-
Content Count
214,073 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
UNITED NATIONS (Xinhua) -- United Nations Secretary-General Antonio Guterres has strongly condemned Saturday's terrorist attack in Somalia's capital Mogadishu, said his spokesman. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (dpa) - Almost 100 people were killed in a truck bombing in Mogadishu on Saturday that left part of the Somali capital littered with destroyed vehicles and rubble. Source: Hiiraan Online
-
Khasaaraha Qaraxii Ex Kantarool oo si rasmiya loo shaaciyay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddiga Gurmadka qaraxii Shalay ka dhacay Ex-control Afgooye, ayaa soo bandhigay xog hor dhac ah oo ku saabsan, Tiradda dhismashada iyo dhaawacyadda la geeyay Isbitaalada Muqdisho. Shaxda Isbitaalada la geeyay Meydadka iyo Dhaawacyada ayaa waxaa ka soo muuqday, Isbitaalada kala ah. Ibitaal Madiina: 73 Meydad ah iyo 67 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka yaala 52 dhaawac ah, halka 15 qofna Isbitaalka laga bixiyay. Isbitaalka Erdugan:4 Meydad ah iyo 33 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka yaala 33 qof, mana jirta qof ilaa iyo hadda Isbitaalka laga bxiiyay. Isbitaalka SomaliSudanes: 1 Meyd ah iyo 16 dhaawacyo ah, waxaa weli Isbitaalka jiifa 10 ruux, waxaana laga bixiyay 5 ruux oo lagu daray, Bukaanada jiifa Isbitaal Erdugan. Isbitaalka Egyptian: Wax meyd ah lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 2, waxaa weli jiifa hal qof, waxaana laga bixiyay hal qof. Isbitaalka Shaafi: wax Meyd ah lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 10 ruux, waxaa weli jiifa 9 qof, waxaana laga bixiyay, hal qof. Kalkaal Hospital: Ma jirin Meyd la geeyay, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 15 ruux, waxaa weli ku jira 4 ruux, waxaana laga bixiyay 11 qof. Isbitaalka Daaru Shifa: Wax Meyda lama geyn, Dhaawacyada waxaa la gaarsiiyay 6 ruux, waxaa weli ku jira 6 qof, mana jiro bukaan laga bixiyay. Wadarta guud ee tirada Dhimashada la geeyay Isbitaalada Muqdisho waxa ay gaareysaa 79 ruux oo meydad ah. PUNTLAND POST The post Khasaaraha Qaraxii Ex Kantarool oo si rasmiya loo shaaciyay appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii Al-Shabaab ay shalay ka fulisay Ex-Control Afgooye, waxa uu muujinayaa in Al-Shabaab looga adkaanayo gudaha magaalada Muqdisho, waxaa sidaas qaba qaar ka mid ah khubarada amniga. “Barta Al-Shabaab ay u doorteen weerarka, oo ah halka Muqdisho laga soo galo ee dhinaca galbeed, waxa uu ka tarjumayaa, sida ay usii wiiqmeyso awoodda Al-Shabaab ay u leedahay inay weeraro u qorsheyso una fuliso sida ay dooneyso” waxaa sidaas yiri Axmed Barre oo ah khabiir dhinaca amniga ah oo la hadlay wakaaladda wararka AP. Amniga gudaha magaalada Muqdisho ayaa bilihii dhowaa aad loo adkeeyey, waxaan ahay’adaha amniga ay soo rogeen tallaabooyin adkayanaya in baabuurta qaraxda lasoo geliyo magaalada. “Waxay u muuqataa in Al-Shabaab ogaayeen in baabuurka ay qaraxyada kusoo xireen uusan soo dhaafeyn barta kantarool, uuna soo gelin karin gudaha magaalada, ayada oo aan la qaban, sidaas darteed ayaga oo garowsan caqabadaha ka horreeya, inay qarxiyaan bar kantarool oo mashquul badan, si ay awood u muujiyaan, wuxuu u muuqdaa go’aan macquul ah” ayuu yiri Axmed Barre. Wixii ka dambeeyey markii dowladda ay xirtay waddooyinka laga soo galo magaalada, islamarkaana la kordhiyey ciidamada sirdoonka ah ee magaalada ka dhex shaqeeyaa, waxaa si xooggan hoos ugu dhacay qaraxyadii iyo dilalkii gudaha magaalada. Horraantii bishan, weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hotel SYL, oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sidoo kale muujiyey sida ay hay’adaha amniga uga hortageen qaraxyadii baabuurta. Al-Shabaab oo sida caadiga ah hoteellada ay galayaan marka hore ku dhufan jiray qarax baabuur, kadibna gali jiray, ayaa Hotel SYL waxay galeen ayaga oo socda oo lugaynaya, taasi oo yareysay qaraxyadii. Inkastoo oo gelista hotel sidaas ugu dhow madaxtooyada aysan tilmaam wanaagsan ka bixineyn xaaladda amniga magaalada, haddana xaqiiqda ayaa ah in qaraxyada baabuurta ay yihiin kuwa inta badan sababa khasaaraha ugu badan, taasi oo hadda u muuqata in ugu yaraan gudaha magaalada laga xakameeyey. Si kastaba, dhimashada boqol qof ku dhow, ma ahan wax guul laga sheegan karo, waana in dowladdu ballaarisaa xeenadaabka ay amnigiisa sugto, si looga wada adkaado Al-Shabaab.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay sharciga doorashada ee dalka. Sharcigan ayaa waxa uu qorayaa in doorasho qof iyo cod ah lagu qabto deegaan doorasho-kasta, walow aanay caddayn tirada la ogolyahay inay codeeyaan. Madaxweynaha ayuu sharcigu qorayaa inay dooran doonaan xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare, halka Ra’iisul Wasaaraha uu soo magacaabi doono xisbigii ku guulaysta aqlabiyadda baarlamaanka. Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, gudoomiyaha Xisbiga Garsoor oo ka mid ahaa xildhibaanaddii ansixiyay sharciga doorashada ee dalka, ayaa sheegay in marlkii hore shanta dowlad goboleed iyo dowladda dhexe ku heshiiyeen shantii bishii June ee 2018-kii, doorashada nooca isku dheeli tiran ee liiska kaasi oo ay xisbiyada kaliya ogyihiin balse shalay lama ansixin noocaasi. Balse Su’aasha taagan ayaa ah sidee ayay doorasho qof iyo cod ah ku dhaceysaa iyadoo la tix galinayo nidaamka 4.5? ”Arrintaasi waxaa looga fadhiyo iney xisbiyada ilaaliyaan, marka horeba waxaa sanduuqyada la geeynayaa deegaanada kala duwan ee dalka oo dadkaasi ayaa dooranaya qofkii iyaga baarlamaanka ku matali lahaa, marka qof kale ma iman karo oo aan deegaankaasi u dhalan sidaas ayaan lagu ilaalinayaa nidaamka 4.5”. ayuu yiri Xidhibaan Zakariye Sharcigan oo shalay la marsiiyay akhrinta 3aad ayay Xildhibaannada si weyn uga doodeen qodobka 53aad ee sharciga oo dhigaya haddii duruufi amni, xaalado aafooyin dhacaan iyo arrimo farsamo doorashada dib ugu dhacdo in lix bilood muddo kororsi ay dhici doonto. Qodobkan ayaa ahaa mid si weyn Xildhibaannada uga soo horjeedeen, waxaana ay soo jeediyeen in laga saaro qodobkan gebi ahaantiisa. Codbixin golaha ay geliyeen waxaa ogolaaday 171 xildhibaan, waxaa diiday 5 xildhibaan, 2 xildhibaan ayaa ka aamustay, tirada guud waxaa ay ahaayeen 178. Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in Xildhibaannada ay si buuxda u meel mariyeen sharcigii ay dib u eegista ku sameeyeen Guddigii Baarlamaanka u saaray waxaana nidaamkan sharcigan uu yahay nidaamka aqbaliyadda badan. Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo sharcigan loo gudbiyo, si loo ansixiyo. Inkastoo ay xildhibinada golaha shacabka ay ansixiyeen sharciga doorashada ee dalka guddiga suurtagal ma tahay in doorahso qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya? Xasan Sheikh Cali oo wax ka dhiga mid ka mid jaamacadaha Muqdisho, kana mid ah dadka darsa siyasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in doorasho qof iyo cod ah ay ka horeeyaan in marka hore waxyaaba badan la qabto. “Hadii xaalka Soomaaliya sii ahaado sida u hadda uu yahay ilaa iyo Bisha Juun 2020, markaas suurta-gal ma ahan in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod, sababta oo ah gebi-ahaanba waxaan jirin qof talada Soomaaliya gacanta ku haaya oo doorasho qabta, sidaas oo kale ma jiro degaan nabad ah oo aay suurta-gal- tahay in dadka Soomaaliyeed si nabad ah codkooda ugu dhiibtaan,”ayuu yiri Xassan Cali oo xirirka caalamiga ka dhiga jaamacadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho. Waxaa kale oo uu sheegay in loo baahan- yahay in la yara qurxiyo qaabkii ama habkii doorasho ee dadbanaa ee la isticmaalay doorashadii kol hore ee 2016/2017. “Saamileeyda siyaasadda Soomaaliya oo aan heshiis ku ahayn qaabka doorashada (Dowlada Dhexe, Maamul Goboleedyada, Xisbiyada siyaasadda, dadka Soomaaliyeed ee daneeya siyaasada iyo beesha caalamku), way adag tahay, waaa in aay ku midoobaan hal-aragti, hadii la waayo, aragti-midaysan suurta-gal ma ahan in aay Dalkaan doorasho ka dhacdo”, ayuu raaciyay. Inkastoo guddiga doorashooyinka madaxabanaan ee Soomaaliya uu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah, dadka qaarna ay su’aal gelinayaan arrintaas iyo xalaalnimada ayaa hadana waxaana la ogeyn sida arrintaas ay isugu waafaqi doonaan dhinacyada siyaasadda oo ku kala boodsan arrima badan oo ay ka mid tahay qaabka Dowladda ay ula dhaqanto maamul goboleedyada iyo siyaasadda haatan ay Dowladda ku maamusho dalka. Isha: BBC
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay booqday xarunta gurmadka degdegga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee Muqdisho. Khayre oo xarunta gurmadka kula kulmay guddiga gurmadka ee shalay uu magacaabay iyo dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, ayaa ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan ee loogu gurmanayo dhibanayaasha, waxuuna kula dardaarmay inay dadaalkooda dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo. Xarunta gurmadka degdegga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dadaallada gurmadka dhaawacyada, iyadoo dhaawacyada xaaladoodu ay aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel dalka dibaddiisa ah si loo badbaadiyo. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in aan la aqbali karin in si joogto ah loo xasuuqo Shacabka ku nool Muqdisho dowladdana aysan waxba ka qaban. Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay abaabuli doonaan Shacabka Soomaaliyeed si looga hortaggo weerarada abaabul ee ka dhaca Muqdisho. Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kunool Muqdisho in ay fadhiga ka kacaan si wax looga qabto Xasuuqa ka socda Muqdisho oo ay Qaraxyadu ugu horreeyaan. “Madaxda ka shaqeysa magaalada Muqdisho qaarkood Al-Shabaab ayaa soo xula waan wada ognahay, dowlad kuma noqonkarno sidaan, ummadda Soomaaliyeed ha u istaagto” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed. Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho illaa hadda ma jirto cid si gaar ah u sheegatay masuuliyadda Qaraxaasi.Shacabka Somaliyed ayaa waxa ay la kulmayaan dhibaatooyin amnidaro oo aysan jirin cid isku hawleysa amnigooda.
-
Madasha Xisbiyada Qaran oo war kasoo saartay qaraxii maanta
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa caawa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ugu horey tacsi ugu direen ehellada dadkii ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho, kaas oo inta la xaqiijiyey ay ku geeriyootay 79 qof, halka dhaawacyaduna ay kor u dhaafayaan 120 ruux. Madasha ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeysay inay ku fashilmeen istaraatijiyada sugidda amaanka dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay sheegeen in dowladdu ay bur-burisay hey’adeheedii amniga, isla markaana xanibtay isusocodka dadweynaha, taas oo ay ku macneeyeen mid sii badinaysa khasaaraha dadka shacabka ah iyo bur-burka hantidooda. War-saxaafadeedka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in la joogo maalinkay isku gurman lahaayeen oo kuwooda bad qaba ay is garab taagi lahaayeen walaalaha ku wax yeeloobay xasuuqii ay Al-Shabaab ka geysteen Muqdisho. Ugu danbeyntii war-saxaafadeedka Madasha ayaa dowladda federaalka loogu baaqay inay la timaado istiraatiijiyad ka duwan tii sedaxdii sano ee lasoo dhaafay lagu fashilmay ee horseeday in kumanaan shacab Soomaaliyeed ah ay ku naf waayaan weerarro laga hor tagi karay. “Waa in dowladdu ogaato inay masuul ka tahay sugidda amaanka dhamaan umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey war-saxaafadeedka Madasha Xisbiyada Qaran. Halkan hoose ka akhriso. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliy,a oo tacsiyeynayey dadkii ku waxyeeloobay qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhankoodana uu u tacsiyeynayo laamaha amiga iyo madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasarae Kheyre. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in sababta uu ugu tacsiyeynayo ay tahay inay gabeen ilaalinta shacabka la xasuuqayo maalin walba, taas bedelkeedna uu madaxweynihii kaligii la daalaa dhacaayo, sidii uu u sugan lahaa amnigiisa. “Waxaan rabaa inaan u tacsiyadeeyo hey’adeheena amniga, waxaan u tacsiyeynayaa Ra’iisul wasaareheena, waxaan u tacsiyeynayaa madaxweyneheena oo runtii waxaan tacsi aheyn kari waayey dadka la xasuuqayna ay iyaga amni ka sugayeen, madaxweynihiina uu isku soo koobay sidii uu u sugan lahaa aminigiisa oo xeyndaabkii madaxtooyada uu ku xirto dhagax iyo ciidan” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka jeesatay shaqadii loo igmaday oo dagaalkii la rebay inay ku qaadaan cadawga ay u weecisay maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan, isla markaana ay bedeleen caqiidadii ciidamada qaran oo ay ka dhigeen kuwo ilaalinaya nidaamkooda oo aan shacabka u adeegin. “Waxaan rabaa inaan fariin u diro madaxda qaranka oo dhaho ciidamadii waad marin habaabiseen, waxaad ka duwdeen shaqadii la rabay inay qabtaan, taasina waxay keentay in maalin kasta ay argagixisadu goosato qeyb dhan oo dadkeenna ka mid ah, marka waxaan leeyahay ciidamadu waa inay shaqadooda aqoonsadaan oo shacabka difaacaan siyaasadana faraha kala baxaan Taliyaasha hoggaamiyana ay sidaas sameeyaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan Fiqi. Madaxweynaha ayuu kula taliyey inuusan marin habaabin ciidamada qaranka iyo hoggaankooda isagoo fiirinaya siduu kursigiisa ugu ilaashan lahaa. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in markii uu dhacay qaraxii soobe madaxda hada hoggaamisa dowladda loogu sheekeeyey in dad ka yar 30 qof ay ku dhinteen qaraxa, isla markaana iyagoo hubsan ay fagaaraha lasoo istaageen ‘waxaa dhimatay 30 qof oo kaliya’ si lamid ah taasna uu hada filayo in wali beentii loo sheegayo madaxda oo aysanba ka war qabin khasaara ka dhashay qaraxii saakay iyo dadka la xasuuqay.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-___-Qumanha-28122019.mp3 View the full article
-
MOGADISHU (Reuters) - At least 90 people were killed when a bomb-laden truck exploded at a busy checkpoint in the Somali capital Mogadishu on Saturday, an international organisation working in the country said, in the deadliest attack in more than two years. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho. Taliyaha ayaa sheegay inay xaqiijiyeen dhimada 79 ruux, halka dhaawacyada uu ku sheegay in ka badan 100 qof, isgoo uga tacsiyeeyey ehelada dadkii dhintay ku dhaawacmayna u rajeeyey inuu Alle caafimaad siiyo. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in saakay markii uu dhacay qaraxaas ay durba goobta gaareen, halkaas oo uu sheegay in mudo kadib uu uga daba tagay guddoomiyaha gobolka Cumar Filish, oo warbaahinta la hadlay xilli uu garab taagnaa taliyaha boolisku. Guddoomiye Cumar Filish oo ka war bixinayey sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay qaraxaas, ayaa Taliye Xijaar oo garabkiisa taagnaa waxa uu ka dalbaday inuusan sheegin tirada dhimashada ka dhalatay qaraxa, taas oo sababtay in guddoomiye Filish uu ku adkeysto sheegidda in ka badan 90 qof oo dhaawacmay qaraxa. Taliyaha oo markii uu sidaas faraayey guddoomiyaha ka soo muuqday warbaahinta sidoo kalena codkiisa la maqlayey ayaa sheegay in arrinkaas uu kala jeeday oo kaliya in la hubiyo khasaaraha ka dhashay qaraxa, si buu yiri shacabka loogu gudbiyo warbixin dhameys tiran. Xildhibaanada iyo shacabka qaar ayaa ku eedeeyey dowladda inay qarineyso khasaaraha shacabka, “si ay u daboosho fashilka dhanka amniga”. Hoos ka daawo taliya Xajaar
-
Muqdisho (SMN) – Dawladda Turkiga ayaa gargaar deg deg ah u soo dirtay Soomaaliya, kadib dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Diyaarad millatariga dalkaasi leeyahay ayaa goordhaweyd oo maanta ah ka soo duushay magaalada Kayseri, iyada oo sida gar gaar deg deg ah oo loogu talagalay dadka waxyeelada soo gaartay. War ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in magaalada Kayseri ay ka duushay diyaarad ay leeyihiin ciidanka Turkiga taasi oo sida gargaar lagu caawinayo dadkii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay qaraxii maanta ee Ex-Control Afgooye. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadirm ahaana Duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Qaraxii saakay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho. Taabit Cabdi ayaa sheegay inuu murugada la qeybsanayo Ehelada dadkii shacabka ee Maanta ku waxyeeloobay Qaraxii Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, isagoo tacsi u diray dadkii halkaas ku geeriyooday, halka ku dhaawacmay uu Alle Caafimaad uga baryay inuu siiyo. Isaga oo la hadlaayay Warbaahinta Dalsan, ayuu Taabit Cabdi Maxamed shacabka iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda ugu baaqay inay gurmad deg deg ah u sameeyan dadkii ku dhaawacmay Qaraxaas, isla markaana ay dhiig u shubaan dadka. Taabit ayaa tilmaamay in qorshihii Amniga ee Dowladda Soomaaliya ay muuqato inaan loo fulin sidii loogu talagalay. Taabit ayaa ku baaqay in si deg deg ah wax looga badalo qorshasha Amniga ee Dowladda Soomaaliya isla markaasna la fiiriyo Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana ku geeriyooday 79 ruux, iyadoona ay ku dhaawacmeen 125 qof, waxaana ku jiray Arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir. Halkaan hoose ka daawo wareysiga Thaabit
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa caawa booqday dhaawacyada dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye. Gudoomiyaha oo ay la socdeen xubno katirsan xillibaanadda barlamaanka ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ku jira cispitaalka Digfeer ee Muqdisho. Maamulka cispitaalka Digfeer ayaa gudoomiyaha uga warbixiyay dhaawacyada la soo gaarsiiyay cispitaalka, tiradda dhimashada iyo inta dhaawaca ah, waxaana maamulka cispitaalka ay gudoomiyaha u sheegeen in berri subixii ay diyaarad gaar ah imaan doonto lana qaadi doono dhaawacyada culus ee aan Digfeer wax looga qaban karin , Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa booqashada iyo warbixinta kadib u mahad celiyay maamulka iyo howl-wadeenada caafimaadka ee Digfeer sida ay isugu howleen caafimaad qabka dadka dhaawacyadu ay soo gaareen isagoona dhanka kale mas’uuliyiinta turkida ah kaga tacsiyadeeyay labo kamid ah muwaadininta u dhalatay dalka turkiga oo iyana ku dhintay qaraxa. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, oo ay wehliyeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Mudane Cabdullaahi Xaamud Maxamed, ayaa maanta oo Sabti ah, waxa ay booqdeen dadka ku dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay isgoyska ex-control Afgooye. Wasiir Cawad waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadka dhibku ka soo gaaray weerarkani bahalnimada leh, isagoo u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay bogsasho degdeg ah, waxaana uu sii xoojiyay adkaysiga shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto argagaxisada, iyadoo adkayn doonta nabadgelyada dadkeeda. Intii uu ku guda-jiray booqashadiisa Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan, oo hore loogu yiqiin Isbitaalka Digfeer, ayaa Wasiirku waxa uu kula kulmay Safiirka Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz iyo Agaasimaha Isbitaalka, Dr. Aşır Eraslan, isagoo uga tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Turkiga geerida laba injineer Turki ah oo ku naf-wayday weerarkani dhiigga badan ku daatay. Wasiirka waxa kale oo uu la kulmay guddi xukuumadeed oo loo xilsaarray in ay u gurmato dadka is-qarxintani argagaxiso ku waxyeelloobay, si kuwa dhaawacoodu culusyahay ee dalka lagu daweyn-kari waayay ugu qaado dalalka aanu walaalaha iyo saaxiibada nahay si loogu soo daweeyo.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 80 qof. Wasiir Cawad ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadka dhibku ka soo gaaray weerarkaas, isagoo u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay bogsasho degdeg ah, waxaana uu sii xoojiyay adkaysiga shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto argagaxisada, iyadoo adkayn doonta nabadgelyada dadkeeda. Intii uu ku guda-jiray booqashadiisa Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan, oo hore loogu yiqiin Isbitaalka Digfeer, ayaa Wasiirku waxa uu kula kulmay Safiirka Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz iyo Agaasimaha Isbitaalka, Dr. Aşır Eraslan, isagoo uga tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka Turkiga geerida laba injineer Turki ah oo ku naf-wayday weerarkani dhiigga badan ku daatay. Wasiirka waxa kale oo uu la kulmay guddi xukuumadeed oo loo xilsaarray in ay u gurmato dadka is-qarxintani argagaxiso ku waxyeelloobay, si kuwa dhaawacoodu culusyahay ee dalka lagu daweyn-kari waayay ugu qaado dalalka aanu walaalaha iyo saaxiibada nahay si loogu soo daweeyo. PUMTLAND POST The post Soomaaliya oo Turkiga uga tacsiyeysay Injineero uga dhintay weerarkii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Habeen-28122019-sax.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
