-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dimuquraadiyeynta Puntland ayaa lagu sheegay in roobab wata dabeylo xoogan ay ku wajahan yihiin xeebaha Badweynta Hindiya, gaar ahaan Xafuun illaa degmada Hobyo. Qoraalkaan ayaa sidoo kale loogu baaqay dadka shacabka ah inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, kana fogaadaan meelaha ku dhow xeebaha ee maamulkaasi. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Go’aanka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku baabi’inayo isbahaysiga haya talada dalka Itoobiya, bilo ka hor doorashada 2020, ayaa waxa uu dhalleeceyn kala kulmay xubno sare oo ka mid ah dowladdiisa. Wareysi uu siiyey laanta Afaan Oromo ee VOA, ayaa wasiirka gaashaandhigga Lemma Megerssa waxa uu ku sheegay in xasilooni darrada dalka ka jirta ay la macno tahay inay tahay waqti aan habbooneyn in xisbi cusub la abuuro. “In xisbigan lagu milo kuwo kale ma ahan waqtigeeda, waxaa jira halis badan. Waxaan ku jirnaa xilli kala guur ah.” Ayuu yidhi Lemma. “Waxaan ku jirnaa waqti aan soo amaahanay, waxaan wajahaynaa dhibaatooyin badan oo dhiancyo kala duwan ka imanaya.” Lemma ayaa iminka booqasho ku jooga Mareykanka isaga oo la socda wafdi ujeedkiisu yahay inay xoojiyaan xidhiidhka dhanka gaashaandhigga ah ee ka dhaxeeya labada waddan. Bishii November, ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay in isbahaysiga talada haya ee EPRDF la baabi’in doono islamarkaana uu noqon doono hal xisbi oo cusub oo lagu magacaabo Prosperity Party. Go’aanka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha isbahaysiga codbixin ku taageereen is-beddelka. Kowdii December, Abiy ayaa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ku qabtay xaflad loogu dabaal degayo xisbiga cusub, waxaana uu sheegay “inuu diyaariyey barnaamij cad, sharci iyo qorshaha 10-ka sano ee soo socda kaasi oo Itoobiya ku hoggaamin doona badhaadhe”, sida ay werisay warbaahinta dowladda. Source
-
Abdikafi Mohamed Adan, 14, carries a mat from home to and from his school in Dundumale village because there are no desks and chairs in his classroom. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si rasmi ah u shaaciyay in yahay musharrax u taaggan jagada guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ah siyaasiga kaliya ee ilaa hadda caddeeyay hankiisa hoggaanka guddoomiye xisbiga KULMIYE oo uu guddoomiye ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu arrintan ku shaaciyay waraysi uu siiyay telefishanka Horn Cable. La soco warkan oo faah-faahsan Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-0412-2019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Ka Digtay Roobab Waaweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Somali police officer speaks out about living with HIV/AIDS
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
GAROWE - Bashir Osman Awad is a Somali policeman heading a police station in Garowe, Puntland. He has come out publicly to share his status as a person living with HIV/AIDS. Source: Hiiraan Online -
(SLT-Washington)-Caddeynta loo helay xil ka qaadista Donald Trump ee ah in uu awoodda xafiiska si xun u adeegsaday, waa mid xad-dhaaf ah, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen guddiga baadhitanka ku sameynaya madaxweynaha Mareykanka. Madaxweynaha wuxuu adeegsaday siyaasad ku saleysan dano shakhsiyadeed “oo aan ahayn danaha qaranka Mareykanka”, ayaa lagu xusay warbixin muhiim ah oo loo diray Aqalka Wakiillada Mareykanka. Wuxuu sidaas sameeyay isagoo “faragelin dibadeed ka dalbaday” Ukraine, si ay uga caawiso in dib loo doorto 2020-ka, ayaa ku xusan qoraalka. Ujeedada warbixinta waxay tahay in xafiiska laga saaro madaxweyne Donald Trump. Wuxuu Trump beeniyay in uu qalad sameeyay, wuxuuna baadhitaanka ku tilmaamay ugaadhsi xun oo isaga ka dhan ah. Ka hor inta aanan la shaacin warbixinta qabyada ah, Madaxweynaha oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga wuxuu weeraray Dimuquraadiyiinta hor-kacaya baadhitaanka oo uu ku tilmaamay “kuwo aan wadaniyiin ahayn”. Ka dib markii la daabacay qoraalka caddeynta ah, Afhayeenka Aqalka Cad, Stephanie Grisham, wuxuu yidhi Dimuquraadiyiinta “waxay gebi ahaanba ku fashilmeen soo bandhigidda cadeyn muujineysa in khalad la sameeyay” iyo in warbixinta “ay muujineyso jahwareerka iyaga haysta oo keli ah”. Warbixinta waxaa hadda loo gudbinayaa Guddiga cadaaladda ee Aqalka Wakiillada kuwaas oo Arbacada billaabi doona hannaanka, waxayna eegayaan in mooshin dhab ah oo xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Trump ay soo bandhigaan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiisha holwgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay shegeen in uu howlgalka ahaa mid Al-Shabaab looga saarayay deegaano dhowr ah, islamarkanaa laga sameeyey deegaannada Canjeel, Kuba-Kibir iyo Janaay Cabdalle oo kamid ah gobolka Jubbada hoose. Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dhamaan tuulooyinkii ay howlgalka ka fuliyeen ay isaga baxeen Al-Shabaab, isla markaana ay la wareegeen Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa Jubbaland. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaannada howlgalka laga sameeyey ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada DANAB iyo kuwa Jubbaland ay weli ku sugan yihiin deegaannadaas, inkasta oo mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada ganacsiga Boosaaso ayaa haatan yeelatay weji cusub, sida ay aan xogta ku helnay. Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa soo shaac baxay khilaaf culus oo u dhexeeya wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan iyo guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan), kaas oo haatan laga dareemayo Boosaaso. Wararka ayaa sheegaya in labada mas’uul ay isku fahmi waayeen, sida loo wajahayo xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa xukuumadda Deni iyo waxgaradka magaaladaasi. Illaa iyo hadda wasiirka amniga iyo guddoomiyaha gobolka Bari, midna kama hadlin khilaafka u dhexeeya, basle waxaa haatan socda dadaallo hoose oo lagu soo afjarayo is faham-waagaasi, sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiin ku howlan xalintooda. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan xabsiga dhexe ee Boosaaso ay ku xiran yihiin tiro odayaal dhaqameedyo ah iyo siyaasiyiin dhaliilay xukuumadda Puntland. Xiisada guud ahaan ka taagan Boosaaso ayaa salka ku heysa heshiiskii shirkadda DP World oo ay si weyn uga soo horjeedaan waxgaradka ku nool gobolka Bari.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ka jawaabay fal-celintii ay ka sameeyeen, Sheekh Cabduqaadir Soomow iyo Sheekh Cali Wajiis khudbad oo dhowaan u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Jarmalka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay inuusan soo qaadan Xadiis gooni ah oo uu beeniyey, basle wuxuu tilmaamay in uu sheegay in Culimada qaarkood ay adeegsadaan Axaaddiis been abuur ah oo ay jeebka kala soo baxaan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ujeedka khudbadiisu aheyd in aan dumarka la liidin, lana xaqirin, iyadoo la adeegsanayo dhaqan duug ah iyo faham khaldan. Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay arrintaan faafinayaan wadaado uu sheegay inay Villa Soomaaliya ku biisho canshuurta laga qaado Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaasna ay arrintaan u adeegsanayaan dano siyaasadeed. Ugu dambeyn wuxuu sheegay inuu yahay bini’aadam qaladna uu ka dhici karo, haddii ay jiraana wax qalad ah uu galay uu Alle dambi dhaaf waydiisanayo. Halkan hoose ka aqriso jawaabta uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Waxaan baraha bulshada ku arkay fal celin laga sameeyey khudbad aan kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jarmalka ku nool, gaar ahaan qayb aan ku daafacayey kaalinta haweenka ee dhanka siyaasadda iyo bulshada. Falcelinta waxay u badnayd mid togan, waxaase jirta qayb si taban looga falceliyey. Aniga waxaan sheegay in culimada qaarkood ay dumarka si bareer ah duudsiyaan xuquuqdooda iyo kaalintooda siyaasadeed, iyagoo sheega in “caqligooda iyo diintooda” ay yihiin kuwa dhiman oo naaqus ah; waxaan kale oo sheegay in xaqiraaddaa loo adeegsado axaaddiis been-abuurad ah oo faalso ah oo ay culimadaa jeebka kala soo baxaan. Anigu marna ma aanan soo qaadan xaddiis goonni ah oo aan leeyahay xaddiis hebel waa been oo sanadkiisa السند (taxanaha warinta) ayaa daciif ah ama mawduuc ah ama matnigiisa المتن (erayada xadiiska), mana inkirsani saxiixnimada Xadiiska ay culimo badani ka hadleen, laakiin waxaa jirta axaaddiis badan oo saxiix ah xagga silsiladda tabinta laakiin u baahan in la macneeyo, lana waafajiyo quraanku iyo Axaadiista kale ee Nabiga (NNKKH), maqaasidda iyo ruuxda shareecada. Sida aan soo xigtay qisadii Balqiis iyo aayado badan oo quraanka ahba iyo axaadiis badanba waxay muujinayaan in dumarku ay la mid yihiin ragga, waajibka diinta, ajarka iyo xasanaadka, farista wanaaga iyo reebista xumaanta u siman yihiin, ayna jiraan haween magac iyo maamuus weyn ku dhex lahaa, yeelana doona bulshada islaamka. Ujeedka khudbadaydu waxa ay ahayd in aan dumarka la liidin, lana xaqirin, iyadoo la adeegsanayo dhaqan duug ah iyo faham khaldan ee dhinaca Diinta ah. Waxaa u baahan in loo hiilliyo waa dumarka walaalaheen ah ee islaamnimadu iyo Soomaalinimadu naga dhexeyso, ee ma aha in gaar laga hayo dhaqan gurracan ama fasiraad khaldan oo diinteena xaniifka ah laga bixiyo. Duullaan kuma ihi Axaadiista Nabigeena Suuban (NNKH), mana jirto cid aan olole siyaasadeed uga rabo, ama aan is leeyahay ku raali geli, balse waxaan jeclahay daafaca iyo muujinta quruxda, naxariista, turista, dulqaadka, samafalka, daryeelka, wada noolaashaha, ixsaanka iyo taasamuxa Islaamka. Ma filayo in uu jiro Sheekh Soomaaliyeed oo Diinta baac ku leh oo aan kitaab ka raacan, Suufi, Salafi, Ikhwaan iyo Salafiya Islaaxiyah intaba. Kitaab raacasho, daraaso jaamacad, daalacasho iyo cilmi baaris Diinta ah ku dhowaad 25 sano ayaan ku jiray, sidaas oo ay tahayna waxaan qirsanahay in aan khaldami karo, ama hadalkayga khalad laga fahmi karo, laakiin ma ahi caami dhega wayn uu wadaad kitaab gaablow ah bursan karo. Ma khaldame waa Ilaaheey, isaga ayaana danbi dhaaf waydiisanaynaa wixii aan ku gefo. Ma jiro Xadiis aan inkiray ama beeniyey, waana mahadsan yihiin culimada talooyinka iyo naseexada soo jeediyey, waxaan se marna aqbali doonin in dumarku caqligoodu iyo diintoodu nuqsaan tahay, waxaana filayaa in culimaduna ay taas igu raacsan yihiin, waxaana ka rajaynayaa in ay arrinkaas caddeeyaan. Laakiin waxaa mudan in la xuso rag magaca culimada ku qaraabta oo ku raad jooga dagaal siyaasadeed oo ay wakiil uga yihiin kooxda Villa Somalia, laguna biilo canshuurta shacabka laga qaado, iyo kuwa kale oo weli ku dhegan faham khaldan ee dumarka magac diineed xaqooda lagu duudsiinayo. Wixii aan asiibay Alle xaggiisa ayey ka ahaatay, wixii aan khaldayna naftayda iyo shaydhaan ayaa iska leh. Haweenkeena Allaha guuleeyo, garaad iyo diin midna lama dheera.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay saqdii dhexe ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Gaarisa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliska dalka Kenya ay ka qabsadeen deegaankaasi, islamarkaana ay dab qabad siiyeen xarun ay shirkadda Safaricom ku laheyd halkaasi. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay saanad Milatari ka soo qaadatay saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Dhicise, sida ay hadalka u dhigtay. “Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen dhulka NFD ee gummeysiga kujira waxay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise oo dhaca duleedka degmada Gaarisa, ciidamada saliibiyiinta Kenya ayaa isaga firxaday deegaanka kadib markii ay ubabac dhigi waayeen gulufka Mujaahidiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Booliska dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaasi, iyadoona haatan xaaladdu ay kacsan tahay. Inta badan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka labada dal.
-
Warbaahinta Goobjoog ayaa bishii 11-aad oo xariir ah kuu soo gudbinaysaa dhacdooyinka kala duwanaa ee laga diiwan geliyay guud ahaan ciyaaraha wadanka bishii November 2019. 01-Novermber 2019-Magalaada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa sanadkii labaad oo xariir ah lagu qabtay tartanka ciyaaraha Oradka waxaana sanadkan la oraday oradka shanta kun ee killo meter. 02-Novermber 2019-Kooxda Dekedda ayaa laga cibtiray koobabka sanadaha ee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse waxaana 3-1 ay ku garaacay xidigaha ciidanka xooga dalka ee Horseed Sports Club. 03-Novermber 2019-Guddoomiyaha Degmada Kaaraan iyo mas’uuliyeen ka socotay Gobolka Banaadir ayaa kormeeray garoonka qoob dooro oo iminka lagu wado dib u dayactiro,maamulka Gobolka Banaadir ayaa da’daal wanaagsan ku bixinaya horomarinta garoomada degmooyinka. 04-November 2019-Maamulka isboortiga wadanka Finland ayaa abaal mariyay kooxaha Helisinki Stars iyo Old Boys oo ku guulaystay koobab ay soo qaban qaabiyeen ururka ugu weyn ciyaaraha Finland ee Sonpet. 05-November 2019-Xariirka Kubbadda Kolayga Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furay tartan ay ugu magacdareen horomarinta kubbadda kolllayga waxaana ka qeyb galay afar naadi. 06-November 2019-Xariirka Teeniiska dheer ayaa iskuulada magaalada Muqdisho ka bilaaway horomarinta iyo fahansiinta ciyaaraha teeniska,iyadoo u jeedada laga lee yahay ay tahay in ay diyaariyaan dhallinyaro ku wanaagsan heerka waxbarasho iyo xirfada teeniska dheer kuwaas oo mustaqbalka u dheela Xulka. 07-November 2019-Masuuliyiin katirsan xiriirka kubadda cagta Puntland ayaa qalab isboorti ku wareejiyay xariirka kubbadda cagta magaalada Qardho kuwaas oo lagu talagalay horomarinta kooxaha magaalada. 08-November 2019-Kooxaha Elman iyo Dekedda ayaa iskaga haray koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirse 2019,iyagoo kuwada jiray Group B waxaana garoobka kasoo baxay Muqdisho City Club iyo Horseed. 09-November 2019-Kooxda Dekedda ayaa ku guuleysatay koobka horumarinta kubadda koleyga oo ay afar koox ka qeyb galeen kulanka Fiinaalka Dekedda ayaa 58-43 kaga adkaatay kooxda Muqdisho City. 10-November 2019-Ciyaaryahan Xasan Maxamed Aadan (Xasan Santos) ayaa kooxdiisa Muqdisho City Club u saxiixay heshiisa cusub uu kula joogayo ilaa inta laga gaarayo sanadka 2021. 11-Novermber 2019-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo booqadey garoonka kubada cagta Degmada Waajid ee gobalka Bakool ayaa dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha u balanqaaday in maamulkiisa oo kaalin wanaagsan ka qaadanayo dhismaha iyo dayactirka garoonka. 12-Novermber 2019-Kooxda Geeska Afrika ayaa markii ugu horeesay u soo baxay afar dhamaadka tartanka Jeneraal Daa’uud waxayna ciyaartii sideed dhamaadka 2-1 kaga adkaadeen xidigaha Heegan . 13-Novermber 2019-Naadida Dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa sanadkii labaad oo xariir ah u soo gudbtay afar dhamaadka tartanka Jeneraal Daa’uud,ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen kooxda Saxafi. 14-November 2019-Naadiga Gaadiidka ayaa mudo dheer ka dib usoo baxay semi fiinalah tartanka sanadlaha ah ee Jeneraal Daa’uud,Gaadiidka ayaa kulankii wareega sideed dhamaadka ka badiyay Jazeera. 15-Novermber 2019-Kooxda ciidanka xooga dalka ee Horseed oo sanadkii lasoo dhaafay soo tiigsatay fiinalaha tartanka Jeneraal Daa’uud 2018 ayaa sanadkii labaad oo xariirah u soo baxay rubac dhamaadka kooka Jeneraal Daa’uud 2019,naadiga Horseed ayaa wareega sidee dhamaadka 4-1 ku dirtay xidigaha Raadsan. 16-Novermber 2019-Orodyahanka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Guuleed ayaa ku guulaystay bilado tartanka orodka dheer ee 100km, kaasoo lagu qabtay magalada Qaahira ee dalka Masar. 17-Novermber 2019-Kooxda Muqdisho City Club ayaa sanadkii labaad oo xariir ah u soo baxday fiinalaha tartanka Jeneraal Daa’uud waxayna Sem- Finaalka rigoorayaal 4-1 kaga badiyeen xidigaha Geeska Afrika. 18-November 2019-Kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe,iyagoo dalka u imaaday is dhaxgal bulsho iyo ciyaaro saaxiibtinimo. 18-November 2019-Kooxda Horseed ayaa sanadkii labaad oo xariir ah gaartay fiinalaha tartanka Jeneraal Daa’uud 2019 xidigaha Horseed ayaa kulankii afar dhamaadka tartanka 3-0 kaga badiyay Gaadiidka. 19-November 2019-Kooxda Iskuul Daarul Tarbiya ayaa hantay tartanka kubbadda horyaalka iskuulada Gobolka Banaadir oo muqdisho ka socday intii u dhaxaysay bishii May ilaa November 2019 20-November 2019-Gudoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ahna xubin ka mid ah guddiga fulinta CAF ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar, ugu qeyb galay shir looga hadlayay horumarinta kubbadda Cagta qaarada Africa. 21-November 2019-Kooxda ciidanka xooga ee Horseed ayaa ku guulaystay koobka Jeneraal Daa’uud 2019 xidigaha Horseed ayaa ciyaartii fiinalka 3-2 kaga badiyay naadiga dowlada hoose ee Muqdisho City Club labada naadi ayaa sanadkii 2aad oo xariir ah soo gaaray fiinalaha tartanka sanadlaha ee Jeneraal Daa’uud. 22-November 2019-Maamulka kooxda Heegan ayaa xilkeeda tababarnimo u magacaabay Mahad Maxamed Xaaji oo ka mid ahaa xidigihii soo maray,Laacib Mahad ayaa Heegan ka mid ahaa intii u dhaxeesay sanadihii 2009-2016 intii uu joogay Heegan hal mar ayuu la qaaday horyaalka Soomaaliya 23-November 2019-Cabdifataax Maxamed Qaaje oo ka mid ciyaartooyda ku nool wadanka Finland kana tirsan kooxda Old Boys ayaa la siiyay abaal marinta shaqsiga ugu fiican ee ciyaaraha qurbajoogta,ka dib markii uu sameeyay da’daal sare waxaana abaal marinta laga codeeyay wadamo badan oo yurub. 24-November 2019-Kooxda Ionikos Nikaias ee ka ciyaarta horyaalka heerka seddaxaad ee Dalka Gariiga ayaa shaacisay sawirro muujinaya in goolhayihii hore Xulka Qaranka Somalia iyo kooxaha Heegan iyo Jeenyo Mustafa Maxamed Yuusuf oo ka mid noqday kooxdaas. 25-November 2019-Kooxda taariikhta ee qeybta ka ah jaaliyada Melbourne ayaa qaliin indha fiiqis u sameeyay 300 oo qof oo ku nool magaalada Bosaaso,dadkii loo sameeyay caafimaadka ayaa ka mahad celiyay. 26-November 2019-Guddiga dhismaha garoonka Cadaado ee Maamulka Galmudug ayaa soo gabi gabeeyay wajiga kowaad ee dib u dactirka waxayna dhinaca kale madaxda Dowladda iyo bulshada Galmudug ugu baaqeen in ay si wanaagsan ugu qeyb qaataan dhameystirka garoonka Cadaado. 27-November 2019-Maamulka dagmada Cabdicasiis ayaa u magacabay Axmed Cismaan Axmed (Qurunbe) gudoomiyaha sportska degmada Cabdicasiis oo ka mid ah dhallinyarada degan Degmada. 28-November 2019-Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa in ka badan 10 ciyaaryahan ugu yeeray waajibaadka Xulka Qaranka kuwaas oo ku kala nool wadamada Yurub iyo waqooyiga Ameerika waxaana arintan bogaadiyay taageerayaasha Xulka Qaranka Soomaaliya,iyagoo sheegay in ay tahay arin wanaagsan. 29-November 2019-Kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne oo intii dhaxaysay 18-29 November ciyaaraha saaxiibtinimo iyo howlaha caafimaad ka sameeyay deegaanada maamulka Puntland ayaa safarkooda soo gaba gabeeyay,iyagoo loogu mahad celiyay booqashadoodii qiimaha badnaa. 30-November 2019-Afar ka mid ciyaaryahanada Xulka Qaranka ayaa u dhoofay magaalada Kampala ee wadanka Uganda xidigaha Muqdisho ka dhoofay waxay kala ahaayeen Xasan Cabdi Nuur,CabdiCasiis Yuusuf,gool haye Saciid Aweys Cali iyo Anwar Sayid Cali (Shakuunda). Halkan Ka Daawo Warbixinta Dhacdooyinka Bisha November 2019 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Security forces Wednesday nabbed a suspected Al-Shabaab operative in Mogadishu in possession of a hand grenade barely a week after another suspect was arrested for planting an explosive device on a vehicle in the city. Source: Hiiraan Online
-
Consumer price indices are important to the development of a country. The Puntland State of Somalia (PLS), a regional administration which is a member state of the Somalia Federal Government (FGS) has developed a monthly Consumer Price Index (CPI). The CPI is published by the Ministry of Planning and International Cooperation (MoPIC), Department of Statistics for Puntland. As noted in MoPIC’s website, “CPI is obtained by comparing through time, the cost of a fixed basket of commodities purchased by consumers.” The Consumer Price Index (CPI) October 2019 was recently published by the Department and it shows the changes for various components of the CPI, as depicted in the following chart: Chart 1: Change in the Price Indices for October 2019 for Puntland As shown in Figure 1, for the month of October 2019, overall, the CPI was up 0.2 percent compared to 0.8 percent for the month of September. The monthly change, which is a measure of inflation, appears to be stable from month to month. Major contributors of the increase from September to October were: Recreation and Culture with an increase of 3.8%, followed by Communication (+3.6%), Education (+2.6%), Alcoholic Beverages, Tobacco & Narcotics (+1.9%), Health (+0.8%) and Food and Non-Alcoholic Beverages (+0.5%). In addition, major areas of decrease for the same period were: Transportation and Restaurants and Hotels which had the largest decrease of 1.3%, followed by Housing, Water, Electricity and Gas (-0.6%) and Clothing and Footwear (-0.3%), which as noted by PL MoPIC, led to a muted and flat result at the All Groups CPI level. Chart 2: All Groups CPI – Combination inflation rate and index graph Chart 2 illustrates year-over-year the inflation rate (left axis) and all group CPI (right axis). Puntland appears to be experiencing increased inflation rates in 2019 compared with prior years of 2018 and 2017 as shown in the Figure 2. For example, the yearly inflation rate for October 2019 was an increase of 14.1 percent (74.1 in October 2018 and 84.6 in October 2019) compared with a decrease of 15.2 percent in October 2018. This is a great cause for concern and inflation rate at this rate is unsustainable, in the long run. While a regional state such as PL with meager resources and nascent economy might not have inflationary rate policy, a symmetric 2 percent objective is generally a good rate to maintain for a healthy economy. As noted in MoPIC October Report, major contributors of significant prices increase were: Clothing and Footwear which experienced a hefty increase of 24.2% followed by Transportation (+20.7%), Alcoholic Beverages, Tobacco & Narcotics (+18.6%), Health (+18.0%), Housing, Water, Electricity & Gas (+17.1%) and Food and Non-Alcoholic Beverages (+12.8%). As is done in other CPIs, the Puntland CPI can be measured by excluding often volatile food and energy categories. Nonetheless, Puntland’s CPI report showed people in that region paid more for items such as clothing, footwear, transportation and non-discretionary items. The increase in transportation could be influenced by the importation of fuel and other lubricants. Chart 3: CPI Index for Somalia Compared with overall Somalia (as depicted at chart 3), the inflation of Puntland appears to be heightened. For example, the Somali inflation was reported to be (over the twelve months to the month of October 2019) as a decrease of 4.15 percent. Again, this could be due transitional measurement unique to PL and not any structural issues. Similar to the PL CPI, the most significant monthly price increases for the Somali CPI were Transport which had increased 2.11%) from October 2018 to October 201. Having government indices such as the CPI is a great step in the development parameters of any state, regional or federal level, and would contribute to the overall development of Somali in rebuilding its financial institutions. Abdighani H. Hirad is an economist and statistician, a member of American Statistical Association and Southern Economic Association. The post A Closer Look of Consumer Price Index (CPI) for Puntland State of Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka ciidamada Milatariga Somaliland ay dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen buuraleyda gobolkaasi, gaar ahaan buurta Karin. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ay soo buux dhaafiyeen halkaasi, kuwaas oo ka yimid Tukaraq iyo Yubbe. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in haatan fariisimo cusub ay ka sameysteen buuraleyda Ceerigaabo, halkaas oo saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamo daacad u ah jabhadda hubeysan ee uu hoggaamiyo Korneyl Siciid Caare. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal culus uu ka qarxo qeybo ka mid ah gobolka Sanaag. Korneyl Caare oo ku xoogan gobollada Sool iyo Sanaag ayaa in muddo ah dagaal kula jira maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland. Dhowaan ayey aheyd markii Jabhaddiisa ay weerar ku qaaday saldhigga ciidanka Booliska Somaliland ee magaalada Ceerigaabo, kaas oo geystay khasaare kala duwan.
-
NISA Oo Sheegtay Iney Qabatay Nin Fulin Rabay Weerar Bam Ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Barta ay hay’adda NISA ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu baahiyey sawirka nin la sheegay in uu doonayey fulinta weerar Bam kuwa gacanta laga tuuro ah. NISA ayaa tilmaantay in shaqsigan oo aanay sheegin magaciisa la qabtay isaga oo aan weerarkii uu damacsanaa u fulin, shacabkana aanay waxyeello kasoo gaarin. “Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. NISA ma aanay sheegin halka weerarka lala damacsanaa iyo sidoo kale meesha sida rasmiga ah shaqsigan looga soo qabtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
(SLT-Washington)-Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay António Guterres, ayaa warbixin dheer oo uu ka jeediyey Golaha Ammaanka 2dii Bishan December, waxa uu ku soo qaaday qoddob ku saabsan Jamhuuriyadda Somaliland. Warbixintaas oo aad u dheerayd waxa uu kaga hadlay wax loogu yeedhay geedi-socodka iyo horumarka Soomaaliya, waxase ku jiray qoddob khuseeya Somaliland oo Xoghayaha Guud uga warramay Golaha Ammaanka. Warbixinta António Guterres oo la sheegay in la diyaariyey muddadii u dhexaysay 5tii Bishii August ilaa 4 November ee sannadkan. Waxaanu tilmaamay inuu dhicisoobay mooshinkii la doonayey in lagu kordhiyo xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland, waxaanu yidhi “Mooshin lagu doonayey in wax lagaga beddelo Xeerka Doorashooyinka, isla markaana lagu kordhin lahaa xubnaha Guddida Doorashooyinka Somaliland oo 7dii Xubnood laga dhigayey Sagaal Xubnood ayaa guul-daraystay.” “Waxaanu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku guubaabiyey xisbiyada mucaaridka in doorashada Baarlamaanka lagu galo 7dii xubnood ee Komishanka Doorashooyinka si hore loogu sii socdo,”ayuu yidhi António Guterres. Waxa kaloo Xoghayaha Guud QM uu warbixintiisa intaas ku daray 6dii October ee la soo dhaafay, wadaxaajood uu la yeeshay waxgarad beeleed kadib madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidiyey dhammaan xubnaha la socday Col. Siciid Cawil Caare oo ka falaagoobay Ciidanka Qaranka Somaliland sannadkii 2018kii. Source
-
Soomaaliya ayaa ka qaybgalaysa Shir weynaha Isbedelka Cimilada ee kasocda Magaalada Madrid, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 10,000 oo qof oo ka kala socda 193 dowladood iyo aqoonyahano iyo xeel dheerayaal ka socda qaramada midoobay iyo ururada caalamiga, waxaana shirka furay Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay. Wafdiga Soomaaliya ku matalaya Shir weynahaan waxaa hogaaminaya Agaasimha Guud ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Axmed Yuusuf Axmed. Xubnaha wafdiga waxaa ka mid ah khubaro ku xeeldheer Deegaanka oo kala ah Dr. Ali Daud Mohamed iyo Dr. Ali Abdullahi Warsame. Inta shirku uu socdo Somaaliya waxa ay ka soo jeedin doontaa shirweynaha warbixino ku saabsan xaaladaha Deegaanka iyo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay Soomaaliya la yeelan doontaa kulamo gaar gaar ah hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan Deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka Cimilada. Source: goobjoog.com
-
Wararka Puntland Post ka helayso magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in Khilaaf ka dhex qarxay, wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdisamad Yuusuf Maxamed oo loo yaqaan Cabdisamad Abwaan. Wasiirka iyo guddoomiyaha, ayaa sida la sheegayo aragti midaysan ka yeelan waayay, sida loo wajahayo odayaal iyo siyaasiyiin mucaaradsan dowladda Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso, kuwaasi oo qaarkood xabsiga la dhigay maalmihii la soo dhaafay, kadib markii ay xukuumadda ku dhaliileen Heshiiska DP World iyo arrimo kale. Inkastoo wasiirka iyo guddoomiyaha gobolka Bari aan mid koodna xaqiijin khilaafka dhexdooda ah, haddana xubno si hoose ula socda warkan ayaa sheegaya in maalmahanba uu ka dhex taagnaa muran ku salaysan habka loo wajahayo dadka mucaaradsan xukuumadda ee ku sugan gobolka Bari, gaar ahaanna magaalada Boosaaso. Sidoo kale, weli Puntland Post xog dhammaystiran kama helin sida labada mas’uul mid kasta u doonayo in loo wajaho arrimaha ka aloosan gobolka Bari iyo dadka dhaliilsan xukuumadda oo qaarkood haatan ku xiran yihiin xabsiga weyn ee Boosaaso. PUNTLAND POST The post Gallan iyo Abwaan oo isku khilaafsan sida loo wajahayo arrimaha gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Garoowe)-Maamul gobolleedka Puntland ayaa markale ka hadlay ciidamo ka soo goostay Maamulkooda oo ku biirey Somaliland, kuwaasi oo dhowaan si weyn loogu soo dhaweeyay degaanka Taleex ee gobolka Sool. Sareeye Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle), Taliyaha guutada 26-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa markii u horeysay sheegay in maamulkoodu uu shaqada ka fadhiisiyay Taliyihii watay ciidankii ku biiray Somaliland. Maxamuud Gubadle ayaa sheegay in G/S Cali Diiriye Baale la rusqeeyay bishii hore ee kow iyo tobnaad, kadib markii uu sameeyay amar diido ka dhan ah awaamiir ka soo baxday maamulkooda. Gubadle ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in Cali Baale uu diiday in uu soo xareeyo ciidamo uu watay, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay saddex iyo labaatan askari, si ay dowladu u diiwaan geliso kadibna u helaan tobabar. Taliyaha ayaa sheegay in Sarkaalkaasi uu doonayay in uu lacag ku qaato ciidamo aan diiwaan-galiso, midaasi oo ku sheegay in Puntland ayna marnaba aqbaleyn in ciidamadeeda ay ka sii mid ahaadaan askar aan diiwaan-gashanayn. “Ciidan haddaan la xaqiijin joogistiisa iyo tiradiisaba, maalinta uu dagaal dhaco ayaa la tabaa oo ceebtooda banaanka usoo baxdaa” ayuu yidhi G/S Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle). Wuxuuna intaas ku sii daray “Balse haddii la ogyahay tirada kuu joogta ciidamada, ciidan walba kaalintiisa ayaa muuqanaysa”. Source
-
Kamala Harris Oo Ka Hadhay Tartanka Doorashadda Mareykanka.
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Washington)-Senator Kamala Harris ayaa salaasadii shalay ku dhawaaqday in ay iskaga hadhay tartankii ay ugu jirtay inay noqoto musharraxa ugu danbeeya ee xisbiga dimoqraadiga ee madaxweyne Trump kula tartami doona doorashada sannadka 2020-ka. Harris oo ah mudane dimoqraadi ah oo ka tirsan Golaha Senetka Mareykanka, ayaa sheegtay in sababo dhaqaale aawadood ayna y sii wadi karin ololaheedii doorashada. Kamala Harris oo ay iska dhaleen hooyo iyo aabo muhaajiriin ah oo kasoo kala jeeda dalalka India iyo Jamaica, ayaa soo gashay tartanka musharaxnimada dimoqraadiga ee doorashada madaxweynaha, bishii Jeniwari ee sannadkaan, waxana markiiba ay kasbatay taageerayaal fara badan, hasee yeeshee bilihii ugu dambeeyay hoos ayay u sii dhaceysay taageerada ay ka heysato dimoqraadiga. Musharaxiinta xisbiga dimoqraadiga ee ku loolamaya is-reeb-rebeka qofka noqon doona musharaxa ugu daneeya ee sannadka foodda innagu soo haya madaxweyne Trump kula baratami doona doorashada madaxtinimada Mareykanka, ayaa gaadhaya 15 murashax, halki ay awal ahaayeen 25. Source
-
Popular Contributors
