Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,024
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. United Nations Security Council has unanimously adopted Resolution 2500 renewing the authorisation for Somalia anti-piracy measures to December of 2020. Source: Hiiraan Online
  2. Soomaalida ku nool dalka Uganda gaar ahaa kuwa dagan magaalada Kampala ayaa ka cabanaya tuugo badan oo si gaar ah u gaarsata Soomaalida iyagoo u gaysta dhac iyo waxyeelo badan, sida jirdil ay la kulmaan marka ay tuugada wax ka qaadaanayaan. Qaar ka mid ah dadk Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay xiligaan soo bataan dhaca Soomaalida loo gaysto oo wadooyinka loo galo halka qaar kalena guryahooda loogu dhaco oo waxii guriga u yiila laga qaato. Maxamed Cabdullaahi oo loo yaqaan Qarash ayaa ka sheekeeyay sababta sanad walba keenta in xiligan tuugada usoo bataan waxa uuna yiri” Wadankan aan ku nool nahay ee Uganda waa dad aqlabiyadiisa u badan yihiin Karishtan,marka la gaaro bisha Disembar ee u dambeysa sanadka 25-teeda ,waxa ay u dabaal dagaan Christmas day dalkuna fasax rasmi ah ayuu galaa, sidaa daraateed waxaa bata dhac iyo tuugada wadooyinka istaagta”. ayuu yiri Qarash Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in meelaha sida gaarka ah tuugada u beegsato ay ka mid tahay xaafadda Soomaalida degto ee Kenseye ee ku taala bartamaha Kampala. Uganda ayaa la sheegaayaa in si guud ahaan ay ku nool yihiin Soomaali kor u dhaafaysa 20 kun oo isugu jira qaxoonti iyo ganacsato dagan dalkan, Soomaalida ayaana ku haysta xuriyad wanaagsan oo isku socodka gudaha dalka ah iyo mid ganacsi, iyagoo aan muwaadinka Soomaaliyeed wadooyinka lagu waydiin sharcigooda sida dalalka qaar. View the full article
  3. Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku soo qabteen darawal kaxeynayey gaari laba caruur ah ku jiiray deegaano hoos yimaada degmadaasi. Caruurta oo walaalo ahaa ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona saraakiisha ammaanku ay sheegeen in baaritaano dheeraad ah ay ku sameyn doonaan dhacdadaasi. Sidoo kale waxa ay sheegeen in howlgallada lagu xaqiijinayey amniga Cadaado, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada ee mararka qaar ka dhaca magaaladaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ayaa xoojiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug. View the full article
  4. MOGADISHU (HOL) - Former President Hassan Sheikh has warned against any attempts to delay the 2020 elections noting there were no reasons not to hold the elections in time. Source: Hiiraan Online
  5. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo Daah-furay Qorshaha Hawl-qabadka Shanta Sannadood ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Shirka Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee maanta oo Khamiis ah, ayaa looga hadlay xaaladda Roobabkii ka da’ay gobolka Gardafuu iyo sidii caawimaad deg deg ah, mudda saddex maalmood gudahooda loo gaarsiin lahaa shacabka gobolkaasi, sida uu sheegay Af-hayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani. Af-hayeenka ayaa Sidoo kale tilmaamay, in shirka Golaha looga hadlay Guddiyada Golaha Xukuumadda oo isu diyaarinaya in ay Baarlamaanka uga warbixiyaan waxqabadka Xukuumadda 9-kii bilood ee lasoo dhaafay, Digniinta Dowladda ee Roobab Dabaylo wata oo la saadaaliyey in ay kusoo waajahanyihiin xeebaha Puntland iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha Puntland. Hoos ka daawo muuqalka oo dhan PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada taageersan kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadlay hadal muran badan abuuray oo uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka jeediyey dalka Jarmalka, kaasi oo culimada qaar ay ku sheegeen inuu xadiis saxiix ah ku beeniyey. Wadaadada Al-Shabaab oo ka hadlay idaacadda Andalus ee Al-Shabaab ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku eedeeyey “inuu Allah ku kufriyey”, sida ay hadalka u dhigeen. Wadaadada Al-Shabaab waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu “adduunyo raadin darteed ugu gefay axaadiista suubanaha.” Culimada Al-Shabaab ayaa dhanka kale ku baaqay in Cabdiraxmaan “laga beddalo magaca wanaagsan ee uu wato loona bixiyo Cabdi Kaffuur ama Cabdi Diinaar.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu iska diiday inuu beeniyey xadiis saxiix ah, isaga oo sheegay inuusan marnaba si gaar ah u xusin xadiis. Qoraal uu soo dhigay facebook, oo uu kaga hadlay arrintan muranka dhalisa, waxa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri “Aniga waxaan sheegay in culimada qaarkood ay dumarka si bareer ah duudsiyaan xuquuqdooda iyo kaalintooda siyaasadeed, iyagoo sheega in “Caqligooda iyo Diintooda” ay yihiin kuwa dhiman oo naaqus ah, waxaan kalo sheegay in xaqiraada loo adeegsado Xaddiis Been-abuur ah oo faalso ah oo ay culimada jeebka kala soo baxaan.” Waxa uu intaas ku daray “Anigu marna ma aanan soo qaadan xaddiis goonni ah oo aan leeyahay xaddiis hebel waa been oo sannadkiisa السند (Taxanaha Warinta) ayaa daciif ah ama mawduuc ah ama matnigiisa المتن (Erayada Xaddiiska), mana inkirsani saxiixnimada Xadiiska ay culimo badani ka hadleen.”
  8. (SLT-Iran)-Madax ka mid ah Dawladda Maraykanka ayaa sheegay in mid ka mid ah Maraakiibta Dagaalka Maraykanka ee ku sugan Gacanka Cadmeed uu qabtay Shixnad Gantaallaha IRAN ah oo loo siday Dagaalyahannada Yemen. Masuuliyiinta Maraykanku waxay sheegeen inay tahay markii koowaad ee Shixnad Gantaallada noocaas ah la qabto iyaga oo loo sii wado dhanka Fallaagada ka dagaalama Yemen. Hubkan ayaa waxa sidday oo lagu qabtay doon yar, waxaana qabtay Ciidammada Badda ee Maraykanka ee halkaa ku sugan, sida uu Khamiista Maanta baahiyey Wargeyska The National. War kale oo ka soo baxay Waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon ayaa lagu xaqiijiyey in Maraakiibta dagaalka ee Maraykanku ay qabteen Gantaalo Casriya oo loo waday Yemen, baadhitaanno lagu sameeyayna la ogaaday in gantaalladaa Asalkooda hore ay IRAN farsamaysay. Warku wuxuu intaa ku darayaa in illaa hadda baadhitaan lagu wado Gantaallahaasi. Ciidammada Maraykanka ayaa sheegay in shaqaalihii Doonta lagu qabtay Hubka ay ku wareejiyeen Ciidammada badda ee Dawladda Caalamku aqoonsan yahay ee Yemen. IRAN ayaa taageerta Kooxda Xuutiyiinta ee dagaallada ka wadda Dalka Yemen isla-markaana weerarrada ku qaadda boqortooyada Sucuudiga. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Lacagta Laga Jaray Xisbiyadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa ka hadlay jabhadii kornayl Caarre iyo xaaladda degmada Ceel-afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa siidaysay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sunne) oo ka mid ah Culimada Somaliland iyo dhallinyaro kale oo la xidhnaa. Sheekh Aadan-Sunne oo Ciidammada Boolisku xidheen dabayaaqada Sannadkii 2017-kii, ayaa saaka la hor-geeyay Maxkamadda sare, taasi oo soo saartay Amar ah in la siidaayo Sheekha iyo dhallinyarada. Go’aankan oo ay maxkamadda Sare gaadhay ayaa loogu ogolaaday Sheekha iyo Dhalinyaradaaasi in xorriyadooda loo soo celiyo, Halka laba kale oo la xidhnaa iyagana Kiiska laga khafiifiyay. Sheekh ayaa dhawr jeeroo hore Xabsiga la dhigay, hase-yeeshee Markan u danbaysay oo ay qabashadiisu ku beegnayd Dabayaaqadii sanadkii 2017Kii waxa uu ahaa wakhtigii ugu dheeraa ee xidhnaado. Dhallinyarada iyagana xorriyadooda loo soo celiyey, ayaa xilligii la qabtay ee la xidhay waxa uu Boolisku sheegay inay goob ku taalla Koonfurta Hargeysa ay ku qaadanayeen Tababbar Ciidan. Source
  12. Qof walba oo saameyn ku yeesha bulshada dhexdeeda waxaa waajib ku ah inuu barto nooca dadkiisa iyo inuu mar walba digtoonado. Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu 10 sanno la tacalaya Baddii ayaad iibsatay iyo maya ee waan badbaadiyay. Sababta weli ay dad badan u aamini la’a yihiin waa inuusan xiligeedii si weyn iska difaacin eedaas, oo markii xoolo dhaqatidii xitaa warkii gaaray kadib uu soo baraarugay. Sheekh Umal wuxuu 5 sanno ka badan la tacalaya Nabiga (NNKH) ayaad af-lagaadeysay ee towbad-keen iyo maya ee waa Xadiis. Dad badan ayaa weli u arka nin gef ku dhacay. Sababta loo aamini la’a yahay waa inaan xiligeedii xal loo raadin arrintaas. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa suuqa u taala waa musuq maasuqiiste weyn, dhowr jeer ayuuna madaxweynuhu arrintaas beeniyay, laakiin dad badan weli kama qancin sababtoo ah markii arrintaas lagu shaabadeynaayay kama uusan shaqeyn inuu iska leexiyo. Hada markale Cabdiraxmaan waxaa ku furmay kanaal culus oo weliba kii hore ka dhib badan. Culimada qaar ayaa gaaleysiiyay, waxyaabo kale oo badan iney socdaana waan maqleynaa. Soomaaliya waxaa ka jira koox diimeedyo badan oo aragti ahaan aad u kala fog balse waxyaabaha qaar ka siman, koox walbana dad ayaa ku xiran. Arrintaan waxey u muuqata iney ka simanyihiin. Cabdiraxmaan uma babac dhigi karo kooxahaas iyo dadka ku fikirka ah. Waxaan kula talin lahaa inuu arrintaad xiligeeda xaliyo, hadii kale ha u diyaar garoobo 10 sanno oo cusub oo la dhihi doono Axaadiistii (NNKH) ayaad beenisay iyo ma beenin, taas oo sidoo kale si weyn u dhaawici karta hankiisa siyaasiga ah. Cabdiraxmaan inta sax iyo qalad meel iska dhigo arrintaan cudur toos ah ha ka bixiyo, sababtoo ah dhowr sanno kadib markii cid walba lagu talaalo inuu Xadiis beeniyay waa ku adkaan doontaa inuu dadka sharaxaad ku qanciyo. Siyaasiga waa inuusan abuurin fursad ay kooxda kasoo horjeeda uga kaluumeysan karto aagiisa. Abdullahi Osman Farah AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. (SLT-Hargeysa)-Falanqayn: Maxaa Laga karaa Guddida Dhexdhexaadinta Xukuumadda Iyo Xisbiyadda Mucaaridka Ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Jowhar (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta tababar u furay in ka badan 200 askari oo ka mid noqonaya ciidanka booliska Hirshabelle, kaasi oo lagu qabtay dugsiga tababarka Boliiska Hirshabelle ee Magaalada Jowhar, waxaana ciidamadani ay noqonayaan dufcadii sedexaad ee Ciidanka Boliiska Hirshabelle. Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo labadiisa ku xigeen, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabelle, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Hirshabelle, AMISOM, iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay. Wasiirka Amniga Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo tababarka hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in qorshaha Wasaaradda iyo guud ahaan Hirshabelle uu yahay dib u dhiska ciidanka booliska iyo tababaridooda, si ay u xoojiyaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada. Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Sh Cismaan Barre oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada ciidankani uu u leeyahay Hirshabelle iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in ay u qidmeeyaan bulshada ay ciidanka u noqonayaan, waxaana uu kula dar daarmay in si wanaagsan ay ula dhaqmaan shacabka oo ay noqdaan kuwa lagu soo hirto. Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo furay tababarka ayaa ugu horeyn ku booriyay ciidamada inay ka faa’iideystaan tababarka la siinayo, oo ay noqdaan kuwa u adeega bulsahda. “Dhalinyarada tababarkan u soconayo waa inay ogaadaan fahamka saxda ah ee booliska, kan hurda ee jiifa iyo kan iskuulka u dheel manaya iyo kan kale ee soo jeedaya, intabada adiga dartaada ayay ku joogaan, oo ay ku hurdayaan howsha aad bulshada u haysaan” ayuu yiri Madaxweyne Waare. Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa Ciidanka ku soo biiraya boliiska Hirshabelle kula dar daarmay in si wanaagsan ay ula dhaqmaan Bulshada maadaama ay yihiin Qalbiga shacabka, saaxiibka bulshada, waxaana uu balanqaaday wax kasta oo suura galinaya in aqoonta xirfada ciidanimo kor loo qaado ay sameyn doonaan wuxuuna u rajeeyay ciidankaasi Guul. Ciidamadani Tababarka Madaxweyne Waare uu u furay ayaa noqonayaa dufcadii sedexaad ee Ciidanka Boliika Hirshabelle waxaana tababarka ay qaadanayaan uu yahay mid casri ah oo wax badan ku soo kordhin doona aqoontooda ciidanimo. View the full article
  15. By: Hussein Siyad Addis Ababa (Caasimada Online) – Djibouti has denied agreeing to host the Ethiopian navy currently being rebuilt after an Ethiopian news website had published an article claiming the new navy would be based in Djibouti. Ethiopia, with a population of over 85 million people, is the largest landlocked population in the world. This provides a large market for countries like Djibouti who provide port services and logistics to Ethiopia. 90 percent of the cargo passing through Djibouti goes to Ethiopia. The country has been reliant on the demand provided by the Ethiopian population. Several infrastructure projects like the most recent 760 KM railway line from Port Duraleh in Djibouti to Adis Ababa in Ethiopia. Prime minister of Ethiopia and Nobel peace prize winner, Abiy Ahmed, said: “We built one of the strongest ground and air forces in Africa now we should build our naval force capacity.” This effectively signaled the commencement of the rebuilding of the Ethiopia Navy. The Imperial Ethiopian Navy, part of the Ethiopian Defence forces, was disestablished formally in 1996 after the Eritrean war of independence in 1991. The civil war left Ethiopia landlocked, with no home ports. The navy was temporarily allowed in Yemeni ports before being expelled in 1996. There have been talks of a revival of the navy since Prime Minister Abiy Ahmed, with the support of Emmanuel Macron of France. France has already trained some navy officials and will continue to train more officers. The Ethiopian news channel reported that in the prime minister’s recent visit to Djibouti, it was agreed upon that Djibouti would host the Ethiopian navy. Mohamed Idris Farah, Djibouti’s ambassador to Ethiopia, however, said in an interview with BBC, that no such agreements have been made and that it was only proposed by the prime minister to Djibouti President Ismail Omar Guelleh. He then went on to add that if an agreement is to be made between the two countries, France must be present in the negotiations. This is believed to be a protective mechanism for Djibouti which was a former colony of the French.
  16. Nairobi (SMN) – Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee Kenya ayaa joojisay duulimaadka tooska ah ee magaalooyinka Kismaayo iyo Nairobi. Mas’uul u hadlay hay’addaas ayaa sheegay in diyaaradaha looga baahan yahay in ay soo maraan Wajeer si hubin amni loogu sameeyo. Dhinaca kale, maamulka Jubaland ayaa illaa iyo haatan wuxuusan ka jawaabin amarka kasoo baxay xukuumadda Nairobi. Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo dowladda fartay diyaaradaha tegaya ama kasoo baxaya Kismaayo in ay soo maraan Muqdisho. Garoonka diyaaradaha caasimadda ku meel gaarka Jubaland ayaa kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dowlad-goboleedkaas. View the full article
  17. Gaalkacyo (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug. Iska hor-imaadka ayaa wuxuu u dhaxeeyay maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda maamuladda Galmudug iyo Puntland. Maxamuud Cilmi Gulaafe, taliye ku xigeenka bileyska gobolka Mudug ee Galmudug, ayaa sheegay in dagaalka ku dhinteen 15 ruuxa. Mr Gulaafe ayaa tibaaxay in uu jiro khasaaro dhaawac oo labada dhinac soo kala gaarey, wallow uusan xusin tiradda dhabta ah. Inta badan dagaaladda noocaan ah ee ka dhaca goboladda dalka ayaa waxay salka ku hayaan anooyin qabiil, dhul beereed iyo baaqsiin xoolo. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Waxaa Villa Hargeysa uu kulan ku dhexmaray Guddiga Joogtada Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddiga Dhab U Heshiisinta Dowladda Federalka Soomaliya Iyo Somaliland Kulanka ayaa waxaa shir guddominaya guddomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Sidda laga soo xigtay mas’uuliyiinta kulankaan ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo dardargelin lahaa wadda hadaladda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddigaan magacaabay, waxaana waajibaadkoodu yahay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladda Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo sanado ah hakad ku jira. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-05122019.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Sharif Sheekh Axmed, oo ay wehliyaan qaar ka mid ah xubnaha Madasha, ayaa maanta la kulmay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Sida xubno ka tirsan Madasha ay u sheegeen Caasimada Online, wada-hadalladan ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya ee iminka, waxaana diiraddda lagu saaray saddex qodob oo muhiim ah oo kala ah:- 1 – Helitaanka doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana la isla ogolyahay oo ka dhacday Soomaaliya. 2 – Wada-hadallo dhab ah oo dhex-mara saamileyda siyaasadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin maamul goboleedyada, xisbiyada iyo dowladda. 3 – Joojinta faro-gelinta ciidamada Ethiopia ay ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaga oo taageeraya Villa Somalia. Kulankan ayaa imanaya ayada Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Madasha, uu sidoo kale 1-dii ishan kulan la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto. Beesha caalamka ayaa maalmihii ugu dambeeyey sare u qaaday kulmada iyo wada-tashiyada ay la yeelaneyso xisbiyada siyaasadda dalka, xilli aad looga walaacsan yahay in madaxweyne Farmaajo uu isku dayayo inuu waqtiga kororsado. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku dheggan yahay qabashada doorasho qof iyo cod ah, oo uu ogyahay in dalka aysan iminka ka dhici karin, balse ujeedku yahay in waqti lagu lumiyo si dowladdiisa u hesho muddo kordhin.
  21. Wararcrasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com Howlwadeenadeedu ay heleen ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland CabdiXakiin Dhoobo-Daareed uu maalmaha Soo socda uu gaari doono [...] Source
  22. Dagaal Beeleed u dhexeeya laba Beeleed ayaa wuxuu saaka ka dhacay Deegaanka Xeraale ee Gobolka Mudug wuxuuna kuvsalaysan yahay Dad Reer miyi ah oo Deegaanka [...] Source
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar naga soo gaaraya golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegaya in loo yeeray labo wasiir oo xukuumadda federaalka ah ka tirsan si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira amniga dalka oo ay ku jirto dilkii Almaas Elman oo 20-kii bishii hore lagu dilay gudaha xerada Xalane ee garoonka Aden Cadde, magaalada Muqidisho. Xildhibaanno ka tirsan golaha oo mooshinka ka keenay wasiirrada si wax looga weydiiyo haweeneydan sidoo kale heysatay dhalashada Canada ayaa diyaariyey weydiimo arrimahaasi la xiriira, lama oga in qoyska Elman ay fadhiga iman-doonaan iyo in kale. Wasiir amniga qaranka Maxamed Ducaale Islow iyo wasiirka duulista Maxamed oomaar ayaa lagu wargeliyey in axadda yimaadaan golaha shacabka si su’aalo loo weydiiyo. 24-kii bishii hore, wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow oo ay la socdeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa lagu diiday warbixin ay siin rabeen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka iyada oo loo balamiyey kulanka weyn. Sidoo kale wasiiradaan ayaa la filayaa in wax laga waydiiyo xayiraadii la saaray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo loo diiday safaro ay ku aadi lahaayeen Kismaayo iyo Beledweyne. Waxaa sidoo kale wax laga waydiin doonaa sababihii keenay in Xayiraad la saaro garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo laga joojiyey dhammaan duulimyaadyadii tooska ahaa marka laga reebo qaar yar oo u baxo dalka Kenya. Wasiiradaan ayaa dhawr jeer oo hore looga yeeray Baarlamaanka mana suurta gelin, waxaana la filayaa markaan inay Axadda hor tagaan isla markaasna halkaas su’aalo adag lagu waydiiyo.