-
Content Count
214,051 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has today signed into law the Companies Act and Public Finance Management Act noting the two pieces of legislation would be instrumental in setting the framework for economic reforms and bolstering the war against corruption in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen siyaasadda dalxiiska dalka oo ay xukuumadda usoo gudbisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska. Ansixinta siyaasadda kadib, ayaa Shirka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa sidoo kale looga hadlay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, dhammeystika dastuurka iyo barnaamijka deyn cafinta. Wasaaradda aminaga oo golaha u soo bandhigtay warbixin amni oo faahfaahsan ayaa caddeysay in tallaabooyin isku xiran oo sanadkan la qaaday ay horseedeen natiijooyin wanaagsan, ayna in ka badan kala bar hoos u dhaceen qaraxyadii argagixisadu ka geysan jirtay geyiga Soomaaliya iyo dhibaatooyikii ay ummadda Soomaaliyeed ugu geysan jireen, marka la barbar dhigo sanadkii 2018. Guulahan ayey wasaarraddu sheegtay inay ku yimaadeen qorshayaashii tubta amniga iyo caddaaladda oo sidii loogu talagay u higalay iyo wada shaqeynta dhammaan hay’adaha amniga, iyada oo hayadda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) ay xogo sirdoon oo ka badan, kana faahfaahsan xogihii hore ay heshay, ayna la fal gashay ciidanka Xoogga iyo kuwa Booliska oo gudaha magaalooyinka iyo howdkaba kula dagaallamay argagixisada. Wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS oo golaha la wadaagtay qorshaha qabyo tirka dastuurka ayaa soo bandhigtay qeybaha uga harsan soo dhameystirka dastuurka iyo caqabadaha ka hor gudban, waxa ayna wasaaraddu rajo wanaagsan ka muujisay soo gebagebeynta shaqada Qabyo-tirka dastuurka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-26122019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar weyn u leh hannaanka hufnaanta Maamul iyo xaqiijinta doorka dowladda kaga aaddan qaabeynta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Farmaajo ayaa tilmaamay in sharciga Shirkadaha Dalku uu si gaar ah u dhiirri gelinayo ganacsiga, shaqo abuurka iyo fursadaha maalgashi ee dalkeenna, dhawrayana xuquuqda hantiyeed ee muwaadiniinta. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaarisay sharciyadan iyo mudnaanta ay siiyeen in lagu jaangooyey talo soojeedintii ganacsatada iyo dhaqaalayahannada Soomaaliyeed. Sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud ee dalka iyo Shirkadaha Ganacsiga ayaa ka tarjumaya dadaallada wax-ku oolka ah ee Dowladdu ay ku bixisay sanaddadii la soo dhaafay yareynta musuqmaasuqa, xal u helista caqabadaha haysta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta kalsoonida maalgashadeyaasha Caalamiga ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Ruqiyo Sahal Cangul Afyare oo markale soo duubtay muuqaal ayaa ka hadashay arrimo ku aadan xaaladda wiilkeeda oo dhowaan ay shaacisay inay la’dahay, balse loo sheegay in tababar ciidan loogu qaaday dalka Eritrea. Hooyo Ruqiyo oo wejigeedu uu ka duwanaa midkii hore, islamarkaana farxad laga dheehan karay ayaa sheegtay in lala hadalsiiyey wiilkeeda, isagoo caafimaad qabo. “Wiilkeyga waan la hadlay wax dhib ah ma qabo ayuu dhahay, Ilaaheybaa mahadaas iska leh.” ayey tiri Hooyo Ruqiyo Sahal Cangul Afyare. Ma shaacin halka la geeyey ama dalka tababarka loogu qaaday, balse waxa ay ka dhawaajisay in isaga iyo asaxaabiisa ay nabad qabaan. Hooyadaan oo hadalkeeda sii wata ayaa tilmaamtay in arrintaan ay ku timid, kadib markii uu la soo xariiray sarkaalkii ay horay uga cabaneysay, kaas oo ugu dambeyn la hadashiiyey wiilkeeda oo ahaa 19 jir arday ahaa, balse tababar ciidan loo qaaday. Sidoo kale, Hooyo Ruqiyo ayaa xustay in haatan ay faraxsan tahay, islamarkaana ay u mahad-celineyso dowladda Soomaaliya oo ka jaawabtay cabashadeeda. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday Waalidiinta kale inay is dajiyaan, iyadoo ugu niyad qaboojisay in wiilashooda ay caafimaad qabaan, si la mid ah wiilkeeda. Hoos ka daawo Hooyo Ruqiyo
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar weyn u leh hannaanka hufnaanta Maamul iyo xaqiijinta doorka dowladda kaga aaddan qaabeynta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in sharciga Shirkadaha Dalku uu si gaar ah u dhiirri gelinayo ganacsiga, shaqo abuurka iyo fursadaha maalgashi ee dalkeenna, dhawrayana xuquuqda hantiyeed ee muwaadiniinta. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaarisay sharciyadan iyo mudnaanta ay siiyeen in lagu jaangooyey talo soojeedintii ganacsatada iyo dhaqaalayahannada Soomaaliyeed. Sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud ee dalka iyo Shirkadaha Ganacsiga ayaa ka tarjumaya dadaallada wax-ku oolka ah ee Dowladdu ay ku bixisay sanaddadii la soo dhaafay yareynta musuqmaasuqa, xal u helista caqabadaha haysta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta kalsoonida maalgashadeyaasha Caalamiga ah. View the full article
-
Hargeysa (SMN) – Maamulka Somaliland oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa uga digay Beesha Caalamka in ay hoos-geeyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa si rasmi ah ugu eedeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay mamaulkaas kusoo qaadday “dagaal dhinaca waxbarahsada.” Afhayeenka Puntland, Jaamac Yuusuf Dabaraani oo ka warbixinayay shirka todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumada Puntland ayaa sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay weli waddo “dagaal ka dhan ah “oo la xiriira xagga waxbarashada. Dabaraani ayaa sheegay in dawladda ay diiday inay shahaadooyinka siiso ardayda reer Puntland ee dhameysta dugsiyada sare. “Meelihii ay wada-shaqaynta xagga waxbarashada la lahayd ayey dowladda u dirtay warqado ay ku hor istaagayaan ardayda Puntland, waxaana ka mid ah dalka Masar, dhawaana arinkaas darteed halkaas waxaa u tagay wasiirka waxbarashada Puntland, si arimahaas wax looga qabto, dhaqamada noocaas ah waa kuwa muujinaya in lala dirirayo Puntland dhinaca horumarka waxbarshada” Ayuu yiri Dabaraani. Afhayeenku ayaa sidoo kale xusay in qodobadaas ay yihiin “kuwa baalmarsan” dastuurka Soomaaliya iyo heeshiisyadda ay horay u gaareen dawlafda dhexe iyo maamulada, waxa uuna tilmaamey in cawaaqib xumadda ka dhalata ay qaadan doonaan hogaanka dowladda federaalka Xiisadda labada dhinac ayaa kasoo billaabatay markii Puntland ay diiday inay qeyb ka noqoto imtixaanka shahaadiga ah ee ay dejisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Si kastaba, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana laga soo doortay degaanada Puntland, ayaa 7-dii September sheegay inay ku guuleesteen in ay xaliyaan khilaafka labada dhinac kadib markii ay la kulmeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya. “Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax oo hadlay kadib kulankaas.
-
Gaalkacyo (SMN) – Taliska Ciidanka Booliska Galmudug ayaa sheegay in ay wax weyn kaqabteeen sugidda amniga horumaro balaaranna ay kasameyeen hay’adaha u xil-saaran sidii loo sugi lahaa amaanka guud. Gaashaanle dhexe, Maxamuud Cilmi Gulaafe , oo ka tirsan Taliska qeybta Gobolka Mudug, ayaa intaa raaciyay in ay si aad ah uga feejigan yihiin qatarta ka iman karta Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in ay Boliisku soo qaban doonaan cid kasta oo dil ka geysata Gobolka Mudug iyo guud ahaanba Dalka Soomaaliya, haatan ka horna ay ku guuleysteen in ay Gacanta kusoo dhigaan dambiilayaal baxsad ahaa. “Dawladda Soomaaliya aad ayay saameyn ugu leedahay sugidda nabad gelyada degannada Galmudug oo dhan, waxaan dareemayna in Dawladdu Shacabka ay u tahay Geed ay harsadaan marka la eego waxyaabaha ay ka caawisay maamulka iyo Shacabka Gobolka Mudug”, ayuu yiri Taliyuhu. Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay in ay ka feejigan yihiin weeraro ka yimaad Al-Shabaab oo ka dhaca degaanada kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug. Tani waxay kusoo aadeysaa xili loo diyaar-garoobayo weeraro. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Gudoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ammaan balaaran u jeediyay Xildhibaanada. Mahad Cabdalla Cawad, gudoomiye ku xigeenka labaadee Aqalka Hoose, ayaa sheegay in mudaneyaasha aysan saameyn ku lahayn siyaasadda. Mr Cawad oo warbaahinta la hadlay ayaa daboolka ka qaadey marka ay timaado ansixinta sharciyadda ay Xildhibaanadu isku aragti ka yihiin. Shalay ayay ahayd markii Xildhibaanadda ay ansixiyeen laba xeer oo muhiim ah, kuwaasoo ku saabsan Maaliyadda wadanka iyo warshadaha. View the full article
-
Puntland dowladda Puntland, ayaa Xukuumadda Federaalka federaalka Soomaaliya ku eedaysay, in ay Ardayda Reer Puntland u diidday Shahaadadii dugsiyada sare ee heer Federaalka. Af-hayeenka Xukuumadda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani), oo ka warbixinayay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee Khamiista maanta, ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ku eedeeyay, in ay ka hor istaagtay Deeqihii waxbarasho ee Puntland caalamka ka heli jirtay. Ardayda Puntland ee sannadkan 2019-ka ka baxay dugsiyada sare, ayaa weli qaarkood u xanniban yihiin shahaadada heer Federaal, halka qaar kalena ay Muqdisho ka doonteen. Arrintan ayaa ku salaysan Khilaaf dhanka Waxbarashada oo Puntland iyo dowladda Federaalka ka dhex bilowday, kaddib markii bishii May ee sannadkan ay Puntland qaadacday waxa loogu yeeray Imtixaanka midaysan ee wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Hoos ka daawo muuqaalka Af-hayeenka Puntland PUNTLAND POST The post Puntland: Dowladda Federaalka ayaa dagaal ku soo qaadday Waxbarashada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Southwest state Minister of Justice has denied reports that the prisoners at Baidoa central prison are being subjected to torture. Mohamed Hussein Hassan described the claims as baseless and revealed that the prisoners receive regular skill training and healthcare. Continuing, the minister noted that he is currently working to improve the current situation in the prison. The minister who gave an exclusive interview with Shabelle Radio in the capital Mogadishu urged the local media to check their facts before reporting about the prisons in Baidoa. View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada ee Maanta oo Khamiis ah. Ugu horayn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka warbixiyay howlgalada Ciidamada amaanka iyo Xaalada Ciidamada ku sugan furimaha isagoo xusay in ay hayaan shaqo adag oo ay dadka shacabka ah kaga badbaadinayaan Argagixisada. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in howlgalo ay sameeyeen khasaare adag lagu gaarsiiyay Al-shabaab iyadoo meelaha qaar Ciidamadu ay kala wareegeen. Wasaarada Beeraha ayaa ka warbixisay qaybo kamid ah deegaanada Jubbaland oo uu soo gaadhay Ayaxa ku habsaday qaybo badan oo kamid ah dalka waxaana Wasaaradu ay sheegtay in 20km uu ku habsaday iyadoo meelaha Jubbaland kamid ka ah ee ilaa hada lagu arkay ay tahay Degmada Beledxaawo iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in dadaal loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa. Wasaarada Deegaanka iyo Dalxiiskuna waxaa ay ka warbixisay shir lagaga hadlayay cimilada sii xumanaysa iyo isbadalada ka dhashay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyadoo Wasaaradu ay sheegtay in go’aamada iyo talooyinka shirkaas kasoo baxay ay yihiin kuwo wax badan ka tari kara isbadalka cimilada iyo sidii saamaynteeda loo yarayn lahaa. Wasaarada Dhalinyaradana waxaa ay warbixin ka bixisay Shir lagaga hadlayay shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho si loo yareeyo tahriibka iyo falalka ka dhasha marka dhalinyaradu ay shaqo la’aan ku dhacdo si aan looga faa’iidaysan figradaha cagjirka iyo mukhaadaraadka. Source: goobjoog.com
-
Mayor of Mogadishu, Omar Mohamed Mohamud has on Wednesday chaired weekly security meetings in his office, a move intended to enhance cooperation between public and police. District commissioners and regional security chiefs attended the meeting which focused on ways to beef up the security of the capital out of armed al-Shabaab attacks. The mayor’s office said the district officials presented security reports at the meeting. The mayor has urged the district officials to work towards sustainable security plans in their respective districts. View the full article
-
Askari la sheegay in uu ka tirsanaa ciidanka maamulka Hirshabelle ayaa waxa uu maanta nin shacab ah oo ka mid ah dadka iibiya Kalluunka ku diley suuqa magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe. Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan halka dilkan uu ka dhacay, askariga ayaa ka dalbaday ninkan inuu bixiyo Shan Kun oo shilin Soomaali ah, balse ninkii ayaa u sheegay inaanu hayn lacag, una soo laabto markii ay wax u gadmaan. Askariga ayaa intaasi kadib la tilmaamay in uu madaxa xabad uga dhuftay ninkii ka ganacsanayey Kalluunka, isaga oo halkaasina isaga baxsaday. Xaaladda Jowhar ayaa dilka kadib isbedashay, waxaana isku soo bax sameeyey dadweyne badan oo arrinataasi ka xumaaday. Hay’adaha ammaanka Jowhar ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan askarigii dilkaasi ka dambeeyey, islamarkaana ku dedaali doonaan sidii loo soo qaban lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia and Saud Arabia have signed an agreement aimed at resolving issues regarding Somali pilgrims going to the annual Islamic Hajj each year. Somalia’s religious and endowment affairs Minister, Sheikh Nur Mohamed Hassan who is on a visit to Saudi Arabia has announced the agreement on Wednesday. Hassan said he had reached out to Saudi Hajj and Umrah authorities to ease obstacles faced by Somali pilgrims in 2019. Saudi authorities announced the Kingdom is lifting travel restrictions to citizens from Somalia following talks between the two brotherly countries. View the full article
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa ayaa waxa ay maanta kulankii Labaad Madaxtooyada Hargeysa kula yeesheen guddoomiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Wadani. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha Wadani C/raxmaan Ciiro ayaa kulankaasi kadib warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii laga wadahadlay. Wuxuu sheegay Saylici in la isla gartay 10-01-2020 in laga shaqeeyo lana guda galo qodobadii horey loogu heshiiyey, sidoo kalena laga gudbo caqabadihii ku gadaamanaa doorashooyinka. Waxaa jiray khilaaf xooggan oo ka dhashay doorashooyinka Somaliland iyo muddo kordhinta loo sameeyey goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Kalfadhigii maanta ee Golaha Wasiirada Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa lagaga dooday isla markaana lagu ansixiyey xeerka siyaasada qaran ee maalgashiga. Kalfadhigan ayaa sidoo kale waxa lagaga hadlay xidhiidhka wada shaqayneed ee dalalka Caalamka iyo Hay’adaha, kaasi oo lagu go’aamiyey in Beesha caalamka iyo Hay’adahaasiba ay Somaliland ula dhaqmaan si dal madax banaan. Golaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in Safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland. Golaha ayaa sidoo kale waxa ka digay in Beesha caalamku ay ku xad-gudubto xuduudda dhuleed Somaliland, isla markaana ay mashaariicdooda u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, sida lagu sheegay War-saxafadeed ay Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay Kalfadhiga Golahaasi. Hoos ka aqriso War-saxafadeed ay Madaxtooyadu ka soo saartay Kalfadhigaasi: “Fadhigii 51-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan. Golaha wasiirradu waxay dood dheer ka dib ansixiyeen siyaasadda qaran ee maalgashiga, sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo qoraalka xeerka maalgashiga, waxaana golaha sharaxaad ka siiyey wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo garyaqaanka guud ee qaranka. Dhinaca kale, waxa golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxay mar kale ku celilyeen go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland ee xidhiidhka wada shaqayneed ee dalalka caalamka iyo hay’aduhu inuu yahay in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya. Sidaa awgeed, waa in Safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah. Waxa reebban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan oggolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ee ay khusayso”.
-
Popular Contributors
