-
Content Count
214,039 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya howlgalka saaxiibada Mareykanka ayaa fuliyey duqeyn xagga cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab meel u dhow deegaanka Dujumma oo qiyaastii 6 Km u jira degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe. Saraakiisha howlgalkaasi hoggaaminaysay ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay weerarkaasi. Sidoo kale warbixintaan ayaa lagu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah intii uu socday howlgalkaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka kala tirsan labada dowladood ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si daaha looga rogo fursaado dhaqaale xooggan oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyed. Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Geneva u jooga ka qayb galka Madasha Qaxootiga adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga gaar ahaan isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaac View the full article
-
Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa saaka weerar xooggan ku qaaday Kantaroolka galbeed ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe sida laga soo xigtay goobjoogayaal. Weerarka oo dhacay goor hore oo saaka ah ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho oo soo gaaray askar ku sugneyed kantaroolkaasi inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah. Warar kala duwan oo halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamadii kantaroolka joogay lagu dilay weerarkii saaka balse weli saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta degmada Balcad kama aysan hadlin khasaaraha. Todobaadkii hore Al-shabaab ayaa weerar sidaan oo kale ku qaaday Xerada ciidanka Hiilweyne oo ku dhow degmada Balcad halkaasi oo ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad shacab ah. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar ka gaystay kantaroolka galbeed ee degmada Balcad appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka lagu qaaday fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa fuliyey dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex maray labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa saddex qof oo labo askar ahaayeen, midna uu ahaa qof shacab ah. Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaasi iyo dagaalka xigay ayaa guulo ka sheegatay, sida ay ku baahisay boggageeda Internet-ka. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya. Xaaladda haatan degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-17122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar khasaaro geystay oo saaka ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen barkoontarool oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo raggii weerarka soo qaaday. Ugu yaraan illaa saddex qof oo labo ka mid ah ay askar ahaayeen ayaa ku dhintay weerarka, halka qof ka kale uu ahaa shacab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa ka hadashay weerarkaasi, waxaana ay sheegtay inay ku dishay ugu yaraan saddex askari, iyadoo intaasi ku dartay inay ka soo furatay laba qoray iyo booshashkooda, sida ay hadalka u dhigtay. “Mujaahidiinta ayaa saaka weerar kula jarmaaday degmada Balcad, howlgalka oo ahaa mid qorshaysan waxaa lagu dilay 3 katirsan murtadiinta laba qori oo booshashkoodana waa lagasoo qaniimeystay.” sidaasi ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen duleedka degmada Balcad. Inta badan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoona ku dishay mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa maanta ka hadlay go’aamadii ay guddiga dhex-dhexaadinta khilaafkii doorashooyinka uu ka soo saaray xal ka gaarida xiisadii kala dhaxeysay Muuse Biixi. Guddidii dhex-dhexaadinta Xisbiyda mucaaridka ah iyo Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa shalay shaaciyey 3-qodob oo xal kama dambeysa ah lagaga gaarayo khilaafka baahsan ee Xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo ku hadlayey afka labada xisbi ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu ka sheegay in labada xisbi mucaarid ay si wada-jir ah u aqbaleen go’aamadii ay shalay soo saareen guddidaasi. Waddani iyo Ucid ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay inay aqbaleen saddexda qodob ee ay soo jeediyeen Guddigii dhex-dhexaadineysay mucaaridka iyo Biixi, isla markaana ay ka tanaasuleen eedihii ay hore ugu jeediyeen komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland. Labada xisbi ayaa sheegay inay door bideen in go’aankaasi aqbalaan, isla markaana meesha ka saaraan tabashadii hore ee ay ka qabeen Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland, iyagoo eegaya midnimada umadda iyo geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland. Go’aamadii ay shalay soo saareen Guddidii dhex-dhexaadinta Xisbiyda mucaaridka ah iyo Muuse Biixi ayaa waxa kamid ahaa in dib loo soo celiyo Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland ee wakhtigoodii dhamaaday, iyadoona la kala dirayo Komishankan cusub ee muranka badan dhaliyay. Waxa sidoo kale guddigaasi uu shalay soo jeediyeen inay xisbiyada Mucaaridka ah ay ixtiraamaan, isla markaana ay ku kalsoonaadaan dhamaan Xukuumada Muuse Biixi, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Maxkamadda Sare, midaasi oo ay maanta aqbaleen xisbiyada mucaaridku. Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu si weyn uga soo horjeeday Komishankii doorashooyin ee uu wakhtigiisu ka dhamaaday, kaasi oo uu hore kala laabtay kalsoonidii, balse uu hadda shaaciyay in komishankaasi ay la shaqeyn doonaan, haddii dib loo soo celiyo. Ilaa iyo hada lama oga sida ay ku dhaqan gali doonto in dib loo soo celiyo Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland, oo iyagu xilkii ku wareejiyay Komishanka cusub ee doorashooyinka, oo dhowaan loo dhaariyey xilkaasi.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Subax walba boqolaal qof ayaa Basaska ciidanka Milatariga Soomaaliya lagu geeyaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida ay ogaatay Caasimada Online. Kalsooni darrada amni ee dalka ka jirta ayaa sabab u noqotay in ay Xukuumadda weyso qof ay aaminto waxaana hada soo baxay qorshe cusub oo shalay iyo maanta ka socda Muqdisho. Sidii ay Caasimada Online hore u baahisay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ka socda tirakoobka shaqaalaha. Shaqaalaha ayaa si caadi ah u tagi jiray xafiiska Kheyre waxaana lagu baari jiray Xafiiskiisa Banaankiisa oo kaliya balse hada waxaa la bilaabay qorshe kale. Shaqaalaha Wasaaradaha ee ku qoran diiwaan gelinta ayaa lagu amray in ay subaxdii ka hor 8:00 am isugu yimaadaan xafiiska shaqaalaha rayidka oo ku yaalla guriga hooyooyinka, waxaana halkaasi looga qaadaa Basaska Milateriga iyagoo aad loogu baarayo hooyooyinka ka hor inta aysan gelin Basaska. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in qofkii loo waco ee soo xaadiri waayo aroortii hore si hubin amni uu u maro ka hor inta aan la geynin xafiiska Kheyre ay xukuumadda ka tashan doonto liiska shaqaalahana laga saari doono. Dalka waxa uu u muuqdaa in ay ka dhamaatay kalsoonidii amniga oo la la’yahay 5 qof oo meel kuwada nool oo is aaminta, markii laga hadlayo xafiisyada dowladana kuma sii jirto waxaana sii dhamaanaya kalsoonidii yareed ee jirtay ee dhanka amaanka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xildhibaano ka tirsanaa baarlanmaankii hore maamulka Jubbaland ay maalmihii la soo dhaafay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xildhibaanadan oo tiradoodu ay gaareyso 40 mudane ayaa dacwo ka ah madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Xubnahaan ayaa ka cabanaya in madaxweyne Axmed Madoobe uusan muddo ku siman 35 bilood, oo ah seddax sano, aysan ka helin xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulkiisa, sida mushaahkoodii iyo xuquuqihii kale ee xildhibaanku lahaa. Xildhibaanadaas ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Senetorada laga soo doortay deegaanada maamulka Jubbaland, kuwaas oo ay u gudbiyeen warqad ay uga dacwoonayaan Axmed Madoobe. Qaar ka mid ah xildhibaanadaas ayaa Caasimada Online u sheegay in dacwadooda ay u gudbi doonaan cid kasta oo wax ka qaban karta sida xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Markii laga soo tago mushaar la’aanta ay ka tirsanayaan maamulka Axmed Madoobe, waxay sheegeen inay jiraan tacadiyo kale oo qayb ka ah dacwadooda, kuwaas oo ay ka tirsanayaan maamulkii ay ka tirsanaa jireen ee madaxweyne Axmed Madoobe.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 11 askari oo haray uga tirsanaa jiray ciidanka daraawiishta Jubbaland ee Axmed Madoobe, oo ka soo lugeeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ciidankan oo markii hore ay tiradoodu gaareysay 16 askari ayaa Al-Shabaab dagaal culus kula galay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose oo qiyaastii 60KM u jirta magaalada Kismaayo. Dagaalkaas waxaa looga dilay shan askari, waxayna Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta magaalada Jamaame oo ay muddo joogeen. Markii ay ku adkaatay inay sii joogaan Jamaame, kuna laaba waayeen dhulka uu ka arimiyo maamulka Jubbaland ayey go’aansadeen inay u soo lugeeyaan Muqdisho. Cabdirisaaq Cabdi Cumar oo ah sarkaalka hoggaaminaya ciidankaas ayaa sheegay in mudo todobaad ah ay ku qaadatay inay soo gaaran Muqdisho iyagoo dagaallo culus kala soo kulamay Al-Shabaab. Cabdirisaaq waxa uu sheegay in socdaalkii ay uga soo baxeen Jamaame ay ku soo galeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo mid ah goobaha ay ugu awoodda badan yihiin Al-Shabaab, isagoo sheegay in ilaa seedax goobood oo ay Zekawaad ku aruursanayeen ay kula dagaaleen Al-Shabaab kuna laayeen. Waxa uu sheegay in rafaad dheer kadib, 11-koodii oo wata hal askari ay maalinka hor soo gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ugu horeysay meel ay ka taliso dowladda Soomaaliya. Sarkaalkaan ayaa sheegay inay Baraawe ka soo raaceen Doon, taas oo keentay xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho, halkaas oo sida uu sheegay ay ka soo wadeen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo ay ka codsadeen inay ka horyimaadaan. Ugu danbeyntii sarkaalka u hadlay ciidankaas ayaa sheegay inaysan wali helin cid la hadashay dadaal badanna ay galiyeen sidii ay ku heli lahaayeen taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse wali aysan u suurta galin. Waxay madaxda ugu sarreysa dalka ka codsadeen inay u raadiyaan xuquuqdooda, iyagoo sheegay inay wataan hubkooda oo dhameys tiran meeshii loo dirana ay ka howlgalayaan. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo maanta hor tegay xildhibaanada golaha shacabka ayaa mar uu soo hadal qaaday awoodda Al-Shabaab waxa uu sheegay inay jiraan 15 askari oo ka soo baxay Kismaayo, kuwaas oo soo dhex maray Al-Shabaab lugna ku soo galay Muqdisho, taas oo sida uu sheegay muujinaysa itaal yarida Al-Shabaab.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka markii ugu horeysay waxay hadashay wararka sheegaya in ay ciidamo u dirtay Eritrea, si halkaas loogu soo tababaro. Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), wasiirka difaaca Soomaaliya, oo shalay hor-tagay baarlamanka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaas “Eritrea annaga ciidan uma aanan dirin, koley ma garan karo su’aashaan meel aan wax ka qabto,” ayuu kaga fal-celisay su’aashaasi oo uu hor-dhigay Xildhibaan. Sidoo kale, taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage, oo isna hor-tagay baarlamanka ayaa sheegay inuusan ka war-hayn wax ciidamo Soomaaliyeed ah oo loo diray dalka Eritrea. Dhinaca kale, wasiir Amar-dambe ayaa meesha ka saarey in Xoogaga Wadaniyiinta ay ka tirsan yihiin Ciidamadda Qalabka Sidda. “Xoogaga Wadaniyiinta waxaan filayaa Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed kuma aqaano, wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigaan ahay meel ay ku qoran yihiin ama aan ku xukumo ama aan kaga hadli karo ma jirto,” ayuu yiri. Xoogaga Wadaniyiinta oo la aas-aasey markii uu Farmaajo xafiiska yimid ayaa lagu sheegay “dad abaabulan, oo taageera xukuumadda lana hubeeyay bilooyinkii dambe”.
-
Bishii Oktoobar 2019, xubnaha Guddiga Nobel ee Norway waxay ku kulmeen xaruntooda caanka ah ee an sidaa uga fogayn cidhifka waqooyi ee dunida. Waxayna go’aamiyeen in Billadda Nabadda ee Nobel 2019 la siiyo Abiy Ahmed Ali oo ah Raisul Wasaaraha Itoobiya. Laba sababood ayuu Abiy ku mutaystay Billadda Nabadda: Go’aankiisi adkaa ee uu ku xalliyay colaaddi ka oognayd xudduudda u dhexaysa Eritrea iyo Itoobiya. Dadaalkii uu galiyay dhiirrigalinta nabadda iyo is-kaashiga caalamiga ah. Haddaba, qiimayntan ku slayasan labadan qodob ma mid saxa oo dhammaystiranbaa? Aan miisaanka saarno. Nabadeeye Abiy Aan ku billawno qodobka 1aad. Waa run. Abiy Ahmed Ali dadaal wayn ayuu u galay siduu u xallin lahaa colaadda ka oognayd xudduudda u dhexaysa Eritrea iyo Itoobiya. Geesinnimo ayuuna muujiyay, sababtoo ah ma ahayn arrin sahlan, xoogag badan oo diiddana way jiireen ila iyo haddana way jiraan. Laakiin R W Abiy Ahmed go’aan culus ayuu arrintan ka qaatay. Wuu ku adkaystay. Wuuna ka mira dhaliyay. Way jirtaa inay degdeg, fududayd, iyo farsamao xumo ka muuqdeen sida uu wax u waday iyo habka uu wax u maaraynayay. Hase yeeshee, guud ahaan, Guddiga Nobel ee Norway wuu ku saxnaa siduu u qiimeeyay qodobkan. Waa lagama maarmaan in la xuso, cayaar siyaasadeed laba dhinac ayaa wada cayaarta. Haddii aanu Madaxawaynaha Eritrea taageerin qorshaha Abiy Ahmed Ali ma suuroobeen. Dagaal Ooge Abiy Laakiin markaan qodobka 2aad eegno, way adag tahy in la taageero, ama xataa la fahmo, aragtida iyo go’aanka Guddiga Nobel ee Norway. Marka la dhaafo xudduudda u dhexaysa Eritrea iyo Itoobiya, ma jiraan xogo sugan oo muujinaya in Abiy Ahmed uu dadaal galiyay ama daacad ka yahay nabad dhaba iyo is-kaashi caalamiya. Xaqiiqdii, waxaa la hayaa markhaatiyo cadcad oo muujinaya in Abiy Ahmed uu leeyahay dhaqanka iyo astaamha lagu yaqaanno dagaal oogayaasha. Quruumaha Midoobay iyo dibloomaasiyiin Reer Galbeed ah waxay dhawaan ku eedeeyeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed inay qalalaaso iyo xasillooni darro ka waddo dalalka dersika ah sida Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan. Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa soo kordahya xogaha muujinaya in Abiy Ahmed uu yahay hogaamiye laba wajiile ah oo aan la aamini karin. Dagaal Guddafadeed ayuu Abiy ka wadaa Soomaaliya Ciddi doonaysa inay ogaato shaqsiyadda dhabta ah ee Abiy Ahmed ha eegto dagaal guddaafadeedka uu ka wado Soomaaliya. Sannad ka hor, Abiy fara galin cad oo gurracan ayuu ku sameeyay doorashadii Koonfur Galbeed. Halkaa ciidamada Itoobiya waxay ka gaysteen gabboodfallo iyo dambiyo dagaal. Egyagii hore ee Quruumaha Middoobay Nicholas Haysom warqad ayuu u qoray Itoobiya isagoo ka codasday inay sharraxaad ka bixiso faragalinta qaawan iyo gumaadka ay taangiyada ciidamada Itoobiya kula kaceen shacabka magaalada Baydhaba. Abiy iyo taliyayaashiisa weli kama soo jawaabin. Dacwadiina weli way socotaa. Saddex bilood ka hor, Abiy Ahmed wuxuu Taliska Bari ee saldhiggiisu yahay Harar ka soo diray dayuurado ay saran yihiin ciidamado Komaandoos ah oo ku wajahan magaalo xeebeedka Kismaayo oo ah Caasimada Ku meel Gaarka ah ee Xukuumad Dagaaneedka Jubbaland. Waqtigaa doorasho ayaa ka socotay Kismaayo. Ujeddada Abiy waxay ahayd in ciidamadiisu ay ka sameeyaan Kismaayo wixii ay ka sameeyeen Baydhaba. Laakiin Kismaayo ma ahayn mana noqon Baydhabo. Duullaankan wuxuu ahaa mid leh astaamaha lagu yaqaanno calooshood u shaqaystayaasha la soo kiraysto: qar-iska-tuurnimo, isla wayni, iyo xagjirnimo ku daaban maquunin iyo awood sheegasho. Taa waxay ka cadhaysiisay dadkii lagu soo duulay oo si geesinimo leh uga falceliyay damacii gawaracatada Abiy. Waxaana lagu qasbay cutubyadii Abiy ah inay dib ugu laabtaan saldhigyadii ay ka soo duuleen. Maantana, Abiy oo ay luqunta u sudhantahay Billadda Nabadda ee Nobel wuxuu ciidamo ku soo gurayaa Dawlad Goboleedka Glamudug. Halkaaso la filayo inay doorashooyin ka dhacaan dhawaan. Maanta gawracatadii Abiy waxay ku gaaf wareegayaan Dhuusa Mareeb, iyagoo halkaa ka sii wada dagaal guddaafadeedkii lagu yaqiinay. Sannad gudihii waa markii saddexaad oo uu Abiy faragalin qaawan kula kaco arrimo la xiriira doorashooyin ka dhacaya Soomaaliya. Sideebuu hoggaamiya faraha kula jira oo aan marmna ka faaruqin dagaal guddaafadeed ku noqon karaa nabadeeye ehel u ah xasilloni iyo is-kaashi calami oo dhaba? Nabad baan kula noolaan Eritrea Soomaaliyana waxaan ku asqaysiin dagaal guddaafadeed ma aha laba is gayda. Ato Abiyow dhan isugu baydh! W/Q: Xasan Keynaan Xasan Keynaan wuxuu ahaa sarkaal sare oo Qaruumaha Midoobay uga soo shaqeeya Afrika, Asiya iyo Yurub. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxdweyne Muuse Biixi ayaa war ka soo saartay Jabhad cusub oo ka dhan ah maamulkooda, midaasi oo lagaga dhawaaqay magaalada Buuhoodle ee Somaliland ay haysato. Jabhadaasi oo la magac baxday SSC, isla markaana loo soo gaabiyey Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa waxay sheegtay inay Somaliland ka xoreyn doonto gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta ee Somaliland ayaa isagoo ka hadlaya Jabhadaasi, wuxuu ku tilmaamay kuwo ka qeyb ah mashruuc cusub oo lacag lagu raadiyo. Wasiir Qambi ayaa Jabhadaasi ku sheegay mid laga soo abaabulay oo laga soo taakuleeyo dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isla markaana looga dan leeyahay kala qeybinta bulshada. Qambi ayaa waxa kale oo uu waxgaradka iyo aqoonyahanka Buuhoodle u soo jeediyay inay dhinac uga soo wada jeestaan oo ay iska qabtaan Jabhadan cusub oo ku tilmaamay kuwo ku adeeganaya magacooda. Somaliland ayaa waxa muddooyinkii dambe ku soo badanayey Jabhado doonaya inay iska dulqaadaan xumada Xukuumada Muuse Biixi, halka Xukuumadiisuna u arkeyso mashaariic ka dhan ah oo lacag lagu raadsanayo.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, si daaha looga rogo fursado dhaqaale xooggan oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyed. Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Geneva u jooga ka qayb galka Madasha Qaxootiga Adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga, gaar ahaan isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca. Source: goobjoog.com
-
Boeing will temporarily halt production of its troubled 737 Max airliner in January, the manufacturer said. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
