-
Content Count
214,039 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-Quabanaha-16122019-OK-SX.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka mid ahaa saraakiil maanta hor tagtay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu bixiyey amarka xildhibaanada iyo xubno ka tirsan wasiirada maalmahaan looga reebay ilaaladooda markii ay soo galayaan xeyndaabka laga ilaaliyo Villa Somalia. Odawaa ayaa sheegay in amarkaas ay keentay xaaladii dhacday habeenkii Arbacada, taas oo aheyd weerar ka dhacay Hotelka SYL oo ku yaalla gudaha xeyndaabka laga ilaaliyo madaxtooyada, isagoo xildhibaanada u sheegay in go’aankaas uu ahaa mid lagu xaqiijinaayo amaanka madaxtooyada. “Xildhibaanada sharafta leh waxaan habeen iyo maalin u taaganahay waa adinka amaankiina khalad waa dhici karaa markii shaqo lagu jiro, waxaad la socotaan koonaha SYL waa dhacdadiid shanaad oo ka dhaceysa, waxaad la socotaan dhamaantood waxay u dhaceen sidii dhacdadii habeen dhaweed, dad isusoo akeysiiyey ciidamada amniga oo lugeynaaya ayaa hoteeladii gudaha u galay, sidaas darteed waa la kala garan waayey, sababta ay ragaas meesha ku yimideena waxay aheyd ciidamadii istaafyada u ahaa masuuliyiinta markii ay soo gaaran iridka dhamaantood halkaas ayaa lagu dajiyaa istaafyada isma garanayaan qofka soo dhax galana lama garan karo” ayuu Baarlamaanka ka hor yiri Jeneraal Odawaa. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay bixiyeen amar ah in qofka masuulka ah ee ku gudbaya wadada hor marta madaxtooyada aan laga reebi karin istaafkiisa, balse dadka laga reebaayo istaafka ay yihiin oo kaliya mas’uuliyiinta galaya madaxdtooyada. “Qofka istaafka laga reebaayo waa qofka markii uu ka soo gudbo xeendaabka hore kadib gudaha is kaga reebaaya ilaaladiisa ee markaas u gudbaaya madaxtooyada iyo xaafiisyada kale ee gudaha ku yaalla” ayuu yiri Taliye Odawaa. Ugu danbeyntii taliyaha ayaa sheegay in dib u eegis ay ku samey doonaan sida amarkaas uu u saameynayo mas’uuliyiinta degan gudaha xeendaabka laga ilaaliyo madaxtooyada oo loo fasixi doono inay la soo galaan ilaaladooda, maadaama ay ku yaalaan guryahooda. Halkaan ka Daawo
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu sheegay, in Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka kala tirsan labada dowladood, looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si daaha looga rogo fursaado dhaqaale xooggan oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyed. Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Geneva u jooga ka qayb galka Madasha Qaxootiga adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga gaar ahaan isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Madaxweyne Erdoğan Oo Geneva Ku Kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Golaha shacabka waxaa uu maanta Ajendihiisu ahaa Su’aal oraaheed ku abaaran Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dalka Mudane Xasan Maxamed Cali “Amardambe”.iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka Odawaa Yuusuf Raage. Qaar ka mid ah Xildhibaanadda golaha ayaa su’aalo ku saabsan arrimaha Ciidamada weydiiyay Wasiirka oo isaga Oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka si toos ah uga jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiinayeen. Ugu horeyn wasiirka wasaaradda Gaashaandhig Xasan Maxamed Cali “Amardambe”, ayaa ka jawaabay cabasho golaha shacabka ay ka keeneen kordhinta Koontaroolada iyo ilaaladooda laga reebo xarunta Baarlamaanka iyo Villa Soomaalia waxaana uu yiri” Waxaan rabaa inaan idiin la wadaago waxaa keenay arrintii xanuunka badneyd dowladnimada sharafka iyo karaamada aan ku fiicneen ee ka dhacday SYL, ilaah ayaa mahad leh arrintaas dhacday aad ayuu u soo laab laabtay sida aad la socotaan dhacdadaan tii ka horeysay waxaa meesha ku geeriyooday xilhibaannada askartii waardiyeeynaysay qaar ka mid ah ayaa meesha ku geeriyooday, nasiib wanaag dhacdadaas markii ay dhacaysay Baarlamaanku majirin haddii uu jiri lahaa waa ka sii badnaan laheyd”. Wasiirka oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri” Albaabka laga soo galo waxaa imaado askar ka tiro badan 100 qof oo ilaalada xildhibaannada ah kuwaas oo aan is garaneyn qaar Booliiska ka socdo, qaar Nabad sugida ka socdo, qaarna ka socdaan ciidanka xoogga dalka maadaama dhacdadaas dhacday waxaan ku guda jirnay in la baaro sababtii arrintaas meesha uga dhacday waan ka xunnahay xildhibaanka gudbaayo waa inuu si sareexa leh uu ku gudbo askariga iyo nidaamka aan heysano waad la socotaan. Sidoo kale wasiirka wasaaradda difaaca dalka ayaa waxaa wax laga weydiiyey wasaaradiisu waxaa ay ka ogtahay u jeedada loo geeyey ciidamada Gorgor ee la geeyay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug. iyo xoogaga wadaniyiinta dadka loo yaqaano waxa waxaana uu yiri ” Ciidamada Gorgor waxaa ay ka tirsan yihiin ciidama xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana ay ka howl gali karaan dhammaan gayiga Soomaaliyeed waajibaadka ay leeyihiin aya aku cad in ay ilaaliyaan uduudaha iyo meelihii kale oo loo baahdo i loo adeegsan karo, waxaad la socotaan inaan shaqo adag galinay in ciidamadaSoomaaliyeed diiwaan gelin lagu sameeyo qeybihiisa kala duwan si aan u helno ciidan tayeeysan” Dhinaca kale wasiirka oo sii hadlaayo ayaa yiri” Aniga xoogag wadaniyiiin aniga wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ayaan ahay meel ay iigu qoran yihiin aan ku xukumo ama aan kaga hadli karo ma garanaayo”. Dhanka kale Taliye Odawa Yuusuf Raage oo ka jawaabayey su’aal aheyd maxaa hakadka galiyey howlgalkii ciidanka xoogga dalka ayaa yiri” Ciidamadu howlgalladooda waxaa ay ku salaysan yihiin marxaladda markaas taagan, gobalada Shabeellooyinka iyo qeybo ka mid ah Jubbooyinka waa dhul carro madoow ah waxaana lagu jiraa xili roobaadkii, howlgalladeenii socday waxaa hakad geliyey cimilada lagu jiro” Ugu danbeyn Taliye Odawaa ayaa ka jawaabay su’aal aheyd waxa uu xoogga dalka uu ka damacsan yahay askarta loo yaqaano Macawisleyda waxaana uu yiri ” Nimanka loo yaqaano Macawislayda oo meelaha kala duwan ku sugan waa ay la dagaalamaan cadawga waa fursado ubaahan in laga faa’ideysto qaarkood waa laga faa’ideystay qaana waa lagu socdaa, sida aad la socotaan gobolo badan ayaa ciidankaas laga soo diiwaan geliyey oo lagu soo daray xaalada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa galabta Yuusuf Xasan Mursal kala baxay gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Yuusuf ayaa ahaa guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda, waxaana xisbigaas aas aasay oo hoggaamiye ka ahaa Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo mudo sanad ah Muqdisho ugu xiran dowladda federaalka. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Yuusuf Xasan Mursal loo xiray hadal uu maalmo ka hor ka jeediyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dalbanayay sii deynta Sheekh Mukhtaar Roobow. Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah xog-hayaha arrimaha gudaha iyo xiriirka gobolada ee Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada koofiya casta ee ilaalada Madaxtooyada ay maanta u soo daateen guriga guddoomiyaha halkaasna ay ka wateen “iyaga oo aan u soo marin sifo sharci ah.” “Ciidamada Koofiya Casta loo yaqaano ayaa maanta noo yimid oo si xoog ah ku ka xeystay guddoomiyaha xisbiga amniga iyo cadaaladda Yuusuf Xasan, qaab sharci darro ah ayeyna ku xireen kuna wateen waana afduub cad wax sharci ah iyo wax warqad maxkamadeed ah midna kuma socon ciidamadu, mana ahan dhaqankaas mid u adeegaya in Soomaali dib u heshiiso, ilaa hada garan meyno halka ay geeyeen waana canbaareynaynaa falkaas” ayuu yiri Xog-hayaha xisbigii uu hoggaamiyaha ka ahaa Mukhtaar Roobow. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Villa Somalia oo ku aaddan xariga Yuusuf Xasan.
-
Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire said his country is keen to open doors for investors and provide a safe investment environment, in addition to strengthening the country’s business sector. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowlad gobaleed ka Jubbaland Axmed Maxmed Madoobe oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa madaarka magaalada kula hadlay warfidiyeenada waxaana kuu hadlay arrimo badan oo ay ku jirto doorashada 2020. Madaxweyne Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka ah howshii looga baahnaa ay gabtay sida diyaarinta hanaanka doorasho iyo isku wadista systemka dowladeeed dalka waxaana uu yiri” Ayadoo aad moodo dowladda federaalka ah in ay gabtay shaqadii u taalay isku wadustii in ay ogaadaan wadanka ay maamulaan midka uu yahay waxaa uu u baahan yahay in la abuuro meeshii uu marayaayey isku wadistii ay meesha wax badan ay ka maqan tahay waxaan filayaa in waqtigeedii u soo dhamaaday”. Sidoo kale Madaxweyne Madadoobe oo hadalkiisa siitato ayaa xusay in dadka iyo dadka Soomaaliyeed maanta ay u taalo wax ka weyn in siyaasad lagu mashaquulo lakiin ay u baahan tahay in la isku wado waxaana uu yiri” Soomaaliya maanta waxaa ay mashquul ku tahay siyaasad Maxan qabanaa? Yaa kan noqonaya, laakin baahida maanta wadanka taallo waa mid ka weyn waxa ay maanta dadku ku hadaaqayaan iyo waxa uu maanta siyaasiga Soomaaliga ah uu ku hadlayo, burburka, dhibaatada iyo kala maqnaashiyaha dowladda iyo dowlad gobaleedyada .” Dhanka kale Madacweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ku eedeeyey dowkadda federaalka ah in ay ku tumaneyso dastuurka dalka u yaalla oo lagu heshiiyey isaga oo arrintaasi ka hadlaayo waxaa uu yiri” Dowladdana waan u sheegnay in dastuurka ay ilaaliso iyo waxa dadka u yaalo oo lagu wada dhaqmaayo, haddii qofka uu tiisa ilaalin waayo wixii kale ee dhibaato ah ee soo gaaro waad garan kartaa wixii ay asagana ay saameyn ku yeelan karto, shalay ayaa xadgudubyo la sameeyey wasiirbaa la xiray si aan munaasab aheyn, guddoomiyeyaal iyo ciidan baa la qaaday oo meelo kale ayaa la geeyey”, Ugu danbeyn Madaxweynaha dowlad gobaleed ka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam ayaa xusay in uu dowladda federaalka ah gobalka Gedo ay ka wado burburin dhanka amniga iy mid siyaasadeed waxana uu yiri ” Waxaan in badan uga wareegeynay gobalka Gedo inaan u yaro kaadino ilaa maanta ciidamadii Shababka la dagaalamaayey iyo hubkii State ka uu lahaa oo in badan oo ka mid ah ay Shabab gacanta u galeen, kuwa ay ku uruurinayaan Baardheere oo ay leeyihiin ciidan ayaa la dhisayaa ayey Shabaab soo sawirayaan oo ay ka heleen xoogag cusub oo u soo kordhay waa burbur amni waa burbur siyaasadeed.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoominayay Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo maanta Ajendihiisu ahaa Su’aal oraaheed ku abaaran Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dalka Mudane Xasan Maxamed Cali “Amardambe”, iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka Odawaa yusuf raage Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Ayaa su’aalo ku saabsan Arrimaha Ciidamada weydiiyay Wasiirka oo isaga Oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka si toos ah uga jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiinayeen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay Ciidamada amaanka looga baahanyahay in ay Xildhibaanadda xasaanada ay leeyihiin ku ixtiraamaan iyagoo Sidoo kalena muhiimad gaar ah siinaya sugida amniga iyo ka feejignaanta dhagaraha kooxaha nabad diidka ah Sidoo kalena Xildhibaanadda dhankooda looga baahanyahay in Ciidanka Qaranka mar walba taageeraan shaqadoodana ku ixtiraamaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-16122019-sax.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dakhliga Kenya kasoo gala badeecadaha loo dhoofiyo Soomaaliya ayaa bishii September 2019 hoos ugu dhacay heerkii ugu xumaa shan sano, xilli ay jirto xiisadda muranka badda ee ka dhex oogan labada dal. Qiimaha badeecadaha ay Kenya u dhoofisay Soomaaliya bishii September, oo uu ugu badan yahay khaatka, ayaa sanadkan hoos u dhacay 93.5%, wuxuuna ahaa 647 milyan oo shillin una dhiganta 6.3 milyan oo dollar, halka sanad ka hor bishan oo kale uu ka ahaa 1.25 bilyan oo Kenya shillin, una dhiganta ku dhowaad 12 milyan oo dollar, sida ku cad warbixinta Bankiga Dhexe ee Kenya (CBK). Waa dakhligii ugu hooseeyey ee muddo bil ah Kenya kasoo galay waxyaabaha ay u dhoofiso Soomaaliya. Magaalada Muqdisho ayaa sanado badan ahayd suuqa ugu weyn ee khaatka Kenya, halkaas oo ay kasoo gasho malaayiin dollar. Hoos u dhacan ayaa loo sababaynayaa abaaro xooggan oo dhowaanahan ka jiray qeybo ka mid ah Kenya oo saameeyey beeraleyda khaatka, oo aan wax badan soo saarin, iyo xiisadda ka dhalatay muranka badda Soomaaliya ee u dhaxeeya labada dal. Kimathi Munjuri, oo ah guddoomiyaha ganacstada khaadka Kenya ee Nyambene, ayaa sheegay in ka sokow is-beddelka cimilada, ay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ay saamaysay khaatkii ay u dhoofin jireen Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mararka qaar dib u celiso qaar ka mid ah khaatka ay u diraan Soomaaliya, islamarkaana ay taas walaac ku abuurtay.
-
Al-Shabaab has claimed responsibility for two separate attacks in Galkayo and Bossaso, both located in Somalia’s northeastern Puntland. The first attack in the northern part of Galkayo on Sunday night was used two grenade bombs targeted a police station, wounding two soldiers and one civilian, residents said. Al-Shabaab also claimed responsibility for an assassination in Bossaso, the commercial capital of Puntland. The militant group said its fighters killed Mohammed Ahmed working with a security firm. View the full article
-
The geology of offshore Somalia is proven— and fresh details attracted even more attention at Africa Oil Week in November—as the country prepares for its much-delayed first licensing round in December. Source: Hiiraan Online
-
Galmudug police clash with armed militias in Godinlabe village located between Dhusamareb and Adado districts in the central Galgadud region on Monday. The fighting came after armed militias attacked a humanitarian aid distribution center in the area. At least three people were injured in the clashes between the two sides, local sources have confirmed. There has been no statement yet from the local administration about the fighting. The situation was reported to be tense, with local residents reporting the battle could erupt at any time again due to the esclation. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Haweenka iyo Xuquul Insaanka Soomaaliya Samra Ibraahim Cumar, ayaa shalay xirtay waddada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho oo k amid ah kontaroolada laga ilaaliyo Villa Somalia. Samra ayaa gaarigeeda oo qooqan ah ku dhax baakintay laamiga, si aysan gaadiidka isaga gudbin, waxayna arintaan ka dambeysay kadib markii loo diiday in ay ilaaladeeda la marto wadada hormarta Madaxtooyada. Muddo ku dhaw 30 daqiiq dood taagneed ayaa sababtay in xoog looga reebo ilaaladii la socday kadib markii qoryo lagu qabtay wiilasha, waxayna kadib ay darawalkeeda ku amartay in uu gaariga ku dhax Baakimo laamiga, iyadana ay dhaxda ka fariisatay waxayna gashatay Log, kadib waxay ciidamada ku tiri “kaalay dhaqaajiya gaariga.” Ciidanka ilaalada madaxtooyada ayaa u waayay xal markii ay gaadiidka isaga yimaadeen labada dhinac ee laamiga oo Jaam ka abuurmay agagaarka madaxtooyada ayey qaateen go’aan kale. Sarkaalka hogaamiya ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee ku sugan Xaawo Taako iyo Tiyaatarka Qaranka ayaa go’aansaday in bir ku go’aaneed laamiga dhinaca tiyaatarka laga qaado, taas oo la dhigay bishii December ee sanadkii hore, markaas uu dhacay qaraxii ay ku dhinteen dad uu kamid ahaa Weriye Cawil Daahir Salaad, si Jaamka meesha looga qaado maadaama aysan waxba ka galin go’aanka Wasiiradda. Dood dheer kadib waxaa mesha ka baxday Samra Ibraahim Cumar oo ah wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka lamana oga waxa lagu dhameeyay arintii taagneed waxaase loo diiday in ay la gudubto ciidankii la socday. Hoos ka daawo sawirrada dhacdada
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo kasoo dhoofay dalka Qatar, ayaa soo gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland, oo uu uga qayb gelayo madasha qaxootiga adduunka oo maanta furantay. Madasha Qaxootiga adduunka oo la qabanayo markii ugu horreysay ayaa ah fursad mabaadii’da mas’uuliyad wadaagga caalamiga ah ee qaxootiga loogu bedelayo ficil, laguna soo bandhigayo ballan qaadyo, tabarrucaad, sidoo kalana la isku dhaafsado khibradaha dalalku u leeyhiin arrimaha qaxootiga. Wasiirrada qorsheynta iyo gargaarka iyo mas’uulyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya ka qayb galka madasha qaxootiga adduunka oo soconeysa mudda sedax maalin ah oo ku eg Deseembar 18, 2019. Ka qayb galayaasha ayaa ka hadlaya xaaladda taagan iyo sida loo xoojinayo ka jawaabidda caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga iyada oo addunyada dacalladeeda ay ku suganyihiin Malaayiin qof oo ay saameeyeen dagaallo, rabshado iyo dhibaatooyin kale. Tirada qaxootiga dunida ayaa kor u dhaaftay 25 mliyan, waxaana Soomaaliya ku nool 35,438 ruux oo isugu jirta qaxooti iyo dad kale oo megengalya doon ah. Madasha ayaa sannadkaan diiradda lagu saarayaa isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca. Soomaaliya ayaa madasha ka cadeyneysaa in ballan qaadkeeda diiradda lagu saarayo sedax arrimood oo kala ah, isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadda, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha iyo xaluusha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Geneva kaga qeyb gelaya Madasha Qaxootiga Adduunka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Boorama)-Wararka ka imanaya magaaada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeedo xadhiga Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo ay ciidamada Boolisku xabsiga dhigeen shalay. Dibadbaxan ayaa ka dhacay saaka xaafada Sisibta ee magaalaa Boorama, waxaanay dadkaasi shacabka ahi ay dalbadanyaan in xuriyadiisa dib loogu soo celiyo Suldaanka la xidhay. Dhinaca kale ciidamada booliska gobolka Awdal Ayaa Waxay kala dareeriyeen shacabkii mudaharaadayay dhigayey waxaana halkaasi uu dhaawac ka soo gaadhay wiil dhalinyaro ah oo ay rasaasi lugta kaga dhacday. Sidoo waxa jira warar la isla dhexmarayo magaalada Boorama gudaheeda oo sheegaya in Suldaan Abshir loo qaaday dhinga xabsiga Mandheera, inkastoo qaar ka mid ah Waraabinta ku sugan Boorama oo la hadashay Taliska Bileyska qaybta gobolka Awdal ay beeniyeen arintaasi. Waxaanu halka idin ku soo gudbinaynaa hadallada lagu xidhay Suldaan iyo eheladiisa oo shalay ka hadlay xadhiggiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Jabhad cusub oo ka dhan ah Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagaga dhawaaqay gudaha magaalada Buuhoodle. Jabhadan oo la magac baxday SSC, isla markaana loo soo gaabiyey Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa waxay si weyn uga biyo diidan tahay ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolada Sool iyo Sanaag. Jabhadan oo uu hogaaminayo nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali, ayaa waxa uu sheegay in ujeedka ka dambeeya jabhadani oo loo aas-aasay uu yahay sidii gobolada Sool iyo Sanaag looga xoreyn lahaa Somaliland. Maxamed Axmed Cali, Hogaamiyaha Jabhadan cusub ee lagaga dhawaaqay magaalada Buuhoodle ayaa waxa uu shacab weynaha gobolkaasi u soo jeediyey inay gacan weyn ka geystaan duulaanka ka dhanka ah xukuumada Muuse Biixi oo ay hogaaminayso jabhadiisu. Jabhadan ayaa iyadu aaminsan haddii ay gacan ka helaan shacabka ku nool deeganadaasi inay ciidamada Somaliland ka saari doonaan deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag, sida uu xusay hogaamiyaha Jabhadaasi. Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay la daala dhaceysay Jabhado cusub oo ka sameeysma gudaheeda, midaasi oo inta badan loo aaneyno hogaan xumada uu ku hago xukuumadiisa Madaxweyen Muuse Biixi.
-
Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa maanta ka dhacay isku Aadka wareega 16-ka tartanka kooxaha horyaalada qaarada Yurub ee UEFA Champions League-ga. Kooxda difaacanaysa tartankan ee Liverpool ayaa wajihi doonta kooxda reer Spain ee Atletico Madrid oo ah koox aan la dhayalsan karin, halka kooxda Man City ay ku aaday kooxda uga guuleysiga badan tartankan ee Real Madrid. Kooxda reer England ee Chelsea ayaa ku dhacday kooxda reer Germany ee Bayern Munich oo ay 2012 ka qaaday tartankan, Lampard oo isagoo ciyaartoy ah tartankan ka qaaday ayaa isagoo tababare ah ka hor-iman doona Bayern. Barcelona oo wadata xidiga ugu laacibsan dunida ee Messi ayaa ku aaday koox sahlan waana Napoli, halka Juventus oo kamid ah kooxaha ugu awooda badan Yurub ay wajihi doonto kooxda reer France ee Lyon oo ah koox sahlan. Sidoo kale kooxaha Borussia Dortmund iyo Paris Saint-Germain ayaa isku aaday, halka Tottenham oo sanadkii hore lagaga guuleystay tartankan ay ku dhacday kooxda reer Germany RB Leipzig oo ah koox sakhiran. Kulamada lugta koowaad ee wareega 16-ka ayaa la ciyaari doonaa 18-19 iyo 25-26 bisha February 2020, halka lugta labaad la ciyaari doono 10-11 iyo 17–18 bisha March 2020. Hoos kaga bogo sida ay isugu aadeen 16-ka kooxood. Borussia Dortmund vs Paris Saint-Germain Real Madrid vs Manchester City Atalanta vs Valencia Atletico Madrid vs Liverpool Chelsea vs Bayern Munich Lyon vs Juventus Tottenham Hotspur vs RB Leipzig Napoli vs Barcelona PUNTLAND POST The post Sidee isugu aadeen kooxaha isugu soo haray tartanka kooxaha Yurub? appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inuu albaabada u laabi doono laba saldhig oo militari oo Turkey-ga ku yaalla kuwaas oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka ka dib markii ay Washington ku hanjabtay iney cunnaqabateyn ku soo rogeyso Ankara sabab la xariirta hubka uu Turkigu ka soo iibsanayo Ruushka. “Haddii loo baahdo, waan xireynaa Incirlik, waanna xiri karnaa Kurecik,” ayuu Erdogan u sheegay telefishinka dowladda taageera ee A Haber. Labadan saldhig ayaa ku yaalla xeebta koonfur-galbeed ee Turkiga ee ku dhow xuduudda dalka Suuriya. Erdogan ayaa marka ay xaalad siyaasadeed oo kacsan ka dhex aloosanto dalkiisa iyo Washington waxa uu caadiyan soo hadal qaadaa suurtagalnimada in la xiro labadan saldhig. Ciidamada cirka ee Mareykanka ayaa saldhigga militari ee Incirlik u isticmaala duqeymaha ay ku qaadaan kooxda la magac-baxday ISIS ee gudaha dalka Suuriya. Saldhigga kale ee Kurecik ayaa martigeliya raadaar weyn oo ay leeyihiin ciidamada isbahaysiga NATO. Wasiirka Arrimaha Debedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa todobaadkii hore soo qaaday suurtagalnimada in la xiro labadan saldhig isaga oo ka jawaabayay hanjabaadda Mareykanka ee cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogo Ankara. Dowadda Turkey ayaa Jimcadii la soo dhaafay u yeertay safiirka Mareykanka ee dalkaasi ka dib markii aqalka sare ee Senate-ka Mareykanku ansixiyey sharci ay horey usoo gudbiyeen aqalka hoose ee Wakiilada kaasi oo xasuuq loogu aqqoonsanayo dilkii 1915 loo gaystay Armeeniyiint. Sharcigan ayaa weli sugaya inuu qalinka ku duugo Madaxweyne Trump. Xigasho: VOA
-
(SLT-Hargeysa)-Guddidii dhex-dhexaadinta ka dhex waday xisbiyadda mucaaridka ah iyo xukuumadda Somaliland oo iminka la hadlay warbaahinta ayaa soo saaray go’aamo. Go’aamada ay guddigu soo saareen ayaa ka mid ah: 1)-In la kala diro kominshankii cusbaa ee doorashooyinka. 2)-In la soo celiyo kominshankii hore ee doorashooyinka. Sidoo kale guddigu waxa ay Xisbiyadda mucaaridku ugu baaqeen inay joojiyaan ficil iyo hadal kasta oo ka dhan xukuumadda iyo golleyaasha qaranka. Halkan hoose ka DAAWO warkan Source
-
Popular Contributors
