-
Content Count
214,019 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (HOL) - The long-awaited Mogadishu –inter-district football tournament final will be staged on Friday this week. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir-guddoomiyey shir ay isugu yimaaddeen xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE. Shirkan oo ay ka qaybgaleen xubnaha kala duwan ee guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa kamid ahaa hawlmaalmeedka shaqo ee guddidaasi xisbiga ugu igman tahay, waxana lagu faaqiday qorsheyaasha xisbiga iyo dhammaystirka hawlaha u yaalla guddi ahaan. Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo warbaahinta uga warbixiyey ujeeddada shirka, ayaa tilmaamay in shirku ku saabsanaa hawlaha xisbiga, waxana uu yidhi, “Shirkayaguna waxa uu ahaa arrimaha xisbiga iyo sidii loo dardargelin lahaa arrimaha xisbiga, haddii ay doorashooyin inagu soo socda tahay iyo shirarkii xisbiga tahayba.” Source
-
Shirkan oo ay ka qeyb galayaan dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa looga hadlaa caqabadaha iyo Horumarka Dhalinyarada Soomaaliyeed oo waqtigan wajahaya daruufo kala gedisan kuwaasi oo isagu jira dhinaca Nolosha, Waxbarashada, caafimaadka iyo shaqo abuurka iyadoo shirkan diiradda lagu saarayo sidii xal loogu heli lahaa. Xalay ayay Ahayd markii ay Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ay u sameysay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo casho sharaf ah taasoo lagu soo dhoweeynayay dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynahan oo cadeyn u ah kaalinta ay dhalinyaradu kaga jiraan arrimaha siyaasadda, maadaama ay yihin laf-dhabarka dalka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalka oo halkaasi Kalmado dardaaran iyo bogaadin u jeedin doona dhalinyarada ka qeyb galaysa shirweynaha sanadkan. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada, isagoona xilalkii ka qaaday Wasiiro iyo kuxigeeno ka tirsan golihiisa wasiirada. Madaxweyne Biixi ayaa xilalkaasi badalkooda u magacaabay wasiiro cusub, sida lagu sheegay wareegto Madaxweyne oo ka soo baxday qasriga madaxtooyada Somaliland, oo u dhigneyd sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-387/122019 iyo JSL/XM/WM/222-388/122019 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada. Waxaanay u dhignaayeen wareegtooyinka madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda; Ku: Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Cismaan Aadan Jaamac Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid [Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga. 4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. 5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada. 7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka”.
-
Arafo Kuulow Cabdi waa Hooyo danyar ah oo qadarta Alle ka sokow uu mid ka mid ah caruurteedii uga geeriyooday dareel la’aan caafimaad. Hooyadan oo degan kaamka Dhariyaalle ee degmada Hodan ayaa ku catowday in uu cunugeedu sakaraadayey mudo dhowr maalmood ah, islamarkaana ay u weyday xittaa xabad kaniini ah dawo kale daayee. Qoskan iyo dad kale oo danyar ah ayaa waxa aad u saameeyay cuduro ka dhashay roobabkii dhowaan ka da’ay magaalada Muqdisho, markii ay horjoogayaasha kaamka ay isku dayeen in ay xiriir la sameeyaan wasaaradda caafimaadka waxaa loogu jawaabay arrimo kale ayey wasiir Foosiya Abiikar Nuur mashquul ku tahay. Hase ahaatee Hooyo Arafo warkaasi waxa uu u ahaa mid naxdin leh, iyada iyo dadka kale ee caruurtooda ay la daala dhacayaan cudurada. Dhanka kale Nabadoon Bedal Jaamac Xirsi Laan-Gare oo ka mid ah wax garadka ku dhaqan magaalada Caasimada ah ee Muqqdisho, islamarkaana sigaar ah ugu dooda dadka aan cod kooda meel dheer gaarin ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in uu ilma Soomaaliyeed dawo la’aan ahaado mudo dhowr cisho ah aqirkiina sababtaasi uu naftii ku waayo. Nabadoon Bedal ayaa ka codsaday madaxda Qaranka Soomaaliyeed in il gaar ah ay u la haadaan wasaaradda caafimaadka, mas’uuliyiinteedana kula xisaabtamaan shaqada Qaranka ee ay xagal daacinayaan. Wasaaradda caafimaadka XFS waxa ay ka mid tahay wasaaradaha muhiimka ah ee ay shacabka uga baahan yihiin adeegyada aas aasiga u ah nolosha aadanaha, balse tan iyo markii loo magacaabay Foosiya Abiikar Nuur waxa ay dadka Soomaaliyeed dareensanaayeen in ay wasaaradda ka jirto habacsanaan la xariirta dhanka maamulka. View the full article
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku dhaandhayn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, isagoo xilalkii ka qaaday wasiiro ka tirsanaa xukuumaddiisa ,halka qaar kalena uu isku beddelay. Dikreetooyin ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Somaliland ayaa xilalkii looga qaaday Wasiirada kala ah: Wasiirkii Caddaaladda Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax, Wasiirkii Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin), Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Cismaan Aadan Jaamac, Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Xuseen Ibraahim Xasan Buuni iyo Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame. Sidoo kale, madaxweyne Biixi ayaa magacaabay 10 wasiir oo isugu jiray kuwa Wasaaradaha loo kala beddelay iyo kuwa cusub oo kala ah: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye Cige, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye Wacays iyo Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Mustafe Maxamuud Cali Bile. Waxa kale oo uu magacaabay Wasiir ku xigeenno kala ah: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf iyo hal La-taliye madaxweyne oo loo magacaabay Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, kaasi oo laga dhigay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn ku sameeyay Golihiisa Xukuumadda appeared first on Puntland Post.
-
Degdeg:M/weyne Muuse Biixi oo Xukumadiisa isku-shaandheyn,Xilka-qaadis iyo magacaabis ku sameeyay Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda; Ku: Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Cismaan Aadan Jaamac Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid [Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. 3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga. 4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. 5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. 6. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada. 7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. 9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. 10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-387/122019 iyo JSL/XM/WM/222-387/122019 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada. Waxaanay u dhignaayeen wareegtooyinka madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda; Ku: Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Cismaan Aadan Jaamac Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid [Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: )Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-01122019.mp3 View the full article
-
Dowladda Kenya ayaa markale dib loogu doortay hoggaanka ururka caalamiga ah ee Badaha, kadib shir ka dhacay magaaladda London ee Caasimada dalka Ingiriiska. Kenya ayaa wakiil ka ah wadamada dhaca Bariga Africa, sida Burundi, Democratic Republic of Congo, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Somalia, South Sudan, Tanzania iyo Uganda. Nancy Karigithu oo ah wasiirka Badaha ee dalka Kenya oo ka hadashay dib doorashadan ayaa sheegtay in ay Kenya u suuragelineyso guushaani inay qeyb ka noqoto go’aan ka gaarida arrimaha Badaha ee dhammaan dalalka Caalamka. Sidoo kale waxay wasiiradu ku faan tay in markale dib loogu doorto kursigaas oo ay ku mataleyso Kenya dalalka bariga Africa. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan ay taagan tahay dawacad dhinaca Badda oo u dhexeyso dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Dacwadda oo in muddo ah taagan ayaa waxa ay haatan hortaallaa Maxkamadda ICJ oo la filayo inay go’aan ka gaarto, si loo soo afjaro xiisada labada dal. Source
-
(SLT- Hague)-Booliska Holland ayaa qabtay nin la tuhunsan yahay inuu mindi ku dilay saddex dhallinyaro ah oo ku sugnaa waddo mashquul badan oo ku taalla magaaladaThe Hague,sida ay xaqiijiyeen Boliiska halkaasi. Qabashadaan ayaa daba socota shil maalinimadii Jimcaha ka dhacay deegaanka Grote Marktstraat ,halkaasi oo middi lala beegsaday 3-ruux oo dhallinyaro ah. Ninka la qabtay oo 35-jir ah ma laha cinwaan ama deegaan la ogyahay,Waxaana loo gudbiyay saldhig boolis halkaas o laga weydiinayo su’aalo. doono.” Saddexda qof ee dhaawacmay waa laba hablood oo 15-sano jir sh ah iyo wiil 13 jir ah,waxaana dhammaantood laga soo saaray cisbitaalka goor dambe oo Jimcihii aheyd. Source
-
(SLT-Washington)-Saxafiga falanqeeya arrimaha siyaasadda Mr Marcus Steven Papadopoulos,ayaa sheegay in shirkadaha baraha Bulshada sida Google Facebook iyo Twitter aysan madaxbanaani xidhiidh dhowna la leeyihiin Dowlada Mareykanka. Mr Papadopoulos oo ka hadlayay xanibaada la saaray ciwaanada saraakiil ka tirsan dowlada Iiraan ayaa intaa raaciyay in Mareykanka iyo Ingariiska ay ku tumanayaan xoriyada Hadalka. Wuxuu intaa raaciyay in wadamadan ay doonayaan in aduunka ay ku raaxeestaan halka ay xanibaad ku hayaan Iiraan si aan waafaqsaneyn shuruucda Caalamiga. Mr ayaa dhanka kale tilmaamay in Washington iyo London ay iska dhigayaan kuwa mas,uul ka ah fikirka dhamaan wadamada reer Galbeedka. Saxafigaan falanqeeya siyaasada ee u dhashay UK ayaa ugu danbeyn sheegay in Mareykanka marwalba uu isku dayi doono in uu meesha ka saaro madaxbanaanida wadamo ay ka mid tahay Iiraan. Ugu danbeyn wuxuu tilmaamay in xayiraada lagu soo rogay cinwaanada madaxda Iiraan ay isbadal keeni doonin dowlada Tehraan maadaama aysan daneynin adeegsiga baraha Bulshada. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Bilo kaddib markii uu Abaal marinta Nabadda ku guuleystay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxaa uu wajahayaa eedeymo la xiriira inuu faragelin ku haayo arrimaha gudaha dalalka deriska la ah Itoobiya. Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa dalka Kenya, Bishii November labo warbixin oo Qaramada Midoobey ka soo baxday waxay ku eedeysay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya intii uu ahaa Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD inuu ku guuldareystay in horumar laga sameeyo hannaanka nabadda ee Suudaanta Koofureed. Sidoo kale waxaa Wargeysku sheegay inuu sii hurinayo xasillooni darada ka jirta Soomaaliya. Danjiraha Itoobiya u fadhiya dalka Kenya Meles Alem ayaa u sheegay wargeyska Nation in eedeymahaas ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin. “Mid ka mid ah tiirarka arrimaha dibedda ee Itoobiya waa in aanan fara-gelin arrimaha gudaha ee dalal kale. Taasina waa diiwaankeena, ka deris wanaag ahaan waxaan ciyaarnay kaalin wax ku ool ah”ayuu yidhi Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya. Todobaadkii hore Madasha Xisbiyada oo ay ku mideysan yihiin Xisbiyo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaal hore iyo Siyaasiyiin waxaa ay dowladda Itoobiya ku eedeeyeen faragelin inay ku heyso Soomaaliya, gaar ahaan inay dowladda Federaalka ka caawisay arrimaha ka jira Gobollada dalka Madasha Xisbiyada Qaran (FNP) ayaa u qoray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya warqad furan oo ay kaga dalbanayaan inuu joojiyo dib u cusbooneysiinta Itoobiya ee ku lug lahaanshaha arrimaha siyaasada gudaha ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ay ku eedeeyeen in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn AMISOM inay soo galeen gudaha Soomaaliya, iyagoo fulinaya arrimo sharci darro ah oo wiiqi kara dhismaha dowladnimada iyo hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya. Eedeymaha uu wajahayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo aaday, bilo kaddib markii uu ku guuleystay abaal marinta Caalamiga ee Nobel Peace Prize, oo uu ku muteystay dadaaladii uu ka waday Gobolka iyo is bedeladii uu la yimid, tan iyo markii uu qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u warramayey TV-ga Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrinta maamul u sameynta ee Galmudug. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horreyn ka digay dhibaato hor leh oo ka dhalata ciidamada kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ku daabuleyso gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii aan si fiican loo mareyn arrinta Galmudug ay dhici karto qatar xoog leh oo ka daran tii Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay. “Walaahi Galmudug, haddii aan si fiican loo maareyn qatar xoog leh oo tii Koonfur Gaalbeed ka daran ayaa ka soo socota oo ah in la’is dilo.” ayuu yiri, Xasan Sheekh. Dhinaca kale wuxuu Madaxweynihii hore ee dalka ka hadlay khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, kaas oo saameeyey xiriirka labada dhinac. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyey dowladda hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) in aysan sidii la rabay u maamulin nidaamka federaalka ee uu dalku qaatay, islamarkaana ay dib u dhigtay. “Sida nidaamka federaaliisamka ee Dastuurka Soomaaliyeed uu qorayo oo Ummadda Soomaaliyeed ay ku heshiisay ee aan annagu u dareenay in la dhaqan galiyo ee aan wax ka bilownay ee meel aan soo gaarsiinay aniga ra’yigeyga waxaa waaye dowladdaan sidii la rabay uma maamulin, sii ma hor marinin sii ma qurxinin bal dib ayey u dhigtay.” ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan meel xun uu marayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland.
-
Maanta oo kale (1-da December) waxaa dunida oo dhan laga hadlaa wacyiginta cudurka HIV/AIDS. HIV/AIDS waxaa cudur dilaa ah, kana mid ah cudurada faafa ee aadnaha ku dhaca, wuxuuna leeyahay daawo uu qof la noolayn karo muddo dheer, hadii uu isticmaalo. Lama hayo tiro sugan oo sheegaysa dadka dunida la nool caabuqa HIV/AIDS, balse waxaa lagu qiyaasaa 40 Milyan oo badan kood ku nool qaarada Afrika. Waxaa la sheegay in sanadkii la soo dhasfay 2018, hal Milyan iyo todobo boqol oo qof ay qaadeen cudurkan, halka tirada carruurta qabta lagu sheegay 17 Milyan. Inkastoo galmadu tahay sida ugu badan ee leysugu gudbiyo cudurkan, hadana waxaa jira siyaabo kale oo loo kala qaado oo ay ka mid tahay qalabka qaliinka oo aan nadiif ahayn iyo cirbadaha iyo sakiimaha la wada isticmaalo. Barnaamijyada looga hadlo HIV/AIDS, waxaa jira hannaan loo tabiyo, si aan wax loogu dhimin sumcadda iyo kalsoonida dadka la nool cudurkan, oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor. Soomaalida kuma badna dadka qaba caabuqa HIV/AIDS, balse tirada yar ee qabta waxay la kulmaan faquuq iyo dhibaatooyin kale. Meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa maanta laga xusay maalinta HIV/AIDS ee 1-da December. PUNTLAND POST The post Maxaad ka taqaan cudurka dilaaga ah ee dunida laga xuso maanta oo kale? appeared first on Puntland Post.
-
HARGEISA (HOL) - Nine Emirati nationals who were arrested last week for illegally hunting game in Somaliland were deported Saturday. Source: Hiiraan Online
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has reiterated its commitment to ensuring that Somalia holds peaceful parliamentary and presidential elections in 2020/2021. Augustine Magnus Kailie, AMISOM police commissioner told members of the civil society, political party representatives and the National Independent Electoral Commission (NIEC) on Friday evening that AMISOM, in partnership with key Somali stakeholders, was ready to secure the upcoming one-person-one-vote elections so that the process is free and fair. “Somalia has turned a corner through political processes, including electoral reforms and as such is now preparing itself to hold multi-party, democratic, universal suffrage elections in 2020 and 2021,” Kailie said in a statement issued in Mogadishu. Kailie, who represented the head of AMISOM Francisco Madeira said Somalia’s leadership has demonstrated commitment to move away from the old 4.5 clan-based power-sharing formula to conducting one-person-one-vote elections. The public awareness forum brought together key stakeholders as well as members of the public to brainstorm about how best Somalia could hold universal elections, as one way of giving ownership of the electoral process to the public in order to increase their confidence in the process. Somalia, with the help of AMISOM and the UN, is making urgent preparations for universal suffrage elections, which will be the first of its kind in more than two decades since the outbreak of the civil war that followed the collapse of the Somali government in 1992. Fatuma Mohamed Ahmed, civil society representative said that the coming together of the various stakeholders and the nature of the discussions had given her hope that holding peaceful elections were possible in Somalia. “We really want to see our country develop and would hope to see one-person-one-vote elections taking place. The people who attended this forum discussed how the election will take place, how electoral security is to be managed and how the country is going to be led after that. I am really happy to be part of these discussions,” Fatuma said. Hussein Abdi Adan, a commissioner with NIEC, which is the body mandated to manage elections in Somalia, lauded AMISOM’s role in providing security and said AMISOM’s presence was an important factor in managing the national elections. “We are hopeful that AMISOM will actively take part in securing the election, from safeguarding the candidates, polling centers and securing electoral material,” Hussein added. View the full article
-
Popular Contributors
