Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-ildhibaan Indho Indho Oo Ka Tirsan Golaha Guurtida ayaa eedaymo culus u jeediyay wafti beesha caalamka oo Hargeysa yimid, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Ergadii Dhexdhexaadinta Oo La Kulmay Wafti Ka Socda Beesha Caalamka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Muuse Biixi+Nuxurka Xogtay xanbaarsan tahay WAREEGTO MADAXWEYNE Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-394/122019, ku soo saaray La-wareegidda Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 14aad, faqraddiisa 1aad iyo Qodobka 54aad, faqraddiisa 1aad ee Dastuurka; Markaan Arkay: Xeerka Wada-marista Gaadiidka Xeer Lr. 56/2013; Markaan Garwaaqsaday: In daryeelka iyo Hantida Guud ay tahay waajib saaran Xukuumadda, hantidaas oo haddii loo baahdo lagu wareejin karo oo keli ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka Dalka; Markaan Xaqiiqsaday: La soo noqoshada Hantida Dawladdu muhiimadda ay leedahay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act); Markaan dersay: Muhiimadda ay leedahay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hanti ahaan iyo maamul ahaanba Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number); Markaan Helay: Talo soo-jeedinta Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Heer Qaran iyo Tallo Bixinta Sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS; Waxaan Go’aamiyey; 1) In la buriyey heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada; Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). 2) In Xukuumaddu gebi ahaanba la soo noqotay maamulkii, gacan-ku-hayntii, adeegii iyo qalabkii Buugga Lahaan-shaha Gaadiidka iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number). 3) In Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Xafiiska Hanti-dhawraha Guud iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS ku maal-geliyeen Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number), iyaga oo dersaya qiimaha ay hadda suuqa ka marayaan marka ay cusub yihiin, isla markaana ka jaraya wixii duugaw ah (Depreciation). 4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibaadkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan. 5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah. Qaran News
  4. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay wefdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, oo ay ka midyihiin xubno ka socda Midawga Yurub, Midawga Africa iyo urur goboleedka IGAD. Kulanka intii uu socdey ayaa waxaa looga hadlay Doorashada Soomaaliya 2021, Amniga, Dayn Cafinta Soomaaliya iyo Dhammaystirka Dastuurka KMG ah ee DFS. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka. Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn tilmaamay in ay ka wadahadleen dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaaro dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha dalka. “Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqday wefdi uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, Midawga Yurub, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, waxan ka wadahadalnay dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaaro dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha, wuxuu ahaa kulan aad u wanaagsan oo aan aragtiyo aad u badan aan isku weydaarsanay, sidii loo dardargelinlahaa horumarna looga gaadhi lahaa arrimaha hortaagan in Dowladda Soomaaliya hore u dhaqaaqdo”. “Waxaan kaloo ka wadahadalnay sidii loo dardargelinlahaa xiriirka wadashaqayneed ee ka Dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo ay dhici doonaan kulamo intan kasii ballaaran oo looga hadli doono doorashooyinka Soomaaliya ee 2021, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha ku saabsan dayn cafinta oo iyaguna meel aad u wanaagsan maraya iyo arrimaha amniga sidii horumar looga gaadhilahaa. Dhammaan qodobadii aan ka wadahadalnay waxay ku dheceen jawi wanaagsan. Waxaan halkan ka cadaynayaa in Puntland diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda looga hadlaayo iyo siyaasaddeedana horumarinaaya”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan ayaa dhankiisa sheegay in kulanka muhiim ka ah ee ay wadaqaateen wefdiga uu hogaaminayey iyo Madaxda Puntland uu kusoo dhammaaday jewi wanaagsan, isla markaana ay ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo u baahan wax ka qabasho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya 2021, dhammaystirka Dastuurka KMG-ga ah ee dalka, arrimaha amniga, la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, maamul wanaagga, doorka siyaasadeed ee haweenka, sare u qaadidda dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana uu intaasi ku daray inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan ururada bulshada rayidka ah, dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo siyaasiyiinta. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
  5. (SLT-Laascaanood)-Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Laascaanood ayaa ka hor-yimid biyo-gelin la doonayo in laga sameeyo Magaalada Laascaanood. Xildhibaannada ayaa sheegay in shirkadda la siiyey Mashruuca biyo-gelinta Laascaanood doonayso inay Magaalada Biyaha uga soo jiiddo Ceelka Goojacade oo ay sheegeen in biyihiisa aanay Xooluhu Cabbin karin, sidaasi darteedna waxay ugu baaqeen Dawladda Somaliland inay mashruuca dib u eegto. Xildhibaan Maxamed Aflahaar oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deeganka Laascaanood ayaa sheegay in aanay ogolayn in Magaalada Laascaanood biyo looga soo geliyo Ceelka Gooja-cadde, waxaanu yidhi “Dawladdii Riyaale biyo-gelin ayay ballan qaaday, Tii Siilaanyo iyana doorashada waxay ku gashay in ay biyo-gelin samaynayso, halka Muuse Biixina uu sidaas si la mid ah u ballan-qaaday, haddana la sheegay in ceelka Gooja-cadde oo aan xooluhu cabbi karin in la yidhaahdo waa laga soo jiidayaa taasina maaha mid aanu yeeli karno” Xildhibaannada Golaha deegaanka oo dhaliilay Shirkad Magaceedu yahay Nugaal oo la sheegay inay ku guulaystay Mashruuca Biyo-gelinta Laascanood, ayaa diiddan Ceelka la doonayo in Biyo-gelinta looga sameeyo Magaalada Laascaanood, kaasi oo ay sheegeen inaan biyihiisa xooluhu cabbi karin. Shirkadda Nugaal oo ah Shirkadda wadda Biyo-gelinta Laascaanood ayaa dhawaan qalabka biyaha lagu sifeeyo ku rakibtay duleedka Magaaladaasi. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID Oo Raali-gelin Ka Bixiyay Hadal Shalay Ka Soo Yeedhay, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=MjBq5c46CW4 Source
  7. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Golaha Wasiiradda Cuba oo ka warbixiyey xaaladda dakhaatiir u dhalatay dalkaas oo Al-Shabaab ay qafaalatay ayaa carabka ku dhuftay “in ay caafimaad iyo bad-qabaan”. Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa 12-kii April, 2019, laga afduubtay magaaladda Mandheer, gaar ahaan meel ku dhow xadka Soomaaliya. Mas’uuliyiinta amniga oo fahfaahin kooban bixiyey ayaa shaaca ka qaadey in howladeenadda lagu haysto meelo kamid ah Soomaaliya. Laba dhakhtar ayaa kamid ah boqol u dhalatay Cuba, oo dowladda waddankas u soo dirtay Kenya si ay howlo caafimaad uga fuliyaan degaanada miyiga ah ee gobolada kala duwan ee Kenya. Cuba ayaa horay u sheegtay in kooxda heysata labada dhaqtar ay dalbadeen madaxfurasho dhan $1.5Milyan oo doollarka Mareykanka ah inkasta oo aan la caddeyn in Cuba bixineyso haddana dowladda Kenya ayaa xilligaas sheegtay in siyaasaddeeda arrimaha dibadda aysan ahayn bixinta madax furasho. “Labadda dowladood waxay qaadi doonan howlgalo wadajir ah si aan muwaadiniinteena ugu soo celino Cuba iyagoo bad-qaba,” ayuu hadalkiisa ku daray Ines Maria Chapman. Hadalkan ayuu u sheegay wariyeyaasha markii uu dib ugu laabtey magaaladda caasimadda ah ee Havana kadib socdaal uu ku tegay Nairobi, xarunta waddanka Kenya, halkaasoo uu kula kulmay madaxda ugu sareysa. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhaqaatiirta kale ee u dhashay Cuba dib u dejin loo sameeyay lagana wareejiyay aagga sohdinta Soomaaliya lana dejiyay meel u dhow caasimadda Nairobi.
  8. PRESS RELEASE Internet Society Foundation Announces $300,000 in Grants for Projects that Promote the Benefits of the Internet Projects in Mali, Madgascar, South Africa among grant recipients WASHINGTON D.C., United States of America, December 18, 2019/ — The new Internet Society Foundation has issued its first set of medium and large grants (ranging from $12,000 to USD $30,000 each) to 13 ground-breaking projects that seek to spread the benefits of the Internet around the world. The Internet Society (https://www.InternetSociety.org/) established the Internet Society Foundation (http://bit.ly/2rOclzv) to fund projects that will improve the quality of people’s lives everywhere. The Foundation awards grants to Internet Society Chapters as well as non-profit organizations and individuals dedicated to providing meaningful access to an open, globally connected and trusted Internet for everyone. Of the more than 40 applications received this year, 13 projects were selected by a committee that evaluated projects based on criteria that included originality and innovation, community impact and sustainability and technical feasibility, among others. The projects in Africa selected for grants are: $30,000 to create Wi-Fi access points and an off-the-grid Media Center within the Mamaila Tribal Authority, South Africa. The project will also build community capacity through training on cybersecurity, content development, entrepreneurship, and the construction, operation and maintenance of community networks. This aims to empower unemployed youth to organize themselves into cooperatives to advance their socio-economic aspirations and expand the planned network infrastructure. $12,322 will go towards creating community networks for 5,000 people in three remote farming communities and awareness-raising in Madagascar. The project will also provide technical training and basic Internet skills to a group of people who will train others to use the Internet to capture practical information for their economic development (such as on weather forecasts that can impact harvests and the prices of the agricultural products they sell). $30,000 to generate reliable statistical data on Internet use in Mali, in particular on the use/misuse of social media, which has become popular in both rural and urban areas. Most existing data has been produced by telecoms operators, for commercial ends, and results have not been made widely accessible. The results of this project, however, will be widely available through its publication and dissemination. The Internet Society Foundation provides grants to the Internet community, Internet Society Chapters, non-profits and individuals working on one or more of the following program areas: Initiatives that build community capacity to access and benefit from the Internet (including digital literacy skills, reaching unconnected populations, awareness-raising and local content-production);Initiatives that respond to natural disasters;Opportunities for research across technical, economic and public policy topics;Initiatives that demonstrate innovative techniques to advance an Internet for all; andLocal and regional projects supported by ISOC’s nearly 140 Chapters (Beyond the Net) (http://bit.ly/38OC5MH). The Internet Society Foundation will launch its next call for grant applications in early 2020. More information on future calls for grants can be found at: http://bit.ly/2PvLrW2 Distributed by APO Group on behalf of Internet Society (ISOC). Projects in Mali, Madgascar, South Africa among grant recipients WASHINGTON D.C., United States of America, December 18, 2019/ — The new Internet Society Foundation has issued its first set of medium and large grants (ranging from $12,000 to USD $30,000 each) to 13 ground-breaking projects that seek to spread the benefits of the Internet around the world. The Internet Society (https://www.InternetSociety.org/) established the Internet Society Foundation (http://bit.ly/2rOclzv) to fund projects that will improve the quality of people’s lives everywhere. The Foundation awards grants to Internet Society Chapters as well as non-profit organizations and individuals dedicated to providing meaningful access to an open, globally connected and trusted Internet for everyone. Of the more than 40 applications received this year, 13 projects were selected by a committee that evaluated projects based on criteria that included originality and innovation, community impact and sustainability and technical feasibility, among others. The projects in Africa selected for grants are: $30,000 to create Wi-Fi access points and an off-the-grid Media Center within the Mamaila Tribal Authority, South Africa. The project will also build community capacity through training on cybersecurity, content development, entrepreneurship, and the construction, operation and maintenance of community networks. This aims to empower unemployed youth to organize themselves into cooperatives to advance their socio-economic aspirations and expand the planned network infrastructure. $12,322 will go towards creating community networks for 5,000 people in three remote farming communities and awareness-raising in Madagascar. The project will also provide technical training and basic Internet skills to a group of people who will train others to use the Internet to capture practical information for their economic development (such as on weather forecasts that can impact harvests and the prices of the agricultural products they sell). $30,000 to generate reliable statistical data on Internet use in Mali, in particular on the use/misuse of social media, which has become popular in both rural and urban areas. Most existing data has been produced by telecoms operators, for commercial ends, and results have not been made widely accessible. The results of this project, however, will be widely available through its publication and dissemination. The Internet Society Foundation provides grants to the Internet community, Internet Society Chapters, non-profits and individuals working on one or more of the following program areas: Initiatives that build community capacity to access and benefit from the Internet (including digital literacy skills, reaching unconnected populations, awareness-raising and local content-production);Initiatives that respond to natural disasters;Opportunities for research across technical, economic and public policy topics;Initiatives that demonstrate innovative techniques to advance an Internet for all; andLocal and regional projects supported by ISOC’s nearly 140 Chapters (Beyond the Net) (http://bit.ly/38OC5MH). The Internet Society Foundation will launch its next call for grant applications in early 2020. More information on future calls for grants can be found at: http://bit.ly/2PvLrW2 Distributed by APO Group on behalf of Internet Society (ISOC). Qaran News
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay wefti ka socda Beesha Caalamka oo uu hogaaminayo Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, oo ay ka midyihiin xubno ka socda Midawga Yurub, Midawga Africa iyo urur goboleedka IGAD. Kulanka intii uu socdey ayaa waxaa looga hadlay Doorashada Soomaaliya 2021, Amniga, Dayn Cafinta Soomaaliya iyo Dhammaystirka Dastuurka KMG ah ee DFS. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka. Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn tilmaamay in ay ka wadahadleen dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaadho dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha dalka. “Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqday wefti uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, Midawga Yurub, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, waxaan ka wadahadalnay dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaadho dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha, wuxuu ahaa kulan aad u wanaagsan oo aan aragtiyo aad u badan aan isku weydaarsanay, sidii loo dardargelinlahaa horumarna looga gaadhi lahaa arrimaha hortaagan in Dowladda Soomaaliya hore u dhaqaaqdo”. “Waxaan kaloo ka wadahadalnay sidii loo dardargelinlahaa xidhiidhka wadashaqayneed ee ka Dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo ay dhicidoonaan kulamo intan kasii balaadhan oo looga hadlidoono doorashooyinka Soomaaliya ee 2021, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay arrimaha ku saabsan dayn cafinta oo iyaguna meel aad u wanaagsan maraya iyo arrimaha amniga sidii horumar looga gaadhilahaa. Dhammaan qodobadii aan ka wadahadalnay waxay ku dheceen jewi wanaagsan. Waxaan halkan ka cadaynayaa in Puntland diyaar u tahay wax kasta oo Soomaaliya danaheeda looga hadlaayo iyo siyaasaddeedana horumarinaaya”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan ayaa dhankiisa sheegay in kulanka muhiim ka ah ee ay wadaqaateen weftiga uu hogaaminayey iyo Madaxda Puntland uu kusoo dhammaaday jewi wanaagsan, isla markaana ay ka wadahadleen arrimo muhiim ah oo u baahan wax ka qabasho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya 2021, dhammaystirka Dastuurka KMG-ga ah ee dalka, arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, maamul wanaagga, doorka siyaasadeed ee haweenka, sare u qaadidda dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana uu intaasi ku daray inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan ururada bulshada rayidka ah, dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo siyaasiyiinta. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Puntland iyo Wefdiga Beesha Caalamka? appeared first on Puntland Post.
  10. Sawirka qaraxyadii la fashiliyay Laamaha Amniga Puntland ee gobolka Bari oo is kaashanaya, ayaa maanta ku guulaystay in ay fashiliyaan qaraxyo miino oo lagu saasay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Saraakiisha ciidamada, ayaa ka hor inta aysan qarxin miinooyinkaasi, waxay shacabkii goobta agdhowaa ku wargeliyeen, in ay isaga baxaan halkaasi, kadibna waxay rasaas ku qarxiyeen miinooyinkii aasnaa. Mudadii hawlgalkaasi socday, waxa hakad la geliyay isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha nawaaxiga goobta qaraxyada lagu arkay, si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka Rayidka ah. Haddaba, Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay sida loo fashiliyay qaraxyadii aasnaa, waxaana uu bogaadiyay ciidamadii fuliyay hawlgalkaasi guulaystay. Hoos ka daawo wareysiga Taliyaha PUNTLAND POST The post Booliiska gobolka Bari oo ka warbixiyay qaraxyo la fashiliyay appeared first on Puntland Post.
  11. Munaasabad Ballaaran oo Beesha Reer Xirsi ee Cumar Maxamuud ku caleemasaaraysay Fiqi Axmed Xuseen Cabdilee Codweyn ayaa maantay lagu qabtay Degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal. Munaasabada Caleemasaarka Fiqiga oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay Nabadoono,Waxgarad,Cuqaal,Wakiilo matalayey isimada dhaqanka kana yimid deegaanada ay soomaalidu degto,aqoonyahan,Haween Culimo,Abwaano dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Beesha Reer Xirsi ee soo dooratay fiqiga ayaa sheegay in fiqigu yahay Isinka guud ee beesha reer xirsi waxaana ay sheegay inay ku doorteen inuu u qalmo duubka isinimo ee loo cimaamaday madaama uu ku sifoobay astaamihii Isimino. Waxgaradka iyo cuqaashii ka hadlay munaasabada ee beesha ayaa u rajeeyey in Fiqiga alle u fudeeyo xilka loo igmaday waxaana ay kula dardaarmeen inuu ka qaybqaato doorka hogaamineed ee isimada Soomaaliyeed. Nabadoono,Waxgarad iyo cuqaal ku hadlay afka beelaha kale ee kasoo qaybgalay munaasabada ayaa soo dhaweeyey fiqiga cusub waxaa ay tilmaameen inay la qaateen Beesha soo xulatay fiqiga iyagoo alle uga baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee uu beesha u qaaday. PUNTLAND POST The post Fiqi Axmed Xuseen Cabdile oo lagu caleema-saaray Buurtinle appeared first on Puntland Post.
  12. PRESS RELEASE International Organization for Migration (IOM) Supports Cross-border Communities Between Mauritania and Mali Mauritania, as most countries in the Sahel region, faces multiple challenges regarding human trafficking, drug, terrorism threat, and arm smuggling as well as unaccompanied minor migrants BOUSTEILA, Mauritania, December 18, 2019/ — “No development can be attained without security. It is with safe borders that we can guarantee the security of cross-border communities,” says Saghair Haimdon, Mayor of Bousteila, a village located at the border between Mauritania and Mali. To facilitate and secure cross-border movements of communities, the International Organization for Migration (IOM) inaugurated in Bousteila the construction of the 22nd land border posts built by IOM since 2010 (of the 47 official border crossing points), thanks to the support of the European Union Emergency Trust Fund for Africa (EUTF). Mauritania, as most countries in the Sahel region, faces multiple challenges regarding human trafficking, drug, terrorism threat, and arm smuggling as well as unaccompanied minor migrants. Integrated border management constitutes the most appropriated answer to tackle these problematics in a holistic approach. Being at the crossroads between Mauritania and Mali, Bousteila could be used as a strategic point of entry in the region. Once a week, Bousteila serves as a meeting point for farmers, cattle breeders and other tradespeople from each side of the border for the weekly market. The land border post facilitates safe movements and allows for a more accurate data collection regarding movement on the border. While contributing to the economic development of communities living in border areas, the frequent cross-border movements can pose a danger to local communities and migrants, specifically when these movements are done in a disorderly manner. Prior to the inauguration, IOM also conducted a campaign to sensitize local populations, with an emphasis on children, on the meaning of borders, increased security and the presence of migrants in their communities. Following those sessions of sensitization Bousteila’s high school students presented a short play illustrating comradery and support they have for their “next door neighbors”, as they referred to migrants coming from Mali. “I think land border posts are made so no one gets lost or hurt and everyone travels safely,” said 13-year-old Mohamed Lemine SaadBouh, a student at Bousteila’s local high school and actor in the play. Mauritania has more than 5,000 kilometers of land borders, the vast majority of which are located far from major roads and urban areas. In a bit to strengthen collaboration between border communities and security forces, “village committees” were established by IOM. Committees, established in villages around border posts, have improved security in these areas by strengthening relationships between villages and border officials. The youths are sensitized on the importance of border posts for the safe movement of communities through community meeting and discussions. Finally, the committees also act as mediator between cross-border communities, thus contributing to the resolution of conflicts over natural resources between communities. In December, three new posts built by IOM were delivered to the gendarmerie. Two others are currently under construction in Diama and N’Bekeit Lawach and will be delivered in 2020. These border posts were financed by the EUTF through the EU-IOM Joint Initiative for Migrant Protection and Reintegration. These achievements are the fruit of the implementation of the Integrated Border Management Strategy, adopted by the Islamic Republic of Mauritania in 2015 and developed by IOM. This strategy covers all fields relevant to strengthening border management, including organizational and operational, legal, human resources, structural and equipment as well as financial frameworks. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
  13. PRESS RELEASE State Department Brings Partnership Opportunity Delegation to Ethiopia The delegation included more than 15 companies representing the United States, Japan, and Sweden JOHANNESBURG, South Africa, December 18, 2019/ — During Global Entrepreneurship Week, the U.S. Department of State assembled a group of private sector representatives to explore investment and collaborative business opportunities in Ethiopia, as the country seeks to implement historic economic reforms. The Partnership Opportunity Delegation (POD) spent a week engaging with government leaders, private sector entities, and Ethiopian entrepreneurs to better understand the challenges and opportunities facing Ethiopian innovators and share expertise on how the country can better foster an enabling environment for startups and tech. The delegation included more than 15 companies representing the United States, Japan, and Sweden. The POD, led by the Office of Global Partnerships, explored opportunities in various sectors of the Ethiopian economy including digital connectivity, Fintech, creative industry, and startups. As a result of these first-hand engagements, several of the delegates committed to support Ethiopia’s economy in tangible ways through workforce development, social entrepreneurship, startup investment, exploring opportunities for telecom privatization, and mentorship training. The week culminated in two events recognizing Ethiopian startups and entrepreneurs. The Africa Fintech Summit brought together over 400 attendees to recognize excellence in entrepreneurship and innovation across the African continent, allowing POD members to learn about the opportunities and risks of the Ethiopian economic ecosystem. The following day, the Department of State partnered with Microsoft, Google, Pegasus Ventures Startup World Cup, and the Africa Fintech Summit to host P!TCH ETHIOP!A, an entrepreneurial pitch competition for seven Ethiopian startups. The delegation provided mentorship to startups, who then presented to a panel of industry professionals and investors. AXIOM Financial Technologies, a startup focused on increasing access to financing by developing the first credit scoring platform in Ethiopia, won the competition. In doing so, AXIOM representatives earned a chance to compete in the Startup World Cup 2020 in San Francisco for a $1,000,000 investment prize. The POD, along with the P!TCH ETHIOP!A competition, is an extension of the Department of State’s active support for Ethiopia’s historic economic reforms. Both programs forged strong partnerships and networks that will advance the growth and economic prosperity of the region. Delegates have already begun making commitments to engage further with Ethiopia. Some of these include Amazon Web Services’ activation of technology credits for all seven finalists of P!TCH ETHIOP!A. Other pledges include Santa Clara University’s Miller Center for Social Entrepreneurship’s new partnership with the Ministry of Science and Higher Education to integrate social entrepreneurship methodology into the curriculum of four Ethiopian Universities and Opportunity International’s pledge to host their Africa Regional Conference in Addis Ababa on January 27, 2020. Distributed by APO Group on behalf of Africa Regional Media Hub. SOURCE Africa Regional Media Hub Qaran News
  14. Shirkii Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida ee ka socday dalka Jabuuti, oo maanta la soo geba-gabeeyay, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed soo koobaya nuxurkii shirkaasi. Shirka oo saddex maalmood ah ka socday caasimadda waddanka Jabuuti, ayaa looga hadlayay qodoba ay kamid yihiin; Doorka Soomaalid ka qaadan karto Nabadda Geeska Afrika, Doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, Horumarinta Ganacsiga & Waxbarashada iyo Qaddiyadda Somaliland. War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay, in Madashu ay ku baaqayso in dib loo soo celiyo Wada-hadalladii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, si xal looga gaaro arrinta Somaliland. Sidoo kale, Madasha ayaa ku baaqday in doorashada madaxtinimada Soomaaliya wkahtigeeda lagu qabto, waxaana ay walaac ka muujisay xiisadaha siyaasaddeed ee ka taagan Soomaaliya. Madashu waxay ugu baaqday hoggaanka Soomaalida Kenya, in ay wax ka qabtaan burburinta hantida Soomaaliyeed, gaar ahaan burburinta hantida shirkadaha Isgaarsiinta, sida laga soo xigtay War-murtiyeedka Dhinaca kale, Madasha ayaa soo jeedisay in sannadka 2020 loo aqoonsado sannadka waxbarashada Soomaalida. Hal ku dhigna laga dhigto: “Yaan ubadka looga tagin aqoon la’aan” Madasha ayaa madaxweynaha Jabuuti Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shirka soo xiray u aqoonsatay xuddunta Soomaalida, sida war-murtiyeedku xusay. PUNTLAND POST The post Madasha Aragti wadaaga Soomaalida oo lagu soo geba-gabeeyay Jabuuti appeared first on Puntland Post.
  15. Inkastoo Ciidanka Amaanka Puntland ay maanta fashiliyiin Waxyaabo Qaraxa oo Aargada agteeda lagu xiray hadana waxay Tani muujineysaa UN Amaanka Magaalada uusan wali sugneyn. Waxyaabaha [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyey in shaqada laga joojiyey taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, kadib eedeyn loo jeediyey. Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa lagu eedeyey in uu isbitaal si xoog ah ugala soo baxay ruux bukaan ahaa, kaasi oo kadib geeriyooday. Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar xirsiile oo ah taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey sheegay, in ruuxaas oo ku xukunnaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, islamarkaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay. Taliyaha ayaa sheegay in markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa, uu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kadib halkaas ku geeriyooday. Afhayeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey taliyaha xabsiga dhexe, isla markaana la baarayo sida uu ku dhacay kiiska loo heyso. Ruuxa bukaanka ah ee xabsiga ku geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jirey Xasan Kurtun Calasow, waxaana eheladiisa ay sheegeen in aan meydkiisa la’aasi doonin illaa iyo inta cadaalad ay ka helayaan. Hoos ka daawo afhayeenka ciidanka asluubta
  17. Qaban qaabada soo dhoweynta wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa koowad ayaa haatan ka socota gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Guddoomiye Mursal oo wafdigiisa ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa ka qeyb gali doono munaasabadda sanad guurada koowaada ee ka soo wareegtay markii madaxweynaha dowlad K/Galbeed Soomaaliya loo doortay C/casiis Lafta Gareen. Sidoo kale waxaa saacadaha soo socda Baydhabo ku wajahan madaxweynaha HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb gali doono xafladaasi. Lafta Gareen waa madaxweynihii labaad ee Koonfur Galbeed, tan iyi markii la aas aasay maamulkaasi. View the full article
  18. Ciidamada ammaanka ee ka howlgal Dhuusamareeb ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin xalay walaalkiis oo ay ilmo adeer ahaayeen ku dilay gudaha magaaladaasi. Gaashaanle C/laahi Xasan Macalin taliyaha Booliska Dhuusamareeb, ahna taliyaha ciidamada Xasilinta ee degmadaasi ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay in ninkaasi la soo qabto, isagoo uu ku dhuumaaleysanayey isla xaaafadda uu dilka ka geystay. Taliyaha ayaa sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan eedeysanaha, islamarkaana ay dib ka faah faahin doonaan waxa sabab dilkaasi. Dhacdadaan ayaa waxaa maanta si aad ah looga hadal hayaa gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. View the full article
  19. WITH POTENTIALLY HISTORIC YEAR AHEAD FOR SOMALIA, DELEGATION OF AU, EU, IGAD AND UN HOLDS CONSULTATIONS WITH STAKEHOLDERS IN KISMAYO 17 Dec2019 Kismayo – On the [...] Source
  20. MOGADISHU (HOL) - The Food and Agriculture Organisation (FAO) has warned thousands of hectares of land in Somalia are on the brink of a desert locust attack worsening an ongoing food crisis in the Horn of African nation. Source: Hiiraan Online
  21. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland. Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya. Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden. View the full article
  22. Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ay fashiliyeen qaraxyo lagu aasay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi. Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee laga hago meelaha fog-fog ayaa la dhigay bartamaha magaalada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka ee maamulkaasi. Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay si nabadoon ku soo saareen miinooyinkaasi, kadibna ay qarxiyeen. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka waxa ay sheegeen inay heleen xog ku aadan qaraxyada, kadib markii ay la soo wadaageen dad shacab ah. Sidoo kale ciidamada ayaa intii uu socday baaritaanka xiray dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim ah oo ku yaalla halkaasi, inkastoo markii dambe la furay. Muddooyinii la soo dhaafay ammaanka Boosaaso ayaa ahaa mid degan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska ee maamulka Puntland. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-18122019.mp3 View the full article