Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Golaha Wakiillada dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ansixiyay miisaaniyad ay ku jirto cafinta deyn lagu leeyahay dalka Soomaaliya. Qaraar tirsigiisu yahay H.R 1158 ayaa lagu sheegay in lagu ansixiyay qaraarka deynta lagaga cafinayo Soomaaliya. Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa waxaa ay war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay soo dhoweyneyso dadaallada deyn cafinta Soomaaliya. “Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta xaqiijinay deyn cafinta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa dul-saaran deyn dhulka la gashay, taasi oo dib u dhigaty dhaqaalihii islamarkaana malaayiin Soomaali ah ka dhigtay sabool.” Ayey ku tidhi Ilhaan Cumar qoraalka ay soo saratay. “Tani ma saameyneyso kaliya Soomaalida ku nool Soomaaliya, balse sidoo kale kumanaan Soomaali Mareykan ah oo ku nool degmada aan matalo, sidoo kalena ay ehel ka joogaan gobolka” ayey tidhi Ilhaan. “Xermadan deyn cafinta waa tallaabo aad u weyn oo caddeyneysa horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay sannadihii tagay. Tani ma ahan in loo arko dhammaad, balse waa inay bilow u noqotaa soo cusbooneysiinta xidhiidh diblomaasiyeed oo lala yeesho Soomaaliya. Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in dalal kale oo badanna ay cafiyana lacagihii deymaha ee ay ku lahaayeen Soomaaliya. lacagaha deynta ee Soomaaliya lagu leeyahay ayaa ah kuwa ay ka tagtay dowladii dhexe ee Siyaad Barre, waxaana la sheegaa in sannad ba sanadka ka dambeeya ay sii kordheysa. Source
  2. Morocco inked a framework agreement with Djibouti to strengthen bilateral cooperation in the fields of energy, mining, and geology on Monday, December 16, in Rabat. Source: Hiiraan Online
  3. (SLT-Geneva)-Raysal Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in ficilada dowlada Hindiya ee ka dhanka ah gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir iyo sharciga cusub ee Muwaadinka uu dhalin doono in malaayiin muslimiin ah ay Qaxooti Noqdaan. Isaga oo ka hadlayay shirka caalamiga ah ee arimaha qaxootiga oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Geneva, ayaa wuxuu sheegay in dhibaatada Hindiya ay keeni karto barakac Cusub. Mr Khan ayaa intaa raaciyay in sidoo kale ay dhici karto dagaal dhaxmara dalalka Pakistan iyo Hindiya oo haysta hubka Nuclear-ka. Toddobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii ra’isul wasaare Narendra Modi uu qalinka ku duugay sharci ka dhan ah qaxootiga Muslimiinta ee ka soo jeeda wadamada dariska. Mr Modi ayaa sheegay in sharci muwaadinimo ayna heli doonin dadka ka soo jeeda Bangladesh Pakistan iyo Afghanistan ee Muslimiinta Ah. Hogaamiyaha Pakistan ayaa caalamka ugu baaqay inay ka hortagaan xasuuq la mid ah kan qowmiyada Rohingya u geysatay dowlada Myanmar. Source
  4. Dowaladda Maraykanka ayaa ku dhowaaqday in ay Soomaaliya ka cafisay deyntii ay ku lahayd markii ay Aqalka Kongreska cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen. Go’aanka uu maraykanku deynta kaga saamaxay Soomaaliya ayaa waxaa hormuudna ka ahayd Xildhibaanad; Ilhan Cumar , oo aksoo jeedda Soomaaliya. Ilhaan Cumar, ayaa sheegtay in Maanta ay ku guuleysteen in la cafiyo deymaha uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, arrintaanna ay horseedi doontaa in horay loo socdo lana gaaro barwaaqo. Xildhibaanadda ayaa intaa raacisay in qorshahan deyn cafinta uu yahay tallaabo horay loo qaaday, ayna rajeyneyso in laga wada shaqeeyo Soomaaliya nabdoon oo dimuqraaddi ah. Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in Dalal kale ay cafiyana deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya. Deymaha ayaa caqabad ku ahaa Dowladda Soomaaliya, maaddaama ay adag tahay in waxyaaba badan ay kala macaamisho hay’daha maaliyadda Caalamka, waxaana qorshahan Mareykanka uu muhiim u yahay qorshaha deyn cafinta ee Soomaaliya. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) –Wakiiladda beesha caalamka ee Soomaaliya oo soo saaray warsaxaafadeed cusub ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan tan siyaasayadda. Qoraal wadajir ah oo ka soo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa lagu soo qaaday dagaalka Al-Shabaab, doorashooyinka 2020 illaa 2021–ka iyo xaaladda Jubbaland. Wakiilada Midowga Afrika, Midowga Yurub, urur-Gobaleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa warkaan ku sheegay haddii aan xal waara laga gaarin khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland uu qatar weun ku yahay Qaranka Soomaaliya. Halkaan hoose ka akhriso: Maaddaama sanadka 2019ka uu sii dhamaanayo, waxaan dib u milicsaneynaa horumarka la gaaray sanadkan, waxaana rajeyneynaa in sanadka 2020ka uu noqdo sanad muhiim u ah Soomaaliya. Waxaan halkan u joognaa in aan kulamo la qaadano dad kaladuwan oo ay hawshu khusayso, si aan u dhageysanno aragtiyadooda ku aaddan sida sanadka 2020ka lagu gaari karo arrimaha muhiimka ah ee hortabinta qaran leh. Arrimahaas waxaa ku jira diyaarinta doorashooyin ‘qof-iyo-cod’ ah, dhameystirka Dastuurka Federaalka ah, sii socoshada horumarka ku aaddan [xaqiijinta] deyn cafinta, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ka-hor inta aan la gaarin sanadkaas muhiimka ah, wakiilada beesha caalamka qaarkood ee taageerada dhinacyada badan leh u fidiya Soomaaliya ayaa waxay kulamo la qaadanayaan madaxda qaranka, Dowlad Goboleedyada, odayaal dhaqameedyada iyo bulshada rayidka ah, ee dalka oo dhan. Waan ka xunnahay in intii aan ku guda-jirnay booqashadeenii maanta, qaar kamid ah bulshada rayidka ah iyo hogamiyeyaal dhaqameedyada bulshada ee lagu marti qaaday shirka ay awoodi waayeen inay nala kulmaan. Xaaladda siyaasadeed ee Jubaland weli ma sal dhiganin laakiin Jubaland iyo dadkeeduba waxay dowrkooda ka cayaari doonaan hawsha lagu xaqiijinayo yoolalka Soomaaliya ee 2020ka, annaguna ma doonaynin in aragtidooda la iloobo. Booqashadan ayaa ahayd fursad aan si toos ah uga fahamno dadka ay hawshu khusayso ee Jubaland arrimaha sii kala qaybinaya iyo waxa uu noqon karo xalka suurtagalka ah ee ku imaanaya wadahadal, qaab xaqiiqada ku qotoma iyo isu-tanaasul, iyo danta qaran oo laga hormariyo wax kasta. Haddii aan xal nabadeed laga gaarin, xaaladda Jubaland waxay khatar gelinaysaa xaqiijinta arrimaha mihiimka ah ee hortabinta u leh qaranka. Waxaan u mahad celinaynaa wakiilladii aan la kulannay ee nala wadaagay fikradohooda. Ujeedooyinka Soomaaliya u degsan waxaa lagu gaari karaa wada-shaqeyn xooggan oo dhexmarta dhamaan dhinacyada ay hawshu khuseyso, sanadka 2020ka wuxuu Soomaaliya u noqon karaa sanad taariikhi ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed, hay’adohooda iyo bulshadaba inay wadahadlaan si ay iskugu af-gartaan halkii loo dhaqaaqi lahaa, iyo inay iska kaashadaan sidii lagu xaqiijin lahaa arrimaha ay ku heshiiyeen ee hortabinta u leh sanadka soo socda. Waxaan sii wadi doonnaa in aan Soomaaliya ku garab istaagno hirgelinta arrimaha hortabinta qaran leh ee ay ballan qaadday [inay hirgeliso] sanadka 2020ka.
  6. Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay cod u qaadi doonaan in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump iyo in kale. Kulan ay ku yeelan doonaan xarunta Aqalka ee magaalada Washington ayey dhammaan xubnaha Aqalka wakiilada cod u qaadi doonaan Laba qodob oo dastuuri ah oo ay u cuksanayaan xil ka xayuubinta madaxweynaha. Arrintan ayaa kala qeybsanaan xooggan gelisay xibiyada Jamhuuriga iyo dimuqraadiga, waxaana wax walbo la ogaan doonaa saacado kadib. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku shaacisay in Maraykanka uu cafiyey deymihii uu ku lahaa Soomaaliya, kadib markii ay aqalka wakiilada Maraykanka meelmariyeen qorshe deynta looga cafinayo Soomaaliya. Xildhibaan Ilhaan ayaa qorshahan waxa ay u ahayd hormuud, waxaana ay tilmaantay in tani ay tahay furaha horumarka Soomaaliya. “Waan ku faraxasanahay inaan ku guuleysanay cafinta deyntii uu Maraykanka ku lahaa Soomaaliya” ayeey tiri xildhibaan Ilhaan. Ilhaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri “Tani waxay guul muhiim ah ayna muujineysaa horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay” Maraykanka ayaa Soomaaliya ku leh Hal Bilyan oo doolar, balse qoraalka Ilhaan kuma cadda in la wada cafiyey deynta ama qeyb ka mid ah. Haddii uu Mareykanka cafiyo deymaha uu ku lahaa Soomaaliya waxay horseedi doontaa in dalal badan ku deydaan oo Soomaaliya laga cafiyo deymaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Buses plying terror-prone routes in North Eastern have been directed to ensure they have police escorts to protect their passengers. Source: Hiiraan Online
  9. A rotating savings and loan scheme run by women in a camp for internally displaced families in the Somaliland capital Hargeisa has provided jobs for more than 100 women over the past year and a half. Source: Hiiraan Online
  10. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Magaalada Geneva ee Dalka Swizerland kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Sweden, Ann Christine Linde. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Sweden ayaa kulankooda uga wada hadlay barnaamijka deyn cafinta, xoojinta xariirka labada Dowladood iyo taageerada Sweden ee dib-u-kabashada iyo qorshayaasha dib-u-habeynta. Labada mas’uul auaa hoosta ka wada xarriiqay in ay jirto baahi weyn oo loo qabo in si dhaqsa ah guul looga gaaro hadafyada ku xeeran barta go’aan gaaridda ee barnaamijka deyn cafinta. Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa horay kulan gaar ah ula yeeshay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xariirka, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, Dowladda Sweden ayaa Soomaaliya ka taageertaa barnaamijyada dib-u-kabashada, dib-u-habeynta iyo dib-u-dhiska Dalka. Kulanka ayaa qeyb ka ah shirar doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaaar kamid ah madaxda ka qayb galeysa madasha Qaxootiga ee lagu qabtay Magaalada Geneva ee Dalka Swizerland. Source: goobjoog.com
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, kadib markii nin ka mid ah dadka deegaanka uu dilay walaalkiis. Dilka oo ka dhacay xaafadda Waabari ee degmadaasi ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay Marxuum magaciisa lagu soo gaabiyey Raage, sida ay shabakadda wararka ee Caasimada Online u sheegeen ilo ka mid ah dadka deegaanka oo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa inoo sheegay inuu baxsaday ninkii dambeeyey dhacdadaasi xanuunka badan, islamarkaana ay hadda ku raad-joogaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ee ka howlgala halkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii labadaasi qof ee walaalaha ahaa uu soo kala dhex-galay muran gacan ka hadal oo sababay in midkood la dilo. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dhuusamareeb iyo hay’adaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Falkaan ayaa si aad ah ay u hadal hayaan dadka deegaanka, gaar ahaan kuwii dariska lahaa marxuumka iyo ninka dilka geystay. Dhacdadan ma’ahan mid ugub ah, waxaana magaalooyin ay ka mid tahay Muqdisho iyo kuwa kale ka dhacay dilal noocaan oo kale ah.
  12. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Magaalada Geneva ee Dalka Swizerland kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Sweden, Ann Christin Linde. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Sweden ayaa kulankooda uga wada hadlay barnaamijka deyn cafinta, xoojinta xariirka labada Dowladood iyo taageerada Sweden ee dib-u-kabashada iyo qorshayaasha dib-u-habeynta. Labada mas’uul auaa hoosta ka wada xarriiqay in ay jirto baahi weyn oo loo qabo in si dhaqsa ah guul looga gaaro hadafyada ku xeeran barta go’aan gaaridda ee barnaamijka deyn cafinta. Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa horay kulan gaar ah ula yeeshay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xariirka, iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, Dowladda Sweden ayaa Soomaaliya ka taageertaa barnaamijyada dib-u-kabashada, dib-u-habeynta iyo dib-u-dhiska Dalka. Kulanka ayaa qeyb ka ah shirar doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaaar kamid ah madaxda ka qayb galeysa madasha Qaxootiga ee lagu qabtay Magaalada Geneva ee Dalka Swizerland. View the full article
  13. Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa soo dhoweeyey kala diridii lagu sameeyey xubnaha guddiga doorashooyinka ee maamulkaasi. Hoggaanka xisbiyada UCID iyo Wadani oo si wadajir ah u soo saaray bayaan cusub ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin go’aankaasi. Arrintaan ayaa meesha ka saareysa khilaafkii u dhexeeyey xukuumadda Muuse Biixi iyo mucaaradka ee sababay dibadbaxyadii dhowaan ka dhacay deegaanada Somaliland. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Jaa.mp3 View the full article
  14. Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay dhacda xanuun badan ay ka dhacay gudaha magaaladaasi, kadib markii nin deegaanka ah uu dilay walaalkiis. Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Waabari ee degmada Dhuusamareeb, iyadoona loo geystay Marxuum magaciisa lagu soo koobay Raage. Sidoo kale ninka dilka geystay oo isna magaciisa lagu sheegay Faa’id ayaa la sheegay inuu goobta isaga baxday, islamarkaana ay haatan ku raadjoogaan ciidamada ammaaanka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilkaan uu yimid, kadib markii uu muran sababay gacan ka hadal uu dhexmaray labadaasi ruux oo walaalo ahaa. Arrintan ayaa waxaa saaka si aad ah looga hadal hayaa gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug. View the full article
  15. Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar, Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile ayaa ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Xasan Kurtun Calasow oo ka mid ahaa maxaabiista ku xiran xabsigaasi. Xirsiile oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ugu horreyn beeniyey sida lagu baahiyey muuqaal la dhigay Internet-ka, isagoo ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Taliyaha ayaa sheegay in ruuxaas oo ku xukunaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, islamarkaana la geeyey mid si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo uu uga dabatagay, kadibna uu dhigay isbitaalka Martiini oo uu ugu dambeyn ku geeriyaday marxuumka oo la xanuunsanaa cudurka Macaanka ama Sonkorta. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Cod-1-Cadaani.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-181219.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay weerar qorsheysan oo markale ay ka fulisay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. War ka soo baxay Al-Shabaab, islamarkaana lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo ka dhacay tuulada Harbuul oo qiyaastii 53 KM u jirta magaalada Gaarisa lagu qaaday shaqaale ka tirsanaa xukuumadda Nairobi. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in halkaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 9 qof oo Kirishtaan ahaa. “9 qof saliibiyiin Kenyaan ah kana mid ahaa shaqaalaha dowladda Kenya ayaa ku dhitay weerar mujaahidiintu ka fuliyeen tuulada Harbuul oo qiyaastii 53 KM ujirta magaalada Gaarisa” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaasi,. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya. Dhowaan ayey aheyd markii weerar dhaba gal ahaa oo ay ku qaaday gaari Bas ah ay ku dishay illaa 10 qof oo Kenyaan ahaa, kuna ku jireen saraakiil ka tirsanaa Booliska dalkaasi.
  18. Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamabeere ee Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgal ay ku raadinayaan nin la sheegay inuu xalay dilay walaalkiis. Ninka la raadinayo ayaa magaciisa lagu soo koobay Faa’id, wuxuuna dilay walaalkiis Raage kadib muran la sheegay in maalmahan dambe uu ka dhaxeeyey. Sida wararku sheegayaan dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Waaberi, waxaana Labadan nin ka dhaxeeyey khilaaf xooggan oo dadka xaafaddaasi dhan ay wada ogaayeen. Muran iyo dood dheer kadib waxaa la sheegay in la dilay Raage, iyadoo Faa’id oo ah gacan ku dhiiglahana uu goobta ka baxsaday. Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa baaris ku sameeyey Meydka, waxaana ay raadinayaan ninkii wax dilay. Lama oga waxa rasmiga ah ee uu salka ku hayey khilaafkooda, iyadoo dadkii deganaa xaafaddaasi ay aad uga naxeen dilkan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay lacagihii deynta ee lagu lahaa. Arrintan oo ay ansixiyeen aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa waxaa horumuud ka ahaa xildhibaanad Ilhan Cumar oo sheegtay in maanta ay ku guuleysteen in la cafiyo deymaha uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, arrintanna ay horseedi doontaa in horay loo socdo iyo barwaaqo. “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku guuleysanay in la cafiyo deynta uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, waxaa Soomaaliya lagu lahaa deymo aad u fara badan, taas oo dib u dhac ku keentay dhaqaalaha, malaayin qofna ka dhigtay faqri. Arrintan waxay saameysay kumanaanka qof ee Soomaalida Mareykanka ee ku nool degmada la iga soo doorto, qoysasna ku leh gobolka”, ayay Ilhan Cumar ku tiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskeeda. Waxay intaa raacisay in qorshahan deyn cafinta uu yahay tallaabo horay loo qaaday, ayna rajeyneyso in laga wada shaqeeyo Soomaaliya nabdoon oo dimuqraadi ah. “Deyn cafinta waxay guul muhiim ah u tahay, ayna muujineysaa horumarka Dowladda Soomaaliya ay gaadhay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, mana ahan in tani loo arko arrin gebogebo ah, balse waa in loo arkaa bilawga xiriir diblomaasi oo horleh, waxaana jira waxyaaba badan oo la sameyn karo, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda, ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xirirka Dowladda dhexe iyo shacabka, Mareykankana door muhiim ah ayuu ka qaadan karaa arrintan”, ayay raacisay Ilhan. Inkastoo aan la garaneyn tirade lacagata deynta ee la cafiyay ee uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya ayaa haddana waxay guul muhiim ah u tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd qorshaha deyn cafinta. Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in dalal kale oo badanna ay cafiyana lacagihii deymaha ee ay ku lahaayeen Soomaaliya. lacagaha deynta ee Soomaaliya lagu leeyahay ayaa ah kuwa ay ka tagtay dowladii dhexe ee Siyaad Barre, waxaana la sheegaa in sanad ba sanadka ka dambeeya ay sii kordheysa. Deymaha ayaa caqabad ku ahaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maadama ay adag tahay in waxyaaba badan ay kala macaamisho hey’daha maaliyadda ee caalamka, waxaana qorshahan Mareykanka u mhiim u yahay qorshaha deyn cafinta ee Soomaaliya. Xigasho: BBC-Somali PUNTLAND POST The post Kongreska Mareykanka oo meel mariyay cafinta deymaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  20. DJIBOUTI (HOL) - Close to 200 Somali professional, politicians and senior government officials are gathering in Djibouti for the third Annual Forum for Ideas. Source: Hiiraan Online
  21. Material in bracelets went through a lot, and so did the people who wore them. Source: Hiiraan Online
  22. Waa kuma Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haruun? Sheekh Mustafe ayaa markii ugu horreysay ka warramay taariikhdiisa Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun wuxuu ka mid yahay ka qeyb galeyaasha Kulanka Culumada Soomaaliya, oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna markii ugu horreysay madashaas uga hadlay taariikh nololeedkiisa. Mu’tamarka uu ka qeybgalayay waxaa ka qeybgalay 12 culimo oo Soomali ah oo ay ka mid yihiin Sheekh cabdirashiid Sheekh Cali Suufi iyo Sheekh maxamed Idiris. Wuxuu Nairobi ka socday 14 illaa 16-kii bishan December kaas oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen dhageystayaal badan oo su’aalo weydiiyay culimada. Sheekh Mustafa Waxyaabaha uu ka sheekeeyay waxaa ka mid ah in marar badan ay xirtay dowladdii hore ee Soomaaliya. Isagoo la hadlayay dadkii isugu tagay kulanka Culumada wuxuu sheegay in uusan waligiis Idaacad ama Telefishin uga warramin arrimaha ku saabsan taariikhdiisa, marar badan oo ay ka codsadeenna uu ka gaabsaday. Waa kuma Sheekh Mustaf? Ugu horreyn wuxuu si kooban uga hadlay, abtirkiisa, arrimaha qoyskiisa iyo dhalashadiisii. “Reer wadaaddo ah baan ka dhashay, aabahay xaaji buu ku magac dheeraa, nin sheekh ah ayuu ahaa.” Wuxuu intaa ku daray in awowyadiina ay ahaayeen culimo. Sh. Mustafa wuxuu ka mid yahay culumada Soomaaliyeed ee isku bartay culuunta diinta iyo maaddigaba Sheek Mustafa ayaa sheegay in uu ka mid yahay dadkii ku dhashay dhulalka baadiyaha ah, oo geed hoostiis lagu dhalay. “Burco ayaan ku dhashay, wakhtigii isticmaarka ayaana dhashay, oo ah intii aysan dhalanin dowladda Soomaaliya”. Intaas ka dib wuxuu ka war bixiyay taariikhdiisa dhinaca waxbarashada, ilaa heer jaamacadeed, wuxuuna yiri: “Gobolka Togdheer ayaan ka dhigtay malcaamadda, dugsiga hoose, ka dibna waxaan ka baxay machadkii Jarmalka ee burco ku yaallay. Takhasuskeygu wuxuu ahaa farsamada korontada, Jaamacaddii Soomaaliyeed baanna ka baxay sannadkii 1980-kii”. Waxbarashada dhinaca diinta wuxuu sheegay inuu ka helay culumada gudaha Soomaaliya joogtay. “Anigoo magaalada Burco jooga ayey jabhadihii soo galeen, markaas ayaan waddanka ka baxay oo aan Yurub geeyay niman xanuunsan oo aan walaalo nahay, dowladdii Soomaaliyana waxay dhacday anigoo Yurub jooga”, ayuu yiri Sheekh Mustafa. “Meel kasta oo dad lagu xiro waa la igu xiray” Sheekha ayaa sheegay in marar badan la xiray intii ay jirtay dowladdii hore ee Soomaaliya Arrinta dad badan soo jiidatay ee qeybta ka ah taariikhda uu ka warramay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haruun, waxay ahayd xarig marar badan ay u geysatay dowladdii hore ee Soomaaliya. “Dugsiga farsamada ee uu Jarmalka ka dhisay magaalada Burco ayaan macallin ka noqday, laakiin muddo qiyaastii sannad iyo bar ah markaan joogay ka dib waxaa i xirtay dowladdii Soomaaliya”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku kusii daray: “Dowladdaas Soomaaliyeed ma rabo wax badan inaan ka sheego laakiin inta meelood ee ay wax ku xiri jirtayba waan soo maray. “Saldhig boolis waa la igu xiray, NSS waa la igu xiray, xero guulwade waa la igu xiray, xero milatari waa la igu xiray, dhabarjabin waa la igu xiray, jeel waa la igu xiray, mararka qaarkood waxaan xabsiga ku jiray sannado, waligeyna maxkamad la ima taagin”. Sheekh Mustafa ayaa sheegay inuu Dalka dibaddiisa dagganaa illaa sannadkii 1999-kii, ka dibna uu usoo guuray magaalada Hargeysa. Kulanka ee uu Sheekh Mustafa taariikhdiisa kusoo bandhigay ayaa ah kii labaad ee ay isugu yimaadaan culumaa’udiinka Soomaalida. Qaran News
  23. It has been more than 3 years since the 9th U.S. Circuit Court of Appeals heard final arguments in a San Diego terrorism case, with no opinion issued and none in sight Source: Hiiraan Online
  24. The money includes $3bn stolen from the country's sovereign wealth fund, according to the justice minister. Source: Hiiraan Online