-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shalay, isaga oo hor-taagan Farmaajo, sheegay inay dalka ka qabanayaan doorasho qof iyo cod ah. Kaba soo qaad, riyadiisa run ayey noqotay, xaggee isaga laga soo dooranayaa? Waa su’aal aan jawaab lahayn, maadaama uu kasoo jeedo Somaliland, oo dowladda Soomaaliya aysan ku qabin karin doorasho qof iyo cod. Balse inuu sidaas ku fakaro, isagoo og xaqiiqda deegaankiisa, waxay ku tusaysaa heerka ay gaarsiisan tahay beenta uu u sheegayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo, wuxuu hadda ku sugan yahay xaalad cidlo ah, oo kaligiis looga kala-tagay. Wuxuu ku adkaysanayaa inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, oo aan caalamka nooceeda weligeed ka dhicin, taasi oo ah in dhowr kun oo qof meel la isugu keeno oo la yiraahdo “waxay matalaan shacabka oo dhan”. Waxaa taas ku diiday ra’iisul wasaarehiiisa Xasan Cali Kheyre, afhayeenadii labada aqal ee baarlamanka, xildhibaanadii, iyo maamul goboleedyadii, kuwaas oo isku raacsan in nooca doorasho qof iyo cod ee uu Farmaajo rabo ay tahay mid lagu qoslo, halka doorasho qof iyo cod ah oo shacabka oo dhan ay ka wada qeyb-galaan aan xilligan laga qaban karin Soomaaliya. Sababaha waxaa ka mid dastruuka dalka oo qabyo ah, shacabka oo aan la tira-koobin, si deegaan walba uu u helo matalaad u dhiganta tirada dadkiisa, deeganao badan oo Shabaab ay haysato, amniga oo aad u xun, iyo Somaliland oo maqan. Hadalka kasoo yeeray Mahdi, wuxuu ka jeediyey Villa Somalia, oo toddobaad un ka hor ay iridkeeda soo weerareen Al-Shabaab, oo galay hotelka SYL ee ku dhow, halkaasna ay ku laayeen shacab badan. Mahdi ma beeninayo in amniga aad u xun yahay oo khudbaddiisii ayuuba ku sheegay. Wuxuu yiri “annaga waxaa na laga rabaa inaan amniga hagajinno, oo aan wax ka qabano, haddii aan amniga dib u hagaajino, waan qaban karnaa doorasho qof iyo cod ah.” Waxaa yaab leh, muxuu yahay amniga saddex sano lagu hagaajin waayey ee sanadka u harsan xukuumadda ay ku hagaajin karto? Xaqiiqda ah, in Mahdi isaga oo qirsan in amniga hagaajis u baahan yahay, in Somaliland maqan tahay oo deegaankiisa ah, in dhul badan haysato Al-Shabaab, in shacabka aan la tira-koobin, waqtiga harsanna lagu sameyn karin, uu haddana doorasho qof iyo cod ah ku xadreynayo, waxaa ka cad oo kaliya hal mid, oo ah inuu ka cayaarayo maskaxda Farmaajo. Lam yaqaan waxa kasoo galaya inuu madaxweynaha oo hadda kali noqday uu ugu been sheegayo, balse waxaa macquul inay ka tahay “iska maqashii wuxuu jecel yahay, wax kaa dhibi maysee”, sababtoo ah bilihii dhowaa waxaa la sheegay in Farmaajo dadka ugu jeclaa qofkii yiraahdo’ Dib ayaa lagu dooranayaa, iyo doorasho qof iyo cod ah ayaa dhici karta.” Mahdi dadka yaqaan badankood waxay sheegaan inuu yahay nin zaciim ah oo afgaaban, balse waxaan ka xumahay in wax uu ra’iisul wasaareihiisa u arkay mid aan caqli gal ahayn uu ugu been sheegayo madaxweynihiisa, qalbigiisana ugu dhibcinayo wax uu jecel yahay balse aan suurta-gal ahayn. Mararka qaar runta qaraar ayaa ka wanaagsan beenta macaan, ee Mahdiyow cayaarta ka daa maskaxda Farmaajo, waxba ka dheefi meysidee. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Hargeysa)-Wafti ballaadhan oo ay hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka dawlad deegaanka Oromadda Itoobiya ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT- Abidjan)-Dacwad-oogaha dalka Ivory Coast Nichard Adou ayaa soo saaray waaran lagu xidhayo Guillaume Soro oo ah Musharax Madaxweyne oo u tartamaya Madaxtinimada, kaas oo doonayey inuu dalkiisa ku soo noqdo ayaa diyaaradii siday loo diiday inay soo qaado, waxaana go’aankani ku soo beegmayaa xili ciidamada amaanku ay qabsadeen Xarunta Guud ee xisbigiisa. Ninkan Musharaxa ah oo hore u ahaa hogaamiye maleeshiyo ayaa qorshuhu uu ahaa inuu ku soo noqdo dalka Ivory Coast – kadib lix bilood oo uu ka maqnaa, waxaana wakhti xaadirkan ay arinta waaranka xadhiga ninkani ay xiisad ka abuurtay dalkan ku yaala Galbeedka Afrika, oo 2010-kii ilaa 2011-kii doorashooyinku ay ku dhamaanayeen rabshado u dhexeeya taageerayaasha dhinacyada loolamaya. Dacwad Oogaha Qaranka, Richard Adou ayaa u sheegay telefishanka dawladda in waaranka qabashada Soro la soo saaray, isla markaana ay ciidamada sirdoonku ay hayaan cadaymo muujinaya inuu qorshaynayo falal amaan daro ah inuu qaado dhawaan. Wuxuu sheegay Soro, oo hore u ahaan jiray gudoomiyaha golaha shacabka, sidoo kale waxa ku socda baadhitaan la xidhiidha lunsiga lacagta dadweynaha iyo lacagta la dhaqay oo gaadhaysa 1.5 bilyan oo CFA francs ($ 2.4 milyan). Shan iyo toban ka mid ah taageerayaashiisa, oo uu ku jiro Alain Lobognon, oo ah gacanta midig ee Soro ayaa sidoo kale la xidhay Isniintii iyaga oo lagu soo oogay eedo kala duwan, xeer ilaaliyaha ayaa yidhi. Lobognon, af hayeenka xisbiga Soro’s Generations and People in Solidarity (GPS), ayaa goor sii horeysay u sheegay wariyeyaasha in diyaaradda musharraxa loo weeciyay “ka hor tagiisa” caasimada Ghania, Accra, ka hor istaagaysa inuu ku soo laabto “si uu uga qeyb qaato doorashada”. Ciidamada amniga ayaa soo weerarey xarunta GPS wax yar ka dib qoraalka. Shaqaalaha amniga ayaa sidoo kale joogay garoonka diyaaradaha, sida uu soo sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo jooga goobta. Source
-
Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga Farsamada Maamul u dhhisidda Galmudug ayaa soo saaray shuruudaha ka mid noqoshada Golaha wakiillada Dowlad Goboleedkaas Soomaaliyeed. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-24122019.mp3 View the full article
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said it has awarded medals to 19 staff officers for their contribution to the restoration of peace and security in Somalia. Tigabu Yilma Wondimhunegn, AMISOM force commander, said the troops who are in Somalia have conducted and degraded the al-Shabab terror group which has engaged the government and AU troops in several terror attacks across the country. “These results are one of your efforts. Your efforts have implemented our operations. These medals are a footprint of your sacrifice. AMISOM’s success is because of your success,” Yilma said in a statement issued by AMISOM on Monday evening, noting that without the officers’ support, recent operations against terrorists would not have succeeded. The AMISOM official commended who were awarded medals from countries including Burundi, Ethiopia, Ghana, Kenya, and Uganda for the dedication and selfless service to AMISOM. He also hailed the officers for their support to efforts aimed at degrading terrorist groups, securing main supply routes and population centers in Somalia. This year, Yilma said, Somali security forces backed by AMISOM liberated the strategic towns of Sabiid Anole, Bariire, El-Salini, and Awdheegle, all in Lower Shabelle region of Somalia. Charles Imbiakha, AMISOM Force spokesperson, who was a medal recipient, said each officers’ role was integral to the success. He said the work of staff officers within AMISOM is a very important task that leads to the actualization of operations in the various sectors. “Staff officers support the actualization of AMISOM operations. It is a significant day for staff officers who have contributed to Somalia’s peace process. We hope to see Somali security forces take over their country’s security responsibilities ahead of AMISOM’s exit,” Imbiakha said. “This, therefore, marks a very significant day in the life of staff officers who have contributed immensely to what is happening all over Somalia in the peace process,” Imbiakha added. Under the Somalia Transition Plan, AMISOM is implementing a conditions-based reduction of troops and gradually transferring security responsibilities to Somali security forces ahead of the envisage exit from Somalia in 2021. View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga Farsamada Maamul U Samaynta Galmudug ayaa waxay soo saareen sharuudaha laga doonayo shakhsiga doonaya in uu ka mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socota soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka xigga ee Galmudug, waxaana sharuudahan la soo saaray, xilli aanay horey u kala cadayn qofka noqon kara Mudane Baarlamaanka Galmudug ah. Guddiga Farsamada ayaa soo saaray 11 qodob oo laga doonayo qofka noqonaya Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, iyadoo qodobadan ay saamaynayan dhammaan 89-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug. Hoos ka aqriso qoraalka guddiga
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaan federal Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Golaha isbadal doonka Jubbaland oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inay magaalada Kismaayo ka wadaan qaban qaabo loogu diyaar garoobayo doorasho ka dhacda halkaas. Xildhibaan Xidig ayaa sheegay inuu magaalada Kismaayo uu soo gaaray Cabdinasir Seeraar, wuxuuna tilmaamay inay magaalada Kismaayo ka dhici doonto doorasho xor iyo xalaal ah, sida uu hadalka u dhigay. “Anigoo ku hadlaya magaca isbedel doonka Jubaland, waxaan si kal iyo laab ah usoo dhaweyneynaa Mudane Cabdinasir Seeraar oo maanta dib ugu soo laabtay xarunta isbedel doonka Jubaland ee Kismaayo: Goolka is-bedel doonka Jubaland ayaa ah In Jubaland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Xidig. Seeraar ayaa kasoo laabtay magaalada Nairobi oo uu muddo ku sugnaa, halkaas oo la sheegay in odayaal ku beel ah isaga iyo Axmed Madoobe ay dhex-dhexaadin ka wadeen, mana cadda natiijada kasoo baxday. Xidig ayaa sheegay in kulamo dhowr ah ay dhowaan dhici doonaan, si loogu diyaar garoobo doorashada. “Haddii rabi idmo waxaa maalmaha soo socda dhici doona kulamo isdaba jooga oo loogu diyaar garoobayo qorshaha doorashada Jubaland oo fooda inagu soo haysa Inha Allah.” Ayuu yiri xildhibaan Xidig. Ma cadda waxay tahay doorashada uu Xidig sheegay in Kismaayo lagu qabanayo. Horey waxaa magaalada uga dhacay doorashooyin kala duwan oo lagu kala doortay isaga iyo Axmed Madoobe. Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo aan aqoonsan dhammaan madaxweynayaasha lagu doortay Kismaayo, ayaa horey u sheegtay inay doorasho sax ah u qaban doonto Jubaland, mana cadda haddii doorashada uu ka hadlayo Xidig iyo tan dowladda ay isku mid yihiin.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta markii u horeysay shaaca ka qaaday inay waqti xaadirkan joojisay dhamaan daawooyinkii ka iman jirey magaalada Muqdisho. Somaliland ayaa daawooyinkaasi looga keeni jirey Muqdisho waxay shuruud uga dhigtay inay sitaan waraaq ay bixiso Hay’adda dhawrista tayada Somaliland, oo lagu sheegay in lagu hubiyo bad qabka daawooyinkaasi. Daawooyinkaasi hore uga imaan jirey magaalada Muqdisho ee la keeni jirey gudaha Somaliland, ayaa waxay markii hore Madaarka Hargeysa kaga soo dagayeen iyagoona wax shuruud ah ama waraaq ah lagu xidhi jirin. Guddoomiyaha hay’adda dhawrist tayadda Somaliland, Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo hor tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha guurtida Somaliland, ayaa waxa uu si rasmiya u sheegay in daawooyiinkii ka iman jirey Muqdisho ee inta badan ka soo dagi jirey madaarka Hargeysa ay joogsadeen. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay Madaarka Hargeysa ku qabteen daawooyin dhacay oo uu ku sheegay inay ahaayeen Koonteenar dhan, isla markaana uu Somaliland soo galinayey Nin cadaan, isagoona ka gaabsaday inuu sheego halka ay ka imaadeen. “Waxa jiri jirtay dawooyin badan oo Muqdisho ka iman jiray iyaga oo guraan gur ah ama aan wax dhukumenti ah aan wadan, waxayna ka soo gali jireen madaarka” ayuu yiri Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa markii ugu horaysay dalka soo galay koontiinar dhan oo dawooyin dhacay ah oo aanu madaarka ku qabanay oo nin ajaanib ah lahaa oo aanu isagna ka qaadnay talaabo ku haboon oo sharcigu uu noo ogolaanayo” Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay isagoo Guddiga golaha uga warbixinaya Howlaha Hay’adda dhawrista in gudaha Somaliland ay ka joojiyeen shirkado iyo warshado hore uga howl-gali jirey kadib markii ay baadheen heerka uu gaadhsiisan yahay tayada wax soo saarkoodu.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – General Maxamed Cali Bariise oo ah taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa safar ku tagay degaano ka tirsan degmada Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe. General Bariise oo wata ciidan aad u qalabeysan ayaa abaabul dagaal ka wada degaano dhaca inta u dhaxeysa Cadale iyo Aadan Yabaal, sida au ogaatay Caasimada Online. Taliye Bariise ayaa ku sugnaa degaanka Xaaji Cali markii ay uu dagaalka ka dhacayay Geelgub oo gaadiid looga qabsaday Milateriga Soomaaliya, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya. Taliye ku xigeenka Milateriga Soomaaliya General Maxamed Cali Bariise ayaa gobalkaas u jooga sidii uu Al-Shabaab uga saari lahaa Geelgub iyo degaano kale oo ka tirsan gobalkaas oo ay soo galeen todobaadyadii la soo dhaafay islamarkaana ay bilaabeen in ay dadka ka qaadaan xoolo baad ah. Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa kusii ururayey kuna xoogaysanayey gobolka Shabeellaha Dhexe, tan iyo markii ciidamada dowladda ay kasoo saareen deegaano badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Dadka deegaanka ayaa marar badan ka codsaday dowladda inay howl-galka Shabeellaha Hoose kusoo ballaariso Shabeellaha Dhexe, kana sifeyso Al-Shabaab.
-
Taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise oo maanta tuulada Xaaji Cali ee gobolka Sh/ Dhexe kula hadlayey kooxda Macawiisley ayaa u sheegay in dowladda federaalka ay garab is taagi doonto, kana war heyn doonto. Bariise ayaa sidoo kale tilmaamay in maleeshiyaadka kooxdaasi la Qarameyn doono, si ay u helaan daryeel dowladeed. Macawiisley waa koox shacab ah oo la dagaalanta Al-Shabaab, kana aas aasantay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/coo.mp3 View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xalay saqdii dhexe ka kacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Dabka oo ka dhashay Koronto ayaa wuxuu qabsaday dhismo ka koobnaa 9 qol oo lix ka mid ah ay ahaayeen goobo ganacsi iyo halka 3 kalena deegaan ahaan loo daganaa. Cabdirisaaq Maxamed Rooble oo ka mid ah ganacsatada ku hanti beelay dabkaasi ayaa sheegay inuu baab’iyey dukaamo iyo farmashiye ku yiilay halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/dv.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Taliska Ciidanka Daraawiishta ee Garoowe (54-aad). Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Puntland, salaan kadib waxa uu Madaxweynuhu kormeeray dufcaddii sadexaad ee ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo tababar uga socdo Taliska Xerada 54-aad, waxaa ka horeeyey dufcaddani laba dufcadood oo dhammaystay tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa la hadlay dufcadda sadexaad ee Ciidanka Birmadka Madaxtooyada, wuxuuna u xaqiijiyey in maanta uu u socdey shaqo la xidhiidha qiimaynta ciidanka iyo sida uu u socdo tababarku. “Shaqaan u nimi la xidhiidha arrimaha ciidanka, gaar ahaan tababarka, sidaad ogtihiin mudadii u dambaysey dowladdu waxa ay xoogga saartay sidii ciidamada loo tayeynlahaa, haday ahaan lahayd tababarkooda, mushaharkooda iyo hawlgelintoodaba, dabcan waa hawl aad u balaadhan oo aan sahlanayn, waxaan ku faraxsanahay in qorshihii dowladda ay wax ka qabsoomeen, laguna gudajiro oo aan rajaynayno hadafkii la lahaa in laga gaadho oo ay ugu horayso Puntland inay hesho ciidan shacabkeeda iyo dowladdeeduba ay isku halayn karaan.” ayuu yiri Madaxweyne Deni Madaxweyne Deni oo hadlakiisa sii wata ayaa yiri “Si loo helo taas waa in ciidanka dhiniciisa maamulka, kala dambayn iyo akhalaaqdiisa la hagaajiyo, agabkiisa iyo xuquuqdiisana la helo, wixii intaas ka dambeeyana waajibaadkooda lagula xisaabtamo Insha Alla”. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ciidamada tababarku u socdo ku booriyey inay waxbadan ka bartaan sarakiisha ciidan ee soo gaadhey dowladdii dhexe ee Soomaaliya, kuwaasi oo qayb ka ah dhismaha iyo dib u habaynta ciidamada Puntland, wuxuuna bogaadiyey shaqada baaxadda leh ee sarakiishu ka gaadheen dhismaha iyo dib u habaynta ciidanka. Ugu dambayn, Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ciidanka Daraawiishta, Guddiga Dib u dhiska Ciidanka Dowladda, iyo la-taliyayaal arrimaha ciidanka ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo xooga saareysa tayeynta ciidamada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay Milateriga Soomaaliya ka qabsadeen ilaa 3 gaari oo nuuca dagaalka ah, kadib dagaalkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Geelgub ee degmada Cadale ee gobalka Shabeelada Dhexe. Gaadiidkaan oo ka kooban, hal gaari oo Beebee ah oo ay dhawaan dowladda Turki siisay dowladda Soomaaliya, hal gaari oo Cabdi Bile ah islamarkaana qori weyn ku xiran yahay, iyo hal gaari oo Ambulance ah oo ay leeyihiin Milateriga Soomaaliya. Sidoo kale, Caasimada Online ayaa ogaatay in wali Milateriga Soomaaliya ay ku sugan yihiin degaan u dhaw Geelgub halkaas oo la sheegay in ay ciidanka go’doon ku yihiin, kadib markii ay dowladda Soomaaliya amartay in ay soo laaban iyagoo aan gaadiidkii soo celin islamarkaana aan qabsan degaankii ay u baxeen. Dowladda Soomaaliya wali ma shaacin in gaadiid dagaalka looga qabsaday, sidoo kale wali warbaahinta ma ogaanin xaqiiqada dagaalkii degaanka ka dhacay. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u xirtay saraakiil hub iyo gaadiid looga qabsaday weerarkii Ceelsaliini ee gobalka Shabeelada hoose. Al-Shabaab ayaa shalay idaacaddooda Andalus ku sheegtay in dagaalkaasi ay ku qabsadeen hub iyo sidoo kale gaari gaashaaman oo Turkiga uu siiyey dowlada Soomaaliya
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa goordhoweyd war ka soo saartay xiisada ka dhalatay Wiil lagu dilay magaalada Wajaale iyo Haweenay ay magaaladaasi ku jidh dileen Ciidamada Booliska, oo aad loogu baahiyay baraha bulshada. Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in Marxuumkaasi uu si badheedh ah u dilay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland, isagoona xusay in Askarigaasi la xidhay oo cadaalada la horkeeni doono sida ugu dhaqsaha badan. Afhayeenka u hadlayey Ciidamada, Taliye Faysal Xiis ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay muuqaalka Haweenay ay ciidamada boolisku ay ku jidh dilayaan magaalada Wajaale oo si weyn u qabsaday baraha bulshada, kaasi oo laga dheehan karayey qaab arxan daro ah oo dhowr Askari u wada jidh dilayeen Haweenaydaasi. Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada boolisku ay ku howlanaayen in la kala cayriyo dadweyne ka xumaa dilka loo geystay Marxuumkaasi oo gudaha magaalada Wajaale ka dhigayey mudaharaad ka dhan ah dilkaasi. Wuxuuna Afhayeenku ku micneeyay falka ay ku jidh dilayeen Askartaasi mid ka baxsan anshaxa Booliska, isagoona sheegay in la soo xidhay dhowrkii Askari ee ku hoobtey haweenaydaasi, lana hor-geyn doono maxkamada. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa aad loogu baahinayay baraha bulshada muuqaalka Haweenaydaasi ay sida arxan darada ah u jidh dilayeen Askartaasi oo kamid ahaa ciidamada booliska Somaliland, taasi oo ay dad badan aad uga xumaadeen, siyaabo kala duwana looga hadlay.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ciyaaryahannada kooxda kubbadda cagta ee kooxda SINDO UNITED oo ka dhisan waddanka Kenya oo maalmihii ugu danbeeyey kulammo kubbadda cagta ah la qaadatay kooxo kala duwan oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa uu si gaar ah u hambalyeeyey masuuliyiinta wasaaradaha arrimaha dibadda iyo Ciyaaraha iyo masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee Kenya oo madasha ku sugnaa, isaga oo kooxda ka socota dalka Kenya-na ugu xog-warramay xaaladda guud ee dalka iyo nabadda taalla dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Kooxda kubbadda cagta ee SINDO UNITED oo kamid ah kooxaha heerka koowaad ka dhisan dalka Kenya, ayaa muddadii ay Somaliland ku sugnayd kulamo ciyaareed la qaadatay kooxo dhiggooda ah oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boorama, waxana ay maantaba ku laabteen dalkoodii Hooyo. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay ka dhacay halka loo yaqaano Doonka oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Weerarka oo ahaa mid dhaba gal ah ayaa la sheegay in lagu qaaday ciidamo ku sii jeeday deegaanka Bali-Doogle ee gobolkaasi. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarkaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Mutawkil.mp3 View the full article
-
Guddiga Somaliland u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadalada, hase ahaatee ay doonayaan in la meel mariyo heshiisyadii horay loo gaaray, iyagoo ku eedeeyey dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay meesha ka saartay. Dr Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay inay soo dhoweynayana in la wada hadlo, balse waxaa ay su’aal ka keentay halka laga soo bilaabayo wada hadalada, maadaama wixii horay loogu heshiiyay la burburiyay “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, ummaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in Madaxweyne Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo Muqdisho”ayay tiri Adna Aadan Ismaaciil. Sidoo kale waxa ay is weydiisay haddii wada hadalada ay noqdaan kuwo bilow ah, kuwii horena laga soo qaado waxba kama jiraan ay arrintu tahay gacma daalis, waxaana ay xustay in iyaga ay diyaar u yihiin dib u bilaabida wada hadalada haddii heshiisyadii hore la meel mariyo. “Hadduu oggolaado sidey heshiisyadu ahaayeen, ee madaxweyneyaashii hore u saxiixeen, waxaan subaxa xiga diyaar u nahay wadahadalka”ayay hadalkeeda ku sii dartay Adna. Guddiga Madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada hadalada Somaliland ayaa dhowaan sheegay inay diyaar u yihiin inay wada hadalo la furaan Somaliland, islamarkaana ay diyaar yihiin qorshihii lagu howlgeli lahaa. Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hakad ku jiray tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2015, xilligaas oo wada hadal labada dhinac ay yeeshaan ugu dambeeyay, sidoo kale tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo wax wada hadalo ah ma aanay dhicin. View the full article
