-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Iran)-Taliyaha guud ee ciidanka Badda Iiraan Admiral Xuseen Khanzadi ayaa sheegay in Iiraan ay qaban doonto dhoolatus Millatari oo ay kala qeyb qaadanayaan wadamada Ruushka iyo Shiinaha. Khanzadi ayaa ku dhawaaqay arintaan kadib kulan uu shalay la qaatay taliye ku xigeenka ciidanka Badda Shiinaha Janaraal Shao Yuanming. Dhoolatuskan oo loogu magac daray ilaalinta Badda ayaa wuxuu dhici doonaa 27-da bishan December. Labada sarkaal ayaa dhanka kale isla soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in si wadajir ah ay uga qeyb qaataan sugida Amniga Badda. Dhoolatuskan hormuudka ay ka tahay Iiraan ayaa ku soo aadaya iyadoo bilihii la soo dhaafay xiisad ka aloosan xeebaha gacanka Khaliijka ay sare u sii kaceysay. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-05122019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – War kasoo baxay Hay’adda Duullimaadka rayidka Kenya ayaa waxaa amaro cusub oo dhinaca duulimaadka ah lagu soo rogay Diyaaradaha ka duula Garoonka Diyaaradaha Magaalada kismaayo ee ku wajahan Magalada Nairobi ee dalka Kenya. Amarkaan ayaa lagu shaaciyey in Diyaaradaha ka baxa Kismaayo ee ku wajahan Nairobi ay sii maraan Magaalada Wajeer si loogu sameeyo baaritaan la xiriira dhinaca Amniga. 14-kii Bishii la soo dhaafay ee November ee sanadkaan 2019 ayaa kulan ay Magaalada Naiirobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku saabsan in Diyaarada ka baxda Muqdisho ay si toos ah u tagto Nairobi. Heshiiskaas ayaa dhigaya in dhamaan Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya marka laga reebo Muqdisho ay maraan Wajeer si halkaas baaritaan loogu sameeyo. Intii uu jiray Khilaafka dowladda Federaalka ah iyo Kenya, diyaaradaha ka baxa Kismaayo waxaa ay si toos ah uga dagi jireen Nairobi, waxaana dowladda Kenya sheegtay in hadda laga doonayo in ay maraan Wajeer si loo baaro. Kismaayo, oo ah caasimadda ku meel gaarka Jubaland, waxaa haatan saaran xayiraad dhanka duulimaadka ah oo ay kusoo rogtay dowladda federaalka Soomaaliya, oo xiriir fiican uusan kala dhaxeyn maamulkaas. Go’doominta oo ah in diyaaradaha tegaya ama kasoo baxaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho ayaa waxaa shaqooyinkooda ku waayey boqolaal, halka ay sarre u qaadey qarashka duulimaadyadda. Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa Axadii lasoo dhaafay tegay Nairobi, isaga oo la kulmay siyaasiyiin iyo madax. Kenya oo ciidamo ka tirsan AMISOM ay ka joogaan Jubaland ayaa xiriir dhow la leh Axmed Madoobe, waxayna ka taageertay in Al-Shabaab laha saarey Kismaayo sanadka markii uu ahaa 2012-kii. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dhibaato waxaa ay kala kulmaan sii marista Magaalada Wajeer oo si weyn loogu baaro,waxaana dhowr jeer Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen heshiis dhigayey in diyaaradaha ay si toos ah u tagaan Nairobi, balse Kenya ay ka baxday Kenya.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay dhallinyaro ka socotay dalladaha iyo ururrada heer Qaran iyo heer dowlad goboleed ee ka qeyb galey Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed 2019-ka. Madaxweynaha ayaa uga xog waramay dhalinyarada qorsheyaasha ku qotoma awoodsiinta siyaasadeed iyo dhaqaale ee dhallinyarada, kuwaas oo Dowladdu ay ku bixineyso horumarinta iyo xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin hoggaaminta dalka. “Waxaan haatan u soconnaa in aan shacabka Soomaaliyeed ee dhallinyarada u badan aan u soocelinno talada dalka, taladaas oo ka bilaabmata doorashada. Dhankooda dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay naftooda kula xisaabtamaan dadaalka ay dalkooda geliyaan iyo gacanta ay ka geystaan horumarka iyo dowladnimada.” Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu qaadday tallaabooyin la xiriira adkeynta midnimada iyo madaxbannaanida dalka, taasina ay horseedday dib u soo celinta maqaamka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Gobolka iyo guud ahaan caalamka. Casho sharaftan maamuuska ah waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka iyo ciyaartooyda Kooxda Soomaaliyeed ee dalka Australia oo dalka u yimid hawlo samafal iyo in ay tartamo ciyaaro oo sare u qaadaya is dhexgalka bulshada ay la yeeshaan ciyaartooyda gudaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo dardaaran u jeediyay Dhalinyarada appeared first on Puntland Post.
-
Turkish First Lady Emine Erdogan met with representatives of the Global Somali Diaspora Organization and members of the U.K. parliament Wednesday following a NATO summit in London, the Turkish Presidency said in a statement. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa, ayaa kormeerkiisii saddex biloodlaha ahaa ku tagay Arbacadii xarunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, halkaa oo ay warbixin la xiriirta waxqabadka guddiga ku siiyeen guddoonka. Guddoomiye ku-xigeenka guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka, Cali Muumin Muudeey ayaa boggaadiyay dadaallada uu wasiirka ku bixinayo horumarinta shaqaalaha. “Halka arrin aan doonayo cid walba inay oggaato ayaa ah in wasiir Sadiiq ay ka go’antahay si isku mid ah inuu ugu adeeggo guddiga iyo wasaaradda, maaddama uu labadaba wasiir u yahay.” ayuu yiri guddoomiye Muudey. Wasiir Sadiiq Warfaa , ayaa dhankiisa sheegay si siman inuu ugu shaqeyn doono wasaaradda iyo xarunta guddiga, isagoo ku dhiirrigaliyay guddoonka iyo howl-wadeenka guddiga Shaqada ay qaran u hayaan. “Guddiga howlo muhiim ah ayuu dalka u haya , waxaana hadda qaadayaa talloobooyin aan ku dooneyno in lagu horumariyo guddiga.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray in toddobaadkii maalmo ka mid ah uu ku dhex shaqeyn doono xarunta guddiga. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo muddo ku dhow sannad xilka haya ayaa markii labaad kormeer saddex biloodle ah ku tagaya xarunta guddiga shaqaalaha rayidka ee dowladda. PUNTLAND POST The post Wasiirka Shaqada Sadiiq Warfaa oo kormeeray Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka jawaab muuqaal uu soo duubay Xasan Daahir kaasi oo uu ku sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku dhacay fal “kufri ah” ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay. Xasan Daahir Aweys ayaa ka ka jawaabayey hadal Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ka jeediyey dalka Jarmalka, kaasi oo culimada qaar ay ku macneeyeen inuu ku beeniyey xadiis saxiix ah, inkasta oo Cabdiraxmaan uu taas diiday. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay Xasan Daahir Aweyy oo ah “argagixiso dilay kumanaan qof” u ogolaatay inuu ku baaqo “dilkiisa”, taasi oo uu ku macneeyey in dowladda ay la shaqeyneyso argagixiso. “Ayada oo dowladda ay tani ku taageereyso, oo taageerayaasheeda ay ku buun-buuninayaan baraha bulshada. Miyaysan tani caddeyn u ahayn in dowladda ay la shaqeeneyso argagixiso.” Ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kaga jiraa xabsi guri ay ku ilaaliso dowladda Soomaaliya, wuxuuna inta badan soo duubaa muuqaallo uu soo dhigo facebook oo kaga hadlo xaaladda markaas ka taagan dalka. Muuqaalkiisa ugu dambeeyey ee uu soo duubay ayuu ku yiri ““Sababtu waxay tahay in xadiis saxiix ah uu ku sheegay wax aan jirin, si kas ah ayuu u sheegay in wadaadadu ay jeebabkooda kala soo baxeen, qadkaas inuu ka cabirana waa kufri, waxaan hubaa inuu garanayo xadiiskaas oo Cabdiraxmaan waxaan u leeyahay aqoon dheer”. Qoraal uu shalay soo dhigay facebook, oo uu kaga hadlay arrintan muranka dhalisa, waxa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri “Aniga waxaan sheegay in culimada qaarkood ay dumarka si bareer ah duudsiyaan xuquuqdooda iyo kaalintooda siyaasadeed, iyagoo sheega in “Caqligooda iyo Diintooda” ay yihiin kuwa dhiman oo naaqus ah, waxaan kalo sheegay in xaqiraada loo adeegsado Xaddiis Been-abuur ah oo faalso ah oo ay culimada jeebka kala soo baxaan. Anigu marna ma aanan soo qaadan xaddiis goonni ah oo aan leeyahay xaddiis hebel waa been oo sannadkiisa السند (Taxanaha Warinta) ayaa daciif ah ama mawduuc ah ama matnigiisa المتن (Erayada Xaddiiska), mana inkirsani saxiixnimada Xadiiska ay culimo badani ka hadleen.”
-
Baghdad (Caasimada Online) – Booliska Ciraaq ayaa markii u horeysay shaaciyay in ciidamadoodu ay gacanta ku soo dhigeen ku xigeenkii hogaamiyihii la dilay ee ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka, Abuubakar Al-Baqdaadi. Xubintan muhiimka ah ee ka tirsan ururka Daacish, ayey Ciidamada Booliska Ciraaq sheegen inay gacanta ku soo dhigeen xili uu ku sugnaa magaalada Kirkuk ee waqooyiga Ciraaq. Sida lagu baahiyay warbaahinta booliska Ciraaq, gaar ahaan bartooda Twitter-ka, Booliska magaalada Kirkuk ayaa ku guuleystay inay qabtaan ku-xigeenkaasi oo lagu magacaabo Abu Khaldun. Abu Khaldun oo ilma-adeer rumaad la ahaa Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa lahaa aqoonsi been abuur ah oo ugu qornaa magaca ‘Shaclaan Cabiid’, inkastoo oo uu magaciisa saxda ah yahay ‘Xaamid Shaakir Al-badri’, sida laga soo xiganayo qaar kamid ah warbaahinta Ciraaq. Taliska how-galada ciraaq oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qofka ay gacanta ku soo dhigeen uu magaciisa dhabta ah yahay Xaamid Shaakir Al-badri oo inadeer la ah Abuubakar Al-Baqdaadi. Taliska ayaa sidoo kale Xaamid ku sheegay xubin muhiim ah oo ka tirsaneyd hogaamiyayaasha ururka Daacish, isla markaana uu ahaa shaqsiga hayey keydka sirdoonka ururkaasi, isagoona xusay inay si weyn ugu raad joogan hogaamiyayaasha kale ee Daacish, kadib markii uu Mareykanku ku guuleystay dilka Al-Baqdaadi. Xaamid oo magaciisa af-garad uu ahaa ‘Abu Khalduun’ ayaa waxa uu Talisku sheegay in uu ahaa ku xigeenkii Baqdaadi, isagoona markii dambe la wareegay faylasha sirdoonka ee ururkaasi, kana mid ahaa hogaamiyeyaasha ugu muhiimsan ururka Daacish. Waxa mudooyinkii u dambeeyay sarre u sii kacayey beegsiga lagu hayo hogaamiyayaasha sare ee ururka Daacish ee isku magacaabay khilaafada Islaamka, kadib markii uu Madaxweynaha Mareykanku uu si rasmi ah u shaaciyay dilka hogaamiyahoodii Abuubakar Al-Baqdaadi.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-Qumanaha-Warrarka-04122019.mp3 View the full article
-
G/dhexe Cabdiqani Maxamed Xarbi Ku-simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Taliye xigeen cusub u magacaabay Ciidanka madaxtooyada Puntland Dikreeto ka soo baxday xafiiska Ku-simaha madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo ku taariikhaysan 4 December 2019, ayaa Taliye ku xigeenka cusub ee ciidanka madaxtooyada lagu magacaabay Gaashaanle Dhexe Cabdiqani Maxamed Xarbi. Dikreetadan ayaa soo baxday, saacado kadib dikreeto kale oo ku-simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan, uu ku magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Cayn, Guuleed Maxamed Nuux ( Guuleed San-weyne). PUNTLAND POST The post Ku-simaha madaxweynaha Puntland oo Taliye xigeen cusub u magacaabay Ciidanka madaxtooyada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo toos bulshada ugala hadlayey bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay arrin maalmahaan dambe ay isku hayeen qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Muuqaalka uu ka soo muuqday Xasan Daahir oo soconaya ku dhawaad 50 daqiiqo, ayuu ku sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u leeyahay aqoon dheer, waxa uu haatan ku kacayna aysan aheyn xad gudub oo kaliya, balse uu ku dhacay fal “kufri ah” “Sababtu waxay tahay in xadiis saxiix ah uu ku sheegay wax aan jirin, si kas ah ayuu u sheegay in wadaadadu ay jeebabkooda kala soo baxeen, qadkaas inuu ka cabirana waa kufri, waxaan hubaa inuu garanayo xadiiskaas oo Cabdiraxmaan waxaan u leeyahay aqoon dheer” ayuu yiri Xasan Daahir. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Midda ka sii daran waxay tahay inuu kor u qaaday gaaladii, haweenkoodii iyo manhajkoodii, isagoo dumiyey kii Nabigeenna NNKH waxuuna ku doonayaa cizo, igadaa culumadaan wax iska dhah-dhahaya, balse waxaan idiin sheegayaa qofka ku kaca falka intaan aakhiro la gaarin iyuu aduunyada ku khasaaraa”. Xasan Daahir ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay nin “agtiisa ay wax walba beec ka yihiin,”. “Wadanku waa beec, diintu waa beec, dadku waa beec, saas oo ay tahayna dad u sacbinaaya ayaan arkaayey waana khasaareen kuwaas, sababtuna waxay tahay waxa uu ninkaas ku jees-jeesayo inuu xadiiska Rasuulka yahay wey ogyihiin, isagaana la mid tihiine ogaada” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Xasan ayaa sheegay in “Cabdiraxmaan waxyaabaha nuucaas ah waligiis laga sheegi jiray, balse uu maanta ku dhiiraday inuu fagaaraha la soo istaago, isagoo sheegay hadii uusan ka toobad keenin inuu waligiis ku sejalnaa doono. “Waxaan rajeynayaa hadaad aqli leedahay anigu dadka khalfoofkaa ayaan kugu aqaanaaye oo aan shakhsiyada hoose laheyn meeshii ay dhalaan ku arkaana raacee waan ogahay in warkaas oo kale reer Galbeedka laga iibiyo waana markaan dhihi jiray tol belay seeftii ilaaheybaa galka gashan, marka meeshii Salman Rushdi uu maray inaa martaan rajeynaayaa” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Halkaan ka Daawo hadalkiisa oo dhamays tiran
-
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 21 aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed .Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa: 1.Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka. Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Deeqa Xassan Xuseen ayaa Golaha Ka-hor akhrisay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka oo sheegtay soo jeddinada sentarada. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka. Golaha Aqalka sare aya ansixiye ayagoo marsiiyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.Waxaa Ogaalada 32 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hor hadlay golaha shacabka ayaa sheegay in maanta ay tahay guul in dalka uu yeelanayo axsaab siyaasadeed kuwaas oo la soo dooranayo muddo dheer kadib. Fiqi waxa uu yiri “Muwaadiniinta waxaa ay xaq u helayaan runtii doorasho xor ah oo waligood oo aysan arag muddo 50 sano ku dhow, ayada qofkii 10 sano jiray 1969-kii uusan xaq u laheyn inuu codeeyo, marka waxaa ay noqonaysaa in 67 sano qofka maanta jira doorasho qof iyo cod ah kama qeyb galin oo dalka Soomaaliya gudihiisa ah, marka laga reebo gobalada qaarkood, waa baarlamaankaan iyo dadka Soomaaliyeed badankood inta nool marka fursad weyn ayey u tahay inuu wado cusub dalkaan qaado”. Xidhibaan Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sharciga doorashooyinka uu yahay sharci looga gudbayo inuu yimaado isqabqabsi siyaasadeed oo ka dhex dhaca madaxda dalka iyo dowlad gobaleedyada iyo hanaankii Qabiilka. “Sharcigan walwal tire ayaan u bixiyey, waxaad xor ka noqoneysaa odeygii Qabiilka ahaa ee dhibka badnaa, waxaad xor ka noqoneysaa Madaxweyne dowlad gobaleed oo ku dhibi kara, waxaad xor ka noqoneysaa madaxda Villa Soomaaliya joogta ee aad saf ugu galeysid aniga Xildhibaan iga dhig, Walwaltire ayaa la yiraahdaa marka Sharcigaan xeerarka kala duwan ee doorasho oo dal leeyahay ayaa lagu maareeyaa”. Sidoo kale Xildhibaanadii hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo xusay in hanaanka la soo gudbiyey ee doorashooyinka uu luminaayo hanaankii awood qeybsiga ee lagu heshiiyey, taas oo horseedi karta inuu yimaado is qabqabsi. Saabir waxa uu yiri “Dastuurkeena waxaa uu qorayaa waxaan ku heshiiney heshiis awood qeybi haddii uu awood qeybisigii meesha ka baxo waxaan u noqoneynaa Khilaaf xoogan listada xiran oo horay loo soo gudbiyey hanaankaan laga soo badalay ciladaheeda waxaa ugu daran uguna muhiimsan waa awood qeybsigii oo meesha ka baxaya”. Xidhibaan Saabir oo sii hadalaayo ayaa sheegay in hanaanka listiga xiran in xisbiyada ay keenaan intii loogu talo galay taas oo horseedi karta in xisbigii uu burburo ama laga dhaxlo khilaaf aan dhammaan waxaana uu yiri “Sida aan la soconno listiga xiran xisbi waliba waxaa laga rabaa inuu soo gudbiyo 275 xildhibaan, 275 xildhibaanna waxaa la rabaa in la kala doorto oo qof waliba uu Numbar ka galo Numbarkiisana la cayimo, xisbiga aan ka tisan nahay marnaba ma aqbalaayo inaan numbarka 100-aad aan noqdo waxaa laga yaabaa inuu xisbigu 100 cod uusan heli karin waxaa imaanaya isqabqabsi axsaabta dhexdeedaa waxaana imaanaya in axsaabtii burburto”. Dhanka kale Xidhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Beena Beene oo ka hor hadlay golaha ayaa sheega in sharciga doorashooyinka ay muhiim tahay dhammaan xildhibaanada in ay asaga ku mashquulaan sidii loo ansixin lahaa maadaama uu yahay sharci la doonayo in umadda lagu dhaqo boqolka sano ee soo socoto ee aan lagu mashquulin sida ay u qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah sanadka soo socdo. Beena Beene waxa uu yiri “Waa in ay noo kala cadaato ma waxaan xalinaynaa doorasho sanadka soo socdo nuucii ay u dhici laheyd oo ku rajiister gareyan sidii aan annagu aan ku soo noqon laheyn iyo sharaarkeena inaan tolono miyeey xalkeena tahay mise sharci doorasho oo 50-ka sano ee socota ama 100-ka sano ee soo socdo inaan xal ka gaareynaa, haddii aan dooneyno inaan doorashada sanadka soo socota aan qaabeysano waxaan u malaynaa u jeedadu waa naga qaldamaysaa, waa inaan saxnaa dalkeena Soomaaliyeed sharci doorasho oo boqolaalada sano ee soo socota lagu maamulaayo” Sidoo kale Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka hor hadlay golaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay in sharciga doorashooyinka awoodaha lagu kala qeexo waxaana uu yiri “Haddii aad fiiriso qodabka 90-aad ee dasduurka awoodaha Madaxweynaha waxaa uu sheegayaa Madaxweynuhu inuu magacaabayo wasirka 1-aad oo uu ka magacaabi karo qof kasto oo Soomaali ah oo buuxiya, taas meesha waxaa ay ka saareysaa in xisbigii aqlabiyadda helay uu xukuumadda soo dhiso waxaa ay u baahan tahay in la is waafajiyo qodobadaas dastuuriga ah oo kaalinta xisbiyada awooda tartanka siyaasadda iyo doorashada Madaxweynaha oo keenaysa awoodo badan oo xisbiyadu lahaan lahaayeen in uu Madaxweynihii qaato” Xildhibaan Cabdishakuur oo hadalkiisa sii wato waxaa uu yiri “saxiibadey waxaa ay ku sheegeen soo jeedintooda, Soomaaliya waa dal Baarlmaani ah waa dal baarlamaani macnihiisu waxaa waaye xidhibaannada waxaa soo doorta shacabka xildhibaannaduna waxaa ay doortaan madaxda qaranka, Lakiin dowladaha Baarlaamaaniga ah oo dhan haddaad fiirisid awooda siyaasadda waxaa qaata xisbigii aqlabiyadda hela”. Ugu danbeyn Xildhibaan Sahra Maalin oo dhankeeda ka hor hadashay golaha ayaa sheegtay in ay tahay in lagu noqdo sharciga doorashooyin maadaama uusan isku dheeli tirneen qoondada haweenakana sidii rabay aan loo muujin waxaana ay tiri “Qoladaan aad ayeey u soo shaqeeyeen waxaa ay tahay in sharcigaan lagu noqdo maadaama aysan dheelitir jirin oo dadkii soo qoraayey aysan u sineen, arrimaha culeeska leh waa in gabdhaha ku yar yihiin waxaad ka fahmee xushmo ahaan ha loogu soo daro aniga qof nool ayaan ahay xushmo ahaan miyaa wax la ii siinaa, aniga iyo wasiirkayga Illaah ayaa nawada abuuray isku si ayaa wax u leenahay, xushmo ahaan dumarka waxha loo siiyo raggana caadi haloo siiyo meel ay ku taalo majirto.” Xigasho: Goobjoog News
-
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hor hadlay golaha shacabka ayaa sheegay in maanta ay tahay guul in dalka uu yeelanayo axsaab siyaasadeed kuwaas oo la soo dooranayo muddo dheer ka dib waxaana uu yiri” Muwaadiniinta waxaa ay xaq u helayaan runtii aan doorasho xor ah waligood soo galin oo 50 sano ku dhow iyo qofkii 10 sano jiray 1969-kii uusan xaq u laheyn inuu codeeyo, marka waxaa ay noqonaysaa 67 sano qofka maanta jira doorasho qof iyo cof ah kama qeyb galin oo dalka Soomaaliya gudihiisa ah marka laga reebo gobalada qaarkood, waa baarlamaankaan iyo dadka Soomaaliyeed badankood inta nool marka fursad weyn ayey u tahay inuu wado cusub dalkaan qaado”. Xidhibaan Fiqi oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in sharciga doorashooyinka uu yahay sharci looga gudbayo inuu yimaado isqabqabdi siyaasadeed oo ka dhex dhaca madaxda dalka iyo dowlad gobaleedyada iyo hanaankii Qabiilka waxaana hadakiisii ka mid ahaa” sharcigan walwal tire ayaan u bixiyey, waxaad xor ka noqoneysaa odeygii Qabiilka ahaa ee dhibka badnaa, waxaad xor ka noqoneysaa Madaxweyne dowlad gobaleed oo ku dhibi kara, waxaad xor ka noqoneysaa madaxda Villa Soomaaliya joogta aad saf ugu galeysid aniga Xildhibaan iga dhig Walwaltire ayaa la yoiraahdaa marka Sharcigaan xeerarka kala duwan ee doorasho oo dal leeyahay ayaa lagu maareeyaa”. Sidoo kale Xildhibaanadii hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka hor hadlay golaha shacabka ayaa xusay in hanaanka ee la soo gudbiyey ee doorashooyinka uu luminaayo hanaankii awood qeybsiga ee lagu heshiiyey taas oo horseedi karta inuu yimaado is qabqabsi waxaana uu yir” Dastuurkeena waxaa uu qorayaa waxaan ku heshiiney heshiis awood qeybi haddii uu awood qeybisigii meesha ka baxo waxaan u noqoneynaa Khilaaf xoogan listada xiran oo horay loo soo gudbiyey hanaankaan laga soo badalay ciladaheeda waxaa ugu daran uguna muhiimsan waa awood qeybsigii oo meesha ka baxaya”. Xidhibaan Saabir oo sii hadalaayo ayaa sheegay in hanaanka listiga xiran in xisbiyada ay keenaan intiii loogu talo galay taas oo horseedi karta in xisbigii uu urburo ama laga dhaxlo khilaaf aan dhammaan waxaana uu yiri” Sida aan la soconno listiga xiran xisbi waliba waxaa laga rabaa inuu soo gudbiyo 275 xildhibaan 275 xildhibaanna waxaa la rabaa in la kala doorto oo qof waliba uu Numbar ka galo Numbarkiisana la cayimo, xisbiga aan ka tisan nahay marnaba ma aqbalaayo inaan numbarka 100-aad aan noqdo waxaa laga yaabaa inuu xisbigu 100 cod uusan heli karin waxaa imaanaya isqabqabsi axsaabta dhexdeedaa waxaana imaanaya in axsaabtii burbuirto”. Dhanka kale Xidhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Beena Beene oo ka hor hadlay golaha ayaa sheega in sharciga doorashooyinka ay muhiim tahay dhammaan xildhibaanada in ay asaga ku mashquulaan sidii loo ansixxin lahaa maadaama uu yahay sharci la doonayo in umadda lagu dhaqo boqolka sano ee soo socoto ee aan lagu mashquulin siduu u qabsoomi kartaa doorasho qof iyo cod ah sanadka soo socdo waxaana uu yiri” Waa in ay noo kala cadaato ma waxaan xalinaynaa doorasho sanadka soo socdo nuucii ay u dhici laheyd oo ku rajiister gareyan sidii aan annagu aan ku soo noqon laheyn iyo sharaarkeena inaan tolono miyeey xalkeena tahay mise sharci doorasho oo 50-ka sano ee socota ama 100-ka sano ee soo socdo inaan xal ka gaareynaa, haddii aan dooneyno inaan doorashada sanadka soo socota aan qaabeysano waxaan u malaynaa u jeedadu waa naga qaldamaysaa, waa inaan saxnaa dalkeena Soomaaliyeed sharci doorasho oo boqolaalada sano ee soo socota lagu maamulaayo” Dhinaca kaleXikdhibaan Cabdishakuur Mire oo ka hor hadlay ayaa golaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay in sharciga doorashooyinka awoodaha lagu kala qeexo waxaana yiri “ Haddii aad fiiriso qodabka 90-aad ee dasduurka awoodaha Madaxweynaha waxaa uu sheegayaa Madaxweynuhu inuu magacaabayo wasirka 1-aad oo uu ka magacaabi karo qof kasto oo Soomaali ah oo buuxiya, taas meesha waxaa ay ka saareysaa in xisbigii aqlabiyadda helay uu xukuumadda soo dhiso waxaa ay u baahan tahay in la is waafajiyo qodobadaas dastuuriga ah oo kaalinta xisbiyada awooda tartanka siyaasadda iyo doorashada Madaxweynaha oo keenaysa awoodo badan oo xisbiyadu lahaan lahaayeen in uu Madaxweynihii qaato” Xildhibaan Cabdishuur oo halakiisa siiwato waxaa uu yiri” saxiibadey waxaa ay ku sheegeen soo jeedintooda, Soomaaliya waa dal Baarlmaani ah waa dal baarlamaani macnihiisu waxaa waaye xidhibaannada waxaa soo doorta shacabka xildhibaannaduna waxaa ay doortaan madaxda qaranka, Lakiin dowladaha Baarlaamaaniga ah oo dhan haddaad fiirisid awooda siyaasadda waxaa qaata xisbigii aqlabiyada hela”. Ugu danbeyn Xildhibaan Sahra Malin oo dhankeeda ka hoor hadashay golaha ayaa sheegtay in ay tahay in lagu noqdo sharciga doorashooyin maadaama uusan isku dheeli tirneen qoondada haweenakana sidii rabay aan loo muujin waxaana ay tiri” Qoladaan aad ayeey u soo shaqeeyeen waxaa ay tahay in sharcigaan lagu noqdo maadaama aysan dheelitir jirin oo dadkii soo qoraayey aysan u sineen, arrimaha culeeska leh oo quran meesha in gabdhaha ku yar yihiin waxaad ka fahmee xushmo ahaan ha loogu soo daro aniga qof nool ayaan ahay xushmo ahaan miyaa wax la ii siinaa, aniga iyo wasiirkayga Illaah ayaa nawada abuuray isku si ayaa wax u leenay xushmo ahaan dumarka waxha loo siiyo raggana caadi haloo siiyo meel ay ku taalo majirto” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-04122019.mp3 View the full article
-
(SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay warbixino ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalka Itoobiya oo lagu sheegay in ciidamada badda Itoobiya ee cusub uu saldhiggooda noqon doono Jabuuti. Wargeyska Capital Ethiopia oo soo xiganaya Ilo-wareedyo ayaa qoray in intii lagu guda jiray booqashadii uu Jabuuti ku tagay toddbaadkii saddexaad ee bishii October, uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed kala hadlay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in Jabuuti ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya, la iskuna raacay. Hase yeeshee safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Itoobiya, Maxamed Idiris Faarax oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in weli aysan jirin wax heshiis ah oo Jabuuti ku ogolaatay in ay saldhig siiso ciidamada badda Itoobiya. “Warkaas waa war jaraa’iddada Itoobiya dhex socda, kuwaas oo sheegaya in ciidanka badda ee Itoobiya ay saldhig ku yeelanayaan Jabuuti, warkaasi ma ahan war rasmi ah, ma heyno wax heshiis ah oo labada dowladood ay isla gaareen ” ayuu yidhi. Si katsaba Maxamed Idiris Faarax waxa uu qiray in labada waddan ay ka wada hadleen arrintan, balse illaa iyo hadda aysan jirin wax dhaafsiisan wada-hadal oo kasoo cusboonaaday arrintaas iyo heshiis rasmi ah oo la gaaray. “Waxay ahayd dalab ka yimid ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo doonayay in ciidankaas la dejiyo dalka Jabuut, waxaa soo socdana wakhtiga ayaa inoo sheegi doonaa”, ayuu hadalka ku daray safiirka. Safiirka ayaaa dhinaca kale sheegay in heshiis kasta oo Jabuuti ay arrintan ka gaarto uu noqon doono mid saddex geesood ah oo Faransiiska uu qeyb ka yahay. “Haddii ay noqota in heshiis la gaaro wuxuu noqonayaa heshiis saddex geesood ah oo dhexmara Faransiiska, Jabuuti iyo Itoobiya” ayuu yiri. France ayaa dowladda Itoobiya ka caawineysa dib u dhiska ciidamada badda, waxaana iminka qaar ka mid ah shaqaalaha lagu tababarayaa dalka France, oo ah mid ka mid ah dalalka taageerada ugu weyn siinaya is-beddelada ka socda Itoobiya. Sidoo kale, Faransiiska oo horey u gumeystay Jabuuti ayaa ah xulufada ugu weyn ee dalkaas, waxaana in uu qeyb ka noqdo heshiis kasta loo arkaa tallaabo ay Jabuuti isku ilaalineyso, si aysan dhibaato uga iman Itoobiya oo aad uga weyn ugana awood badan. Kadib markii Eritrea ay ka go’day oo ay noqotay dal madax-banaan sanadii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aan bad lahayn, waxaana la baabi’iyey ciidamadii badda ee dalkaas. Markii uu ra’iisul wasaare noqday bishii April ee 2018, Abiy Ahmed waxa uu ku dhowaaqay in Itoobiya ay dib u dhiseyso ciidamadeeda badda. Source
-
Popular Contributors
