-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa isi soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jeediraayo laba maleeshiyo beeleed oo maanta ku dagaalamay deegaannada Afbarwaaqo iyo Toofiiq ee gobalka Mudug, kuwaas oo ka soo kala jeeda dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Puntland, waxaana loogu baaqay in ay joojiyaan dagaalka oo Khasaare labada dhinac ah sababay. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad oo qoraal uu kaga hadlaayo dhacdadaas soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu yiri “Dagaalka ka soo cusboonaaday Towfiiq iyo Afbarwaaqo waa arrin aan la aqbali karin” Sidoo kale Mahad Cabdalle Cawad ayaa ugu baaq u diray ciidamada dowladda ee isku dhafka ah ee ka howlgala gobalka Mudug in ay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dhiiga dadka walalaha ah ee daadanaayo waxaana uu yir “Guddiga nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa in ay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay” Dhanka kale Murashax Madaxweyne Galmudug Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku yiri” Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dadka Ehalka ah ee dagaaladu ku dhax mareen deegaannada Afbarwaaqo iyo Towfiiq” Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa xusay in labada dhinac midna aaney dagaal dani ugu jirin waxaan Khasaaro aheenna aan laga dhaxlin Dagaal waxaana uu yiri” Waxaan xasuusinayaa in colaadda aan ciduna ka faaideeyn, oo aan ku wada khasaareyno. Maamulada u dhaw iyo dadka deegaankaba waxaan ugu baaqayaa in dhibkaas lagu baxo lana qaboojiyo.اللهم أصلح ذات بينهم” Baaqaan nabadeed ayaa waxaa uu imaanayaa ayadoo dagaallo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ay ka soo cusboonaadeen gobalka Mudug kuwaas oo u dhaxeeyo laba Maleeshyo beeleed oo wadadaga deegaannada Toofiiq iyo Afbarwaaqo ee gobalka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
By: Hussein Siyad Mogadishu (Caasimada Online) – Former president of Somalia and current head of the Forum for National Parties umbrella met with the special representative of the Secretary-General in Somalia and the Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia, James Swan. Sources within the former president’s circle told Caasimada Online that the meeting was centered on three important topics: a) – The realization of a free and fair election that is transparent and accepted by all concerned parties. b) – The commencement of open dialogue between the political stakeholders such as federal member states, political parties, and the central government. c) – The immediate end Ethiopian army interference in local Somalia politics, in support of the current administration. This meeting comes days after Sharif also met with the current US ambassador to Somalia, Donald Yamamoto. The Ethiopian Army, part of the AMISOM peacekeeping force has been accused of meddling in state elections in the South West Administration in 2018, and the ongoing Galmudug State elections. Sharif served as the president of Somalia from 2009 to 2012 but seeking re-election in 2021 after two failed previous bids. The international community has been pushing for more dialogue and open consultations between political parties and the current administration amid concerns of a term extension. The current administration has been pushing to bring one man one vote elections to Somalia for the first time in more than 50 years. The current political landscape and security situation has caused many to doubt the motives of the president as the country is not ready for a one-man, one-vote election. Many speculate that the president is seeking to gain a term extension by holding the promise of a one-man one-vote election.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maalmihii ugu dambeeyey cadaadis iyo dhaleeceyn kala kulmayey qaar ka tirsan culimada Soomaaliyeed oo ku eedeeyey inuu inkiray Xadiith saxiix ah ayaa sheegay in hadalkiisa laga bixiyey fasiraad qaldan. Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay inuusan marnaba in kirsaneyn xadiith saxiix ah oo laga wariyey Nabi Muxamed CWS, wuxuuna xaqiijiyey inuu rumeysan yahay sax ahaanshaha xadiith-ka oo uu Nabiga ka wariyey saxaabiga Abii Saciid Al-Khudri. Xadiithkan ayuu Nabiga NNKH ku sheegay in dumarka ay nusqaan ka yihiin dhanka caqliga iyo diinta, kaasoo uu sheegay inuu isaga rumeysan yahay uuna yahay Xadiith sax ah oo laga wariyey Rasuulka CWS. Balse siyaasi Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu isaga uu dood ka keenay fasiraad ay xadiisthkaas ka bixiyeen qaar ka tirsan culimada, si ay ugu liidaan dumarka, wuxuuna sheegay inay jiraan culumo badan oo islaamka soo maray oo la qabo fikirkiisa ah inuusan marnaba Nabiga xaqirin caqliga iyo diinta dumarka. Mar uu ka hadlayey cambaareynta iyo xukunka ay ku rideen qaar ka tirsan culumada ayuu sheegay in culimada wadda ololaha ka dhanka ah ay yihiin laba nooc oo culimo ah. Nooca koowaad, ayuu ku sheegay, inay yihiin kuwa “argagixiso ah oo baneystay dhiigga muslimiinta isla markaasna dadka gaaleysiiya”, wuxuuna sheegay inay kooxdaan kula dagaashan yihiin khudbadihiisa iyo aragtiyadiisa ku dhisan naxariista iyo wada noolaanshaha sidaas darteedna uu yahay dagaalka kala dhaxeeyo mid ku wajahan diinta Islaamka iyo macnaheeda. Nooca labaad ee ka falceliyey hadalkiisa, ayuu ku sheegay, inay yihiin kuwa mushaar ka qaato dowladda lana dajiyey hoteelo loona adeegsanayo kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee u dhaxeeyo isaga iyo dowladda dhexe sida uu hadalka u dhigay. Culumada uu sheegay inay dowladda adeegsaneyso ayuu sheegay inuu ka aamisan yahay inay yihiin culumo ku shaqeeyo fikirka dowladda isla markaasna fiirsado lacagtooda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in “haddii la dilo ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya, oo kusoo kicisay culimo u shaqeysa, si ay u xalaaleyso dilkiisa.” Halkaan hoose ka daawo hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi madax banaan oo culimo ah, kuwaas oo qayb ka noqonaya gurmadka Gobolka Gardafuu. Digreeto uu caawa soo saaray Axmed Karaash ayuu ku magacaabay Guddigan oo ka kooban lix wadaad oo kala ah. 1.Shiikh Fu’aad Maxamed Xaaji Nuur (Guddoomiye) 2 .Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf (Guddoomiye Ku-xigeen) 3.Shiikh Daahir Aw Cabdi (Xubin) 4.Shiikh Maxamed Macalin Axmed (Xubin) 5.Shiikh Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir (Xubin) 6.Shiikh Maxamed Cabdullaahi Cabdalle (Xoghayn). Guddigan ayaa ka qayb noqonaya gurmadka loo fidinayo shacabka gobolka Gardafuu oo xaalad go’doon ah ku jira. Axmed Karaash ayaa bishii hore Guddi Todobo xubnood ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Bulshada Rayidka ah u magacaabay xaalada Gardafuu, waxaana xusid mudan in guddigaas uu ku jiray Shiikh Fu’aad Maxamed Xaaji Nuur oo hadda Guddoomiye u ah guddigan cusub. Digreetada Axmed Karaash ee Guddiga cusub ayaa u qorneyd sidan. Garoowe, December, 05, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah, kuwaasi oo qayb ka noqonaya Gurmadka Gobolka Gardafuu. Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda bini’aadamtinimo ee ka jirta gobolka Gardafuu, taasi oo saamayn ku yeelatay nolosha shacabka ku dhaqan deegaanada gobolkaasi ayaa waxa uu magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah oo qayb ka noqonaya gurmadka loo fidinaayo shacabka gobolkaasi. Guddiga oo ka kooban lix xubnood ayaa kala ah sidan. 1.Shiikh Fu’aad Maxamed Xaaji Nuur Guddoomiye. 2 .Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen. 3.Shiikh Daahir Aw Cabdi Xubin 4.Shiikh Maxamed Macalin Axmed Xubin 5.Shiikh Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir Xubin 6.Shiikh Maxamed Cabdullaahi Cabdalle Xoghayn. PUNTLAND POST The post Karaash oo Guddi kale u magacaabay gurmadka Gardafuu appeared first on Puntland Post.
-
Galmudug security forces have conducted security operations in the past hours in some neighborhoods of the city of Adado located in the Galgadud region. The operation led the capture of a driver who killed two children in an area near the town, according to the local police. The children who were from same family had been killed in the car incident, and security officials said they would investigate further in the tragic event. In recent years, Galmudug forces have intensified security operations in Galgadud and Mudug regions in efforts to avert attacks and killings as well as maintain the stability. View the full article
-
Hirshabelle President Mohamed Abdi Ware has today opened training for more than 200 new police cadets at Police Training Academy in Jowhar, becoming the third batch of police. The inauguration ceremony was attended by the Speaker of Hirshabelle and his two deputies, parliamentarians, state police officers, AMISOM, and other dignitaries who were invited to the event. Hirshabelle Minister of Security Mohamed Abdirahman Kheyre said in a speech that the ministry they are committed to rebuilding the police to enhance security. Speaking at the event, Hirshabelle Parliament Speaker, Osman Barre, underscored the importance of the police force and how it is necessary to the restoration of law and order. Hirshabelle President Mohamed Abdi Ware, who opened the training urged the incoming police officers to take advantage of the training to serve the community. These troops are the third batch of the Hirshabelle Police Force and their training is sophisticated and will add to their skills for the police mission in securing the state. View the full article
-
At least 15 people were reported to have died in a fresh inter-clan battle erupted in central Somalia on Thursday, local residents said. The clashes took place at Afbarwaaqo village in the Mudug region, where two armed tribal militias are fighting for control of land and revenge killing is said to be igniting the skirmish. Local elders began efforts to ease the deadly combat and mediate between the two warring sides, according to a villager who spoke to Radio Shabelle by phone. Somalia has been beset by clan conflict since the former military regime was ousted in 1991 by power-hungry warlords who then fought for the country’s control. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-05122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala socda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho xilli xiriirka labada dal uu aad u xun yahay Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Axmed Ciise Cawad ayaa saaka aqalkiisa Muqdisho quraac sharafeed ugu sameeyay safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda. Qoraalka ayaaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo horumarinta iskaashiga labada dal, taasi “oo ka qeybqaadanaysa kor u qaadida heerka xiriirka labada dal ee walaalaha ah oo dhinacyo kala duwan leh si loogu dhaqaaqo wax wadaag sal ballaaran leh.” Xiriirka labadii dal oo markii hore ku xumaaday xiisadda Khaliijka kadib markii ay Soomaaliya ka diiday Sacuudiga iyo Imaaraadka inay xiriirka u jarto Qatar, ayaa kasii daray markii dowladda Soomaaliya ay 8-dii April qabatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay kasoo dejiyeen garoonka diyaaradaha Muqdisho. Toddobaad kadib, 15-kii April 2018, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisey tababarkii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, ayada oo ka jawaabeysa lacagta ay qabsatay dowladda Soomaaliya. Tan iyo mudadaas ma jirin wax xiriir muquda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale weli aqbali la’a safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas Xasan Xundubey Jimcaale. Dowladda federaalka, oo ka digtoon in laga faa’ideysto mas’iiuliyiinta hore ee safaaradda Abu Dhabi, oo ay aad isugu dhowaayeen dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa 6 bilood ka hor u magacawday Danjire Xasan Xundubeey Jimcaale inuu hoggaamiyo rrgada Soomaaliya ku matali doonto Imaaraadka. Hase yeeshee, Imaaraadka Carabta ayaan weli aqbalin danjiraha cusub, sidoo kalena aan si rasmi ah u diidin, ayada oo laga gudbay muddada 90-ka maalmood ee sharciga diblomaasiyadda ee ay tahay inay ku aqbasho ama ku diiddo. Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo muddo aan lagu arag saaxadda siyaasadda Soomaaliya, ayaa labadii bishan ka soo muuqday munaasabaddii xarigga looga jarayay Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho.
-
First lady Emine Erdoğan met with representatives of the Global Somali Diaspora Organization and members of the U.K. Parliament Wednesday following a NATO summit in London, the Turkish presidency said in a statement. Erdoğan met with members of the House of Lords, Conservative Baroness Sayeeda Warsi and Liberal Democrat Lord Qurban Hussain as well as Labour member of Parliament Yasmin Qureshi and Shadow Minister Naz Shah at the Turkish Embassy in London. Multiculturalism and the refugee crisis were the main topics of their meeting. Erdoğan said Turkey gave the best answer to rising xenophobia worldwide by hosting the most refugees in the world. During her meeting with the representatives of the Global Somali Diaspora Organization, Somalia’s future was discussed. Praising Turkey’s support for Somalia’s development, Erdoğan said Turkey aims to make Somalia a country that can stand on its own. “We talked about the future of our sister country Somalia. It is very important that young Somalian people in the diaspora be sensitive to the problems of their country,” Erdoğan said early Thursday on Twitter. Turkey, under the ruling Justice and Development Party (AK Party) government, launched a continental initiative to reach out to African countries whose relations with Turkey have been mostly limited since the early years of the republic. Turkey’s vast aid effort at the height of the 2011 famine endeared it to many Somali people, and it has continued to pour in aid, much of it from private companies. It has built schools, hospitals and infrastructure and provided Somalis with scholarships to study in Turkey. President Recep Tayyip Erdoğan has visited Mogadishu twice since his visit to the war-ravaged country in 2011. He was the first non-African leader to visit the war-ravaged country in 20 years. Rapidly growing trade between the two nations soon followed. In 2010, Turkish exports to Somalia totaled just $5.1 million but in five years, this figure ballooned to $123 million. In the space of a few years, Turkey has gone from Somalia’s 20th-largest source of imports to its fifth-largest. Erdoğan arrived Tuesday in London to accompany President Recep Tayyip Erdoğan at the NATO summit, which marked the organization’s 70th anniversary. Source: Daily Sabah + AA
-
(SLT-Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka Aduunka ee (ICC) ayaa bilowday saddex maalmood oo dhageysi ah oo ku aadan danbiyo dagaal oo Mareykanka ka sameeyay wadanka Afghanistan. Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa diiday bishii April ee sannadkaan codsi ay u gudbisay dacwad soo oogaha guud ee maxkamada ICC. Haweeneydaan ayaa sheegtay in baadhitaan lagu sameeyo suuragalnimada tacaddi bani aadanimo oo Millatariga Mareykanka iyo kuwa Afghanistan ay gaysteen intii u dhaxeysay sannadkii 2003-dii illaa 2004-tii. Garsoorayaasha ayaa maalintii arbacada ee shalay u ogolaaday qareenada in baadhitaan lagu sameeyo dambiyada Mareykanka oo hore ay u diideen. Qareenka lagu magacaabo Fergal Gaynor ayaa sheegay in maalin Taariikhi ah ay tahay in lagala xisaabtamo Mareykanka danbiyada uu galay. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Warfaafinta Oo Si Weyn Lagu Soo Dhaweeyay Tukaraq, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meel mariyey codsi muhiim ah oo ka yimid dowladda Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen xaruntooda dhexe oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka. Codsiga oo dowladda federaalka Soomaaliya gudbisay bishii la soo dhaafay November ayaa ahaa in la cusbooneysiiyo waqtiga howl-galka burcad badeednimada looga ilaalinayo xeebaha Soomaaliya, islamarkaana aan lagu soo xadgudbin Soomaaliya dhulkeeda, taasi oo goluhu ansixiyeen. Tallaabadan oo muhiim u ah Soomaalida ayaa waxaa oo soo dhoweeyey dad badan oo tilmaamay inay tahay guul u soo hoyatay Qaranka iyo Ummadda Soomaaliyeed. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo kordhinta cusub ee uu u sameeyey howlgalka burcadbadeeda gaarsiiyey illaa bisha December ee 2020-ka. Qaraarkan ayaa u ogolaanaya dalalka iyo ururada la shaqeeya dowladda Soomaaliya inay galaan biyaha Soomaaliya, islamarkaana ay adeegsadaan wax kasta oo u ogolaanaya inay ka hortagaan burcad-badeednimada iyo dhaca hubeysan ee badda. Qararaka ayaa sidoo kale dalalka ku amraya inay tallaabooyinkan qaadaan ayaga oo la eegayo codsiga Soomaaliya, islamarkaana lagu dabaqayo xeerarka caalamiga ee bani’aadannimada iyo xuquuqda aadanaha. Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay qaraarkaan oo tirsigiisu yahay 2500, waxaana ay sheegtay in sii socoshada howlgalka uu muhiim u yahay Maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya. Weerarada ay geystaan kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa sii yaraanayey sanadihii ugu dambeeyey, waxaana tan iyo 2018-kii ay fuliyeen kaliya labo weerar.
-
Hambalyo bogaadin iyo duco ayaan u diraya wasiir maxamed muuse diiriye, Alle ha kugu asturo xilka cusub e lagu magacabay, Hambalyo bogaadin iyo duco ayaan u diraya wasiir maxamed muuse diiriye, Alle ha kugu asturo xilka cusub e lagu magacabay, Runtii waxan qiraya in wasiirku xilaal kala duwan so qabtay, yahayna shakhsi hawl kar ah, qarankana juhdi iyo dadal badan geliyey, Wasaarada biyaha iyo wakaaladaha biyuhuba mudane waxay kaga bahan yahiin is bedel iyo dardar gelin, Isla jaan qaadka shaqada wa mihiimda isla jaan helida horumarka iyo hore u talaabsiga qaranka, Wasaarada biyuhu waxay ka mid tahay wasaaradaha halbowlaha u ah qaranka, Mudnanta kowaad na u leh bulshada, Kartida, aqoonta iyo daacadnimada aad kuso hagi jirtay xilalki hore e aad qarankaga u haysay waxay mujinaysa inaad xilkan cusub na aad dardar gelin doonto. Ahmed aadan mohamed Burao-somaliland Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka hadlay dagaal u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug. Cawad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in colaada ka soo susboonaatay deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ay tahay mid aan la aqbali karin, wuxuuna ka dalbay guddiga nabadeynta iyo ciidanka xaslinta ee isku dhafka ah inay degdeg u kala dhex galaan maleeshiyaadkaasi oo ka soo jeeda Galmudug iyo Puntland. “Dagaalka ka soo cusboonaaday Towfiiq iyo Afbarwaaqo waa arrin aan la aqbali karin”. Waxaan ka codsanayaa Guddiga Nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah in ay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay.” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay ku dhawaaqaan xabad joojin rasmi ah, si looga baaqsado inuu sii socdo dagaalkaasi oo geystay khasaare xoogan. Ugu dambeyn wuxuu guddoomiye Cawad tacsiyeeyey dadkii ku dhintay dagaalkii maanta, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad degdeg ah. “Waxaan ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka in ay si wadajir ah ugu dhawaaqaan xabad joojin degdeg ah iyo in la badbaadiyo maatada dhibaateysan ee ku nool deegaanada dirirtu ka dhacday. Waxaan Ilaahey SWT ka baryayaa in intii dhimatay u naxariisto, inta dhaawaca ahna u boogadhayo” ayuu markale yiri guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad. Xaaladda deegaanadii lagu diriray ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamullada Galmudug iyo Puntland oo ku aadan dagaalkaasi.
-
Wakalada Biyaha burco Oo Hagar Daamo Ugaysatay Bulshada iyo Moganaanta Xukumada Madaxwayne Biixi . Wakalada Biyaha burco Oo Noqotay Dhiig Miirato Bulshada U Naxayn iyo Moganaanta Xukumada Madaxwayne Biixi . Markaad maqasho magalada burco waxa mas gaxdada ku soo dhacaaya inay hodan ku tahay biyaha waana gobolka ugu badan ee biyo macan laga helo togdheer . Wakalada biyaha burco ayaa iyadu u qaabilsan dhanka soo saarka iyo waliba haqab tirka biyaha waxayna bulshada burco u daba fadhiistaan dhanka biyaha wakalada biyaha burco oo uu hada mareeeye ka yahay cabdixakiin maxamed oo hada mamula wakaladaasi waxan iska soo daba dhacayey mudooyinkii u danbeeyey cabashooyin warbaahinta soo gaadhayey taas oo ku aadan habka loo mamulayo biyaha burco iyo waliba dhanka dhaqalaha oo lagu kordhiyey bulshada mid qaadi kara iyo mid aaan qaadi karinba . Hore waxay wakaladu u qaadi jirtay halkii meter cup 8000 oo Somaliland shilin ah halka iminkana uu yahay 11000 slnd shilling . Wakalada biyaha burco ayaa iyadu mamusha lacagta ama dakhliga soo gala wakaladaasi waxana sexeexa leh hadba mareyaha jooga iyo waliba kuxigeenkiisa . Bishiiba waxa soo gala lacag ku dhaw 2 bilion ilaa 3 bilion oo slnd shiilig ah oo ay mamusho wakaladu oo aan wali lays waydiin halka ay marto iyo waliba sida ay ku baxdo . Sidoo kale shaqalaha ka shaqeeya ayaa gaadhaya 230 qof . Marka aad eegto shaqalaha ka shaqeeya iyo waliba dakhliga soo gala iyo waliba dakhliga ku bixi karaya ayaa ah kaaf iyo kala dheeri . Waxa kale oo jira $ 250 000 kun oo dolller oo ay ka qaateen dawlada dhexe baankuna u fududeeyey intii uu haystay mamulkan cusub . Hadaba bulshada burco ayaa sanadkan lagu kordhiyey lacag gaadhaysa 5 milion oo slnd shilig ah walina aan la cadayn sida loo mamulayo iyo waliba halka ay ku baxayso . Sikastaba ha ahatee bulshada burco ayaa ka war sugaysa wasiirka cusub ee dhawaaan madaxwaynaha Somaliland uu u magacaabay wasarada biyaha Somaliland maxamed muuse diiriye Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda sarre ee Somaliland ayaa maanta dib ugu soo celisay xoriyadiisii Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame ‘Aadan Sunne’ oo dhamaadkii 2017-ka xabsiga la dhigay. Sheekh Aadan Sunne ayaa maanta waxay maxkamadu la sii deysay dhalinyaro la xirneyd oo hore ay maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ugu xukuntay xukuno kala duwan oo u dhaxeeyay sanad iyo sagaal sanno. Aadan Sunne ayaa sidoo kale waxay Maxkamada gobolku hore ugu xukuntay muddo dhan shan sanno oo xarig ah, iyadoo xiligaasi ay Ciidamada Booliska Somaliland ku eedeynayeen inuu waddo falal amniga lidi ku ah. Dhalinyarada iyo Sheekh Aadan Sunne ayaa muddo sannado ah u xirnaa eedeymo la xidhiidha kicin dadweyne iyo xaalad abuur ay ka abaabulayeen Somaliland, taasi oo ay maanta maxkamdu amartay in la sii daayo. Sheekh Aadan Sunne iyo dhalinyartii hore loola xidhay ee maanta dib u helay xoriyadoodii, ayey maxkamadu ku sheegtay sii deyntooda in lagu waayay wax dambi ah, midaasi oo ka dhigeysa in xabsiga ugu jireen fal dambiyeed aan jirin oo ay horey ugu xukuntay maxkamad. Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore sidan xabsiga u dhigtay Sheekh Aadan Sunne, balse mudada uu xirnaa ee sanadaha ah ayaa ka dhigaysa xadhigii ugu dheeraa ee ay xirto xukuumada Somaliland.
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyobJames Swan Ergayga Gaarka ah ee QaramadavMidoobay ayaa waxay kulan ka yeesheen XaaladacSoomaaliya. Kulanka ayaa Madaxweyne Shariif wuxuu [...] Source
-
SOMALILAND IYO XAALADDEEDA MAANTA OO AAN DARAASADEEYEY. Sawirka aan korka dhigay waa Madaxweynaha J Somaliland ee sharciga ah. Waa shakhsiga uu dastuurku siiyey awoodda ugu sarraysa ee dalka iyo maamulkiisa. Shacabkuna ay uga fadhiyaan in uu dalka ku hoggaamiyo caddaalad iyo sinnaan. Haykalka awood ahaan la tilmaami karo ee ka mid ah tiirarka dawladda SL, waa labada gole ee xeer dejinta oo aanu midna xilligan golaha ku fadhiyin sifo sharci ah. Balse xilligan kuraasta ugu fadhiga qaab ku meel gaadh oo loo arkay xal. Isla markaana dhago u leh awaamiirta madaxweynaha. Xisbiyada mucaaridku waa kuwo rajo sugayaal ah, isla markaana quuddaraynaya in ay mar uun nasiib u helaan hanashada hoggaanka dalka. Laakiin wakhtiga doorashada ayey sugayaan. Doorashadaasi oo immiga ay ka hadhsan tahay inta Madaxweyne Muuse uga hadhay muddo xileedkiisa. 3 sano in ka badan oo ay doorashada sugaanna, waxa ka soo hor maraya xilligii xisbiyada la furayey, oo la filayo in xisbiyo cusubi soo baxaan. Sida ay dad badani fahamsan yihiin, xilli kordhinta ay guurtidu u sameeyeen labada gole ee xeer dejintu, maaha siyaasad loogu quus goynayo xisbiyada mucaaridka ah ama Mdx Muse Bixi doonayo in uu wakhtiga ku riixo, xilliyada xisbiyada la furayo. Balse taasi waa mid mar walba imanaysa. Doorashada baarlamaanka iyo ta guurtida ee dib loo riixanayna may joojiseen. Laakiin hoggaanka xisbiyada mucaaridka ayaa rajo ka qabay in haddii doorashada loo galo sida ay rabaan, ay duurta gal noqon lahayd in baarlamaanka cusubi muddo kordhin u samayn lahaa xisbiyada immiga jira…..taasina buuqeeda ayey yeelan lahayd. Dabac uu Mdx. Bihi sameeyaana waxa ay guul u noqon lahayd xisbiyada mucaaridka. Arrinta ay xisbiyada mucaaridku ka biyo diideen ee ah xubnaha commission ka ee Riyo-Raac ka mid yahayna, waxa ay immiga u eg tahay in ay tahay mid ay ku xad-gudbeen xuquuqda muwaaddinkaa. Oo aan wax danbi ah ka gelin qaranka iyo shacabka reer Somaliland, isla maraana aan xaq loogu lahayn in la yidhaa, ‘ kama mid noqon karo haykallada dawladda’. Haddii ay shuuradda ay mucaaridku cuskadeen ay tahay in uu xisbul xaakimka xubin ka ahaa golaha dhexe, waxa ay ahayd uun in la hubiyo inuu ka ruqsaystay iyo in kale. Sideedabana commission ku waa uun co-ordinater ama maamulka guud ee doorashada. Hase yeeshee, waxba kama beddeli karo sanaaduuqda gobollada iyo degmooyinka ku filiqsan ee codadka xambaarsan. MURANKA XILLIGAN JIRA Waa mid iska caadiya in ay mucaaridku mar kasta ufo iyo siigo kiciyaan. Oo ay maamulka xilligaa jira ka ciideeyaan shaqada uu qabanayo, ummadda ka hor keenaan iyaga oo shugux shugux badan u tumaya shacabu-nadalka aan wax badan fahamsanayn. Aniga iyo in badan oo kaleba waxan garan karraa, in aan la joogin WAKHTI DOORASHO oo loo kala jabo mucaarid iyo muxaafid. Sabab buuq siyaasadeed u dhashaana aanu oollin. Laakiin ay mucaaridka shaqadiisa tahay, in ay lugaha qabtaan xukuumadda iyo Madaxweynahooda. Kadibna ay soo jiitaan indhaha shacabka. Madaxweynaha waaya aragga u ah siyaasadaha noocani ahina sida Mdx. Bihi oo kale, waxa uu isna dheelaa cayaar MIDDI MIDDI KU TAAG AH. Oo uu awooddiisa ku muujinayo, isla markaana uu u quus goynayo ujeeddooyinka mucaaridka. Sidaasi daraaddeed, ayaa uu Madaxweyne Muse xilligani uu muruqyaddisa u tusayaa mucaaridka. Tallaabooyinka uu maal mahan qaadayna waa kuwo niyad jab ku riday taageerayaasha mucaaridka, isla markaana u iftiimiyey in aanay mucaaridku awood badan lahayn. Tusaale ahaan Mdx Bihi awooddiisa madaweyne ka sokow waxa uu haystaa 62/82 taageerada golayaasha sharci dejinta ah ee sida sharci darrida ah u fadhiya golayaasha.. .oo dhago fiiq fiiqan u leh amarradiisa. Waxa kale oo uu taageero ka haystaa reeraha ay xisbiyada mucaaridku gaashaanka ka dhigtaan. Oo qaybtooda iyo ka badan ku leh xukuumadda Mdx Bihi. Halka kuwa taageeraa ay ka haystaan saami liita, oo aan saamigoodii ahayn. Balse ujeedka taageeradooda xukuumaddu ay si kale tahay. Dhinac kale marka aan joogsanno, waxa kuu muuqanaya, reero isku arka kuwo awr awran oon talada dalka Somaliland maanta waxba ku lahayn wakhtigoodana sugaya. Oo ay ahayd in uu Mdx. Muse u caddaalad falo ama ay iguba u gar naqsadaan. DHEX DHEXAADIYAYAASHA IS CALEEMA SAARAY. Odayada u badan ganacsatada ee isku xil saaray in ay dhex galaan xukuumadda iyo xisbiyadu, maaha kuwo famo badan u leh siyaasadda dhex miranaysa Xisbiyada iyo Mdx Muse ama way is yeel yeelayaan. Natiijo ka soo baxaysaana iima muuqato. Waxase ay maaweelo u tahay shacabka xiiseeya siyaasadda iyo xisbiyada mucaaridka ee dheeshii hore sida xun looga badiyey. BEESHA CAALAMKA Beesha caalamka iyo mawqifkoodu waa mid aan sidaa u sii ridnayn, xaalkooduna uu ku eg yahay xaalaadka oo ay dhudhumiyaan iyo talo ay bixiyaan. Balse, aan ku tallaabsanayn dhabar jabin dhaqaale iyo waxa u qabsoomay oo ay bur buriyaan. Guusha Mdx. Bihi ee uu awooddiisa ku gaadhi karaana, maaha uun MIDDI MIDDI KU TAAG. Balse waa shacabka oo uu hanto, talada waaagsan oo uu qaato iyo dawladdiisa oo uu ku soo daro haldoor aqoon iyo garasho dheer leh. Kana sifeeyo wax-ma-garadka dhan walba u liita. Ee aan caalamka u iibgayn karayn shaqadiisa wasaaradeed ama ha’adeed. Akhristow intaa maxaad ku dari? Ahmedweli Goth Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerayaasha dowladda Soomaaliya ayaa siyaasad ahaan uga faa’iidaysanaya hadalka muranka badan abuuray ee uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka jeediyey dalka Jarmalka, kaasi oo lagu macneeyey inuu ku beeniyey xadiis saxiix ah. Taageerayaashan oo ay ku jiraan kuwa aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo saaxiibna la ah, islamarkaana caan ah, ayaa hadda baraha bulshada kasoo buuxinaya muuqaallo laga soo duubay culimo aad u dhalleeceyneysa Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qaarkood ku sheegaya “gaalnimo”. Ma cadda in arrintan ay wax ka ogtahay dowladda iyo in kale, hase yeeshee hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa noqday fursad ay ka faa’iideystaan kuwa ku dhow dowladda, una adeegsadaan olole siyaasadeed oo magaciias lagu wiiqayo. Waxaa sidoo kale dadka muuqaalladooda ay adeegsanayaan taageerayaasha dowladda uu ka mid yahay Xasan Daahir Aweys, oo iminka u xiran dowladda Soomaaliya. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay Xasan Daahir Awey oo ah “argagixiso dilay kumanaan qof” u ogolaatay inuu ku baaqo “dilkiisa”, taasi oo uu ku macneeyey in dowladda ay la shaqeyneyso argagixiso. “Ayada oo dowladda ay tani ku taageereyso, oo taageerayaasheeda ay ku buun-buuninayaan baraha bulshada. Miyaysan tani caddeyn u ahayn in dowladda ay la shaqeeneyso argagixiso.” Ayuu yiri Qoraal uu soo dhigay facebook, oo uu kaga hadlay arrintan muranka dhalisa, waxa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri “Aniga waxaan sheegay in culimada qaarkood ay dumarka si bareer ah duudsiyaan xuquuqdooda iyo kaalintooda siyaasadeed, iyagoo sheega in “Caqligooda iyo Diintooda” ay yihiin kuwa dhiman oo naaqus ah, waxaan kalo sheegay in xaqiraada loo adeegsado Xaddiis Been-abuur ah oo faalso ah oo ay culimada jeebka kala soo baxaan.” Waxa uu intaas ku daray “Anigu marna ma aanan soo qaadan xaddiis goonni ah oo aan leeyahay xaddiis hebel waa been oo sannadkiisa السند (Taxanaha Warinta) ayaa daciif ah ama mawduuc ah ama matnigiisa المتن (Erayada Xaddiiska), mana inkirsani saxiixnimada Xadiiska ay culimo badani ka hadleen.” Dowladda Soomaaliya iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa ka dhaxeeya cadaawad xooggan oo ka billaabatay markii ciidamada dowladda weerareen gurigiisa kuna dileen qara ka mid ah ilaaladiisa.
-
Cabdixakiin Dhoobo-daareed Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoob), ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia. Mudane Dhoobo, oo Baarlamanka Puntland xilka ka xayuubiyeen 7-dii bishiii la soo dhaafay ee November, ayaa xilligaasi wixii ka dambeeyay u ambabaxay degaanno ka tirsan gobollada Sanaag iyo Haylaan, isaga oo kulamo kala duwan la soo yeeshay bulshada ku dhaqan degmooyin ka tirsan gobolladaaasi Haylaan iyo Sanaag ee Puntland. Xildhibaanka oo Arbacadii shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe , ayaa xalay ku hoyday magaalada, balse maanta ayuu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir, isaga oo u safray magaalada Addis Ababa, halkaasi oo sida la sheegayo uu kula kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo safiirka Soomaaliya u fahdiya Ethiopia Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Cameey). Xil. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoob), ayaan wax faahfaahin ah ka bixin ujeedka socdaalkiisa ku wajahan waddanka Ethiopia, sidoo kale waxaa jira warar is-khilaafsan oo ku gedaaman safarkaasi, inkastoo aysan Puntland Post xog dhamaystiran ka helin. PUNTLAND POST The post Dhoobo-daareed oo u dhoofay magaalada Addis Ababa waddanka Ethiopia appeared first on Puntland Post.
-
By: Hussein Siyad Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali parliament has summoned the Minister for Security Mohamed Abukar Islow Duale to answer for the overall security situation and the events of 20th November 2019. Almaas Elman, a Somali-Canadian humanitarian activist, was shot dead on the 20th of November 2019 in a highly guarded compound within Aden Adde International Airport. This sparked a lot of speculation as to how the killing was carried out in one of the most highly guarded compounds in the whole country. A parliamentary probe has been called to investigate the killing and the overall security situation. Almaas comes from a leading family of peace campaigners, pioneered by her father Elman Ahmed Ali who founded the Elman Peace Center In 1990. Almaas, together with her mother and two younger sisters, fled to Canada in the 1990s escaping the civil war that sparked years of suffering for the country. Elman Ahmed Ali was later killed in Mogadishu in 1996. Almaas served as the first secretary to the Somali Embassy in Kenya and later served as a liaison with diplomats from the European Union. The Elman family are famous for their work towards peacebuilding with Almaas’s younger sister, Ilwad, nominated for a Nobel peace prize. Iman Elman, their other sister, is currently serving in the Somali Defense Forces. In a statement provided by Ilwad Elman on behalf of the Elman and Hersi families, she stated that a joint probe by the Canadian and Somali governments is necessary to achieve justice. Almaas was both a Canadian and a Somali citizen.
-
Popular Contributors
