-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Galmudug, ayaa maanta shaaciyay Shuruudaha laga doonayo musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Golaha Wakiilada Maamulkaasi. Shuruudaha Guddiga waxa kamid ah; in qofka tartamaya leeyahay tacliin gaarsiisan Shahaado jaamacadeed ama waaya-aragnimo u dhiganta iyo in uu leeyahay ugu yaraan 5 sano oo waaya-aragnimo hoggaamineed iyo mid maamul ah. Sidoo kale, Shuruudaha waxa ku xusan in Tartamuhu uusan gelin fal-dambiyeed uu ku mutaystay xukun maxkamadeed iyo in uu Guddiga Doorashada u soo gudbiyo Taariikh nololeedkiisa. Musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoonka Baarlamanka Galmudug, ayaa laga doonaya in ay barnaamijyadooda siyaasadeed u soo bandhigaan xildhibaannada cusub ee Galmudug ka hor inta aysan dhicin Doorashada Guddoonka. Dhinaca kale, Musharixiinta Guddoomiyaha, ayaa laga rabaa in ay bixiyaan lacag dhan $ 10, 000 Dollar, Musharrixiinta Guddoomiye ku xigeenka kowaad ayaa Iyana laga doonaya $5,000 oo Dollar, halka kuwa Guddoomiye ku xigeenka labaadna laga rabo $2500 oo Dollar. PUNTLAND POST The post Shuruudaha Musharrixiinta Guddoonka Baarlamanka Galmudug oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ay shaaciyeen shuruudaha laga doonayo qofka u tartamayo xilalka guddoonka baarlamanka Galmudug. Shuruudaha guddiga ay soo saareen, oo ka kooban 8 qodob, ayaa waxaa ugu muhiimsan in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda deegaannada Galmudug, sidoo kalena uu heysto shahaado Jaamacadeed ama wax u dhigma. Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah in ugu yaraan in uu leeyahay shansano oo khibrad hoggaamin maamul ah iyo inuusan gelin fal dambiyeed uu ku muteystay xukun maxkamadeed. Musharaxa guddoomiyaha ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa lacag 10,000 oo dollar ah, halkan musharaxa guddoomiye ku-xigeenka koowaad laga rabo 5,000, ayada oo kan labaadna laga doonayo 2,500. Hoos ka akhriso shuruudaha xilka guddoonka baarlamaaka Galmudug.
-
Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay Sharciga Saxaafadda dalak, oo ay hor geysay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya. Kulanka lagu ansixiyay Sharcigaan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda Warfaafinta. Kadib dood dheer oo Goluhu ka yeeshey sharcigaasi warbaahinta iyo sidii loo ansixin lahaa ayaa ugu dambeyntii, waxay isku raaceen in si rasmi ah loo meel mariyo. Wasaaradda warfaafinta, ayaa sheegtay in Sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay warbaahinta dalka, waxaana horay u soo ansixiyay xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta ansixiyay sharciga saxaafadda dalka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa kasoo horjeestay isku day la doonayo in lagu tuuro eedeymaha xil-ka-qaadis ee ka dhanka ah madaxweyne Trump, ayada oo aan la maxkamadeyn. Aqalka Wakiilada e Dimoqraadiga ay maamulaan ayaa la filiyaa inuu qodobada xil-ka-qaadista u gudbiyo Senate-ka, halkaasi oo Mitch McConnell oo hoggaamiya uu wacad ku maray inuu gacan ka gaysan doono sidii dambiga loogu weyn lahaa Trump, oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga. Trump ayaa Axaddii sheegay in maxkamadeynta Senate-ka ay Dimqoraadiga siin doonto sharciyad ayna xaq u lahayn, isaga oo muujiyey inuu doonayo in kiiska lagu gacan seero, ayada oo aanay maxkamadeyn dhicin. “Ma jiraan wax dano ah oo Senator-ada Jamhuuriga ka leeyihiin inay ku gacan seeraan eedeymaha Aqalka Wakiilada,” Waxaa sidaas yidhi Senator Roy Blunt. “Ma taageeri doono mooshin ku gacan seerid ah,” waxaa isna sidaas yidhi Senator Mitt Romney, oo intaas ku daray “Xilligan, eedeymaha waa kuwa culus oo u qalmo in la eego, lana dhageysto cidda diidan iyo cidda taageersan.” Aqalka Wakiilada ayaa bishii tagtay u codeeyey dacwad xil-ka-qaadis oo ka dhan ah Trump, taasi oo saldhig looga dhigay laba qodob oo kala ah; inuu ku takri falay awooddiisa, iyo inuu is-hortaag ku sameeyey Congress-ka. REUTERS Source
-
Somaliland: Central Bank Launches E-shilling For Civil Service Pay The Somaliland Central Bank in conjunction with the Civil Service Commission and the ZAAD Service of Telesom, have launched the e-shilling system for civil servants pay. Launching the programme, the Somaliland Vice-President, Abdirahman Abdillahi Ismaciil, “Saylici” praised the work carried out by the three organizations and lauded the joint co-operation between the private and public sector. Civil Servants across Somaliland will now be able to receive their wages on time and in full via the ZAAD service of Telesom. Somaliland has been steadily moving towards a cashless financial sector thanks to the communications services provided by companies such as Telesom, Somtel and many others. It has been possible to send remittance, receive pay and pay bills electronically for quite sometime in Somaliland. It now appears that the Somaliland government has committed to these new services. Qarannews.com Qaran News
-
Warbixin ka soo baxday xafiiska isku xirka arrimaha bani’aadanimada ee OCHA, ayaa lagu sheegay in Malaayiin ruux oo Soomaali ah xilligaan ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimno oo dhameystiran. OCHA ayaa shaaca ka qaaday in dad gaaraya 5.2 Milyan xilligan ay wajahayaan macluul baahsan, islamarkaana ay u baahan yihiin waxyaabaha aas aasiga u ah nolosha aadanaha. Sidoo kale OCHA ayaa warbixinta ay soo saartay ku sheegtay in 1.7 Milyan oo ruux oo ka mid ah dadkaasi ay ka barakiciyeen colaado, abaaro iyo fatahaado isbiirsaday. OCHA oo xiganeysa hay’ada cunada aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano FAO ayaa sheegtay in dhul beereed gaaraya 70 kun oo hectar uu dhibaateeyey xayawaanka Ayaxa loo yaqaano oo magaalooyin fara badan deegaansaday tan iyo dhamaadkii 2019-kii, taasina ay dhibaato ku noqotay beeraleyda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn OCHA ayaa deeq bixiyeyaasha caalamka iyo dowlada Soomaaliyeed ugu baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmado dadkaasi dhibaateysan. View the full article
-
Siyaasiga caanka ah ee Faysal Cali waraabe ayaa sheegay in dhowaan isaga iyo Madaxwaynaha Somaliland uu gacan ka hadal dhexmaray, mar uu warbaahinta uga warramayey qodobadii guddiga dhex dhexaadintu ay ka soo saareen komiishanka lagu muransan yahay oo ay isku afgaran waayeen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, Fayal Cali Waraabe ayaa xusay in Madaxweynuhu uu Waalid cadaabay, gacan qaadna ugu daray sida uu hadalka u dhigay. Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah nin aan inta badan waxba qarin ayaa sidoo kale sheegay in Muuse Biixi uusan ogoleyn isla xisaabtan taasina ay tahay caqabad. Halkan hoose ka dhagesyo Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Soofe-1.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Dalka Cuman ayaa waxaa uu kulan la qaatay Suldaanka Cusub ee dalkaas Suldaan Haitham bin Taymur. Madaxweyne Farmaajo oo halkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada dheer Suldaan Qaboos bin Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan kuna geerioyoodey da’da 79 jir. Madaxweynaha Farmaajo ayaa Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan iyo Shacabka dalkaas waxaa uu uga tacsiyadeeyey geerida Suldaan Qaboos bin Saciid isagoo Marxuumkana Alle uga baryey in uu Naxariista Jano in uu siiyo. Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa maalmo barooq-diiq ah oo looga dhawaaqay dalkaas kadib geeridii Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Suldaanka cusub ee dalka Cuman appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay deegaanka Mirxaley oo u dhexeeya degmooyinka Caabudwaaqo iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo u dhexeeyey labo maleeshiyo Beeleed ayaa yimid, kadib markii ay isku qabeen labada dhinac barkad biyood laga qodayey deegaankaasi. Ugu yaraan illaa afar ruux ayaa ku dhimatay dagaalkaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli goobihii lagu dagaalamay isku hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan oo dhaliyey khasaare nafeed ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online. Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa dadka deegaanka Ceelasha Biyaha waxa ay sheegeen in lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaalo u ahaa saraakiisha Turkiga ee ku howlan dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, mid kalena uu ku dhaawacmay ,kaas oo loo soo qaadey magaalada Muqdisho. Qaraxa markii uu dhacay ayaa waxaa la sheegay in ciidamada dowladda ay fureen rasaas badan, taas oo aan la sheegin inay geysatay wax khasaaro ah oo kasoo gaarey dadka shacbaka ah. Wadada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa inta badan waxaa qarax lagula eegtaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Amisom, kuwaas oo waxyeelo kasoo gaartay. Kooxda Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in qaraxyada ay dooneyso inay ku joojiso dhismaha waddada. Qarax 28-kii bishan ka dhacay Ex-Control Afgooye, ayaa waxaa ku dhintay 81 qof oo badankood shacab ah, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 140 kale.
-
Shirweyne looga hadlayo arrimaha fatahadaha iyo saameynta ay reebaan ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Shirka oo socon doono muddo hal maalin ah ayaa waxaa kaqayb galaya madaxweynayaasha Koonfur Gableed, HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale. Sidoo kale waxaa shirweynahaan goob joog ah safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka socda beesha caalamka Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga tashan doonaa sidii xal waara loogu heli lahaa fatahadaha ay sameeyaan wabiyada Shabelle iyo Jubba. Qabsoomida shirkaan ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya Sh/Hoose ayaa sheegaya in maanta dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab laga dareemayo gobolkaasi. Dhaq dhaqaaqyada ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda ay dib uga soo baxeen deegaanka Tooratoorow oo shalay ay si nabdoon kula wareegeen. Ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab ayaa intii ay ku sugnaayeen halkaasi waxa ay ka sameeyeen howlgallo ballaaran oo ay ku soo qabteen sida la sheegay madaxii Garsoorka ee dagaalyahannada Al-Shabaab. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaas oo 75 KM ujira degmada Awdheegle. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka qarxo halkaasi. Tooratoow oo ah deegaan istiraatiiji ah ayaa in muddo ah waxaa gacanta ku hayey Al-Shabaab, waxaana ugu yaalla maxkamado iyo goobo ay lacago ku qaadaan. View the full article
-
Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay deegaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay ciidamo galbinayey Injineero Turki ah oo dhismo ka wada waddada Muqdisho iyo Afgooye. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay hal qof, mid kalena uu ku dhaawacmay, kuwaas oo ahaa dad rayid ah. Dr Amiin Sama Kaab oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/cod-cabdiqani-qaraxa.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-14012020.mp3 View the full article
-
Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed Cali, ayaa sheegay in haddii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u arko in isagu u qalmo billadda Nabadda Adduunka ay la gudboon tahay inuu dacwad u gubbisto guddiga caalamiga ah ee abaalmarinta billadda nabadda adduunka ee Nopel Peace. Hadalkaas ayaa jawaab u ahaa, war ka soo yeeray Mr Trump oo ku saabsanaa in isagu u xaq lahaa abaalmarintii Nabadda, laakiin la hareer mariyey, inkastoo Trump uusan xusin magaca qofka la siiyay, balse hadalkaas ayaa u muuqday mid hoos u dhigayey in Ra’iisal wasaaraha Ethiopia uu u qalmo iyo in kale Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019. Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, wuxuu sidoo kale sheegay in uusan waxba ka ogayn heerarka ay soo martay iyo sababaha ay guddigu ugu doorteen in isaga la siiyo billadda nabadda adduunka. Balse, uu ogyahay oo kaliya in bulshada caalamku ay ku amaaneen qaabkii uu waddankiisa Ethiopia u hirgeliyay heshiiskii nabadeed ee ay Ethiopia la gashay dalka deriska la ah ee Ereteriya oo ay mudo dheer ka dhex aloosnayd colaad raagtay oo galaafatay nolosha kumanan qof oo u kala dhashay Ethiopia iyo Ereteriya, taasoo god dheer ku riday xiriirkii labada shacab. PUNTLAND POST . The post Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-London)-Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay wareeg kale oo sharci ah oo ka dhan ah dowladda Jabuuti oo ku aadan dekeda Doraleh. Maxkamaa Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee London ayaa ku amartay Jabuuti inay soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka iyada oo la raacayo heshiiskii 2006 ee DP World iyo Shirkadda Doraleh ama laba bilood gudaheed ku bixiso magdhow. Khabiir madax-bannaan ayaa ku qiyaasay khasaaraha shirkadda DP World in ka badan $ 1 bilyan. Maxkamadda ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku kacday arrin sharci darro ah markii ay si khasab ah uga saartay shirkadda DP World maarayntii dekedda Doraleh bishii Feberaayo 2018. Shirkadda DP World ayaa hadda ka sugaysa Jabuuti inay u hogaansaanto xukunkii sharci ee ugu dambeeyay. 22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii. Source
-
(SLT- Masqad)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Masqad ee Caasimadda dalka Cummaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu gaadhay halkaas saacado kadib waxaa uu kulan la qaatay Suldaanka Cusub ee dalkaas Haitham Bin Daariq Ataymur, wuxuuna uga tacsiyadeeyay geerida Suldaan Qaabuus Bin Saciid. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu suldaan Haitham Bin Daariq u rajeeyay inuu Cummaan ku hogaamin doono cadaalad, isla markaana uu ka shaqeyn doono horumarka dalkaas. Magaalada Masqad ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa gaadhay Madax ka socota dalalka Carabta, kuwaasi oo ka qeyb galaya Tacsida qaran ee u taalada dowladda Cummaan iyo shacabkeeda, kadib markii maalmo kahor uu geeriyooday Suldaan Qaabuus Bin Saciid oo muddo xukumayay dalkaas. Source
