Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - Somalia unveiled its 9th National Development Plan Monday marking an important milestone in the country’s recovery process and quest for debt relief which has been cited as burdensome and hindrance to progress. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kulan qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee Somaliland. Kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah UCID iyo WADDANI ayaa diirrada lagu saaray dhowr qodob oo ay labada dhinac si weyn u falanqeeyeen waxaana ka mid ahaa:  In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.  In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.  In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada. Madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridku waxay kulankooda iskula garteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Boosaaso (Caasimadda Online) – Guuto Bari oo ah Cutub ka tirsan ciidanka Daraawiishta maamul goboleedka Puntland ayaa maanta gadood sameeyey islamarkaana xirtay jidka u dhexeeya deegaanada Carta iyo Carwo ee gobolka Bari. Ciidamada, oo ka yimid deegaanka Carmo ee Gobolka Bari, ayaa waxaa la sheegay in uu hoggaaminayo Sarkaal horey Ciidamo farabadan la soo galay Boosaaso, kaas oo lagu Magacaabo Ciise Yulux. Ciidankan gadoodka sameeyay ayaa la sheegay inay ka cabanayaan mushahaar la’aan, waxayna xanibaad ku soo rogeen isticmaalka laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka waa weyn ee Puntland, sida Boosaaso iyo Garowe, taasi oo culays badan ku keentay gaadiidka iskaga gudba inta badan gobolada Puntland. Saraakiisha hoggaaminaysay ciidankaas ayaa ku wargeliyey gaadiidleyda inaysan ka gudbi doonin isbaaro ay halkaasi dhigteen, tan iyo inta laga siinayo xuquuq iyo mashaarka kaga maqan xukuumadda Puntland. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Puntland oo ku baxay halka ay wadada ka xirteen ciidankaas ayaa saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ka dalbaday inay isbaarada ka qaadan laamiga, si wada-hadal loola furo, balse saraakiisha ayaa diiday dalabka odayaasha. Ciidamada gadoodsan ayey weli u xirantahay wadadaas oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka deegaanada Puntland, waxaana halkaas ku xanniban gaadiid badan oo sida shixnado iyo rakaab kala duwan. Gadoodka ciidamadaas ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa ku soo beegmaya, xilli ay dhawaan wasaaradda maaliyadda Puntland ay sheegtay, inay bil kasta bixin doonto mushahaaraadka ciidamada iyo dhamaan shaqaalaha kale ee dowladda. 16-kii Bishii November ee sanadkaan ayay aheyd markii Ciidamo isugu jira kuwa Daraawiishta Puntland iyo Maleeshiyaad uu hoggaaminayey Ciise Yulux ay ku dagaalameen Koontoroolka laga soo galo Magaalada Boosaaso, walow markii dambe xiisad ka dhalatay dagaalkaas ay xaliyeen waxgaradka Gobolka Bari.
  4. At least 8 Somali soldiers were killed and several others wounded on Monday when al-Shabaab attacked a southwestern military base, officials said. Local residents confirmed to Radio Shabelle the attack in the vicinity of Goof-gadud Burey. The attack began after al-Shabaab attacked the base on Monday morning, and fighting between fighters and Somali forces broke out. The militants burned several military and civilian vehicles during a brief takeover. Goof-gadud which is located 30 kilometers (18 miles) from the city of Baidoa, the administrative capital of the Bay state has been changed in hands between the two sides. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Wajigii Labaad Ee Nabadaynta Ceel-Afweyn Oo Maanta La Soo Gabogabeeyay, halkan hoose ka Daawo Source
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa mar kale ku adkeystay in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo hadal ka jeedinayey Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya ku dadaaleyso sidii umadda Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa talada, si ay u doortaan cidda ay rabaan. Mahdi Guuleed ayaa ku faanay inay dalka ka hirgelin karaan doorasho qof iyo cod ah, haddii ay suurta geliyaan dib u habeynta amniga iyo nidaamka maaliyadda maadaama dhowaan la filayo in deymaha laga cafiyo Soomaaliya. “Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugeysaa in aanu u hirgelino doorasho qof iyo cod, oo aan talada dib ugu celino, Waxaan rabnaa Ummadda Soomaaliyeed taladeeda inay qaataan oo ciddii ay rabaan doortaan, haddii aynu tartameyno oo dib ay noo dooranayaan oo shan sanadoodoo dambe oo halkii aan gaarsiinay meel kasii fog aynu gaarsiineyno ummadda Soomaaliyeed bay u taallaa, laaakiin waa muhiim in dalka doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo oo nidaamka xisbiyadu hirgalo” ayuu yiri Mahdi Guuleed. Wuxuu intaas kusoo daray in madaxweyne Farmaajo uu dalka dhaxal ahaan uga tagi doono inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, ayna ka qeybgalaan dhammaan xisbiyada dalka ka jiro. Hadalka kasoo yeeray Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka ayaa kusoo aadayo xilli Baarlamaanka Soomaaliya uusan weli go’aan ka gaarin sharciga doorashooyinka, iyadoo weli ay socoto dood kulul oo u dhaxeyso Xildhibaanada. Inta badan Xildhibaanadii ka hadlay akhrinta koowaad iyo midda labaad ee sharciga doorashooyinka ee hor yaalo baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dooday inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah maadaama aan weli la heyn tirkoob saax ah sidoo kalana ay gacanta dowladda ka maqan tahay deegaano badan oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka. Kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI ayaa diirrada lagu saaray:  In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.  In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.  In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada. Madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridku waxay kulankooda iskula garteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Maayir Soltelco Oo U Jawaabay Faysal Cali Waraabe, halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Riyadh)-Shan qof ayaa dil loogu xukumay dilkii weriye Jamal Khaashuqji, hase yeeshee labadii qof ee ugu sarreeyey dadkii loo baadhayey dilkan ayaa dambi lagu waayey, waxaa sidaas Isniinta sheegay dacwad-oogaha guud ee Sacuudi Carabiya. Khaashuqji, oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa waxaa la dilay bishii October ee 2018, ayada oo Riyadh ay dilkaas ku sheegtay howlgal ay fuliyeen “fallaago”. 59 jirkaas, oo ahaa nin wax badan ka og boqortooyada balse markii dambe isu-rogay mid dhalleeceeya, ayaa waxaa qunsliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dhex-dilay 15 nin oo Sacuudiyaan ah, kuwaas oo kadibna jar-jaray meydkiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga. Illaa iyo hadda lama helin hadhaadiga jidhkiisa. “Waxaan ogaanay in dilka Khaashuqji uusan ahayn mid horey loo sii qorsheeyey” waxaa sidaas yidhi ku-xigeenka dacwad-oogaha guud ee Sacuudiga, Shalaan al-Shalaan oo shir jaraa’id qabtay. Dacwad-oogayaasha Sacuudiga waxay sheegeen in ku-xigeenka madaxa sirdoonka Ahmed al-Assiri uu maamulayey kooxda dilka fulisay, islamarkaana uu sidaas kula-taliyey la-taliyaha warbaahinta boqortooyada Saud al-Qahtani. “Si kastaba, Qahtani ayaa baaritaan lagu sameeyey balse dacwado laguma soo oogin sababo la xidhiidha caddeymo ku filan oo loo waayey. Sidoo kale, Assiri ayaa la baaray laguna soo oogay dacwado, balse dambiga lagu waayey, kadib markii isna caddeymo lagu waayey” waxaa sidaas lagu yidhi bayaan kasoo baxay dacwad-oogaha. Labadan nin ayaa ka mid ahaa dadka aadka ugu dhow dhaxal-sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, waxaana shaqada laga eryey kadib dilka. Source
  10. Maamulka Al-sunna Wel-Jamaaca ee ka jira dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta beesha caalamka u gudbiyey ilaa 20 xildhibaan oo ay ku leeyihiin Galmudugta cusub iyaga oo meel uga dhacay, iskana indhotiray heshiis lagula galay saammiga ay ku leeyihiin beelaha halkaasi dega marka la joogo xulista wakiillada baarlamaanka. Kooxda Suufiyada ah ayaa xildhibaannada beelaha uga qaatay sidan: Saleebaan: 2, Mareexaan: 4, Duduble: 1, Ceyr: 5, Murusade: 1, Sacad: 2, Shiikhaal: 1, iyo Dir:3. Sida uu ahaa Heshiiska Ahlu Sunna iyo Dowladda: sida ay guddiga doorashada Galmudug u xaqiijiyeen Goobjoog News waxaa jiro heshiis lala galay Ahlu sunna oo dhigaya sidan: 1. Beesha leh wax ka yar 8 xildhibaan waxaa ay ka heli karaan Hal Xildhibaan. 2. Haddii beesha leedahay 8 xildhibaan waxaa ay Ahlu sunna ka heli karaan labo Xildhibaan. 3. Beeshii leh 12 xildhibaan, waxaa ay ku soo qoran karaan labo xildhibaan. 4. Halka beesha leh 15 xildhibaan ay ka qaadan karaan ilaa saddex xildhibaan. Xad-gudubka Ahlu sunna ee Heshiiska Beelaha: Tusaale ahaan, Beesha Sacad oo Galmudug ku leh 6 xildhibaan waxaa ay Ahlu sunna ka qaadatay labo xildhibaan halka heshiiska uu dhigayo beesha 8 xildhibaan ka yar iney hal xildhibaan ka qaataan. Beesha Saleebaan oo leh 7 xildhibaan oo laga rabay iney ka qaataan sidoo kale hal xildhibaan keliya waxaa ay ka qaateen 2 xildhibaan halka beesha Ceyr oo leh 6 xildhibaan ay ka qaateen 5 xildhibaan, Mareexaan waxaa uu leeyahay 16 xildhibaan waxaa laga rabay iney qaataan 3 xildhibaan halka ay ku soo qorteen 4, Murusade oo 12 xildhibaan Galmudug ku leh waxaa ay ka qaateen hal xildhibaan. Dhanka kale, Ahlu-sunna wax xildhibaan kama qaadan beesha 5-aad, Abgaal, Xuskul Mogadishu Clan iyo wadalaan. Ilaa hadda kama falcelin beelaha Galamudug, lamana oga sida ay ugu qanacsanyihiin xulista ay Al-sunna sameysay ee xulista xildhibaannada. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Dimishiq)-Habka difaaca hawada ee Syria ayaa ka hor-tagay gantaallo ay kusoo weerartay Israel, islamarkaana soo riday mid ka mid ah oo ku dhacay duleedka magaalada Dimishiq, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Syria, Sana. “Gantaallada cadowga ayaa ka yimid dhulalka la haysto,” waxaa sidaas tidhi Sana oo ula jeeda Israel, waxaana ay intaas ku dartay in gantaal lagu soo riday xaafadda Aqraba ee duleedka koonfur bari ee Dimishiq. Afhayeenka ciidamada Israel oo ay la xidhiidhay wakaaladda wararka AFP ayaa diidday inay ka jawaabto hadalka warbaahinta Syria. Kooxda la-socodka arrimaha xuquuqda aadanaha Syria ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in saddex qarax laga maqlay duleedka Dimishiq kadib markii gantaallada lala beegsaday “goobaha taliska Syria iyo Iran”. Waxay intaas ku dartay in ugu yaraan laba ka mid ah gantaalladaas ay ku dhaceen agagaargka Aqraba. Kooxdan ayaa sidoo kale sheegtay in baabuurta gurmadka deg degga ay kusii wajahnaayeen goobta gantaallada ay ku dhaceen. Tan iyo markii uu dagaalka Syria billowday sanaddii 2011, milatariga Israel ayaa boqolaal duqeymo ka fuliyey dhulka Syria, ayaga oo beegsanaya bartilmaameedyo Iran ah iyo maleeshiyo taageerta Tehran oo xulufo la ah taliska madaxweyne Bashar al-Assad. Source
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka, oo la sheegay inuu saldhig u yahay geeddi socodka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda Qaran. Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay tiirarka afarta ah ee uu ku saleysan yahay qorshaha Qaran oo kala ah amniga iyo siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, deegaanka iyo horumarinta bulshada ayaa sheegay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wadajir ah ay maanta awood buuxda u leeyihiin ka miro-dhalinta hiigsiyadooda Qaran. “Waxaa bogaadin mudan in aan soo bandhigno qorshe horumarineed oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno iyo khubaro Soomaaliyeed oo saldhig u ah Qorshaha Qaranka ee Shanta sano ee soo socota. Waxaa lagama maarmaan ah in aan u babac-dhigno xal u helista dhibaatooyinka soo noq-noqday ee jilbaha u dhigay dhaqaaleheenna iyo wax-soosaarkeenna.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Qorshahan Qaran uu caalamka u muujinayo sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, Dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda iyo sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga. Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, arrimaha ugu waaweyn ee qorshahani uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah; yareynta saboolnimada, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dowliga ah, hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, xoojinta sharciga, garsoorka iyo xaqiijinta amniga dalka. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Maareeyayaasha Wakaaladaha Qaranka, Aqoonyahanno iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.
  13. Midig: Faysal, Seylici, Muuse iyo Cirro Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinayo ku xigeenkiisa ayaa maanta Madaxtooyada Hargeysa kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro. War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay saddex arrimood oo kala ah. In si wada jira ay hoggaanka axsaabta Somaliland uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto. In saddexda xisbi ee Somaliland ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka. In si wada jira saddexda xisbi u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ay kulankooda iskula garteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono. PUNTLAND POST The post Somaliland: Muuse, Faysal iyo Cirro oo saddex arrimood kawada hadlay appeared first on Puntland Post.
  14. Wararka ka imaanaya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Xiisada ayaa timid, kadib markii xalay deegaanka Horufadhi lagu dilay qof ka mid ahaa dadka deegaanka, kaas oo la sheegay in dilkiisa uu salka ku hayey aano Qabiil. Xaaladda ayaa maanta kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal Beeleed hor leh uu ka qarxo halkaasi. Inta badan waxaa deegaanada Sool iyo Sanaag ku soo laa laabta dagaallo u dhexeeyo maleeshiyaad ku sugan gobolladaasi. View the full article
  15. DHUSAMAREEB (HOL) - The moderate Islamist group Alhu Sunna Wal Jamaa has made public its choice of 20 MPs following an agreement early this month with the Federal Government. Source: Hiiraan Online
  16. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka hadlay munaasabad lagu daah-furayey qorshaha 9-aad ee horurmarinta Qaranka ayaa sheegay inay xukuumaddu u diyaar garowday doorashada 2020/2021-ka. Khadar ayaa xusay in la qaban karo doorasho iyo qof cod ah, islamarkaana la fulin karo wixii horay loogu ballamay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan siyaasiyiinta looga baahan yahay inay qaataan doorka kaga aadan doorashadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ccc-1.mp3 View the full article
  17. BAIDOA (HOL) - Somali forces killed 19 Al-Shabaab militants in a fierce battle Monday morning in Gofgaduud in the outskirts of Baidoa. Source: Hiiraan Online
  18. Riyadh (Caasimada Online) – Shan qof ayaa dil loogu xukumay dilkii weriye Jamal Khaashuqji, hase yeeshee labadii qof ee ugu sarreeyey dadkii loo baarayey dilkan ayaa dambi lagu waayey, waxaa sidaas Isniinta sheegay dacwad-oogaha guud ee Sacuudi Carabiya. Khaashuqji, oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa waxaa la dilay bishii October ee 2018, ayada oo Riyadh ay dilkaas ku sheegtay howlgal ay fuliyeen “fallaago”. 59 jirkaas, oo ahaa nin wax badan ka og boqortooyada balse markii dambe isu-rogay mid dhalleeceeya, ayaa waxaa qunsliyadda Sacuudiga ee Istanbul ku dhex-dilay 15 nin oo Sacuudiyaan ah, kuwaas oo kadibna jar-jaray meydkiisa, sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga. Illaa iyo hadda lama helin haraadiga jirkiisa. “Waxaan ogaanay in dilka Khaashuqji uusan ahayn mid horey loo sii qorsheeyey” waxaa sidaas yiri ku-xigeenka dacwad-oogaha guud ee Sacuudiga, Shalaan al-Shalaan oo shir jaraa’id qabtay. Dacwad-oogayaasha Sacuudiga waxay sheegeen in ku-xigeenka madaxa sirdoonka Ahmed al-Assiri uu madax u ahaa kooxda dilka fulisay, islamarkaana uu sidaas kula-taliyey la-taliyaha warbaahinta boqortooyada Saud al-Qahtani. “Si kastaba, Qahtani ayaa baaritaan lagu sameeyey balse dacwado laguma soo oogin sababo la xiriira caddeymo ku filan oo loo waayey. Sidoo kale, Assiri ayaa la baaray laguna soo oogay dacwado, balse dambiga lagu waayey, kadib markii isna caddeymo lagu waayey” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay dacwad-oogaha. Labadan nin ayaa ka mid ahaa dadka aadka ugu dhow dhaxal-sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, waxaana shaqada laga eryey kadib dilka.
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo saldhig u ah geeddi socodka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda Qaran. Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay tiirarka afarta ah ee uu ku saleysan yahay qorshaha Qaran oo kala ah amniga iyo siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, deegaanka iyo horumarinta bulshada ayaa sheegay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wadajir ah ay maanta awood buuxda u leeyihiin ka miro-dhalinta hiigsiyadooda Qaran. “Waxaa bogaadin mudan in aan soo bandhigno qorshe horumarineed oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno iyo khubaro Soomaaliyeed oo saldhig u ah Qorshaha Qaranka ee Shanta sano ee soo socota. Waxaa lagama maarmaan ah in aan u babac-dhigno xal u helista dhibaatooyinka soo noq-noqday ee jilbaha u dhigay dhaqaaleheenna iyo wax-soosaarkeenna.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Qorshahan Qaran uu caalamka u muujinayo sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, Dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda iyo sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga. Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, arrimaha ugu waaweyn ee qorshahani uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah; yareynta saboolnimada, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dowliga ah, hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, xoojinta sharciga, garsoorka iyo xaqiijinta amniga dalka. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Maareeyayaasha Wakaaladaha Qaranka, Aqoonyahanno iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  20. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa K/Galbeed oo isku dhinac ah iyo dagaalyahannada Al-Shabaab, kaas oo maanta ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay. Dagaalka ayaa yimid markii ay Al-Shabaab weerar saf ballaaran ah ku qaaday gudaha deegaankaasi oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhabo. Labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaan oo qaatay saacado badan, la’iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey boggagooda Internet-ka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi iyo dagaalka xigay ay ku dileen 8 Askari oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay inay muddo kooban la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Goofgaduud Buurey oo ka tirsan gobolka Baay. Dhanka ka kale saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo qalbka warbaahinta ayaa iyana sheegay in dagaal rogaal celis ah ay ku qaadeen xoggagii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, islamarkaana ay dib uga saareen halkaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, balse labada dhinac ayaa dhaq dhaqaaqyo milatari ka wada duleedka magaalada Baydhabo ee Caasimadda gobolka Baay. View the full article
  21. asaaradda Waxbarashada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu dhaqan galay Manhajka dugsiga dhexe ee dalka, kaas oo dhawaan ay soo saartay wasaaradda. Agaasimaha Xafiiska Manaahijta iyo fayo dhowrka Wasaaradda Waxbarashada, mudane, Maxamed Xasan Mukhtaar ayaa tilmaamay in Manhajka dugsiga dhexe uu dhaqan galay, isla markaana iskuullada dalka laga bilaabay Manhajkaan oo wax badan ka badeli doona sida uu yiri tayada waxbarasho ee dalka. Agaasimaha ayaa intaasi raaciyay in manhajkaan uu yahay mid ay soo diyaariyeen Macalimiin Soomaaliyeed,isagoo xusay in manhajkaan uu ka turjumayo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay mid uu leeyahay dalka Soomaaliya taasoo meesha ka saaraysa isticmaalka manaahijtii hore ee wadamada kale. Dhinaca kale iskuulada dalka ayaa soo dhaweeyay manhajkaan dugsiga dhexe ee ay wasaarad Waxbarashada soo saartay,iyagoo sheegay in uu yahay mid si wayn loo tayeeyay oo wax badan ka badeli kara waxbarashada. Maamulaha guud ee iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Al-Muxarram, Maxamed Cabdulqaadir Ibraahim “Maadeey” ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan Manhajka dugsiga dhexe,isagoo xusay in uu dhaqan galay. View the full article
  22. Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta shaaciyey liiska xubnaha Ahlu Sunna ku matalaya baarlamaanka maamulkaasi. Liiska oo ka kooban illaa 20 qof ayaa waxaa sidoo kale lagu shaaciyey beelaha ay ka soo jeedaan xubnahaasi. Warqadaan ayaa la sheegay inay hoggaanka Ahlu Sunna la wadaageen beesha caalamka oo kor kala socotay heshiiskii dhowaan lagu gaaray Dhuusamareeb. Halkan hoose ka aqriso: View the full article