Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Dubai)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa weli aqbali la’a safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas Xasan Xundubey Jimcaale. Dowladda federaalka, oo ka digtoon in laga faa’ideysto mas’iiuliyiinta hore ee safaaradda Abu Dhabi, oo ay aad iskugu dhowaayeen dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa 6 bilood ka hor u magacawday Danjire Xasan Xundubeey Jimcaale inuu hoggaamiyo ragga Soomaaliya ku matali doonto Imaaraadka. Hase yeeshee, Imaaraadka Carabta ayaan weli aqbalin danjiraha cusub, sidoo kalena aan si rasmi ah u diidin, ayada oo laga gudbay muddada 90-ka maalmood ee sharciga diblomaasiyadda ee ay tahay inay ku aqbasho ama ku diiddo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Imaaraadka oo aan dooneynin inay si toos ah xidhiidhka ugu jaraan Soomaaliya ayaa ka codsaday wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad inuu waqtiga uu u dheereeyo, taas oo uu oggolaaday. Wasiirka iyo xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka oo uu wehliyo safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo ku kulmay Nairobi ayaa la sheegay inay isku afgarteen in aan wax isbedel ah lagu sameeyn safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi, howsheedana uu sii wado Axmed Daahir Maxamed oo ah ku-sime. Diidmada aqbalaadda safiirka Soomaaliya ayaa waxaa Imaaraadka Carabta ku wehliya dalka ay xulufada yihiin ee Sacuudi Carabiya, oo iyana in ka badan lix bilood kadib markii la magacaabay aan weli wax aqbalaad ama diidmo ah siin danjiraha cusub ee Soomaaliya ay magacowday Cabdiakiin Xasan Ashkir. Xidhiidhka Soomaaliya iyo labadan dal ayaa xumaaday badhtamihii 2017-kii kadib markii ay Soomaaliya diiday inay xidhiidhka u jarto dalka Qatar oo labada dal ay colaad ka dhaxeyso. Source
  2. Muqdisho (SMN) – Sheekh Xasan Indhool oo ka mid ah naafada ku dhaqan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in haatan ay la daala dhacayaan daruufo nololeed. Sheekh Xasan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay inay u baahan yihiin gurmad bani’aadanimo, isagoo ugu baaqay DF iyo HirShabelle inay caawimaad la soo gaaraan. Halkanb hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-maxamed-cabdiqani.mp3 View the full article
  3. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa xafiiskiisa ku qaabisay wakiilada Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Kulanka dhex maray wafidaan oo uu horkacayey ergeyga gaarka ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Madaxweyne Waare ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dowlad goboleedka HirShabelle. Sidoo kale kulanka ayaa intii socday waxaa diirada lagu saaray dadargalinta iyo ka faa’iideysiga mashaariicyada horumarineed ee QM ka fuliso gudaha Soomaaliya. Waxyaabaha kale ee kulanka lagu qaaday waxaa ka mid ah arrimaha amniga iyo fataahadaha ku dhuftay deegaano ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe. Madaxweynaha HirShabelle oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday QM iyo Midowga Africa inay ka taageeraan dhibaatooyinka uu la daala dhacayo maamukiisa. HirShabelle oo markii hore wajaheysay dhibaato dhaqaale iyo mid amni ayaa waxaa hadda ugu sii darsamay, fatahaad uu webiga Shabelle ka sameeyey Beledweyne.
  4. Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle ayaa kulan gaar ah xafiiska kula qaatay wafdi uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wakiika Midowga Africa, ahna madaxa AMISOM, Ambasadoor Francisco Madeira. Kulanka dhinacyadaasi ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda kala duwan ee laga fuliyo deegaanada maamulka HirShabelle. Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimaha amniga iyo fatahaadaha ku dhuftay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  5. (SLT-Khartoum)-Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay kadib qarax xooggan oo ka dhacay gudaha warshad ku taalla magaalada caasimada ah ee Khartuum. Qaraxa oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa dhaliyay dab xooggan oo gabi ahaan ba qabsaday qeybo ka mid ah warshadan oo sameysa Mutuleelka. Dhanka kale mashaqadaan ayaa waxaa ku dhaawacmay 130 qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka Suudaan. Baadhitaano hordhac ah ayaa xaqiijinaya in qaraxa uu ka bilaamay mid ka mid ah haamaha lagu keydiyo Gas ka oo Warshada Taalay. Shacabka Suudaan ayaa loogu baaqay in ay tagaan Cisbitaalada si dhiig loogu deeqo dadka waxyeelada ka soo gaadhay mashaqadan. Source
  6. (SLT-London)-Madaxweyne Donald Trump ayaa dhiggiisa Farasnsiiska Emmanuel Macron ku eedeeyay hadalkii ka soo yeedhay ee ahaa in hadafkii gaashaan buurta Nato uu u dhintay. Mr Trump ayaa haatan ku sugan magaalada London halkaasi oo uu kaga qeyb galayo 70 guuradii gaashaan burta Nato. War saxaafadeed ayuu Mr Trump ku sheegay in Nato ay qabatay shaqo badan oo ka mid ah hadafkii loo asaasay, hadalka Macrona uu yahay mid aflagaaddo ah. Waxa uu sidoo kale sheegay inay u muuqato in Faransiiska uu ka baxayo Nato, balse sababta ma aanu sharixin. North Atlantic Treaty Organisation (NATO) ayaa waxaa la aasaasay ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxaana looga gol lahaa in lagaga hortago dhibaatadii sii baahaysay ee Midowga Soviet. 29-ka xubnood ayaa waxay ku heshiiyeen inay iska caawiyaan weerarkasato oo lagu soo qaado. Source
  7. Ciidanka amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inuu qorsheynayey in weerar uu ka fuliyey M/Muqdisho. Hay’adda nabad sugida ayaa baahisay sawirka ninkaasi oo ay sheegtay in la qabtay xilli uu doonayey inuu tuuro bamgacmeed. Ma shaacin hay’adda NISA magaca ninkaasi iyo halka uu doonayey inuu weerarka ka qaado. “Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh ayaa lagu yiri”qoraalka NISA.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska NISA. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan qabashada ninkaasi. Muddooyinkii dambe ciidanka dowladda ayaa laba jibaaray howlgallada amniga lagu sugayo ee M/ Muqdisho, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada. View the full article
  8. Soomaaliya ayaa ka qaybgalaysa Shir weynaha Isbedelka Cimilada ee kasocda Magaalada Madrid, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 10,000 oo qof oo ka kala socda 193 dowladood iyo aqoonyahano iyo xeel dheerayaal ka socda qaramada midoobay iyo ururada caalamiga, waxaana shirka furay Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay. Wafdiga Soomaaliya ku matalaya Shir weynahaan waxaa hogaaminaya Agaasimha Guud ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Axmed Yuusuf Axmed. Xubnaha wafdiga waxaa ka mid ah khubaro ku xeeldheer Deegaanka oo kala ah Dr. Ali Daud Mohamed iyo Dr. Ali Abdullahi Warsame. Inta shirku uu socdo Somaaliya waxa ay ka soo jeedin doontaa shirweynaha warbixino ku saabsan xaaladaha Deegaanka iyo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay Soomaaliya la yeelan doontaa kulamo gaar gaar ah hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan Deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka Cimilada. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-04122019.mp3 View the full article
  10. Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland S/Gaas muxiyadiin Axmed Aw-Muuse ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Mu’min Cabdi Shire. Ilo’ dhanka Amniga ah oo warkan u xaqiijiyay Puntland Post ayaa sheegaya in labada mas’uul uu khilaaf hoose ka dhexeeyay todobaadyadii la soo dhaafay islamarkaana aysan wax wada-shaqeyn ah dhexmarin. Taliye Muxiyadiin ayaa dikreetada uu shaqada kaga joojiyay G/sare Mu’min Cabdi Shire (Ina Madaxweyne) waxa uu ku xusay in uu amar-diiddo sameeyay sidaasi darteedna shaqada looga joojiyay. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliiska Puntland oo shaqada ka joojiyay Taliyihii Qeybta gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay ku deg deg ah la qaatay guddoomiye ku xigeenada amniga ee degmooyinka iyo saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa kala hadlay mas’uuliyiintaasi, sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, si looga hortago ay weerarada ay ka fuliyaan mararka qaar dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab. Intii uu socday shirka ayaa waxaa warbixino kala duwan lagaga dhegeystay guddoomiye ku xigeenada oo ka hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Caasimada. Guddoomiye Tuulax oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu yahay mid haatan xasilan, islamarkaana bilihii la soo dhaafay amniga laga sameeyey horumar ballaaran, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kaloo sheegay in warbixinada la xariira xaaladaha degmooyinka ay muujinayaan in ay yaraadeen dhacdooyinka dilalka, kadib markii ciidamada amniga Soomaaliya ay xoojiyeen howlgallada lagu xaqiijinay amniga magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Ugu dambeyn wuxuu uga mahadceliyey saraakiisha amniga iyo shacabka, sida ay uga go’an tahay inay ka wada shaqeeyaan nabad galyada gobolka Banaadir. Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa waxa ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadeen xaafadaha magaalada Muqdisho.
  12. Abu Dhabi (Caasimada Online) – George Musamali oo ah Kenyan agaasime ka ah Xarunta Maareeynta Halisaha ee Afrika, ayaa sheegay in dhacdooyinka gobolka Gedo ay yihiin kuwa ay dowladda Soomaaliya ku muujineyso awooddeeda, islamarkaana ay tahay in Kenya ay walaacdo. “Waxa Gedo ka dhacaya, waa dowladda Soomaaliya oo muujineysa awooddeeda, oo Kenya ku leh ma aqoonsanin maamulka Jublanad. Go’aanka madaxweyne ku-xigeenka Jubaland loogu diiday inuu galo Gedo ee uu ugu xaniban yahay Kenya ayaa muujinaya sida dowladda ugu awood badatay Gedo.” Ayuu yiri Musamali oo la hadlay qeybta English-ka ee VOA. Waxa uu sidoo kale sheegay in Kenya si tartiib ah looga tirayo Gedo, oo xuduud ay la wadaagto laguna beddelayo ciidamo Itoobiyaan ah. “Dowladda Soomaaliya waxay ceersaneysaa Kenya, Kenyan-ka ayaa laga saarayaa howl-gallada Gedo, waxaana lagu beddelayaaa ciidamo Itoobiyaan ah oo dowladda Muqdisho saaxiib la ah, waxaana dhowaan arki doonnaa dhaq-dhaqaaqyo culus oo halkaas ka dhaca” ayuu yiri. Musamali ayaa dhinaca kale sheegay in gobolka Gedo uu halis amni ku noqon karo Kenya, islamarkaana ay tahay in xukuumadda Nairobi ay ka walaacdo. “Maadaama hadda Kenyan-ka laga saaray Gedo oo dano badan ay ka leedahay, tani waxay halis amni ku tahay Kenya, sababtoo ah ma naqaan waxa ay sameyn doonaan ciidamada Itoobiya. Kenya waa inay arrintan ka wel-weshaa.” Ayuu yiri. Hadalka Musamali ayaa imanaya ayada oo inta badan maamulka gobolka Gedo uu u gacan galay dowladda Soomaaliya, kadib markii ciidamadii Jubaland ee gobolka ay shaaciyeen inay ku biireen dowladda Soomaaliya. Kenya waa dowladda kaliya ee si rasmi ah u aqoonsatay dib u doorashada madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.
  13. Qatar Fund for Development (QFFD) participated in a ceremony held by Somalia in connection with the rehabilitation project of the Diplomatic Institute. Source: Hiiraan Online
  14. Imagery from NASA-NOAA's Suomi NPP satellite showed that a tropical depression in the Arabian Sea has consolidated and organized despite facing wind shear. Source: Hiiraan Online
  15. Salad Mahamud Samatar showed no sign of life when firefighters found him in the 13th floor stairwell during a deadly fire that engulfed his apartment building last week. Source: Hiiraan Online
  16. Xubnaha Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka ayaa meel mariyay shaci ka hortagaya waxa loogu yeeray xarig aan sabab lahayn, jirdil, iyo dhibaateyn xukumadda Shiinuhu ku heyso muslimiinta Uighur ee ku nool gobolka Shinwaa. Xubnaha Aqalka ayaa ku baaqay in bartilmaameedku uu noqdo cunaqabateyn la saaro xubno ka mid ah madaxda dowladda Shiinaha iyo Chen Quanguo oo ah xoghayaha xisbiga Shuuciga ismaamulka gobolka Xinjiang. Sharciga ay meel mariyeen xubnaha Aqalka Wakiilad ayaa waxa uu u baahan yahay in ay ansixiyaan xubnaha Aqalka Senetka iyo Madaxweyne Trump. Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Shiinaha ayaa si caro leh uga jawaabay sharcigasi ay soo gudbiyeen xubnaha Aqalka Wakiilada,wuxuuna tallaabadaasi ku macneeya mid xaasidnimo ah. PUNTLAND POST The post Golaha Wakiilada Maraykanka oo ansixiyay Sharci taageeraya Muslimiinta appeared first on Puntland Post.
  17. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa weli aqbali la’a safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalkaas Xasan Xundubey Jimcaale. Dowladda federaalka, oo ka digtoon in laga faa’ideysto mas’iiuliyiinta hore ee safaaradda Abu Dhabi, oo ay aad isugu dhowaayeen dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa 6 bilood ka hor u magacawday Danjire Xasan Xundubeey Jimcaale inuu hoggaamiyo rrgada Soomaaliya ku matali doonto Imaaraadka. Hase yeeshee, Imaaraadka Carabta ayaan weli aqbalin danjiraha cusub, sidoo kalena aan si rasmi ah u diidin, ayada oo laga gudbay muddada 90-ka maalmood ee sharciga diblomaasiyadda ee ay tahay inay ku aqbasho ama ku diiddo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Imaaraadka oo aan dooneynin in ay si toos ah xiriirka ugu jaraan Soomaaliya ayaa ka codsaday wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad inuu waqtiga uu u dheereeyo, taas oo uu oggolaaday. Wasiirka iyo xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka oo uu wehliyo safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo ku kulmay Nairobi ayaa la sheegay inay isku afgarteen in aan wax isbedel ah lagu sameeyn safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi, howsheedana uu sii wado Axmed Daahir Maxamed oo ah ku sime. Diidmada aqbalaadda safiirka Soomaaliya ayaa waxaa Imaaraadka Carabta ku wehliya dalka ay xulufada yihiin ee Sacuudi Carabiya, oo iyana in ka badan lix bilood kadib markii la magacaabay aan weli wax aqbalaad ama diidmo ah siin danjiraha cusub ee Soomaaliya ay magacowday Cabdiakiin Xasan Ashkir. Xiriirka Soomaaliya iyo labadan dal ayaa xumaaday bartamihii 2017-kii kadib markii ay Soomaaliya diiday inay xiriirka u jarto dalka Qatar oo labada dal ay colaad kala dhaxeyso.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa darbi lagu wareejiyay dhismaha Barxadda Iskaashatooyinka Gaadiidka gobalka Banaadir ee ka soo horjeeda dhismaha xaafadii fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed ee Fiyooraha waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo arintaasi ku saabsan. Xaruntaan oo markii hore laheyd saddex albaab oo kaliya ayaa laba kamid ah lagu xiray darbi, waxaana laga qaaday biro ku xirnaa halka midka saddexaadna lagu jaray ganjeel taasi oo dhibaato ku noqotay dad badan oo halkaasi marin u aheyd iyo dhalinyaro xiliyada galabtii kubad ku ciyaari jiray. Wararka ugu badan ayaa sheegaya in laga kireeyay ganacsato islamarkaana lafilayo in laga dhiso dhismo ganacsi oo ka kooban maqaayad iyo hotel laga cunteeyo iyadoo qayb kamid ah loo reebi doono guddiga gaadiidka. “Waxaa la ii sheegay in laga kireeyay ganacsato islamarkaana laga dhisi doono hotel” ayuu yiri qof ka tirsan guddiga Iskaashatada gobalka Banaadir oo halkaasi ku shaqeeyo. Warar kale ayaa iyana sheegaya in loo xiray sababo amni maadaama ay ku dhawdahay madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana ay tahay jihada kaliya ee aan ka xirneen Villa Somalia ama aysan joogin ciidan lamid ah sida baraha kale ee Kontrool kuwaas oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya. Shacabka daggan Xaafadda Fiyooraha ayaa markii hore halkaan ay u aheyd wado sahlan oo ay ugu sii gudbaan Xamar-wayne balse waxay hadda ku qasbsan yihiin in ay ka wareegaan dhinaca Xaawa Taako iyagoo maraya laamiga madaxtooyada hormara.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bishaan si wayn u daahisay bixinta mushaarka Shaqaalaha dowladda iyo ciidamada Soomaaliya waxaana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya sababtii arrintaan keentay. Dowladda ayaa joojisay bixinta mushaaraadka ciidamada oo la bilaabay 26-kii bishii hore waxaana qaatay oo kaliya ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyadoo ilaa hadda aan la bixin mushaarka ciidanka kale iyo shaqaalaha dowladda qaarkood. Arintaan ayaa la ogeyn waxa keenay balse waxaa jira warar kala duwan oo ka soo baxay sababta dib u dhigtay ama loo hakiyay bixinta mushaarka oo xiligan ka hor la qaadan jiray. Shaqaalaha dowladda iyo ciidamada ayaa mushaarkooda heli jiray inta u dhaxeysa 26-ka ilaa 30-ka bil walba, balse bishaan oo maanta afar ah, ilaa hadda ma jirto wax mushaar bixin ah oo socda. Shaqaalaha qaarkood oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in laga yaabo inay tahay arrin farsamo, halka qaar kalena ay qabaan walaac ah in laga yaabo in lacagtii go’aday oo aan waxba loo hayn. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo arintaan ku saabsan waxaana isa soo taraya qayla dhaanta ciidamada Soomaaliya oo marxalad adag ku shaqeeya. Caasimada Online oo xiriiro kala duwan la sameysay dhowr wasaaradood iyo Villa Somalia, waa ay diideen inay ka hadlaan arrintan.
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa markale ka hadashay ciidamo ka soo goostay Maamulkeeda oo ku biirey Somaliland, kuwaasi oo dhowaan si weyn loogu soo dhaweeyay degaanka Taleex ee gobolka Sool. Sareeye Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle), Taliyaha guutada 26-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland, ayaa markii u horeysay sheegay in maamulkoodu uu shaqada ka fadhiisiyay Taliyihii watay ciidankii ku biiray Somaliland. Maxamuud Gubadle ayaa sheegay in G/S Cali Diiriye Baale la rusqeeyay bishii hore ee kow iyo tobnaad, kadib markii uu sameeyay amar diido ka dhan ah awaamiir ka soo baxday maamulkooda. Gubadle ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in Cali Baale uu diiday in uu soo xareeyo ciidamo uu watay, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay saddex iyo labaatan askari, si ay dowladu u diiwaan geliso kadibna u helaan tobabar. Taliyaha ayaa sheegay in Sarkaalkaasi uu doonayay in uu lacag ku qaato ciidamo aan diiwaan-gashaneen, midaasi oo ku sheegay in Puntland aysan marnaba aqbaleyn in ciidamadeeda ay ka sii mid ahaadaan askar aan diiwaan-gashaneen. “Ciidan haddaan la xaqiijin joogistiisa iyo tiradiisaba, maalinta uu dagaal dhaco ayaa la tabaa oo ceebtooda banaanka usoo baxdaa” ayuu yiri G/S Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle). Wuxuuna intaas ku sii daray “Balse haddii la ogyahay tirada kuu joogta ciidamada, ciidan walba kaalintiisa ayaa muuqanaysa”. Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili uu maalin ka hor un ka hadlay ciidamadaasi ku biirey Somaliland, Wasiirka warfaafinta Puntland oo isagu gebi ahaanba beeniyay in ciidamadaasi ka tirsanaayeen maamulkooda, isla markaana ku tilmaamay ciidamo maleeshiyaad beeleed ah oo la soo ururiyay.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ruux isku dayey inuu fuliyo weerar Bam gacmeed ah. Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in ruuxaan oo ka tirsan Al-Shabaab ay nolosha ku qabteen isaga oo aan geysan wax khasaare ah. “Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh” ayaa lagu yiri qoraalka caawa ka soo baxay hey’adda nabad sugidda. NISA ayaa sidoo kale bogeeda ku soo ban dhigtay sawirka ruuxaas iyo Bam gacmeedkii uu watay, mana shaacin magacaciisa.
  22. By Mohammed Yusuf Kenya’s president has said his forces will remain part of the African Union Mission in Somalia and leave the country when it’s secure and stable. The president’s statement came at a time Kenya’s forces are facing hostility in parts of Somalia for their support of the Jubaland administration, which the Somali government has refused to recognize. This month Kenya and Somalia agreed to normalize relations after months of diplomatic tensions between the two countries, which had differences on many issues, including the disputed Jubaland elections. Kenya has been the only country in the region to recognize the outcome of the contest in which Ahmed Madobe was re-elected for another four years. The Somali government is planning another election for Jubaland regional state. George Musamali is the director of the Center for Risk Management in Africa. “What is really happening is that the Somali government [is] pulling its muscles, showing very well we do not recognize the government in Jubaland. And this informed the decision to have the Jubaland vice president be denied access into Somalia and this is coming hot on the heels of now having Kenyans being removed [from] Gedo land to other areas of operation, bringing in more friendly Ethiopia force which friendly to the Mogadishu government. I think we are going to see a lot of activity going on in that area,” he said. Kenya sent its troops to Somalia in 2011 to push al-Shabab and protect its borders from the group’s terror attacks. Months later Kenya joined the African Union Mission in Somalia known as AMISOM. Kenyan President Uhuru Kenyatta said on Thursday his country will be in Somalia for a longer term. “As I have stated before our troops will continue in being part of AMISOM until such time that our objective has been achieved,” he said. Kenya has troops in Lower and Middle Juba and Gedo regions, which share borders with Kenya. Mohamed Abdullahi Gardhuub is the Luuq district commissioner in Gedo region. He says his area is under the control of central government forces. “The security is of the district is good. The area is being protected by the forces from the federal government and they are the ones who are in charge of the security. The forces are not only in Luuq district but they are in other seven districts of the Gedo region,” he said. This week Jubaland deputy leader was denied entry in Gedo region. Musamali said the Gedo region exposes Kenya to more security risks. “Now being moved out of Gedo an area that they have a lot of interest in clearly exposes Kenya to more insecurity because we don’t know how Ethiopians are going to play it. Kenya should be worried about that.” The issue of Jubaland leadership has been the tension for years between the Mogadishu administration and Kenya. In remarks to the United Nations Security Council, James Swan, the U.N. representative in Somalia, said the disagreement of the August polls in Jubaland poses a risk of violence, clan division, and external interference. Swan called on the leaders to address issues through dialogue, compromise, and pragmatism.