-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen xero milatari oo ku taalla gobolka Lamu ee dalka Kenya. Weerarka oo ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa xigan dagaal toos ah oo weli dhexmaraya raggii weerarkii qaaday iyo ciidamada Kenya. Warbaahinta gudaha Kenya ayaa soo bandhigtay sawirro laga soo qaaday gudaha saldhigga, kuwaasoo la arkayey uuro iyo qiic cirka isku shareeray. Xerada la wareeray oo lagu magacaabo Simba ayaa waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo Mareykan ah, kuwaas oo tababar siiya ciidamada difaaca ee dalkaasi Kenya. Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarka ayaa sheegtay inay la wareegtay qeyb ka mid ah saldhigga, welina ay ka dhex dagaalamayaan xoggageeda. Xaaladda ayaa kascsan, iyadoona weli uu socda howlgalka lagu soo afjarayo weerarka. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya.
-
Xafiiska Warfaafinta ururka Al-shabaab, ayaa qoraal uu soo saaray oo ku qoran luuqadaha Englisha-ka iyo Carabiga, waxa uu faahfaahin uga bixiyay weerar isugu jira qaraxyo ismiidaamin ah iyo dagaal toosa oo waaberkii hore ee saaka malayshiyaadka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee gobolka Lamu. Qoraalka Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in Aroornimadii saaka ciidamo gaar ah oo ka tirsan Guutada la baxday Istish-haadiyiinta ee Al-Shabaab, ay weerar xooggan ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya loo yaqaano Camp Simba oo ku yaalla deegaanka Manda Bay ee dhanka koonfureed kaga beegan xadka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, halkaasi oo sida ay sheegeen hoy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, islamarkaana laga soo qaadi jiray hawlgallada Maraykanku ku beegsado Al-shabaab. Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal-yahannadooda , ay u suuragashay in ay si qarsoodi ah ku galaan gudaha saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya, islamarkaana ay xoog kula wareegeen qeyba kamid ah saldhigaas militari ee sida aadka ah loo ilaaliyo, kadib markii ay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamada Kenya oo ay weheliyaan kuwa Maraykanka. Al-shabaab waxay intaasi raaciyeen, in dagaal-yahannadooda gudaha u galay Saldhiga ay burburiyeen agabkii militari ee yaalay xerada, oo ay ku jiraan diyaarado dagaal iyo gaadiid ciidan waxaana ay tilmaameen in weli dagaalku ka socdo gudaha saldhigaasi SIMBA. Dhinaca kale, Warbaahinta Maxalliga ah ee waddanka Kenya, ayaa xaqiijisay in uu weerar culus la kulmay saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee gobolka Lamu, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah oo tababara ciidanka Badda Kenya. Balse weli faahfaahin sugan lagama helin khasaaraha weerarkaasi ka dhashay, marka laga reebo sheegashada Al-shabaab, xilli aysan weli dowladda Kenya wax war ah ka soo saarin weerarkaasi. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay ka dagaallamayaan gudaha Saldhiga SIMBA ee Ciidamada Kenya appeared first on Puntland Post.
-
The Kenya Defence Forces (KDF) says four Al Shabaab fighters have died following a dawn attack on the Manda-Magogoni naval base in Lamu County on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online ) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa beri ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu kalan gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Kulankaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in labada madaxweyne ay uga hadli doonaan doorashada 2020 illaa 2021-ka iyo hanaanka kala guurka ee dalka. Sidoo kale waxaa kulankaani gaarka ah la filayaa in lagu soo qaado xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan midka Puntland iyo Jubbaland. Tan iyo markii dib loo doortay Axmed Madoobe ayaa Deni noqday madaxweynaha kaliya ee sida u dhow u garab istaagay marka loo fiiriyo maamullada kale ee dalka. Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale ka horyimid qorshaha ay dowladda dhexe ay ku wajaheyso maamullada ee ka jira dalka, taas oo sii xumeyso xiriirka kala dhexeeya xukuumadda federaalka Soomaaliya. Lama oga halka uu ku furan doono khilaafka weli dowladda kala dhexeeya labadaan maamul, iyadoo la diyaarinayo qorshaha doorashada ee 2020-ka.
-
Al-Shabaab mounted a Sunday dawn attack on a military base used by both US and Kenyan forces in Lamu County, a security source has confirmed. A multi-agency team including the Kenya Defence Forces responded to the attack from the Al-Shabaab insurgents who tried to take control of the Manda airstrip. The government is yet to release an official statement but witness account says they can still hear a gunfire exchange. The number of casualties or injuries is still unknown. More to follow. View the full article
-
Hassan Sabriye better known as Hassan Garayd was born in Hiiraan during 1940s. The present-day Somali young generation might not know his contribution to countless Somali songs they enjoy listening to or watching on TV. Hassan is what Somalis calls laxamiiste – the person who teaches the singer how to sing the song once the composer hands over lyrics to Hassan. The popular Somali TV interviewer, Xasan Serbiya, interviewed Hassan Garayd nearly two years ago. Hassan Garayd put a tune to a song first in 1968. It is a song co-sung by Mohamed Ahmed Kuluc and Halima Khalif Magool ( both deceased). Mohamed Mohamud Yasin ( aka Dheeg), now a member of Somaliland Council of Elders ( Guurti) wrote the song of which the following lines are part: Sida canabka beeraha Ama kayn caleenliyo Dhul cagaarku siman yahay Caad iyo Garloogubay Cosobkii ku yaalloo Cawshu gaardiyaysoo Cidi daaqin baad tee Cawo waxaa leh Ama ciil bixi lahaa Calaf nimuu ku siiyoo Cunto ku la wadaagood Gogol ku la cawaysaa A rough translation of the lines from the song: “Like the grapes of farms Or evergreen jungle A vegetation-enveloped land Like Caad and Garloogubey* Covered in lush Over which a gazelle romp That none has browsed you are Lucky is the one Who would throw resentment With whom destiny united you To share food And bedspread with you“ Hassan Garayd playing his lute Hassan Garayd elucidated his approach to deciding how a singer or vocalist will sing a song. “I take into account emotion of the song-writer before deciding how the song will be sung by a singer. I should know the context” said Hassan Garayd said. In 1967 Hassan joined Radio Mogadishu Troupe. In 1969 the military regime rebranded Radio Mogadishu Troupe as Waaberi (Dawn). ” The late Mohamed Ali Kaariye came up with name Waaberi ” Dawn”) Hassan added. *Caad & Garloogubey are towns in the Somali region of Ethiopia © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post Hassan Garayd: A shining light in Somali Performance Arts appeared first on Puntland Post.
-
Malayshiyaadka Al-Shabaab ayaa saaka weerar culus ku ekeeyay Saldhig ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Manda Bay ee gobolka Lamu. Qoraal ay soo saartay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Guutadooda loo yaqaan Istish-haadiyiinta ee dagaal-yahannada Al-shabaab ay weerar xooggan ka fuliyeen Saldhigga Ciidamada Kenya ee SIMBA oo ku yaala degaanka Manda Bay. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in saldhigga SIMBA ay ku sugan yihiin boqolaal ka mid ah Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya kuwaasi oo khasaare badan lagu gaarsiiyay weerarka sida Al-shabaab sheegteen. Dhinaca kale weli xog sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi marka laga reebo sheegashada Al-shabaab sidoo kalena dowladda Kenya wax war ah kama soo saarin weerarka. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday gudaha Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan. Kulanka oo ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga ee deegaanada HirShabelle, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa lagu soo qaaday, sidii la’isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. HirShabelle waxaa weli deegaano ka tirsan ku xoogan dagaalyahannada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku qaada fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM. View the full article
-
Somali Prime Minister appoints new national-level committee
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has named the action committee to spearhead the upcoming 60th independent anniversary. The country will mark six decades since independence from Italian and British colonies respectively on 1st and 26th June. The task force is chaired by the Minister for Information, Mohamed Hayir Mareye which also includes, the Defense Minister, Hassan Mohamed, Internal security, Mohamed Abukar Islow, Youths and Sports, Khadija Mohamed Diriye, Education, Abdullahi Godax Barre, Labor, Sadik Warfa, Justice, Salah Ahmed, the Governor and Mayor of Mogadishu, Omar Mohamed Mohamud, and the deputy chief of staff at Villa Somalia. The main task of the committee will be the organization of the significant events which also collides with the 20th anniversary since the transitional government was established in Arta Djibouti in 2000. The committee will collaborate with regional state leaders, members of parliament, cultural and religious leaders, women and youth leaders, global Somali diaspora community among others. View the full article -
Guddiga farsamada ee maamul u dhisida Galmudug ayaa la filayaa in maanta uu shaaciyo liiska 69 xildhibaan ee ka haray baarlamaanka cusub ee maamulkaasi. Xubnaha guddiga ayaa horay ugu dhawaaaqay 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna laga siiyey baarlamaanka, kadib markii laga heshiiyey tabashada beelaha qaar. Xildhibaanada cusub ayaa haddii lagu dhawaaqo waxa ay guda geli doonaan howlaha doorashada, gaar ahaan tan guddoonka iyo mida madaxweynaha intaba. Wariyaha Idaacadda Shabelle, Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaa ka warbixiyey wararkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Wareysi-Cali-Gaab.mp3 View the full article
-
President Donald Trump warned Saturday that the US is targeting 52 sites in Iran and will hit them "very fast and very hard" if the Islamic republic attacks American personnel or assets. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-050120-ww.mp3 View the full article
-
(SLT- Lamu)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaan ka tirsan Gobolkaas. Weerarka oo ahaa mid ku bilaamay Qaraxyo ayaa waaberigii hore ee saaka ka dhacay Saldhig Ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa Badda iyo Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee ka tirsan Gobolka Lamu, waxaana Saldhiga lagu magacaabaa Camp Simba. Intaasi kadib gudaha Saldhiga ayaa waxaa ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamadii ku sugnaa halkaas iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday, isla markaana waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. War qoraal ah oo ku qornaa luuqadaha Carabiga iyo Enlgish-ka oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa lagu faah faahiyay weerarkii ka dhacay deegaanka Manda Bay oo ka tirsan Gobolka Lamu. Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dhex-dagaalamayan gudaha Saldhiga Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kenya, isla markaana qeybo kamid ah ay la wareegeen Saldhiga. Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka iyo Kenya ee ku sugan qeybo kamid ah Gobolka Lamu ee dalka Kenya oo ay uga hadlayaan weerarka ka socda deegaanka Manda Bay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War goor-dhow kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada koxodaas ay saaka aroortii weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla gobolka Lamu ee dalka Kenya oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan iyo Kenyan ah. Bayaan ku qornaa English-ka oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay, in saldhigga la weeraray oo loo yaqaan SIMBA kuna yaalla deegaanka “Manda Bay” ee gobolka Lamu, ay ku sugan yihiin “boqolaal askari oo Mareykan ah.” “Ciidamo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Al-Shabaab ayaa saaka oo Axad ah aroortii weeraray saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaano Camp Simba. Saldhigan ayaa hooy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duullaanada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab” ayaa lagu yiri bayaanka Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ciidankooda si qarsoodi ah ku galeen saldhigga, islamarkaana ay qabsadeen qeybo ka mid ah. Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegtay in khasaare xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka halkaas ku sugan, inkasta oo aysan caddeyn. Ilaa iyo hadda ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab, waxaana adag in warar madax banaan laga helo saldhigga. Dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan ay sheegatay Al-Shabaab.
-
(SLT-Tripoli)-Janaraalkii hore ee ciidanka Liibiya oo hadda hogaamiya maleeshiyada ku sugan bariga ayaa ugu baaqay shacabka Liibiya in ay qaataan hubka si la iskaga difaaco waxa uu ugu yeedhay faragalinta Turkiga. Mr Haftar ayaa sheegay in uu aqbali doonin heshiiska Millatari oo ay kala saxeexdeen xukuumada Ankara iyo Tripoli. Dowlada Caalamka aqoonsan yahay ee ra’isul wasaare Fayez Al-Sarraaj ayaa tan iyo bishii April ee sanadkii hore weeraro xoogan kala kulmeysay maleeshiyada Janaraal Khaliifa oo hujuum xoogan ku soo qaaday Caasimada. Baarlamaanka Turkiga ayaa Khamiistii hore ansixiyay in ciidamo millatari ah loo daabulo Liibiya si dhanka amniga ay kaga taageeraan dowlada caalamka aqoonsan Yahay. Source
-
(SLT- Indonesia)-Kooxaha gurmadka deg dega ah ee Indonesia oo wata diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa bilaabay sabtidii shalay in gargaar u badan raashin iyo biyo ay u qeybiyaan dadka ku dhaqan deegaanada Go’doonka. Roobab xoogan oo ay ka dhasheen duufaano dabeylo wata ayaa waxaa ku dhintay 53 qof iyadoo laga cabsi qabo in dhimashada ay korodho, sida ay xaqiijisay xukuumadda Jakarta. Dhanka kale tobanaan kun oo qof oo ku nool magaalada caasimada ayaa hoy la’aan wajahaya kadib markii guryahooda ay daadad xoogan galeen. Waa tiradii ugu badneyd ee ku dhimata muddo sannado ah fatahaado xoogan oo ka dhashay roobab sanadkaan ka da’ay magaalada caasimada ah ee Jakarta oo ay ku nool yihiin 30 Malyan oo qof. Source
-
(SLT-Baqdaad)-Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas laga maqlay ilaa iyo saddex Madaafiic oo xooggan. Madaafiicda ayaa waxaa wararku sheegayan inay ku dhaceen agagaarka Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Baqdaad. Sidoo kale Madaafiicda ayaa waxaa ka dhashay Khasaare kala duwan, waxaana ku dhaawacmay 4 qof, iyadoona loola cararay xarumaha Caafimaad ee ku yaalla dalkaas. Wararka ayaa intaas ku daraya Hoobiyeyaal kale lagu weeraray Saldhig Ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin Waqooyiga Magaalada Badqaad, isla markaana waxaa ku sugan Ciidan Mareykan ah oo aad u badan. Illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Mareykanka oo ay uga hadlayaan Madaafiicda xalay lagu garaacay Saraafadda ay ku leeyihiin Badqaad. Source
-
4 tallaabo oo Iran ay qaadi karto si ay uga aargudato dilkii Qasem Soleimani IRAN waxaa laga yaabaa inay ka fiirsato dhowr tallaabo oo adag oo ay uga aargoosaneyso Mareykanka ka dib markii Donald Trump uu ciidamada militariga Mareykanka amar ku siiyay in la dilo General Qasem Soleimani, oo Khamiista dilkiisa loo adeegsaday gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen baabuur uu la socday oo marayey garoonka diyaaradaha magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq Safiirkii hore ee Boqortooyada Ingiriiska ee dalka Lebanon Tom Tom Fletcher ayaa sheegay in Jeneral Qasem Soleimani uu ahaa “nin shakhsi ahaan aad uga awood badan Osama bin Laden ama Abu Bakr Baghdadi maadaama awoodooda hoos u dhacday markii la dilayey “. Isagoo la hadlayey barnaamijka Idaacadda 4-ta ee Raadiyaha maanta ee BBC wuxuu sheegay in Iiraan ay hadda heysato ugu yaraan afar qaab oo kala duwan oo ay uga aargudato Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Mar wax laga waydiiyey sida Iiraan uga aargudan karto Mareykanaka ayuu Mr Fletcher yiri “Jawaabta istiraatiijiyadeed oo ay Iiraan bixin karto waa inay sii xoojiso mowqifkeeda Ciraaq waa haddii ay diyaar u tahay inay bixiso jawaab caqliyeysan”. Mr Fletcher ayaa sheegay inay sidoo kale Iiraan u furan tahay inay qaado illaa 4 tallaabo oo ay ka dhallan karto halis aad weyn, wuxuuna ku kala sheegay: 1) – Inay Iiraan sheegto inuu dilkaan ahaa mid ay ka shaqeeyeen sirdoonka dalkeeda iyo kooxo kale oo Iiraaniyiin ah, kuwaas oo soo agaasimay dilka Qasem Soleimani, sidaasna ay kiiskaan uga harto, ayada oo taas ku muujineysa in Mareykanka uusan lahayn awood uu kaligiis ku beegsado sarkaal sare oo Iranian ah. 2) – Inay qaado Dagaalo ay u adeegsato kooxaha la rumeysan yahay inay iyada taageerto ee kala ah Xisbullaahi oo ka dagaalanto Lubnaan, Kooxaha Ahlu Xaq ee Siiriya, Xuutiyiinta Yeman iyo kacdoonka Shacabka Reer Ciraaq, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada iyo Xarumaha Dowladda Mareykanka. 3) – Inay weerar ku qaado Saldhigyada Mareykanka ay ku leeyihiin Bariga Dhexe, taasoo keeni karto inuu qarxo dagaal weyn oo u dhaxeeyo Mareykanka iyo Xulafadiisa oo dhinac ah iyo Iiraan iyo Dowladaha taageersan taasoo noqon doonto halis soo wajahday adduunyada. 4) – Inay weeraro aan kala go’ laheyn qaado, sida kuwii ay ku qaaday xarumaha saliida ee Sacuudiga kuwaas oo ay ka gaartay guul weyn oo ah inay iska yareysay culeyskii ka saarnaa Dowladaha Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Qasem Soleimani ayaa ahaa 62 jir hogaaminhyayay ciidamada Qudus waxaana loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei. Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad xalay kasoo baxday ra’iisul wasaaraha Soomaalia Xasan Cali Khayre, oo lagu magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1da July, ayaa abuurtay su’aalo iyo jahwareer ku saabsan xilliga ay kusoo aaday. Inta badan madaxda dowladda ayaa guddiyada qaban qaabada munaasabaddan magacaabi jiray horaanta bishan June, hase yeeshee guddiga Kheyre uu xalay magacaabay ayaa kusoo aaday lix bil ka hor maalmahan xoriyadda. Warqaddan ayaa siyaabo kale duwan loo dhigay. Dadka qaar ayaa ku qeexay warqad soo qaldantay, halka qaar ay si kaftan ku jiro u yiraahdeen “Xafiiska Kheyre waxaa isaga qaldamay Janaayo iyo June.” Caasimada Online ayaa xitaa marka ay warqaddan ugu soo dhacday emailka u qaadantay mid soo qaldantay, hase yeeshee xiriir aan la sameynay xafiiska Kheyre ayey noogu xaqiijiyeen inay warqadda sax tahay. Mid ka mid ah saraakiisha xafiiska ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta guddigan xilli hore sanadkan loo magacaabay ay tahay ayada oo xuskan uu yahay midkii 60-aad, islamarkaana uu ka weynaan doonaan kuwii hore. Sida warqadda lagu sheegay xuska ayaa sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah sanad guurada 60aad iyo sanad guurada 20aad ee dib-u-aasaaska dowladnimada Soomaaliya oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti. Wasiirka warfaafinta ayaa loo magacaabay guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo caddaaladda, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha golaha Wasiirrada, agaasime ku-xigeenka guud ee madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka. Guddiga oo ay howshoodu ku egtahay laba bilood kadib xuska maalmaha xorriyadda, ayey shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July ee sanadkaan 2020.
-
Gantaallo lagu bartilmaameedsaday xalay goobo muhiim u ah Mareykanka+Inan uu dhalay Qasim Suleymaani oo… Baroor diiqyada magaalada Karbala loogu sameeynayay Qassem Soleimani iyo Abu Mahdi al-Muhandis Dhowr qarax ayaa gilgilay agagaarka magaalada Baqdaad saacado uun ka dib baroor-diiqii magaalada Baghdad loogu sameynayo janaraalkii milatariga Iiraan Qaasim Suleeymaani iyo taliyihii maleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al Muhandis, kuwaasi oo khamiistii lagu dilay weerar uu Mareykanku fuliyay. Qaraxayada ayaa waxaa lala beegsaday Aagga Cagaaran ee u dhow safaaradda Mareykanka iyo garoonka diyaaradaha ee Balad oo ay ku yaalaan guryaha xoogagga Mareykanka, waxayna ilo wareedyo laga helayo ciidamada ammaanka Ciraaq sheegayaan ineysan jirin cid ay waxyeello ka soo gaartay. Hogaamiyeyaasha Iran ayaa wacad ku maray iney aargoosi u sameyn doonaan dilkii Janaraal Qaasim Suleymaani oo uu Mareykanka u aqoonsanaa argagixiso. Ma jirto ilaa haatan cid shegatay iney ka dambeysay weeraradaasi balse xoogagga taabacsan Iran ayaa lagu eedeeynayay iney ka dambeyeen weeraradii dhowaan ka dhacay Ciraaq oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim u ah Mareykanka. Ka dib baroor-diiqyadii Janaraalka loogu sameeyay Baqdaad iyo magaalooyinka barakeysan ee Muslimiinta shiyacada ayaa waxaa meydkiisa la geyn doonaa dalkiisa Iran. Ciraaqiyiinta ayaa sidoo kale u baroor-diiqayay geeridii Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliyaha ururka Kataib Hezbollah oo ay Iran baritaarto. Waxaa jira warar kale oo tibaaxaya in ururka ay cidaamada ammaanka Ciraaq uga digeen ”iney gabi ahaanba ka fogaadaan xarumaha Mareykanka laga bilaabo galabka Axadda ah”, sidaasi waxaa soo weriyay Telefishinka al-Mayadeen. Mareykanka oo ka jawaab celinaya hanjabaaddii Iran ee aargoosiga ayaa waxa uu 3,000 oo ciidan u diray bariga dhexe iyadoo sidoo kalena ay muwaadiniintooda ku boorriyeen iney isaga baxaan dalkaasi Ciraaq. Sidee ayay Ciraaqiyiinta ugu baroor-diiqeen Suleeymaani? Dad ku luuqaynayay “Mareykanku ha dhinto” ayaa isugu soo baxay waddooyiinka Baqdaad kuwaasi oo kor ululayay calamada Ciraaq iyo kuwa maleeshiyada. Baroordiiqeyaasha oo daba socday naxashka lagu siday meydka Janaraal Qaasim ayaa socod ka soo bilaabay mathaarka Al Muthana ilaa iyo albaabka Aagga Cagaaran waxayna dadkaasi qaarkood sideen sawirrada Suleeymaani, halka qaar kalana ay siteen sawirada hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ayatollah Ali Khamenei. Meydka ayaa markii dambe la geeyay magaalooyinka barakeysan ee Karbala iyo Najaf. Mourners surround a car carrying the coffin of Qasem Soleimani in Baghdad Wararka ayaa sheegaya in meydadka Suleeymaani iyo afar kale oo Iiraaniyiin ah oo iyagana lagu dilay isla weerarkaasi loo duulin doono dalka Iran oo ku dhawaaqay saddex maalmood oo loogu baroor-diiqayo janaraalka la dilay. Sidee ayay Iran uga falcelisay dilka janaraalkooda? Hogaamiyeyaasha Iran ayaa wacad ku maray in ”aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha” ka dambeeyay weerarka, 62 jirkan hogaaminhyayay ciidamada Qudus ayaa waxaa loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei. Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso. Qasem Soleimani: Kumuu ahaa janaraalka Madaxweynaha Iran Xasan Rowxaani oo booqday qoyska Suleemaani oo deggan magaalada Tehran ayaa sheegay in janaraalka loo aargudi doono maalinta la jarayo gacmaha dhaadheer ee Mareykanka uu kula jiro gobolka. Mid ka mid ah gabadha uu dhalay Suleeymaani ayaa madaxweyne Rowxaani weydiisay goorta aabeheed loo aargudayo Khatar nooce ah ayaa ka dhalan karta dilka Janaraal Qaasim? Raysal-Wasaaraha Iran Caadil Cabdul Mahdi ayaa cambaareeyay dilka Janraal Suleeymaan iyo Taliyihii maleeshiyada Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis oo isagana lagu dilay isla weerakaasi. Waxa uu sheegay in weeraka uu ahaa ”mid sare u sii qaadaya khatarta ah in Ciraaq uu ka dhaco dagaal ba’an,” sidaasi waxaa soo weriyay warbaahinta dowladda Ciraaq ee Ciraaqiya News. Raysal Wasaaraha ayaa intaasi ku sii daray in weerarkaasi uu baalmaray shuruucdii milatariga Mareykanka ku sugan Ciraaq, waxa uuna ku baaqay in baarlamaanka ay isugu yimaadan kulan aan caadi ahayn. Madixii hore ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegeey ineysan u muuqan, si Iran aysan u qaadi karin tallabo argoosi ah oo loogu aarayo Janaraal Suleeymaani, uuna aaminsan yahay in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gobolka ay khatar ku jiraan. Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegay in dilka Sulkeeymaani ee Mareykanka uu u muuqdo tallaabo aan laga fiirsan taasi oo horseedi karto iney sare u sii kacdo xasaradda gobolka. “Suleeymani waxa uu si hagar la’aan ah u difaacayay danaha qaranka Iran. Waxaan u tacsiyeyneynaa shacabka reer Iran,” ayuu intaasi ku sii daray wasiirka. Shiinaha ayaa dhammaan dhinacyada is haya ugu baaqay, gaar ahaan mareykanka iney dejiyaan xaaladda ka dib geeridii Janaraal Suleeymaan. Shiinuhu waxa uu xubin joogto ah ka yahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waana mid ka mid ah dalalka ugu iibsashada badan shidaalka Iran. Wasiirka Midowga Yurub u qaabilsan faransiiska Amelie de Montchalin ayaa iyadana ka hadashay dhacdadan: ”Waxaanu ku waa bariisanay duni ay khatarteedu sii kordheyso”. Qaran News
-
Awood intee dhan ayay leeyihiin militariga Iiraan? Awoodda gantaalada Iiraan Dowladda Iran ayaa wacad ku martay inay aargoosan doonto ka dib dilkii abaanduulihii ugu awoodda badnaa militariga dalkaasi oo khamiistii ay Mareykanka duqeyn ku dileen. “‘aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha” ka dambeeyay weerarka,waxaa sidaasi sheegay Qasem Soleimani. Hadaba Maxaan kala soconaa awoodda militari ee Iran? Intee ayay dhan tahay cududda ciidamada Iran? Tirada militariga Iran ayaa lagu qiyaasaa 523,000 oo leh cutubyo kala duwan, sida uu sheegay machadka barashada istaraatijiyada ee fadhigiisu yahay UK. Waxaa tiradani ka mid ah 350,000 oo ah ciidamada rigliga ah, iyo ugu yaraan 150,000 oo ah ciidamada ilaalada kacaanka ee loo soo gaabiyo (IRGC). Waxaa sidoo kale jira 20,000 oo kale oo ah ciidamada badda islamarkana qeyb ka ah kuwa ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan. Waxay ciidamadan ku howlgalaan tiro ah doomaha ilaalada xeebaha iyaga oo si gaar ah uga howlgala marin biyoodka Hormuz, oo horey dhowr iska hor imaad oo lagu afduubtay Maraakiib uu uga dhacay 2019. Ciidamada ilaalada kacaanka Iran waxay sidoo kale maamulaan guutada lagu magacaabo Basij, oo ah xoogag si tabarucaad ah u howlagala islamarkana gacan ka geysta cadaadiska lagu sameeyo dadka dowladda ka soo horjeeda ee gudaha Iran. Ciidamada ilaalada kacaanka Iran ee IRGC ayaa waxaa la asaasay 40 sano ka hor si ay u difaacaan nidaamka islaamiga ah ee Iran. Ciidamada ilaalada kacaankaa Iiraan Waa sidee howlgaladooda dibadda? Cutubka lagu magacaabo Xoogaga Quds, ee uu hogaamin jiray Janaraal Soleimani, ayaa waxay goobaha ka baxsan Iran ka fuliyeen howlgalo, iyaga oo wakiil ka ah ilaalada kacaanka islamarkana waxay si toos ah u hoos tagaan hogaamiyaha ruuxiga, Ayatollah Cali Khamenei. Waxaa la rumaysan yahay in xoogagga lagu magacaabo Qudus ay tiradooda dhan tahay qiyaastii 5,000. Cutubkan ayaa waxaa loo daagureeyay Suuriya waxaana qeyb ka ah la taliyayaal militari oo daacad u ah madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad. Dalka Ciraaq, waxa ay taageereen maleeshiyaadka Shiicada oo iyagu ka adkaaday kooxdii la baxday dowladda Islaamka. Balse, Mareykanka ayaa sheegay in xoogaggan Qudus ay door ballaaran ciyaaraan iyaga oo taageero dhaqaale, mid tababar iyo qalab siiya ururo ay Washington u aqoonsan tahay argagixiso kuwaasi oo ka howlgala bariga dhexe. Waxaa ururadan ka mid ah ururka Shiicada ee Xisbullah iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad. Dhibaato dhaqaale iyo cunaqabateyno ayaa curyaamiyay hubka ay Iran dibadda ka soo dhoofsan jirtay, hubkaasi oo ah mid si aad ah u yar marka loo barbar dhigo dalalka kale ee gobolka. Qiimaha qalabka difaaca ee Iran ay dibadda ka keensatay intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2018-kii ayaa ah mid u dhiganta 3.5% marka loo barbar dhigo Sacuudiga isla sanadahaasi intii ay soo iibsadeen , sida uu sheegay machadka caalamiga ah ee cilmi-baarida nabadda ee fadhigiisu yahay Stockholm. Inta badan waxay qalabka gaashaandhiga ay Iran ka soo iibsatay Ruushka iyo Shiinaha. Ciidamada Iran ayaa 2019 markab ku gooshayay calan UK ku qabsaday gacan biyood Hurmuz Iiraan ma leedahay Gantaalo? Haa- Awoodda gantaalada Iran waa mid ka mid ah quwadeeda militari ee ugu muhimsan, iyada oo ay jirto in awoodda dhanka cirka ay ka liidato marka loo barbar dhigo dalalka ay is hayaan sida Israa’iil iyo Sacuudia. Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa ku tilmaamtay in awoodda Gantaalada Iiraan ay yihiin kuwa ugu balaaran bariga dhexe. Gantaalada ayaa ka kooban kuwa riddada gaaban iyo Gantaalada riddada dhex. Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Iran ay tijaabinayso Tiknoolajiyadda hawada sare si ay awood ugu yeelato hormarinta gantaalada qaaradaha isaga gudba oo iyagu meel fog gaari kara. Hasa yeeshee, barnaamijka gantaalada riddada dheer ayay Iran hakisay taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Niyukleerka ee ay Iran 2015 la galeen dalalka quwadaha waawayn,sida laga soo xigtay machadka Royal United Services Institute (Rusi). Balse, Iiraan ayaa mar kale dib u bilaabi karta barnaamijkaasi iyada oo la eegayo hubinti la’aanta heshiiskaasi. Hasa yeeshee, Gantaalada Iraan ayaa gaari kara Sacuudiga iyo gacanka Carbeed , waxaana sidoo kale suuragal ah in ay Israa’iil bartilmaameedsan karaan. Bishii May ee sanadkii aanu soo dhaafnay, Mareykanka bariga dhexe u daadgureeyay gantaalada ka hortaga gantaalada xilli ay xiisadda gobolka cirka isku sii shareeraysay. Waxay arrintani micnaheedu taay in gantaaladan ay ak horgati karaan gantaalada Kuruuska kuwa riddada dheer iyo diyaaradaha casriga ah. Hubka kale ee ay Iiran haysato Iyada oo ay jirto sanooyiin badan oo cunaqabatayn ah, ayaa hadana Iiran waxay sameysatay awood dhanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Dalka Ciraaq, Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiran ayaa 2016 waxaa loo isticmaalay dagaalkii ka dhanka ahaa IS. Iran ayaa sidoo kale waxay diyaaradaheeda aan duuliyaha wadin mar galeen hawada Israa’iil iyaga oo ka soo kicitimay saldhig Suuriya ku yaalla. Bishii June 2019, Iiran ayaa soo ridday diyaarad ah nooca aan duuliyaha laheyn oo Mareykanku leeyihiin, waxay Iran ku andacootay in ay diyaaradaasi soo gashay hawada Iran. Marka aan dhanka kale ka eegno, barnaamijka diyaarada aan duuliyaha laheyn ayaa waxay Iiraan doonaysaa inay ka sii iibiso ama ay u gudbiso dhinacyada ay saaxibka yihiin ee gobolka, waxaa sidaasi sheegay Jonathan Marcus, oo ah wariyaha BBC ee gaashaandhiga iyo dublamaasiyadda. Sanadkii 2019, weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu qaaday xarunta shirkadda shidaalka ee Aramco. Mareykanka iyo Scuudiga labaduba waxay weerarkaas ku eedeeyeen Iran, inkastoo ay Tehran beenisay inay ku lug leedahay. Waxaa weerarkaasi masuuliyadiisa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen. Iiraan ma leedahay awood weerar dhanka Internet-ka? Ka dib weerarkii dhanka internet-ka ee 2010 lagu qaaday xarunta Niyukleerka Iiraan, ayaa waxay Tehraan xoojisay awoodeeda tiknoolajiyada la xiriirta Internet-ka. Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa la rumaysan yahay in ay leeyihiin xarun looga hortago weerarada dhanka Internet-ka. Qaran News
