-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimasda Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ka dalbaday inuu shacabka Muqdisho labo arrimood mid u fuliyo. Muuse Suudi ayaa wasiir Beyle xasuusiyey in dowladda kharashka ugu badan uu ka soo galo dekedda iyo shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo taasi jirtana ay shacabka Muqdisho dhibane u yihiin dowladda federaalka oo ka jartay wadooyinkii magaaladooda. Senetortka ayaa wasiir Beyle ka dalbaday in looga fadhiyo inuu labo talaabo mid qaado kuwaas oo kala ah, in shacabka Muqdisho ay dowladdu wadooyinka u furto ama ay ka deyso canshuurta ay ka qaado, isagoo xusay in dalku uu lee yahay dekado kale dowladuna ay canshoorto tan Muqdisho oo kaliya. “Dadka magaaladan degan dhamaantood wey dhiban yihiin, waxa laga qaado waxaa ugu darmay meel ay maraan ayey la’yihiin, wasiir lacagta laga soo qaadana adigaa laguu keenaa adigaa u qeybiya kuwa kale, ninkaan wax qaban karin inaad wax siiso maaha, hadii dhagaxu wax qaban karo ma ahan in dadka canshuur laga qaado, hadii hey’ad u xil saaran shaqadaas ay jirtana dhagaxaad ka qaadee umadda asaad hey’adda lacag siinee, marka dhagaxaan meel walba ku goyheynaa dadku meeley wax marsadaana maleh meel ay ku ganacsadaana maleh, intaasoo cadaabana ninka looga sheegan lahaa adiga waaye” ayuu yiri Senator Muuse Suudi. Muuse ayaa sheegay in wasiirka laga rabo inuu jawaab cad ka bixiyo hadii ay jirto qolo dayacday howsheedii oo booskeeda uu dhagax galay, isagoo carabka ku adkeeyay inaysan wax lagu andacoodo aheyn dhagaxa qaraxaa looga hortagaa. “Qofkii dhimanaa Ilaahaa dilaa laakiin qofkii inuu noolaado la rabo dhagaxa lagu hor jaray laftigiisu musiibo waaye, waana rajeynaa in la xaliyo tabashadaas anigoo aaminsan in lacag intaan ka badan ay wasaarada maaliyadu hali laheyd hadii ay magaalada ka qaado dhagaxda” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Senator Muuse Suudi Yalaxow.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-___-Qumanaha-Wararka-03122019.mp3 View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa maanta Xafiiskiisa uu Ku qaabiley Wafdi Ka Socdey Safaaradda Finland ee Soomaaliya. Wafdigaasi ayaa Waxaa qeyb ka ahaa Masuuliyiin ka socday Wasaaradda arrimaha Dibada Finland iyo Xubno ka socdey Hay’adda FCA oo inta badan Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ka Taageerta Dhinac waxbarshada. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa masuuliyiinta Uga warbixiyey Xaaladda guud ee Koonfur galbeed, Waxaana uu Ka codsadey Madaxweynaha In ay sii laba jibaaraan dadaalada ay ka wadaan Koonfur galbeed. Madaxda ka socotay Dawladda Finland ayaa Waxaa ay balan qaadeen in Koonfur galbeed Soomaaliya Ay Tix-gelin gaar ah siin doonaan Baahiyaha ka jira Guud ahaan Deegaanada Maamulkaasi. Kulanka oo in Muddo ah Qaatay ayaa Waxaa Warbaahinta Uga warbixiyey Waxyaabihii looga wada hadley Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha \Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi. View the full article
-
The Members of the Upper House of the Federal Parliament of Somalia have today approved a number of issues that have been at the parliament. The 20th session was presided by the 1st Deputy Speaker of the House of Representatives Senator Abshir Mohamed Ahmed. The Upper House has approved the amendment of the National Sales Act and the national contracts, which have been approved by 30 senators. Speaker of the House of Representatives Economic Committee Senator Abdi Ahmed put forward the 3rd reading of the bill to members of the House. View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Badda Itoobiya ee cusub ayaa saldhigooda uu noqon doonaa Jabuuti, halka xarunta taliskooda dhexe ay noqon doonto magaalada Bahir Dar, waxaa sidaas werisay warbahainta Capital Ethiopia. Ayada oo muddoo laga fakarayey in ciidamada badda saldhig looga dhigo dalalka Sudan, Eritrea ama Jabuuti midkood ,ayaa ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxay Capita Ethiopia u sheegeen in dowladda ay go’aansatay Jabuuti. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in intii lagu guda jiray booqashadii uu Jabuuti ku tagay toddbaadkii saddexaad ee bishii October, uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed arrintan kala hadlay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. France ayaa dowladda Itoobiya ka caawineysa dib u dhiska ciidamada badda, waxaana iminka qaar ka mid ah shaqaalaha lagu tababarayaa dalka France, oo ah mid ka mid ah dalalka taageerada ugu weyn siinaya is-beddelada ka socda Itoobiya. Ilo-wareedyada ayaa dhinaca kale sheegay in xarunta taliska ciidamada ay noqon doonto magaalada Bahir Dar ee caasimadda gobolka Amhara. Hanaanka dib loogu aas-aasayo ciidamada badda Itoobiya ayaa waxaa hoggaaminaya General Kindu Gezu, oo la filayo inuu noqdo taliyaha ciidamada. Kadib markii Eritrea ay ka go’day oo ay noqotay dal madax-banaan sanadii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, waxaana la baabi’iyey ciidamadii badda ee dalkaas. Markii uu ra’iisul wasaare noqday bishii April ee 2018, Abiy Ahmed waxa uu ku dhowaaqay in Itoobiya ay dib u dhiseyso ciidamadeeda badda.
-
Jowhar (SMN) – Madaxweynaha HirShabelle. Maxamed Cabdi Waare, oo isku shaandheyn ku sameeyay Golahiisa Wasiiradda ayaa wuxuu magacaabay afar kamid ah xukuumadda maamulka Jowhar. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
WASHINGTON - Ten years ago on December 3, a suicide bomber attacked a graduation ceremony at Shamo Hotel, one of Mogadishu’s main hotels. Source: Hiiraan Online
-
Wadada isku xirta Bosaso iyo Garowe ayaa dayactirkeedu uu si rasmi Ahlu bilowday, Shirkada Shiinaha ee Qandaraaska ku qaadatay Dhismaha wadada ayaa bilowday. Hoos ka [...] Source
-
After nearly ten years in Germany, athlete, professional mechanic and refugee Mansor Farah wants to become a citizen in his new home country. There’s just one problem – he has no official identity. Source: Hiiraan Online
-
Kenya’s president has said his forces will remain part of the African Union Mission in Somalia and leave the country when it’s secure and stable. The president’s statement came at a time Kenya’s forces are facing hostility in parts of Somalia for their support of the Jubaland administration, which the Somali government has refused to recognize. This month Kenya and Somalia agreed to normalize relations after months of diplomatic tensions between the two countries, which had differences on many issues, including the disputed Jubaland elections. Kenya has been the only country in the region to recognize the outcome of the contest in which Ahmed Madobe was re-elected for another four years. The Somali government is planning another election for Jubaland regional state. George Musamali is the director of the Center for Risk Management in Africa. “What is really happening is that the Somali government [is] pulling its muscles, showing very well we do not recognize the government in Jubaland. And this informed the decision to have the Jubaland vice president be denied access into Somalia and this is coming hot on the heels of now having Kenyans being removed [from] Gedo land to other areas of operation, bringing in more friendly Ethiopia force which friendly to the Mogadishu government. I think we are going to see a lot of activity going on in that area,” he said. Kenya sent its troops to Somalia in 2011 to push al-Shabab and protect its borders from the group’s terror attacks. Months later Kenya joined the African Union Mission in Somalia known as AMISOM. Kenyan President Uhuru Kenyatta said on Thursday his country will be in Somalia for a longer term. “As I have stated before our troops will continue in being part of AMISOM until such time that our objective has been achieved,” he said. Kenya has troops in Lower and Middle Juba and Gedo regions, which share borders with Kenya. Mohamed Abdullahi Gardhuub is the Luuq district commissioner in Gedo region. He says his area is under the control of central government forces. “The security is of the district is good. The area is being protected by the forces from the federal government and they are the ones who are in charge of the security. The forces are not only in Luuq district but they are in other seven districts of the Gedo region,” he said. This week Jubaland deputy leader was denied entry in Gedo region. Musamali said the Gedo region exposes Kenya to more security risks. “Now being moved out of Gedo an area that they have a lot of interest in clearly exposes Kenya to more insecurity because we don’t know how Ethiopians are going to play it. Kenya should be worried about that.” The issue of Jubaland leadership has been the tension for years between the Mogadishu administration and Kenya. In remarks to the United Nations Security Council, James Swan, the U.N. representative in Somalia, said the disagreement of the August polls in Jubaland poses a risk of violence, clan division, and external interference. Swan called on the leaders to address issues through dialogue, compromise, and pragmatism. View the full article
-
The cumulative rainfall forecast for the next three and seven days indicates an increase in rainfall activities towards the end of the forecast period. Specifically heavy rains are expected in the northern and central regions from 07 December 2019. Cumulative amounts exceeding 100mm may fall in coastal areas of Saanag, Bari, Nugaal, and Mudug regions. Given the forecast, there is a high risk of flash floods in the areas where heavy rains are expected. Of great concern is the fisheries and livestock sectors along with the coastal areas which may be impacted negatively by the heavy rains. River levels along the Shabelle remain high and are anticipated to remain so in the coming week. There remains a moderate risk of flooding along the river. Observed river levels along the Juba increased sharply over the last two days following heavy rains in the Ethiopian highlands. River levels at Luuq and Dollow are at moderate risk of flooding hile levels at Bardheere are currently at high-risk level. The high levels will be sustained in the coming days and are expected to start decreasing towards the end of the week. View the full article
-
NAIROBI - Kenya's president has said his forces will remain part of the African Union Mission in Somalia and leave the country when it's secure and stable. Source: Hiiraan Online
-
SHARM EL-SHEIKH, Egypt, The African Development Bank (www.AfDB.org) and technology firm Microsoft (https://bit.ly/2LiaqcU) today launched the ‘Coding for Employment’ digital training platform (https://Coding4Employment.org/), an online tool to provide digital skills to African youth, wherever they are across the continent. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-03122019.mp3 View the full article
-
Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ayaa askari kale maanta ku dilay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug. Dilka Askari ayaa yimid ka dib markii labada askari uu muran soo kala dhex galay taasina ay keentay in askariga dilka geystay uu dhowr xababood ku dhuftay askariga kale,taas oo sababtay inuu u geeriyoodo. Sidoo kale ciidamada ammaanka oo ka dhowaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku guulaystay in askarigii dilka geystay ay gacanta ku soo dhigaan, waxaana la sheegay in hadda lagu xiray saldhiga ciidamada Booliska ee Dhuusamareeb. Askarta dowladda ayaa badanaa waxaa ka dhaca dilal dhexdooda ay isku geystaan ama uu ku baxo qof shacab ah oo waxba galabsan, mana jiraan xal laga gaaray oo muuqda oo lagu baajinayo dilalka joogta ah ee ka dhex dhaca askarta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta xaruntooda magaalada Muqdisho ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo horyiillay golahaasi, Kulankaan oo ahaa kii 20-aad ee Kalfadhiga 6aad waxaa shir Guddomiyay Guddomye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed . Golaha Aqalka sare BFS ayaa ansixiyey wax-ka bedelka sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka ,kaas oo ay u codeeyeen ama ay ogolaadeen 30 senatar. Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa xubnaha u soo gudbiyay akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedyadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahaa inay jiraan culumo dafirayo xuquuqda Haweenka isla markaasna ku tilmaamayo inay yihiin kuwa caqli iyo Diin yar. Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur horey “loogu ogaa inuu aflagaadeeyo Culumada iyo madaxda talada heyso balse uu hadda kusoo daray inuu ku jeesjeeso Diinta Islaamka” isagoo is waydiiyey haddii ay arrintaas ka tahay kursi jaceyl. “C/raxmaan C/Shakuur aflagaadada culumada iyo madaxda talada heysa waaba lagu ogaaye in uu diinta ku jeesjeeso ma kursi jeceyl ayaa gaarsiiyay?” ayuu yiri Sheekh cali Wajiir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Sheekh Wajiis ayaa tilmaamay inaysan u jawaabin Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii uu culumada ku tilmaamay inay yihiin kuwa u shaqeeyo Dowladda maadaama uu sheegay in ceydooda iyo amaantoodaba aysan qadiyad u aheyn balse aysan aqbalin karin in hadalka Rasuulka SCW lagu tilmaamo mid been ah laguna jees jeeso sida uu hadalka u dhigay isla markaasna ay arrintaan tahay mid aad u culus oo muslimiinta aysan u dulqaadan karin. Sheekh Wajiis ayaa yiri “Walaalkey markuu culumada ku tilmaamay culumaa’u sulda anagu uma jawaabin waayoo anaga caydeena iyo amaanteena qadiyad nooma aha laakin in Qowlkii Nabi muxamad صلي الله عليه وسلم lagu tilmaamo been laguna jeesjeeso waa arirn aad u culus oo muslimiintu aysan u dul qaadan karin” “Haddaba C/rahmaan weli jaanis towbad keen ah ayaa kuu furan ee kasoo laabo munkarkaas oo ha noqon samaan rushdiga Soomaaliya” ayuu hadalkiisa kusoo xiray. Cabdiraxmaan ayaa dhawaan isagoo Jarmalka kula hadlayey dadweyne Soomaaliyeed sheegay in culumada ay adeegsadeen xadiisyo uu ku sheegay inay yihiin kuwa aan waxba ka jirin oo aan la ogeyn meesha laga keenay kuwaas oo sheegaya inuu Nabi Muxumed CWS sheegay in haweenka ay yihiin kuwa nusqaan ka ah dhanka Caqliga iyo Diinta. Hadiithka uu Cabdiraxmaan diidan yahay ayaa waxaa si wadajir ah usoo wariyey Muslim iyo Bukhaari waxayna culumada isku waafaqsan yihiin inuu yahay xadiithkaas mid saxan oo Nabiga CSW ka sugnaaday, wuxuuna ahaa sida hoos kaaga muuqato. حَدَّثَنَا سَعِيدُ بْنُ أَبِي مَرْيَمَ، قَالَ أَخْبَرَنَا مُحَمَّدُ بْنُ جَعْفَرٍ، قَالَ أَخْبَرَنِي زَيْدٌ ـ هُوَ ابْنُ أَسْلَمَ ـ عَنْ عِيَاضِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ، عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ، قَالَ خَرَجَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم فِي أَضْحًى ـ أَوْ فِطْرٍ ـ إِلَى الْمُصَلَّى، فَمَرَّ عَلَى النِّسَاءِ فَقَالَ ” يَا مَعْشَرَ النِّسَاءِ تَصَدَّقْنَ، فَإِنِّي أُرِيتُكُنَّ أَكْثَرَ أَهْلِ النَّارِ ”. فَقُلْنَ وَبِمَ يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ ” تُكْثِرْنَ اللَّعْنَ، وَتَكْفُرْنَ الْعَشِيرَ، مَا رَأَيْتُ مِنْ نَاقِصَاتِ عَقْلٍ وَدِينٍ أَذْهَبَ لِلُبِّ الرَّجُلِ الْحَازِمِ مِنْ إِحْدَاكُنَّ ”. قُلْنَ وَمَا نُقْصَانُ دِينِنَا وَعَقْلِنَا يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ ” أَلَيْسَ شَهَادَةُ الْمَرْأَةِ مِثْلَ نِصْفِ شَهَادَةِ الرَّجُلِ ”. قُلْنَ بَلَى. قَالَ ” فَذَلِكَ مِنْ نُقْصَانِ عَقْلِهَا، أَلَيْسَ إِذَا حَاضَتْ لَمْ تُصَلِّ وَلَمْ تَصُمْ ”. قُلْنَ بَلَى. قَالَ ” فَذَلِكَ مِنْ نُقْصَانِ دِينِهَا ”. Waxaa arrintaan horey uga soo jawaabay Sheekh Soomow oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur u sheegay inuu si deg deg ah u towbad keeno haddii kale ay go’aan kasoo saari doonaan culimada Soomaaliyeed.
-
Mid kamid ah askartii ay DF geysay Dhuusamareeb oo la dilay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas lagu toogtay mid kamid ah askartii ay Dowladda Soomaaliya geysay Magaaladaas. Sida wararka sheegayaan askarigaan ayaa waxaa toogtay askari kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda kadib markii uu soo kala dhex galay muran aan la ogeyn waxa uu ka dhashay. Muranka kadib goobjoogayaal ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in askariga wax dilay xabad ku dhuftay marxuumka la dilay oo hadda la geeyey meydkiisa Isbitaal. Ciidamo kale oo ku sugnaa goobta ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen askarigii dilka geystay, kaas oo lagu xiray saldhigga magaalada Dhuusamareeb. Weli arrintaan ma aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb. Dilka askarigaan ayaa kusoo aadayo xilli magaalada Dhuusamareeb ay socoto howlaha lagu dhisayo Maamulka Galmudug isla markaasna ay weli taagan tahay xiisadda u dhaxeyso Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Keydka diiwaanka shaqaalaha dowladda Soomaaliya ayaa loo rogayaa mid online ama digital ah, waxaana lagu soo daray in la ogaado xogta nooca dhiigga (blood group) ee qofka. Dhammaan shaqaalaha dowladda ee diwaan gashan ayaa dib loogu laabanayaa feelashooda waxaana kadib lagu darayaa nuuca dhiigga qofka, ayada oo shaqaalaha ay foomka ay buuxinayaan ku qoran tahay meel ku sheegayaan nooca dhiigga. Shaqaalaha ayaa markii hore la ogeyn nooca dhiggooda, waxaase hadda lagu soo daray arrintaas, sida ay noo sheegeen xubno ka mid ah xafiiska ra’iisul wasaaraha. Qorshahan ayaa qyeb ka ah dib u laabasho guud oo lagu sameynayo dhammaan shaqaalaha dowladda, si qof kasta looga hayo xog buuxda oo aan wax shaki ah ku jirin. Arrintan ayaa qeyyb ka ah sugdidda amniga, waxaana ujeedku yahay in cid kasta oo lagu tuhmayo xiriiro kooxaha argagixisada ah laga saaro dowladda. Shaqaalaha ayaa horey loogu xiray shuruudo ay ka mid yihiin inay damiin ka noqdaan odayaal iyo xildhibaanno ku beel ah, si dhammaan shakiyada jira meesha looga.
-
Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta xaruntooda magaalada Muqdisho ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo horyiillay golahasi, Kulankaan oo ahaa kii 20-aad ee Kalfadhiga 6aad waxaa shir Guddomiyay Guddomye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed . ,Golaha Aqalka sare BFS ayaa ansixiyey wax-ka bedelka sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka ka,kaas oo ay u odeeyeen ama ay ogolaadeen 30 senatar. Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa xubnaha golahaasi u so gudbiyay akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedyadaasi. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe oo meel fagaare ah ka hadlayay ayaa si kulul u weeraray xukuumadda Madaxweyne Biixi, golleyaasha wakiillada, Guurtida iyo deegaanka, waxaanu ka hadlay guddigii dhexdhexaadinta ka dhex waday mucaaridka iyo Madaxweynaha isaga oo ku hanjabay haddii ay xal keeni waydo guddigu in la qaban doono shir beeleedkii Boorama oo kale. Arrinta cajiibka ahi waxa ay ahayd in Faysal Cali Waraabe ay u jawaabeen wasiir ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyaga si ugu marag kacay jiritaanka eedaymaha Faysal, waxaanay labaduba sheegeen in Faysal ay ka hadlinayso lexjeclo uu Somaliland, waxaanu madaxweyne ku-xigeenku u sheegay Faysal in si hoose ugu sheego dhaliilahooda, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Popular Contributors
