-
Content Count
214,051 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray carwo ballaadhan oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka wershahada waddaniga ah oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Munaasibadda lagu soo bandhigayo wax soo saarka wershadaha dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka dawladda Deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim oo ay xubno ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada maamulka Soomaalida Itoobiya, xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland, hoggaanka Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, saraakiisha ugu sarraysa ururka Wershedlayda, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha lagaga hadlay muhiimadda ay horumarka qaranka u leedahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan yagleelidda wershedo wax soo saar oo dalka laga hirgeliyo si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo shaqo abuurka. Ugu horrayn guddoomiyaha ururka wershedleyda Somaliland, Mudane Maxamed Sheekh oo halkaas ka hadlay, ayaa si kooban u sharraxay ujeeddada carwadan loo qabtay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay wershedley ahaan uga gol leeyihiin in bulshada lagu baraarujiyo isticmaalka wax soo saarka dalka, laguna soo bandhigo tayada waxyaabaha ay soo saaraan wershedaha dalka ka jiraa. Xoghayaha Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, Mudane Ibraahim Ismaaciil Cilmi, ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay in bulshada looga baahan yahay isticmaalka wax soo saarka wershadaha dalka, taasina fure u tahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan inay hantidooda dalka gudihiisa ku maalgeliyaan. Wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo Ganacsiga iyo wershedaha, Dr. Sacad Cali Shire iyo Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo madasha ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan dedaal badan geliyeen taageerada iyo garabsiinta wershedaha dalka gudihiisa ka jira, islamarkaana ay u sameeyeen cashuur-dhaaf aad u badan, taasina ay marag ka tahay sida ay xukuumadda uga go’an tahay inay dhiirrigeliso wax soo saarka dalka. Madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka Oromada Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim iyo wasiirka Ganacsiga iyo wershedaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Mudane Bashiir Saafi, ayaa Somaliland ku ammaanay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ka tisqaaday, waxana ay wershedleyda kula dardaarmeen inay wada-shaqayn dhaw la yeeshaan xukuumadda si hore ugu sii mariyaan wax soo saarkooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si mug leh u bogaadiyey dedaallada kala duwan ee wershedlayda dalku ku tallaabsadeen, islamarkaana ay xukuumad ahaan taageero buuxda la garab taagan tahay ganacsatada dalka ee ku hawllan wax soo saarka dalka gudihiisa. Madaxweynuhu waxa uu daaha ka fayday taageerada laxaadka leh ee xukuumaddu la garab taagan tahay dhiirrigelinta wax soo saarka dalka iyo wershedaha dalka gudihiisa ka jira, isaga oo xusay lacago aad u tiro badan oo ay xukuumaddu cashuur-dhaaf ugu samaysay wershedlayda dalka, “Dawladdu iyada oo aan dhaqaale badan haysanin, haddana sannadkan $14.2 milyan oo dollar oo cashuur-dhaaf ah ayaanu wershedaha siinnay, waxana aannu sugaynaa oo ku rejo weynahay inaanu wixii kale ee aanu kari karno ugu darno, annaga oo rejaynaynaa inay noqdaan kuwa kora oo dalka dhaqaalihiisa iyo shaqaalihiisu ku xidhnaan doono,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray carwada wershadaha, waxana uu mid mid u galay wax soo saar kala duwan oo ay carwada kusoo bandhigeen wershedaha dalka ka dhisani Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxa soo gaadhay Wafdi balaadhan oo ka socday dowlad deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya, oo ay hogaaminayey haweenayda Madaxweyne kuxigeenka ka ah kilinka Oromada. Wafdigan ka socday Kilinka Oromadad ee dalka Itoobiya ayaa waxa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xukuumada Muuse Biixi iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya. Wafdigan ayaa u jeedkooda yahay inay ka qeyb galayaan furitaanka Carwo ka qabsoomeysa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, sida uu sheegasy Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya wuxuuna yiri “Wafdigani waa wafdi inooga yimid Killinka Oromada ee dalka Itoobiya, Waxayna u yimaadeen carwo ganacsi oo aan beri ka furi doono hudheelka Grand Hadi ee magaaladda Hargaysa. Carwadaasi ganacsi oo u jeedadeedu tahay in aynu dhiiri gelino baayac-mushtarkeena iyo wershadaheenu waxay soo saaraan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Weftigan ka socda killinka Oromadda iyo wefti kaloo saaka Hargaysa yimid, oo ka socda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, labaduba waxay u yimaadeen in ay nagala qayb galaan carwadaasi, waxaana wafdigan gayn doonnaa dekadda magaaladda Berbera, si ay u soo indho-indheeyaan” Madaxweyne kuxigeenka Kilinka Oromada ee dalka Itoobiya, oo iyaduna warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay booqashadeeda Somaliland, iyadoona xustay in Somaliland tahay dalkeedii Labaad, isla markaana ay ka wada hadli doonan arrimo dhowr ah. “Somaliland waa dalkayaga labaad, waxaanan dareemaynaa in aanu dalkayagii joogno. Waanad ku mahadsan tihiin soo dhawaynta aad noo samayseen. Waxaan nahay labadda dal oo jaar ah” ayey tiri Madaxweyne kuxigeenka Kilinka Oromada oo hogaamineysay wafdigaasi. Waxayna intaasi ku sii dartay “Waxaanan ka wada hadli doonaa labadda maalmood ee soo socda, sidii aynu isaga kaashan lahayn horumarinta bulshooyinkeena iyo arrimaha dhaqaalaha”.
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka daah-furay carwo ballaaran oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka wershahada waddaniga ah ee Somaliland. Munaasibadda lagu soo bandhigayo wax soo saarka wershadaha Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wefdi ay hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka dowladda Degaanka Oromada ee dalka Itoobiya, Chaltu Sani Ibraahim oo ay xubno ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada maamulka Soomaalida Itoobiya, xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland, hoggaanka Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, saraakiisha ugu sarraysa ururka Wershedlayda iyo marti-sharaf kale. Madasha ayaa looga hadlay muhiimadda ay horumarka u leedahay in ay ganacsatadu ku dhiirradaan yagleelidda wershedo wax soo saar oo Somaliland laga hirgeliyo, si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo shaqo abuurka .Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey horumarada kala duwan ee wershedlayda Somaliland ku tallaabsadeen, islamarkaana waxa uu tilmaamay in ay xukuumad ahaan taageero buuxda la garab taagan yihiin ganacsatada ku hawllan wax soo saarka dalka gudihiisa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo daah-furay Carwada Wax-soo saarka Wershada Wadaniga ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah waalidiinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay cabasho ka yihiin wiilal ay dhaleen oo ay sheegeen in ay dowladda Soomaaliya askar ahaan ugu qaadeyso dalal dibedda ah. Ruqiyo Sahal Cangul Afyare oo ah hooyada wiil 19 jir ah, oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay u sheegtay in wiilkeeda tababar looga qaaday dalka Qatar, balse la geeyey Dalka Eritrea. Hooyo Ruqiyo ayaa sheegtay in wiilkeeda intaan la wadin ay ugu tagtay xeradii lagu xareeyey ,balse loo diiday inay aragto, islamarkaana lagu xujeeyey inay lacag bixiso, haddii ay rabto in wiilkeeda xirada looga soo saaro. Hooyadaan oo ilmeeneysa ayaa sheegtay inay wiilkeeda kusoo korisay agoontinimo islamarkaana ay nolol maalmeedkiisa kasoo dhacsan jirtay iibinta Shaaha. Waxay sheegtay in loo sheegay in wiilkeeda uu lacag ku qaatay shakhsi dowladda ka tirsan, balse ay diiday inay sheegto sababo amni awgeed. Hooyo Ruqiyo ayaa madaxda ugu sareeyo dalka ka codsatay in nolol iyo geeri loogu sheego wiilkeeda oo sida ay sheegtay ka maqan 3 bil. Shirka jaraa’id ee hooyo Ruqiyo ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday hooyooyin kale, oo iyana ay ka maqan yihiin caruurtooda. Caasimada Online, si madax banaan uma xaqiijin karto warka hooyo Ruqiya, waxaana xiriiro aan la sameyn xubno ka tirsan dowladda ay ka gaabsadeen inay arrintan ka hadlaan. Si kastaba, wasiirka gaashaandhigga iyo abaanduulaa ciidamada xoogga dalka oo arrintan uu wax ka weydiiyey baarlamanka, ayaa labaduba beeniyey in ciidamo loo qaaday Eritrea. Halkaan hoose ka daawo cabashada hooyooyinka
-
(SLT-Hargeysa)_Tan iyo markii uu siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ku dhawaaqay inuu u tartami doono hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxa isa soo tartaya kala fogaanshaha siyaasadeed ee siyaasigaas iyo madaxda xisbiga. Maxamuud Xaashi oo socdaal ku jooga dalka dibadiisa, ayaa khudbad uu u jeediyay qaar ka mid ah taageeryaaasha xisbiga ee dalka Jarmalka, wuxuu Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu hirgeliyo balanqaadyadii uu sameeyay wakhtigii ololihii doorashada, waxaanay dad badani hadalka Maxamuud Xaashi u arkeen bilowga dagaalka siyaasadeed ee Madaxweyne Biixi iyo isaga. Waxa la filayaa in Mr. Xaashi uu dalka Ingiriiska ku qabto kulamo siyaasadeed oo uu ka jeediyo khudbado iyo kuwo gaar ah, waana suurtogal inuu sii laba laabo khudbadihiisa uu ku soo hadal qaaday Madaxweyne Biixi. Hore ayaa waxa hanka Maxamuud Xaashi si yasitaan ah u laalay guddoomiye-xigeenka KULMIYE Axmed Cabdi Dheere. Dad badan ayaa isweydiinaya haddii uu Maxamuud Xaashi sii wado warmaha uu ku ganayo Madaxweyne Biixi, sida uu sii ahaan doono mustaqbalkiisa xisbiga KUMIYE, waxaanay dad badani qabaan in wakhti aan dheerayn siyaasigan laga saari doono saaxadda xisbiga sidii horeba looga saaray rag ka horeeyay. Qaar kalena waxay qabaan in Madaxweyne Biixi iyo madaxda kale ee xisbigu ay dejiyeen khidad kale oo siyaasadeed oo ah in Maxamuud Xaashi ka dhex tartamo xisbiga, loona wada joogo codka uu helo, si ugu yaraan taageerayaasha xisbiga ee taageersan Maxamuud Xaashi iyo rayul caamkaba loo tuso in Maxamuud Xaashi uu tartamay oo codkii xisbiga dhexdiisa lagaga guulaystay. Shirka xisbiga oo ku beegan bisha April ee sannadkan, ayaan isna la garanayn in dib loo dhigi doono iyo inuu wakhtigiisa qabsoomi doono. Si kastaba ha ahaate bilowda sannadka cusub ee 2020 waxa kala cadaan doonta mustaqbalka Maxamuud Xaashi oo ah inuu xisbiga ku sii dhex jiro oo uu ka dhex tartamo iyo in intaan tartan la isla gaadhinba saaxadda xisbiga laga saaro. Source
-
Madaxweynaha waddanka Eritrea Isaias Afwerki ayaa Arbacada maanta gaaray magaalada Addis-Ababa caasimadda dalka Ethiopia. Madaxweyne Afwerki ayaa Ra’iisul wasaaraha Ethiopia halkaasi kula yeelanaya kulankii u horreeyay tan iyo markii uu abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize ku helay billaabidda heshiiska labada dal. Dalalka Eritrea iyo Itoobiya waxaa dhex-maray dagaal xuduudda ka dhacay, 1998-2000, kaasi oo ay ku geeriyoodeen qiyaastii 80,000 oo qof. Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa markii uu xilka qabtay waxa uu ka shaqeeyay Heshiis Nabadeed oo dhex maray labada dal kaasi oo lagu soo af-jaray colaaddi labada dhinac. Afwerki ayaa waxaa safarka ku wehliya wasiirka arrimaha dibedda Osman Saleh iyo la-taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab, sida uu qoraal uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane G. Meskel. PUNTLAND POST The post Afwerki iyo Abiy oo kulan gaar ah ku yeelanaya Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Carwadda warshadaha Somaliland oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biiixi Cabdi, waxaana ka soo qayb-galay warshado wax soo saar oo kala duwan. Shirkadda Gamuur ayaa Waxa ay wax soo saarkeeda ku soo bandhigtay Carwaddan maanta lagu qabtay Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO warkan oo dhammaystiran Source
-
Sawirro: Golaha Shacabka oo meel mariyey sharciyo muhiim ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kulanka guud ee Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ku furmay 156-Xildhibaan,waxaa ugu horeyn Xoghayaha guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan uu Golaha u Akhriyay meelaha wax ka bedelka lagu sameeyay ee Sharciga Maareeynta maaliyadda guud PFM-ka. Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha oo u codeeyay Sharcigan ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 148-Xildhibaan 6-Xildhibaan ayaa diiday halka 2-Xildhibaanna ay ka aamustay sida uu natiijada ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiye kuxigeenka guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aamina Cusmaan ayaa xildhibaanadda uga mahad celiyay sida ay sharcigan u ansixiyeen. Sidoo kale Xildhibaanadda golaha shacabka ayaa u codeeyay Sharciga shirkadaha oo goluhu horey u ansixiyay islamarkaana uu dib usoo celiyay golaha Aqalka Sare,waxaana ogolaatay 156-Xildhibaan oo ah tirada guud ee Xildhibaanadda kulanka joogay. Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan Iyo Guddiga ganacsiga,warshadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee Golaha Shacabka ayaa Sidoo kale Xildhibaanadda uga mahad celiyay sida ay ugu codeeyeen sharcigan Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka aanan dhankooda siyaasadeyn shuruucda Dalka Muhiimka u ah gaar ahaan kuwa kaabaya qorshaha deyn cafinta Dalka maadaamaa ay dalka muhiim u yihiin. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maadaamaa waqtiga uu aad u yaryahay looga baahanyahay Guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka in ay xooga saaraan ka hor dhamaadka bishan December in sharcigan la ansixiyo sidoo kalena codeynta sharcigan ay si wadajir ah ugu codeyn doonaan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Ciidamada ammaanka ayaa maanta lacago been abuur ah iyo raggii waday ku qabtay gudaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Saraakiil la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lacagtaasi oo isugu jirtay Dollar iyo Shilin Soomaali lagu qabtay howlgal laga sameeyey degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in lacagtaan feelsada ah laga keenay dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Halkan hoose ka dhageos warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ddd.mp3 View the full article
-
Ciidamada ammaanka magaalada Jigjiga ayaa xabsiga dhigay dhallinyaro badan oo lagu eedeynayo iney ka dambeeyeen rabshado shalay ka dhacay magaaladaasi. Banaanbax nabadeed oo markii dambe isku bedalay rabshado ayaa shalay ka dhacay Jigjiga, kadib markii dadku muujinayeen sida ay uga xun yihiin Saddex masjid oo lagu gubay deegaanka Amxaarada Itoobiya. Hase ahaatee rabshadihii ayaa sababay dhimashada Hal qof iyo dhaawaca Lix kale, waxaana ciidamadu ay sameeyeen howlgal ay ku qabteen dhallinyaro ka badan 30 qof. Maxamed Xasan oo ah taliyaha Booliiska ee magaalada Jigjiga ayaa u sheegay warbaahinta, in baaritaan lagu sameyn doono dhallinyaradan, wixii dambi yeeshana maxkamad lasoo taagayo. Taliyaha ayaa sheegay in marnaba aanay u dulqaadan doonin in la qalqalgeliyo ammaaanka magaalada Jigjiga, cid walba oo isku daydana ay xabsi dhigi doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah ay soo dhoobtay deegaan dhaca xadka Soomaaliya. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in dhaq dhaqaaq cusub iyo howlgallo milatari ay ka bilaabeen halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in u jeedka ciidamadaasi uu yahay, sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro laga cabsi qabo inay Al-Shabaab fuliso sanadka cusub ee 2020-ka. Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in diyaarado dagaal lagu arkayo hawada deegaanadaasi. Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhisay weerarada ay ka fuliso xadka labada dal, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. View the full article
-
Laamaha amniga ee Beledweyne ayaa soo saaray amaro cusub oo la xariira amniga, kuwaas oo la dul dhigay shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Warqad ka soo baxday taliska saldhigga Booliska Beledweyne ayaa lagu sheegay in haatan wixii ka dambeeya aan la ogolaan doonin gawaarida Miraayadaha Madow. Sidoo kale warkaan ayaa lagu sheegay in dadka ku ganacsada hareeraha waddooyinka la farayo inay isaga guuraan halkaasi. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ee magaalada Dhuusomareeb ayaa maanta joojiyey munaasabad ay xubno ka tirsan Ahlu-Sunna ku qaban lahaayeen magaalada Dhuusamareeb, taas oo lagu taageerayey 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna laga siiyey baarlamanka Galmudug. Xafladda oo ay wadeen xubnaha Ahlu Suna ayaa markii hore la ogolaaday inay dhacdo, laakiin maanta barqadii ayaa lagu wargeliyey inaan la dhigi karin xafladaasi, kadib markii ay goobta lagu qaban lahaa tageen taliyaha booliska dhuusamareeb. Xildhibaan Shaacir Sheegow oo ka mid ah xildhibaannada ay soo magacawday Ahlu-Sunna ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay joojisey munaasabadaas, ayna tahay caburin ka socota dowladda federaalka Soomaaliya. Arrintaan ayaa imaaneysa kadib markii Ahlu Sunna ay maalin ka hor shaacisay liiska 20-ka qof ee ku matali doono baarlmaanka Galmudug iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan. Xubnaha ay shaacisay Ahlu Sunna ayaa waxaa ka hor yimid qaar ka tirsan beelaha Galmudug oo sheegay inaan si siman xildhibaanadaas looga qaadin beelaha ku heshiiyey dhismaha Galmudug. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xildhibaan Shaacir Sheegow
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska Foore Oo Xayiraadii Laga Qaaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ka wada gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii xalay magaaladaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray, Cismaan Axmed Askar. Dilka ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday dhacdada kadib. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa warbaahinta u sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay amniga Boosaaso ayaa faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal liddi ku ah nabad galyada magaaladaasi. View the full article
-
Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta ansixiyey sharciyo muhiim sida Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda iyo Hindise Sharciyeedka Shirkadaha. Codeyn ka dhacday gudaha golaha waxaa ay noqotay sidan: Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda waxaa ogolaaday 148 mudane, waa diiday 6 halka ay 2 ka aamuseen. Dhanka kale, Hindise Sharciyeedka Shirkadaha waxaa loo ansixiyey si guud oo waxaa ogolaaday dhammaan xildhibaannada. Guud ahaan waxaa maanta joogay 156 xildhibaan, waxaa ayna hawlaha u dhaceen si habsami leh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Carwadda warshadaha Somaliland oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biiixi Cabdi, waxaana ka soo qayb-galay warshado wax soo saar oo kala duwan. Warshada Rinjiga ee Siraaj ayaa wacadarro ka dhigtay Carwaddan maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha guud ee Warshada Rinjiga ee Siraaj Cabaas Caydaruus ayaa ka warbixiyay adeegyadda ay bulshada u qabtaan iyo waxyaabaha ay maanta ku soo bandhigeen Carwadda warshadaha Somaliland Halkan hoose ka DAAWO warkan oo dhammaystiran: Source
-
Ahlu Sunna Wal Jama’a has denied the new conditions set by the Galmudug technical committee in charge of the regional elections on Tuesday. The Sufi group urged the Federal Government of Somalia to respect the agreement signed by both sides earlier arguing that the conditions do not concern its members. “Ahlu Sunna would like to emphasize that the committee named by the federal government does not have any authority over the 20 members selected by Ahlu Sunna Wal Jama’a. Therefore, the new conditions do not affect the quota of Ahlu Sunna Wal Jama’a because that committee is not recognized by Ahlu Sunna and does not have representatives.” Ahlu Sunna said in its statement. “We urge the Somali federal government to implement its part of the agreements,” the statement added. The religious group was allocated 20 representatives in 89 state assembly membership in a treaty facilitated by the office of the Prime Minister, Hassan Ali Kheyre via the Ministry of Interior and Federal Affairs. The state elections technical committee issued a 14-points condition candidate seeking to be part of the new Galmudug regional parliament. Key points in the contentious letter by the technical committee include age limit of not less than 25 years, high school certificate, none criminal record and new examination to determine the capacity of the new legislators. View the full article
-
Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay weerar saf ballaaran ah ku qaaday deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lala beegsaday saldhigyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal toos ah oo saacad qaatay uu xigay weerarkaasi, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerkaan iyo dagaalka xigay ay khasaaro ku gaarsiisay ciidamada huwanta, walow aysan shaacin inta uu la’egyahay. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in xalay saqdii dhexe ay weerar xoogan ku qaaday deegaanka Arbacow ee gobolka Sh/Hoose, kaas oo ay sheegtay inay la beegsatay saldhig ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Burundi ay ku leeyihiin halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo ku aadan weeraradaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayey dhaq dhaqaaqyada milatari ee u dhexeeya ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ee socda koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Popular Contributors
