Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A car bomb went off on Saturday outside a hotel in the Somali town of Galkayo in the Mudug region, killing at least seven civilians, a local military officer said, and wounding dozens. Source: Hiiraan Online
  2. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa cambaareeyey rabshadaha diineed ee dalkaas kadib markii weeraro lagu qaaday dhowr masaajid oo ku yaalla gobolka Amxaarada. Warbaahinta dowladda ku xiran ee Fana ayaa sabtidii werisay in dhowr masjid la weeraray, sidoo kalena hanti lagu burburiyey magaalada Mota, oo 350km waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. “Isku dayada ay xagjiriinta ku donayaan inay ku buburiyaan taariikhdeenna hodonka ee isku dul-qaadka diimeed iyo wadajir, wax kaalin ah kuma lahan Itoobiyada cusub,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan lagu soo qoray barihiisa facebook iyo twitter. “Waan caamberynayaa ficillada fuleynimada ah, waxaana ugu baaqay dhammaan dadka Itoobiya ee nabadda jecel inay adeegsadaan garashadeenna qotada dheer ee wada jirka iyo is-xushmeynta.” Fana waxay sidoo kale sheegtay in hal kaniisad la weeraray. Ma cadda xilliga ay dhaceen rabashadahan, waxa sababay, cidda ka dambeysay, iyo haddii ay jiraan dad ku dhaawacmay ama ku dhintay. Saraakiisha gobolka Amxaarada Itoobiya weli kama aysan hadlin dhacdooyinkan. Inkasta oo rabshadaha qowmiyadaha ku saleysan ay jireen tan iyo markii uu xukunka yimid Abiy Ahmed, ayaa kuwii u dambeeyey waxay u muuqdeen kuwa ku saleysan diin. Rabashado bishii October ka dhacay gobolka Oromia ayaa lagu dilay 80 qof, waxaana la weeraray masaajido iyo kaniisado halkaas ku yaalla. Masulimiinta Itoobiya ayaa ah 40% guud ahaan shacabka, sida lagu sheegay tirakoobkii dowladda ee 2007.
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si adag ugu digay Wafdigii Beesha Caalamka ee dhowaan yimid magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Guddoomiye Saleebaan ayaa Wafdigaasi Beesha Caalamka uga digay inay sameeyaan fara-gelin ka dhan ah Guddiga doorashooyinka Somaliland, oo muran badan ka taagan yahay, isla markaana ay Xisbiyada mucaaridku hore uga hor-yimaadeen. Saleebaan ayaa si cad Beesha Caalamka ugu sheegay in uusan jirin sharci fasaxaya in la kala diro Guddiga cusub doorashooyinka, midaasi oo ay hore u soo jeediyeen Guddigii dhex-dhexaadineysay Mucaaridka iyo Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi. Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa Wafdigaasi Beesha Caalamka ku eedeyay inay isku dayayaan in ay wiiqaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee Somaliland, xili ay Beesha caalamku ay wado dadaalo lagu soo afjarayo khilaafka labada dhinac, si ay u qabsoomaan doorashooyinka muddo dhaafay. Guddoomiye Saleebaan oo u muuqda mid uga jawaabaya fariimihii adkaa ee Beesha caalamka ay ku dalbaneysay in xal laga gaaro khilaafaadka soo noq-noqday ee Doorashooyinka Somaliland iyo dib u dhacyada caadad u noqday, ayaa waxa uu yiri “Somaliland wey isku filan tahay weyna iska bixin kartaa kharashka doorashooyinka ee ay ka bixiso Beesha caalamku”. Dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo saarayey baaqyo kala duwan iyo fariimo ay ku dalbanayeen in la xaliyo khilaafka Mucaaridka iyo Muuse Biixi, iyagoon ka deyriyay doorashooyinka Somaliland ee muddo dhaafay.
  4. Waxaa nasiib daro iyo gaf weeyn ah hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu ku dafirayo xasuuqii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo adeeg saneeysa ciidamo Itoobiyaan ah ka geeysatay magaalada Baydhabo, halkaa oo lagu xasuuqay Shacab Soomaaliyeed oo si nabad ah u dhigayay banaanbax ay uga soo horjeedeen afduub loo geeystay muwaadin Soomaaliyeed iyo Doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sabab u ahaa mashaqada halkaa ka dhacday oo si isaga loogu afduubo Doorashada loo soo xiray Musharixii la tartamayay, fal-celiskii arintaa ka dhashay na ay keentay in shacab aan waxba galabsan maalin cad la laayo. Madaxweyne sidaa kursiga ku helay in maanta halkii uu ka shaqeen lahaa dib u heshiisiin iyo in mag dhaw la siiyo Ehelada dadkii halkaa ku dhintay sidoo kalana uu xoriyadooda u soo celiyo dadkii loo xir xiray arintaa awgeed uu taa badalkeed, hal sano kadib uu maanta difaacayo dhibaatadi loo geeystay dadka uu Madaxweynaha u yahay iyo cidii geysatay intaba. Waxaa ugu weyn ee uu sidaa u yeelayana ay tahay sidii uu sharciyad ugu sameeyn lahaa kursiga dhiiga leh ee uu ku fadhiyo. Dhanka kale Madaxweynaha KGS, waxa uu eed aan sal laheyn u jeediyay Qabiil iyo deegaan Soomaaliyeed oo uu ku eedayay fal-danbiyeed ay geeysteen shaqsiyaad ******** ah oo dhiigya cab ah. Madaxweynaha waxa uu aad ula socdaa sida midnimadda leheed ee dhamaan umadda Soomaaliyeed uga fal-celisay arintaa oo ay ku cambaareeysay si lamid ah cambaareeyntii loo jeediyay Xasuuqi Dowladda Federaalka oo ciidamo Itoobiyaan adeeg saneeysa ka geeysatay Baydhabo oo isaga iyo kooxdiisa maanta ay rabaan inay daboolaan ama dafiraan. Waxaa si taa lamid ah Nasiib daro ah in qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ka fal-celinaya warka qaabka daran ee kasoo yeeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Eed ay leeyihiin Al shabaab iyo Argagixiso kalaba dusha u saaray Qabiil Soomaaliyeed arintaa oo ah gaf weyn iyo af lagaado. Qabiil walba waxa uu leeyahay dad nabada jecel, leh dhaqan wanaagsan iyo ilbaxnimo, aqoonyahan, culumo iyo wax-garad. Sidoo kale Qabiil walba waxa uu leeyahay dad xun oo dadka kale dhibaato u geeysta. Nasiib wanaag dadkaa waxaa in badan ka badan dadka wanaaga iyo samaha jecel. Al-shabaab qabiil uma kala soocna qaar baa Waalid kood dila, Qabiil walbana way xasuuqeen, Qabiil aan Al Shabaab ku jiran Soomaaliya kama jiro, waana gaf weyn in Qabiil gaar ah loo saariyo dhibaatooyin ka Alshabaab umadda Soomaaliyeed u geeysteen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa la gudboon in uu waqti isaga lumin dafiraada Xasuuqii Baydhabo ee taa badalkeed ka shaqeeyo dib u heshiisiin loo sameeyo dadka heer Koonfur Galbeed iyo sidii ay dib xoriyadooda ugu heli lahaayeen dadka u xiran Doorashadii isaga loo afduubay. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed dhankoodu waxaa laga rabaa in hadal koodu miisaan lahaado, kana fiirsadaan hadalada gafka u geysan kara shacabka, sidoo kalana kicin kara Qalalaaso iyo fowdo hor leh. Shacabka Soomaaliyeed way kasoo daaleen fowdo iyo in Qabiil Qabiil la isku laayo. Umadda Soomaaliyeed waa mid, Qabiil kuna waa wax la isku garto waxaa na la rabaa in dhinaciisa wanaagsan looga faaideeysto, sida is-xiriirinta iyo is-taageerida. W/Q: Cabdullaahi Xasan Maxamed (C/llaahi Samoow) Abdullahisamoow@gmail.com
  5. It might not be fair, but none of the successes, achievements and triumphs you’ve had in public office — whatever bills you’ve passed, hearings you’ve chaired, Source: Hiiraan Online
  6. Askari katirsan Ilaalada Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa caawa Gudaha Xurunta Madaxtooyada maamulkaasi ku dhex toogtay Gabar Askariyad ah oo lagu magacaabo Layla Abukar Ahmed Duqow [...] Source
  7. Qarixii Caawa lala beegsadey Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa waxaa ku dhintay 3 Askari iyo sadex Qof oo rayid ah ugu yaraan 12 Qof [...] Source
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-___-Qumanaha-Wararka-21122019-sax.mp3 View the full article
  9. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa u tacsiyeeyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii caawa ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Qaraxa oo ahaa gaari waxyaaba qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay gaari ciidan ayaa ka dhacay banaanka hore ee hotel ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ay ku jireen taliyaha ciidanka dhulka iyo taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka. Inta la xaqiijiyey lix ruux oo iskugu jiray askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyootay qaraxaas tiro intaasi ka badana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray. Qoraal uu goor dhaw soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku yiri, “Waxaan Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxa caawa ka dhacay hotel Five Star ee Magaalada Gaalkacyo”. “Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhibtay in ay markasta dhibaateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hor tago falalka guracan ee Cadowgu Geesanayaan” Ayuu qoraalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Xaaf.
  10. Gaalkacyo-(Caasimada Online)-Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga heleyaa qarax caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay gaari Cabdi-bile ah oo taagnaa banaanka Hotel ay ku sugnaayeen saraakiil ciidan. Weriyaal gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Caasimada Online u sheegay in ilaa lix ruux oo iskugu jiray askar iyo dad shacab ah oo halkaas goobo ganacsi ku lahaa ay ku dhinteen qaraxa. Sidoo kale dhaawacyada ka dhashay qaraxaas ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 10 ruux oo dadkii goobta ku sugnaay ah, kuwaas oo iskugu jiray askar iyo shacab. Aaga uu qaraxu ka dhacay waxaa ka dantay korontada waxaana jira mugdi taas oo sii adkeynaysa xaaladda, caqabadna ku ah u gurmashada dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas. Hotelka uu qaraxu banaakiisa ka dhacay ayaa waxa uu ku yaallaa gadiga koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ku sugnaa saraakiil ciidan oo uu hoggaaminaayey taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ay wehliyeen taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdicasiis Qooje iyo saraakiil kale, kuwaas oo dhawaan ka soo laabtay xalinta colaad beelo ka soo kala jeeday Galmudug iyo Puntland ku dhex martay bariga gobolka Mudug. Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo Gashaanle Cabdifitaax Dabagaale ayaa sheegay in saraakiishii ku jirtay hotelka ay bad-qabaan, hase yeeshee ciidamo iyo dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen qaraxaas.
  11. Lix askari oo ka tirsan ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo caawa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir. Taliyaha iyo Kolonyadiisa oo ka baxay Hoteelka Five Star ee koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu weeraray gaari nooca Saarufta loo yaqaan oo qof ismiidaamiyay watay, xilli ay marayeen meel aan ka fogayn hoteelka, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakii ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka. Qaraxa ismiidaaminta ah oo la doonayay in lagu dhufto gaariga Taliyaha, ayaa ku qarxay gaarigii ka horreeyay kan Taliyaha, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacantay lix askari, welina wax dhimasho ah lama soo werin. Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir oo si kooban khadka Taleefonka kula hadlay Puntland Post, ayaa sheegay in uu ka badbaaday qaraxaasi, balse qaar kamid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin khasaaraha. Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ismiidaaminta ah ee lagub weeraray Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidankiisa. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Khasaaraha ka dhashay qarax lala eegtay Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay qaraxii huteelka Gaalkacyo ayaa sheegay in uu tacsi u diray ehelada dadkii wax ku noqday. Qoraal kasoo baxay xafiiska Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa lagu sheegay in falkaan ay ka dambeeyeen kooxo argagixiso, sidda uu hadalka u dhigay. Hoos ka akhriso qoraalka INAALILLAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa ka tacsiyeey Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay musiibada caawa ka dhacday Magaalada Gaalkacyo oo ay kooxaha Argagixisada ahi Qarax kula eegtii Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa qeybta 21aad oo ku sugnaa goobta ay musiibadu ka dhacday Waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray Ciidamada Amniga iyo dadkii shacabka ahaa ee dhaawaca iyo dhimashadu kasoo gaartay Qaraxa caawa ka dhacay hotel Five Star ee Magaalada Gaalkacyo. “Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo eebe ha inaga diiyo wiilasha iyo hooyinka ku naf waayay musiibada ay caawa geysteen kooxa arxan laawayaasha ah ee caado ka dhibtay in ay markasta dhibaateeyaan dadka maatada ah iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeen waxa aan ugu baaqayaa in reer Gaalkacyo fadhiga ka kacaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Cadowga lana shaqeeyaan ciidamada Amniga si looga hortago falalka guracan ee Cadowgu Geesanayaan”. View the full article
  13. Gaalkacyo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxa caawa ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay banaanka huteel uu deganaa Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya, Jeneraal Cabdixakiim Maxamed Dirir. Taliyaha iyo saraakiil kale ayaa lagu waramayaa in ay ka badbaadeen weerarkan oo aysan jirin koox illaa iyo haatan sheegatay. Weerar oo loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey ayaa la sheegayaa in uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidamadda ayaa isku geedaamay halka ay wax ka dhaceen, taasoo adkeyneysa in la helo khasaaraha guud ee dhabta ah. Taliye Dirir oo xilkaas loo magacaabay bishii October ee sanadkan ayaa maalmihi u dambe u joogay degaanada Galmudug arrimo nabadeyn ah. View the full article
  14. SHURUUDAHA SAFIIR LAGU NOQDO Dowlada uu hogamiyo Farmaajo aad ayey u sahlan tahay in aad ka heahid shaqo aadan u marin dhib badan kaliya waxaa [...] Source
  15. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo caawa lala beegsaday Hotel lagu magacaabo Global, oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Hotelka la weeraray ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku sugnaayeen Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka Cabdixamiid, Taliyaha qeybta 21-aad ee xoogga dalka Cabdicasiis Qooje iyo saraakiil kale oo dhawaan ka soo laabtay xalinta colaad beelo ka soo kala jeeday Galmudug iyo Puntland ku dhex martay bariga gobolka Mudug. Wararka naga soo gaaray hotelka ayaa sheegaya inay jiraan khasaare soo gaaray qaar ka mid ah ciidanka iyo shacab ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogqa Dalka Soomaaliya Gashaanle Cabdifitaax Dabagaale ayaa sheegay in Taliyaha Iyo saraakiishii la socotay ay bad qabaan, hase ahaatee ay ciidamo iyo dad rayid ahi ku waxyeeloobeen qaraxa. Waxii ka soo kordha kala soco Caasimada Online
  16. Waxaa magaalada Kismaayo ee caasimadda dowladgobaleedka Jubbaland maanta lagu soo gaba-gabeeyay shirkii wasiiradda maaliyadda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ,waxaana gabagabada shirka wasiiradu ay ku heshiiyeen sii xoojinta dib-u-habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Shirkan wasiiradda maaliyadda dalka iyo maamulka gobolka Banaadir oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu socday diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira maaliyadda dalka. Shirkan ayaa daba socday shir lagu qabtay Bishii November 23-keeda magaalada Kampala ee dalka Uganda oo looga hadlayay kobcinta dakhliga iyo arrimo la xiriira deyn cafinta. Hoos ka aqriso war saxaafadeedka Shirka: Goobjooog News Source: goobjoog.com
  17. Hotel ku yaal Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhaweyd weerar Qarax wata lagu qaadey, Hotelka waxaa deganaa Taliyaha Ciidanka lugta ee Dowlada Federaalka [...] Source
  18. Madaxweynaha dib loo doortey ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa wuxuu soo wadaa Gole Wasiiro oo balaaran, Waxaana lagu wadaa inuu kasoo gaarsiiyo intaan Sanadku [...] Source
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirkii wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka iyo maamul goleedyada xubnaha ka ah, kaas oo maanta uu magaaladaas ka daah furay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). War-saxaafadeed laga soo saaray shirkaas ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen sii xoojinta dib u habaynta nidaamka maaliyadda ee dalka iyo kobcinta dhaqaalaha. Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, wasiirrada maaliyadda ee maamul goboleedyada dalka ka jira iyo xubno metalayey maamulka gobolka Banaadir ayaa iskugu tagay Kismaayo. Waxuuna shirkan noqonayaa kii ugu horeeyey ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ku dhex mara magaalada Kismaayo, tan iyo markii dib loo doortay Axmed Madoobe. Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay.
  20. Gaalkacyo (SMN) – Qarax xoogan ayaa lagu waramayaa in uu caawa ka dhacay koonfurta magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaaladda, sidda ay Shabeelle u sheegeen dadka degaanka. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob uu ka akdhow yahay taliyaha ciidamadda Lugta ee Soomaaliya. Meesha ay wax ka dhaceen ayaa waxaa hareeyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee ka howlgala halkaas. Fahfaahin dheeraad ah kula soco wararkeena dambe View the full article
  21. Djibouti oo isku darsatay ugu yaraan hoggaan faker wanaagsan ka haysta danaha siyaasad,dhaqaale-amni ee dunida gaar ahaanna gobolka oo anigu qof ahaan aan u aqoonsanahay siyaasiga Soomaalida maanta talisa ugu bisaylka badan. Haddaan sababeeyo Djibouti oo marka deegaannada Soomaalida la barbar dhigo “Harag sakaaro ah” ayuu quwadihii dunida ugu waaweyna ku wada qanciyay in uu mid ba dhinac ka fadhiisiyo. Hoggaanka fakerkiisu halkaa gaadhsiisan yahay ka sokow Djibouti wakhtiga ayaa saacidayay muddo dheer oo waxa ay ku jirtay gu’geedii, hadda se is-beddelka Kaalkulasta juquraafi siyaasaddeed “Geopolitics calculas” ayaa farta ku fiiqaya in wakhtigu dhabarka u jeediyay. Sidaa darteed, ayuu Ismaaciil Cumar Geelle oo arrintan si wanaagsan u fahansani damcay in uu isticmaalo, afkaar dhex marsado, kana dhex hadlo madasha. Hadda ba Madashu maaha dad Soomaalida deegaannada kala duduwan ku nooli ay u wakiisheen in ay ku matalaan go’aan ka gaadhista arrimaha Soomaalidu wada leedahay. Maadaama oo wakaaladda ay innagu matalayaan aanay haysan si sahlan birta ugu ma jari karaan go’aan qoomiyadda Soomaalidu leedahay. Sababtuna waa in Soomaali maanta aanay jiritaan siyaasi ah lahayn. Wax na wada leedahay, wax na kala leedahay, aadna u qalafsan tahay sidii loo heli lahaa go’aanno aayo-ka-tashi oo ay la wada dhacsan tahay Soomaalidu. Bal go’aannada noocaas ah ee madasha ku degdeg tay aan mid ka soo qaato. ● Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti u aqoonsatay xuddunta shacab weynaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika. Halkaa innoo may sababayn xuddunnimada Djibouti waxa ay ku siiyeen. Ma nabaddaa? Oo sow ta Jigjiga, Hargeysa iyo Garoowe ba nabadda yihiin. Ma dumuqraaddiyaddaa? Oo sow ka Geelle 20 sanno kursiga ku fadhiya? Mooyi’e haddana maskaxda Aadamaha ayaa u abuuran doonista wax ay ku qanacdo. Waxa wax laga murugooda ah in dawladda Somaliland oo arrinteeda shirkii Heritage soo qabanqaabisay ee Djibouti aad luugu lafo-gurayay go’aannadii ka soo baxay na meelo hawlbowleyaal ah lagaga xusay in aanay xilli 48 saac ka badan weli caddayn aragtideeda ku wajahan barta ay ka taagan tahay. Sidaa darteed, waxa aan shacab weynaha reer Somaliland uga tacsiyaynayaa hoggaanka gunnimada qaayibay ee aan dadkiisa dareen iyo siyaasad midna ku matali karin. Waxa aanan ku talinayaa in qof kasta ba iskii isku xilqaamo oo sidii caadada ahayd u guto waajibaadka qarannimo wixii uu baylah u arkayo. Hal na waa iga ogaysiis oo in aan fagaareyaasha siyaasiga ah cidi innuugu maqnayn ee taasina sidaa aan uga war qabno. Intaa waxa aan ku dari lahaa in hay’adda yar ee Heritage la yidhaa ee dawladda Djibouti gaashaanka ka dhigatay in ay tahay halista ugu weyne ee siyaasaddeed ee xilligan Somaliland leedahay. “Major Political Threat” Sida oo kale, waxa jira garab nabad iyo nolol ka mid ah oo uu gadhwadeen ka yahay Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Mr. Jamaal oo iyaguna siyaasad isir-nacayb iyo arxan-darro sees u tahay wata oo ka shaqaynaya qabanqaabada shirkana kaalin mug leh ku leh. Soomaalinimadu marka aanay ahayn jaranjar siyaasi ah ee ay tahay xidhiidh dhiig iyo wada dhalasho kal iyo laab wax aan ka jeclahay ma jiro, haddii taariikhda dib loo milicsado na waxa aan ka soo jeedaa dadka Soomaali jacaylka dhibkii ugu laxaadka weynaa ka soo gaadhay. Ma jirto Soomaalinimo waxa aan ku weynay xataa wax u dhaw cid ku weyday. Hadda ba Soomaalinimo run ah oo daacad laga yahay haddii la rabo waa in waxa aan wada leenahay ahmiyadda la siiyaa oo ah; Afka iyo dhaqanka. Qodobbada gaalada lagu beer-laxawsanayo ee ay ugu mudan yihiin in dumarku kaalin muuqata ku yeeshaan ka qayb galka siyaasadda Geeska. Dhiiri-gelinka dhalliinyarta, la dagaallanka saboolnimada, dawlad wanaagga iyo dumuqraaddiyadda. Intaas marka gees loo dhigo war murtiyeedka haddii akhris indheer-garato lagu akhriyo waxa ka muuqata in ubucdiisu Djibouti u dan tahay marka laga tago wixii lagu raad-gatay. Tusaale: 1. Madashu waxay mahad ballaaran u jeedineysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo si hagar la’aan ah u marti sooray kasoo qayb galayaasha madasha, isagoo sii adkeeyay kaalinta hormuudka ah ee ay Jamhuuriyadda Djibouti ugu jirto dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan weeleynta aqoonta, dhaqanka iyo haldoorka. Guud ahaan shacabka iyo dowladda Jamhuuriyadda Djibouti waxay muujiyeen sida ay hiil iyo hooba ula garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo aragti walba oo ay leeyihiin.Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti ka codsaneysaa inay sii xoojiso kaalintaas qiimaha iyo qaayaha leh. 2. Madashu waxay Jamhuuriyadda Djibouti u aqoonsatay xuddunta shacab weynaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika. 3. Madashu waxay bogaadinaysaa doorka muuqda ee ay Djibouti ka qaadatay nabadeynta Soomaalida, gaar ahaan shirarkii dib-u-heshiisiinta, dowladihii lagu dhisay halkan, ciidamada hiil walaal iyo dardar-gelinta wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland. Madashu waxay ku dhiirrigelinaysaa inay sii kordhiso doorkaas dahabiga ah. Djibouti ammaan wax aan ahayn war murtiyeedka ugu ma jiraan bal hadda ba aan eeg Somaliland iyo Soomaaliya iyagana waxa ay madashu ka tidhi. ☆ Soomaaliya; madashu waxay ka tacsiyeyneysaa dadki ku dhintay daadadkii dhawaan ka dhacay gobollada kala duwan ee Soomaalida. Madashu waxay aad u bogaadineysaa gurmadka ay sameeyeen shacabka Soomaalidu. Waxayna ku baaqaysaa in laga tabaabusheysto aafooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda. ☆ Madashu waxay dhiirrigelinaysaa kordhinta dhaqaalaha ay dowladdu ku bixiso waxbarashada iyo adeegyada kale. Waxayna ugu baaqaysaa madaxda Soomaaliya in si mug leh loogu soo jeesto kobcinta kartida dadka ee dhanka aqoonta iyo caafimaadka. ☆ Madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya hareeyay sannadkan, waxayna ugu baaqaysaa dowladda Soomaaliya iyo saamileyda siyaasadeed inay amuurohooda ku dhammeystaan wadahadal iyo isqancin iyo u tirid shacabka. Si gaar ah, madashu waxay ku baaqaysaa in saamileyda siyaasaddu ka heshiiyaan hannaanka doorashooyinka 2020-ka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara kicinta xiisado siyaasadeed iyo khalkhal amni. ☆ Madashu waxay sidoo kale ku baaqaysaa in doorashooyinkaas ay ku qabsoomaan wakhtigii loo muddeeyay si loo dhowro sharciyadda dowladnimada, loona xoojiyo hannaanka dimoqraadiga ah.” ☆ Madashu waxay ugu baaqaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib usoo nooleyso wadahadalladii ay la laheyd Somaliland ee yoolkoodu ahaa in isqancin iyo isku tanaasul lagu dhammeeyo arrinta Somaliland oo ah mid masiiri ah.” ☆ Somaliland; madashu waxay walaac ka muujineysaa xiisadaha siyaasadeed ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ka aloosnaa Somaliland ee la xiriiray Guddiga Doorashooyinka. Madashu waxay soo dhaweyneysaa dadaalka nabaddoonnimada ah ee ay sameeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, si loo soo afjaro xiisadahaas, loona dhowro nabadda deegaannda Somaliland.” ☆ Madashu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Somaliland inay sii waddo wadahadalkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, si xal waara looga gaaro arrinta Somaliland. Dulucda haddaa abbaaro madashu Somaliland iyo Soomaaliya oo doorashooyin ka dhacaanna dhalliil bay dusha uga tuureen Djiboutina ammaan. Aniga caqligayga yari uu diiday oo way iga daadegi weyday arrintaasi, LA SOCO … Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta si lama filaan ah xil ka qaadis loogu sameeyay Maareeyihii Golaha Murtida Mudane Maxamed Abuukar Ma’da, waxaana loo magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube. Ila ku dhaw arrintan ayaa xaqiijiyay in Ma’da loo yeeray xilli wasiirku uu safar u ahaa Sucuudiga si uu uga qeyb galo Shir ku saabsan Dalxiiska. Sida illo wareedyo rasmi ah oo u dhow wasiir Maareeye u xaqiijiyeen caasimadda Online, Maareyaha ayaa lagu wargaliyay in amarka Madaxweyne Farmaajo lagu baddalay, wuxuuna uga tacsiyeeyay inuu isagu yahay shakhsi wanaagsan balse uusan waxba ka qaban karin. “Madaxweynaha iyo Xafiiskiisa ayaa igu khasbay ee qof iimaan leh ayaa tahay, una qolmo xilkaan” sidaa waxaa yiri Wasiir Maareeye oo ku maslaxayay Maareeyaha la casilay. Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube oo haatan la magacaabay ayaa saaxiib dhaw la ahaa Madaxtooyada balse lama oga sida uu hawsha uga soo dhalaali karo maadaama caqabado badan ku hareeraysan yihiin shaqadiisa cusub. Caasimadda Online weli ma helin xog ku saabsan inuu madaxweyne Farmaajo lahaa amarka lagu badalay Maareeyaha Waxaase la yaab noqotay in Wasiir Maareeye weerar ku qaado Madaxtooyada maadaama shaqo ka cayrinta iyo magacaabista labaduba ay yihiin shaqo wasiirka u taalla. Hadalka Wasiir Maareeye uu u sheegay Maareeyihii xilka laga qaaday ayaa kusoo aadayo xilli la tuhunsan yahay in wasiir Maareeye uu ku jiro wasiirada kasoo horjeeda siyaasadda Madaxweynaha kuwaas oo si adag u diidan hannaanka doorashada ee uu riixayo Madaxweynaha.
  23. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday maareeyihii Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka, Maxamed Abuukar Axmed Ma’da. Wareegto kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye ayaa waxaa Maareeyaha Cusub ee Golaha Murtida iyo wacyigalinta Qaranka loogu magacaabay inuu noqdo Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf “Shubbe”. Halkan ka akhriso wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka:- View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa qorala uu soo dhigay facebook uga hadlay hadalkii muranka badan dhaliyey ee habeen hore uu Baydhaba ka jeediyey madaxweynaha Koonfura Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareenn. Hoos ka aqriso qoraalka. Hadalkii saaxiibkay madaxweyne C/caziiz Laftagareen uu dadkii goobta fadhiyey ku weydiiyey “dad 11 qofood oo reer Koofur Galbeed ah oo Gaalkacyo lagu xasuuqey weligiin wax ka hadlaya ma aragteen? Qaarkoodna ugu jawaabeen “maya” oo aan hubo in qaar ka mid ah dadkaasi ay ka mid ahaayeen ergadii wada-xaajoodka halkaas u tagey! Guud ahaanba jumladaas sida uu u yiri xaqiiqda ayey ka fogeyd! Marka koowaad ma jirin qof waxgarta oo reer Galmudug ah oo aan dhacdadaas foosha xumeyd ka hadlin, ka hadal kaliya kuma ekayne waxaan tagney goobtii wax ka dhaceen, ayadoo ay nala socdaan wafdi uu C/caziiz Laftagareen soo magacaabay iyo kuwo guddoomiyaha golaha shacabku uu magacaabay, waxaana fadhiyo qaatey qiyaastii laba todobaad ka dib laga garaabay falkaas, ka dibna si muuqata oo mug leh looga heshiiyey! Qodobka labaad, dadka la diley 11 ma dhammeyn, mana wada ahayn reer koofur Galbeed, taasna waa qalad kale oo hadalka laftagareen uu xambaarsanaa! Midda saddexaad waxaa la is-weydiin karaa sababta madaxweyne Laftagareen isugu xirey siyaasiinta reer Galmudug ee ka hadasha dalka waxa ka dhaca, tan aan is leeyahay waa ka gudbteyna ay tahay ka hadalka wixii ka dhacey Baydhabo sanadkii hore dabayaaqadiisii, ma wuxuu nagu eedeynayaa in siyaasiyiintaas ay ka danbeeyeen dilkaas? Ayana waa gef kale oo madaxweynaha hadalkiisii ku jirtey! Sida aan asaga loogu eedeyn karin danbiile ama argagixiye ka soo jeeda Koofur Galbeed fal uu geystey? Tan kale wixii Baydhabo ka dhacey sanadkii hore ma siyaasiyiinta reer Galmudug kaliya ayaa ka hadley, mise waxa ugu horeeya dad reer Koofur Galbeed ah oo waxaa jira illaa iyo hadda hadlaya oo aan tabashadoodii la xallin, Qaramada midoobey miyaan ka hadlin iyo dad Soomaaliyeed oo badan oo ay la xumaatay arrintaas, mise Saaxiibkey Laftagareen oo ahaa nin deggan oo nabadoon ah wuxuu dirayey fariin madaxweyne farmaajo ku socota oo ah in siyaasiyiinta ay is hayeen asna uu colaad u hayo?, mise Madaxweyne Laftagareen hadalkiisu waxa uu damacsan yahay muqstaqbalka ayuu hordhac u ahaa! Mise naceyb ayuu ka dhex abuurayey dadka walaalaha ah ee reer Koofur galbeeed iyo Galmudug ka dib marka uu tusaale u soo qaatey dhacdo laga dawoobey? Waxa ay ahaataba madaxweyne Laftagareen hadalkaas in uu cudurdaar ka bixiyo ayaa ila haboon! Arrimo la xalliyey oo aan dadaalkeeda qeyb ka aheyn ma ahayn in uu tusaale u soo qaato asagoo u duur-xulaya siyaasiyiin uu rabey in uu wax ka sheego!
  25. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-21122019-ok.mp3 View the full article