Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The State of Qatar has provided the Federal Republic of Somalia with computers, printers and radio devices as a gift from Qatar’s Civil Aviation Authority to its Somali counterpart. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid C/laahi Maxamed (Deni) oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda maamulkaasi. Deni ayaa sheegay in Puntland ay heystaan daruufu adag oo ku xeeran amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda oo aan weli gaarin meeshii la rabay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ammaanka ee maamulkaasi ay ku shaqeeyaan daruufu kala duwan oo u baahan in wax laga qabto. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-jaamac.mp3 View the full article
  3. Selami Turker, chief of Special Police Unit of Turkish National Police, met with Somali officials and exchanged views Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Qaban qaabada iyo soo dhowenta Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka laga dareemayaa gudaha maaladaasi, iyadoo sidoo kale si aad loo xoojiyey amniga. Sida ay ogaatay Caasimada Online socdaalka Khayre ayaa la xariiro kaliya xaqiijinta heshiiskii ay dhowaan dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna Waljamaaca. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa dusha kala socon doono dhismaha Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo soo xulista xildhibaanada cusub ee maamulkaasi. Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo kala duwan uu la qaato hoggaanka Ahlu Sunna, madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si xal waar looga gaaro tabashooyinka weli jira. Ra’iisul wasaare Khayre ayaya marar badan dib ugu laabtay deegaanada dowlad goboleedka Galmudug, isagoo dadaal ku bixinaya dhismaha maamulkaasi oo muddo soo jiitamayey, kadib khilaafaad ka dhashay. Doorashada Galmudug, gaar ahaan mida madaxweynaha ayaa lagu wadaa in la qabto bilowga bisha dambe iyadoo haatan ay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay.
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-231219.mp3 View the full article
  6. Cairo is worried the new construction will restrict its water supplies from the river Source: Hiiraan Online
  7. It may help the Emirati government track its citizens. Source: Hiiraan Online
  8. Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ayax guuraya oo raxan raxan u socda, uu ku dagey deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan. Ayaxa ayaa shalay ku soo dagey deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan, iyadoo marki dambe ay dadku iska kiciyeen kadib markii ay rasaas ku rideen. Dadka beeralayda ah ee ku nool koofurta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu beerahooda xalay ku dagey Ayaxaas, iyagoo sheegay in ay cabsi xooggan ka qabaan in uu dalagyada ka baabi’iyo. Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud, waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku dageyo kuna fidayo qaybo kale oo ka mid ah gobollada dalka.
  9. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in uu dhaqan galay Manhajka ay soo saartay Wasaaraddu ee loo diyaariyay dugsiga dhexe. Agaasimaha Xafiiska Manaahijta Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Xasan Mukhtaar ayaa sheegay in Manhajka dugsiga dhexe uu dhaqan galay, isla markaana iskuulada dalka laga bilaabay Manhajkaan oo uu sheegay inuu wax badan uu ka bedeli doono Tayada waxbarashada dalka Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in manhajkaan uu yahay mid ay soo diyaariyeen Macalimiin Soomaaliyeed,isagoo xusay in manhajku uu ka turjumayo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay mid uu leeyahay dalka Soomaaliya taasoo meesha ka saareysa isticmaalka manaahijtii hore ee wadamada kale. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in uu dhaqan-galay Manhajka Dugsiyada Dhexe appeared first on Puntland Post.
  10. With Qaboos bin Said’s illness seemingly terminal, an elaborate set of rules is enacted Source: Hiiraan Online
  11. Kenya’s Sindo United went down 3-1 to Somaliland’s Hargeisa Municipality side in a friendly match played at the Hargeisa National Stadium Saturday evening. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu magaalada Muqdisho ka baxsaday dhaqatar ajnabi ah oo loo haystay inuu dharbaaxay gabar Soomaali ah. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dhaqtarkan oo ka shaqeynayey isbitalka Masaarida ee magaalada Muqdisho ay damiinteen dad Soomaali ah, kadibna uu maalin cad ka dhoofay garoonka Aadan Cadde. Wasiirka ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dooneysay in ninkaas ay u ciqaabto xadgudubkii uu ku sameeyey gabadha Soomaaliya. Wasiirka ma sheegin in gabadha la dharbaaxay ay ahayd bukaan ama inay isbitalka kala shaqeyneysay dhaqtarka. Fowsiya ayaa sheegtay inay amar ku bixisay in haddii dhaqtarkaas uu dalka dib ugu soo laabto dib loogu celiyo diyaaradda uu ku yimaado. Wasiirka, oo shalay ka hadlaysay kulankii baarlamanka Soomaaliya oo su’aalo lagu weydiiyey, ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatooyin badan lagu qabo dhaqaatiirta ajnabiga ah ee dalka iska soo galaya oo cid maamusho aysan jirin. Arrintaas ayay wasiirka sabab uga dhigtay sharcigii lagu xakameyn lahaa oo weli hor-yaalla baarlamanka Soomaaliya, islamarkaana aan ansixin. “Syria iyo Yemen qofka kasoo qaxa ee sheeganaya inuu dhaqtar yahay ma jirto qaab loo kantaroola, sababtoo ah anaga ma sameyn karno sidaas, ayada oo aan la helin sharcigii” ayey tiri wasiirka Fowsiya Abiikar Nuur. Wasiirka ayaa sheegtay inaysan wada xumeyn dhaqaatiirta ajnabiga ah ee dalka joogo, balse dad badan oo aan dhaqtar ahayn ay magaalada ka howl-galaan. Waxay ugu dambeyn sheegtay in hadda ay billaabeen inay diiwaan geliyaan dhammaan xarumaha caafimaad ee ajaaniibtu ka furanayaan magaalada, si loo ogaado xaqiiqda aqoonta ay sheeganayaan.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga dhexe u gudbisay Gaashaanle Sare Cali Maxamed Nuur oo ahaa Taliyaha Guutada 1-da April, gaashaanle Aadan Axmed Cali Gaaseey, oo ahaa abaanduulaha Guutada 1-da April, iyo saraakiil kale, kuwaas oo ahaa Saraakiishii hogaamineysay ciidankii ay Al-Shabaab ku laayeen xerada Ceelsaliini ee gobalka Shabeelada Hoose. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa, in saraakiishaan oo xukun sugayaal ah la geeyay Xabsiga dhexe, islamarkaana ay wajahayaan halis amni, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan ehaladooda oo la hadlay Caasimada Online. Ehellada ayaa sheegay in saraakiishaan la geliyay qol ay ku jiraan rag ku eedeysan in xubno ka yihiin Al-Shabaab oo maxkamad sugayaal ah, kuwa Al-Shabaab ah oo xukun ku dhacay iyo qaar kale oo ku eedeysan fal dambiyeedyo kale. Qaar ka mid ah ehellada ayaa qaba in saraakiisha ay wajahayaan halis amni maadaama iyagoo tiro yar loo geeyay koox ah Al-Shabaabnimo ku eedeysan iyo qaar lagu helay oo xukun ku dhacay oo dhamaantoodba hal qol ku jira. “Wiilkayga waxaa lagu xiray qol ay ku jiraan rag badan oo Al-Shabaab ah, waxa uuna halis ugu jiraa in halkaas lagu dilo waayo waa ka tiro badan yihiin waana Sarkaal dowladeed” ayey tiri Hooyada dhashay mid kamid ah Saraakiisha Xabsiga loo gudbiyay. Dhawaan Xabsiga waxaa daryeel la’aan ugu geeriyooday mid kamid ah Maxaabiista Xabsiga, kaas oo ay waalidiintiisa sheegeen in la dayacay.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Kenya Jeneraal Samson Mwathethe ayaa safar qarsoodi ah ku yimid dalka Soomaaliya, oo ay joogaan ciidamo ka tirsan Kenya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM. Taliyaha oo booqday goobaha ay Ciidamada Kenya ka joogaan Soomaaliya ayaa ammaan dusha uga tuuray askarta wadankiisa ee ka tirsan Howlgalka AMISOM ee in ka badan 10 sano ka socdo Soomaaliya. Jeneraal Samson oo shalay la hadlayey ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalkooda hooyo oo weeraro culus ay ka geystaan Kooxda Al-Shabaab. “Wallow aad ku sugan tihiin halkaan, waan idinka fekernaa, mana laga yaabo in la idin hilmaamo. Waxaan idin rajeynayaan guul inta aad gudaneysaan waajibaadkiina,” ayuu yiri. Taliyahaha ayaa Ciidamadiisa u sheegay in Soomaaliya oo nabad noqoto ay ka dhigan tahay Kenya oo nabad heshay sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay inay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya looga nadiifin lahaa Kooxda Al-Shabaab. “Waxaan u joognaa Soomaaliya, maxaa yeelay waxaan ognahay haddii Soomaaliya ay ka xorowdo Al-Shabaab iyo argagixisadda, in Kenya sidoo kale aan ka xorreyn doono,” ayuu raaciyey. Taliyaha ayaa ugu dambeyntii ciidamada kula dardaarmay inay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa horey u sheegay inaysan ciidamadiisa Soomaaliya kasoo bixi doonin illaa Al-Shabaab laga baabi’iyo. Ciidamada Kenya ee ka tirsan Howlgalka AMISOM ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2011, waxayna saldhigyo ku leeyihiin deegaanada Maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe oo xiriir dhow la leh Kenya.
  15. As the holiday season nears, Issa Shaiye was expecting to spend weekends planning his family's move to their new home, not gathering with dozens of other low-income families into a hall as they fret over where they will live in a few months. Source: Hiiraan Online
  16. A far-reaching government analysis of the most widely used facial recognition algorithms found most of them appeared to suffer from racial bias, misidentifying Asian- and African-Americans far more often than Caucasians. Source: Hiiraan Online
  17. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo u waramay TV-ga Somali Cable ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee lagu wado inay dalka ka dhacaan sanadka 2020/2021. Lafta-gareen ayaa sheegay in ka maamul ahaan uu aaminsan yahay in doorasho qof iyo cod ah aysan xilligan dalka ka dhici karin, taas bedelkeedna uu doonayo in dib loogu noqdo nidaamkii 4.5-ka. Waxa uu sheegay inasan suurta gal aheyn inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ilaa inta laga sameynayo tirakoob guud, sidoo kalena laga xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta dowladda. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ku taliyey in maamul goboleed walba deegaanadiisa lagu soo doorto xubnaha ku matalaya dowladda dhexe, iyadoo loo marayo nidaamkii hore ee afar dhibic shan, kaas oo lagu soo dhisay dowladan. Mar wax laga weydiiyey inuu jeclaan lahaa waqti kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda, ayaa waxa uu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn mudo kororsi, cid ogolna aysan jirin. Hadalka Lafta-gareen ayaa dhabarjab weyn ku ah qorshaha Farmaajo uu ku doonayey inuu ku qabto doorasho qof iyo cod ah, balse ay ka qeyb-galaan tiro koob oo meel la isugu keeno, kuwaas oo isaga uu soo xulo. Lafta-gareen ayaa madaxweyne ka dhigay Farmaajo, oo dartiis dad badan ugu dilay magaalada Baydhaba, waxaana go’aankan uu muujinayaa sida uu Farmaajo u kali noqday. Ra’iisul wasaare Kheyre, dhammaan madaxda maamul goboleedyada, inta badan xildhibaanada iyo afhayeenka golaha shacabka ayaa sidoo kale qaba in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-____-Qumanha-Wararka-22122019-sax.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa lala wadaagay caawa 3 farriin oo kala duwan, kuwaas oo jahwareer iyo is-weydiin badan dhaliyey, sida ay qaarkood u sheegeen Caasimada Online. Tan koowaad ayaa lagu sheegay in ajandaha kulanka berri uu yahay, u codeynta hindise sharciyeedka maareynta iyo maamulka maaliyadda dalka, u codeynta hindise sharciyeedka shirkadaha iyo aqriska seddexaad ee hindise sharciyeedka doorashooyinka Markiiba waxaa xigtay farriin kale oo mudanayaasha lagu war geliyay in kulanka berri laga saaray aqriska hindise sharciyeedka doorashooyinka, waxaana xigtay farriin kale oo sheegeysa in gabi ahaanba kulanki baarlamanka uu yeelan lahaa berri oo isniin ah, 23-ka bisha, uu baaqday. Illaa iyo hadda ma cadda sababta sidan loo sameeyey iyo in kulanka uu dhici doono iyo in kale, balse waxaa muuqda isku day la doonayo in lagu hakiyo ansixinta sharciga doorashooyinka, oo ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia. Waxaa sidoo kale farriimahan laga dheehan karaa heerka uu gaaray khilaafka Xukuumadda iyo madaxtooyada u dhexeeya, iyadoo lagu loollamayo awoodda baarlamanka ku dhex leeyahay xafiis kasta. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre aya ala rumeysan yahay inuu taageersan yahay sharciga doorashooyinka, halka madaxweynaha uu diidan yahay. Kheyre oo rumeysan in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, ayaa waxaa sidoo kale ku aragti ah dhammaan maamul goboleedyada, inta badan xildhibaanada iyo afhayeenka golaha shacabka.
  20. It was July 2, 2014. Time: 4.15am. A faulty plane – carrying miraa – was to fly the cargo from Jomo Kenyatta International Airport destined for Aden Adee International Airport in Mogadishu – a two-and-a-half-hour flight. Source: Hiiraan Online
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa lagu daabacay qoraal uu sameeyay askari ka bad baaday weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen sanadkii 2016-kii xero ciidanka Kenya ay ka deganaayeen degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo. Qoraalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in qaar ka mid ah askartii ku geeriyootay weerarkaasi ay iyagu is dileen si ay uga badbaadaan in Al-Shabaab ay nolosha ku qabto. Qoraalkaan oo uu sameeyay askari la yiraahdo Lance Eric Lang waxaa uu sheegay in askartii ku dhaawacantay weerarkaas ee ka bixi waayey xerada ay iyagu go’aansadeen inay is dilaan, kadib markii ay ku adkaatay inay banaanka u baxaan oo baxsadaan. Qoraalka oo ciwaan looga dhigay sharciyada askariga waxaa lagu soo koobay dhacdooyinkii xerada iyo banaankeedaba ka dhacay 16-kii bishii January sanadkii 2016-kii. Askariga qoraalkiisa la xiganayo waxaa uu xusay inuu sii milicsaday mar uu asaguba naftiisa la baxsanayay qaar ka mid ah askartii dhaawacantay oo iyagu istooganaya. Amarka is toogashada ayuu sheegay inuu baxiyey mid ka mid ah Taliyaashii xerada oo isaguba ka mid anoqday askarii dhaawacantay ee is dishay. Markii la siiyey amarkaas is-toogashada ah ayuu sheegay inay ku qanceen si ay uga badbaadaan inay nolosha ugu gacan galaan dagaalyahanadii xerada soo weeraray ee Al-Shabaab. “Dhowr askari oo ku jiray meel dhufays ah oo ay ku adkaatay inay banaanka xerada u baxsadaan sideyda oo kale ayaan arkayey iyaga oo xabado isku dhufanaya markii aan sii baxayay” ayuu yiri askariga Kenyanka ah ee qoraalkaan sameeyay oo lagu magacaabo Lance Eric la yiraahdo. Sidoo kale Captain Samwel Gaiti, oo ah duuliye diyaarad Militeri oo mar dambe u gurmaday ciidankii lagu weeraray xerada ayaa sheegay in dhawr saacadood kadib ay dul mareen xerada kadibna ay soo bad-baadiyeen askar badan. Sarkaalkan waxaa uu xusay in askartii ugu horeysay ay ka soo saareen beer Mesego ka baxdo oo ay uga dhuumanayeen Al-Shabaab. Weerarkii Ceel-Cadde oo dhacay 16-kii bishii January sanadkii 2016 waxaa uu ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada Kenya soo gaara tan iyo markii ay Soomaaliya gudaha u soo galeen. Inkasta oo dawladda Kenya aysan wali soo bandhigin tirada rasmiga ah ee askarta looga dilay weerarkaas, hadana Al-Shabaab ayaa sheegtay inay boqolaal dileen, iyagoo soo bandhigay askar ay nolosha ku qabteen. Warbaahinta Kenya waxay sheegtay in wali todoba (7) askari aan nolol iyo geeri toona lagu heyn, kuwaas oo la xaqiijiyey inay banaanka uga baxeen xerada iyaga oo la baxsanaya noloshooda. Si kastaba, waxaa is-weydiin mudan, maadaama askarta ay ahaayeen boqolaal, ama inat is dishay ay yihiin tobaneeyo, maxaysan u dagaalamin inta ay ka dhimanayaan, sabatoo ah cidna kuma qasbeyn inay is-dhiibaan, haddii aysan ayaga dooneyn.
  22. Waxaa nasiib darro iyo gaf weyn ah hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu ku dafirayo dadkii lagu laayay magaalada Baydhabo, halkaa oo sanad kahor lagu dilay Source: Hiiraan Online
  23. Taliyaha ciidamada lugta ah ee xoogga dalka Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ka warbixiyey weerarkii lagu qaaday habeenimadii xalay kolonyo ciidan ah oo hoggaaminayey gudaha magaalada Gaalkacyo ee Galmudug. Taliyaha oo la hadlaayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in qaraxaasi uu wax ka soo gaaray ilaa 6 askari oo ka tirsanaa ciidankiisa, waxaana uu yiri” Markaan ka baxnay meel aan ku shireynay oo dad mas’uuliyiina aan kula shireynay, waxaana ay u dhawdahay hotelka Five Star ee magaalada Gaalkacyo ee Galmudug wax yar markaan dhaqaaqnay waxaa nagu soo booday gaari Zaruf ah markii uu nagu dhacay wuu qarxad Illaah waxna naguma gaarsiin ilaa 6 wiil ayaa dhawaac ka soo gaaray” Sidoo kale Taliye Cabdi xamiid oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in ciidan adeegga ay bulshada ay ayaan aysan joojineyni qaraxada iyo weerarada ay la kulmaan kuwaas oo ay ka dhalato dhimasho iyo dhaawac soo gaara ciidamada waxaana uu yiri ” Waxaan dadkii ay ku argagiin jireen annagu manihin hadii ay 100 gaari soo ka xeeyaan dad u jixin jixaayo manihin waxa ay sheeganayaana dad tuuga ah oo dhuumaaleysanaya oo dadka shacabka ah qaraxa la soo aadaya maahee, annag wax ay noo dhibeen iyo wax ay nagaarsiiyeen majirto” Dhanka kale Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdi Cabdullaahi Qooje oo isma arrinkan ka hadlay ayaa yiri ” Waxaan halkaan uga tacsiyaynaynaa dhammaanba ciidamada iyo Shacabka aan waxba galabsan ee cadawga nabaddiidka ah ku weerarey Magaalada Gaalkacyo” Ugu danbeyn taliyaha ayaa baaq u diray shacabka waxaana uu yiri” Waa tusaale caddeynaya sida cadawgu u beegsanayo nolosha shacabka Soomaaliyeed, una diiddan yahay xasilloonida dalka iyo nolosha maatida aan waxba galabsan.” ayaa lagu yiri qoraalka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo kulan wada tashi ah la qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa kala hadlay dhameystirka xeerarka iyo sharciyada ku saleysan horumarinta haweenka iyo dhallaanka oo horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya. Farmaajo ayaa ku bogaadiyey haweenka labada Aqal ee baarlamaanka dadaalka ay ku bixinayaan xaqiijinta matelaadda siyaasadeed ee haweenka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in kaalin muhiim ah ay ka qaadanayaan qorsheyaasha qaran ee dib u eegista dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka. “Waxaan diyaar u nahay in aan ku dhiirri-gelino haweenka Soomaaliyeed door kasta oo ay leeyihiin. Waxaana idiinka mahadcelinayaa shaqada adag ee aad Qaranka u haysaan oo ay ugu horreyso geedi socodka siyaasadeed iyo dib u eegista dastuurka. Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud u yihiin dib u soo kabashada dalkeenna” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Xildhibaannada matalayey haweenka ee ka socday labada gole ee baarlamaanka ayaa Farmaajo la wadaagay warbixin ku saabsan shirweynihii 3-aad ee xildhibaannada haweenka ah ee Baarlamaanka, sidoo kale waxay ka xog wareysteen qorsheyaasha xukuumadiisa ee awoodsiinta haweenka. Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanadii la kulmay u balan qaaday in la xoojin doono kaalinta hoggaamineed ee haweenka, isagoo sheegay inuu bogaadinayo dadaalkooda ku aaddan adkeynta dowladnimada iyo horumarka dalka.
  25. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, halkaasi oo uu Madaxweynuhu daah-furay gurmad la gaarsiiyay dadka ay roobabku saameeyeen ee Gobolka Gardafuu. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa si rasmi ah u daah-furay gurmadka la gaarsiinayo dadka roobabku saameeyeen, waxaana Diyaarada Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash la socday oo Gurmadkan waday, sidoo kale ay bilow u tahay duulimaadyo todobaadkan gurmad gaarsiin doona dadka Gobolka Gardafuu. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu gaaray Caluula wuxuu xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha ee degmada Caluula oo dayactir lagu sameeyay. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan , Xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Mudane Gen. Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse, Agaasimaha Hayádda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxman Cayrow, Ganacsato iyo Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland. Hoos ka eeg sawirada wefdiga PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo gurmad gaarsiisay gobolka Gardafuu appeared first on Puntland Post.