Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirkii Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida ee ka socday dalka Jabuuti, oo maanta la soo geba-gabeeyay, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed soo koobaya nuxurkii shirkaasi. Shirka oo saddex maalmood ah ka socday caasimadda waddanka Jabuuti, ayaa looga hadlayay qodoba ay kamid yihiin; Doorka Soomaalid ka qaadan karto Nabadda Geeska Afrika, Doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, Horumarinta Ganacsiga & Waxbarashada iyo Qaddiyadda Somaliland. War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay, in Madashu ay ku baaqayso in dib loo soo celiyo Wada-hadalladii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, si xal looga gaaro arrinta Somaliland. Sidoo kale, Madasha ayaa ku baaqday in doorashada madaxtinimada Soomaaliya wkahtigeeda lagu qabto, waxaana ay walaac ka muujisay xiisadaha siyaasaddeed ee ka taagan Soomaaliya. Madashu waxay ugu baaqday hoggaanka Soomaalida Kenya, in ay wax ka qabtaan burburinta hantida Soomaaliyeed, gaar ahaan burburinta hantida shirkadaha Isgaarsiinta, sida laga soo xigtay War-murtiyeedka Dhinaca kale, Madasha ayaa soo jeedisay in sannadka 2020 loo aqoonsado sannadka waxbarashada Soomaalida. Hal ku dhigna laga dhigto: “Yaan ubadka looga tagin aqoon la’aan” Madasha ayaa madaxweynaha Jabuuti Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shirka soo xiray u aqoonsatay xuddunta Soomaalida, sida war-murtiyeedku xusay. PUNTLAND POST The post Madasha Aragti wadaaga Soomaalida oo lagu soo geba-gabeeyay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  2. Inkastoo Ciidanka Amaanka Puntland ay maanta fashiliyiin Waxyaabo Qaraxa oo Aargada agteeda lagu xiray hadana waxay Tani muujineysaa UN Amaanka Magaalada uusan wali sugneyn. Waxyaabaha [...] Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyey in shaqada laga joojiyey taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, kadib eedeyn loo jeediyey. Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa lagu eedeyey in uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa, kaasi oo kadib geeriyooday. Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar xirsiile oo ah taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey sheegay, in ruuxaas oo ku xukunnaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, islamarkaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay. Taliyaha ayaa sheegay in markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa, uu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kadib halkaas ku geeriyooday. Afhayeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey taliyaha xabsiga dhexe, isla markaana la baarayo sida uu ku dhacay kiiska loo heyso. Ruuxa bukaanka ah ee xabsiga ku geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Xasan Kurtun Calasow, waxaana eheladiisa ay sheegeen in aan meydkiisa la’aasi doonin illaa iyo inta cadaalad ay ka helayaan. Hoos ka daawo afhayeenka ciidanka asluubta
  4. Qaban qaabada soo dhoweynta wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa koowad ayaa haatan ka socota gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Guddoomiye Mursal oo wafdigiisa ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa ka qeyb gali doono munaasabadda sanad guurada koowaada ee ka soo wareegtay markii madaxweynaha dowlad K/Galbeed Soomaaliya loo doortay C/casiis Lafta Gareen. Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda Baydhabo ku wajahan madaxweynaha HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb gali doono xafladaasi. Lafta Gareen waa madaxweynihii labaad ee Koonfur Galbeed, tan iyi markii la aas aasay maamulkaasi. View the full article
  5. Ciidamada ammaanka ee ka howlgal Dhuusamareeb ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin xalay walaalkiis oo ay ilmo adeer ahaayeen ku dilay gudaha magaaladaasi. Gaashaanle C/laahi Xasan Macalin taliyaha Booliska Dhuusamareeb, ahna taliyaha ciidamada Xasilinta ee degmadaasi ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay in ninkaasi la soo qabto, isagoo uu ku dhuumaaleysanayey isla xaaafadda uu dilka ka geystay. Taliyaha ayaa sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan eedeysanaha, islamarkaana ay dib ka faah faahin doonaan waxa sabab dilkaasi. Dhacdadaan ayaa waxaa maanta si aad ah looga hadal hayaa gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. View the full article
  6. WITH POTENTIALLY HISTORIC YEAR AHEAD FOR SOMALIA, DELEGATION OF AU, EU, IGAD AND UN HOLDS CONSULTATIONS WITH STAKEHOLDERS IN KISMAYO 17 Dec2019 Kismayo – On the [...] Source
  7. MOGADISHU (HOL) - The Food and Agriculture Organisation (FAO) has warned thousands of hectares of land in Somalia are on the brink of a desert locust attack worsening an ongoing food crisis in the Horn of African nation. Source: Hiiraan Online
  8. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland. Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya. Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden. View the full article
  9. Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ay fashiliyeen qaraxyo lagu aasay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi. Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee laga hago meelaha fog-fog ayaa la dhigay bartamaha magaalada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka ee maamulkaasi. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay si nabadoon ku soo saareen miinooyinkaasi, kadibna ay qarxiyeen. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka waxa ay sheegeen inay heleen xog ku aadan qaraxyada, kadib markii ay la soo wadaageen dad shacab ah. Sidoo kale ciidamada ayaa intii uu socday baaritaanka xiray dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim ah oo ku yaalla halkaasi, inkastoo markii dambe la furay. Muddooyinii la soo dhaafay ammaanka Boosaaso ayaa ahaa mid degan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska ee maamulka Puntland. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-18122019.mp3 View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-394/122019, ku soo saaray La-wareegidda Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 14aad, faqraddiisa 1aad iyo Qodobka 54aad, faqraddiisa 1aad ee Dastuurka; Markaan Arkay: Xeerka Wada-marista Gaadiidka Xeer Lr. 56/2013; Markaan Garwaaqsaday: In daryeelka iyo Hantida Guud ay tahay waajib saaran Xukuumadda, hantidaas oo haddii loo baahdo lagu wareejin karo oo keli ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka Dalka; Markaan Xaqiiqsaday: La soo noqoshada Hantida Dawladdu muhiimadda ay leedahay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act); Markaan dersay: Muhiimadda ay leedahay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hanti ahaan iyo maamul ahaanba Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number); Markaan Helay: Talo soo-jeedinta Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Heer Qaran iyo Tallo Bixinta Sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS; Waxaan Go’aamiyey; 1) In la buriyey heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada; Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). 2) In Xukuumaddu gebi ahaanba la soo noqotay maamulkii, gacan-ku-hayntii, adeegii iyo qalabkii Buugga Lahaan-shaha Gaadiidka iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). 3) In Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Xafiiska Hanti-dhawraha Guud iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS ku maal-geliyeen Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number), iyaga oo dersaya qiimaha ay hadda suuqa ka marayaan marka ay cusub yihiin, isla markaana ka jaraya wixii duugaw ah (Depreciation). 4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibaadkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan. 5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Source
  12. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland. Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya. Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Agaasimaha Maamulka Bangiga Adduunka Oo Kulan Ku Yeeshay Geneva appeared first on Puntland Post.
  13. Geneva (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland. Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya. Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden. Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli Dowlada Maraykanka ay ansixisay misaaniyad ay ku jirto deyn cafinta dalka Soomaaliya.
  14. Nabaddoonno ka tirsan jufada reer Maxamed Cabdi oo ka tirsan beesha Saleebaan ee Galmudug, oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa ka sheeganaya musuq lagu sameeyey saxiixe ka tirsanaa odeyaashii Galmudug dhisay 2015-kii. Nabaddoonnada Mire Yuusuf Jimcaale iyo Cabdi Cismaan Weheliye ayaa waxaa ay qabaan in murshax Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor uu si hoosi uga dhaadhiciyey nabaddoonkii hore ee Reer Maxamed Cabdi Nabaddoon Cabdullahi Maxamed Carab(Jabuuti) in lagu badalo nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Tahliil Maxamed Aaden, arrintaas oo ku dhacday tashi iyo iska warqab la’aan. Cabdullahi Maxamed Carab(Jabuuti) ayaa la sheegaya in la badalay kadib markii uu xanuun u yimid magaalada Muqdisho iyada oo ninka cusubna aan lala socodsiin dadkii uu kuraasta 2-bada ah mas’uul uga ahaan lahaa. Mire Yuusuf Jimcaale oo arrintaan Goobjoog News u sharaxaya ayaa yiri “ Nabaddoon Jabuuti waa jirraday, waxaana lagu badalay sida aan maqalnay Tahliil Maxamed Aden oo la dhashay Jabuuti si uu saxiixe ugu noqdo 2-badii kursi ee Galmudug ku lahaayeen reer Maxamed Cabdi, arrintaas waa mid qabyaaladeysan, eex ku jirto, qaladka hadda bilowday ayaan saxeynaa, waxna kama jiraan, ololaha Qooqoor ayey qeyb ka tahay, mana yeeleyno”. Dhankiisa, Nabaddoon Cabdi Cismaan Weheliye oo isna la soo xiriiray Goobjoog News ayaa ka sheegtay sifada lagu xulay Nabaddoon Tahliil oo aaney cidna ka tashan isaga oo yiri “ Haddii Nabaddoon ama saxiixe dhaco ama iscasilo, waa in laga tashto, ee ma aha in qof la isaga dhiibo, ninkan loo dhiibay wakiilnimo loogama tashan, si rasmi ah inuu u hayana lagama tashan, mana yeeleyno, waa musuq cad”. Kuraasta 2-nada ah ee saxiixahooda la badalay waxaa leh reer Maxamed Cabdi oo ka kooban: reer Warsame, reer Caraaye iyo Reer Muuse, waxaana arrintaasi ka hor yimid nabaddoonnada kala ah : Muuse Raqle, Cumar Faniinte, Mire Yuusuf Jimcaale iyo Cabdi Cismaan Weheliye . Guud ahaan Saleebaan waxaa ay Galmudug ku leeyihiin 7 xildhibaan , 4 Dashame iyo 3 Farax ah, keliya waxaa la badalay nabaddoonkan ka mas’uulka ahaa labada xildhibaan. Beel kale oo Murusade ah la dhaho, oo ka tirsan kuwa Galmudug iyadana waxaa laga badalay 4 ka mid ah 6 saxiixe oo laheyd, arrintaas oo lagu sheegay musuq dhacaya doorashada ka hor. Goobjoog News waxaa ay isku deyday in ey la xiriirto Wasiir Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo lagu sheegay inuu arrintan ku lug leeyahay, laakin nooma suurogelin, innaga oo sugeyna jawaabtiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. BOSSASO (HOL) - Security forces in Somalia’s northeastern state of Puntland have today dismantled Improvised Explosive Device (IED) buried on a roadside in Bossaso town in Bari region. Source: Hiiraan Online
  16. Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire held talks with Swedish Foreign Affairs Minister, Ann Christin Linde in Geneva on Tuesday. The meeting at the sideline of the world refugee forum focused on the support of the Scandinavian state towards ongoing Somalia’s debt relief process. The two countries agreed to closely cooperate on the debt cancelation procedure which is very crucial for Somalia’s engagement with international financial institutions for reconstruction funds. Stockholm which enjoys close diplomatic ties with Mogadishu helps the horn of the African state in various areas including the reconstruction and economic reforms. During his visit to the Swiss capital, Somali premier also held sideline meetings among other leaders including Turkish President, Rajab Tayyip Erdogan where they agreed to boost already existing close bilateral ties and increase economic cooperation. View the full article
  17. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta fashiyey qaraxyo miino oo lagu aasay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa midka koowaad la dhigay meel ku dhow xarunta Goolis, halka midka labaad lagu aasay agagaarka hoteelka Jubba ee magaaladaasi. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta ayaa kuu guuleystay inay soo saaraan miinooyinkaasi, kadib howlgallo ay ka sameeyeen halkaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa intii uu socday howlgalkaasi muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqa qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Boosaaso. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidanku ay si nabad ku qarxiyeen miinooyinkaasi. Saraakiisha amniga Puntland ayaa ku eedeeyey qaraxyadaasi inay aaseen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo mararka qaar weeraro ka geysta deegaanada maamulkaasi. Xaaladda ayaa degan waxaana caadi ku soo noqday isku socodkii dadka iyo gaadiidka. Muddooyinii dambe amniga Boosaaso ayaa ahaa mid xasilan, iyadoona ciidanka Booliska magaalada ay kordhiyeen howlgalladooda.
  18. The US government has canceled Somalia’s debt after the Congress approved a bill in this regard. Somalia-born Congresswoman Ilhan Omar said that the debt relief package was a major milestone that validates the incredible progress that Somalia has made in the past several years. “I am thrilled we were able to secure debt relief for Somalia today. This doesn’t just have an impact on Somalis in Somalia, but on the thousands of Somali- Americans who live in my district and have family in the region,” Ilhan said on her official Twitter handle. Ilhan’s statement did not, however, indicate the amount of debt that was canceled by the US. Somalia owes the US $1bn in arrears accrued over many years. Somalia’s entire debt stands at $4.7bn. Norway announced in October a bridging loan approval for Somalia to allow the Horn of Africa nation arears a $350m debt owed to the World Bank. The US move is expected to pave the way for other countries to pardon Somalia’s debts. View the full article
  19. (SLT-Nairobi)-Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun wuxuu ka mid yahay ka qeyb galeyaasha Kulanka Culumada Soomaaliya, oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna markii ugu horreysay madashaas uga hadlay taariikh nololeedkiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada amniga oo saaka illaa xalay howlgallo ka waday Dhuusamareeb ayaa gacanta ku soo dhigay Faa’id Salaad Caraale oo la sheegay in nin ay ilmo adeer ahaayeen uu ku dilay xaafadda Waabari ee degmadaasi. Taliyaha Booliska Dhuusamareeb, ahna taliyaha ciidanka Xasilinta ee magaaladaasi, Gaashaanle C/laahi Xasan Macalin ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay in ninkaasi la soo qabto, isagoo uu ku dhuumaaleysanayey xaaafadda uu dilka ka geystay. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan eedeysanaha, islamarkaana ay u xaqiijin doonaan waxa ku sababay dilka walaalkiis. Ugu dambeyn taliyaha ayaa tilmaamay inay dib ka faah faahin doonaan natiijada baaritaankooda, islamarkaana ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabayey Raage Saalax Caraale, waxaana la sheegay in labadooda uu ka dhexeeyey khilaaf sababay gacan ka hadal. Falkaan ayaa si aad ah ay u hadal hayaan dadka deegaanka, gaar ahaan kuwii dariska lahaa marxuumka iyo ninka dilka geystay. Dhacdadan ma’ahan mid ugub ah, waxaana magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho iyo kuwa kale ka dhacay dilal noocaan oo kale ah.
  21. (SLT-Hargeysa)-Wiil shaqaalaha madaarka Hargeysa ka mid ahaa oo lagu magacaabo Guuleed Maxamed Ismaaciil ayaa maamulka Madaarka Hargeysa shaqada ka eryeen kadib markii uu bartiisa Facebook ku faafiyay waxyaabo uu ku taageersan yahay musharraxnimada Maxamuud Xaashi. Inkasta oo aanu Guuleed faahfaahin bixin waxa laga soo xigtay in loo keenay warqadda shaqo saaridda oo ay ku xusan tahay in shaqada looga eryay taageeridda Maxamuud Xaashi. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo dhawaan guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe sheegay in ay soo saareen wareegto shaqaalaha dawladda lagaga mamnuucayo in ay cidnaba taageero u muujiyaan ama ka hadlaan arrimaha siyaasadda waliba marka ay baraha bulshada isticmaalayaan. https://www.facebook.com/gullied.ismacil?fref=nf Qoraalkan Hoose waxa qoray Wariye Maxamed Cabdi Ilig “Guleed Maxamed Ismaciil waxa shaqada lagaga joojiyay waxaad tageersan tahay Maxamuud Xaashi Wasiirkii hore Madaxtooyada. Imisa Agaasime, shaqaale dawladeed, xoghaymo, Wasiiro iyo Sarakiil kale ayaa wakhtigiisii Tageersana Madaxwayne Biixi markii uu xaaladan oo kale ku jiray. Imisa shaqaale dawladeed ah ayaa malinkasta Xisbiyada Mucaaradka ah Caaya, miyaanay shaqaale rayida ahayn, sidoo kale miyaanay xisbiyo qaran ahayn kuwa la cayaya. Imisa dhalinyara oo shaqaalaha Dawlada ah ayaa malinkasta u ololeeya Wasiirka Arrimaha Guddaha Kaahin, miyaanay cadaalad daro ahayn in kuwaasina shaqada lagu ilaaliyo. Somaliland Cadaalada ka jirta waxa lagu saleeya inaad qofka Necebtahay iyo Inaad Jeceshahay lakiin meeday Cadaaladii xeerku qoray, Guleed Cadaalad iyo wax kasareeya shaqadiisa ayuu heli doona Insha Allaah balse waa Taariikh u qoran Xukuumada Biixi iyo Kaahin.” Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Jaaliyadda Somaliland Ee Ingiriiska Oo Kala Qaybsantay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Washington)-Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta oo Arbaca ah cod u qaadi doono inay xilka laga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump iyo in kale. Kulan ay ku yeelan doonaan xarunta Aqalka ee magaalada Washington. D.C ayay dhamaan xubnaha Aqalka Wakiilada cod u qaadi doonaan laba qodob oo dastuuri ah oo ay u kucsanayaan xil-ka-xayuubinta madaxweynaha. Dalka Mareykanka iyo guud ahaan Caalamka ayaa aad looga hadal hayaa eedeynta loo jeediyey Trump Aqalka wakiilada oo Maanta o codeynaya xilka qaadista Madaxweynaha Mareykanka. Source
  24. (SLT-Washington)-Golaha Wakiillada dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ansixiyay miisaaniyad ay ku jirto cafinta deyn lagu leeyahay dalka Soomaaliya. Qaraar tirsigiisu yahay H.R 1158 ayaa lagu sheegay in lagu ansixiyay qaraarka deynta lagaga cafinayo Soomaaliya. Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa waxaa ay war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay soo dhoweyneyso dadaallada deyn cafinta Soomaaliya. “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigaty dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tidhi Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay. “Tani ma saameyneyso kaliya Soomaalida ku nool Soomaaliya, balse sidoo kale kumanaan Soomaali Mareykan ah oo ku nool degmada aan matalo, sidoo kalena ay ehel ka joogaan gobolka” ayey tidhi Ilhaan. “Xermadan deyn cafinta waa tallaabo aad u weyn oo caddeyneysa horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay sannadihii tagay. Tani ma ahan in loo arko dhammaad, balse waa inay bilow u noqotaa soo cusbooneysiinta xidhiidh diblomaasiyeed oo lala yeesho Soomaaliya. Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in dalal kale oo badanna ay cafiyana lacagihii deymaha ee ay ku lahaayeen Soomaaliya. lacagaha deynta ee Soomaaliya lagu leeyahay ayaa ah kuwa ay ka tagtay dowladii dhexe ee Siyaad Barre, waxaana la sheegaa in sannad ba sanadka ka dambeeya ay sii kordheysa. Source
  25. Morocco inked a framework agreement with Djibouti to strengthen bilateral cooperation in the fields of energy, mining, and geology on Monday, December 16, in Rabat. Source: Hiiraan Online