Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-23122019.mp3 View the full article
  2. Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ee loo yaqaanno Guuto Bari, ayaa maanta gadood ka sameeyay laamiga u dhexeeya deegaanka Carta iyo degmada Carwo ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Ciidanka gadoodka sameeyay oo ka cabanayay mushahaar la’aan, ayaa xannibay isu-socodka gaadiidka laamiga dheer ee xiriiriya gobollada Puntland, taasi oo culays badan ku keentay gaadiidka isaga goosha gobollada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Saraakiisha hoggaaminaysay ciidankaasi, ayaa ku amray gaadiidleyda in aysan ka gudbi karin isbaaro ay halkaasi dhigteen, tan iyo inta laga siinayo xuquuq iyo mushahaar kaga maqan dowladda Puntland. Xubno ka tirsan Odayaasha dhaqanka oo markii dambe halkaasi gaaray, ayaa saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ka dalbaday in ay isbaarada ka qaadan laamiga, si wada-hadal loola furo, balse saraakiisha ayaa diiday dalabka Odayaasha. Cutubyada gadoodsan ayaa weli haysta bartamaha laamiga, waxaana kala xiran isu-socodka gaadiidka, iyadoo ay halkaasi gaadiid badan ku xanniban yihiin. Gadoodka ciidanka Daraawiishta ayaa ku soo beegmay, xilli Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay sheegtay, in ay bil kasta bixiso mushahaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha dowladda. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidamo ka gadooday mushahaar la’aan appeared first on Puntland Post.
  3. Waxaa meel muhiim ah soo gaaray wadahadalladii saddex geesoodka ahaa (u dhaxeeyaa Suudaan, Masar iyo Itoobiya), kuwaasoo ku saabsan biyo-xireenka Afrika ugu weyn ee dariskeenna Itoobiya ka dhisayso Webiga The Blue Nile. Wadahallada, oo lasoo billaabmay dhismaha mashruuca sanadkii 2011, ayaa marna joogsanayay, marna soconayay in kastoo weli heshiis la gaarin. Hase ahaate, maadaama dhismuhu uu idlaanayo sanadka 2020, waxaa lagama marmaan noqotay in xal laga gaaro muranka. Dawladda Maraykanka ayaa dhowaan soo dhexgashay saddexda dal, oo dhex-dhexaadin u billoowday, waxaana la rajeynayaa in heshiis dhaco horraanta sanadka soo aaddan (eeg qoraalka U.S. Department of the Treasury ee sare). Haddaba, Dawladda Soomaaliya waxaan u soo jeedinayaa inay wadaxaajoodkaas qeyb ka ahaato, tusaale ahaan korjooge. Maadaama Soomaaliya tahay dal qeyb weyn, oo dhulbeereedkiisa ah, uu ku tiirsanyahay webiyada kasoo billaabma buuraha Itoobiya, waa muhiim inay arrintaan si dhow ula socoto, aragtideena ku biiriso haddii/markii loo baahdo. Waxaa xusid mudan laga soo billaabo toddobaatameeyadii in Dawladda Masar ay horjoogsatay dhowr hindise, oo Itoobiya ku dooneysay inay biyo-xireen uga dhisto Webiga The Blue Nile, oo kasoo billaabma dhulka buuraleyda Itoobiya (the Ethiopian Highlands). Hase ahaatee, Itoobiya waxay ka faa’iidaysatay dhacdooyinkii Gu’ii Carabta, kaasoo saameeyay Masar iyo Suudaan ba. Labaduba waxay ka warheleen ku dhawaaqidda masruuca biyo-xireenka ayagoo arrimahooda gudaha ku masquulsan, diblumaasiyad ahaan na aan diyaarsaneyn. Itoobiya, waxaa aad usii caawiyay af gambigii ciidanka Masar uu awoodda kaga riday Muxammad Mursi, sababay na in Midowga Afrika uu xubinnimadii Masar hakiyo. Mashquulka gudaha iyo kala daadsanaanta diblumaasiyadeed ee Masar waxay keentay in Itoobiya dhisto biyo-xireenkaas ay dooneyso inay ku horumariso dhaqaalaheeda kobcaya iyo tirada dadkeeda sida xad dhaafka u kordhaya (shacabka Itoobiya haatan waa 100 milyan qiyaastii. Sanadka 2050 (yacni 30 sano gudahood) waxaa la filayaa inuu gaaro 188 milyan, taasoo Itoobiya ka mid dhigeysa tobanka dal ee ugu dadka badan). Soomaalidu waxay tiraa “Ninkii walaalkii loo xiirayoow, adna soo qoyso.” Soomaaliya iyo Masar, iyo Suudaan ba, waxay wadaagaan inay yihiin dalal noloshoodu, gaar ahaan waxsoosaarkoodu, ku tiirsantahay webiyada Eebbe dhulka Itoobiya ka dillaaciyay. Waxaan aamminsanahay in Webiyada Jubba iyo Shabeelle, oo inta badan beeraha Soomaaliya biyo siiya, ay Itoobiya maalin (dhowaan ama fogaan) uun leexin doonto. Haddii ay Nile leexisay kuwaan yar-yar inay leexiso cidna kama hor-istaagi karto. Balse Soomaaliya waxay awooddaa inay arrintaas u diyaar garowdo, ayadoo wax ka baranayso qadiyadda Nile. Taladeydu ma ahan in Soomaaliya khilaafka Nile ay dhexda iskaga tuurto amaba Itoobiya kasoo horjeesato. Taladaydu waa Muqdisho korjooge haka noqoto doodaas, taasoo ka caawin doonta u diyaargarowga khilaaf kaas lamid ah mustaqbalka. Villa Somalia waa inay guddi ka kooban khubaro (biyaha iyo bey’ada) iyo diblumaasiyiin, oo arrintaas & xalkeeda, si hoose ula socda si deg -deg ah u magacowdaa kadibna u howl gelisaa. Waan ogsoonnahay Soomaalidu muranka qeyb kama aha, balse fogaan aragnimo iyo firfircooni ayaa ka wanaagsan falcelisnimo, maadaama ay jirto suurtagalnimo uu murankaas oo kale uu kussoo foolsaari karo. Waxaan kale, oo aan soo jeedinayaa in suurtagalnimada Itoobiya ku leexin karto webiyadeenna doodo laga furo, dadweynaha lala wadaago, warbaahintuna ka hadasho. Cabdinor Daahir Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in loo baahanyahay in dadka qaxootiga ah ee ka soo laabanaayo dalka Kenya loo sameeyo mid ka duwan noloshii markii ku qasabrtay in ay qaxooti noqdaan. Madaxweynaha ayaa xusay in hadda dadkaasi caruurtooda ay waxbarasho heystaan miyiga in ay la qabsadaanna ay ku adagtahay loona baahan yahay in laga taageero shaqo abuurna in loo sameeyo waxaana uu yiri” Dadka soo noqonaya waxaa ay u baahan yihiin mustaqbal danbe iyo noloshooda in ay ku filnaadaan, waxaan marar badan kala hadalnay dowladda Kenya iyo hey’adda UNHCR in dadka inta xero qaxooti laga soo qaado oo dalka gudihiisa la keeno ayna macno badan saneyneynin, waxaa asalka ah ay tahay in dadkaan shaqo abuur in loo sameeyo, la dejiyo dhul eereedka ay beeraha ka abuuran karaan ilaa, qalabkii ay wax ku beeran lahaayeen iyo arrinta labaad oo aheyd in ay helaan kaluumeysi” Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkii siiwato ayaa ka digay in arrinta qaxootiga dalka ku soo noqonay in la siyaaadeeyo, waxaana uu xusay in dadka qaxootigaa ay u badan yihiin Jubbaland waxaana uu yiri” In la siyaasadeeyo sax ma ahan dadka qaxootiga ah gobalkaan ayey u badnaayeen sababtey doonto ha noqotee, haddii la yiraahdo siyaasad ayaa lagu qeybinayaa oo degmooyinka ayaa loo qeybinayaa waxaa xaq u leh cidda ugu badan iyo tirada in lagu qiimeeyo” Dhanka kale Madaxweyne Jubbaland ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka ah in ayadu wado in la siiyaasadeeyo qaxootiga waxaana uu ugu baaqay in arrintaas ay joojiyo waxaana uu yiri ” Waxaan leeyahay dowladda federaalka ah haka deyso yeeyna siyaasadeynin waxyaabaha mushtamaca loo qabanaayo ee baahida gaarka ah ay ka jirto wax siyaasad geli karo maahan dadku waa Sooamaali dalkuna waa Soomaali taas waxaan leeyahay siyaasad magali karto” Ugu danbeyn Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka qaxootiga ah ee soo laabanaayo looga faaiideysto sidii ay u xalisay dowladdii kacaanka dalka markii abaartii Dabadheer 1974-kii ku dhufatay dalka” Soomaaliya 1974-kii Abaartii Dabadheer waxaa dadka Soomaaliyeed iligaas dowladdii ugu faaiideysay in dadkii reer baadiyaha ahaa inta ay soo rarto qaarkood ay Kaluumaysato yihiin oo ay ku gaboobeen qaarna ay Beeraleey yihiin caruurtoodiina ay wax baratay”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo saldhig u ah geeddi socodka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda Qaran. Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay tiirarka afarta ah ee uu ku saleysan yahay qorshaha Qaran oo kala ah amniga iyo siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, deegaanka iyo horumarinta bulshada ayaa sheegay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wadajir ah ay maanta awood buuxda u leeyihiin ka miro-dhalinta hiigsiyadooda Qaran. “Waxaa bogaadin mudan in aan soo bandhigno qorshe horumarineed oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno iyo khubaro Soomaaliyeed oo saldhig u ah Qorshaha Qaranka ee Shanta sano ee soo socota. Waxaa lagama maarmaan ah in aan u babac-dhigno xal u helista dhibaatooyinka soo noq-noqday ee jilbaha u dhigay dhaqaaleheenna iyo wax-soosaarkeenna.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Qorshahan Qaran uu caalamka u muujinayo sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, Dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda iyo sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga. Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, arrimaha ugu waaweyn ee qorshahani uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah; yareynta saboolnimada, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dowliga ah, hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, xoojinta sharciga, garsoorka iyo xaqiijinta amniga dalka. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Maareeyayaasha Wakaaladaha Qaranka, Aqoonyahanno iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka appeared first on Puntland Post.
  6. Ahlu-sunna Waljameeca ayaa soo saartay liiska 20-ka xildhibaan ee uga mid noqonaya baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug. Liiskan waxaa ku xusan magacyada xildhibaannada iyo sidoo kale beelaha ay kasoo kala jeedaan, kuwaasi oo si buuxda u matali doona dhanka Ahlu-sunna. Hoos ka akhriso liiska: Source: goobjoog.com
  7. The State of Qatar has provided the Federal Republic of Somalia with computers, printers and radio devices as a gift from Qatar’s Civil Aviation Authority to its Somali counterpart. H.E. Ambassador of the State of Qatar to the Federal Republic of Somalia Hassan bin Hamza Hashem handed over the shipment to the Director-General of the Somali Civil Aviation Authority Ahmed Moallim Hassan. The handover ceremony was attended by H.E. Somali Minister of Transport and Civil Aviation Mohamed Abdullahi Salat, MPs and officials of the Civil Aviation Authority, in addition to representatives from the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), the African Union Mission for Somalia (AMISOM), as well as International Civil Aviation Organization (ICAO), and the Turkish FAVORI LLC, the company managing Mogadishu’ Aden Adde International Airport. The Somali Minister of Transport and Civil Aviation extended thanks to the State of Qatar’s continues support for the Somali Government and people in all fields, expressing his gratefulness for supporting the Somali Civil Aviation Authority. For his part, the Director-General of the Somali Civil Aviation Authority thanked the State of Qatar for supporting the Somali Civil Aviation Authority with the valuable technical equipment. He also indicated that the Qatari support would be for the entire of Somalia not only the capital Mogadishu and that they are going to distribute it on all of the country’s airports. View the full article
  8. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa shaaciyey liiska 20 Xubnood ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ka siiyey Baarlamaanka Cuusb ee loo xulayo Dowlad Goboleedka Galmudug. Qoral kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu soo bandhigey Magacyada 20 xubnood kasoo galaya Baarlamaanka Galmudug dhinaca Ahlusunna iyo Beelaha ay kasoo kala jeedaan. Warqadda ayaa la rumeysan yahay inay Ahlu Sunna u dirtay beesha Caalamka, waxayna guddiga doorashada Galmudug Caasimadda Online u xaqiijiyeen inaan weli xafiiskooda lasoo gaarsiin liiskaan. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah u xaqiijisay inay Ahlu Sunna u ogolaatay 20 kamid ah Xildhibaanada Galmudug, iyadoo la filayo inuu Ra’isulwasaare Kheyre tago magaalada Dhuusamareeb si loo adkeeyo heshiiskaas. Halkaan hoose ka akhriso magacyada iyo qabiilada 20-ka Xildhibaan ee Ahlu Sunna
  9. Dagaal qaatay saacado badan oo Laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu saaka ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey bo Baidoa u jirta Qayaastii 30 km. Al-shabaab ayaa la sheegayaa iney soo weerartay fariisimada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee deegaankaasi. In la xaqiijiyey, khasaaraha waa 10 dhimasho ah iyo 20 dhaawac ah oo u badan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana la sheegayaa in meydka iyo dhaawacyada la keenay magaalada Baydhaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Turkey’s police special operations chief is in Somalia’s capital Mogadishu to boost cooperation between the two countries, the Turkish Embassy in Somalia said Monday. In a statement, the embassy said the Chief of the Special Police Unit of the Turkish National Police, Selami Turker, paid an official visit to Somalia. “He met with Somali officials and had the opportunity to exchange views on the ongoing cooperation between our two countries,” it said. The embassy said that Turker also participated in celebrations for Somali Police Day as the chief special guest. “In addition, he attended the groundbreaking ceremony of the Somali Special Police Forces H.Q. building,” the embassy added. Kenya and Somalia are among the East African countries that have benefited from free Turkish police training to boost security in the region. The police training offered included courses in basic intelligence, pedestrian and mobile tracking, counter-terrorism, organized crime, shooting techniques and tactics, guarding VIPs, police defense tactics, intelligence in combating global terrorism, crisis/hostage negotiation, protecting important premises against terrorism, and cybercrimes. View the full article
  11. Reports reaching at Radio Shabelle’s news desk from the Middle Shabelle region indicate that the Somali military has prepared an offensive to drive Al-Shabab out of the remaining pockets. The movements are being felt in the area of Haji Ali and its surroundings, where the deputy commander of the Somali army recently visited. The situation is now tense and it is feared that fierce fighting could erupt there at any time. Somali troops backed by AU and US soldiers have managed to recapture villages in Lower Shabelle region, including Anole, Sabiid, Bariire, and Awdhegle during joint military raids. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa hal sano kadib ka hadlay xarigga, Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa wareysigan ku sheegay inuu booqasho ugu tegay Roobow, balse uusan xirneyn ee uu degan yahay guri, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu caafimaad qabo wadaadka, basle kaliya laga xayiray inuu sameeyo dhaq dhaqaaq guud iyo mid siyaasadeed intaba. “Mukhtaar Roobow waa soo salaamay, waa caafimaad qabaa, guri ayuu degan yahay, ma xirno, waxaa u dhiman kaliya xuquuqdiisa kale sida dhaq dhaqaaqiisa iyo dhaqaaqa siyaasaddiisa, taasna waa ka shaqeyneynaa sidii uu u heli lahaa.” ayuu yiri Lafta Gareen. Dhinaca kale wuxuu Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata hoosta ka xariiqay inuu dadaal badan ku bixiyey xariga Sheekh Mukhtaar Roobow, welina uu wado. Madaxweyna Lafta Gareen ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay inuu 80% xaliyey rabshadihii ka dhacay Koonfur Galbeed ee ka dhashay xariga Abuu Mansuur, kuwaas oo dhacay ka hor inta aan loo dooran hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday inay jiraan dad ka soo hor jeedka maamulkiisa, islamarkaana si xun wax uga sheega Koonfur Galbeed, isaga oo u digay dadkaasi. Roobow oo horay u ahaa hogaamiye ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa sanadkii hore 2018-kii dowladda Soomaaliya ka soo xirtay magaalada Baydhabo, isagoo xilligaas ahaa musharrax madaxweyne, waxaana loo soo qaaday magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
  13. Wararka naga soo gaaraya deegaanka Horufadhi ee gobolka Sool, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Maleeshiyo beeleed halkaasi wada deggan. Xiisaddan ayaa daba socota dil xalay deegaankaasi loogu geystay nin la sheegay inuu ka mid ahaa dadka deegaanka, waxaana dilkiisan lala xiriiriyey aano qabiil. Dad ku sugan Horufadhi ayaa inoo sheegay in uu jiro abaabul, ayna is uruursanayaan maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan, waxaana laga baqayaa in dagaal uu dhaco. Dhanka kale, waxgarad ku sugan Buuhoodle ayaa la sheegayaa iney isku abaabulayaan sidii ay xiisaddan ku damin lahaayeen, wax walbana looga wadahadli lahaa. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goojoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan guddiga u qaabilsan wadahadllada Somaliland ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen sii amba qaadida wadahadallada laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dhinac. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangali) oo ka tirsan xubnaha guddigaasi oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa tilmaamay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay wadahadal la furto maamulka gooni isu taaga ah ee Somaliland. Jangali ayaa carabka ku dhuftay in tan iyo markii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu magacaabay guddiga ay wadeen xog uruurin iyo kulamo wadatashi ah oo ay la lahaayeen qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay sugayaan kaliya dhinaca Somaliland, gaar ahaan guddiga wadahadalladaasi uga qeybgali lahaa. “Annaga diyaar baan nahay howsheena waa wadaanaa, howshaas ma ahan howl ku xiran maamul kaliya mid joogaya iyo mid aan xafiis joogeyn, waxaa sugeynaa guddigii nala fal geli lahaaee ka imaanaya Somaliland ee wada hadalka nala bilaabi lahaa, wax walba oo jira wada hadal ayaa lagu dhameyn doonaa, dad wada hadla ayaa heshiiya.” ayuu yiri Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangali). Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka guddi ahaan ay diyaariyeen qorshaha iyo sida ay uga howlgali lahaayeen wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay magaalada Muqdisho uu ka furmay shir horu dhac u ah midka wadahadallada ee labad dhinac, kaas oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka, islamarkaana ay ka qeyb galayaan waxgarad matalaya Somaliland. Afartii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa hakad ku jiray wadahadallada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyadoona hadda la doonayo in markale la sii amba qaado.
  15. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa waxqabad xumo ku eedeeyey xukuumadda Muuse Biixi oo uu sheegay iney dayacday magaalada Hargeysa. Wuxuu sheegay Waraabe in muddo 28 sano ah aanay jirin xukuumad dhistay waddooyinka magaalada Hargeysa waxna u qabata shacabka Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye. Guddoomiyaha xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay muuqato Hargeysa iney u darsatay dowladda uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre. “Isma lahayn Hargeysa waxay u darsan doontaa dadkii Xamar laga soo magacaabayey, weli waxaan ku shaqeysannaa dhismayaashii ay dadkaas dhisee, 28 sano ma jirto cid wax qabatay” ayuu yiri Waraabe. Ugu dambeyn, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, islamarkaana haddii aanu waxba u qaban shacabka isku soo bax sameyn doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Wararka laga helayo degaanka Goof-Guduud Buureey, oo hoosyimaada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi saaka dagaal culus ku dhexmaray ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa saaka waaberkii weerar culus ku ekeeyay, fariisimo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku lahaayeen degaanka Goof-Guduud Buureey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan, sida laga soo xigtay dadka degaanka. Qoraal ay soo saartay Al-shabaab, ayay ku sheegteen in ay qabsadeen degaanka Goof-Guduud, islamarkaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Al-shabaab waxay qoraalkooda ku sheegteen, in ay dileen ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, halka sida ay sheegeen dhaawacyo intaasi ka badana ay gaarsiiyeen . Balse, ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Al-shabaab, sidoo kalena saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed weli wax war ah kama soo saarin khasaaraha dagaalka. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen degaan hoostaga magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  17. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo saaka aroortii hore ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla deegaanka Goofgaduud-Buurey oo ka tirsan gobolkaasi. Weerarka ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana qaatay saacado badan uu ka dhacay halkaasi. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaan iyo weerarka ka horreeyey ayaa sheegtay in ay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heynta deegaankaasi oo ah mid istaartiiji ah. Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 8 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Baay oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay. Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, iyadoona dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay isku ballaariyeen deegaanka Goofgaduud-Buurey. Inta badan Al-Shabaab oo weli ku xoogan Koonfur Galbeed ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.
  18. Xalay fiidkii, waxaa xildhibaannada golaha shacabka u soo dhacay fariimo abuuray jahawareer iyo isku dhexyaac badan. Saddex fariin oo kala duwan ayaa u soo dhacday saacad gudaheeda, oo kala xambaarsan ballamo kala duwan, taasi ayaana keentay jahawareerka. Fariinta 1aad: M.ne Xil Beri oo Isniin ah Tar 23 Dec waxaa jira Kulan weynihii Golaha. Agendaha U Codeynta H/Sh Maaraynta & Maamulka Maaliyadda U Codeynta H/Sh Shirkadaha Akh3aad ee H/Sh Doorashooyinka Fariinta 2-aad waxaa laga soo reebay akhrisnta 2-aad ee sharciga doorashooyinka, oo waxaa loo dhigay: M.ne Xil Saxitaan – Raali Ahow 1 Akh3aad ee H/Sh Doorashooyinka cilad farsamo awgeed waa laga saarey Agendaha bari Fariinta 3-aad: M.ne Xil shirkii beri oo Isniin ah Tar 23 loo balansanaa waa baaqday Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Shirkaan oo galaya wejigiisa labaad ayaa saacadaha soo socda ka furmi doono deegaanka Buq Qalooc oo ka tirsan gobolka Mudug. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo xalin lahaa colaada gobolkaasi, gaar ahaan dagaalladii ka dhacay deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq. Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka, waxgaradka deegaanka iyo odayaasha maleeshiyaadka labada dhinac. Wariyaha Shabelle Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa ka warramaya wararkii ugu dambeeyey iyo dadaallada nabadeed ee ka socda gobolka Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Gaab.mp3 View the full article
  20. Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay Beledweyne ayaa eedeyn culus u jeediyey HirShabelle. Guddoomiye hore Dabageed ayaa sheegay in dhibaatooyin is biirsaday ay haatan ka jiraan deegaanada maamulkaasi, islamarkaana laga gaabiyey in wax laga qabto. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda sare ee maamulka HirShabelle ay ku fashilmeen arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu dambeyn Yuusuf Dabageed ayaa hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay go’doomisay labada magaallo ee Jowhar iyo Beledweyne, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-cabdiqani-1.mp3 View the full article
  21. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamada milatariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Xaaji Cali iyo nawaaxigiisa, halkaas oo uu dhowaan gaaray taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Ujeedka howlgalladaan cusub ayaa ah sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ku xeeran degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in markale dagaal culus uu ka qarxo halkaasi. View the full article
  22. Wararka ka imaanaya degaanka HORU-FADHI ee gobolka Cayn ee Puntland ayaa sheegaya in halkaasi saaka ay ka taagantahay xiisad u dhexaysa laba malayshiya-beeleed kadib markii xalay degaanka lagu dilay qof shacab ah. Dilka ka dhacay tuulada HORU-FADHI ayaa sida la xaqiijiyay waxa uu la xiriiray aano-qabiil waxaana ku dhintay nin ka soo jeeda dhinacyada dirirtu ka dhexayso taasi oo mar kale xiisad colaadeed abuurtay. Xiisadda ka soo cusboonaatay degaanka HORU-FADHI ee gobolka Cayn ayaa sida la sheegayo salka ku haysa dagaal-beeleedyo horay marar kala duwan halkaasi uga dhacay kuwaasi oo u dhexeeya laba beelood oo degaanka wada-deggan. Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan in Waxgaradka iyo Odayaasha magaalada Buuhoodle ay ku hawllan yihiin sidii loo dejin lahaa xiisadda ka aloosan degaanka islamarkaana looo baajin lahaa colaad mar kale dhacda. PUNTLAND POST The post Xiisad ka taagan degaanka HORU-FADHI ee gobolka Cayn appeared first on Puntland Post.