Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqo Muqdisho ayaa ku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka ee dhanka Maaliyadda Ibraahim Dheere u diiday in uu fariisto xafiiska duqa, maadaama uu yahay ku simaha guddoomiyaha. Cumar Filish, oo ku maqan dalka Qatar ayaa maalintii koowaad ee safarkiisa telephone usoo diray agaasimaha xafiiskiisa isagoo ku amray in uu xafiiska u xiro islamarkaana uu xafiiskiisa ku shaqeeyo ku simihiisa oo ah Ibraahim Dheere. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Ibraahim dheere oo aan ka war qabin amarkaan ayaa maalintii labaad soo fariistay xafiiska ka hor inta uusan agaasimaha imaanin ,iyadoo isla maalintaas mar uu xafiiska ka dhamaaday quful laga taagay. Ku simaha Guddoomiyaha gobalka ayaa maalintii saddexaad ee xigtay markii uu xafiiska yimid loo diiday in loo furo waxaana lagu wargeliyay in uu yahay amar ka yimid Cumar Filish. Tan iyo wixii maalintaas ka dambeeyay Ibraahim Dheere waxa uu ku shaqeeyaa xafiiskiisii hore, taas oo muujineysa in uu banaanyahay booskii kusimaha guddoomiyaha gobalka Banaadir islamarkaana loogu diiday arrimo amni. Gobalka Banaadir ilaa hada kama jirto Kalsooni amni waxa uuna maamulku la daala dhacayaa dhibaatadii uu ka dhaxlay weerarkii ka dhacay aqalka Dowladda Hoose oo ay fulisay Haweeneey ka tirsaneed shaqaalaha gobalka.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay Maxbuus xoog looga saaray Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, kaasi oo kadib geeriyooday. Wasiirka waxaa uu sheegay in tilaabaddaasi ay ka dhalatay carro, islamarkaana ay waddaan baaritaano ku aadan, sida ay wax u dhaceen shaqaddiina laga joojiyay mas’uuliyiintii falkaasi ku kacay. Waxaa uu sidoo kale sheegay wasiirka Caddaalada in guddi loo saaray si loo helo baaritaano deg deg ah, islamarkaana dhawaan lala wadaagi doono bulshadda Soomaaliya. Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa shalay shaaciyey in shaqada ka joojiyeen Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, kaas oo eedeyn loo jeediyey. Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar xirsiile oo ah taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey sheegay, in ruuxaas oo ku xukunnaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, islamarkaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay. Taliyaha ayaa sheegay in markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa, uu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kadib halkaas ku geeriyooday.
  3. Washington (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka, Cali Shariif Axmed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in lacag gaareysa hal bilyan oo dollar uu Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya, soddonkii sano ee lasoo dhaafayna ay ku darsameysay lacago kale oo dul saar ah. Safiir Cali ayaa sheegay in deynta guud ee lagu leeyahay Soomaaliya ay gaareyso $4.6 bilyan oo dollar, taas oo ay ku jirto midda Mareykanka. “Dalalka iyo hey’daha ugu badan ee lacagta nagu leh waxaa ay kala yihiin Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga, hey’adda lacagta adduunka, bangiga adduunka, Paris Club iyo bangiga horumarinta Afrika”, ayuu yiri safiirka oo la hadlayay BBC Somali. Wuxuu intaa ku daray in dalalkaas iyo hey’dahaas ay yihiin kuwa ugu badan ee lacagaha deynta ku leh Soomaaliya, laakiin ay jiraan dalal kale oo deen ku leh Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay dan ugu jirto in deymaha laga cafiyo. “Dadka iyo Dowladda Soomaaliya waxay uga dhigan tahay in dalka uu deyn lagu leeyahay oo uu qaameysan yahay, waxaana ka xiran maalgashiga, shirakadaha caalamka ee doonaya in ay Soomaaliya malagashadaan ma imaan karaan waddanka”, ayuu yiri safiirka. “Waxaa kale oo inaga xiran macaawinooyin aan heli karno oo aan xaq u yeelan karno, kuwaas oo gaaraya boqollaal milyan oo dollar, balse aan heli karno mark deynta la cafiyo”, ayuu hadalka duray. Waxaa kale oo uu sheegay in haddii Soomaaliya laga cafiyo deymahan gaaraya $4.6 bilyan oo dollar, ay xaq u yeelaneyso in ay lacago kale soo deynsato. Dawladda Soomaaliya waxay horey uga codsatay deyn bixiyeyaasha inay ka cafiyaan deynta ay ku leeyihiin si ay ugu suurto gasho inay hesho dhaqaale ay kula dagaasho kooxaha ka hor jeeda. Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo horraantii sannadkan u warramayey wargays reer galbeed ah ayaa sheegay in miisaaniyadda xukuumadiisa aysan ku filnayn inay ku abuuraan barnaamijyada arrimaha bulshada ee aadka loogu baahan yahay si looga hor tago duufsiga dhallinyarada baagamuundada ah, ama lagu fuliyo adeegyada aasaasiga ah. “Teennu waa miisaaniyad yar oo loogu tala galay dal ay ku nool yihiin 10 malyan oo qof. In argagixiso lala diriro waxay u baahan tahay dawlad wanaag, taas micnaheeduna waa in dadka loo qabto adeegyo, taasina lacag ayey u baahan tahay, waana sababtaas midd Isha: BBC
  4. Washington DC (Caasimada Online) – Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka ayaa u codeeyey in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump kadib bilo loolan adag uu ka dhex socday dimoqraadiga iyo Jamhuuriga. Aqalka ayaa u codeeyey islamarkaana ansixiyey laba qodob oo loo cuskaday xil-ka-xayuubinta Trump, kuwaas oo kala ah; inuu ku xadgudubay awoodda xafiiskiisa, iyo inuu is-hortaagay baaritaanka Congress-ka Mareykanka. Ansixinta xil-ka-xayuubinta Trump ayaa waxaa ogolaaday 230 oo ka mid ah Aqalka, halka ay diideen 197. Xubnaha ogolaaday xil ka xayuubinta ayaa dhammaantood ka tirsan xisbiga dimoqraadiga, halka xubnaha diiday ay dhammaantood yihiin Jamhuuri iyo laba dimoqraadi ah. Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyey inuu awoodda xafiiska u adeegsaday inuu ku cadaadiyo dowladda Ukraine inay baaritaan ku sameyso madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo ay suurta-gal tahay inuu Trump kula loolamo doorashada madaxweynaha ee 2020. Trump waa uu beeniyey dhammaan eedeymaha loo jeediyey, waxaana uu ku adkeystay inaanu wax khalad ah sameyn. Tallaabada xigta cod-bixintan ayaa ah in Aqalka Senate-ka uu maxkamad saaro madaxweynaha Trump, islamarkaana go’aan ka gaaro xil-ka-xayuubinta Trump ee ay u codeeyeen xubnaha Aqalka Hoose. Si Trump xilka looga qaado, loogana saaro xafiiska, waa inay ogolaadaan saddex meelood laba meel xubnaha Aqalka Senate-ka, taasi oo u muuqata inay tahay mid aan dhici doonin maadaama aqalkaas ay ku badan yihiin Jamhuuriga.
  5. WASHINGTON (Reuters) – The International Monetary Fund’s executive board has approved a financing plan that will help the IMF cover its share of debt relief for Somalia, IMF Managing Director Kristalina Georgieva said in a statement on Wednesday. The financing plan includes cash grants from member countries and IMF internal resources, she said, without providing any further details of the financing package. Those funds will be used to clear Somalia’s arrears to the IMF. “This marks a critical step in helping Somalia advance the process of normalizing relations with the international community and making progress toward achieving debt relief under the Heavily-Indebted Poor Country (HIPC) initiative,” Georgieva said. A decision unlocking debt relief could come as soon as members provided the necessary financial commitments, assuming Somalia’s government continued its strong reform efforts, she added, without giving a specific date. The African nation has about $5 billion in external debt, accounting for about 100% of its GDP, which the Fund has declared to be unsustainable. Somali’s finance minister, Abdirahman Duale Beileh, welcomed the news in a posting on Twitter, adding, “We are grateful to all partners for their continued support in our journey to debt cancellation. We will march on with economic reforms.” Beileh in October cited positive discussions with the United States, Somalia’s biggest creditor, Britain and others during the IMF/World Bank annual meetings, and said he expected a decision in favor of debt relief in February. Georgieva on Wednesday described debt relief for Somalia was as a priority for the Fund and said she was encouraged by the support of IMF members on the issue. Debt relief would “help unlock significant new financial resources to address Somalia’s large development needs and poverty reduction,” she said. Source: Reuters
  6. WASHINGTON (Reuters) - The International Monetary Fund’s executive board has approved a financing plan that will help the IMF cover its share of debt relief for Somalia, IMF Managing Director Kristalina Georgieva said in a statement on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  7. Washington DC (Caasimada Online) – Guddiga fulinta hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ansixiyey qorshe maali-gelin oo IMF ka caawin doona inay bixiso saamiga uga aadan deyn cafinta Soomaaliya, sida ay sheegtay agaasimaha IMF Kristalina Georgieva oo bayaan soo saartay. Qorsha maal-gelinta ayaa waxaa ka mid ah kaash damaanad qaad ah oo loo adeegsan doono in lagu tiri dhammaan deynta IMF ay ku leedahay Soomaaliya. “Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii Soomaaliya looga caawin lahaa hanaanka ay dib ugu soo celineyos xiriirka ay leedahay beesha caalamka, islamarkaana ay horumar uga sameyneyso sidii ay ugu guuleysan lahayd in deynta laga cafiyo, ayada oo loo marayo hindisaha HIPS ee IMF” ayey tiri Kristalina Georgieva. Go’aanka deynta looga cafinayo Soomaaliya ayaa waxa uu u dhici karaa sida ugu dhaqsiyaha badan marka dhammaan dalalka xubnaha ka ah IMF ay ballaan-qaadaan taagaeerada maaliyadeed ee loo baahan yahay, ayada oo Soomaaliya-na looga baahan yahay inay sii waddo is-beddelada xooggan oo ay sameyneyso. Soomaaliya ayaa waxaa lagu leeyahay lacag ku dhow 5 bilyan oo dollar, taasi oo u dhiganta 100% wax soo saarkeeda gudaha ee dalkaa (GDP). Georgieva ayaa deyn cafinta Soomaaliya ku qeexday ahmiyadda IMF, waxaana ay sheegtay inay dhiir-gelisay taageerada xubnaha IMF. “Deyn-cafinta waa ahmiyadda IMF. Tani waxay gacan ka gaysan doontaa in Soomaaliya ay hesho kheyraad maaliyadeed oo cusub oo wax looga qabanayo horumarka ballaaran ee Soomaaliya ay u baahan tahay iyo yareynta saboolnimada.” Ayey tiri. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka kusoo dhoweeyey tallaabada ay qaadeen xubnaha IMF. “Waxaan u mahad-celineynaa dhammaan saaxiibada sii wada taageerada ay siinayaan safarka aan ugu jirno inaan helno deyn-cafin. Waxaan sii wadi doonaan is-beddelada xooggan” ayuu yiri Beyleh.
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-Qumanha-Wararka-18122019-sax.mp3 View the full article
  9. Are you qualified to sit in Somali-American artist Ifrah Mansour's dazzling golden power chair, adorned with flowers from every color of the rainbow? Source: Hiiraan Online
  10. Shirkada Diyaaradaha Jabuuti ayaa shaacisay inay duulimaadyo ka bilaabaysa Puntland, Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa waxaa ka socda Horumar soi jirtay Shirkadaha Diyaaradaha Caalamka. Warsaxaafadeed ay [...] Source
  11. Shirkada Diyaaradaha Jabuuti ayaa shaacisay inay duulimaadyo ka bilaabaysa Puntland, Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa waxaa ka socda Horumar soi jirtay Shirkadaha Diyaaradaha Caalamka. Warsaxaafadeed ay [...] Source
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Dubai ee dalka Imaaradka Carabta ayaa waxa ka bilowday qorshe ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, kaasi oo la rabo inuusan dib ugu soo laaban hogaanka dalka, sida uu sheegay Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegay in uu dalka Imaaraadka Carabta u joogo qorshe ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, kaasi oo uu ku sheegay inuu yahay “mid Farmaajo iyo Kooxdiisa lagaga bad-baadinayo dalka Soomaaliya”, sida uu hadalka u dhigay. Faysal ayaa xusay inay la kulmi doonaan jaaliyadaha Soomaalida ee ku sugan Imaaraadka, kuwaasi oo ay kala shiri doonaan “sidii Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ay uga bad-baadin lahaayeen inay bur-buriyaan Soomaaliya, loona dooran lahaa cid aan Somaliland cadow ku aheyn”, waa sida uu hadalka u dhigaye. Qorshahan cusub ee uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Ayaan wxaaan caddeyn inay wax ka ogtahay dowladda Imaaraadka Carabta iyo in kale. Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa aad u xumaa dhowaan, waxaana la rumeysan yahay in Imaaraadku ka mid yahay dalal doonaya inuusan soo laaban madaxweyne Farmaajo, qarashna ku bixinaya. Xiriirka labadii dal oo markii hore ku xumaaday xiisadda Khaliijka kadib markii ay Soomaaliya ka diiday Sacuudiga iyo Imaaraadka inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa kasii daray markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho. Toddobaad kadib, 15-kii April 2018, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisey tababarkii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, ayada oo ka jawaabeysa lacagta ay qabsatay dowladda Soomaaliya. Tan iyo mudadaas ma jirin wax xiriir muquda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta.
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/warka-Habeen-18122019.mp3 View the full article
  14. Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal waxaa saddex maalmood ka hor lagu xidhay mid ka mid salaadiinta gobolka oo ay saraakiisha amnigu sheegeen inay loo haysto inuu amniga khalkhal ku hayay, isagoo kicinayay dadweynaha. Suldaanka ayaa lagu warramayaa in iminka loo gudbiyay xabsiga Mandheera ee gobolka Saaxil. Qaar ka mid ah ehalladiisa ayaa maanta sheegay in Suldaanka xabsi lagu hayo ayada oo aan wax dambi ah lagu soo oogin islamarkaana la horgeyn maxkamad, waxayna dalbadeena in lasii daayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Kenya waa musharaxa rasmiga ah ee midowga Afrika ee kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka QM, hase yeeshee taasi Jabuuti kama joojin inay loolan adag u gasho kursigan. Kenya waxay markii hore rumeysneyd inaysan Jabuuti kala kulmi doonin loolan adag, oo ay kursigan hanan doonto bisha June ee 2020, marka ay dhacdo codbixinta. Hase yeeshee, sida uu qoray wargeyska Business Daily Africa, dadaallo diblomaasiyeed oo xooggan oo bilihii dhowaa ay wadday Jabuuti, ayaa taxliiliyayaasha siyaasadda ee Kenya ku dhaliyey tuhun ku saabsan in Jabuuti ay isku haleeneyso taageerada dalalka ugu saameynta badan golaha ammaanka. Prof Macharia Munene, oo taariikhda ka dhiga Jaamacadda caalamiga ah ee Mareykanka ee Afrika (USIU-A), ayaa sheegay in Shiinaha iyo Mareykanka ay yihiin laba dal oo si hoose u taageeraya dadaalalda Jabuuti. Dowladda Mareykanka weli kuma aysan dhowaaqin go’aankeeda ku aaddan cidda ay taageereyso Jabuuti iyo Kenya. “Waxaan rumeysanahay in Beijing iyo Washington ay kursiga ku fariisin karaa cidda ay doonaan,” ayuu yiri Prof Munene, oo intaas ku daray in tallaabada noocaas ah ay ku iman karto dalka juqraafi ahaan ay muhiimka u arkaan. Fallanqeeyayaasha ayaa tilmaamay in saldhigga militari ee China ay ku leedahay Jabuuti uu calaamad u yahay cidda ah muhiimadda juqraafi ee Beijing. Mareykanka iyo France iyo sidoo kale saldhigyo militari ku leh Jabuuti. Saddexdan dal ayaa ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka, waxayna gebigood dano ka leeyihiin ahmiyadna u leh Jabuuti, taasi oo taageeradooda u weecin karta Jabuuti. Kenya ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan la leh dalalkan, hase yeeshee uma lahan muhiimad la mid ah tan Jabuuti. Warbixinta ayaa tiri, haddii Kenya aysan ka hor codbixinta xaqiijin taageerada Mareykanka iyo China, ayadoo Faransiiska uu taageerayo Jabuuti, waxay la kulmi doontaa lama filaan marka doorashadu dhacdo bisha June ee 2020, kumana filna oo kaliya taageerada Midowga Afrika.
  16. (SLT-Washington)-Kumanaan ruuux ayaa isugu soo baxay gudaha dalka Mareykanka ,iyadoo xubnaha Aqalka Wakiilada ay u codeynayaan moshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump oo la tilmaamay in uu si xun u adeegsaday awooddii maamul ,isla mar4kaana uu carqaladeeyay howshii Golaha. Bannaanbaxyadaan waxaa lagu kala qabtay Washington, DC, illaa magaalada New York iyo St Paul, (Minnesota) ilaa Phoenix, (Arizona), iyadoo la codsanayo in Trump xilka laga qaado ka dib kolkii lagu eedeeyay in uu heshiis ku saabsan xagga doorashooyinka soo socda la galay xukuumadda Ukraine. Dibad-baxyada ayaa yimid,iyadoo xubnaha Aqalka Wakiilada ay isu diyaarinayaan codeynta 2-qodob oo kala ah ku takrifal awoodeed iyo carqaladeyn hosha Aqalkaasi,waxaana si weyn loo filayaa in ay codeyntu ay ka dhex muuqdo xisbiyada ku jira aqalka ay Dimoqraadiga maamusho. Dimuqraadiyiinta ayaa ku eedeeyey Trump inuu cadaadis saaray xukumadda Yukreyn,si ay gacan uga geystaan dhaleeceynta Joe Biden oo u taagan xilka doorashada soo socota ee Mareykanka. Trump ayaa dafiray in uu sameeyay wax qalad ah,isagoo maalintii shalay warqad xasaasi ah u diray afhayeenka aqalka Nancy Pelosi,kaas oo uu ku eedeeyey xisbiga Dimuqraadiga in ay wadaan afgambi. Source
  17. Gen. Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar Gen. Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile ayaa shaqo joojin lagu sameeyey, kadib markii eedeyn loo jeediyey. Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Warbaahinta maanta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey Taliyaha Xabsiga Dhexe, isla markaana la magacaabay Guddi baaraya sida uu ku dhacay kiiska lagu eedeeyey oo ahaa maxbuus 8 sano oo xabsi ah ku xukunaa oo 16-kii bishan geeriyooday. Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa lagu eedeyey in uu Isbitaal si xoog ah uga saaray marxuum Xasan Kurtun Calasow oo eheladiisu geysay isbitaalkaas, balse Taliyaha ayaa iska difaacay eedeyntaas wuxuuna sheegay in xabsiga amar la’aan looga saarey maxbuuskaas, kadibna uu ugu tagay isbitaal gaar ah, uuna ka soo saaray oo geeyey mid dowladdu leedahay, base uu saacado kadib geeriyooday maxbuuskaas. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqal lagu sheegay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Isbitaal ku yaala Muqdisho kala baxaya bukaan. Dhanka kale qoyska maxbuuska geeriyooday ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanaya awood ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka oo kala baxay bukaanka, waxayna sheegeen in aan marxuumka la’aasi doonin inta ay ka helayaan caddaalad. Hoos ka daawo muuqaalka Afhayeenka Ciidanka Asluubta. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Maxbuus geeriyooday iyo Taliye shaqada looga joojiyey appeared first on Puntland Post.
  18. Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida ee sannadlaha ah, oo kulmisa haldoorka Soomaalida meel walba oo ay joogaan, waxay markii saddexaad ku qabsoontay caasimadda Jamhuuriyadda Djibouti, intii u dhaxeysay 15-19-kii December 2019. Madasha waxaa qabanqaabiya Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho, waxaana marti galiya Jamhuuriyadda Djibouti. Halkudhigga Madasha sannadkan wuxuu ahaa: “Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika: Dabar Furidda Kartida Ummadeed (Human Capital) Si Loo Hiigsado Horumar Baahsan”. Madasha waxaa looga hadlay mowduucyo fara badan oo taabanaya qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida, waxaana kasoo qayb galay 180 qof oo isugu jira masuuliyiin, ganacsato, aqoonyahanno, dhallinyaro, haween iyo dadka u ololeeya arrimaha Soomaalida. Arrimaha diiradda lagu saaray waxaa kamid ah: (a) Nabadda Geeska Afrika (b) Arrinta Somaliland (c) Horumarinta Kartida Ummadda (d) Ganacsiga (e) Siyaasadda iyo doorashooyinka Soomaaliya, Somaliland iyo guud ahaan gobolka (f) Kaalinta dhallinyarada. Nabaddeynta iyo Horumarinta Dadka Soomaalida Shirka waxaa lagu gorfeeyey xaaladda amni ee gobolka iyo doorka ay dadka Soomaalida ah ka qaadan karaan nabadaynta geyiga. Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay dardar-galiyaan nabadeynta dadka iyo deegaanka Soomaalida. Madashu waxay aqoonsan tahay doorka weyn ee ay haweenku ka qaateen badbaadinta ummadda Soomaaliyeed. Waxayna ku dhiirrigelineysaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay u aqoonsadaan kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan bulshada. Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa Machadka Heritage inuu kordhiyo ka qaybgalka haweenka kulammada noocan ah, islamarkaana lagu daro kulammada amuuraha khuseeya haweeynka. Sida ka muuqata daraasaadka iyo doodaha lagu soo bandhigay shirka, waxaa lama huraan ah in la kordhiyo, lana tayeeyo kartida dadka (human capital) Soomaalida ah, si ay ula tartamaan ummadaha kale ee ku nool Geeska Afrika iyo qaaraddaba. Sidaa darteed, Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaamiyeyaasha dadka Soomaalida ah inay ka shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa kartida aqoonta iyo caafimaadka shacabkooda. Madashu waxay saluug ka muujisay tirada kooban ee ardeyda ah ee fursadaha waxbarasho hela, guud ahaan gayiga Soomaalida. Waxayna u aragtay arrin murugo leh in inta badan da’yarta Soomaalida ah aysan fursad u helin waxbarasho aasaasi ah. Sidoo kale, waxaa jirta in waxbarashada kooban ee ka jirta geyiga Soomaalida ay tayadeedu hooseyso. Haddaba, Madashu waxay ugu baaqaysaa oggaamiyeyaasha inay muhimadda koobaad siiyaan sidii ay waxbarasho tayo leh u gaarsiin lahaayeen inta ugu badan da’yarta. Madashu waxay soo jeedinaysaa in sannadka 2020 loo aqoonsado “Sannadka Waxbarashada Soomaalida”, halkudhigna looga dhigo “Yaan ubadka looga tegin aqoon la’aan.” Dhaqaalaha la galiyo caafimaadka dadka Soomaalida ah waa mid aad u kooban. Madashu waxay oggaanka Soomaalida ah, meel kasta oo ay joogaan, ugu baaqeysaa in ay culeyska saaraan sidii loo kordhin lahaa adeegyada caafimaadka ee ay dadku u baahan yihiin. Tayeynta kartida dadku waa inay noqotaa mid dhammeystiran, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo caafimaadka. Dad tayo leh ayaa la tartami kara caalamka intiisa kale. Madashu waxay ugu baaqaysaa qof kasta oo Soomaali ah inuu qeybta kaga beegan ka qaato orumarinta waxbarashada iyo caafimaadka. Madashu waxay aad u bogaadineysaa kaalinta ay diblomaasiyiin Soomaliyeed ka qaadanayaan xasillinta gobolka Geeska Afrika. Madashu waxay si gaar ah ugu hambalyeyneysaa Danjire Maxamud Dirir, kaalinta uu ka qaatay soo afjaridda khilaafaadkii siyaasadeed ee dalka Sudan, isagoo wakiil ka ah dalka Itoobiya iyo Midowga Africa. Sidoo kale, Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta Danjire Ismaaciil Wacays, oo ah u qaybsanaha gaarka ah ee urur goboleedka IGAD ee amuuraha Koonfurta Sudan, ahna diblomaasi ruuga caddaa ah kana soo jeeda Jamhuuriyadda Djibouti. Jamhuuriyadda Jabuuti Madashu waxay mahad ballaaran u jeedineysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo si hagar la’aan ah u marti sooray kasoo qayb galayaasha madasha, isagoo sii adkeeyay kaalinta hormuudka ah ee ay Jamhuuriyadda Djibouti ugu jirto dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan weeleynta aqoonta, dhaqanka iyo haldoorka. Guud ahaan shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Djibouti waxay muujiyeen sida ay hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo aragti walba oo ay leeyihiin. Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti ka codsaneysaa inay sii xoojiso kaalintaas qiimaha iyo qaayaha leh. Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti u aqoonsatay xuddunta shacab weynaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika. Madashu waxay bogaadinaysaa doorka muuqda ee ay Djibouti ka qaadatay nabadeynta Soomaalida, gaar ahaan shirarkii dib-u-heshiisiinta, dowladihii lagu dhisay halkan, ciidamada hiil walaal iyo dardar-gelinta wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland. Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa inay sii kordhiso doorkaas dahabiga ah. Soomaaliya Madashu waxay ka tacsiyeyneysaa dadki ku dhintay daadadkii dhawaan ka dhacay gobollada kala duwan ee Soomaalida. Madashu waxay aad u bogaadineysaa gurmadka ay sameeyeen shacabka Soomaalidu. Waxayna ku baaqaysaa in laga tabaabusheysto aafooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda. Madashu waxay dhiirrigelinaysaa kordhinta dhaqaalaha ay dowladdu ku bixiso waxbarashada iyo adeegyada kale. Waxayna ugu baaqaysaa madaxda Soomaaliya in si mug leh loogu soo jeesto kobcinta kartida dadka ee dhanka aqoonta iyo caafimaadka. Madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya hareeyay sannadkan, waxayna ugu baaqaysaa dowladda Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadeed inay amuurohooda ku dhammeystaan wadahadal iyo isqancin iyo u tirid shacabka. Si gaar ah, madashu waxay ku baaqaysaa in saamileyda siyaasaddu ka heshiiyaan hannaanka doorashooyinka 2020-ka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara kicinta xiisado siyaasadeed iyo khalkhal amni. Madashu waxay sidoo kale ku baaqaysaa in doorashooyinkaas ay ku qabsoomaan wakhtigii loo muddeeyay si loo dhowro sharciyadda dowladnimada, loona xoojiyo hannaanka dimoqraadiga ah. Madashu waxay ugu baaqaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib usoo nooleyso wadahadalladii ay la laheyd Somaliland ee yoolkoodu ahaa in isqancin iyo isku tanaasul lagu dhammeeyo arrinta Somaliland oo ah mid masiiri ah. Madashu waxay ku ammaaneysaa Dowladda Soomaaliya ahamiyadda weyn ee ay siineyso barnaamijka cafinta deynta, waxayna ugu baaqaysaa ummadda Soomaaliyeed in la taageero barnaamijkaas. Madashu waxay si weyn ugu mahad celineysaa saaxiibbada Soomaaliya ee iyana sida weyn u taageeray barnaamijka cafinta daynta. Somaliland Madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ka aloosnaa Somaliland ee la xiriiray Guddiga Doorashooyinka. Madashu waxay soo dhaweyneysaa dadaalka nabaddoonnimada ah ee ay sameeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, si loo soo afjaro xiisadahaas, loona dhowro nabadda deegaannda Somaliland. Madashu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Somaliland inay sii waddo wadahadalkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si xal waara looga gaaro arrinta Somaliland. III. Hoggaanka Dowlad-Deegaanka Soomaalida Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta muuqata ee ay Dowlad-Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya uga jiraan dalkaas, gaar ahaan xilligan kala guurka ah. Madashu waxay sidoo kale bogaadineysaa dowladda gobolka Soomaalida sida ay isaga xilsaartay nabadda iyo dibu heshiisiinta dadka walaalaha ah ee Soomaalida gobolkaas. Madashu waxay dhiirri galineysaa in Soomaalidu ay laba jibbaaraan kaalinta ay uga jiraan guud ahaan dalka Itoobiya, ha ahaato mid siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaaleba. Iyadoo laga faa’ideysanayo isbaddalka cusub, Madashu waxay ugu baaqeysaa madaxda iyo shacabka dowladdeegaanka Soomaalidu inay hormuud ka noqdaan doodaha muhiimka ah ee gobolka ka socda. Madashu waxay soo dhaweyneysaa ballanta uu qaaday Madaxweyne Mustafa Muxumad Cumar ee ah in siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya ee ku beegan Soomaaliya ay ka duwanaan doonto middii hore, noqotana mid ku qotonta isku soo dhaweynta Soomaalida, ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada Soomaalida. Madashu waxay ku baaqaysaa in la fududeeyo isku socodka dadka Soomaalida ah iyo ganacsigaba. Arrintaasi waxay horseedeysaa inuu bullaalo ganacsiga gobolka Geeska Afrika, waxayna qayb ka tahay go’aankii ay gaareen madaxda Midowga Afrika ee yoolkiisu ahaa in dadka qaaraddani ay si bilaa shiddo ah isugu gooshaan, islana ganacsadaan. Hoggaanka Soomaalida Kenya Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta baaxadda leh ee ay Soomaalida Kenya uga jiraan dalkaas, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo hoggaanka bulshada. Madashu waxay sidoo kale bogaadineysaa sida ay Soomaalida Kenya usoo dhaweeyaaan walaalohood Soomaaliyeed, uguna fududeeyaan inay dalkaas si nabad ah ugu noolaadaan, kana ganacsadaan. Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaanka Soomaalida Kenya inay ka shaqeeyaan horumarinta xiriir ku dhisan ixtiraam iyo deris-wanaag ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Madashu waxay ku dhiirri galineysaa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya inay kiiska badda uga dambeeyaan Maxkamadda Caddaaladda Dunida ee haatan gacanta ku haysa, isla markaana ixtiraamaan qaraarka kama dambaysta ah ee Maxkamaddu qaadato. Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa hoggaanka Soomaalida Kenya inay xal u raadiyaan arrimaha saameynaya ganacsiga oo guud ahaan dan u ah gobolka Geeska Afrika. Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaanka Soomaalida Kenya inay arrimaha ganacsiga carqaladda ku ah ee taagan ay wax ka qabtaan, sida burburinta hantida shirkadaha taleefoonnada Soomaalida. Madashu waxay ugu baaqaysaa hoggaanka Soomaalida, heer walba, inay ka shaqeeyaan fududeeynta isku socodka dadka deggan soohdinta labada dal. Arrintaasi waxay horseedeysaa inuu bullaalo ganacsiga u dhaxeeya dalalka Geeska Afrika. Waxayna qayb ka tahay go’aankii ay gaareen madaxda Midowga Afrika ee yoolkiisu ahaa in dadka qaaraddani ay si bilaa shiddo ah isugu gooshaan, islana ganacsadaan. Soomaalida Qurbaha Madashu waxay bogaadineysaa kaalinta muuqata ee ay Soomaalida qurbuhu ku yeelanayaan dalalka ay u hijroodeen. Madashu waxay Soomaalida qurbaha ku ammaaneysaa inay ka dhex muuqdaan bulshooyinka ay la nool yihiin, iyagoo masuuliyiin waaweyn ka noqday dalalka USA, UK, Canada, Norway, Sweden iyo kuwa kale. Waxayna ku dhiirri galineysaa inay laba jibbaaraan dadaalkooda. Madashu waxay ugu baaqaysaa inay xoojiyaan dhaqanka iyo afka. Madashu waxay ku bogaadineysaa Soomaalida Qurbaha kaalinta hormuudnimo ee ay uga jiraan horumarinta dadka Soomaalida ah ee Gobolka Geeska Afrika. Waxayna ugu baaqeysaa Soomaalida qurbaha inay kordhiyaan ka shaqeynta hawlaha tayeynta kartida dadka (capacity building). Madashu waxay ugu baaqeysaa Soomaalida qurbaha inay uga ololeeyaan dalalka joogaan horumarinta danaha dadka Soomaalida ah ee Geeska Afrika. Beesha Caalamka Gunaanad Madashu waxay mahad ballaaran u jeedineysaa dowladda iyo shacanka Jabuuti. Sidoo kale, Madashu waxay u mahad celineysaa Machadka Heritage, dadaalka culus ee uu dhabarka u ritay, waxayna ku dhiirri galineysaa inuu sii wado dadaalkaas. Madashu waxay kaloo mahad ballaaran u jeedineysaa shirkadaha iyo hey’adaha taageeray Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida, gaar ahaan kuwa Soomaalida ah. Madashu waxay soo jeedineysaa in kulanka sannadka soo socda laga dhigo mowduuca madasha u dabbaaldeggidda iyo qiimeynta 20-guurada shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta ee dib loogu yagleelay dowladnimada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Guuleed Maxamed Ismaaciil Oo Ka Hadlay Sababta Looga Caydhiyay Shaqadii Madaarka Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhimsha garoonka Stadium Muqdisho ayaa ku dhaw in la dhameystiro, waxaana la filayaa in dhawaan daaha laga qaado laguna qabto tartamo kubadda cagta ah, sida ay sheegtay Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Khadiija Maxamed Diiriye. Wasiiradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, ciyaartoy ka timid dalka dibadiisa iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kormeed ku tagay garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho, waxeyna soo qiimeynayeen dhismaha dhamaadka maraya ee ka socda halkaas. Seynab Maxamuud Warsame oo ah gudoomiyaha dagmada Warta Nabadda ayaa warbixin kooban ka siisay Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Masuuliyiintii la socotay iyo sidoo kale ciyaartoyda heerka uu marayo dhismaha. Basma Caamir Shakeeti ayaa sidoo kale kalmadeeda ka qaadatay, waxeyna aad uga mahad celisay maamulka dagmada Warta Nabadda sida ay howshaan u furliyeen. Khadiijo Maxamed Diiriye waxey sheegtay in dhismaha dhawaan lasoo afjari doono, isla markaana bisha Janaayo ee 2020 daaha laga qaadi doono garoonka ugu weyn Soomaaliya, waxeyna sidoo kale sheegtay in tartamo kala duwan lagu qaban doono. Garoonka Stadium Muqdisho oo ka mid ah kuwa ugu weyn qaaradda Afrika ayaa la dhisay 1978.
  21. Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa wuxuu shaqo joojin rasmi ah ku sameeyay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha Guud. Digreetadda kasoo baxday Taliyaha ayaa lagu sheegay in shaqo joojinta Jeneraal Maxamed Cumar Xirsiile ay la xiriirto kiis lagu eedeeyay. Afhayeen u hadlay taliska ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyay “dhacdadaas”. Dhacdada lagu eedeeyay Xirsiile ayaa ah maxbuus-xanuunsan oo dhintay, taasoo ay cabasho ay ka muujiyeen qoyska marxuumka. Jeneraal Xirsiile oo kahor shaqo joojinta beeniyey eedeyntaas ayaa xusay “si qaldan” loo dhigay “naxariis uu u sameeyay maxbuuska dhintay”. Gabagabadii, warka kasoo baxay Taliska Ciidamadda Asluubta, ayaa lagu sheegay in la magacaabay Guddi ka kooban sideed xubnood, kuwaasoo baaraya kiiskan, wallow aysan caddeyn hadii xabsi loo taxaabay Xirsiile. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Nabaddoonno ka tirsan jufada reer Maxamed Cabdi oo ka tirsan beesha Saleebaan ee Galmudug, ayaa ka sheeganaya musuq lagu sameeyey saxiixe ka tirsanaa odeyaashii Galmudug dhisay 2015-kii. Nabaddoonnada Mire Yuusuf Jimcaale iyo Cabdi Cismaan Weheliye ayaa waxaa ay qabaan in murshax Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor uu si hoosi uga dhaadhiciyey nabaddoonkii hore ee Reer Maxamed Cabdi Nabaddoon Cabdullahi Maxamed Carab(Jabuuti) in lagu badalo nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Tahliil Maxamed Aaden, arrintaas oo ku dhacday tashi iyo iska warqab la’aan. Cabdullahi Maxamed Carab(Jabuuti) ayaa la sheegaya in la badalay kadib markii uu xanuun u yimid magaalada Muqdisho iyada oo ninka cusubna aan lala socodsiin dadkii uu kuraasta 2-bada ah mas’uul uga ahaan lahaa. Mire Yuusuf Jimcaale oo arrintaan sharaxaya ayaa yiri “ Nabaddoon Jabuuti waa jirraday, waxaana lagu badalay sida aan maqalnay Tahliil Maxamed Aden oo la dhashay Jabuuti si uu saxiixe ugu noqdo 2-badii kursi ee Galmudug ku lahaayeen reer Maxamed Cabdi, arrintaas waa mid qabyaaladeysan, eex ku jirto, qaladka hadda bilowday ayaan saxeynaa, waxna kama jiraan, ololaha Qooqoor ayey qeyb ka tahay, mana yeeleyno”. Dhankiisa, Nabaddoon Cabdi Cismaan Weheliye ayaa isna ka sheegtay sifada lagu xulay Nabaddoon Tahliil oo aaney cidna ka tashan isaga oo yiri “ Haddii Nabaddoon ama saxiixe dhaco ama iscasilo, waa in laga tashto, ee ma aha in qof la isaga dhiibo, ninkan loo dhiibay wakiilnimo loogama tashan, si rasmi ah inuu u hayana lagama tashan, mana yeeleyno, waa musuq cad”. Kuraasta 2-nada ah ee saxiixahooda la badalay waxaa leh reer Maxamed Cabdi oo ka kooban: reer Warsame, reer Caraaye iyo Reer Muuse, waxaana arrintaasi ka hor yimid nabaddoonnada kala ah: Muuse Raqle, Cumar Faniinte, Mire Yuusuf Jimcaale iyo Cabdi Cismaan Weheliye . Guud ahaan Saleebaan waxaa ay Galmudug ku leeyihiin 7 xildhibaan , 4 Dashame iyo 3 Farax ah, keliya waxaa la badalay nabaddoonkan ka mas’uulka ahaa labada xildhibaan. Beel kale oo Murusade ah la dhaho, oo ka tirsan kuwa Galmudug iyadana waxaa laga badalay 4 ka mid ah 6 saxiixe oo laheyd, arrintaas oo lagu sheegay musuq dhacaya doorashada ka hor. Waxaan isku dayna inaan xiriir la sameyno Wasiir Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo lagu sheegay inuu arrintan ku lug leeyahay, laakin nooma suurogelin, innaga oo sugeyna jawaabtiisa. Xigasho: Goobjoog