-
Content Count
214,039 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afgooye (SMN) – Dabley ayaa degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay askari ka tirsan dowladda. Askariga la toogtay ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa Waaxda Canshuur Qaadista ee ee magaaladaas. Kooxaha hubeysan ee falkaas ka dambeeyay ayaa ka baxsaday halka ay wax ka dhaceen oo ay gaareen laamaha amaniga. Ma jirto urur sheegatay mas’uuliyadda falkaan. Hay’adda nabad-gelyadda ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin falkaan lagu khaarijiyey askariga oo maanta dhacay. Dilkan ayaa kusoo aadaya xili shacabka degmadda ay walaac badan ka muujinayeen ammaanka magaaladda Afgooye. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-131219.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa Madasha Dooxa oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019. Waa markii saddexaad ee Kheyre uu ka qeyb-galayo Madasha Dooxa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madasha Dooxa ka qayb galay sanadihii 2018 iyo 2017 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wasiirka arrimaha dastuurka iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa. Wxaana sidoo kale xog ku helnay inuu kulamo kale oo gooni ah la qaadan doono mas’uuliyiinta Qatar, oo uu kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.
-
Boosaaso (SMN) – Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyeen Boosaaso. Howlgaladda laga sameeyay xarunta gobolka Bari ayaa ka dambeeyay markii dabley ay xalay weerartay sarkaal ka tirsan ciidamadda nabad-gelyada. Sarkaalka ayaa la sheegay in la beegsaday isaga oo ka tukaameysanaya bartamaha magaaladda isla markaana uu ka badbaadey isku daygaas. Wararka ayaa sheegaya in ruux Itoobiyaan ah kana soo jeeda qowmiyadda Oromadda uu ku naf-waayey rasaasta ay tuureen kooxaha hubeysan. Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, waxaana mas’uuliyiinta ay shaaca ka qaadeen in ay la tacaalayaa. View the full article
-
Beledwayne (SMN) – Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa ku dhacday degaanka Biyo-neef ee dhaca duleedka degmada Buula Burde, gobolka Hiiraan. Saraakiisha ammaanka gobolkaas hoostaga maamul goboleedka HirShabelle ayaa shaaca ka qaadey in ay baaritaan ku wadaan qaabka ay kusoo dhacday iyo cidda iska leh. Taliska ciidamadda AMISOM iyo midka Xoogga Soomaaliyeed ayaa tegay meesha ay diyaaradda kusoo dhacday oo ah dhul beeraley ah oo miyiga ku yaala. Inta badan ciidamadda Mareykanka ayaa adeegsada diyaaradaha drones-ka, waxaana ay ku fuliyaan weerarada dhanka cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish. View the full article
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay sarkaal ka tirsan Ciidamada daraawiishta Puntland ku dileen Gudaha Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen iyadoo Saraakiisha ammaanka ayna weli ka hadlin dilka ka dhacay gudaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa kadib markii 8 bishan December koox hubeysan ay askar ku dileen gudaha magaalada Boosaaso, halka Sidoo kale shalay Dableey hubaysan oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish oo sida la sheegay meel luuq ah rasaas kaga soo furay sarkaal lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Cabbaa, xilli uu ka adeeganayey Suuqa magaalada Boosaaso Magaalada boosaaso ayaa waxaa ku soo batay dilal qorsheysan oo fuliyaan kooxaha hubeysan, iyadoona ciidamada ammaanka ay baaritaano ka wadaan xaafadaha magaaladaasi.
-
(SLT-Boosaaso)-Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan xalay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Dowlad gobolleedka Puntland. Warkan oo ay baahisay Idaacada VOA ayeey Goobjoogayaal u sheeegeen in kooxdii dilka u geysatay sarkaalka markiiba baxsadeen iyadoo ciidamadu ku guuldareysteen inay qabtaan. Laamaha Amaanka dowlad gobolleedka Puntlanad ayaan wali wax war ah ka soo saarin dilkan ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso. Weerarkan lagu dilay sarkaalka ayaa imanaya xili dhawaan sidan oo kale kooxo hubeysan weerar ku qaadeen isla toddobaadkan bartamaha magaalada gaadhi ay la socdeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland iyaga oo dilay Labo Askari oo ka tirsanaa ciidanka la weerarray. Xaalada Amaanka magaalada Boosaaso ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyay u muuqatay mid aan daganeyn iyadoo ay ka dhaceen weerarro is xig xigay oo dhimasho iyo dhaawacba sababay. Source
-
Masar (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Khamiis ah kula kulmay Magaalada Aswan, dhiggiisa dalka Masar, Mudane Sameh Shukry. Waxa ayna ka wadahadleen xiriirka laba geesoodka iyo qaabkii lagu xoojin lahaa oo dhinacyo kala duwan leh. Labada wasiir ayaa waxa ay isla fallanqeeyeen muhiimadda ay leedahay hore u dhaqaajinta geedi socodka wadajirka ah ee lagu horumarinayo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u adeegaya dano wadaagga laba dal ee walaalaha ah. Sidoo kale kulanka la iskula eegay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac ay danaynayaan. View the full article
-
(SLT-London)-Boris Johnson ayaa dib ugu laaban doona xafiiska Downing Street isaga oo si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday shalay. Xisbiga Mr Johnson ayaa xitaa guulo ka soo hoyiyay goobo ay caadiyan markii hore ku guuleysan jireen xisbiga shaqaalaha. Iyada oo ay hadhay in lagu dhawaaqo natiijada dhowr kursi ayaa waxa ay la saadaalinayaa in xisbiga muxafidka uu helaya qlabiyad dhan 78. Rai’sul wasaaraha ayaa sheegay in guushan ay siinayso fursad “uu ku hirgaliyo ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub ” islamarkana uu UK ka saaro Yurub. Jeremy Corbyn ayaa dhankiisa sheegay in ay u tahay “habeen aad uu u niyad jabay “islamarkana aanu u tartami doonin mustaqbalka doorashooyiinka soo socda. Xisbiga muxaafidka ayaa heli doona 364 xildhibaan, halka xisbiga shaqaalaha ay ku guuleysteen kuraas dhan 203,SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal kursi ah. Arrintan ayaa waxay micnaheedu tahay in xisbiga muxaafidka ay aqlabiyadii ugu balaadhnayd ku yeelan doonaan baarlamaanka tan iyo 1987 oo Margaret Thatcher ay aqlabiyad la mi ah heshay. Xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy Corbyn ayaa lumiyay deegaan barlaameednyada kala ah North, Midlands iyo Wales, kuwaas oo sanadkii 2016-ka taageeray qorshaha ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub. Sidoo kale deegaan barlamaaneedyada kala ah Darlington, Sedgefield iyo Workington oo markii hore uu ku xooganaa xisbiga shaqaalaha ayaa haatan waxaa uu ka baxay ganactooda, waxaana laga soo doortay xildhibaano ka tirsan xisbiga muxaafidka ee talada haya. Dhanka kale xisbiga Scottish National Party ayaa isaguna u muuqda in xoogahaa guul uu gaadhay, waxaana dhowr deegaan barlamaaneed uu kaga guuleystay xisbiyada ugu tunka weyn dalka Britain ee Labour iyo Conservatives. Source
-
Muqdisho (SMN) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad [Indha Cadde] ayaa wax laga waydiiyey sababta ay qaraxyadda uga dhacaan magaaladda Muqdisho. Indha Cadde oo u waramayey Shabelle ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay ee huteelka SYL ay gudbiyeen rag ka tirsan dowladda. Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ayaa wuxuu ku booriyey in ay isbedel dhab ah la yimaadaan isla markaana xoojiyaan xaqiijinta ammaanka. Weerarkii hotel SYL oo ay xarakadda Al-Shabaab sheegatay ayaa waxay dowladdu shaacisay in lagu dilay shan ruux oo saddex kamid ah ay askar yihiin. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Indha-Cadde.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Agaasimaha Madaxtooyadda Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Xamuud Samraan Al-xuweydi ayaa ka guddoomay dhambaal ku wajahan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo uu soo diray Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Alqeyd. Danjire Xamuud ayaa bogaadiyey qorsheyaasha horumarineed iyo xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta dalka, isagoo tilmaamay in dib u kabashada Soomaaliya iyo xoojinta dowladnimadeena ay ka mid tahay qorsheyaasha udub dhexaadka u ah Ururka Jaamacadda Carabta. Agaasime Fuursade ayaa la wadaagay Danjiraha Jaamacadda Carabta go’aammada iyo qorsheyaasha heer Qaran ee taariikhiga ah ee ku saleysan sidii Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen bahwadaagtooda Jaamacadda Carabta. Dhanka kale, Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kulan la qaatay Agaasime Goboleedka Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) Mudane Mohamed Abdiker, waxa uuna kala hadlay hirgelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo nolasha dhallinyaradii Soomaaliyeed ee Dowladdu ay ka soo deysay xabsiyada shisheeye. Madaxtooyada iyo IOM ayaa isla qaatay in la xoojiyo wadashaqeynta iyo tayeynta Hay’adaha Soomaaliyeed ee shaqo-wadaagta la ah Hay’adda Socdaalka Adduunka, si looga hortago tahriibta iyo ka ganacsiga dadka. View the full article
-
Baardheere (Caasimadda Online) – Dagaal u dhaxeeyey dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka xoolo dhaqatada ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo. Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Al-Shabaab ay doonayeen in dadka xoolo dhaqatada ah in ay xoog uga qaataan xoolahooda balse dadkaasi ay diideen. Guddoomiyaha deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Cali Cabdi Qoorleex ayaa sheegay in dadka xoolo dhaqata ay la dagaalameen Al-shabaab, islamarkaana waxaa uu ku baaqay in taageero dheeraad ah la siiyo dadka shacabka ah ee dagaalka kula jira dagaalamayaasha Al-Shabaab. Sidioo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda xaaladda ay dagan tahay, islamarkaana labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo. Horay ayaa waxaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo dad is aruusaday oo la Magac baxay Macaawuusleey, kuwaas oo sheegay inay Shabaab dhibaato kala kulmeen. Al-Shabaab ayaa xoola dhaqatada iyo beeraleyda ka qaado lacago ay ku sheegeen inay yihiin sako balse ay dadka shacabka ah ku sheegeen in la xalaaleysanayo xoolahooda.
-
Ayada oo Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya uu horyaallo sharciga doorashooyinka si doorasho loogu qabto 2021-ka ayaa waxaa socoto doodo arrintaas la xiriira. Markaan ka anba qaadno sharciga dorashooyinka ee hadda horyaalla golaha shacabka, waxaana soo baxaayo kala aragti duwaanta xildhibaannada ee ku aadan nooca doorasho ee 2021-ka dalka ka dhici karto iyo deegaannada. Xidhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay barnaamijka madasha ee Goobjoog TV ayaa sheegay in sharciga horyaal golaha shacabka uu dalka gaarsiin karo in ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod waxaana uu yiri” Nidaamkaan waxaa uu uga dhigan yahay in shacabka Soomaaliyeed in 2020 ay codeeyaan, ayna u codeeyaan cidii Baarlamaanka Soomaaliya umatali laheyd oo ayaga codkooda xanbaarsan Madaxweyne u dooran laheyd oo ayagoo codkooda xanbaarsan Ra’iisalwasaare uga soo dhex bixi lahaa, in dadkaas ay doortaan ayey uga dhigan tahay meel loo raaco xildhibaannada joogo lama yaqaan Madaxweynahana waad ogtihiin 30 iyo intaas oo sano ayuu dibadda jiray” Sidoo kale xildhibaan Zakariye Xasan Gaashaan ayaa xusay in nidaamaka doorasho ee hadda dalka uu qaatay yahay mid lagu ilaalinaayo in mar kale dalka dib ugu markale ugu laabto kali talisnimo waxaana uu yiri” Waxaad ogtihiin wadankaan heerka uu maanta joogo waxaa soo gaarsiiyey Madaxweyne awood leh aan lala xisaabtameen, in Baarlamaankii uu awooda yeesho waxaa ay ka dhigan tahay awooddii waxaa heysta shacabka, waxaa la ilaalinayaa in Madaxweyne awood leh oo ku takrifal awoodiisa kalitalis inuu abuurmo ayaa la ilaalnayaa, waxaana laga cararayaa in dib loogu noqdo cuqdadii ka dhalatay kalitalisnimada”. Dhanka kale xildhibaan Maxamed Jaamac Geele ayaa meesha ka saaray in xiligaan dalka ay ka qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021-ka, waxaana uu xuay in Baarlamanka uu doonaayo mustaqbalka inuu gaarsiiyo dalka waxaana uu yiri” Anigu maqabo in xiligaan dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah Somaliland waa goballo naga maqan walina dastuurkeena ku leh matalaadoodii ku keh Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya doorasho kama dhici kareyso, hadaan ka imaado Somaliland waxaa jira gobal kamid ah gobalada Koonfureed Jubada dhexe guud ahaan gacanta waxaa uu ugu jiraa Al-shabaab caasimaddiisi Bu’aale Jilib, Saakoow, Salagle kuli Shabaabaa koontaroola yaa matalaya dadkaasi mala gaarsiin karaa waaye, nimanka Stadium Muqdisho laga dhisiwaayey miyaa shacabka feel loo galinaa, dalka waan rabnaa in doorasho qof iyo cod ah aan gaarsiino shacabkuna nagu taageero laakiin macquulba maahan doorasho qof iyo cofd ah hadda ” Ugu danbeyn xidhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir ayaa dhankiisa carabka ku dhuftay dowlad gobaleedyada oo ah goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan ay dowladdu ugu dhaqaaqday burburin ayna macquul aheyn meelo la dumiyey in doorasho ka dhacdo, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Waad og tihiin dalkaan intiisa badan waxaa ka taliya dowlad gobaleedyo goobaha doorashooyinka lagu qabanaayo haddii aad tiraahdo dowlad gobaleedyadii waan la dagaalamayaa oo lacag ayaan ku bixinayaa burburintoda kala dirkooda doorashadiina waxaan rabaa inaan qabto macnaheedu waxaa waaye oo qof waliba oo caqli eh uu fahmi karaa in xukuumadda aysan ka daacad aheen in doorasho la qabtee ay muddo korarsi ayeey raadinayaan”. GoobjoogNews Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-13122019-sax.mp3 View the full article
-
Student activists mobilize as Somalia faces severe flooding
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Student activists mobilize as Somalia faces severe flooding Source: Hiiraan Online -
LONDON (AP) — British media reports say the Conservative Party has secured a majority by winning 326 seats out of 650 in the House of Commons. Source: Hiiraan Online
-
The Ambouli Friendship Dam constructed by the Turkish state-run agency State Hydraulic Works (DSİ) in Djibouti to prevent flooding Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa qarka loo saaran yahay in magaalada Muqdisho la waayo gaadiid ka shaqeeya kadib markii ay go’een inta ugu badan wadooyinka magaalada caasimadda ah. Dadweynaha ku nool gobalka Banaadir iyo wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in bilo kadib la weyn doono gaadiid ka shaqeeya Muqdisho, haddii aan la helin xal deg deg ah si loo baajiyo qatarta soo wajahan ee dhanka gaadiidka. Saddexda dhibaato ee ugu daran islamarkaana ka taagan Muqdisho ayaa kala ah. 1 – Inta ugu badan wadooyinka Muqdisho waxay u xiran yihiin dowladda Soomaaliya oo dhigtay ciidamo ka celiyo gaadiidka nuucyadiisa kala duwan. 2 – Qaar kale oo kamid ah wadooyinka Muqdisho waxaa lagu jaray dhagaxaan iyo carra tuurro kuwaas oo aan suurta gelin karin in gaadiidka iyo dadweynaha ay isticmaalaan. 3 – Iyo dhibaatada 3-aad oo ah inta soo hartay wadooyinka magaalada Muqdisho ay jareen roobabka ka da’ay gobalka Banaadir. Wadooyinka ayaa go’ay waxaana ka qodmay godad waa wayn oo hakiyay gaadiidkii isticmaali jiray halka qaarkood ay ciid buux dhaafisay. Gaadiidka ayaa hada isticmaala xaafado qarda jeex ah iyo wadooyin aan badneen kuwaas oo meela dhaxa lagu joojiyo gaadiidka maadama aysan gudbi karin burbur aawgiis. Dowladda Hoose ee gobalka Banaadir ayaa ilaa hadda aan waxba ka qaban arintaan waxaana loogu baaqay ciid magaalada buux dhaafisay ee ka qaado iyo in dib u habeen lagu sameeyo wadooyinka roobka ku burburay. Dhinaca kalena, waddooyinka xiran ayaa u muuqda kuwa aan la furi doonin, ayada oo tani ay qeyb ka tagay sugidda amniga, ayna gacan ka gaysteen in la yareeyo qaraxyadii baabuurta ee magaalada.
-
Madasha Xisbiyada oo ka digay halis ka dhallan karta hindise-sharciyeed Wasiirka Qorsheynta Somalia hor geynayo golaha wasiirada oo wax u dhimi kara Heshiisyo Somaliland lala galay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hor imaaday Hindise-sharciyeedka Ha’adaha aan Dawliga ahayn, 2019 ee ay soo gudbisay Wasaarada Qorsheyntu isla markaasna ay Maanta ka doodayaan Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya. Madasha Isbiyada Qaran ayaa sheegay Macnaha ugu weyn ee ku duugan xeerkan uu yahay in ay Wasiirka u suuro gasho go’aan ka gaarista meesha iyo sifaha hay’adaha deeqaha bixiyaa u qeybinayaan kaalmooyinka dibadda ka yimaada iyadoo “hay’ada shaqadeeda aan lagu qancin” lagala noqon doono ogolaanshaha, go’aanka Wasiirkuna yahay kama danbeys. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Ha’yadaha aan Dawliga ahayn uu qabad ku noqon doono heshiisyadii lala galay Somaliland oo dhigayay in aan la siyaasadeyn arimaha gargaarka banii’aadanimo iyo mashaariicda horumarinta iyadoo laga dheeraanayo soo saarista go’aamo ama sharciyo abuuri kara kala fogaansho ama hoos u dhac ku yimaada kalsoonida labada dhinac. Halkaan hoose ka ka akhri war-saxaafadeedka oo dhameystiran:- Qaran News
-
Popular Contributors
