Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,073
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Riyadh (Caasimada Online) – Bilo kadib markii weerar gantaalo iyo drone ah, oo loo maleynayo inay fulisay Iran, lagu qaaday xarumaha shidaalka laga soo saaro ee Sacuudiga, dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa qaaday tallaabo aan looga baran, oo ah inuu diblomaasiyad u adeegsado qaboojinta xiisadaha kala dhaxeeya cadowgiisa, waxaa sidaas qoray wargeyska New York Times. Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa billaabay inuu wada-hadallo toos ah la galo mucaaradka uu kula dagaalamayey Yemen afar sano, taasi oo horseedday in weeraradii labada dhinac ay yaraadaan. Waxa uu muujiyey astaamo ku qafiifinayo, haddiiba uusan kusoo geba-gebeeneyn, xanibaadda isaga iyo xulfaadiisa ay saareen dalka yar balse qaniga ah ee Qatar. Waxa uu wada-hadallo aan toos ahayn la furay cadowgiisa kowaad ee Iran, si uu u baabi’iyo daruuraha dagaaleed ee ka dul muuqda gobolka. Waxa sababaya is-beddelkan ah kasoo wareegista iska hor-imaadka iyo u weecashada diblomaasiyadda, ayay taxliiliyayaasha siyaasadda, sheegayaan inay tahay in Bin Salman uu garowsaday in siyaasaddii qarniyo u degneyd Mareykanka ee ahayd – Inuu difaaci doono haddii xarumaha saliidda Sacuudiga uu weerar uga yimaado xoogag dibedda ah – aanay hadda ahayn mid damaanad qaadan. Inkasta oo Mareykanka iyo Sacuudigaba isku raaceen in weerarkii 14-kii September lagu qaaday goobaha saliidda ee Abqaiq iyo Khurais, ay ka dambaysay Iran, haddana jawaabtii madaxweyne Trump waxay noqotay un hanjabaad iyo hadallo kulul oo aan ficil wadan. Jawaabtaas qabow ayaa Sacuudiga ku baraarujisay xaqiiq ah, in inkasta oo 170 bilyan oo dollar ay ku iibsadeen hub Mareykan ah tan iyo 1973-kii – Haddana aysan isku haleyn karin in Mareykanka usoo gurmado haddii lasoo weeraro, ugu yaraan noocii awoodeed ee ay filayeen. Ayagaoo ka walaacsan inay ku qasbanaan doonaan in naftooda isku halleeyaan, haddii dagaal uu ku qarxo gobolka, ayaa sida ay leeyihiin fallanqeeyayaasha siyaasadeed, waxay Sacuudiyiinta billaabeen inay si hoose ula xiriiraan cadowgooda, si ay xiisadda u qaboojiyaan. “Waxaan u malaynayaa in 14-ka September ay tahay daqiiqaddii bedeshay taariikhda khaliijka,” waxaa sidaas yiri David Roberts, oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer gobolka kana tirsan jaamacadda King’s College London “Ayada oo umaleyntii ahayd in Mareykanka uu bad-baadin doono Sacuudiyiinta ay meesha ka baxday, waxay garowsadeen inay u baahan yihiin inay noqdaan kuwa dadka la-macaamili kara” ayuu yiri Roberts. Waxaa taas kasii daran, in Sacuudiyiinta oo u haystay in Trump kaga wanaagsan yahay Obama, ay garowsadeen in labada madaxweyne ay isku aragti ka yihiin siyaasadda Bariga Dhexe, taasi oo ah inay gobolkaas faraha kala baxaan. Inkasta oo kadib weerarkii uu Trump dhowr kun oo askari u diray Sacuudiga, si ay u ilaaliyaan goobaha saliidda, haddana taageeradii Sacuudiga ay ka filayeen Trump waa ay ka xooganeyd middaas. Hadda, Maxamed Bin Salman wuu garowsaday inuusan Mareykanka isku haleyn karin, si uu isugu furo dagaal dhinacyo badan ah, waana taas sababta uu markii ugu horreysay ugu weecday diblomaasiyadda iyo inuu deriskiisa la heshiiyo.
  2. Muqdisho (caasimada Online) – Allaha u naxariistee, waxaa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho ku geeriyoodey fanaan Axmadey Abuubakar Mubaarak (Al-Camaari) oo ka mid ahaa hobollada qaranka Waabari. Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu xanuunsanayey, isla markaana xanuunkii uu u geeriyooday maanta oo Jimce ah. Al-Camaari waxaa uu ahaa hobol caan ku ahaa heesaha banaadiriga waxaa uu ka qeyb qaatay jilitaanka riwaayado badan oo bari samaadkii ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed. Markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacaday waxa uu Axmedeey Abuukar u qaxay dalka Yemen oo uu muddo ku noolaa. Markii dambe waxa uu joojiyey hawlihii fanka ama hadii sida dadka badankiisu u yidhaahdaan loo dhigo waxa uu ka baxay fankii oo waxa uu mu’adin ka noqday masaajid. Heesahiisa kuwa ugu caansan waxa ka mid ah heesta Qaahira oo ay dad badani sheegaan in ay ku timi qiso dhab ah oo dhacday, iyo heestii Hello . Naxariista Janno Allah ha ugu deeqo Axmedeey Abuukar Alcamaari ehelkiisii iyo ummadii jeclayd na samir iyo iimaan ha ka siiyo.
  3. ISTANBUL (Reuters) - Turkey unveiled its first fully domestically-produced car on Friday, saying it aimed to eventually produce up to 175,000 a year of the electric vehicle in a project expected to cost 22 billion lira ($3.7 billion) over 13 years. Source: Hiiraan Online
  4. Jilib (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe ayaa soo sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay qarax xoog leh oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobalka. Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Hargeysa Yarey oo ka tirsan degmada Jilib, waxaana la sheegay in uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray rag ku howlanaa diyaarinta qaraxaasi. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ka dhacay gur,i islamarkaana uu ahaa qarax gaari oo la diyaarinayay. Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in ay arkeen meydadka dad guriga laga soo saarayay. Saraakiil ka tirsan hay’adaha amaanka ayaa sheegay in qaraxa uu jiro balse aysan ogeen inta uu khasaaraha la egyahay. “Saakay waxaa maqalnay dhawaaqa qarax culus oo ka dhacay Hargeysa Yar, guri ayuu ka dhax dhacay waxaana la isku dhax wadaa in uu ahaa qarax la diyaarinayay iyo wax cirka ka yimid balse dadka ugu badan waxay sheegayaan in uu qoladii ku qarxay, qarax ay diyaarinayeen” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Jilib oo la hadlay Caasimada Online. Wararkii ugu dambeeyay ee gobalka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 dagaalame oo ahaa kuwada qarxayada gaadiidka ku diyaariya ay halkaas ku dhinteen, 7 kalane ay dhaawacyo soo gaareen. Habeeno ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale Al-Shabaab uu ku qarxay gaari ay qarax ku diyaarinayeen, degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobalka Mudug.
  5. Garowe (Caasimada Online) – War-saxaafadeed goordhow ka soo baxay Dallada ururada bulshada rayidka ee Puntland, ayaa walaac looga muujiyay doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadka 2020ka iyo bilaawga 2021. Dallad daneeyaasha aan dowliga aheyn ee Puntland waxay sheegtay in sanadkii 2016kii ay siyaasiinta Soomaalida ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka qabaliga ah loona guuro doorasho qof iyo cod ah oo ku timaada wadar ogal. “Sharcigaan cusub ee doorashooyinka waxa uu isu keenayaa doorasho ku saleysan nidaamka 4.5 iyo doorasho qof iyo cod ah mana ahan wax is waafaqaya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland. Dalladu waxay ku talisay in laga-wada tashada nuuca doorasho ee Soomaaliya si aan dalka loogu horseedin xasiloonj darro iyo qalalaaso amni. “Waxaan ku baaqaynaa in la qabto doorasho la isla ogol yahay iyo in doorashada 2021ka aysan dalka uga darin halka uu maanta joogo” ayaa lagu yiri baaq ka soo baxay Dallada PUNSAA ee Puntland. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
  6. Police in Garissa have launched a search for two people believed to have been hijacked to Somalia by suspected al-Shabaab militants. The two, Abdulahi Isaack Harun and Abdi Hassan Ilkaase were attacked on Thursday, December 26, at around 7am. Police say the duo was ferrying miraa to Liboi but on reaching Wardeglo Dam, they were waylaid by the assailants and are believed to have been taken to Somalia. This comes barely two weeks after suspected al-Shabaab militia attacked a Garissa bound bus and killed at least 10 people among them, six police officers. Earlier, Tuko.co.ke had reported a case where two Cuban doctors were kidnapped in Mandera, by suspected al-Shabaab fighters and taken to Somalia. The kidnappers demanded at least KSh 150 million ransom. Latest reports by Cuban Council of Ministers say the two, Assel Herrera and Landy Rodrigues are still alive and in good health. The outlawed group has remained a thorn in the flesh of Kenyans. They have over the recent past unleashed horror and terror on citizens and also security officers. People residing near the Kenya-Somalia border bear the biggest blow.
  7. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug looga dhawaaqo Xildhibaanada ka mid noqonaya Baarlamaanka labaad ee Galmudug kuwaa oo iyana dooran doona Hogaanka sare ee maamulka. Doorashada Hogaanka sare ee Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u sharxan siyaasiyiin mug leh oo taageero badan heesta. Madaxda sare ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay si gaar ah u taageerayaan saddex musharax oo kala doonaya Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug. Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Villa Somalia, dowladda ayaa dhowaan dardar-galin doonta maamul u sameynta Galmudug, gaar ahaan soo xulida xildhibaanada haray iyo arrimo kale. Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu dhowaan u ambabaxo Magaalada Dhuusamareeb si uu u dardar-galiyo dhameystirka dhismaha Maamulka Galmudug. Dhinaca kale, madaxda dowladda ayaa doonaya in madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug lagu garab galo masuuliyinta kala ah:- 1 – Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), oo u sharaxan xilka madaxweynaha 2 – Cali Daahir Ciid (Cali Ciid), oo u sharaxan xilka madaxweyne ku-xigeenka 3 – Maxamed Nuur Gacal, oo u sharaxan xilka guddoomiyaha baarlamanka. Saddexdan masuul ayaa la sheegay iney yihiin kuwo aad ugu dhow madaxda qaranka waxayna ka soo kala jeedan beelaha Habargidir/Saleeban, Mareexaan /Celi iyo Murursade/Sabti. Maamulka Galmudug oo dhismihiisa in muddo ah qaatay isla markaana khilaafyo badan ay hareeyeen ayaa waxaa lagu wadaa in la soo dhamaystiro 9-ka bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2020. Musharaxiinta ay gadaal ka riixeyso DF ayaa la filayaa iney loolan adag kala kulmaan musharaxiin mucaarad ah, gaar ahaan xilka Madaxweynaha Galmudug oo ay u taagan yihiin Cabdiraxmaan Odowaa iyo xubno kale.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in ayada oo maanta ay ku beegan tahay saddex sano kadib markii la dhaariyey xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, ay xildhibaanadu doonayaan inay sameystaan muddo kororsi sharci-darro ah. Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in qodobka 53-aa ee sharciga doorashooyinka ee baarlamanka horyaalla uu “xeerinayo xeerinayaa mudo kordhin loo sameeyo goleyaasha barlamaanka.” “Qodobka 53-aad ee sharcigaan wuxuu xeerinayaa in MUDO KORDHIN loo sameeyo goleyaasha Barlamaanka. Waxa uuna si cad uga hor imaanayaa qodobbada 60-aad iyo 91-aad dastuurka ee xeerinaya in muddada xilhaynta goleyaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha JFS mid walba ku madalsan tahay afar sano.” “Saddex sano kadib, halkii nalaga sugayay in dalka aan gaarsiino doorasho qof iyo cod ah in maanta na lugu mashquuliyo doorasho lama qaban karo ee mudo kororsi aan sameysano waa nasiib daro aad u weyn. Umana maleynayo masiibo ka wayn oo dalkaan lugaha aan u gelin lahayn in ay jirto” Ayuu yiri Mahad Salaad. Haddaba maxaa ku qoran qodobka 53-aad ee sharciga doorahsooyinka:- Qodobka 53-aad: Dib-u-dhaca Doorashooyinka 1. Muddada xilhaynta Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madaxda la doortay wuxuu shacabku u idmaday muddo cayiman oo ku xadiddan Qodobbada 60aad iyo 91aad ee Dastuurka; 2. Muddada qabashada doorashooyinka heer federaal waxay dib ugu dhici kartaa oo keliya haddii ay jiraan daruufo adag oo saameeya dalka oo dhan ama kala bar oo aan suurtagal ka dhigayn in doorasho la qabto; Daruufaha adag ee ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan waxaa ka mid ah: a. Nabadgelyo-darro baahsan oo dalka dhan ka dhacdo; b. Aafooyinka dabiiciga ah sida dhulgariirka, cudurada faafa, abaarro, fatahaado wabiyada, daadad xoog badan iyo duufaanno; iyo c. Arrimo farsamo oo aan la’aantood doorashada qabsoomi karin. Xaaladaha lagu soo sheegay faqaradda 3aad ee qodobkan haddii ay ku kooban tahay hal degmo, gobol ama dowlad goboleed iyo wax ka yar kala bar dalka, dib-u-dhaca doorashadu wuxuu saameynayaa keliya goobaha lagu xusay faqraddan. GMDQ marka ay qiimeeyaan daruufaha ku xusan faqradda 3aad ee qodobkan iyo muddada uga degdegsan ee lagaga bixi karo, waxay warbixintooda oo sababeysan kuna caddahay baaxadda ay duraafaha saameeyeen oo jadwal-shaqana leh u soo gudbinayaan Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka si ay go’aan uga gaaraan. GMDQ waxay BFS ka codsan karaan muddada cusub ee doorashadu ku qabsoomi karto oo aan ka badnayn Lix (6) Bilood; Haddii xaaladaha ku xusan faqradda 3aad aan lagu xallin muddada ku xusan faqradda 6aad oo GMDQ caddeeyo ineysan doorashadu muddadaas ku qabsoomi karayn, xubnaha Goleyaasha 24 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sii wadaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ilaa doorashada laga qabto.
  9. Baydhabo (SMN) – Ciidamadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo ka sameeyay degaano kala duwan. Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyadan ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka degaanadda dowlad goboleedka. Saraakiisha ayaa tilmaamay in talaabadan cusub ay daaran tahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa meelaha ay wali haysato. Howlgaladan ayaa la qaadey ka gedaal markii kulamo looga arrin-saday qaabka loo fulinayo ay yeesheen saraakiisha ciidamadda xoogga. View the full article
  10. Garowe (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha shil gaari oo ka dhacay duleedka Garowe, caasimada maamulka Puntland. Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa ku dhimatay, halka tirro kelana ay ku dhaawacmeen markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ah oo ay wateen. Dadka geeriyooday oo shacab ah ayaa la sheegayaa in ay ka baxeen gudaha magaaladda, wallow aan la ogayn halka ay kusii jeedeen. Saraakiisha caafimaad ayaa ka deeriyey qaar kamid ah bukaanada wax ku noqday dhacdadaan, maadaama dhaawacoodu culus yahay. Inta badan shilalka noocaan ah ee ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa loo aaneeyaa burburka wadooyinka iyo khibrad xumo darawalada. View the full article
  11. Dhuusamareeb (SMN) – Laamaha ammaanka magaaladda Dhuusamareeb ayaa sarre u qaadey howlgaladda lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda. Ciidamadda ayaa gaaf-wareegaya waddooyinka muhiimka ah ee xarunta gobolka Galgaduud si ay uga hortagaan falal liddi ku ah amniga. Saraakiisha ayaa sheegaya in talaabadan ay salka ku hayso socdaal la filayo in ra’iisul wasaare Khayre uu ku tago caasimadda Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in socdaalka wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah uu daaran yahay arrimaha dhismaha maamulkaas. Booqashadan ayaa imaaneysa xili lagu waddo in maalmaha soo aadan lagu dhawaaqo liiska Xildhibaanada cusub ee dowlad goboleedkaas. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-271219.mp3 View the full article
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galayey madal su’aalo lagu weeydiinayey ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyey khilaafkii dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland. Madaxweyne Deni, la weeydiiyey safar la filayey in uu ku tago magaalada Muqdisho oo ku saabsanaa xalinta khilaafkaas ayaa sheegay in la xaliyey khilaafkaas, islamarkaana dowladda federaalka ay aqoonsatay doorashadii ka dhacday Kisamaayo. Waxaa uu tusaalo u soo qaatay shirkii looga hadlayay arrimaha maaliyadda oo ay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ku qabatay Kismaayo, islamarkaana ay ka qeyb galeen wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ka jira dalka. “Wixii aan garwadeenka ka noqon lahayn way iska dhamaatay, dowladdii federaalka waa tii lahayd ma aqoonsanin, waa tii maalin dhoweyd wasiir Bayle tagey, waa aqoon-sadeen marka, hadda dhib kama taagna taas, wixii kaloo dhiman iyagaa dhameysan doona, annaga doorkaas Ilaahaa naga furtay.” ayuu yiri Deni. Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online in shirkii Kismaayo uu ahaa mid ay ku qasbaneyd dowladda federaalka, ee aanay macnaheedu ahayn aqoonsi Axmed Madoobe. Soomaaliya ayaa rajeyneysa in bisha Febraayo ee 2020 laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxaana si taas ay u dhacdo qasab ah inay arrimaha maaliyadda ka wada-shaqeeyaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Hoos ka dhageyso codka Deni https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Hadal-Deni.mp3
  14. Gaarisa (Caasimadda Online) – Booliska magaalada Gaarisa ayaa bilaabay baaritaan ay ku raadinayaan labo ruux oo la rumeysan yahay in ay afduub u geysteen rag loo maleynayo Al-Shabaab. Labada Nin ee la afduubtay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Abdulahi Isaack Harun iyo Abdi Hassan Ilkaase. Booliisku waxay sheegeen in labada nin ay doonyo ku aadeen Liboi laakiin markii ay soo gaareen Wardeglo Dam ay weerar ku soo qaadeen rag loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana waxaa la sheegay in loo soo ka xeeyay Soomaaliya. Arintan ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa kadib markii dhawaan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dad la sheegay inay Kenyan ahaayeen, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Harbuul oo qiyaastii 53 KM ujira Magaalada Gaariga, waxaana halkaas ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaasi. Sidoo kale Al-shabaab ayaa dhawaan weerar ka fuliyay deegaanka Kutulo oo hoostaga Wajeer ku dishay Saraakiil ka tirsan Kenya, kuwaasi oo socdaal ku marayay halkaasi.
  15. Beledwayne (SMN) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu wado qorshe dib loogu soo celinayo Beledwayne dadkii ku barakacay fatahaadaha. Sheekh Xuseen Cismaan Cali, gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda, ayaa sheegay in dadweyne qaarkii ay iskood kusoo laabteen. Cali ayaa tilmaamay in ay ku dedaali doonan sidii inta hartayna ay magaala madaxda gobolka dib ugu soo celin doonan dhowaan. Isagoo hadalkiisa sii wata, gudoomiye Xuuseen ayaa hoosta ka xariiqay in ay sidoo kale wadaan qorshe lagu kaabayo nolosha dadkii daadadki saameeyeen. Sidda ay sheegeen hay’addaha caalamiga ah, daadadka ku dhuftay Beledwayne waxaa ay saameyn ku yeesheen in ka badan 250-kun oo qoys. Waxyeeladda ayaa isugu jirta, sidda ay ka dhawaajisay dowladda, mid nafeed iyo mid maaliyadeed, waxaana taageerada ay u baahan yihiin tahay mid balaaran. View the full article
  16. MOGADISHU (HOL) - Four suspects among them a former female government employee believed to be members of Al-Shabaab were Thursday charged in a military court in Mogadishu for murder of close to 200 people since 2010. Source: Hiiraan Online
  17. Jowhar (SMN) – Xoogsatada ku dhaqan Jowhar, caasimadda HirShabelle, ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin ciidamada dowladda. Aadan Cali Muumin, oo kamid ah muruq-maalka magaaladaas, ayaa tilmaamay in askarta ay waydiiyaan lacago aan canshuur ahayn. Muumin oo la hadlay Shabelle ayaa daboolka ka qaadey in ciidamadda ay u awood sheegtaan markay waydiinayaan lacagta. Sidda uu ka dhawaajiyey Muumin, askarta ayaa nolosha dhaafiya shaqsigii ka biya-diida bixinta lacagtaas baadda ah. Hay’addaha kala duwan ee maamul goboleedka iyo dowladda federaalka ah ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay wax ka qabtaan xaaladooda. Sikastaba ha ahaatee, shalay ayay ahayd markii askari uu Jowhar ku dilay wiil u diiday shan kun oo Shilin Soomaali, taasoo caro abuurtay. View the full article
  18. Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Afar ruux ku dhintay, shil gaari oo gelinkii dambe ee xalay ka dhacay degaanka Sinujiif oo qiyaastii 60KM dhanka bari kaga beegan magaalada Garoowe. Dadka shilkaasi ku dhintay oo kala ah; hal nin iyo saddex dumar ah, ayaa maydadkooda la geeyay Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe, sida ay Warbaahinta Guddaha u xaqiijiyen mas’uuliyiinta Isbitaalka Xarunta Gobolka Nugaal. Dad ku sugan Garoowe ayaa waxa ay sheegen in dadka ku dhintay Shilkaasi gaari dhamaantood la geeyey meydadkooda Isbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe si ay eheladooda uga yimaadaan. Sidoo kale warraka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale uu fudud ka soo gaaray shilkaasi Gaari. Saraakiisha Ciidanka Taraafikada gobolka Nugaal weli wax faahfaahin ah kama bixin sababta dhalisay shilkaasi. Dowr jeer oo hore ayaa Shilal gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen duleedka Garoowe, waxaana burbursan wadadaas oo uu saameyn ku yeeshay roob ka da’ay.
  19. Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa shalay oo Khamiis ahayd waxay soo gabagabeysay kiis ka dhan ah eedeysaneyaal. Eedeysaneyaasha oo loo haysto dil iyo in ay ka tirsan Al-Shabaab ayaa tiradooda waxay gaareysaa shan qof, wallow ay jiraan kuwa maqaneyaal ah. Saraakiisha ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay hayaan macluumaadka shaqsiyaadka maqan, isla markaana ay ku raad-joogaan xubnahaas. Dadka maxkamadda lasoo taagey waxaa ku jira Maxamed Xaaji Axmed oo la sheegay in uu yahay hogaamiyaha shabakadan. Maxamed oo ku magac dheer Ilkacase iyo eedeysaneyaasha kale ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan xukun kama dambeys ah lagu rido. View the full article
  20. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku baaqay wada hadal dhexmara dowladda federaalka ah iyo maamuladda. Deni oo ka hadlayey Madasha PDRC Talks ayaa shaaca ka qaadey in wada-xaajoodyadaas looga doodi doono arrimo masiiri ah sida doorashooyinka iyo qabto tirka Dastuurka. Maamulkiisa ayuu cod dheer ku sheegay in uusan aqbali doonin wax kasta oo baalmarsan shuruucda u taala waddanka. Isagoo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha ayaa caddeeyay in wada hadaladu yihiin hanaanka kaliya ee lagu dhameyn doono kala aragti duwanaanta. Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay xal ka gaari doonan ismaandhaafka jira. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-27122019.mp3 View the full article
  22. Police in Garissa have launched a search for two people believed to have been hijacked to Somalia by suspected al-Shabaab militants. The two, Abdulahi Isaack Harun and Abdi Hassan Ilkaase were attacked on Thursday, December 26, at around 7am. Source: Hiiraan Online
  23. At least 14 people died Friday when a passenger plane carrying 100 people crashed into a house shortly after takeoff from Kazakhstan's largest city, authorities said. Source: Hiiraan Online
  24. Somaliland: Extensive Discussions At Presidency On Election Schedule The three Somaliland political parties, Kulmiye, Waddani and UCID have been holding extensive talks at the Preisency in Hargeisa. The talks between the three party leaders, President Muse Bihi Abdi of Klumiye, Abdirahman Mohamed Abdillahi ” Irro” of Waddani and UCID’s Faisal Ali Warabe, commenced after intervention and mediation conducted by elders and luminaries of the Somaliland Civil Society, to unblock the impasse pertaining to the long overdue parliamentary and local council elections. The talks have been described as free and frank by insiders and there are hopes that all three parties will reach a consensus on the composition of the National Elections Commission, (NEC), the date for the elections and any other outstanding issues. The parliamentary and local elections were postponed from 2017, 2018 and 2019, many Somalilanders and the international supporters of Somaliland, have steadily became frustrated with the inability of the national institutions to put aside political differences in order to keep the country on the progressive democratic path. Senior delegation from the European Union, led by Ambassador Belanger, visited Somaliland on many occasions, including as recently as this month, December, 2019, to facilitate any discussions between the political parties. All in all, Somaliland’s much heralded democratic credentials will become severely tainted, unless, parliamentary and local council elections are held as early as possible. Qarannews. Qaran News