-
Content Count
214,024 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xalay saq dhexe lasoo afjaray weerarkii ay xubno Al-shabaab ah ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho. Weerarkan ayaa ahaa mid bilowday fiidkii hore ee xalay, iyadoo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay. Af-hayeenka dawladda Soomaaliya, Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in la dilay dhammaan xubnihii weerarkaasi soo qaaday, kuwaasi oo tiro ahaan ahaa 5 nin. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in ay dhinteen Shan qof oo ay ku jiraan Labo ruux oo shacab ah iyo saddex ka mid ah ciidanka dowladda ee waday howlgalkii badbaadinta. Dadka waxyeelladu ay soo gaartay waxaa ku jira xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka, kuwaasi oo ku sugnaa Hotelka SYL. Hotelka SYL ayaa ku dhow madaxtooyada qaranka, waxaana halka uu ku yaallo tahay meel ammaankeeda aad loo adkeeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Indian Ocean, a battleground between the fishermen of Tamil Nadu and Sri Lanka over the rights to fish in region marked as International Maritime Boundary Line has the solution to the decades old political problem. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu, Somalia (CNN)Security forces ended a deadly attack at a hotel in Somalia's capital Mogadishu on Tuesday after a seven-hour battle that left at least three civilians and two soldiers dead. Source: Hiiraan Online
-
The phrase"one man, one vote" traces its roots to 1961 in Somalia . It is a powerful concept. For Somalia, such an election would have been the first universal suffrage polls in half a century. Source: Hiiraan Online
-
Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa caawa weerar waxaa ay ku qaadeen Hotelka SYL oo ku yaala nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Wararka Goobjoog News ay heleyso ayaa sheegaya ilaa 5 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeel Hotelka abaare 7:00 habeenimo waxaana jira khasaare dhimasho ilaa 3 ah iyo dhaawaca oo badan. Qolada weerartay Hotlka ayaan adeegsan Bam iyo gawaari Qarax lagu soo xiray iyaga oo ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda, waxaana ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud iyo Bambooyin. Sidoo kale ciidamada ammaanka iyo ilaalada Hotelka ayaa bilaabay samatabixinta dadkii Hotelka gudihiisa ku jiray waxaana la maqlayaa rasaas ay isweydaarsanayaan ciidamada ilaalada Hotelka iyo qolyihii weerarka soo qaaday. Dhinaca kale Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa sheegtay In ciidamadu ay dileen ilaa labo ruux oo ka tirsanaa qolyihii weerarka soo qaaday laba kalana ay wali ka dagaalamayaan gudaha Hotelaka iyada oo intaas raacisay In la soo badbaadiyey ilaa 82 ruux oo ku sugnaa gudaha hotelka. Ugu danbeyn Hotelka ayaa caawa waxaa ka socotay xaflad, waxaana goobta ku sugnaa marti dhowr ah oo lagu casuumay xafladda, si la mid ah waxaa hotelka ku sugnaa ergadii maanta ka qeyb gashay caleema saarkii hoggaanka beelaha Habargidiir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Armed men stormed into the heavily secured SYL hotel opposite Villa Somalia Tuesday evening with casualties feared. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo Aagga cashuuraha ka caaggan ee dekedda Berbera oo maanta lagu kala saxeexday Somaliland. Munaasibadda lagu daah-furayo mashruucan oo maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda shirkadda DP World, safiirro ka socday dalalka deriska, madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka Saaxil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsatada dalka iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan. Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo kulanka lagu kala saxeexanayey heshiiska lagu gudo gelayo hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba uga mahadceliyey sida kalfurnaanta, walaaltinimada iyo xamaasadda leh ee ay shirkadda ula shaqeeyaan, waxana uu caddeeyey inay shirkad ahaan ku dhammayn doonaan sida uu yahay qorshahooda ay ku dhammaynayaan wejiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera. Madaxweyne Muuse Biixi oo isaguna hadal kooban ka jeediyey munaasibadda daah-furka hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn dawladda Imaaraadka Carabta iyo shirkadda DP World ugaga mahadnaqay maalgashiga ballaadhan ee ay ku sameeyeen dekedda Berbera iyo sida walaaltinimada leh ee ay ugu dhiirradeen inay mashruuc malaayiin Doollar ku kacaya ay ku aaminaan Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu bulshada u sharraxaya aragtida fog ee xukuumad ahaan ay ka leeyihiin guud ahaanba mashruuca lagu hormarinayo dekedda Berbera oo ay qayb ka tahay mashruuca maanta la kala saxeexday ee hirgelinta Aagga Cashuuraha ka caagan, wuxuuna yiri “Mashruuca Berbera Port aragtida guud ee aynnu qaran ahaan ka leenahay waa inaynu ka helno koboc dhaqaale oo dalkeena Somaliland iyo gobolka aynnu ku naallo iyo geeska Afrika caalamkana aynnu la wadaagno, Himiladeennuna waa inay Barwaaqowdo Somaliland oo ay horseed u noqoto bilowga dhismaha dekedda iyo waddada Berbera iyo madaarka Berbera oo isaguna noqon doona madaar ganacsi oo caalami ah” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa carrabka ku ballaadhiyey qodobadda lagama maarnaanka u ah hirgelinta himilada fog ee qaranku ka leeyahay casriyeynta dekedda weyn ee Berbera, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi “si aynnu taas u hirgelinno waxa aynnu u baahannahay dhawr qodob oo ka kala ah inaynnu helno kaabayaal dhaqaale oo raandhiis leh, waddooyin, deked, isgaadhsiin, koronto ay dadka imanaya iyo ummadaha caalamiga ahi isku hallayn karaan, waxa kale oo aynnu u baahannahay inaynu helno dad aqoon u leh maamulka ganacsiga intaas le’eg ee caalamiga ah oo Somalilanders ah.” Ugu dambayntii waxa madasha lagu kala saxeexday heshiiska lagu hirgelinayo Aagga Cashuuraha ka caagan ee Berbera, waxana kala saxeexday Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo shirkadda DP World ee mashruucan masuulka ka ah u saxeexay iyo wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda oo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland u saxeexay.
-
Bishii hore ayay Ansa, wakaaladda wararka ee Talyaaniga, soo saartay warbixin ay ku xustay in Silvia Romano, oo ah isxilqaame ka tirsan hay’adda Africa Milele, ay ku jirto gacanta ururka Al-shabaab. Silvia waxaa laga afduubay Kilfi bishii Nofeebar ee 2018kii. Maxkamadda Malindi ayaa waraysatay goobjoogeyaal. Adfuubayaashu waxay Silvia la aadeen webiga Galanna. Khariidad muujinaysa meesha Silvia laga soo afduubay Wakaaladda waraka Adnkronos ayaa warisay in Silvia lagu hayo dhul ku yaalla dhulka uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed. Wageyska Il Messaggero ayaa wariyay in “23 burcadeed iyo oday dhaqameedyada Al Qaida iyo dhexdhexaadiyayaal looga shakisan yahay inay abaabuleen afduubista” Silvia. Wargeysku wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu oggolaaday gacan ku dhigista hantida tuhmanayaasha. Silvia Romano: Nabad ku soo noqo Waxaa jira la haystayaal kale oo lagu afduubay dalka Kiinya hase ahaatee may cadda meesha lagu hayo. Ururka Al-shabaab muu sheeganin afduubista Silvia Romano. Su’aalo badan ayaa jira oo ku saabsan sida ay ugu suurtogashay afduubayaasha inay Silvia ka soo afduubeem dalka Kiinya kaddibna u kexeysteen Soomaaliya inkasta oo gobollada ka mid ah Koonfur Galbeed aysan soohdin la hayn Kiinya. © 2019 Puntland Post The post Halkee lagu hayaa Silvia Romano? appeared first on Puntland Post.
-
Gaari ay wateen ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwa Milatariga qeybta 21-aad ayaa maanta ku rogmaday inta dhaxeyso deegaanka Gelisoor ee gobaka Galgaduud iyo magaalada Gaalkayo ee gobalka Mudug. Gaariga rogmaday oo ahaa nuuca Cabdi bilaha ah ayaa rogmaday ka dib markii wadihii gaariga uu xakamayn waayey, taas ayaana sababtay wadada inuu ka baxo ka dibna uu rogmado. Sidoo kale waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray ciidamada saarnaa gaariga inta la xaqiijiyey ilaa lix askari ayaa ku dhaawacantay gaariga kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo xaaladooda lagula tacaalayo. Wadada u dhaxeysa magaalooyinka Gelinsoo iyo Gaalkacyo ayaa badanaa waxaa ka dhaca shilal gaari ayadoo ay ugu wacan tahay wadada oo burbursan iyo gawaarida si xowli ah loo kaxeeyo waxaana ka dhasha dhimasho iyo dhaawacyo soo gaara dadka rakaabka ah ee ku safraya wadadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidammada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa qabtay illaa Afar Markab oo si Sharci-darro ah uga kalluumaysanayey Biyaha Badda Somaliland. Afarta Markab ee sida Sharci-darrada ah uga kalluumaysanayey Xeebaha Galbeed ee Somaliland ayaa waxa qabtay Ciidammada ilaalada Xeebaha ee fadhiisinkoodu yahay Gobolka Selel, sida uu ku soo warramay Weriyaha Telefiishanka HCTV ee Gobolka Selel. Maraakiibtan oo ay saarnaayeen Tobaneeye Shaqaale ah ayaa waxa laga leeyahay Dalka Masar. Source
-
(SLT- Diridhaba)-Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland iyo Itoobiya ayaa shir ku yeeshay magaalada Diridhaba ee Dalka Itoobiya kaasi oo la sheegay in lagaga hadlayay arrimaha nabadgalyada ee labada dhinac. Shirkan ayaa ah mid saddexdii bilba mar la qabto, oo ujeedkiisu ugu weyn uu yahay in la iska kaashado amniga labada dhinac, gaar ahaan xuduudda, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani kama qeyb-gali doono shir madaxeedka Khaliijka ee manta ka furmay magaalada Riyadh, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda, taasi oo wiiqday rajadii laga qabay dib u heshiin dhex marta Doha iyo isbahaysiga Riyadh lagu gaaro shirka.. Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa dhammaan xiriiradii diblomaasiyadeed iyo kii socdaal u gooyey Qatar bishii June ee 2017, sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inay taageerto argagixisada, islamarkaana xiriir la leedahay dalka Sacuudiga ay xifaaltamaan ee Iran. Qatar si kulul ayey u beenisay eedeymahaas Amiir Tamim ayaa ra’iisul wasaaraha dalka Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al-Thani u magacaabay inuu hoggaamiyo ergo ka socota Qatar oo ka qeyb-galaysa shir madaxeedka maanta furmay ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, sida ay werisay wakaaladda wararka QNA. Rajada dib u heshiin dhex marta labada dhinac ayaa soo muuqanaysay dhowaanahan inkasta oo Doha ay diiday inay aqbasho shuruudaha ay ku xireen dalalka xiriirka u jaray. Kadib markii boqorka Sacuudia Salman uu Amiir Tamim ku casuumay kulanka, wasiirka arrimaha dibedda Qatar ayaa sheegay in “xooga horumar ah” laga sameeyey wada-hadallo ay la leeyihiin Riyadh. “Waxaan ka soo dhaqaaqnay marxalad adag, una gudubnay xooggaa horumar ah, wadahadallo qaar ayaa naga dhaxeeyey, gaar ahaan Sacuudiga, Waxaan rajeyneynaa in wada hadaladan ay horseedi doonaan horumarkeena iyo meesha aan ku arki karno dhamaadka dhibaatada” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar. Tallaabo ay qaadeen daqiiqaddii ugu dambeysay ayaa sidoo kale saddexda dal ee Khaliijka waxay ku aqbaleen inay ka qeyb-galaan tartanka kubadda cagta Khaliijka ee lagu qabtay Qatar, taasi oo hogaamisay hadal hayn ku saabsan in xal diblomaasiyadeed uu dhow yahay. Qaar ka mid ah taxliiliyayaasha siyaasadda ayaa rumeysnaa in shirka Khaliijka ee Riyadh uu dhabbaha u xaar lahaa “shir dib u heshiisiin.”
-
(SLT-Hargeysa)-Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Suhail Al-banna oo kulanka lagu kala saxeexanayey heshiiska lagu gudo-gelayo hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba uga mahadceliyey sida kalfurnaanta, walaaltinimada iyo xamaasadda leh ee ay shirkadda ula shaqeeyaan, waxana uu caddeeyey inay shirkad ahaan ku dhammayn doonaan sida uu yahay qorshahooda ay ku dhammaynayaan wejiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa qiray in xaaladii ugu adkeyd ay mareyso dhismaha Galmudug islamarkaana uu wajahayo dhibaatooyin badan, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Wasiirka ayaa sheegay in uu dhaxda ka galay dano siyaasadeed oo is diidan kuwaas oo hoos u dhigay rajooyin badan oo la qabay, sidoo kalane dhismaha Galmudug geliyay in ay waqti dheer sii jiitanto. “Waxaan xal ka dhax raadinayaa dano siyaasadeed oo is diidan kuwaas oo dhamaantood ku saleysan dan gaar iyo rabitaan shaqsi ama koox” ayuu Sabriye u sheegay siyaasiin iyo masuuliyiin degaanka u dhashay oo la kulmay, kuwaas oo la hadlay Caasimada Online. Masuuliyiintan oo qaarkood ay ku jiraan Xildhibaano ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay waqti badan gelisay dhismaha Galmudug laakiin danaheeda gaarka ah ay wax kasta ka dhigeen fadhiid iyo in howshii ay socon weyso. Jadwalkii ay soo bandhigeen Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug ee la xiriiray hannaanka ay u dhaceyso doorashada ayaa waqtigiisa la gudbay ayada oo aan waxba la qaban. Jadwalka la shaaciyey bartimihii November ayaa qorshuhu ahaa in inta u dhaxeysa 25-28 November lagu xareeyo Odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha Galmudug, isla markaana laga bilaabo 29 November illaa 9 December la soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug. “Dowladda waxay Galmudug ka rabtaa in ay geysato rag ka shaqeeya soo laabashadooda doorashada 2021-ka waana sababta keentay in waxkasta ay socon waayaan” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Caasiamda Online. In Galmudug laga helo madaxweyne daacadu ah Villa Somalia waa qeyb ka mid ah qorshaha dib u doorashada Farmaajo. Madaxweynha oo hadda dhex taagan dagaal siyaasadeed oo uu la galay Puntland iyo Jubaland, ayaan huri karin maamul goboleed saddexaad oo aan isaga daacad u ahayn, waana caqabadda Galmudug ay ka dhismi la’dahay. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u beddeshay liiskii saxda ahaa ee odayaasha Galmudug, ayada oo la keenay odayaal ay wadato dowladda si ay usoo xulaan xildhibaano taageersan Villa Somalia, kuwaas oo kadib qorshuhu yahay inay soo doortaan madaxweyne daacad u ah Farmaajo.
-
Popular Contributors
