Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Aqalka Wakiilada oo dhameystiran ayaa la filayaa inay toddobaadkan u codeeyaan laba qodob oo ah dacwadda xil ka qaadista madaxweyne Trump, taasi oo uu guddi hoosaadka caddaaladda ee Congress-ku uu toddobaadkii hore soo gudbiyey. Madaxweyne Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii sedexaad ee lagu soo oogo dacwad isagoo xafiiska haya. Dimoqraadiyiinta ayaa ku eedeeyey inuu si khaldan awooddiisii madaxweynenimada u isticmaaley isagoo weydiistey Ukraine in ay baadho ninka hor-moodka u ah musharrixiinta dimoqraadiga ah. Madaxweyne Trump iyo taageerayaashiisa ayaa ku adkeystay in aanu madaxweynuhu wax qalad ah sameynin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Bam oo xalay lagu qaaday saldhigga Bartamaha ee magaalada Gaalkacyo, dhanka Puntland. Saddex qof ayaa weerarkaasi ku dhaawacmay, Labo ka mid ah waxa ahaayeen askar Booliis ah oo ku sugnaa saldhigga, halka qofka kalena ahayd haweeney shacab ah oo halkaasi ka dhoweyd. Raggii Bamooyinka ku tuuray saldhigga ayaa goobta isaga baxsaday, waxayna ciidanku sameeyeen howlgal dad lagu soo qabqabtay, balse aan weli la faah faahin. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in qaraxyadan aysan hadda ka dambeyn Al-shabaab iyo daacish, balse yihiin kuwo siyaasadeysan oo lagu qalqalgelinayo ammaanka magaalada Gaalkacyo. Ammaanka magaalada Gaalkacyo oo muddooyinkii dambe soo hagaagayey ayaa hadda waxaa soo kordhay weeraro ka dhacaya magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay leeyihiin mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa. Kulanka maanta ayaa waxay xildhibaannada su’aallo ku weydiin doonaan wasiirka wasaaradda difaaca ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe). Su’aalaha ay xildhibaannadu weydiin doonaan wasiirka waxaa ka mid ah arrimo ku aaddan ciidanka xoogga dalka, howlgallada ay wadaan iyo arrimo kale. Golaha shacabka oo maalmahan dambe su’aallo weydiinaya qaar kamid ah wasiirada xukuumadda Kheyre ayaa horey waxay usoo su’aaleen wasiirada kala ah, Amniga, Gaadiidka& Duulista Hawada iyo wasiirka warfaafinta. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Xog Culus:Gudoomiyihii la inqilaabey ee Barlamaanka Puntland Dhooba Daareed oo ku sugan Muqdisho & qorshaha uu u joogo Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba Daareed, oo sidoo kale dhawaan lagala noqday xasaanadii xildhibaannimo, ayaa gaadhay magaalada Muqdisho. Dhooba Daareed ayaa la dejiyay hoteel Jazeera ee kadib 24 saac uu daganaa hotel Paradise oo ku yaalla meel u dhaw Airport-ka Muqdisho. Qorshaha socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya isaga iyo siyaasiin kale oo degaanada Puntland xilal kala duwan uga soo qabtay maamulkaasi. Warar ay heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in Dhooba Daareed uu abaabulayo dhismaha maamul goboleed loogu yeedhay Maakhir State oo ka shaqeyn doona degaano ka mida gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana abaabulka arintaan wax ka wada madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Cameey oo hadda ah safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya. Toddobaadkii tegay Camey iyo Dhoob Daareed ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay ergeyga Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland Olgar Bekar, kaasi oo la rumeysan yahay inay dhaqaale maamulka lagu dhiso weydiisteen. Cabdixakiin Dhooba Daareed, ayaa dhow jeer maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay in uu gacan saar la leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo islamarkaana uu doonayo inuu kala qaybiyo Puntland. Qaran News
  5. (SLT-Hargeysa)-Taliyihii hore ee Ciidammada Sirdoonka maamulkii Cabdi Maxamud Cumar (Iley) ayaa lagu xidhey magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kadibna loo gacan geliyay Maamulka cusub ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Mukhtar Sheekh Suubane oo ku jira liiska dadkii la raadinayey ee dambiyada ka geystay deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay inuu ku noolaa magaalada Hargeysa tan iyo markii la xidhey Cabdi Maxamud Cumar Madaxweynihii hore ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya. Mas’uuliyiinta ugu saraysa Xafiiska Nabad gelyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Mukhtaar Sheekh Suubane oo ku eedaysan in uu galay dambiyo badan oo ay ka mid yihiin dil, kufsi, jidh-dil maxaabiis. Xukuumadda Somaliland iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa wadahadallo dhowaan ka yeeshay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen arrimaha ammaanka. Source
  6. Jigjiga (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wareejiyey madaxii sirdoonka ee maamulkii hore, Cabdi Maxamud Cumar (Iley), kaas oo in muddo ah baxsad ahaa. Ninkaan oo lagu magacaabo, Mukhtaar Sheekh Suubane ayaa wuxuu ku jiray liiska xubnaha la raadinayey ee dambiyada geystay. Wararka ayaa sheegaya in ay soo qabteen ciidamada Somaliland, xilli uu ku dhuumaaleysanayey gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Mukhatar Sheekh Suubane ayaa loo heystaa inuu geystay dambiyo isugu jira dil, kufsi, jir-dil maxaabiis, xilligii uu ahaa madaxii sirdoonka ee maamulkii hore. Inta badan waxa ay Itoobiya xabsiga dhigtay madaxdii hore ee dowlad deegaanka oo uu ugu horreeyo, Cabdi Maxamed Cumar (Iley) oo dhowr mar maxkamad la soo taagay. Sidoo kale waxaa lagu raad joogay xubno kale oo baxsad ah, kuwaas warqad soo qabasho u jireen maxkamadaha dalka Itoobiya. Tan iyo markii talada la wareegay, Abiy Axmed ayaa waxa ay isbedallo ka dhaceen dalka Itoobiya, waxaana taasi ay sababtay in meesha uu ka baxo maamulkii Cabdi Iley oo hay’adda xuquuqda aadanaha ku eedeysay inuu geystay tacadiyo xoogan, isagoona la xiray 2018-kii, kadib markii uu is casilay.
  7. Mudanayaasha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa in uu hortago Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sida ku qoran Ajendaha kulanka maanta ee Golaha Shacabka, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa hortagaya Golaha, si Xildhibaannadu wax uga weydiiyaan shaqadiisa. Mudanayaasha ayaa Wasiirka su’aalo ka weydiin doona, arrimo la xiriira howlgallada ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka iyo sidoo kale arrimo ku saabsan hawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga. Xildhibaannada Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka, ayaa maalmihii u dambeeyay soo waday la xisaabtanka Wasiiradda Xukuumadda Federaalka, waxaana ay horay su’aalo u soo weydiiyeen, Wasiirada Amniga,Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Golaha Shacabka oo Su’aalo weydiinaya Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  8. Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus uu deegaanka Hosingow ku dhexmaray ciidanka xoogga dalka iyo dagaalyahannada ururka Al-shabaab. Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaankaasi, balse waxa ay la kulmeen iska caabin xooggan. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, hase ahaatee maamulka deegaanka Hosingow ayaa sheegay in halkaasi lagu diley xubno kamid ah Al-shabaab. Cabdi Macalin Maxamed oo kamid ah maamulka deegaanka Hosingow ayaa u sheegay warbaahinta ku hadashay afka dowladda in ay dileen xubno badan oo Al-shabaab ah. Al-shabaab dhankooda ma aanay ka hadlin dagaalkan iyo waxa ka jira in weerarkii ay qaadeen looga diley dagaalyahanno dhowr ah. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaallamay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Email uu wasiirka Maaliyada Somalia Beyleh ku dalbaday in $5 milyan lagu shubo Akoon khaasa oo Diblomaasi Qaramada Midoobay u shaqan jiray faafiyey Isu-duwihii hore ee kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa bartiisa twitter soo dhigay email uu u diray wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, oo uu Bankiga Dhexe ku weydiistay in lacag shan milyan oo dollar ah lagu shubo account gaar ah. Email-kan ku taariikheysan bishii March ee 2019 ayaa loo diray guddoomiye ku xigeenka Bankiga Dhexe, wuxuuna u qornaa sida:- “Dear Maryam, “Subax wanaagsan. Sida aan ka wada-hadalnay, waxaan kaa codsanayaa inaad si deg deg ah u qaaddo tallaabooyinka soo socda. 1. Laba milyan oo dollar ka wareeji lacagta Sacuudiga 2. Hormuud waxay 2.5 milyan oo dollar keeni doontaa kowda bisha April, 2019. 3. Nus milyan waxaa laga soo wareejin doonaa STA (Faadumo ayaan kala hadlay inay sameyso sidaas). “Lacagahan marka la isku darto waa shan milyan oo dollar. Fadlan ku wareeji akoonka AMNIGA, waxaa loo isticmaali doonaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira amniga”. Jay Bahadur ayaa u muuqday inuu dhalleeceynayey hanaanka maaliyadda dowladda, wuxuuna yiri “Astaan muujineysa horumarka DF ka samaysay hanaanka maaliyadda. Emailkan ahaa March 2019, oo uu wasiirka maaliyadda ku dalbanayo in akoon hoosaad loogu wareejiyo 5 milyan oo dollar, isaga oo kaliya sidaas ku samaynay wicitaan taleefon oo loo diray Bankiga Dhexe.” Bahadur ayaa goor dambe sharxay inuusan ula jeedin inuu wasiirka ku dhalleeceynayo musuq-maasuq, balse uu tilmaamayey kaliya arrin uu hanti-dhowraha qoranka walaac ka muujiyey. Beyleh oo arrintan ka jawaabaya ayaa sheegaya in tani ay tahay “si wax xun u fasir ceeb ah” oo laga sameeyey email sharci ah, si loogu wiiqo dadaalalda deyn-cafinta Soomaaliya. “Waa murugo in kuwa markasta wax mucaarada ay doonayaan inay hor-istaagaan taageerada caalamiga ah ee deyn-cafinta Soomaaliya ayaga oo samaynaya si wax u tarjun ceeb ah, oo ay u adeegsanayaan emailo sharci ah oo gaar ah oo ay ku heleen si sharci-darro ah. Habkeena maaliyadda waa mid adag, oo cad oo horumarsan, islamarkaana sii hormaraya maalin kasta. Waxaa naga go’aan is-beddel.” Ayuu yiri wasiir Beyleh. Qaran News
  10. (SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inuu albaabada u laabi doono laba saldhig oo millatari oo Turkey-ga ku yaalla kuwaas oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka ka dib markii ay Washington ku hanjabtay iney cunnaqabateyn ku soo rogeyso Ankara sabab la xadhiidha hubka uu Turkigu ka soo iibsanayo Ruushka. “Haddii loo baahdo, waan xidheynaa Incirlik, waanna xidhi karnaa Kurecik,” ayuu Erdogan u sheegay telefishinka dowladda taageera ee A Haber. Labadan saldhig ayaa ku yaalla xeebta koonfur-galbeed ee Turkiga ee ku dhow xuduudda dalka Suuriya. Erdogan ayaa marka ay xaalad siyaasadeed oo kacsan ka dhex aloosanto dalkiisa iyo Washington waxa uu caadiyan soo hadal qaadaa suurtagalnimada in la xidho labadan saldhig. Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa saldhigga millatari ee Incirlik u isticmaala duqeymaha ay ku qaadaan kooxda la magac-baxday ISIS ee gudaha dalka Suuriya. Saldhigga kale ee Kurecik ayaa martigeliya raadaar weyn oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga NATO. Wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa toddobaadkii hore soo qaaday suurtagalnimada in la xidho labadan saldhig isaga oo ka jawaabayay hanjabaadda Mareykanka ee cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo Ankara. Dowadda Turkey ayaa Jimcadii la soo dhaafay u yeedhay safiirka Mareykanka ee dalkaasi ka dib markii aqalka sare ee Senate-ka Mareykanku ansixiyey sharci ay horey usoo gudbiyeen aqalka hoose ee Wakiilada kaasi oo xasuuq loogu aqqoonsanayo dilkii 1915 loo gaystay Armeeniyiint. Sharcigan ayaa weli sugaya inuu qalinka ku duugo Madaxweyne Trump. Xigasho: AFP Source
  11. Maxkamadda Derejada kowaad ee ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa 10 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Axmed Cali Aybakar oo sida Maxkamaddu sheegtay lagu helay in uu ka tirsanyahay Al-shabaab. Maxkamadda ayaa sheegtay in Axmed Al-shabaab u qaabilsanaa, in uu gurya uga kireeyo magaalada Muqdisho iyo in uu kuwooda xanuunsan uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho, ilaa inta ay ka bogsanayaan. Maxkamadda ayaa u akhrisay Axmed Cali Aybakar eedaymaha loo haysto ee ah, kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa xanaaneyta bukaannada Alshabaab kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, islamarkaana uu gurya uga kirayn jiray gudaha magaalada Muqdisho. Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha Cimrigiisa oo kaga faa’ideystay dhagridda dadka, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da’da uu jiro oo la siman 60-ka. ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa weydiistay Maxkamadda in bulshada ninkaasi laga qariyo, maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da’dooda. Sidoo kale, Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay. Maxkamadda ayaa dambeyn go’aamisay, in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u akhriyay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukun ku ridday nin lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
  12. Maxkamadda ciidamada qalbka sida ayaa xukun xabsi ah waxa ay ku riddey nin da’ ah oo ay sheegtay maxkamaddu inuu Al-shabaab u qaabilsanaa baxnaaninta bukaannada dagaalyahannadaasi. Qoraal maxkamadda kasoo baxay ayaa sidan u qornaa: Axmed Cali Aybakar ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa kooxda in uu kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho oo uu ku lahaa wakaalad iyo kor joogteyn inta ay dib ugu noqonayaa maleeshyada. Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaallo magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan Alshabaab ah oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay July ayay soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ayna baaris dheer ku soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 14-kii September, isla xilligaasi waxa uu Garsoorayaasha Xafiiska ka codsaday in la geeyo Eedeysanaha xabsiga dhexe garsuge ahaan. Baaris dheer kadib ayay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 12-kii November , waxa ayna Maxkamadda aqbashay 23-kii bishii tagtay. Ugu horeynba Maxkamadda ayaa u jeedisay Eedda loo heysto Axmed Cali Aybakar ee ah kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa Alshabaab xanaaneyta bukaannada Alshabaab kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, isagoo u kireyn jiray guryaha iyada oo la isticmaalayo magiciisa wakaaladeed. Axmed Cali Aybakar ayaa ahaa shaqsi ku ii biya agagaarka Qabuuraha Barakaat agabka duugta, waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in saaxiibkiis ay ka wada shaqeyn jireen Waratada Dharka xilli hore uu ku qanciyay ku biirista Alshabaab, Axmed guryo ayuu u kirayay Bukaanno ay u soo direen Alshabaab, waxa uu geeyay Xaruma Caafimaad oo ku kala yaal degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid, sida uu ka hor sheegay fadhiga Maxkamadda. Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha Cimrigiisa oo kaga faa’ideystay dhagridda dadka, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da’da uu jiro oo la siman 60-ka. Maxkamadda ayuu weydiistay in laga qariyo bulshada maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da’dooda. Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay. Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
  13. Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa looga dhawaaqay jabhad cusub oo la sheegay in ay dagaal la geli doonto Somaliland. Jabhaddan ayaa loogu magac daray SSC, waxaana la sheegay in ay la dagaallami doonaan ciidamada Somaliland ee ku sugan gobollada Sool iyo Sanaag. Maxamed Axmed Cali, hoggaamiyaha jabhaddan ayaa sheegay in ay hiigsanayaan dhisidda ciidan ay ku mideysan yihiin dadka deegaanka, lana dagaallama cid walba oo kusoo xadgudubta. Jabhaddan ayuu sheegay iney u taagan tahay dib u xoreynta gobollada Sool iyo Sanaag, waa sida uu hadalka u dhigaye. Hoggaamiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in jabhaddooda ay si wanaagsan ula dhaqmi doonto beelaha deriska la ah Sool iyo Sanaag. Horey waxaa Somaliland uga jiray jabhado diiddan nidaamka maamul ee xukuumadda Biixi, kuwaasi oo dagaallo la galay ciidamada Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Gedo oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey kulamo isaga iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolkaasi ay magaalada Muqdisho kula yeesheen madaxda dowladda Soomaaliya. Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in kulamadaasi looga hadlay xaaladda gobolka, gaar ahaan sidii looga saari lahaa dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda dowladda federaalka ay kala hadleen sidii mashaariic hormarineed looga fulin lahaa gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-wiilo.mp3 View the full article
  15. Xaalad dega’naan ah ayaa Isniinta maanta ka jirta magaalada Beirut ee caasimadda waddanka Lubnaan, kadib markii ciidamada Amnigu ay Sunta dadka ka ilmaysa iyo toobooyinka biyaha xooggan sayriya ku kala eryeen dibad-baxayaal caraysan oo mudaharaad ka sameeyay Afaafka hore ee xarunta Baarlamanka dalkaasi. Dibad-baxayaasha ayaa si weyn uga caraysan hannaanka loo maamulo dhaqaalaha Waddanka Lubnaan, waxaana ay xisbiga talada haya ee dalkaasi ku eedeeyeen in uu musuq maasuq ay dhaqaalaha dowladda, taasin ay keentay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii waddankaasi. Sarakiisha Amniga magaalada Beirut ayaa warbaahinta u sheegay in ay kala eryeen, kooxo qaswadayaal ah oo rabashado ka sameeyay Baarlamanka hortiisa, balse hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa laga soo xigtay in ilaa 50 ruux ay ku dhaawacmeen , kadib markii Booliisku suntan dadka ka ilmaysa iyo tuubooyin biya-xooggan sayrinaya ku furay dibad-baxayaal rayid ah. Sidoo kale, balse hay’adda Laanqeyrta Cas waxay xaqiijisay in isbitaalka la dhigay ilaa 20 ruux oo kamid ahaa dibad-baxayaasha, kuwaasi oo qaarkood ku miyir-doorsoomay isku dhacyada Booliiska iyo dibad-baxayaasha, halka qaar kalena ay neefsan waayeen. PUNTLAND POST The post Ilaa 50 ruux oo kud dhaawacmay isku dhacyo Booliiska Lubnaan iyo Dibad-baxayaal rayid ah appeared first on Puntland Post.
  16. Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka howlgallo ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada ayaa yimid, kadib markii xalay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliska bartamaha ee magaaladaasi. Saraakiisha amniga oo aan la xariirnay ayaa sheegay inay baaritaanadan ay ka warbixin marka ay soo gabagabeeyaan howlgallada socda. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkii xalay ku dhaawacmay illaa saddex qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada Puntland, halka qofka kale uu ahaa shacab. Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhowaad illaa 100 qof, inkastoo dadkaasi intooda dib loo sii daayey. Dhowaan aya la filayaa in doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaasi. View the full article
  17. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa lagu wadaa inuu maanta hortago golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada golaha ayaa warbixin guud ka dhageysan doono wasiirka, sidoo kalena su’aalo ka weyn diin doono howlaha wasaaraddaasi. Su’aalaha ugu badan ayaa ku saab-sanaan doono arrimaha ciidamada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Kulankaan oo qeyb ka ah Kalfadhiga lixaad ee golaha shacabka ayaa lagu wadaa inuu furmo saacadaha soo socda ee maanta. Maalmihii la soo dhaafay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waday su’aalo weydiinta wasiirada xukuumadda Xasan Cali Khayre, waxaan shalay golaha hortagay wasiirka wasaaradda warfaafinta, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye). View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-161219.mp3 View the full article
  19. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday saldhigga Booliska waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Axmed Muuse Nuur aya sheegay in weerarkaasi uu dhaawac fudud uu ka soo gaaray hal qof, islamarkaana uusan jirin khasaare kale oo uu geystay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weerarka uusan aheyn mid argagixiso, islamarkaana ay ka dambeeyeen dad doonayey inay qal-qal galiyaan amniga, sida uu hadalka u dhigay. “Wallaahi, hadda arrintan dhacday, ma aha Argagixisadii noocaa uma shaqeeyaan, waxaan isleeyahay, waa dad khalkhalinaya Amniga magaalada, meel kale kama imaan maaha Argagixisada farsamadeedu noocaas, wax iskama tuuraane waxbay bi’iyaan ay hubaan.” ayuu yiri Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay socdaan baaritaano, islamarkaana gacanta lagu soo dhigi raggii ka dambeeyey falkaasi. Dableydii weerarka geysatay oo aan la garaneyn heybtooda iyo inta ay taradoodu dhameed ayaa goobta iskaga baxsaday. Muddooyinkii la soo dhaafay xaaladda Gaakacyo ee koonfur iyo waqooyi ayaa aheyd mid degan, waxaana baaritaano ka waday ciidamada isku dhafka ee ku sugan halkaasi.
  20. Madaxweynaha Waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku goodiyay in uu gebi ahaanba xiri doono laba saldhig militari oo Turkey-ga ku yaalla kuwaas oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka ka dib markii ay Washington ku hanjabtay in ay cunnaqabateyn ku soo rogayso Ankara sabab la xariirta hubka uu Turkigu ka soo iibsanayo Ruushka. Madaxweyne Erdogan ayaa marka ay xaalad siyaasadeed ka dhex aloosanto dalkiisa iyo waddanka Maraykanka waxa uu caadiyan ku hanjabaa in uu albaabada u laabi doono labadaasi saldhig ay isticmaalaan Ciidamada Maraykanka. Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa saldhigga militari ee Incirlik u isticmaala duqeymaha ay ku qaadaan kooxda la magac-baxday ISIS ee gudaha dalka Suuriya. Saldhigga kale ee Kurecik ayaa martigeliya raadaar weyn oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga NATO. Wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa todobaadkii hore soo qaaday suurtagalnimada in la xiro labadan saldhig isaga oo ka jawaabayay hanjabaadda Mareykanka ee cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo Ankara. Dowadda Turkey ayaa Jimcadii la soo dhaafay u yeertay safiirka Mareykanka ee dalkaasi ka dib markii aqalka sare ee Senate-ka Mareykanku ansixiyey sharci ay horey usoo gudbiyeen aqalka hoose ee Wakiilada kaasi oo xasuuq loogu aqqoonsanayo dilkii 1915 loo gaystay Armeeniyiint. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Erdogan oo ku goodiyay in uu xiri doono Saldhigyada Mareykanka ee Turkey appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Isu-duwihii hore ee kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa bartiisa twitter soo dhigay email uu u diray wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, oo uu Bankiga Dhexe ku weydiistay in lacag shan milyan oo dollar ah lagu shubo account gaar ah. Email-kan ku taariikheysan bishii March ee 2019 ayaa loo diray guddoomiye ku xigeenka Bankiga Dhexe, wuxuuna u qornaa sida:- “Dear Maryam, “Subax wanaagsan. Sida aan ka wada-hadalnay, waxaan kaa codsanayaa inaad si deg deg ah u qaaddo tallaabooyinka soo socda. 1. Laba milyan oo dollar ka wareeji lacagta Sacuudiga 2. Hormuud waxay 2.5 milyan oo dollar keeni doontaa kowda bisha April, 2019. 3. Nus milyan waxaa laga soo wareejin doonaa STA (Faadumo ayaan kala hadlay inay sameyso sidaas). “Lacagahan marka la isku darto waa shan milyan oo dollar. Fadlan ku wareeji akoonka AMNIGA, waxaa loo isticmaali doonaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira amniga”. Jay Bahadur ayaa u muuqday inuu dhalleeceynayey hanaanka maaliyadda dowladda, wuxuuna yiri “Astaan muujineysa horumarka DF ka samaysay hanaanka maaliyadda. Emailkan ahaa March 2019, oo uu wasiirka maaliyadda ku dalbanayo in akoon hoosaad loogu wareejiyo 5 milyan oo dollar, isaga oo kaliya sidaas ku samaynay wicitaan taleefon oo loo diray Bankiga Dhexe.” Bahadur ayaa goor dambe sharxay inuusan ula jeedin inuu wasiirka ku dhalleeceynayo musuq-maasuq, balse uu tilmaamayey kaliya arrin uu hanti-dhowraha qoranka walaac ka muujiyey. Beyleh oo arrintan ka jawaabaya ayaa sheegaya in tani ay tahay “si wax xun u fasir ceeb ah” oo laga sameeyey email sharci ah, si loogu wiiqo dadaalalda deyn-cafinta Soomaaliya. “Waa murugo in kuwa markasta wax mucaarada ay doonayaan inay hor-istaagaan taageerada caalamiga ah ee deyn-cafinta Soomaaliya ayaga oo samaynaya si wax u tarjun ceeb ah, oo ay u adeegsanayaan emailo sharci ah oo gaar ah oo ay ku heleen si sharci-darro ah. Habkeena maaliyadda waa mid adag, oo cad oo horumarsan, islamarkaana sii hormaraya maalin kasta. Waxaa naga go’aan is-beddel.” Ayuu yiri wasiir Beyleh.
  22. Support for Donald Trump’s impeachment has increased over the past month according to the latest opinion polls as Democrats accused Republican senators of violating their oath of office by pledging to work for the president’s acquittal. Source: Hiiraan Online
  23. Mo Farah’s brother has ended up homeless and destitute after being deported to Somalia for his role in a knife raid. Source: Hiiraan Online
  24. On December 6, Tropical Storm Pawan hit the coast of Somalia, bringing strong winds, and heavy rains to the Puntland district. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka socday hubin kale oo la marinayo shaqaalaha dowladda ee dib loo diiwaan gelinayo, balse middan waa nooc ka duwan kuwii hore, sida ay ogaatay Caasimada Online. Kadib qaraxii lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir shaqaalaha dowladda waxay mareen dhowr heer oo hubin iyo dib u diiwaan gelin ah, waxaana ka mid ahaa in qofka shaqaalaha ah ee la diiwan gelianayo la weydiiyo su’aalo hubin ah islamarkaana uu la yimaado damiin buuxo oo loo raacan karo wixii dhib ah uu geesto. Sida aan xogta ku helnay, waxaa hadda lagu soo kordhiyay hab cusub oo inta badan shaqaalaha dowladda walaac ka muujiyeen iyo kalsooni darro amni. Diiwaan gelintaan loogu yeeray heerka saddexaad ee hubinta shaqaalaha dowladda ayaa ah, in qofka shaqaalaha ah gurigiisa la geeyo geeyo koox ciidaamda amniga kamid ah oo degmada uu degan yahay ku qoran, kuwaas oo aan aheyn ciidan la arko ama la yaqaano waana sababta keentay cabsida shaqaalaha. “Dhalinyaro ku labisan dharka shacabka balse ka tirsan ciidamada amniga, ayaad geynee guriga waxay soo qorayaan qoyskaaga iyo tilmaamta guriga, hadii aad habeenada qaar soo dhaxdo waxaad geyneysaa halka aad ku soo dhaxdo” ayuu yiri masuul ka tirsan shaqaalaha dowladda Soomaaliya. Sababta walaaca keentay ayaa lagu sheegay in ciidanka shaqadaas qaabilsan oo ka tirsan hay’adaha ammaanka aysan aheyn ciidan habraac sax ah soo maray kalsooni weyna aan lagu qabi karin. Qorshaha ayaa la sheegay inay dowladda ka damacsan tahay in lagu xaqiijiyo ogaanshaha haddii shaqaalaha dowladda ay sameeyaan xiriiro ay ka iman karto halis amni, sida xiriirada Al-Shabaab, oo horey shaqaale dowladeed ugu adeegsatay weeraro ay fulisay.