Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xasan Cabdi Maxamed Xijaar ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar uga qeyb galay xiritaanka tartanka Ciyaaraha Ururka Sports-ka Carabta. Shirkaan ayaa ay tahay markii ugu horeysay oo Booliska Soomaaliya uu ka qeyb galo, Iyadoo dhallinyarada Soomaaliya ku matashay tartanka ay kaalmo wanaagsan ka galeen. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xasan Cabdi Maxamed Xijaar ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qatar waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas. Soomaaliya ayaa Guulo dhinaca Xiriirka Dibada ah Samaynaysay Mudooyinkii ugu danbeeyay Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
  2. Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhacay banaanbax ay dhigeen dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi. Dibadbaxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday saddex Masaajid oo dhowaan lagu gubay deegaanka Amxaarada, falkaasi oo ay geysteen kooxo Masiixiyiin ah. Boqolaal dadweyne ah oo careysnaa ayaa ka qeyb galay banaanbaxaan, kuwaas ku qeylinayey hal ku dhigyo ka dhan ah kooxihii ka dambeeyey falkaasi wuxuushnimada ah. Dhinaca kale Sheekh Cabdul-Xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho uga warramay dhacdadaasi iyo waxa ay ka qabto shareecada islaamka in la gubo goobaha MAsaajida ama lagu cibaadeysto ee Muslimiinta. Sidoo kale Sheekh Cabdul-Xayi ayaa cod dheer ku sheegay in Ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhiidhiso falalka noocaan oo kale ah, islamarkaana ay muhiim tahay inay sameeyaan isku soo baxyo waa weyn oo lagu difaaca Diinta suuban ee Islaamka. Halkaan hoose ka dhageyo Codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Jaamac-1.mp3 View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kula kulmay xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka. Waxaanu madaxweynuhu xubnaha guddida uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka iyo xubnaha komishanka doorashooyinka laftooda, isaga oo ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin iyo sida uu ka madaxweyne ahaan u danaynayo in degdeg looga gudbo dhammaanba wixii turaanturrooyin ah ee doorashooyinka hor taagan. Dhinaca xubnaha guddida doorashooyinku waxay madaxweynaha xogwarran ka siiyeen wixii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha mustaqbal ahaan u qorshaysan. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  4. War kasoo baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay inay xiraan dhamaan Accounada shirkadaha ku shaqeysta sarrifka Internetka ee FOREX ay ku leedahay shirkadahaas. Qoraalka oo ay ku saxiixan tahay guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe Maryan Cabdullaahi Yuusuf ayaa lagu amray inay shirkadaha gaarka loo leeyahay fuliyaan amarkaas,sidoo kalen soo gudbiyaan Cadadka lacagaha ku jira Accounada FOREX. Guddiga dhexe ee Maamula Bangiga ayaa lagu sheegay in uu 28kii October 2019 kulan ka yeeshay arrintaanb,isla markaana la go’aamiyey Go’aanka ah in Bangiyada gaarka loo leeyahay ay xiraan Accounada FOREX. Amarkaan ka soo baxay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay taagneyd dood ka dhalatay ka ganacsiga FOREX, iyada oo Culimada qaarkood ay isku khilaafeen sax ahaanshaha Ganacsiga FOREX. View the full article
  5. Munaasabad lagu dhameystirayey heshiiskii ay dhowaan wada gaareen beelihii ku dagaamay bariga gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi, waxaana lagu soo bandhigay qodobo ay ku heshiiyeen labada Beelood. Dhameystirka heshiiskaan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa taliyaha qeybta 21-aad ee Xoogga dalka Gen. Cabdicasiis Cabdulaahi Qooje iyo saraakiil kale. Nabadoon Xasan Cabdinuur oo ka mid ah waxgradka deegaanka Towfiiq oo la hadlay xafiis wareedka Shabelle ee Garoowe ayaa faah faahiyey waxyaabihii lagu wada heshiiyey. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cadaani-1.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-24122019.mp3 View the full article
  7. Jilib (Caasimada Online) – Ku dhawaad 20 dagaalame oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeymo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobalka Jubada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha Soomaaliya. Duqeynta ayaa ka dhacday degmooyinka gobalka ugu waa wayn ee Jilib iyo Bu’aale, waxaana lala beegsaday xarun tababar iyo guri uu daganaa mid kamid ah saraakiisha Al-Shabaab ee dhanka tababarka u qaabilsan, sida ay Caasimada Online u sheegeen masuuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka. “Xaafadda Hargeysa Yareey ee degmada Jilib duqeyn ka dhacay xarun tababar ayaa ku dilnay dagaalamayaal badan oo ay u socotay muxaadaro diini ah, waxaana ku dilnay xubno badan” ayuu yiri sarkaal sare oo la hadlay Caasimada Online. “Sidoo kale duqeyn ayaa ka dhacday Bu’aale, waxaana lala beegsaday guri uu daganaa mid kamid ah ajaaniibta bixiya tababarada dagaalamayasha Al-Shabaab kuwooda qatarta ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan la hadlay Caasimada Online. Sarkaalka la sheegay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Macalim Yoonis Karaama oo caan ku ah magaca Abuu Cutayba. Ma jirto cid ka madax banaan saraakiisha amaanka Soomaaliya ee xaqiijin karta tirada dhimashada weerarkaan, hasa yeeshee dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay dhacday duqeynta Xalay saqdii dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa shalay iyo dorraad war ka soo saartay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed kadib markii ay sheetay in ay howlgal sameeyeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibo caalami ah.
  8. Brigadier General Mohamed Sheikh Abdullahi, commander of the 60th Division of the Somali army, who spoke to Shabelle gave details about the operations in Bay region. Abdullahi said that the aim of the operation is to flush Al-Shabaab out of the entire region. He also said the troops will double their activities to re-open the highways linking the towns of Baidoa and Hudur to Mogadishu, the Somali capital. The statement comes as the government forces retake Goofgaduud Buurey in the Bay region from Al-Shabaab militants who briefly seized the control of the area on Monday. View the full article
  9. Dowlada Federaalku waxay aaminsan tahay in Dalka ay ka dhici karto Doorasho Qof iyo Cod ah inkastoo Madaxda sare ee Dalka aysan isku waafaqsanayn soo [...] Source
  10. The minister of security for HirShabelle State of Somalia Mohamed Abdirahman has announced that the regional forces are trying to dislodge Al-Shabaab from remaining areas. Speaking to local media, the minister said their forces, along with Somali National Army [SNA] drove Al-Shabaab out of 3 villages near Adala town in the Middle Shabelle region. The offensive came after the army received an intelligence report indicating that Al-Shabaab was regrouping in the rural areas located on the outskirts of the town. The latest operation followed deadly attacks by Al-Shabaab against Somali government forces and African Union peacekeepers traveling on Mogadishu-Bal’ad road. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada booliska Somaliland ayaa ka hadlay dhacdooyin maalmihii u dambeeyay ka dhacay gudaha magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Muqdisho)-Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray Amar Akoonada looga xidhayo Shirkadaha Forex Trading ee shaqeeya gudaha dalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya Maryam Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa Bankiyada Ganacsi ee gaarka loo leeyahay lagu amray inay xidhaan dhammaan Xisaabaadka Ganacsatada Iibisa lacagaha qalaad ee Suuqyada Caalamka ee Forex Trading. Sidoo kale Qoraalka Maamulka Bangiga dhexe ayaa waxaa Bankiyada Ganacsi ee gaarka loo leeyahay lagu faray inay fuliyaan amarka kasoo baxay Bangiga dhexe ee dalka. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey doorashooyinka Qaranka ee soo socda ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay, sidii loo sameyn lahaa muddo Kororsi. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay inay jiraan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo wada Olole muddo kororsi lix bilood ah, sababi kartana lix sano ah oo dheeraad ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka digayo arrintaasi, si dalka aysan uga dhicin qalalaase iyo xasilooni darri siyaasadeed. Halkan hoose ka aqriso: Waxaa socda olole lagu doonayo in qodobka 56-aad ee sharciga doorashooyinka ee muddo kordhinta ka hadlaya sidiisa loo daayo, laakiin muddada la kordhinayo laga dhigo 6 bilood. Qodobkaasi wuxuu ka hadlayaa dib-u-dhaca doorashooyinka, waxaana lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddada loo kordhiyo, haddii ay doorashadu xilligeeda qabsoomi waydo. Waxba isma dooriso in lix bilood la cayimo iyo in kale. Muddo kordhinta lixda bilood ayaa lix sano noqon karta. Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood ee ololaha ugu jira muddo kordhinta waa in ay kalsooni ku qabaan shacabkooda doorashana isku diyaariyaan. Ma aha in dalka qalaalase iyo xasillooni darri siyaasadeed ay abuuraan. Madaxweynaha iyo been ma sheegayaashiisa waxay ku andacoonayaan in Baarlamaanka uu ka hor taaganyahay doorasho qof iyo cod ah. Haddaba, haddii Baarlamaanka uu muddo kordhin keeno wuxuu ka dhacayaa indhaha cid walba. Waxaan kula talinaynaa in ay sharciga guddiga keenay meelmariyaan, kana waantoobaan muddo kororsiga. Haddii guriga aasaaskiisa la dhiso, darbiga iyo daaqadaha la taago, oo saqaf ka ama daboolka kore oo keli ah uu ka dhimmanyahay, ruux kasta oo caqli leh wuu garan karaa in fursad la siiyo dhamaystirka hawsha, waana la isla garan karaa muddada lagu dhamayn karo. Waana sidii la yeelay 2016, laakiin suurgal iyo caqli gal toona maaha in hawl aan weli la billaabin muddo kordhinteeda laga hadlo. Ha la ansaxiyo sharciga, dabadeedna ha laga heshiiyo hannaanka doorashada, iyo sidii loo meel marin lahaa, hawlahana xilligooda ha loo daayo. Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada rayidka ah, culimada, warbaahinta, aqoonyahanka iyo dhallinyaradu waa in aysan korjoogto ka noqon doodda doorashooyinka la xariirta. Siyaabo kala duwan ayey u cabirri karaan dareenkooda iyo aragtida arrimahan ku aaddan. Waa in aan qaadnaa olole xoog ku leh oo looga soo horjeedo muddo kordhinta.
  14. (SLT-Jigjiga)-Laamaha amniga dowlad deeganada Soomaalida Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyay kumanaan qof oo saaka Dibad-bax rabshado watay ka dhigay gudaha Magaalada Jigjiga. Kumanaan Qof ayaa iskugu baxay badhtamaha Jigjiga, kuwaasi oo ka cadheysnaa ficilada lagu gubay saddex Masaajid oo ku yaalla Gobolka Amxaarada ee Waddanka Itoobiya. Taliyaha Ciidanka amniga dowlad deegaanka Cabdicaadil Xasan Cabdi oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha Jigjiga ayaa waxaa uu sheegay in banaanbixii saaka ka dhacay Magaalada uu ahaa mid nabad ah oo kusoo dhammaaday si degan. Sidoo kale Taliye Cabdicaadil ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay ka horteegeen dad isku dayay inay gubaan labada Kiniisadood ee ku yaalla Jigjiga, isla markaana ay waxyeelo u geystaan goobaha ganacsiga. Isaga oo sii hadlaayay Cabdicaadil Xasan Cabdi ayaa waxaa uu tilmaamay dadkaas ay Ciidanka ay u adeegsadeen rasaas ay kor u ridayeen iyo Sunta dadka ka Ilmeysiisa, isagoona xusay in hal qof uu ku dhintay, halka laba qof kalena dhaawac u soo gaadhay. Si kastana Ugu yaraan saddex masjid ayaa dhawaan waxaa lagu weerararay Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, waxaana Bilihii la soo dhaafay dalkaasi ka dhacay qulqulatooyin diin lala xidhiidhiyay. Source
  15. “Fadeexad”Wasaarada Ciyaaraha Somaliland Oo Ku fashilantay Qabashada Wareega Heerka 1aad Ee Burco” December 22 keedii waxaa Garoonka Alamzey stadium ee magaalada burco waxaa laga furay,wareeg loogu yeedhay ciyaartoyda heerka 1aad oo isuduwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolku hogaamiye ka yahay marar dhawr waxaa garoonka yimi wasiirka wasaarada ciyaaraha somaliland iyo agaasimihiisa waxayna ku eedaameen erayo ah in burco sida gobolka sool oo kale wareegu uga qabsoomi doono December 22 markuu kasoo dhamaado sool sidii lawada ogaa kooxii ciyaartooyda ahaa ee ka dhisnaa gobolka togdheer waxay judi iyo dadaal ku bixiyeen sidii ay uga soo dhex muuqan lahaayeen gobolada dalka Somaliand balse nasiib daro markii ay soo gaadhay wakhtigii lala balamay waxay waayeen dhadhaqaaqii iyo diyaar garowgii ay ku jireen Ciyaartooydii waxa uu sheegay isuduwaha wasaarada ciyaaraha gobolka toghdeer in sidii gobaladii aanu ahayn wareegoodu uu ka duwanyahay haday live noqoto iyo hadii kaleba ,iyagoo ixtiraamaya dawladooda iyo masuuliyiinta wasaaradoodaba waxay dhaheen, maxaa dhacay ee aanu dhinay miyaanan dhalin yarada gobolada kale la mid ahayn? ,wuxuu isu duwuhu noogu jawaabay qas ayaad ka shaqaynaysaan adeer wuu bilaabmayaa wareegu’ sidii ayaanu ku bilaabmay waxaana ciyaartii furitaanka yimi xoghayaha dawlada hoose burco iyo isuduwaha ciyaaraha gobolka togdheer oo qudha, wasiir ma iman agaasime ma iman Badhasaab ma iman Maayir ma iman Taliye qaybeedma iman xaalku halkaas ayuu maray waxaanu mar wada qadnay heestii ahayd ” ”maxaa dilay hankaygii hogaankaan lahaan jiray”anagoo ugu danbayn go aansanay inaanan ka qayb galin wareega aanay ka muuqan dhiiri galintii iyo is garab taagii aanu mudnayn maanta hadanu nahay Kooxahan hoos ku qoran ee ugu waaweyn gobolka togdheer’ waxaanu cid walba u cadaynayna inaan wareegaa loo dhamayn” ‘1-Kooxda Xidigaha Burco 2-Kooxda Naadiga ciidanka asluubta 3-Kooxda Hodan qaylo 4-Kooxda Gaashan Source
  16. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhameystirayey heshiisyadii ay horey ugaareen beelihii ku dagaalamay deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee bariga gobolka Mudug. Kulan ka dhacay degmada Towfiiq oo ka tirsan Puntland ayaa laga soo saaray qodobo lagu xoojinayo heshiis horey ugu dhexmaray odayaasha labada beelood ee degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo, waxaana kamid ah qodobada heshiiskaas ku xusan. 1.In la fuliyo dhamaan qodoba ku xusan heshiiskii ay wada saxiixdeen beelaha colaadu dhexmartay (Saleemaan Cabdalle iyo Reer Nimcaale) ee ku taarikheysan 18/December/2019 kana dhacay Af-barwaaqo. 2. Guddigu wuxuu doortay shir gudoon, waana inuu qaab-dhismeedkiisu dhameystirmaa mudda 4-ta bari ah ee uu shirku socdo, dowladda Faderaalka Soomaaliya waxaa laga rabaa inay tayeyso Guddiga isku dhafka ah si ay u da-dar galiyaan nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta beelaha. 3. In wadda hadaladu sii socdaan. 4. In wada hadal lagu dhameeyo, xal waarana laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro shirarka soo socoda, 5. In Guddiga isku dhafka ah ee odayaasha labada beelood gacan siiyaan ciidanka dowladda Federaalka, si ay u fuliyeen heshiisyadda nabadeed, 6 In odaygii u hogaansamiwaaya heshiisyada nabadda ay ciidamada Federaalku tilaabo adag ka qaadi doonaan, 7 In Gogasha tan xigta la dhigo magaalada Gaalkacyo 5-ta February/20120 ayna fududeyso dowladda Soomaaliya. Dowladda Federaalka oo shirkaas garwadeen ka ahayn waxaa uga qeyb galay Gen. Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje) Taliyaha Qeybta 21-aad ee ciidanka XDS iyo Rooble Axmed Daahir oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya, Puntland oo maamusha degmada Towfiiq ayaa laga qeyb galin shirkan, lama yaqaano sababta, balse dadka arrimaha siyaasadda la socda ayaa aaminsan in deegaanadaas dowladda Federaalku ka leedahay qorshayaal siyaasadeed. Puntland ayaa horey ugu eedeysay dowladda Fderaalka Soomaaliya colaadda Towfiid iyo Afbarwaaqo. PUNTLAND POST PUNTLAND POST The post Degmada Towfiiq miyey ka baxday gacanta Puntland? appeared first on Puntland Post.
  17. Dab xalay ka kacay xarumo ganacsiga oo ku yaallay magaalada Jowhar ayaa sababay khasaare hantiyeed oo aad u badan. Wararka ayaa waxay sheegayaan in dabkan uu ka kacay dhisme weyn oo ku yaalla Jowhar, wuxuuna ka koobnaa dhismahan qeyb deegaan ah, bakhaaro iyo xarumo ganacsi kale. Dadka deegaanka oo halkaasi isugu soo baxay ayaa ku guuleystay iney soo badbaadiyaan qoys halkaas deganaa, balase waxaa wada gubtay wax walbo hanti ay lahaayeen. Dabkan oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah aan loo ogayn sababta keentay ayaa waxaa ku gubtay dhammaan hantidii tiil goobahaas ganacsi oo isugu jirtey baqaarro lagu iibiyo qalabka dhismaha,farmashiyaal jumlo iyo tafaariiq ah,dukaan lagu iibiyo dahabka iyo dukaan lagu iibiyo bagaashka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. MOGADISHU (HOL) - Forex traders in Somalia were shocked Tuesday following an order by the Central Bank to close forex accounts in commercial banks with immediate effect. Source: Hiiraan Online
  19. Qoraal ka soo baxay bangiga dhexe ee Soomalaiya oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News ayaa lagu amray bangiyada ganacsiga dalka iney xiraan dhammaan xisaabaadka ka ganacsiga lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah ee (Forex Trading). Isla qoraalka waxaa ku jira in bangiyada ay sheegaan dhammaan xisaabaadka furan iyo lacagaha ku jira. Saraakiil ka tirsan bangiga dhexe oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in go’aankan lagu gaaray fadhi ay yeesheen madaxda sare ee bangiga dhexe. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay gudaha degmada Baardheere ee gobolkaasi, taas oo u dhexeysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland. Xiisadaani cusub ayaa salka ku heyso arrimo la xariira maamulka magaalada Baardheere, kadib markii uu halkaasi gaaray, Ismaaciil Sheekh Cabdi Qodax oo uu dhowaan guddoomiyaha degmadaasi u mgacaabay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Qodax uu taageero xoogan ka heysto guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Gedo, Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi, kaas oo weli la safan maamulka Jubbaland oo ay si weyn isku hayaan dowladda dhexe. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladdu ay amartay in la soo xiro guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee gobolka Gedo Al-Qaadi, kaas oo haatan ay baadi goobayaan ciidamada dowladda, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonayahay. Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona degmada Baardheere ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo ciidanka maamulka Jubbaland. Dowladda federaalka ayaa horay u xirtay wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo loo heysto dambiyo culus, kaas oo weli ku xiran gudaha magaalada Muqdisho. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa sii xoogeysanayey loolanka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland ee ka socda gobolka Gedo, kadib markii mas’uuliyiinta degmooyinka Beled-Xaawo, Luuq iyo Duulow ay taageereen dowladda Soomaaliya. Arrintaan ayaa sidoo kale sii xoojisay khilaafka labada dhinac ee ka dhashay doorashadii dib loogu doortay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee dhowaan ka dhacday gudahga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
  21. Adna Aadan Ismaaciil oo ah guddoomiyaha guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadallada DFS ayaa shuruud ku xirtay in dib loo furo wadahadalladan oo muddo hakad ku jiray. Waxa ay sheegtay Adna in dowladda hadda jirta ay iska indho-tireyso heshiisyadii hore, balse marka hore loo baahan yahay in lagu dhowaaqo jiritaanka heshiisyadaasi. Guddoomiye Adna ayaa tilmaantay in wadahadalladan waxyaabaha kale ee ay ku furmi karaan tahay in Hargeysa la keeno maamulka Hawada si waafaqsan heshiisyadii horey loo gaaray. “Wadahadalladii diyaar baa loo yahay, hala is habeeyo, qodobadii hore ee lagu heshiiyey hala soo bandhigo oo halagu dhowaaqo iney sidoodii u jiraan oo aroorti aan kusoo tooso garoonkii Hargeysa in lagu soo celiyo awooddii maamulka diyaaradaha oo horey u saxiixeen Laba madaxweyne hore oo Soomaaliya iyo madaxweyne Somaliland ah” ayeey tiri Adna. Dhanka kale, adna Aadan oo hadalka sii wadata ayaa sheegtay in Somaliland aanay marnaba la fariisan doonin shaqsiyaad ay sheegtay in lagu tuhmayo xasuuq ama dhibaatooyin u geystay shacabka Somaliland. “Dadka wadahadlaya waa iney ahaadaan dad matalaya Labada umadood oo aanay noqon dad godob ama xasuuq lagu haysto oo burbur iyo dhibaato ka qeybgalay in hadana la yiraahdo wadahadal baa lala galayaa caqliga ma galeyso” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in dib loo furo wadahadalladii Somaliland oo hakad ku jiray Saddexdii sano ee ugu dambeysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Guddi u xilsaarnaa Tirakoobka Shaqaalaha dowladda FS ayaa soo gabagabeeyay howlo la xiriiray sameynta xogo iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda. kaddib muddo toddobaadyo ah oo ay socdeen barnaamij loogu talagalay tirakoobkaasi, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo booqday gabagabadii howsha tirakoobka, waxaa warbixin buuxda oo ku saabsan qaabkii loo maamulay iyo sida habsamida leh ee uu u dhamaaday tirakoobkaasi halkaasi ku siiyay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Ra’iisul wasaare , Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay howsha qaran ee ay qabteen guddigaasi tirakoobka shaqaalaha dowladda,wuxuuna tallaabadaasi ku tilmaamayin ay qeyb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo shaqaalaha hay’adaha dowladda. Tirakoobka, wuxuu suragal ka dhigaya in la helo xog iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Dheeg Oo Eedaymo Culus U Jeediyay Guddoomiyaha Guurtida, Madaxweyne Biixi Iyo Aadan Xaaji Cali, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qabatay koontiinr daawo dhacday ah oo la soo gelinayay dalka. Guddoomiyaha haayada dhawrista tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa sheegay inay istaageen dawooyinkii ka iman jiray Muqdisho ee Somaliland ka soo gali jiray dhanka madaarka, kadib markii ay xukuumadu ku bilowday baadhis adag. Waxa uu gudoomiyahu sheegay inay qabteen koonteendhar daawo dhacday oo madaarka laga soo galinayay dalka, sida oo kalena ay dabagal joogto ah ku hayaan warshadaha dalka iyo alaabtooda sidii ay u noqon lahayd mid tayo leh, waxaanu sidan ka sheegay kulan ay ugu yeedheen gudida joogtada ee golaha guurtida“ Waxa jiri jirtay dawooyin badan oo Muqdisho ka iman jiray iyaga oo guraan gur ah ama aan wax dhukumenti ah aan wadan 90% dawooyinkaasi waa ay istaageen waliba madaarka ayay ka soo gali jireen, waxa kale oo aan awooda saarnay ilaalinta tayada alaabta dalka lagu sameeyo, waxaanu samaynaa baadhis aan ku samayno warshadaha iyaga oo si joogto ah oo qoshaysan oo aanay warshaduu ka war hayn imaatinkayaga,markaanu tagayno warshadaana waxaanu leenahay heer lagu baadho waxyaabaha aanu eegno wax ka mid ah shaqaalaha,nadaafada meesha tayada alaabta ay isticmaalayaan.” Waxa uu sheegay guddoomiyaha haayada tayadu inay qabteen koontiindhar daawo ah oo dhacay “Waxa markii ugu horaysay dalka soo galay koontiinar dhan oo dawooyin dhacay ah oo aanu madaarka ku qabanay oo nin ajaanib ah lahaa oo aanu isagna ka qaadnay talaabo ku haboon oo sharcigu uu noo ogolaanayo.” Source
  25. Deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug waxaa lagu qabtay munaasabad lagu dhammeystirayey heshiis ay gaareen beello dhowaan ku dagaallamay Bariga gobolkaasi. Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal C/casiis C/laahi Qooje ayaa goob joog ka ahaa kulankan, waxaana sidoo kale halkaa ku sugnaa xubno ka socday wasaaradda arrimaha gudaha DFS, waxgarad iyo siyaasiyiin. Beelahan ayaa gaaray heshiis ka kooban Todoba qodob, waxaana ay kala yihiin: 1: in la fuliyo qodobadii ay ku heshiiyeen labada dhinac 18/12/2019,kadib kulankii ka dhacay deegaanka Af-barwaaqo. 2: Waxaa la doortay Shir guddoon kulamo lagu dhameystiraayo xalinta dagaalkaas,waxaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia laga codsaday in Mudda 4-ta bari ah ee uu shirku socdo ay dardar geliyaan Nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta Beelaha Walaalaha ah. 3: In wada-hadallada labada Beelood ay sii socdaan inta xal rasmi ah laga gaarayo. 4: in wadda hadal lagu dhameeyo, xal waarana laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro Shirarka soo socda 5: In Guddiyada la Magacaabey ee labada Beelood ay Cidiamada xoogga dalka gacan weyn ka siiyaan una fududeeyaan fulinta heshiisyadii la wada gaarey. 6: in qofkii u hoggaansami waaya fulinta heshiisyadii la wada gaarey ay Ciidamada xoogga dalka ka qaadaan tallaabo Sharci ah. 7: Ugu dambeyn in GogolNabadeed la dhigo Magaalada Gaalkacyo 5/2/2020, sial markaana dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay fududeyso Shirkaas. Hoos Ka Akhriso Magacyda Odayaasha labada Beelood ee ah Guddiga isku dhafka ah ee ku howlan xalinta dagaal beeleedkaas. (MAGACYADDA ODAYAASHA AFBARWAAQO) 1. Nabadoon Maxamed maxamuud Guleed 2. axmed Maxamed Cilmi dirir 3. Siciid Xaashi Diini 4. Khaliif Nuur Cawil 5. Sahal cali faarax 6. Salaxeey Cabdulaahi Gulleed 7. Maxamed Diriye Nuur (MAGACYADDA ODAYAASHA TOWFIIQ) 1.Xasan Cabdi Nuur 2. Siciid Salaad shire 3. axmed Cali Warsame 4. Mire Cali Warsame 5. Cabdulaahi Maxamed Nuur 6. Siciid Jaamac Maxamud 7. Xaashi Yaasiin Cali Kulan. Source: goobjoog.com