Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed Shiikh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuubakar oo loo yaqaan Sheekh Soomow ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahaa inay jiraan culumo dafirayo xuquuqda Haweenka isla markaasna ku tilmaamayo inay yihiin kuwa caqli iyo Diin yar. Cabdiraxmaan ayaa culumada ku eedeeyey inay adeegsadeen xadiisyo uu ku sheegay inay yihiin kuwa aan waxba ka jirin oo aan la ogeyn meesha laga keenay. Sheekh Soomow oo arrintaan ka jawaabayey ayaa sheegay inuu Cabdiraxmaan ku xad gudbay Diinta Islaamka isla markaasna uu inkiray xadiisyo sax ah oo Rasuulka CSW laga soo wariyey sidoo kalana Qur’aanka lagu sheegay. Sheekh Soomow ayaa tilmaamay in xadiith sax ah oo ay wariyeen Bukhaari iyo Muslim uu rasuulka ku sheegay in haweenka ay yihiin kuwa nusqaan ka ah xagga Diinta iyo Caqliga. حَدَّثَنَا سَعِيدُ بْنُ أَبِي مَرْيَمَ، قَالَ أَخْبَرَنَا مُحَمَّدُ بْنُ جَعْفَرٍ، قَالَ أَخْبَرَنِي زَيْدٌ ـ هُوَ ابْنُ أَسْلَمَ ـ عَنْ عِيَاضِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ، عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ، قَالَ خَرَجَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم فِي أَضْحًى ـ أَوْ فِطْرٍ ـ إِلَى الْمُصَلَّى، فَمَرَّ عَلَى النِّسَاءِ فَقَالَ ‏”‏ يَا مَعْشَرَ النِّسَاءِ تَصَدَّقْنَ، فَإِنِّي أُرِيتُكُنَّ أَكْثَرَ أَهْلِ النَّارِ ‏”‏‏.‏ فَقُلْنَ وَبِمَ يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ ‏”‏ تُكْثِرْنَ اللَّعْنَ، وَتَكْفُرْنَ الْعَشِيرَ، مَا رَأَيْتُ مِنْ نَاقِصَاتِ عَقْلٍ وَدِينٍ أَذْهَبَ لِلُبِّ الرَّجُلِ الْحَازِمِ مِنْ إِحْدَاكُنَّ ‏”‏‏.‏ قُلْنَ وَمَا نُقْصَانُ دِينِنَا وَعَقْلِنَا يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ ‏”‏ أَلَيْسَ شَهَادَةُ الْمَرْأَةِ مِثْلَ نِصْفِ شَهَادَةِ الرَّجُلِ ‏”‏‏.‏ قُلْنَ بَلَى‏.‏ قَالَ ‏”‏ فَذَلِكَ مِنْ نُقْصَانِ عَقْلِهَا، أَلَيْسَ إِذَا حَاضَتْ لَمْ تُصَلِّ وَلَمْ تَصُمْ ‏”‏‏.‏ قُلْنَ بَلَى‏.‏ قَالَ ‏”‏ فَذَلِكَ مِنْ نُقْصَانِ دِينِهَا ‏”‏‏.‏ Sidoo kale wuxuu sheegay in aayado Qur’aanka ka tirsan lagu sheegay in marka ay haween marqaati noqoneyso ay shardi tahay in laba durmar ah u dhigmaan booska hal nin maadaama ay yar tahay xasuustooda iyo caqligooda. Sheekh Soomow ayaa hadalka Cabdiraxmaan ku sheegay inay noqoneysa laba arrin midkood: Inuu Jaahil yahay oo uusan cilmi laheyn amainuu si kibir iyo madax adeeg ku saleysan uu u inkirayo xadiisyo laga wariyey rasuulka iyo aadayo Qur’aan. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inuu ugu baaqayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu si deg deg ah arrintaas uga towbad keeno haddii uusan ka towbad keenina ay go’aan qaadan doonaan culimada Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka daawo hadalka Sheekh Soomow
  2. Ciidamada gaarka ah ee PSF Puntland ayaa beeniyey in ay ka soo baxeen fariisimahoodii buuraleyda Galgala. Bayaan kooban oo ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in ciidamadu ku sugan yihiin fariisimahoodii iyo saldhigyadoodii difaaca ee Galgala, Sugure, Boosasaso, Garowe iyo Gaalkacyo. “Ciidamada PSF waxay ku sugan yihiin talisyadooda iyo saldhigyadooda difaaca ee Galgala, Sugure, Boosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo, si ay cadowga uga ilaaliyaan dadkooda iyo dalkooda” ayaa lagu yiri bayaanka PSF. Hadalka ka soo baxay ciidamada PSF Puntland ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu faafiyey warar sheegaya in ciidamo ka tirsan PSF ay ka soo baxeen saldhigyadooda buuraleyda Galgala. Ciidamada PSF ayaa qeyb libaax ku leh hawlgalada Puntland kula dagaalanto kooxaha ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Puntland. PINTLAND POST The post Ciidamada PSF Puntland oo beeniyey in ay ka soo baxeen fariisimahoodii appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ku hanjabay in la qaban doono shir beeleedkii Boorama oo kale haddii ay xal keeni waayaan guddiga dhexdhexaadinta ka dhex wada mucaaridka iyo xukuumaddu, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta ansixiyay Xeerka ismaamulka Gobolada iyo Dagmooyinka kaas oo kasoo gudbay Golaha Wakiilada Somaliland iyagu Maanta wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Sida lagasoo Xigtey Hay’adaha Saacadasha Hawada ee Caalamka Waxaa Macquul ah in Roobab Dabeylo wata ay soo gaaraan Deegaanada Puntland, khaasatan Dhul xeebeedka iyo Deegaanada [...] Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ku bogaadisay dawladda Imaaraadka Carabta xuska maalintooda qaranimada dalkaasi oo 2-da December oo shalay ku beegnayd. Dhambaal hambalyo ah ayuu Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ku baahiyey bartiisa Twitterka, kaasi oo u qornayd sidan:- “Xukuumadda JSL waxa ay si niyadsai ah ugu hambalyeynaysa Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed bin Sultan Al Nahyan, Maamuleyaasha iyo shacabka Imaaraada Carabta munaasibadda maalinta qaranimadooda. Waxa kaloo Madaxweyne Ku-xigeenka JSL sheegay inuu u rajaynayo Imaaraadka Carabta inay ku naaloodaan nabadda iyo barwaaqada. Source
  7. Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli kulamo siyaasadeed ay ka socdaan gudaha magaaladaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray doorashada Galmudug, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee maamulkaasi. Odayaasha dhaqanka iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka ayaa wada dadaalladii ugu dambeeyey ee dhismaha Galmudug. Doorashada guud ee maamulkaasi oo isugu jirta madaxweynaha iyo mida baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay dhacdo isla bishaan December ee 2019-ka. View the full article
  8. Taliyahah ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Genaral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ku sugan Jabuuti ayaa uga mahadceliyey madaxda dalkaasi soo dhoweynta loo sameeyey. Xijaar ayaa sheegay in labada dalal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Jabuuti uu ka dhaxeeyo xiririir qoto dheer oo walaalnimo ku dhisan, islamarkaana ah mid sarreeya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in u jeedka socdaalkiisa uu yahay, sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed oo ku sugan dalkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/www.mp3 View the full article
  9. (SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in $5 Million oo doollar ay siineyso ciddii soo sheegta xog horseedi karta in la soo qabto Jehad Serwan Mostafa oo ah Muwaadin u dhashay Mareykanka oo asalkiisa yahay Kurdi Suuriyaan ah, kaasoo ka barbar dagaalama Al-Shabaab. FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2006-dii, waxaa la rumeysan yahay inuu yahay Muwaadinka Mareykanka ee ugu sareeya Urur Argagixiso oo dibadda ah. Mostafa ayaa sidoo kale la sheegay inuu yahay ninka ugu sareeya Al-Qaacida, gaar ahaan Al-Shabaab dhexdooda, waxaa kaloo uu ahaa Madaxa Ajaaniibta Al-Shabaab. Mostafa wuxuu ku dhashay Wisconsin, waxaana uu ku soo barbaaray agagaarka Serra Mesa ee magaalada San Diego ee Gobolka California. Sanadkii 2011 ayuu ka soo muuqday Kaamka Aala Yaasir oo ku yaalla Shabeellaha Hoose, xilligaasoo dad ka soo barakacay abaarihii ay Al-Qaacida ugu qeybisay deeq raashin, waxaa uu ahaa Ergeyga Al-Qaacida u soo wakiilatay gaadhsiinta deeqdaas, waxaana uu ku hadlayay luqada Ingiriiska. Source
  10. Been abuur sababay in diyaarad hawada gashay ay dib ugu laabato halkii ay kasoo kacday Duulimaad kamid ah shirkadda duulimaadyada ee American Eagle oo ka ambabaxday Magaalada Pensacola, kuna sii jeeday Miami ee dalka Mareykanka ayaa dib ugu soo laabatay isla garoonkii ay ka kacday saacado un kadib markii iyadoo hawada ku jirtaay ay lasoo daristay arrin lala yaabay. Haweeney kamid ahayd rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa markii ay diyaaradda hawada gashay waxaa ay dalbatay in la siiyo kursi ka wanaagsan midkii ay fadhiday. Booliska Pensacola ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in shaqaalihii saarnaa diyaaradda ay haweeneydi u sheegeen in aysan suurtagal ahayn in ay hesho kursi ka weyn midkii loo jaray, balse daqiiqado kadib haweeneydii ayaa iska dhigtay qof xanuunsan, si ay markale u hesho dalabkeedi, taas oo keentay in shaqaalihii diyaaradda ay go’aansadaan in diyaaradda dib loogu celiyo halkii ay kasoo duushay. Shirkadda ayaa sheegtay in dib laga ogaaday in haweeneydaas aysan xanuunsaneyn, waxaana markii ay diyaaradda dib gu laabatay halkii ay ka timid ay shaqaalaha diyaaradda u sheegeen booliska in ujeedka ugu weyn ee haweeneydaas ay ahayd sidii ay u heli laheyd kursi ka weyn midkii ay fadhiday. War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda duulimaadyada ee American Eagle ayaa lagu sheegay in duuliyihii diyaaradda uu go’aansaday in uu dib ugu laabto halkii uu ka yimid, si daaweyn degdeg ah loola gaaro haweeneydii sheegtay in ay xanuunsan tahay, inkastoo markii dambe la ogaaday in aysan waxba ka jirin. Shirkadda ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in shidaal uu ka gubtay, wakhti badan uu kaga lumay duuliimaadkaas, iyagoo sheegay in ay ka fikirayeen xaaladda caafimaad ee haweeneydaasi. Kadib markii ay diyaaradda dib ugu soo laabatay halkii ay ka kacday saacad kahor, haweeneydii ayaa diiday in ay diyaaradda ka degto, taaso keentay in booliska ay soo farageliyaan. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in markii dambe booliska iyo duuliyihii diyaaradda ay haweeneydii sheegtay in ay xanuunsaneyd ku qanciyeen in ay degto, waxaana markii ay degtay la wareegay booliska oo geeyay xarun lagu baaro xanuunada dhimirka. Haweeneydan oo aan magaceeda la sheegin ayaa haatan waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka ee dalka Mareykanka, waxaase aan la ogeyn in maxkamad lasoo taagi doonaa iyo inkale. Qaran News
  11. (SLT-Malta)-Nin Soomaali oo qaxooti ku ah Malta ayaa nin u dhashay dalka Eritrea ku dilay Jesiiradda Malta Abaarihii 11:30 Fiidnimo ee habeenkii Jimcaha ee la soo dhaaafay. Hadal-qoraal oo Booliska ka soo baxay maalintii Sabtida ee laa soo dhaafay ayey ku sheegeen in lagu soo wargeliyey in ninkaasi lagu dilay Deegaanka TIRIQ DICEMBRU TLETTAX ee Xeradda Qaxootiga ee Furan ee Marsa ee dalkaasi. Booliska waxay magaca Ninka Soomaaaliga ku sheegeen Keynaan CabdiNaasir oo 23-jir ah, kaasi oo loo haystay dilka Muwaadin u dhashay dalka Eriteria, oo la odhan jirey Bakri Bashiirr oo 23-jir ahaa. Eedeysanaha Soomaaliga waxaa la sheegay inuu dhowr jeer maqas kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka Marxumka, taasi oo sababtay inuu u geeriyoodo dhaawac culus oo soo gaadhay. Dhinaca kale, Eedeysanaha waxaa la soo taagay Maxkamadda, wuxuuna beeniyey dembigii uu ku soo oogay Garsoorihii Maxkamadda oo lagu magacaabo JOSETTE DEMICOL. Qareenka u doodayey Eedeysanaha Kaynaan Cabdinaasir waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in aanu codsan doonin in eedeysanaha damiin lagu sii daayo. Saddex Alifle ka tirsan Dembi-baadhista Boliska gacanta ku hayey Kiiskaasi oo lagu magacaabo James Grech waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuu Eedeysanaha hore u galay dembiyo kale, balse haatan loo haysto dilka nin u dhashay dalka Eriteria. Booliska Malta waxaa baadhitaanka Kiiskaasi gacan ka siiyey nin u dhashay Suudaan, iyadoo ay Booliska u fududaatay inay gacanta ku soo dhigaan Kaynaan CabdiNaasir. Source
  12. Somalia’s international partners have reaffirmed their full support for the government’s plan on one man one vote come 2021. Speaking during a meeting with the National Independent Election Commission officials on Monday, UN special envoy, ambassador James Swan reiterated global partners on the backing on the democratic exercise. The Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM, also held a separate meeting with Internal Security Minister, Mohamed Abukar Islow and former head of state, Hassan Sheikh Mohamud. The topics discussed include one person, one vote’ elections, the importance of political space and greater inclusion. President Mohamed Abdullahi Farmajo pledged to conduct one man one vote following his election on 8th February 2017 but challenges such as security which still exist make it difficult for the process to be realized. The head of state met the opposition political party leaders on 20th last month to discuss a way forward and iron out concerns on election schedule. The Forum for National Parties (FNP) which is a coalition of opposition political parties, has previously accused the government of trying to delay the upcoming process by extending the term in office. View the full article
  13. Boosaaso (Caasimadda Online) – Xukuumadda Puntalnd ee Madaweyne Siciid C/llaahi Deni ayaa sii wada xariga odayaasha iyo siyaasiyiinta Gobolka Bari, kadib kacdoon waxgarada Gobolkaasi wadaan oo ku saabsan diidmada ah in Imaaraadka lagu wareejiyo ilaha dhaqaalaha Gobolka. Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Boosaaso lagu xiray markii labaad siyaasi Muuse Cali Jaamac oo loo heysto inuu ka horjeedo xukuumada Puntland iyo warar uu ka sheegay warbaahinta oo ku saabsan xaaladda maamulka Puntland, waxaana sidoo kale ay xukuumada Puntland xirtay odayaal warbaahinta la hadlay oo ka hor yimid qorshe Imaaraadku kula wareegayo Garoonka Boosaaso iyo heshisikii hore ee dowladda. Odayaasha Gobolka Bari ee u xiran Puntland waxaa ka mida: 1- Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble 2- Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo). 3- Nabadoon Diraac Yuusuf Buuxe 4- Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax 5- Siyaasi Dr. Muuse Cali Jaamac Nabaddoonada xabsiga loo taxaabay, ayaa kamid ahaa odayaal iyo Siyaasiyiin Jimcihii la soo dhaafay shir ku yeeshay magaalada Boosaaso, kuwaasi oo ka horyimid Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso, oo ay ku sheegeen mid aan waxba ka fulin. Sidoo kale, odayaasha iyo siyaasiyiinta halkaasi ku shiray, ayaa xukuumadda Puntland ku dhaliilay in ay garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo xarumo kale oo muhiima ku wareejisay, shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta. Dhammaan odayaasha la qabtay, ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay haatan ku xiran yihiin, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo ka gaabsaday in la xigto codkooda iyo magacyadooda.
  14. Maanta oo ay ku beegan tahay sadexda bisha December waxaa 10 sano laga joogaa weerarkii xooganaa ee sanadkii 2009-kii ka dhacay Hotel Shamow ee M/Muqdisho. Weerarkaasi oo lala eegtay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcadii labaad ee Jaamacadda Banaadir ayaa waxaa ku dhintay arday, wariyeyaal iyo mas’uuliyiin caan ahaa. Wariyaha Shabelle, Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane ayaa warbixintaan innooga diyaariyey, soona jeedinaya. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ss.mp3 View the full article
  15. (SLT-London)-Raysal Wasaaraha Britian Boris Johnson ayaa lagu eedeeyay inuu ogolaansho la’aan uu qaatay qoraal uu leeyahay qof kale oo ku saabsanaa weerarkii argagixiso ee ka dhacay Buundada London. Qoraa aan magaciisa la shaacin ayaa ku eedeeyay inu Ra’isul wasaaruhu uu xaraf xafar u minguuriyay qoraal uu ku daabacay Blooga thesecretbarrister , kadibna uu ku daacay bartiisa twitterka 16 qoraal. Qoraalka lagu daabacay Boggan Bloggerka ayaa ugu dhaleecaynayay xukuumadda Britian in fasaxday dad uu ku sheegay inay yihiin xagjiriin dhib u gaystay shacabka oo ahayd in xabsiyada lagu hayo. Ra’isul wasaare Boris Johnson ayaa u ololaynayaa in Britian ka baxdo Midowga yurub ayaa dhammadka Bishan December wuxuu xisbigiisa u tartamaya doorashada iyadoo la aamisan yahay in qoraalo xagjirnimo uu u adeegsanayo olalihiisa. Source
  16. (SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku gacan seedhay dhalleeceymaha loo jeedinayo heshiis ay la galeen Libya oo Aknara u ogolaanaya inay hesho xuquuqda dhul-badeed baahsan, oo sidoo kale ay raadinayeen dalal ay ka mid tahay Greece. Heshiiskan oo Turkiga uu 27-kii November magaalada Istanbul kula saxiixday ra’iisul wasaaraha dowladda la aqoonsan yahay ee Libya Fayed al-Sarraj ayaan weli laga helin faah-faahin buuxda. Hase yeeshee wabixino warbaahineed qaarkood ayaa sheegaya inuu saddex meelood meel kordhinayo qalfoof-badeedka Tukrey, una ogolaanayo inay hesho dhul-badeed dhowaan la ogaaday inay ka buuxaan gaas iyo saliid oo dhaca bariga badda Mediterranean-ka. Heshiiska ayaa dhul-badeedkan u diidaya dalalka Greece, Cyprus iyo Masar, oo sidoo kale raadinayey. ‘Tani waa xuquuq madax-banaani oo ay leeyihiin Libya iyo Turkey,” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Ankara, ka hor inta aanu u bixin shirka NATO ee London. Greece ayaa ku hanjabtay inay caydhin doonto safiirka Libya, haddii aan loo soo gudbin faah-faahinta heshiiska. Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in Akara ay QM u gudbin doonto aageeda cusub ee dhaqaalaha (EEZ) marka heshiiska uu ansixiyo baarlamanka Turkey. Source
  17. WASHINGTON (HOL) - U.S Federal authorities have reaffirmed the $5 million bounty on a U.S citizen believed to be leading Al-Shabaab’s explosives manufacture in Somalia. Source: Hiiraan Online
  18. Dowladda federaalka Soomaaliya , waxa ay eybaha kala duwan ee Bulshada, Hay’adaha samafalka iyo dowladaha saaxiibada ah, la wadaageysaa dhibaatooyinka isbeddelada cimillada gaar ahaan fatahaadaha iyo duufaanno la saadaalinayo in ay ku soo wajahanyihiin Deegaanno kamid ah soomaaliya. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-03122019.mp3 View the full article
  20. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo gaartay roobab dabeylo wata oo la saadaalinayo in ay ka da’aan qeybo kamid ah Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladu ka digeyso fatahaado horleh oo ka dhaca Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo inay da’aan roobab xoog leh. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda ay heegan buuxa gelisay hay’adaha qaabilsan Gurmadka deg dega iyo ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee ka dhalan kara roobabka. Dowladda Soomaaliya ayaa fatahaadaha iyo duufaanada la saadaalinayo la wadaagtay qeybaha kala duwan ee bulshada, hay’adaha Samafalka iyo dowladaha saaxiibada la ah. Hoos ka akhriso qoraalka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. PUNTTLAND POST The post Digniin laga soo saaray roobab duufaano wata oo laga cabsi qabo in ay ka da’aan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. FBI-da Mareykanka ayaa ku celisay abaal-marin shan milyan oo dollar ah oo la siinayo ciddii keenta xog sahli karta in gacanta lagu dhigo nin haysta dhalashada Mareykan ah oo ka tirsan ururka Al-Shabaab. Saxaafadda waddanka Mareykanka ayaa soo tebisay in Jehad Serwan Mostafa oo 37 jir ah ahna muwaadin Mareykan ah uu yahay xubin sare oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya. Saraakiisha FBI-da ee qeybta magaalada San Diego ee gobolka California oo shalay dacwado kusoo oogay Mostafa ayaa ku eedeeyey inuu taageero siiyey kooxda Al-Shabaab oo Mareykanka u aqoonsan yahay urur argagixiso. Sidoo kale saraakiisha ayaa rumaysan in Mostafa uu ku sugan yahay koonfurta Soomaaliya islamarkaana uu kaalin muuqata ka ciyaaro qorsheynta hawl-gallada Al-Shabaab ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Muwaaddin Maraykan ah oo ka tirsan Al-shabaab oo madaxiisa la dul-dhigay $5 Malyan appeared first on Puntland Post.