameeyeen, iyadoo ku sii jeeday gobolka Gedo oo ah deegaan doorashadeeda, gaar ahaan degmada Luuq ee gobolkaasi. Tallaabadan oo ku soo aadeysa, xilli haatan gobolka Gedo ay ka jirto xiisad u dhexeysa dowladda iyo Jubbaland ayaa waxaa si aad ah u cambaarey xildhibaanada Golaha. Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka xukuumadda oo ku aadan xayiraada lagu sameeyey, Xildhibaan Daleys, inkastoo NISA ay beenisay eedeynta loo jeediyey.
  16. Shir u dhexeeyey madaxweynayaasha sideed dal oo dhaca bariga Africa ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaana looga hadlay arrimo ku saabsan sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka burcad badeeda ku sugan Badda Cas iyo gacanka carbeed. Intii u socday fadhidgii 13-aad ee shirka urur goboleedka IGAD ayaa la isku soo hadal qaaday in loo baahanyahay awood ciidan oo dhanka Badda ah,kuwaas oo la dagalaama burcadbadeeda,si ay u fududaato in Maraakiibta ganacsiga ay si nabdoon u isctimaalaan marinada biyaha ee dalalkaasi. Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka bariga Africa ayaa sidoo kale sheegay in hadii la dhiso ciidamo isku dhaf ah oo dhanka Badda ah ay ka shaqeyn doonaan ka hortaga kalluumeysiga sharci darada ah,wasaqeynta biyaha,ciribtirka burcadbadeeda iyo ka hor taga muhaajiriinta isticmaalaha biyaha dalalka bariga Africa. Madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya,Jabuuti, ra’iisal wasaaraha Sudan, madaxweynaha Uganda,madaxweynaha South Sudan iyo ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo kulankaasi ka qeyb galay ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladaha Soomaaliya iyo Sudan. Khudbad uu ka jeediyay kulanka ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto soo kabasho degdeg ah,isla markaana xilligan ay qeyb ka qaadaneyso xasiloonida gobolka, iyadoo la xusuusto in ay garwadeen ka noqotay xiisadii dibloomaasiyadeed ee dowladaha Ethiopia and Eritrea. View the full article
  17. War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Wadajir ayaa looga hadlay faragelinta ay Itoobiya ku hayso siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland iyo Galmudug. Xisbiga ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay falalka ay xilligan ciidamada Itoobiya ka wadaan Galgaduud iyo Gedo, loona baahan yahay in degdeg wax looga qabto. Waxa uu sheegay xisbiga Wadajir, in walaac aad u weyn ka qabaan xiriirka ka dhaxeeya hoggaanka NISA iyo sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka ciidanka. Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayeey ugu baaqeen in uu dib u eegis ku sameeyo siyaasaddiisa ku aaddan Soomaaliya, kana digeen in ciidanka Itoobiya loo adeegsado danao gurracan iyo caburin lagula kaco shacabka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliye, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa halkaasi kula kulmaya mas’uuliyiin ka tirsan ururka Midowga Yurub. Wasiir Sadiiq, ayaa ugu horreynba la kulmay madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol. Kullanka waxaa si qoto dheer looga hadlay Shaqada, Xuquuqda Shaqaalaha, Daryeelka Bulshada iyo Dib-u-habeeynta Shaqaalaha Rayidka. “Inta uu kullanka socday waxaan si aad ah u caddeeyay ajandahayaga ,waxaana codsaday in Midowga Yurub door taageerro ku yeesho dadaallada aan ku dooneyno dib u habeynta shaqaalaha iyo shaqo abuurka.” ayuu yiri wasiir Warfaa oo Midowga Yurub ku ammaanay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol – wuxuu muujiyay inta uu kullanka socday sida ururka ugu qanacsanyahay dadaallada socda ee dib u habeynta shaqaalaha iyo Daryeelka Bulshada, wuxuu markaa caddeeyay Midowga Yurub inuu garab taaganyahay qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta, fursadaha shaqadana ay ku helayaan ‘kuwa ugu muhiimsan’. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa dadaal ku bixinaya xal u helida shaqo la’aanta iyo daryeelka bulshada,waxaana muddada uu ku suganyahay Brussels uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta Belgium, Midowga Yurub iyo hay’adaha caalamiga ah oo arrimahaa uu kula hadlayo. View the full article
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa, waxay ku doorteen guddoomiyaha cusub ee Komishanka Somaliland. Xubnaha Komishanka ayaa guddoomiye u doortay Cabdirashiid Riyo Raac, kaasi oo xubinimadiisa uu muran badan ka abuuray xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo Xukuumada Muuse Biixi. Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa hore uga hor imid Cabdirashiid Riyo Raac in uu kamid noqdo xubnaha komishanka, balse ay isla markiiba ay ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland. Xisbiyada ayaa Riyo Raac u arkayey xubin aan dhex-dhexaad ka noqon karin xisbiyada iyo Xukuumada, kuna eedeynayay in uu dhinac la yahay xukuumada Muuse Biixi, oo iyadu u muuqata mid dabada ka riixeysay doorashada Riyo Raac. Guddiga ayaa sidoo kale waxay Mustafe Daahir oo isagna ka mid xubnaha Komishanka u doorteen Guddoomiye kuxigeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland. Waxa ayna doorashadani ku soo aadeysa xili uu weli muran baahsan oo aan la xalin ka taagan-yahay komishankan cusub ee doorashooyinka Somaliland, midaasi oo sii kicin karta xiisada xoogan ee hore uga taagneyd Komishanka. Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay la daala dhaceysay murano iyo xiisado siyaasadeed, kuwaasi oo qaarkood ay dhowaan abuureen rabshado ka dhana ah amniga iyo deganaanshaha deegaanadeeda.
  20. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee K/Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay u dhaqaaqeen, iyagoo wata gaadiidka dagaalka galbeedka magaaladaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyado laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama Al-Shabaab dhankooda ay bilaabeen abaabul xoogan. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-30112019-sx.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee ururka ONLF, Mudane Cabdiraxmaan Maadey oo la hadlayey waraabinta ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixiyey kulankii uu dhowaan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Maadey ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa mid is xog wareysi ah, islamarkaana looga hadlayey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Jubbaland. Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kulanka intiisa badan diirada lagu saaray khilaafka xoogan ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulkaasi, kaas oo cuuryaamiyey wada shaqeyntiI labada dhinac. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kula taliyeen, Axmed Madoobe in wax weliba lagu dhameeyo wadahadal, si loo soo afjaro khilaafka dowladda iyo Jubbaland. Cabdiraxmaan Maadey guddoomiyaha cusub ee hoggaanka ONLF ayaa sidoo kale ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad kala af iyo diin ah ay ku mideysanyihiin hal dowlad islamarkaana looga baahan yahay Soomaalida inay ka shaqeeyaan horumarkooda. ONLF oo muddo dagaal jabhadadeed kula jirtay dowladda federaalka Itoobiya ayaa hadda isu bedashay urur siyaasadeed, kadib markii ay heshiis la gashay xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
  23. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa halkaasi kula kulmaya mas’uuliyiin ka tirsan ururka Midowga Yurub. Wasiir Sadiiq, ayaa ugu horreynba la kulmay madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol. Kullanka waxaa si qoto dheer looga hadlay Shaqada, Xuquuqda Shaqaalaha, Daryeelka Bulshada iyo Dib-u-habeeynta Shaqaalaha Rayidka. “Inta uu kullanka socday waxaan si aad ah u caddeeyay ajandahayaga ,waxaana codsaday in Midowga Yurub door taageerro ku yeesho dadaallada aan ku dooneyno dib u habeynta shaqaalaha iyo shaqo abuurka.” ayuu yiri wasiir Warfaa oo Midowga Yurub ku ammaanay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol – wuxuu muujiyay inta uu kullanka socday sida ururka ugu qanacsanyahay dadaallada socda ee dib u habeynta shaqaalaha iyo Daryeelka Bulshada, wuxuu markaa caddeeyay Midowga Yurub inuu garab taaganyahay qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta, fursadaha shaqadana ay ku helayaan ‘kuwa ugu muhiimsan’. PUNTLAND POST The post Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo la kulmay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
  24. Mogadishu, 28 November 2019 – We, at UNFPA Somalia condemn the horrendous act where an 11-year-old was raped on Tuesday this week as she was seemingly returning home from the marketplace in Wardhiigleey District, Mogadishu, Somalia. Source: Hiiraan Online