Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa kala hadlay dhameystirka xeerarka iyo sharciyada ku saleysan horumarinta haweenka iyo dhallaanka ee horyaalla Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixinayaan xaqiijinta matelaadda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed, iyagoo kaalin muhiim ah ka qaadanaya qorsheyaasha qaran ee dib u eegista Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka. “Waxaan diyaar u nahay in aan ku dhiirri-gelino haweenka Soomaaliyeed door kasta oo ay leeyihiin. Waxaana idiinka mahadcelinayaa shaqada adag ee aad Qaranka u haysaan oo ay ugu horreyso geedi socodka siyaasadeed iyo dib u eegista dastuurka. Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud u yihiin dib u soo kabashada dalkeenna”. Dhankooda, Xildhibaannada ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin ku saabsan Shirweynihii 3-aad ee Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, iyagoona ka xog wareystay qorsheyaasha dowladda ee awoodsiinta Haweenka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in la xoojin doono kaalinta hoggaamineed ee haweenka, waxa uuna ku ammaanay xildhibannada Labada Aqal dadaalkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarka dalka. View the full article
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay sababta rasmiga ah ee shaqada uga joojisey Madaxii dhinaca amniga ee madaarka magaalada Hargeysa, Guuleed Maxamed Ismaaciil. Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay wasaarradaha iyo hay’adaha dawladu awood u lahayn in ay qofka shaqaalaha ah shaqadda ka eryaan. Guddoomiyaha ayaa xusay in wasaaradaha iyo hay’adaha dowladuba ay sameyn karaan hakin ay shaqada kaga joojiyaan, balse ay go’aankaasi ay leedahay Hay’adda shaqaalaha dawlada, oo iyadu leh awoodda ugu danbaysa ee ah in qof shaqaale rasmi ah shaqadda laga saaro. Waxa sidoo kale uu sheegay Guddoomiyuhu in madaxii amniga ee garoonka diyaaradaha Hargaysa ee shaqadda laga joojiyay uu ku kacay af-lagaadooyin iyo canbaarayn xad-gudub ah kadib markii shaqada laga joojiyey. Masuulkaasi sarre ee ka tirsana shaqaalaha madaarka Hargeysa ayaa waxa shaqada hore uga joojiyey Mareeye Ku-xigeenka Madaarka, kadib markii uu dhowaan bartiisa Facebook Madaxii hore ee amniga Madaarku uu taageero ugu muujiyey Wasiirkii hore ee madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo shaaciyey inuu u tartamayo Jagada Guddoomiyaha xisbul xaakimka Kulmiye.
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-22122019.mp3 View the full article
  4. Jerusalem (Caasimada Online) – Israel ayaa isku diyaarineysa inay sheegato lacag dhan 150 bilyan oo doolar magdhow ah, taasi oo ay ka rabto dalalka Carabta, ayada oo sheegtay inay tahay hantidii Yuhuudda ee kaga soo tageen dalalka Carabta, oo ay kasoo carareen markii ay xoogga ku qabsanayeen dhulalka reer Falastiin, waxaa sidaa weriyey wargeyska Israel Today. Qiyaasitaanka hantida Yahuuda ayaa la bilaabay 2002, sida uu tilmaamay wargeyska, waxaana sharciga dalbashada magdhowga loogu talagalay Yahuudda Carabta meel mariyey baarlamaanka Israel, sanadkii 2010. Dalbashada magdhowga ayaa waxaa shuruud looga dhigay heshiis nabadeed oo ka dhaca gobolka iyo in gorgorton lala galo dowladaha Carabta, waxayna howshaas billaabatay sanadkii 2017. Sida ay sheegeen warbixinnada warbaahinta Yahuudda, magdhowga la sheeganayo waxaa ku jira hanti la sheegay inay Yahuuda uga soo tagtay wadamada Ciraaq, Iran, Syria, Yemen, Masar, Morocco, Tunisia iyo Libya. Bisha Janaayo ee sanadka cusub, waxay Israel qorsheeneysaa inay dowladaha Carabta waydiisato magdhow qiyaastii ku kaceyso 250 bilyan oo doolar kadib markii Tel Aviv ay sameysay baaritaan ku aadan hantida ay Yahuuda uga soo tagtay wadamada Carabta. Urur ay ku midoobeen waalidiinta Yahuuda ayaa sheegay in ku dhawaad 856,000 oo Yahuud ah oo ka kala socda 10 waddan oo Carab ah – oo ay ku jiraan Algeria iyo Lubnaan – ay ka carareen ama la eryey sanadkii 1948. Sida ay sheegtay Idaacadda ruushka ee RT, George Galloway oo ah xildhibaan hore oo Ingiriis ayaa dhalleeceeyay tallaabada Israel ay ku raadineyso magdhowga, wuxuuna sheegay in Israel ay duqeyn ku baabi’isay hubka nukliyeerka ay Ciraaq laheyd, isagoo is waydiiyey haddii ay israa’iil arrintaas ka bixineyso magdhow. Sidoo kale wuxuu sheegay in Israel ay xoog ku qabsatay qeybo kamid ah dhulka Syria sida Golan Heights, halkaasina ay mar kasta kala baxdo saliid, wuxuuna is waydiiyey haddii ay Israel diyaar u tahay inay arrintaas magdhow ka bixiso.
  5. Garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaa galinkii dambe ee maanta ka degtay diyaarad gaar ah oo sidey qaar kamid ah dhaawacyadii qaraxii xalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Dhaawacyadan oo u badnaa dad shacab ah ayaa qaar kamid ah xaaladoodu aad u cuslayd, waxaana isla markiiba loo gudbiyey isbitaalada gaarka ah ee magaalada Muqdisho. Qaraxii xalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhintay dad ka badan 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 50 qof oo u badan rayid. Qaraxa oo ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari Saaruf ah ah, ayaa lala beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir wax yar uun kadib markii ay ka baxeen hoteelka Five Star ee koonfurta Gaalkacyo. Qaraxa ismiidaaminta ah oo la doonayay in lagu dhufto gaariga Taliyaha, ayaa ku qarxay gaarigii ka horreeyay kan Taliyaha, waxaana ka badbaaday Taliyaha iyo saraakiil kale oo la rabay in lagu khaarajiyo, inkastoo waxyeello ka soo gaartay ciidankii la socday. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ismiidaaminta ee ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo, Galmudug. PUNTLAND POST The post Dhaawacyo la geeyey Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. Washington (SMN) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci dhammaystiran oo muddo sannad ah oggolaanaya wajiga koowaad ee deyn cafinta Soomaaliya. Horaantii todobaadkan, golaha Koongarayska ayaa meel mariyey sharci oggolanaya in Soomaaliya laga dhaafo $1.1 billion oo ah deynta uu Mareykanka ku leeyahay. “Cafinta deynta Soomaaliya waxay la macno tahay dhismaha wadooyin cusub, xoojinta haweenka iyo in loo dhaqaaqo tallaabooyin horay loogu qaadayo si loo soo afjaro saboolnimada ba’an,” ayuu yiri Eric LeCompte, Madaxa Fulinta Jubilee oo ah koox ka shaqeynaysay gargaarka deyn cafinta Soomaaliya. Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa arbacadii ku dhawaaqday in ay qabanqaabineyso cafinta qaybteeda deynta Soomaaliya oo gaareysa $140 milyan. Soomaaliya waxaa lagu leeyahay $4.6 bilyan oo deyn ah. Mareykanka oo kaliya ayaa ku leh aduun lacageed dhan $1.1 bilyan. Inta soo hartay deynta waxaa iska leh Hay’adda Lacagta Adduunka, Bangiga Adduunka, Faransiiska iyo Talyaaniga. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa qaabilay wafdigii ka yimid Somaliland ee u yimid taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada. Wafdiga oo shalay Muqdisho soo gaarey ayaa keeney lacag dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen, taas oo laga soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda. Guddiga ayaa ka mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Muqdisho, iyagoo carabka ku adkeeyay in ay mar waba diyaar u yihiin garab istaaga dadka ay saameeyeen fatahadaha Wabiya. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa uga mahad celiyey gurmadka ay soo gaarsiiyeen Walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahadaha kuna amaanay doorka ay qaateen. View the full article
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa kala hadlay dhameystirka xeerarka iyo sharciyada ku saleysan horumarinta haweenka iyo dhallaanka ee horyaalla Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixinayaan xaqiijinta matelaadda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed, iyagoo kaalin muhiim ah ka qaadanaya qorsheyaasha qaran ee dib u eegista Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka. “Waxaan diyaar u nahay in aan ku dhiirri-gelino haweenka Soomaaliyeed door kasta oo ay leeyihiin. Waxaana idiinka mahadcelinayaa shaqada adag ee aad Qaranka u haysaan oo ay ugu horreyso geedi socodka siyaasadeed iyo dib u eegista dastuurka. Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud u yihiin dib u soo kabashada dalkeenna.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo Dhankooda, Xildhibaannada ayaa la wadaagay madaxweynaha warbixin ku saabsan Shirweynihii 3-aad ee Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, iyagoona ka xog wareystay qorsheyaasha dowladda ee awoodsiinta Haweenka. Mudane Farmaajo ayaa tilmaamay in la xoojin doono kaalinta hoggaamineed ee haweenka, waxa uuna ku ammaanay xildhibannada Labada Aqal dadaalkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarka dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Haweenka ka tirsan Labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. At least 7 people were killed and several wounded last night after a car filled with explosives targeted vehicles carrying SNA commander south of the central city of Galkayo. General Abdihamid Mohamed Dirir, the commander of the Somali army’s ground forces said six of his bodyguards were wounded in the attack, which was claimed by Al-Shabaab. Other reports, however, said the car bomb targeted a hotel in which Somali army commanders were holding a meeting The reports indicate that among the casualties were soldiers and some civilians who were trading on the street where the explosion occurred. View the full article
  10. The security forces of Galmudug State of Somalia heightened security sweeps in central town ahead of upcoming parliamentary and presidential elections. The state troops managed to seize IEDs and suspects during the operations in Dhusamareb town, located in the Galgadud region of central Somalia, according to sources. The latest reports from the town indicate that a bomb hidden in rubbish has wounded several people on Sunday morning. No group has claimed responsibility for the attack. The regional state has been in political turmoil for years over the power-sharing agreement and the Somali government is trying to form a new inclusive administration this year. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadkiiba mar ayey aheyd in la badalo aqoonsiyada shaqaalaha dowladda hoose ee gobalka Banaadir, hase yeeshee muddo ka badan sanad ma jirto wax dib u eegis ah oo lagu sameeyay aqoonsiyada qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda Hoose, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ugu yaraan 10 qof ayey la kulantay Caasimada Online oo ka tirsan Shaqaalaha dowladda Hoose, kuwaas oo ay kaararkooda shaqada dhacsan yihiin 9 bil ilaa sanad, waxayna si joogto ah iyaga iyo boqolaal kale ugu xaadiraan shaqada dowladda Hoose. Marka qofka kaarkiisa la eegayo waxaa laga hubiyaa kaliya sawirka, lamana eego taariikhda iyo inuu dhacsan yahay iyo in kale. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in aan la ogayn tiro kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose oo la waayay balse la sheegay in ay dibadda aadeen qaarkoodna loo calamadeeyay in ay geeriyoodeen, laakiin ma jirto cid xaqiijin karta sababaha ay dadkaan u maqan yihiin. Xubno kamid ah shaqaalaha mas’uuliyiinta gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay in aqoonsiyada dowladda Hoose la aaminsan yahay in ay u gacan galeen Al-Shabaab islamarkaana lagu fulin karo waxkasta haddii aan dib u eegis deg deg ah lagu sameyn. “Basiira Cabdi oo is qarxisay waxay heysatay aqooniyada shaqo ee dowladda Hoose, muddo aye Al-Shabaab ku maqneed, qole kale ayaa ilaa hadda la ogeyn halka ay ku maqan yihiin walina naqshada lagama badalin kaararka shaqada dadkana isma yaqaanaan iyo ciidamabaduba” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir. Qofka ugu dhaw ee ka tirsan shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar ayaa ogaanay in aqoonsigiisa uu dhacay Bishii Febrayao ee sanadkaan, ilaa hadana aysan jirin cid wax ka qabatay, taasi oo dhalin karta halis amni oo la mid tii dhacday 24-kii July ee uu ku dhintay allaha u naxariisteeduqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow.
  12. MOGADISHU, Somalia — A suicide bomber detonated an explosives-laden vehicle outside a hotel hosting senior military officials in central Somalia, killing at least six people Saturday evening, say police. The powerful blast shattered the windows of the Global Hotel in Galkayo town and destroyed several cars, said Col. Ahmed Bishar. The hotel accommodates Somalia’s land forces commanders and other military officials who escaped unhurt, Bishar said. At least 10 people were also injured in the blast in the town which has rarely experienced similar attacks. No group has yet claimed the responsibility for the attack. However, al-Shabab, which is allied to al-Qaida, often carries out car bombs attacks on hotels. Associated Press, The Associated Press
  13. Madaxweynaha waddanka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa guuleystay doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday bishii September, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada Afghanistan. Guddiga ayaa maanta shaaciyay Natiijada cod-bixinta, xilli loo jeedinayay eedeymo la xiriiray musuq maasuq, waxaana guddigu sheegeen in Ghani uu helay 50. 64 boqolkiiba, natiijadaas oo ka dhigeysa inuu ka badiyay musharrixii isaga la tartamay ee Abdullah Abdullah oo uu guddigu sheegay inuu helay codad dhan 39.52. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaasi, Gulbuddin Hekmatyar ayaa soo galay kaalinta saddexaad, isaga oo helay 3.85 codadki ay dhiibteen ku dhawaad laba milyan oo reer Afgahsnatn ah. Abdullah Abdullah ayaa markiiba ku dhawaaqay inuusan aqbali doonin oo uu gudbin doono ashtako. Natiijadi Axaddi maanta soo baxday ayaa marki hore la qorsheeyay in ay guddiga madaxa bannaan ee doorashada ku dhawaaqaan bishii October, balse waxaa dib loogu dhigay sababo lagu sheegay cillado farsamo, eedo musuq maasuq iyo cabasho ka timid musharraxiinta. PUNTLAND POST The post Ashraf Ghani oo mar kale ku guulaystay madaxtinimada Afghanistan appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Wali ku guda jira isla Xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowlada Jubbaland. Maanta waxaa Madaxweynahu uu isla Xisaabtan ku sameeyay shaqada Wasaarada Arimaha gudaha ee Sanadkii lasoo dhaafay iyo qorshaha Sanadka soo socda ee 2020ka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaasha hortabinta u leh shaqada Sanadka soo socda. Waxaa Wasaaradu ay soo gudbisay in Soo celinta dadka qoxootiga ah ee kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga dhadhaab ay Wali socoto inkastoo gaabis uu ka jiro dadkii sida iskood ah uga soo noqonayay halkaas. Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in gacanta lagu hayo mashariic waa weyn oo laga hirgalinayo guud ahaan Jubbaland kuwaas oo shacabka waxtar u leh. Mashaariicdan Waxaa kamid ah dhismaha sideed wado oo laami ah kuwaas oo laga hirgalinayo Degmada Kismaayo iyo sidoo kale wadada laamiga ah ee isku xirta Degmooyinka luuq iyo Doolow oo laami laga dhigayo. Waxaa kale oo kamid ah dhismaha garoomada diyaaradaha Afmadow iyo dhoobley kuwaas oo qaab casri ah loo dhisayo wax badana ka tari doonta kaabayaayasha dhaqaalaha Waxaa kale oo ay Wasaaradu hormar ka samaysay Adeegyada xasilinta kuwaas oo isugu jira noocyo kala Duwan oo muhiim u ah Bulshada labadaas Magaalo ku nool iyadoo sidoo kale Wasaarada Arimaha gudaha ay gacanta ku hayso dhismaha golayaasha deegaanka Degmooyinka Luuq iyo Baardheere oo dhawaan la bilaabayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo la xisaabtamay Wasaaradda Arrimaha Gudah Jubaland appeared first on Puntland Post.
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in magaalada Hargeysa ay xilligan ka jiraan dhibaatooyin kala duwan oo xaga nadaafada ah, oo aan wax laga qaban tan iyo dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa uu sheegay in guryo waa weyn oo Hargeysa laga dhisay xilligii dolwaddii Maxamed Siyaad Barre ay weli taagan yihiin, ayada oo aan wax dayactir ah lagu sameyn, ayada oo madaxda Somaliland muddo 28 sano ah ay dhisi waayeen gurayahaas oo kale. “Runtii wax na looga sheekeynayo ma ahan waxa caasimadda Hargeysa ka jira oo indhaheena ayaan ku aragnaa, xaqiiqdii guryahaan waxaa dhistay dowladdii aanu ridnay ee qabiilka ahayd ee na xasuuqday, ismaan lahayn Hargeysa ayaa u darsan doonta dadkii laga soo magacaabi jiray Muqdisho.” Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in mas’uuliyiinta hadda maamusha Somaliland aysan garaneyn wax aan ka ahayn “inay wax cunaan” oo aysan waxba dhisin. Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sheegay inay u tagi doonaan madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana ay kala hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin golaha wakiilada ee aan la beddelin 17-ka sano, iyo dowladda hoose ee Hargeysa oo uu ugu yeeray mid aan sharci ahayn. Faysal Cali Waraabe waxaa uu hadalkan sheegay xilli maanta uu booqasho ku tegay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, oo nadaafad xumo baahsan ay ka jirto. Hoos ka dhageyso codka Faysal Cali Waraabe https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Feysal-Cali-Waraabe.mp3
  16. Wararka laga helayo degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta si aad ah loo xoojiyey amniga magaaladaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa lagu arkayaa goobaha muuhiimka ah ee Dhuusamareeb, iyaga oo wada baaritaano lagu xaqiijinayo amniga. Ujeedka howlgalladaan ayaa lagu sheegay kuwo looga hortagayo falalka liddiga ku ah nabad galyada ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Bisha soo socota ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaasi. View the full article
  17. Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maaanta Puntland diyaarad sida gurmad ay u dirtay degmada Caluula ee gobolkaasi. Diyaaradaan ayaa waxaa la socda madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Gargaarka ayaa waxaa la qeybin doonaa shacabka ku dhaqan degmadaasi oo ay saameeyeen roobab dabeylo watay oo dhowaan ka da’ay halkaasi. Robaabkaasi ayaa waxa ay jareen waddooyin badan oo ku yaalla gobolka Bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. View the full article
  18. Shirkaan oo ah mid wada xaajood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya xildhibaano, waxgarad matalaya Somaliland iyo guddiga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sii wadida geedi socodka wadahadallada labada dhinac iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan. Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa afartii sano ee la soo dhaafay hakad ku jiray, iyadoona uusan dhicin wax is arag ah oo u dhexeeya labada dhinac. Somaliland ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale raadineysay Ictiraaf, si loogu aqoonsado dal madax banaan. View the full article
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Finish ayaa shalay dib uga noqday Garoonka Eng. Yariisow intii ay socotay xafladdii xuska 76-aad ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Sida ay Caasimadda Online ogaatay, guddoomiye Cumar Finish ayaa isaga laabtay Garoonka markii ciidamada madaxtooyada ay u diideen inuu ilaaladiisa la galo gudaha Garoonka, maadaama la filayey inuu xafladda yimaado madaxweyne Farmaajo. Markii Cumar Finish oo dhawr jeer isku dayey in loo ogolaado ciidamadiisa isla markaasna la hadlay saraakiisha ammaanka sugeysay uu ku fashilmay arrintaas, waxay taas keentay inuu guud ahaan isaga laabto munaasabadda. Tan iyo intii xilka loo magacaabay Guddoomiye Cumar Filish wuxuu qaaday tallaabo uu si weyn ugu adkeeyay amnigiisa, wuxuuna xafiisyada iyo xaruntiisa la galaa ilaalo u gaara oo mararka qaar baaritaan ku sameeya halka uu booqanayo ka hor inta aanu tegin. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ka baaqday munaasadda kadib markii uu helay farriin amni, islamarkaana ay la-taliyaashiisa kula taliyeen inuu isaga baaqdo munaasabadda. Waxaa xafladda ku sugnaa Wasiirka Amniga, Taliyaha Booliska, Wasiirka Kaluumeysiga, wasiiru dowlaha Maaliyadda, guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir ee arrimaha bulshada iyo saraakiil kale. Sidoo kale Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ka baaqday Xafladda isagoo ka cudur daartay markii waqti dambe loo sheegay inuu aado maadaama uu madaxweynaha ka baaqday.
  20. Wasiirada caafimaadka iyo gargaarka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Xamza Siciid Xamza ayaa maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka oo goor dhow furmay ayaa waxaa shir guddoominaya, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golahaasi. Labada wasiir ayaa marka hore laga dhageysan doonaa warbixino ku aadan howlaha wasaaradaha caafimaadka iyo gargaarka ee xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa wasiirada wax ka wey diin doono xaaladihii ugu dambeeyey fatahaadaha dalka iyo dhanka howlaha caafimaadka. Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday su’aalo weydiinta golaha wasiirada xukuumadda, waxaana horay u hortagay wasiirada warfaafinta, amniga, gaashaandhigga iyo kan duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya. View the full article
  21. General Cabdixamiid Maxamed Dirir taliyaha ciidanka Lugta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay weerar xalay lagu qaaday Hoteel uu ku sugnaa oo ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Taliyaha yaa sheegay in qaraxa lagu weeraray kolonyo uu la socday balse uu ka badbaaday, wuxuuna xusay inay ku dhaawacmeen 6 askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaraxa ay ku dhinteen dad kale oo shacab ahaa oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, waxaana ay baahisay inay khasaaro lixaad leh ku gaarsiisay ciidamo ku sugnaa halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Nafiso-1.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-22122019.mp3 View the full article
  23. Shirkada Diyaaradaha ee Air Jabuuti Laguna naynaaso Red Sea Airline ee ay leedahay Dowlada Jabuuti ayaa Duulimaad rasmi ah ka bilowday Caasimada Puntland ee Garowe. [...] Source
  24. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii qaraxa ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Tirada iyo dhimashada weerarkaasi ayaana lagusoo waramayaa in ay ku dhinteen in ka badan 7 ruux oo isugu jiray shacab iyo askar ka agdhawayd goobta uu qaraxu ka dhacay. Halka tirada dhaawaca ahna ay kor u sii dhaafayaan ilaa 50 ruux oo u badan dad shacab ah sida uu xaqiijiyay agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo. Waxa uu sidoo kale sheegay agaasimuhi, in dadkaasi ay qabaan dhaawacyo kala duwan, haddana lagu baxnaaninayo gudaha isbitaalka guud ee Gaalkacyo. Taliyaha Ciidanka Lugta ee Soomaaliya C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in Gaarigiisa lagu dhuftay qaraxa ayna kaga dhaawacmeen lid ka mid ah ilaaladiisa kuwaas oo uu sheegay in dhaawacooda uu fududyahay. C/Xamiid ayaa sheegay in markii uu weerarka Ismiidaaminta ah uu dhacayay ay ka baxeen Hotel ku yaalla Koofurta Magaalada Gaalkacyo. Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.