-
Content Count
214,051 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee M/ Muqdisho. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 15 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga. Dadka dhintay ayaa isugu jira Askar, Injineero Turki ah, arday la socotay gaari Bus-ah iyo dad kale oo shacab ah oo xilligaas ku sugnaa meesha uu qaraxu ka dhacay. Sidoo kale waxaa goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho la dhigay dad badan oo waxyeelo ay ka soo gaartay weerarkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ku sugan saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaano ka wada halkaasi. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo saakay ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasare kala duwan. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, islamarkaana la sheegay inuu waday qof is miidaamiye ah, ayaa ku qarxay goob ay dadweyne iyo askar dowladda ah ku sugnaayeen, waana Isgoyska Ex-control Afgooye. In ka badan 10 qof ayaa ku dhimatay qaraxan, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah. Isbitaallada magaalada Muqdisho ku yaalla ayaa lasoo gaarsiiyey meydadka iyo dadkii ku dhaawacmay qaraxan, waxaana weli socda dedaalka dadka dhaawacmay loogu gurmanayo. Dadka waxyeellada soo gaartay ayaa isugu jira Arday Bas saarnaa, ciidan ku sugnaa halka lagu qaado canshuurta, injineero la sheegay iney Ajnabi yihiin balse dalalkooda iyo waxa ay qabanayeen aan la shaacin iyo shacab kale oo halkaasi ka dhowaa. Sidoo kale, waxaa jira waxyeello soo gaartay dad shacab ah oo xaafahadooda ku sugnaa, iyadoo lasoo sheegayo in ay jiraan guryo badan oo ku dumay dadkii deganaa. Dhanka kale, khasaare maaliyadeed ayaa lasoo warinayaa in halkaasi ay ka dhalatay, waxaana gubtay gaadiid iyo Kaalin shidaal oo halkaasi ku taallay. Laamaha ammaanka magaalada Muqdisho weli wax faah faahin ah kama aanay bixin qaraxan, balse waxaa socda baaritaanno ay hay’adahan wadaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxii ismiimaadiinta ahaa ee saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20 qof, siday Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah labo Injineer oo Turki ah iyo seddex askari oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo la socday gaari nooca aan xabada karin oo marayey halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka weerarka uu ahaa iyagu, waxaana sidoo kale meesha ka agdhow xarun canshuuraha looga qaado gaadiidka isaga kala goosha waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaas oo goobta ku sugnaa. Khasaaraha ugu badan ayaa wuxuu soo gaaray dad shacab ahaa oo isugu jiray arday jaamacadeed oo la socday gaari Bus- ah iyo kuwa kale oo qaraxa la kulmay. Weli saraakiisha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya kama hadlin qaraxaan, waxaana goobta ku sugan ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed. Tan iyo markii la bilaabay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxaa waddadaan ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu qaaday Injineerada dhisaya waxaana sheegatay kooxda Al-Shabaab oo marar isku dayday inay is hortaagto dhismaha jidkaasi.
-
Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay, in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay Isgoyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goob-joogayaal. Qaraxa ayaa sida la xaqiijiyay waxa fuliyay qof ismiidaamiye ah oo watay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa, kaasi oo la beegsaday goob ay canshuuraha ku qaadaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Ex Kantarool Afgooye. Goobta ayaa la sheegayaa in ay aad mashquul u ahayd xilliga qaraxu ka dhacay, taasi oo keentay in khasaare u badan dad rayid ah uu ka dhasho qarax halkaasi, inkastoo aan weli si rasmiya loo hayn khasaaraha dhabta ah. Wararku waxay sheegayaan, in dadka dhintay ay ku jiraan shaqaale Turkiya oo dhisayay adada Xariirisa Muqdisho iyo Afgooye iyo ciidan ilaalo u ahaa shaqaalahaasi. PUNTLAND POST The post Ugu yaraan 15 ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankaan oo qeyb ka ah Kalfadhiga lixaad ee golaha ayaa xildhibaanadu waxa ay akhrintii ugu dambeysa ee saddexaad ku marin doonaan hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka. Hindise sharciyeedkaan ayaa waxaa horay xildhibaanada BFS u soo mariyeen akhrinta koowaad iyo labaad. Sharcigaan ayaa haddii la ansixiyo sidoo kale wuxuu muhiim u yahay doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa saacadihii la soo dhaafay sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku dilay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobobolka Banaadir. Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee maagaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkaasi, waxaana ay tilmaamtay in xoogagii fuliyey ay si aayar ah uga baxsadeen goobta. Sidoo kale warka ka soo baxay kooxda Al-Shabaab lagu sheegay in sarkaalkaasi lagu magacaabi jiray Muxamed Isxaaq, islamarkaana uu ka howlgalayey xerada Iskuul Boliisiya, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca sarakiisha ciidamada ammanaka, gaar ahaan kuwa Booliska oo ku aadan dilkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada askarta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo u geysata dilal qorsheysan. Dhowaan ayey aheyd markii labo askari ay ku dishay xaafadda Suuq Bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
-
Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa sheegay in ay hakiyeen isu’socodka gaadiidka laamiga dheer ee Boosaaso iyo Gaalkacyo, kadib markii ay go’day buundada Ciise Goxosh oo u dhexaysa tuulooyinka Kalabayr iyo Yalho ee gobolka Bari. Taliyaha ayaa sheegay, in Buundada go’day ay ku taallo buur dhexdeed biya-mareen ah oo aan lahayn dhinac looga leexdo, sidaasi darteedn ay hakiyeen dhammaan isu’socodka gaadiidka isticmaala laamiga dheer ee xiriiriya gobollada Puntland, si looga hortago shilal halkaasi ka dhaca. Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sidoo kale sheegay in buundadaasi go’an xalay la geeyay qalabkii iyo shaqaalihii dhismaha, islamarkaana saaka lixdii aroornimo ay ka bilaabatay hawsha dhismaha, oo sida injineeradu ku qiyaaseen socon doonta in ka badan 7-ba saacadood. Dhinaca kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u raadinayan, meel kale oo ay mariyaan gaadiidka sida dadka xanuunsan, ee aan sugi Karin mudada hakadka la geliyay laamiga dheer. Hoos ka daawo wareysiga Taliyaha PUNTLAND POST The post Isu’socodka gaadiidka Laamiga Boosaaso iyo Gaalkacyo oo maanta go’an appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in sanadkaan sii dhamaanaya laga gaaray horumaro ballaaran. Maxamed Cabdullaahi Maxamwd (Tuulax) ayaa sheegay in degma kasta looga baahan yahay inay sare u qaado horumarinta amniga iyo bilic soo celinta Caasimada. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ttt.mp3 View the full article
-
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar loo adeegsaday qarax miino oo saacadii la soo dhaafay lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qarax xoogan ay deegaanka Kutulo oo hoos yimaada Wajeer kula eegatay gaari ay la socdeen ciidamadaasi. Qoraalkaan ayey Al-Shabaab ku sheegtay in dhammaan askartii saarneyd gaarigaasi ay ku gaarsiiyey dhimasho iyo dhaawac, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale warbaahinta Kenya ayaa xaqiijisay in qaraxaan ay ku dhinteen labo askari, kuna dhaawacmeen 5 kale oo ka mid ah Booliska dalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. View the full article
-
(SLT-Jigjiga)-Xafiiska Warfaafinta ee Deegaanka Soomaalida ayaa Waraaq Shaqo Joojin ah udiray Bahda Universal Tv ee Dalka Ethiopia. Dowlada ayaa ka Xanaaqday Warbixin uu Wariyaha Universal Tv ee Dalka Ethiopia ka Diyaariyay Banaanbixii Salaasadii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Jigjiga. Hadaba Maamulka Tvga Universal waxa uu ka Xun yahay Warqadaasi Shaqa joojinta ah ee aan Waafaqsaneyn Sharciga Maadaama Universal Tv uu Heysto Ruqsada ay Wakaalada Warbaahinta ee Dalka Ethiopia siiso Warbaahinta Caalamiga ah. Ugu danbeyn Waxaan Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ku Boorinaynaa ilaalinta Madax Banaanida Saxaafadda. Source
-
A massive car bomb blast was heard at a main Somali police checkpoint in western Mogadishu on Saturday morning at 8:00 am local time. A witness says the explosives-filled car was detonated at a taxation office in Ex-control Afgoye checkpoint and followed by sustained gunfire by the security forces. Details of the casualties remain sketchy and the area was cordoned off by the police. Developing story, check back at the website for updates. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-28122019.mp3 View the full article
-
Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in la soo dhigay halkaasi. Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaasi, walow aan si dhab ah loo xaqiijin inta uu la’egyahay. Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo xiray dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay. Faah faahinka kala soco, radioshabelle.com. View the full article
-
Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan uu geystay khasaare kala duwan. Sida ay inoo sheegeen dadka ku dhow halkaasi, qaraxan ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxaana uu si gaar ah uga dhacay goob gaadiidka canshuurta looga qaado. Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxan, hase ahaatee lama oga inta ay la egyihiin. Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, waxaana la qaadayaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay. Qaraxan waxa uu ahaa mid aad u xooggan, waxaana dhowaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xalay ka qeybgalay kulan loogu qareemayo Gobolka Gardafuu oo ay saameyn ku yeesheen roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland. Kulanka waxaa Gobolka Gardafuu loogu ururiyey in ka badan $260,000 lacagtaasi oo ay ku yabooheen Goleyaasha Dowladda, Shaqaalaha, Ciidamada, Ganacsato, Qurbojoog, Dhallinyaro iyo Haween. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee ay wadaan Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gardafuu, wuxuuna sheegay inkastoo Dowladu ay dhowaaan ku dhawaaqi doonto si guud dhaqaalaha ay uga qeyb qaadan doonto Gurmadka Gobolka Gardafuu, hadana uu isagu si shakhsi ah gurmadka ugu yaboohayo $5,000 oo Dollar. Lacag ururintan waxaa ka qeyb qaatay Hayádda kala duwan ee Dowladda, Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa ku yaboohay $54,000. Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland ayaa iyana ku yaboohay 20,000 Halka Shaqaalaha Madaxtooyada ee Dowladda Puntland ay ku yabooheen $10,000 dhammaan lacagahaasi ayeey ka bixin doonaan mushaharaadkooda. Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Labada Gole ee Dowladda, Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gardafuu, Ganacsato, Culimo, Hogaan Dhaqan, Qurbojoog, Dhallinyaro iyo Haween. PUNTLAND POST The post Garoowe: $260,000 kun oo xalay loo uruuriyay Gurmadka Gardafuu appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa waxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa. Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid kacsan. Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad rayid ah oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta buux dhaafiyey, kuwaas oo gabi ahaan xiray dhaq dhaqaaqa isgoyska Ex-Koontarool Afgooye. Faah faahinta kala soco, caasimada.net
-
MOGADISHU (HOL) - A huge explosion rocked Ex-Control area in the outskirts of Mogadishu capital Saturday morning amid fears of high casualties. Source: Hiiraan Online
-
The Netherlands will stop using Holland as its nickname in the new year as part of a $220,000 rebranding campaign. Source: Hiiraan Online
-
In a fortuitous discovery of great import to the preservation of African cinematic heritage, the negatives of an epic Somali film thought to have been lost were ‘discovered’ in the vaults of the Pune-based National Film Archive of India (NFAI). Source: Hiiraan Online
-
Two security officers killed, 7 injured in Wajir IED attack
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Two security officers have been while seven were seriously injured after their vehicle ran over a homemade bomb in Khorof Kharar, Wajir County. Source: Hiiraan Online -
Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka oo ay kaga hadli doonaan ajande dhowr ah. Ajendaha kulanka maanta ayaa ah Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo horyaala xildhibaannada golaha oo si weyn uga dooday sharcigan kulamadii ugu dambeysay. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga filayaa in ay meel mariyaan sharci doorasho oo qeexaya nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2021 Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
