-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (SMN) – Ciidanka Kenya ayaa toogasho ku dilay afar ka mid ahaa Al-Shabaab, markii ay waddada u dhexeysa Mombasa iyo Laamu u galeen Bas siday shacab. Isku duwaha Gobolka Xeebta, John Elungata, ayaa sheegay in ay Ciidankoodu ku guuleysteen dilka Afartaasi xubnood, mid kalana ay Gacanta ku dhigeen. Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka Baska ay ku dileen afar qof oo shacab ah, kuwaasoo ay sheegeen in ay Masiixiyiin ahaayeen. Booliska Kenya ayaa xaqiijiyey in tirro kale oo rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartey falkaas ooo dhacay subaxnimadii Khamiista ee todobaadkan aynu ku jirno haatan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Sheekh Mukhtaar Roobow oo in ka badan hal sano xabsi guri ugu jira Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay cunadii ka soomay. Qaar kamid ah eheladda afhayeenkii hore ee Al-Shabaab ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta ka dambeysa arrintaan oo taagan afar cisho ah. Qoyska Abuu Mansuur ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya in ay qaado talaabo kasta oo wax looga qaban karo xaaladda cusub ee soo korodhay. Roobow, oo horey u sheegay in uu isaga baxay Shabaab iskuna soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, ayaa laga soo qabtay magaaladda Baydhabo. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Shaakir, ayaa soo dhaweeyay aqbalidda Xildhibaanada Ahlu Sunna. Shaakir oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in uu u mahadcelinayo Guddiga Doorashooyinka oo ogolaaday xubnahooda. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu bogaadiyey doorka dowladda Soomaaliya ka cayaareyso dhismaha Galmudug loo dhan yahay. Beesha Caalamka ayuu sidoo kale kaga mahad-naqay in ay kaalin muuqata ka qaadaneyso sidii loo heli lahaa Galmudug mid ah. Sikastaba ha ahaatee, tiradda Xildhibaanadda Ahlu Sunna laga siiyey Galmudug ayaa gaareysa 20 mudane, waxayna ku heshay heshiis. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay Gudigga Doorashooyinka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay Liiska 20 Xildhibaan kuwaas dhowaan oo ay soo Gudbiyeen madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca. Guddiga Farsamada maamul u dhisidda Galmudug ayaa aqbalay liiska xildhibaanada ugu horeeya ee Galmudug oo ay soo gudbiyeen Ahlu-Sunna Waljamaaca. Sidoo kale guddiga farsamada iyo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in ay haatan guda geli doonaan soo xulista tirada ka harsan baarlamanka cusub ee Galmudug. halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Guddiga iyo liiska Xildhibaanada
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-03022020.mp3 View the full article
-
Attacks against members of the press in Somalia continued in 2019, the head of an independent journalists’ trade union said Friday. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa ogolaaday liiska Xildhibaanadda Ahlu Sunna laga siiyey baarlamaanka dowlad goboleedkaas. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Wiil Soomaali ah oo Aabihiis Toorey ku dilay dalka Jarmalka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hamburg (Caasimadda Online) – Wiil soomaali ah ayaa aabihiisa waxaa uu ku dilay dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Hamburg. Wiil Soomaaliyeed oo 17 sano jir ah ayaa Toorey u adeegsaday dilka Aabihiis oo 57 sano jir ahaa sida ay qoreen warbaahinta laga leeyahay dalka Jarmalka. Wiilkaan ayaa aabihiis la dhacay Toorey kadib markii uu soo kala dhexgalay muran xooggan oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ka dhashay. Wiilkaan aabihiis dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Nuur Faarax Xuseen halka aabahiisna lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Xuseen. Madaxa Booliska Magaalada Hamburg oo uu dilka ka dhacay ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen. Maalmihii dambe waxaa soo badanay dilka ay Soomaalida ka geysanayaan wadamada ay qaxootiga ku yihiin, waxaana horey u dhacay kiisas badan oo noocaan oo kale ah. -
Muqdisho (SMN) – Ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaq ciidan kawada qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgaladda ay si gaar ah uga socdaan duleedka degaano la tuhunsan yahay in ay Al-Shabaab gacanta ku hayso. Wallow ay diideen in ay bixiyaan macluumaad intaan ka badan, mas’uuliyiinta ayaa ku adkeystay in ay gulufka ay sii wadi doonan. Horaantii, todobaadkan ayay ahayd markii ciidamadda dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta dhowr tuulo oo Al-Shabaab ay haysatay. View the full article
-
Dooxa (SMN) – Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qadar, ayaa ka warbixiyey xaaladda dhaawacyadii loo qaadey dalkaas. Illaa iyo 23 bukaano oo wax ku noqday qaraxii Al-Shabaab ee Ex-kontarool Afgooye ayaa loogu qaaday Qadar si ay u soo helaan baxbaano dheeraad ah. Mr Taano ayaa daboolka ka qaadey in dhaawacyadda loo qeybiyey Isbitaaladda kala duwan, isla markaana ay qaarkood xaaladooda soo fiicnaaneyso. Safiirka ayaa shaaciyey in ay ku dedaali doonan sidii bukaanadda u heli lahaayeen daryeel wanaagsan isla markaana uga war-qabi lahaayeen xaalkooda. Gabagabadii, qoysaska ay kasoo jeedaan dhaawacyadda ayuu u sheegay in ay wax wanaagsan rajeeyaan isla markaana aysan walwal badan gelin. View the full article
-
Baghdad (Caasimadda Online) – Madaxii Ciidamada cutub ka mid ah ee Quds Force ee Iran, General Qassem Soleimani, ayaa aroortii hore ee subaxnimadan jimcaha ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Baqdaad, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciraaq. Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliye ku-xigeenkii Maleeshiyaadka Ciraaq ee ay taageerayaan Iran ee Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Caanka ee Ciraaq, ayaa sidoo kale la dilay Gantaal ayaa lagu soo waramayaa inuu kololyadooda kula dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha. Saraakiisha ayaa sheegay in tirada guud ee khasaaraha aysan caddeyn, laakiin la rumeysan yahay in ugu yaraan toddobo qof ay dhimatay. Waxaa ka mid ah qof lagu tilmaamay inuu yahay madaxa borotokoolka garoonka, kaasoo hal sarkaal uu sheegay inuu halkaas u joogay inuu soo qaado laba qof oo ahaa marti “heer-sare” ah. Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in dilka Qasem Soleiman uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Sarkaal katirsan Dowladda Mareykanka ayaa wakalaadda wararka ee Reuters u sheegay in ay fuliyeen duqeynta, laguna bartilmaameedsaday kooxo taabacsan Iran. “Iyagoo ambaqaadaya amarka Madaxweynaha, ciidamada Mareykanka waxay qaadeen tallaabo wax iska cabin ah oo lagu difaacayo shaqalaaha Mareykanka ee gobolka, waxaana ay dileen Jeneraal Qasem Soleimani,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Mareykanka. “Weerarkan waxaa looga gollahaa in lagaga hortago weeraro ay Iran qorsheeneysay in ay fuliso, Mareykankana waxaa uu qaadi doonaa tallaaba walba oo lagaga mamaarmaan ah oo uu ku difaacayo danihiisa iyo dadkiisa meel walba oo ay dunida ka joogaan”, ayaa la raaciyay. Qasem Suleimani waxaa uu dhashay sanadkii 1957, wuxuuna hadda madax ka ahaa ciidamada Quds. Qaseem wuxuu caan ka ahaa gudaha dalalka Iran, Ciraaq, Lubnaan, Suuriya iyo Yemen oo ah dalal ay ku nool yihiin dadka heysta madhabta shiicada, waxaana aad u xurmeyn jiray hogaamiyeyaasha dalka Iran iyo dadka shiicada. Ciidanka uu madaxda ka ahaa ee Quds waxay ahaayeen ciidamo qaabilsan hawlgalada dibadda, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, waxayna si toos ah uga mar qaataan hogaamiyaha Iran. Ciidamada Quds ayaa sidoo kale gudaha dalka Ciraaq kula dagaalameen kooxda ISIS, waxayna ku guuleysteen in ay ka saaraan deegaano badan. Qasem Suleimani waxaa uu ciidamada Quds madax ka noqday sanadkii 1988, balse xilligaas ma uusan ahayn nin aad loo garanayay, waxaana uu gacan weyn ka geystay xoojinta xiriirka Iran ay la leedahay ururuka Hezbollah, Dowladda Suuriya iyo maleeshiyaadka shiicada ee dalka Ciraaq. Mohammad Javad Zarif Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan ayaa ku qoray boggiisa Twitter: “Aragagixisada caalamiga ah ee Mareykunku waxa ay beegsatay oo dishay Qaasin Suleymaani oo ahaa madaxa ciidanka ugu waxtarka badan ee la dagaalanka Daacish (Alnusra) dilkaasi waa arrin aad halis u ah. Mareykanku waxa uu dhabarka u ridan doonaan dhammaan mas’uuliyadda cawaaqita kadhalata qar iskatuurnimadaas aan loo meel deyin” Dadka darsa arrimaha bariga dhexe waxay aaminsan yihiin in ay dhalin doonta xiisad horleh, lagana yaabo in Iran ay qaado tallaabo aargoosi ah.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegayo in 24 saac ee soo socoto la filayo in guddiga Doorashooyinka Galmudug ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan Liiska Xildhibaanada Ahlu Sunna ee maalmihii ugu dambeeyey uu muranka ka taagnaa. Xildhibaanada uu guddiga ku dhawaaqi doono ayaa waxay yihiin kuwii ay dhawaan soo bandhigtay Ahlu Sunna oo ay diiday inay badasho kadib markii odayaasha dhaqanka Beelaha qaar ay ka hor imaadeen. Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku siiyey guddiga doorashooyinka Galmudug inay aqbalaan Xildhibaanada 20-ka ah ee Ahlu Sunna soo gudbisay isla markaasna ay si rasmi ah ugu soo bandhigaan Saxaafadda. Guddiga doorashooyinka ayaa hadda u xayiran inuu Sheekh Maxamed Shaakir soo gudbiyo liiskaas oo saxiixan, wuxuuna qorshaha ahaa inuu Xalay soo gudbiyo balse dib u dhac ayaa ku imaaday waxaana la filayaa inuu saacadaha soo socdo u gudbiyo Guddiga. Inkastoo la filayo inuu Guddiga ku dhawaaqo liiska Xildhibaanada Ahlu Sunna, haddana waxaa weli jira Beelaha qaar ee dega deegaannada Galmudug oo diidan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug laga siiyey Ahlu sunna, iyaga oo sheegaya in Xubnihii ay lahaayeen la siiyey Urur gaar ah. Beesha Ceyr oo ay Ahlu Sunna ka qaadatay inta badan Xildhibaanada ay ku lahaayeen Galmudug ayaa dhawaan lagu qanciyey inay u tanaasusho Ahlu Sunna si loo dardargeliyo howlaha doorashada Galmudug oo muddo badan xayiran.
-
Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa wakiilnimadda kala noqday dowladda Soomaaliya. Hadalka Xaaf ayaa kusoo beegamaya xili uu shalay gaarey Gaalkacyo lana kulmay qaybo kamid ah bulshadda ku dhaqan xarunta gobolka Mudug. Hoos ka akhriso qoraalka Xaaf View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-03012020.mp3 View the full article
-
The Kenyan army said Thursday that it had killed four suspected al-Shabaab fighters in Lamu county close to the Somali border. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Mareykanka oo dilay jeneraal laf-dhabar u ahaa ciidamada Iran Jeneraal Qasem Soleiman Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay Jeneraal Qasem Soleiman oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds. Ciidamada Quds ayaa ah ciidan qaabilsan hawlgalada dibadda, kana tirsan ciidamada dalka Iran. Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in Qasem Soleiman ay ku dileen duqeyn dhanka cirka oo ka dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaardaaha ee Baqdaad ee dalka Ciraaq. Telefishenka Dowladda Ciraaq ayaa sidoo kale baahiyay in Jeneraal Soleimani uu kamid ahaa dhowr qof oo lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah. Sarkaal katirsan Dowladda Mareykanka ayaa wakalaadda wararka ee Reuters u sheegay in ay fuliyeen duqeynta, laguna bartilmaameedsaday kooxo taabacsan Iran. Xoogaga taabacsan Iran ee Popular Mobilisation Forces ee dalka Ciraaq ayaa sidoo kale wakalaadda wararka ee Reuters u sheegay in Jeneraal Soleimani iyo hogaamiyaha maleeshiyaad Ciraaq ka dagaalama oo lagu magacaabo Abu Mahdi al-Muhandis la dilay. Dilka Jeneraalkan ayaa dadka darsa arrimaha bariga dhexe waxay aaminsan yihiin in ay dhalin doonta xiisad horleh, lagana yaabo in Iran ay qaado tallaabo aargoosi ah. Jeneraal Suleimani waxaa uu laf-dhbar u ahaa Dowladda Iran, waxaana ciidamadiisa Quds ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei. Weerarkan ayaa dhacay maalmo un kadib markii dad dhigayay dibadbax ay isku gedaameen safaaradda Mareykanka ee caasimadda Baqdad, kuwaas oo ay isku dhaceen ciidanka Mareykanka ee jooga dhismaha safaaradda. Wasiirka difaaca ee Mareykanka, Mark Esper ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegay in Mareykanka aanu aqbali doonin weerar lagu qaado shaqaalahiisa jooga gobolka, wuxuuna dalka Iran ku eedeeyay rabshadihii ka dhacay safaaradda. “Weerar nagu la soo qaado waxaa uu la kulmi doonaa jawaab xilligeeda leh” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka. Waxaa kale oo uu Mareykanka dalka Iran ugu baaqay in ay soo afjaraan hawlaha ay ka wadaan dhismaha safaaradda Mareykanka ee Baqdad. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay ugu gooddiyay Dowladda Iiraan, ka dib markii uu ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarkii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee dalka Ciraaq. Dhismaha saraafadda ee Magaalada Baqdaad ayaa waxaa weerar ku qaaday dad mudaharaadeyaal ah oo ka careysnaa geerida maleyshiyaad lala beegsaday weerarro ay diyaaradaha Mareykanka fuliyeen. Mr Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ugu hanjabay Iiraan, isagoo sheegay “inay magdhow ka bixin doonto” khasaare kasta oo ka dhasha halkaas ama dhimasho. “Tani ma aha digniin, waa hanjabaad”, ayuu ku yiri qoraalkiisa. Hase yeeshee, hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei oo hadalkaas ka jawaabay ayaa sheegay in Mareykanku “uusan waxba ka qaadi karin Iiraan”. Wuxuu sidoo kale sheegay in naceybka ka dhanka ah Mareykanka uu ku fiday meel kasta oo ka mid ah dalka Ciraaq. Tehran ayaa beenisay inay wax lug ah ay ku lahayd weerarkii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Magaalada Baqdaad. Qaran News
-
Turkey's parliament has approved a bill to deploy troops to Libya in support of the embattled United Nations-recognised Government of National Accord (GNA), paving the way for increased military cooperation despite criticism from opposition legislators. Source: Hiiraan Online
-
Raage Ceelle (Caasimada Online) – Abaabul dagaal iyo xiisad culus oo u dhaxeysa dadka degaanka iyo Milateriga Soomaaliya ayaa ka taagan xaafado ka tirsan degmada Raaga Ceelle ee gobalka Shabeellada Dhexe. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Odayaasha degaanka ay ka digeen in Ciidamada dowladda Soomaaliya ay soo galaan degmadaasi, haddii ay dhacdana ay u arki doonaan ciidan duulaan ayna iska difaaci doonaan. Sidoo kale Odayaasha muddo muddo 3 maalmood ah u qabtay ciidan dagan Iskuul ku yaala degmada, kuwaas oo diiday in ay ka baxaan Iskuulkaasi si waxbarashadooda usii wataan arday Iskuulka wax k abaran jirtay. Odayaasha degaanka ayaa la sheegay in ay degmada ku ilaalinayaan Sarkaal ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo sida la sheegay baxsad ah kadib markii uu sheegay in si cadaalad darro ah loola dhaqmay. Taliyaha ciidamada Milateriga Soomaaliya Gen Odowaa Yuusuf Raage, ayaa dhawaan amray in la soo qabto Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Korneel Masdile. Ciidankii amarka la siiyay ayaa todobaadkaan weeraray Kontarool degmada laga soo galo waxaana weerarkaas ku dhintay 2 qof, iyadoo ay ka qaateen 2 qori.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxda maamul gobalka Shabeelada Dhexe, ayaa la sheegay in ay dhamaantood ku fashilmeen wax ka qabashada Isbaarooyin tiro badan oo la dhigtay qaybo kamid ah gobalka Shabeellada Dhexe. Wadayaasha Gaadiidka ayaa sheegay in cabashadooda oo soo socotay ilaa saddexdii bil ee igu dambeysay, islamarkaana ay la kulmeen masuuliyiinta ugu sareysa HirShabelle ilaa hadana aysan jirin wax cid wax ka qabatay. Isbaarooyinka la soo dhigtay degmooyinka Warsheekh iyo Cadale ay yihiin kuwa ay ka dambeyso siyaasad iýo khilaaf u dhaxeeyo masuuliyiinta HirShabelle, sidoo kalane ay adagtahay in xal loo helo. “Waxaa cabashadeyna aan gaarsiinay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ilaa gobalka iyo wasaaradda amniga, qaarkood waxay noo sheegeen in aysan waxba ka qaban karin” ayuu yiri Xasan Eelaay oo ah guddoomiyaha isu tagga gaadiidka yar yar ee ku safra Shabeellada Dhexe. “Dadka aan u dacwoonay qaarkood Isbaarada iyaga ayey u taalaa waxayna ka helaan dhaqaalo fiican, marka kama go’na in ay joojiyaan ama ay qaadaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Xasan Eelaay. Caasimada Online waxay waqti badan ku bixisay in ay hesho masuuliyiinta HirShabelle si arintaan wax looga weydiiyo balse qaarkood waxay diideen in ay ka hadlaan arrintaan.
