Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-29122019-sAX.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay ku tiro-koobtay khasaaraha guud ee dhimasho iyo dhaawaca ee ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay Ex-Control Afgooye. Warbixinta ayaa lagu sheegay in tirada guud ee dhimashada qaraxa ay tahay 79 qof, halka dhaawacana uu yahay 148 qof, oo 16 ka mid ah dhaawacyadooda laga saaray isbitaallada. Haddaba hoos ka aqriso warbixinta wasaaradda Xog kooban: Dadkii ku waxyeeloobay musiibadii ka dhacday Ex-Kontorool, Afgooye, 28 December 2019. Tirada guud ee dhaawaca Isbitaallada la geeyey: 148 Tirada la dhigay/jiifiyey Isbitaallada: 132 Tirada isbitaallada laga saaray: 16 Tirada guud ee dhimatay: 79 Wasaaradda Caafimaadka waxay dhaawacyadii u kala saartay kuwo daran iyo kuwo roon, waxaana kuwa daran la geeyey Isbitaalka Digfer/Erdugan oo tiradoodu ahayd: 51 Waxaa maanta dalka Turkiga loo qaaday intii ugu darnayd oo dhan: 15 qof Waxaa hadda socota dib u qiimeynta intii hartay si berri dalka Qadar loogu qaado Waxaa kaloo Wasaaraddu ku howlantahay raadinta magacyada dadkii ku dhintay qaraxii shalay Raadinta dadka la la’yahay oo Wasaaraddu la kaashanayso Wasaaradda Gargaarka Waxay Dawladda Turkiga noo keentay Takhaatiir iyo Daawooyin Waxaa Wasaaraddu ka codsatay Dowladda Qadar Daawooyin Gurmad caafimaad Gudiga Gurmadka Wasaaradda Caafimaadka wuxuu la falgalay Gudiga Gurmad Qaran oo saldhigoodu yahay Wasaaraada Gargaarka Wixii soo kordha waa idin la socodsiin doonaa.
  3. Kooxo Mitidiin ah oo xidhiidh la leh Daacish ayaa baahiyey Muuqaal ama Fiidiyoow ay ku sheegayaan inay gawraceen 11 Qof oo kiristaan ah. Weerarka lagu laayey dadka Kiristaanka ah ayaa ka dhacay Waqooyi-bari dalka Nigeria. Muuqaalka oo la baahiyey xilli dambe oo khamiistii ah ayaa muujinaya kooxo xidhiidh la leh Daacish oo tooganaya isla-markaana Gawracaya Rag Indhaha laga xidhay. “Tani waa Farriin ku socoto dhammaan Dadka Kiristaanka ah ee ku nool Dunida..” ayuu yidhi, Nin wejigiisu qarsoon yahay oo ka hadlayey Muuqaalka la baahiyey Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay Kooxaha hubaysan ee Waqooyiga Dalka Nigeria ka wada weerarrada ay ku beegsanayaan Dadka Rayidka ah. Weerarkan lagu gawracay dadka Kiristaanka ah ayaa lagu soo beegay Dabbaal-degga Kirismaska. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaaka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay qaatay go’aan ka badalan midka Golaha Shacabka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda, kadib qaraxii shalay ka dhacay Ex-Control Afgooye. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa baajiyay kulankii Golaha, waxa uuna Senatoradii soo xaadiray ku yiri “Ma awoodno inaa maanta kulano waxaa naga baxay dad badan, qaar kalane waxay yaalaan Isbitaalada, ee aan ka qayb qaadano gurmadka, cidii aan awoodina ha u duceyso, kulankayna waxaa ku balami doonaa maalin kale.” Golaha Aqalka Sare ayaa shalay ku balansanaa in Aqrinta 1-aad ay marsiiyaan Hindise Sharciyeedka Sharciga Saxaafadda, balse waxaa loo baajiyay musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho. Inkastoo Golaha Aqalka Sare la fasaxay hadane waxaa jirtay in kulankooda ay si caadi ah u wateen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xafiisyada kale ee dowladda, taas oo ay dad badan dhaliileen. Baraha bulshada ayaa lagu arkayey dadweyne badan oo dhaliilaya xildhibaanada golaha shacabka, kuwaas oo cod u qaaday sharciga doorashooyinka, xilli dad badan ay magaalada ku dhamaadeen qaarna ku dhaawacmeen. Dadka qaar ayaa qabayey inay habooneyd in xildhibaanada golaha shacabka ay joojiyaan kulankooda, kana qeyb qaataan gurmadka iyo wax u qabashada dhibanayaasha qaraxa, balse taas ma dhicin. Waxaa sidoo kale dhaliil loo jeediyey madaxweyne Farmaajo, oo lagu cambaareeyey inuusan booqan dhaawacyada, balse ka door biday inuu muuqaal tacsi ah kasoo dhex duubo Villa Somalia.
  5. Shalay waxay Dawlada Federaalka Somaaliyeed ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku fashilantay in ay ka hortagto Qaraxii Argagisada ee waxyeelada baaxada weyn ugu [...] Source
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa kala dhex-galay ciidamo hab beeleed u abaabulan oo maanta ku dagaalamay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa saacado qaatay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxa uuna u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dawladda Soomaaliya balse u hubaysnaa qaab beeleed. Dagaalka ayaa waxaa uu salka ku haayey isku qabsiga dhula sharci darro ah oo ku yaalla xaafadaas, waxaana la sheegay inay ku geeriyoodeen 5 Ruux oo uu ku jirey ruux ku shaqeysanayey Gaari Gacan. Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in Ciidamo la kala dhex dhigay, isla markaasina uu joogsaday dagaalkaasi. Dagaalka inta uu socday ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka Ganacsiga iyo Gaadiidka, basle haatan las oo sheegayo in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana Goobaha Ganacsiga dib loo furey. Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Tarabuunka. Maleeshiyaadkaan oo sidoo kale shalay ku dagaalamay halkaasi, wuxuuna dagaalkooda noqday mid soo laalaabto.
  7. Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha mudane Farxaan Adan Haybe oo maanta ka qaybgalay kulan balaadhan oo lagu qiimaynaayay shaqaalaha wasaarada horumarinta maalgashiga, gudoomiyaha oo kulankaasi faah faahinaaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidani. Waxaanu maanta kala qaybgalay wasiirka, Agaasimaha guud iyo shaqaalaha wasaarada horumarinta Maalgashiga xaflada Qiimaynta Shaqaalaha ee sanadka galbaday ee 2019. Waa wasaaradii 3aad ee ilaa imika iyagoo raacaya Habraacyada sharciga ee Maamulka iyo Maaraynta cudduda Shaqaalaha gaar ahaa siyaasada Qiimaynta Shaqaalaha iyagoo qiimayn ka dib abaalmarin siiyay 13 shaqaalahooda ka mid ah oo mid kasta shahaado shaqo wanaagiisa lagu aqoonsaday iyo abaal Marin lacageed. Waa waajib in cidii mutaysata loo mahad celiyo loona abaal celiyo dabcan cidii gaabisana waynu soo kabaynaa si ay iyaduna u noqoto mid dadaalka lagu abaal mariyo oo guulaystay balse cida gadaal Ku hadha ee caadayste noqota sharciga ayaynu u raacaynaa waana nasinaynaa si badalkiis dhalinyarada kale ee jecel inay qaranka u adeegaan loo siiyo fursado shaqo. Ugu danbayn Waxaan u mahad celinayaa Shaqaalaha wasaarada si gaar ahna Waxaan amaan ugu jeedin ayaa wasiir cawad iyo Agaasime Deeqa oo aan leeyahay waad ka soo baxdeen xaqii Shaqaalaha inaad ka farxisaan, inta kalena dhiiri gelin ayay u tahay. Qaran News
  8. Turkish President Recep Tayyip Erdogan on Saturday condemned the deadly terror attack in Somalia, and expressed the nation’s sympathy for the East African country. “I condemn the terror attack in Mogadishu, I wish Allah’s mercy upon two Turkish citizens and Somalian brothers who lost their lives and speedy recovery for those who were injured,” Erdogan wrote on Twitter. Offering his condolences to the Turkish nation and Somali people, Erdogan said: “Turkey always stands by Somalia.” Almost 80 people, including two Turkish nationals, were killed and many more wounded in a suicide truck bomb attack on a security checkpoint in the Somali capital Mogadishu on early Saturday.
  9. As the New Year begins in 2020, the Federation of Somali Journalists (FESOJ) has begun consultations with journalists in different parts of the country for the key strategic priorities of next year to raise their voices in concern about the fast-shrinking space for the free expression of ideas and opinions and increasingly limited access to information for the media and citizens of Somalia Members of the FESOJ leadership reached to Garowe, the capital of Puntland State, where they held private and public meetings with journalists and managers of private media to study the existing challenges and recommendations FESOJ should focus on during the beginning new year soon. The main general meeting took place at the City View hotel in Garowe on the evening of December 25th where journalists, leaders of Puntland Media Association MAP and the biggest Puntland civil society umbrella, Puntland Non-State Actors (PUNSAA) attended. First of all, FESOJ Secretary General Mohamed Ibrahim Moalimuu thanked to journalists for the warm welcome in Garowe, pointed out that there is good working relationship and cooperation between the Media Association of Puntland (MAP) and FESOJ. Moalimuu said the purpose of their trip was to listen to Somali journalists, especially those in Puntland for their recommendations on where to focus in the year 2020. He also called on journalists to register and take the membership card, especially journalists who registered but not yet taken the card. Faysal Ahmed Warsame Chairman of Puntland Non-State Actors (PUNSAA) said the civil society groups fully support journalists and their leaders to overcome constraints to serve the public, it is therefore so important to establish a system of direct cooperation and continuous communication between journalist organizations and civil society. Mohamed Dahir Ceysane, chairman of the MAP, who spoke at the event, noted that in the year 2019 journalists have experienced various forms of violence throughout Somalia but now it is necessary to think about that those violations shouldn’t return in 2020. After long brainstorming and discussion Journalists summarized the main challenges for the year 2019 the following points • Difficulty in obtaining facts and information in the absence of access to information • Use of criminal libel or criminal defamation laws against journalists or media organizations that write on sensitive topics. • Use of sedition laws to punish journalists or media organizations that write stories or articles critical of government officials. • Less-payment of salaries to journalists or excessively long delays in the payment of salaries resulting in financial pressures on them to be vulnerable for bribes. • Prohibitive costs of defending libel cases against journalists and media organizations. • Possibility of assassination or torture of media professionals who investigate or report cases of corruption or write other negative stories or articles. • Forcing journalists to flee or go into exile or underground for writing negative or critical stories or articles. • Arrests and detention of journalists for writing negative or critical articles or stories. • Online harassment and other forms of intimidation of journalists and media organizations. • Closure of media organizations or facilities by security agents for writing critical or negative stories or articles. • Withdrawal of accreditation to enter or cover government departments and offices • Denial of access to news conferences and other events, etc. • Death threats and other threats of physical attack for investigating or reporting on sensitive issues or for writing critical or negative articles • Placing journalists under surveillance, etc. Recommendations There are no easy answers or solutions to the challenges However, journalists and media workers proposed the following strategies, ideas and approaches for consideration: • Media organizations and individual journalists should campaign for adoption of access of information law in Somalia since Provisional Federal Constitution guarantees it. • FESOJ and other journalist organizations to monitor attacks on journalists, issue local and international alerts on the attacks as well as provide other forms of support. • Journalists should be trained on how to ensure their safety while on dangerous assignments. • Journalists should be better trained to equip them for the challenge of covering corruption and other socio-political issues more effectively. Since most media houses cannot send their journalists for further training • Journalists should be trained on how to ensure their safety while on dangerous assignments. • Media organizations and companies should explore creative ways of reducing their operational costs and increasing revenue to strengthen their financial base. • In order to recognize and reward journalists and media organizations that have shown courage, creativity, resourcefulness, etc • The training currently available to journalists is limited to a few days, long-term training or diploma are needed On the other hand, FESOJ team conducted meetings with three local media administrators and fellow journalists based in Garowe. This initiative is part of the second implementation phase of a joint VIKES and FESOJ project, launched last year and funded by the EU in which were trained around 200 journalists and media administrators. The main objective of the advocacy campaign for Somali journalists’ labor rights was: To discuss with the journalist employees and make a baseline assessment of the situation at each media house and their challenges. To discuss with the employee how they can get better organized to start campaigning for their rights to collective bargaining, winning better working conditions and extending social justice and professional rights.
  10. Warbaahinta Puntland Post, ayaa dadaal ku bixisay in ay xog dhammaystiran ka hesho, Khasaaraha ka dhashay shaqaaqo maanta ka dhacday degaanka Midigale ee gobolka Sanaag, halkaasi oo dad caraysan ay mudaharaad kala hor-tageen wefdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo ku sii jeeday magaalada Badhan. Goob-joogayaal ayaa sheegay, in shaqaaqada ay bilaabeen dad hubaysan oo ku soo dhex-dhuuntay mudaharaadka, kuwaasi oo rasaas ku furay Wefdiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, taasi oo ay ku dhaawacmeen Taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Caydiid Axmed Nuur iyo saddex askari oo kale. Sidoo kale, rasaas ay fureen Ilaalada Wefdiga Guddoomiyaha ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo dhammaantood ahaa Arday ka qeyb-qaadanaysay mudaharaadka looga horjeeday Socdaalka Wefdiga. Ilaalada la socotay Wefdiga, ayaa sida la sheegay xoog ku kala eryay dadka mudaharaadka ka sameeyay Midigale, oo ka caraysnaa xilka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed, islamarkaana diidanaa Guddoomiyaha cusub Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Wefiga Guddoomiyaha ayaa u sii gudbay dhinaca degmada Badhan, halkaasi oo soo dhaweyn loogu sameeyay, inkastoo xaafado ka tirsan Badhan ay ka dhaceen mudaharaad kale oo ka horjeeda socdaalka Wefdiga. PUNTLAND POST The post Maxaa maanta ka dhacay degaanka Midigale? appeared first on Puntland Post.
  11. Turkey has airlifted 16 badly wounded Somalis with a military plane to its country for proper treatment following Saturday’s deadly attack in Mogadishu’s Ex-control Afgoye. The president of Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo and other government officials have bidden farewell to the victims on Sunday at Aden Adde International airport. The cargo plane brought medical supplies and doctors on Saturday evening to help the wounded people in local hospitals in Mogadishu. The embassy said Turkey emphasizes the importance of international cooperation in the fight against terrorism on every platform and having lost two citizens in this attack. No group has so far claimed responsibility for the attack, however, Somali president blamed Al-Shabaab for being orchestrating the menace. View the full article
  12. Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethopia Md.Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa tacsi tiiraanyo leh, u diray shacabka iyo xukuumada Soomaaliya, isagoo uga tacsiyeeyay dadkii Shacbaka ahaa ee ku waxyeeloobay qarixii shalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxwaynaha D.D.S ee Ethopia ayaa cambaareeyay qaraxaas oo dhibaato baaxad leh ka soo gaartay dad rayid oo aan waxba galabsan. Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar wuxuu Alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxaasi in uu Janadiisa fardawsa ka waraabiyo inta dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah uu siiyo. Qaraxaan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 100 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, kuwaas oo u badnaa dad rayid ah. View the full article
  13. Inta badan ma jecli qoraal si toosa wax looga sheegayo Madaxda Sar sare ee wadanka balse marka ay Masiibo dhacdo waxaa muhiima in dareenka la wada wadaago. Mas’uuliyadda Wadanka waxay saaran tahay Madaxweynaha ,oo asaga ayaa dhabarka u dhigtay una dhaartay Wadankan inuu xaaladii markaas jirtay uu ka samata bixiyo, balse taas ma aysan wada dhicin iyo Balanqaadyadii u kusoo galay Kambeenka ma wada fulin oo ugu horeeyo Amniga . Amniga waa u tiir Nolosha Bini’adamka, waa dhibka ugu weyn ee maanta Ina haystaa, waa mid u baahan in habeen iyo maalin ay usoo jedaaan dhamaan Madaxda wadanka, waa arin mudan in Maanka la Shiilo Maskaxdana laga shaqaysiiyo. Waxaan aragnaa inta badan marka Masiibo dhacdo inaan meel walba isaga soo gurmano, juhdi iyo dadaal badan aan galiyo, waxaa sababa inta badan wiil yar oo 18 sano jir ah wali maan arag Wacyi galin Bulsho oo lagu suulinayo Afkaaraha qaloocan. Hadaan labada Shabelle Amni noqon mar walba waay adkaanaysa Caasimadda in Amni sugan lagu naaloodo, madaama waqtiga Dowladdu gabaabsi yahay waxaa badan doona beegsiga wAxaana yaraan doona in goobo hor leh Dowladdu qabsato taasina waa (jug jug meeshada joog) .Tan Ciidamadda waxaa maalmahan soo ifbaxaya in Ciidamadda laftooda si yaabo guracan la isaga horkeenayo iyo Madax isku galin halka lagu jahayn lahayd la dagaalan Cadawga walibana ay qeeb ka yihiin rag mas’uuliyiina. W/Q: Abdullahi Mahdi
  14. Waxaa maanta isbitaallada magaalada Muqdisho buux dhaafiyey shacab fara badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir. Dadkaan ayaa baadi goobaya ama raadinaya qaar ka mid ah ehelladooda oo la waayey, kadib qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Inta badan dadweynahaan ayaa isugu tagay isbitaallada Madiina iyo Digfer oo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa ee shalay waxyeeladu soo gaartay. Sidoo kale waxaa isbitaalladaasi tagay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo dhiig u shabaya dadka qaba dhaawacyada daran. Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay weerarkii ismiidaamiinta ee shalay ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan, kuwaas oo qaarkood maanta loo qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadanka Turkiga. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa ay u badnaayeen dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan, kuwaas oo ay ku jireen arday jaamacadeed. View the full article
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku dhintay qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii shalay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii bahalnimo ee argagixisadu ay ku laayeen shacabkii birmageydada ahaa ee isgooyska Ex-Kaantarool. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran, ayada oo dowladda Turkiga ay ballan-qaaday adeegooda caafimaad. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga ee ku shahiiday qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada. Dhinaca kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa isku diyaarineysaa inay shacabka dhaawaca ah ee laga soo qaaday magaalada Muqdisho ay kusoo dhoweeyaan dalka Turkiga, islamarkaana ay u fidiyaan wixii ay adeegyo ah ay ee ay awoodaan. Arrintan ayaa imaneysan ayada oo dalka Turkiga uu ka maqan yahay safiirka Soomaaliya u fadhiya halkaas, oo maalmihii tagay ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida aan xogta ku helnay. Ma cadda sababta uu safiirkaas halkaas u tagay, inkasta oo ay u badan tahay dano shakhsi ah, hase yeeshee maqnaanshihiisa ayaa kusoo aaday xilli aad loogu bahnaa inuu ku sugnaado safaaradda Soomaaliya ee Ankara.
  17. Dowladaha Filibin iyo Imaaraadka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay Ex-control Afgooye, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 79 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 148 kale. Wasaaradaha arrimaha dibadda dalalkaan ayaa soo saarey war-saxaafadeed ay ku sheegeen inay garab taagan yihiin dowladdafFederaalka iyo shacabkeeda, islamarkaana ay la qeybsanayaan xaalada murugada. Imaaraadka Carabta ayaa dhankiisa sheegay inay ka caawin doonaan shacabka Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan dib usoo celinta nabadda iyo xasiloonida dalkooda muddada dheer dagaallada ku soo jiray. Filibiin ayaa xustay inay kala shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeertay “argagaxisada” waxaana ay ballan qaaday taageero dhinaca amniga. Labadan dal ayaa qeyb ka ah dowlado dhowr ah oo cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho, kaas oo kamid noqday kuwii ugu dhimashada badnaa oo ka dhaca caasimadda tan iyo 2011, welina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii shacay ee Ex-control Afgooye. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-29122019.mp3 View the full article
  19. Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka ayaa Dagaal ku dhex maray Magaalada Muqdisho Dagaalka oo ah Dagaal Beeleed. Laba Qoys ayaa waxay isku qabsadeen Dhul [...] Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xalay booqday saqdii dhaxe (1:00am) booqasho ku tagay Isbitaalka Digfeer, oo la dhigay dhaawacyadii ugu badnaa ee qaraxii shalay ka dhacay Ex-Control Afgooye. Caasimadda Online ayaa xog ku heshay in qaar kamid ah wasiirrada xukuumadda ay Ra’iisul Wasaaraha kula taliyeen in shalay duhurkii uu booqasho ku tago isbitaallada ay yaallaan dhaawacyada, balse uu ka diiday, isaga oo oo sabab uga dhigay in xilligaas aysan habooneyn in culeys dhanka amniga ah la dul saaro isbitalka oo dad badan ay ku qul-qulayeen xiligaas. “Ehellada dadkii waxyeelloobay dhammaan iyo qof kasta oo qof ka maqan yahay wuxuu ku cararayaa Isbitaallada, haddii aan saddex saacadood jidadka xirno si aan u soo aragno, maxaan soo kordhineynaa?” Ayuu yiri Khayre sida aan ka soo xigannay mid ka mid ah wasiirradiisa. “Aan ka shaqeyno in aan gargaar u helno dadkan oo uusan dhiman qof la badbaadi karay” ayuu raaciayay isaga oo kasii istaagaya shirka arrintaan looga hadlayay, sida aan xogta ku helnay. Jidadka magaalada Muqdisho ayaa la xiraa xilliyada ay madaxweyanha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay booqshiiyinka ku dhex sameynayaan gudaha magaalada Muqdisho iyo marka ay ka dhoofayaan garoonka Aadan Cadde, taas oo caqabad ku noqota isu socodka magaalada.