Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay gudaha u soo galeen deegaano dhaca xadka Soomaaliya. Ciidamadaan oo aan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka magaalada Jigjiga, islamarkaana ay fariisimo cusub ka sameysteen halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay gudaha u galeen deegaanadii ay dhowaan ku dagaalameen ciidanka Liyuu Boolis iyo maleeshiyaad deegaanka ah. Sidoo kale waxaa deegaanadaasi ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo labada dhinac u kala wareejiyey maxaabistii lagu kala qabsaday dagaalladii uu dambeeyey. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in ciidanka Itoobiya ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen xadka labada dal, gaar ahaan G/ Galgaduud. Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse dhaq dhaqaaqyadaani cusub ayaa saameyn ku yeeshay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.
  2. (SLT-Hargeysa)-Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, oo ka mid ah Cuqaasha iyo Madaxda dhaqanka Somaliland ee qaybta ka ah heshiiska labada Beelood ee Ceel-afweyn, ayaa labada Beelood ee wada dega Deegaankaas, ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska, kana dheeradan wax kasta oo ku keenaya colaad dambe, oo dhex marta. Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo ku sugan Ceel-afweyn ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay“Boqolkiiba boqol meel fiican ayey hadda wax marayaan, ALLE ayaana nas inoo soo rogay, rajo weyna ayaan ka qabaa in aanay colaad dambe ka soo noqon doonin Ceel-afweyn, heshiis dhamaystiran oo la isku af gartay wuu dhacay, qodobo lagu wada kalsoon yahayna waa la soo saaray, waxaan se labada Beelood leeyahay dantiinu waxay ku jirtaa idinkoo ilaaliya walaaltinimadiina, wada dhalashiidana iyo wada jirkiina,maxaa yeelay idinka ayaa isku deegaan ah, idinka ayaa isku ood ah, oo is huran, cid iska kiin xigtaana ma jirto, ee labada beelood ee Ceel-afweyn waxaan leeyahay heshiiskaas aad wada qaadateen waligiin ilaaliya, oo fidno dambe iyo colaad dambe yaanay dhicin insha allaaha, waxaana aad iyo aad ugu mahadnaqayaa ALLE saxanaad iyo khayr ha siiye cid kasta oo ka qayb qaatay heshiiska labadan Beelood ee walaalaha ah”. Wuxuu caaqilku hadalka ku soo gunaanaday “If iyo akhiraba naxariista ALLE weynu u baahan nahay, ee ALLE mar kasta waxaynu ka baryeynaa naxariistiisa iyo khayrkiisa inuu ina siiyo, Suldaanka iyo dadkeena xanuunsanayaba waxaan ugu ducaynayaa inuu ALLE caafimaad siiyo, xanuunkana ka dulqaado” Source
  3. Indha ku garaad laha iyo dhaayo ku garaadlaha Somaliland waxay ka simanyihiin aragtidan caadiga ah ee filaysa in aqoonsigu ka imaan doona dalalka debedda oo aan dareen u lahayn xaqiiqada ah in goolka aqoonsiga laga dhalin karo dalka gudihiisa, haddii garasho, qorshe iyo dedaalkeeda mintitnimo ah la helo . Awoodaha ugu waxtarka badani waxay ku jiraan horuumar laga gaadho siyaasadda arrimaha gudaha. Taas oo fure u ah ku qanaca ay ku qancaan dalal shisheeye ee taageera dimoqoraadiyada Somaliland oo aan hubo in ay u heellan yihiin in ay arkaan maamulka dalka Somaliland ka jiraa oo gaadha heer waar-karyaa (Sustainable level), kana gudbi karaya caqabadaha adag ee hor-taagan iyo kuwaa la fili-karo intaba. Adduunweynhu, Gaar ahaan kuwa dimoqoraadiyada taageera waxay ugu horrayn wax kasta uga qiyaas qaataan aragtida dalka lagu hoggaaminayo. Aragtidaaasina waa in ay tahay mid ku salaysan qorshe cilmiyeed dalku leeyahaay oo ku dhisan qawmiyada ama waddaniyada ee aan ku dhisnayn aragti qabiil ama mid kooxaysan oo damaanad qaadaysa xuquuda kofka, karaamadiisa iyo noloshiisaba iyo sinaanta bulshadu u simantahy Hanti-qaybsiga iyo Aoodbsigaba, arrimahaas oo dhan oo la oggyahay in ay yihiin kuwa gaadhistoodu waqti dheer u baahan tahay, laakiin baahidu maanta waa in wdadii dhabta ahayd lagu hubsada in cagta la saaray. ISKU-DHEELITIRKA ARAGTIDA IYO QORSHAHA: Qorshuhu waa in uu leeyaha laba qaybood oo is-dhamaystraya, mid ku wajahan siyaasada arrimaha gudaha iyo mid ku wajahan siyaasadda arrimaha debedda. Haddii aynu soo qaadanu qorshaha siyaasadda arrimaha dibedda waxaa loo baahan yahay, ka sokoow, aragti stiraatiijideeda ee waqtiga dheera ku salaysan oo leh mid dhexe iyo mid waqtiga gaaban ah. Waxaana in qorshaha waqtiga dheeri si cad u kala qeexaya arrinka kala mudnaanshaha dalalka iyo dawladaha dunida asaga oo kala xaddidaynaya oo kala caddaynaya wax dalkasta laga rabo, kaas oo ku salaysan marba heerka xidhiidka diblomasiyadeed marayo. Masalan, Dalalka adduunku kuwo badan oo ka mid ah, gaar ahaan kuwa dimoqoraadiga taageera ayaa Somaliland la leedahay aqoonsi aan rasmi ahayn (De-Facto recognition) oo maanta Somaliland dunida kula dhaqanto. (Halkan waaxaan ka xumahay in aanan halkan ku soo ban-dhigi karayn waxayaabaha shaqo ahaan xidhiika dibeddu ka qaban karo baahida aan weli la daboolin, maxaayeelay waa arrimo ay tahay in aanay debedda nooga bixin). Waase muhiim ah in la fahamo Xidhiidhka derejada aqoonsiga loo yaqaano aqoonsiga aan rasmiga ahayn (DE-Facto Recognition) waxtarkiisa iyo sida ay tahay in loo qiimeeyo. Hase ahaatee, qorshaha aragtida ku salaysani waxuu xoogga saaraa arrinta kala mudnaanta (priorities) oo ah arrin aad u muhiim ah, Msalan dalkasta oo dalalka ama ururrada caalamiga ah, ama ku heer goblba waxaa muhiim ahi waa aqoonsiga heerka DE-Facto, oo oggol in loola macaamilo sidii dawlad madaxbanaan. Hase ahaatee, halkan waxaa loo baahan yahay in la oggyahay macnaha uu leeyahay aqoonsiga heerka (De-Facto). Dawladda oggol macaamilka heerka noocaas ahi waxay ka dhigantahay aqoonsi buuxa oo aan rasmi ahayn. Bal hadda aan soo xiganu sharciga caalamigu waxa uu ka qabo arrinta. ‘’De-Facto Recognition also entails a willingness to carry on official relations, without necessarily saying anything about particular form those relations take’’ Discussion in the US Congress on Palestine-Israel Issue. haddaba, waxa aanay dadka Somaliland iyo guud ahaanba Somalida, inta badani, weli garr-waaqsan macnaha taariikheed ee shirkii London 2012 ee laga soo saaray go’aankii caanka ahaa ee Somalida oo dhan u danta ahaa. Maxaa yeelay waxu jeexay jidkii Somalidu ku Hessian kari lahayd oo runtii loo arakay wada hadalada labada dhinac oo waxa uu ku dhammanayana u sii gogol xaadhay, oo ah laba midkood; Madax-banaani Somaliland ama Confederation laba dal oo dimoqoraadi ah oo si siman oo xor ah ugu midaysan qaabkan Confederation, kuwaas oo meel fog iska dhigay caqiidada siyaasadeed ee Somali—Irredentism kuna beddesha Somaliyo Dimoqoraadi ah oo is-nabad geliya dadka kalena nabadgelisa. Haddaba, ayada oo laga duulaya isbeddelka qotada dheer leh ee adduunweynaha ka socda iyo saamaynta uu Geeskan Africa ku yeeshay waxay duruuftu khabaysaa in sida ugu fiican uguna dheg degga badan dalku uga faaiideysto xidhiidhkan ah De-Facto ee dunidu siisay Somaliland oo siinaya fursad in dalkan laga badbaadiyo duufaanada isbeddelka iyo khatarahahiisa halista ah ee soo foole. Waxaana looga badbaadi karyaa waa in xoogga la saaro laba arrinmood; midda hore waa dibu-heshiinta iyo midaynta dalkan kala qaybsan, iyo midda kale oo ah in laga hawlgal sidii loo soo xasilin lahaa dawlad wayn oo golaha amaanka ku jirta duufaanada soo socda la isaga gudbo. Masalan, haddii Taiwan khatari debedeed kaga timaado waxy haystaa dal weyn oo diyaar u ah difaacoodo, xidhiidhka De-Facto oo ay la leedahay USA ayaa u damaanad ah. adamjibril47@gamail. Lasoco Runt Ma Fanta Source
  4. BELEDWEYNE (HOL) - A delegation from Somaliland arrived in Beledweyne Monday to deliver humanitarian aid to victims of floods as the Federal Government’s pledge remains unfulfilled. Source: Hiiraan Online
  5. Guddi u xilsaaran Tirakoobka Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay soo geba-gabeeyeen hawlo la xiriiray sameynta xogo iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay muddo toddobaadyo ah soo wadeen, barnaamij loogu talagalay Nidaaminta iyo Tirakoobka Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Cali Khayre oo booqday gabagabadii hawsha tirakoobka, ayaa wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ka dhegaystay warbixin ku saabsan qaabkii loo maamulay iyo sida uu ku dhamaaday tirakoobkaasi. Ra’iisul wasaare , Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay hawsha ay qabteen guddigaasi tirakoobka shaqaalaha dowladda, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo shaqaalaha hay’adaha dowladda. PUNTLAND POST The post Tirakoobka Shaqaalaha dowladda Federaalka oo la soo geba-gabeeyay appeared first on Puntland Post.
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo Somaliland u qaabilsan dhanka wadahadalka Soomaaliya oo la hadleysay warbaahinta ayaa eedeymo culus u jeedisay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Adna ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu burburiyey dhammaan qodobadii lagu heshiiyey ee ay horay u saxiixeen Madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inuu Farmaajo doonayo in hadda dib loo bilaabo wadahadallo cusub, taasina aysan u qalmin Somaliland. “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, ummaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in Madaxweyne Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo Muqdisho.” ayey tiri Marwo Adna Aadan Ismaaciil. Ugu dambeyn waxa ay Adna Aadan Ismaaciil shaacisay in wahadallada ay muhiim u yihiin labada dhinac iyo shacabka, balse waxay shuruud ku xirtay in dadka ku matalaya wadahadallada dowladda federaalka aysan noqon kuwo dambiyo kag galay Somaliland. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan guddiga u qaabilsan wadahadllada Somaliland uu shaaciyey inay u diyaar garoobeen sii amba qaadida wadahadallada labada dhinac. Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa afartii sano ee la soo dhaafay hakad ku jiray, iyadoona hadda la qorsheynayo in markale dib loo sii amba qaado. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Cod-Adna-Ismaaciil.mp3
  7. Guddiga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin socod-siinta Wada-hadallada, haddii marka hore dowladda federaalka ay meelmariso Heshiisyadii horay loogu gaaray kulamadii ay labada dhinac yeesheen. Guddoomiyaha Guddiga Somaliland u qaabilsan wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya Drs. Adna Aaden ayaa sheegtay, in ay diyaar u yihiin dib u furidda Wada-hadallada, balse ay marka horay doonayaan in dowladda Federaalka, ay fuliso qodobadii lagu heshiiyay kulamadii hore ee qabsoomay. “In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, umaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in madaxweynaha dalka aannu jaarka nahay ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu wada buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan” ayay tiri Dr Adna. “Waxaa isweydiin leh wadahadalladan imika la rabaa, ma kuwii horaa la ansixinayaa oo waa la sii wadayaa? Haddiise heshiisyadii hore ay noqdaan waxba kama jiraan waa gacma daalis. Waxaa la doonayaa madaxweyne qowl leh, oo wakaalad ka sita ummaddiisa, oo shicibka Soomaaliyeed soo doorteen, oo wixii madaxweyneyaashii hore ku heshiiyeen fulinaya, oo ixtiraamaya, awooddii uu ku fulin lahaana leh” ayay sii raacisay. PUNTLAND POST The post Somaliland oo shuruud ku xirtay wada-hadallada dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Ankara)-Dowladda Turkiga ayaa walaac badan ka muujisay qaxootiga badan ee ku soo qul-qulaya dalkeeda, kaasi oo gaadhay tiradii ugu badneyd ee dhanka qaxootiga caalamka. Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa si cad u sheegay in aanu dalkiisu awoodin in uu aqbalo qaxooti cusub, midaasi oo uu ku sababeeyay tirada xad-dhaafka ah ee qaxootiga dalkaasi hore ugu sugnaa. Madaxweyne Erdogan oo maalintii Axadii ka qeyb galay munaasibad lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxa uu sheegay in xuduudka dalkiisa ay ku sugan yihiin in ka badan Sideetan kun (80,000) oo qaxooti ah. Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay qaxootigaasi ka soo qaxeen dhanka Idlib ee dalka Suuriya, isagoona xusay haddii aan la joojin weerarada lagu hayo Idlib ay kor u sii kacayaan dadka ka soo barakacaya. “Haddii aan la joojinin weerarada lagu hayo dadka Idlib, tirada dadkan kor ayey u sii kacaysaa, Turkigana ma xamili karo culayska intaas dhan” ayuu yidhi Madaxweynaha Turkigu, Recep Tayyip Erdogan. Dowladda Turkiga ayaa hore waxay u marti-gelisay qaxooti Suuriyan ah oo gaadhaya 3.5-milyan, midaasi oo Turkiga ka dhigeysa inuu marti-geliyay tiradii ugu badneyd ee qaxootiga caalamka. Source
  9. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qabiley safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turke Mehmet Yilmaz. Kulan gaar ah oo ay qaateen ayaa waxaa diiradda lagu saarey xoojinta xiriirka laba dal, Arrimaha doorashooyinka dalka iyo qodobo kale. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyey dowlada Turkiga kaalmada iyo garab istaaga Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya. Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa uga mahad celiyey guddoomiye Mursal soodhaweynta uu u sameeyey,isaga oo sheegay in Dowladda Turkiga ay mar walba garab taagnaan doonto Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horey waxaa uu kala hadlay Arrimaha doorashada Soomaaliya Xubno badan oo ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Sarreeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallada G/Baay. Taliyaha ayaa sheegay in ujeedka howlgallada uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay inay laba jibaari doonaan dhaq dhaqaaqyadooda, si la’isugu furo waddooyinka go’doonsan ee isku xira magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee K/Soomaaliya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay ciidamada dowladda, kuwa K/Galbeed oo isku dhinac ah ay ku dagaalameen deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-1-cabdiqani.mp3 View the full article
  11. (SLT-Mexico)-Danjirihii Mexico u fadhiyey dalka Argentina ayaa is casilay ka dib markii ay soo baxeen eedo sheegaya in uu wax xadayey, waxaana sidaa muujiyey muuqaal la helay oo tusaya isaga oo buug ka xadaya maktabad buugaagta lagu iibiyo. Recardo Valero oo 77 jir ah ayaa waxa uu is casilaadiisa ku sababeeyey duruufo caafimaad waxaanu wasiirka arimaha dibadda ee Mexico sheegay in danjiraha laga dawaynayo cudur ku dhaca habdhiska dareen wadka. Valero ayaa bishan xukuumadiisu dib ugu yeedhay ka dib markii muuqaal ay duubeen kamaradaha ilaalada maktabad ku taalla magaalada Buenos Aires muujiyey isaga oo ka sii baxaya wax lacag ahna aan bixin. Waxaa se haatan lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu shaadh ka xado dukaan ku yaalla madaarka. Diblomaasigaas ayaa ku soo baxay bogagga hore ee wargeysyada ka dib markii lagu qabtay isaga oo ku jira maktabadda buugaagta iibisa ee El Ateneo Grand Splendid bishii Oktoobar oo buug ka soo qaadaya miiskii uu saarnaa oo intuu wargeys uu sitay ku laabay iska baxay. Buuggaas oo qiimihiisu ahaa 10 doollar ayaa la sheegay inuu ka hadlayey taariikh nololeedkii Giacomo Casanova oo ahaa qoraa, askari iyo basaas Talyaani ahaa oo noolaa qarnigii 18-aad. Wuxu ku baxsaday xasaanadiisa diblomaasinimo oo arintaas laguma dacwayn laakiin waxa u yeedhay wasaaradda arimaha dibadda Mexico markii muuqaalkaasi soo baxay ee dadka wada gaadhay. Valerno ayaa hadana sida la sheegay mar kale isku dayey in uu shaadh ka xado dukaan ku yaalla madaarka Ezeiza International Airport ee magaalada Buenos Aires markuu sugayey diyaaraddii uu Mexico u sii raaci lahaa. Wasaaradda arimaha dibada Mexico ayaa Axaddii ka aqbashay is casilaaddii. “Ricardo Valero waa qof qaali ah waxaana haatan laga daweynayaa cudur ku dhaca habdhiska dareen wadka waxaaxan u rajaynayaa caafimaad degdeg ah” ayuu wasiirka arimaha dibadda, Marcelo Ebrard ku qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka. Warbaahinta maxaliga ah ayaa iyadna sidoo kale ku warantay in hab dhaqanka Valero mudoba ay la socdeen dhakhaatiirtu tan iyo 2013-kii oo laga qalay buro ka soo baxday maskaxda. Source
  12. Wasiirka wasaaradda amniga dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre oo la hadlay warbaahinta ayaa Sheegay in howlgalo ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa sheegay in dagaalyahannadu ay isku uruursanayeen deegaanno hoos yimaada degmada Cadale, balse ciidanka Xoogga dalka uu ka war haley sidaasna howlgal ka dhan ah loogu qaadey “howlgalka waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaannada Buur baxaar, Faqiyaale iyo Daarusalaam oo dhammaan hoos yimada degmada Cadale ee gobalka Shabeellaha dhexe” ayuu yiri wasiir Maxmed Kheyre. Sidoo kale wasiirka amniga ayaa intaa ku darey in howlgalladaan ay yihiin kuwo dhammaan deegaannada Dowlad gobaleedka looga saarayo Al-Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay in ay sameeyeen barnaamijyo shacabka looga wacyi gelinayo Fikirka xagjirka ah. Ugu dambeyn Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa ka hadlay kulamo uu uga soo qeybgalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, kaas oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab. View the full article
  13. Guddiga dib u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddiga joogtada ee Golaha Wakiilada Hirshabeele, kaasi oo ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa looga hadlay hannaanka loo marayo dib u eegiska dastuurka. Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga dib u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Kaamil ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa soo bandhigista cutubyo ka tirsan dastuurka oo wax ka badal lagu sameeyay iyo in latashiyo lala yeesho guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Hirshabeelle. Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socda Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dhameystirka Dastuurka dalka. PUNTLAND POST The post Guddiga dib u-eegista Dastuurka oo la kulmay Baarlamanka Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-24122019-sx.mp3 View the full article
  15. (SLT-Washington)-Shirkadda sameysa diyaaradaha ee saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ee Boeng ayaa shaqada ka eriday madaxa shirkaddaasi, Dennis Muilenburg, si loo badbaadiyo sumcadda shirkaddaasi ka dib markii laba jeer oo ay burburtay nooc ka mid ah diyaaradaha ay shirkaddaasi sameyso ee 737 Max. In kabadan 340 qof ayaa shilalkaasi ku dhintay, waxaana shilalkaasi ka dhashay shaki ah in ay jirto cillad weyn oo haysata nooca diyaaraddaasi, waxaana shirkaddaasi lagu eedeeyay in ay faa’iidadeeda ganacsi ka doorbidday badqabka dadka isticmaala diyaaradaha ay sameyso. Qoysaska dadkii ku dhintay shilalkaasi ayaa soo dhaweeyay in shaqada laga eryo Muilenberg balse waxa ay durbaba shaki ka muujiyeen ninka lagu baddalay oo muddo dheer isna ka tirsanaan jiray maamulka sare ee shirkaddaasi. Shirkaddaasi Boeing ayaa baadhitaanno iyo cadaadis ba’an la kulmeysay tan iyo markii laba diyaaradood oo ah nooca 737 Max ay burbureen muddo shan bilood gudahood ah, kuwaa oo ku kala burburay waddamada Induniisiya iyo Itoobiya. Source
  16. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar ayaa salaasadii (December 17, 2109) soo saartay war-saxaafadeed deg deg ah, oo ay ugu dabaal-dageyso sharci miisaaniyad oo uu meel mariyey Aqalka Wakiilada Mareykanka oo ay ka tirsan tahay, kaasi oo ay ku jirtay deyn cafinta Soomaaliya. “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigatay dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tidhi Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay. Hase yeeshee, Ilhaan Cumar ayaan shaacin xaqiiqda ah inay ka codeysay sharcigaas, ay ku jirtay deyn-cafinta Soomaaliya. Sharciga ayaa lagu meel-mariyey aqlabiyad ah 280-138. Ilhaan Cumar waxay ka mid ahayd 75 wakiil oo dimqoraadi ah oo codka diidmada siiyey sharcigaas. Ilhaan ayaa goor dambe soo saartay war-saxaafadeed labaad oo ay ku sheegtay faa’iidooyinka uu sharcigaas leeyahay, sida deyn-cafinta Soomaaliya, ay ka badan yihiin faa’iido darrida, sidaas darteedna ay diiday. “Kuma qanci karno inaan horumar kaliya sameyno, haddii aan ku guul-darreysaneyno waajibaadkii aas-aasiga ahaa ee naloo doortay” ayey tidhi Ilhaan. Haddii Ilhaan ay u diiday sharciga inay ku jiraan waxyaabo kale oo ayna jecleysan, waxaa dad badan is-weydiiyeen maxay ugu faantay una sheegatay inay ansixiyeen sharci muhiim u ah Soomaaliya. Source
  17. (SLT-Iran)-Afhayeenka dowladda Iiraan ayaa sheegay in waddamada midowga Yurub ay awoodaan inay difaacaan heshiiskii Nuclear-ka oo waddamada quwadaha la galeen Iraan sannadkii 2015-kii. Mr Cali Rabaay ayaa intaa ku daray in Iiraan ay ka go’antahay inuu sii jiro heshiiskan haddii dalalka Yurub ay la yimaadaan difaaca (JCPOA). Waddamada Jarmalka Faransiiska iyo Ingariiska oo qeyb ka ah heshiiska ayaa wuxuu ku eedeeyay inay ku fashilmeen in ay difaacaan danaha Iiraan. Afhayeenka dowladda Iiraan ayaa dhanka ku hanjabay in dalkiisa uu bilaabi doono bacriminta hubka wax gumaada ee Nuclear ka haddii Yurub ay la imaan weydo cisbadal muuqda. Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa sannadkii hore laashay heshiiskii 2015-ka oo Mareykanka uu qeyb ka ahaa, waxaana xayiraad dhaqaale ay Washington ku soo rogtay dowladda Iiraan. Source
  18. Somali authorities should immediately allow local broadcaster City FM to reopen and let its staffers work freely, the Committee to Protect Journalists said today. Source: Hiiraan Online
  19. Kenyan troops will not pull out of Somalia until the al Shabaab threat has been completely neutralized, Chief of Defense Forces Samson Mwathethe has said. Source: Hiiraan Online
  20. Rep. Ilhan Omar (D., Minn.) sent out dueling press releases on Tuesday: one celebrating the House passage of legislation that included debt relief for her native Somalia—and a second explaining her decision to vote against that legislation. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii lagu qaaday hotel SYL oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa u muuqda inuu shaki iyo cabsi xooggan geliyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cadbullaahi Farmaajo. Weerarkaas, oo ay fuliyeen Shabaab ku labisan dharka ciidamada, ayaa horseeday in madaxweynuhu xitaa aamini waayo xildhibaanada iyo wasiirada dowladda, isaga oo amray inaysan ilaaladooda la iman karin madaxtooyada. Kadib wuxuu madaxweynaha maalinkii sabtida ka baaqday xuska maalinta ciidamada booliska oo lagu qabtay garoonka Injineer Yariisow, kadib markii uu soo food saaray walaac amni iyo shaki ku saabsan in falal ay ka dhici karaan garoonka. Madaxweynaya ayaa mar kale shakiyey, isaga oo halkii uu tegi lahaa wasaarada Qorshaynta, uu madaxtooyada qaybta deeganka ah isugu yeeray inta badan Golihii Wasiirada, si uu uga hadlo xaflad lagu daahfurayey qorshaha qaranka, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir. Madaxweynaha ma waxaa soo food saaray cabsi amni iyo shaki? Waxaa sidaas qaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo tixraacayey dhammaan tallaabooyinka taxaddar ee madaxweynaha uu qaaday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay. “Madaxwaynaha waxaa ka muuqda cabsi nafsi ah iyo shaki badan. Waxaase fajaciso kale ah in goobtaas [Villa Somalia] laga leeyahay doorasho qof iyo cod ah ayaan dalka ka qabanaynaa.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan. Waxa uu intaas ku daray “Ruux cabsi iyo baqdin intaa la egi hayso, kuwa agjoogana ay u sacaba tumayaan, runtana aysan kula dhiirran karin, ma kula tahay in ay sidan hogaan ugu sii ahaan karaan dal la doonayo in cadaw argagexiso laga xoreeyo, dadkiisana colaad sokeeye laga saaro?” Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale cabsida tirada badan ee madaxweynaha ku qeexay mid aan tusaale wanaagsan u ahayn ciidanka. “Madaxwaynuhu waa taliyaha ciidanka qalabka sida. Waa in awoodiisa hogaan uu inta kale tusaale ugu noqdo dhinaca dhiirranaanta, naf hurka geesinimada iyo tawaaduca.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan. Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarkii hotel SYL uu aad u gil-gilay madaxweynaha, kuna noqday lama filaan in Shabaab sidaas ugu soo dhowaato Villa Somalia, taasi oo loo sababeyn karo cabsida xooggan ee maalmahan ka muuqatay.
  22. The federal government has committed to waiving citizenship application fees that immigration advocates say are a major barrier that stops newcomers from becoming Canadian citizens Source: Hiiraan Online
  23. Puntland:Ciidamo ka gadooday Mushahar la’aan Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland ee loo yaqaanno Guuto Bari, ayaa maanta gadood ka sameeyay laamiga u dhexeeya deegaanka Carta iyo degmada Carmo ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Ciidanka gadoodka sameeyay oo ka cabanayay mushahaar la’aan, ayaa xannibay isu-socodka gaadiidka laamiga dheer ee xidhiidhiya gobollada Puntland, taasi oo culays badan ku keentay gaadiidka isaga goosha gobollada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. Saraakiisha hoggaaminaysay ciidankaasi, ayaa ku amray gaadiidleyda in aysan ka gudbi karin isbaaro ay halkaasi dhigteen, tan iyo inta laga siinayo xuquuq iyo mushahaar kaga maqan dowladda Puntland. Xubno ka tirsan Odayaasha dhaqanka oo markii dambe halkaasi gaadhay, ayaa saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka ka dalbaday in ay isbaarada ka qaadan laamiga, si wada-hadal loola furo, balse saraakiisha ayaa diiday dalabka Odayaasha. Cutubyada gadoodsan ayaa weli haysta badhtamaha laamiga, waxaana kala xidhan isu-socodka gaadiidka, iyadoo ay halkaasi gaadiid badan ku xanniban yihiin. Gadoodka ciidanka Daraawiishta ayaa ku soo beegmay, xilli Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay sheegtay, in ay bil kasta bixiso mushahaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha dowladda. Qaran News
  24. Day after strike near Damascus, Russian news agency publishes interview with senior adviser Ali Akbar Velayati saying Israeli airstrikes ‘will not pass without a response’ Source: Hiiraan Online