Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,051
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi Qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellada kasoo gaartay weerarkii xooganaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeyay ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarka ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah, waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. View the full article
  2. Xildhibannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay dhawaanahan ka doodayeen. Kulanka Golaha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayna goob joog ka ahaayeen ku-xigeennada Koowaad iyo labaad ee Golaha ayaa dood dheer kaddib waxa ay Xildhibaannadu akhrinta 3-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. “Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxaa ogol u codeeyay (Haa) 171 waxaa diiday 5 Xildhibaan, waxaana ka aamustay labo Xildhibaan, sidaas ayuuna ansax ku yahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay la beegsadeen Ex-kaantorool Afgooye. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in goobta ay la beegsadeen argagixisadu qaraxan bahalnimada ah ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u banneysteen dhiigga muwaadin kasta, iyadoo aan kala sooc lahayn. “Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.” “Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaateeyeen cadowgu.
  4. Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeysay Qaraxii dadka badan ku dhinteen ee saaka ka dhacay Isgoyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Geleyaasha Dowladda Puntland, ayaa u tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu saaka kasoo gaartey qaraxii Muqdisho ka dhacay. waxaana uu Alle uga baryey Madaxweynuhu in uu u naxariisto dadkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa shacab, gaar ahaanna Ardayda Jaamacadaha Muqdisho. “waxaa uu Alle uga baryey Madaxweynuhu in uu u naxariisto shacabkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa arday iyo xoogsato la Daalaa-dhacaayey noloshooda, una booga-dhayo intii ku dhaawacantay falkaasi wuxuushnimada ah.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Deni. Madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah in si wadajir ah loogu istaago, sidii argagixisada ah meel looga soo wada-jeesan lahaa, loogana hor tegi lahaa dhagarta ay mar waliba u maleegayaan dadka rayid ka ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo ku baaqday in loo midoobo dagaalka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii xooganaa ee saaka aroortii hore ka dhacay Ex-kaantorool Afgooye. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in goobta ay la beegsadeen Al-Shabaab qaraxan ay muujinayso ficillada xun ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda. “Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda.” Madaxweyne Farmaajo ayaa faray xukuumadda in awooddeeda ay isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda. View the full article
  6. Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa noqdey hey’adda dowliga ah tan ugu horeysay ee ka tacsiyeysa qaraxa, waxaa ay sidoo kale hakiyeen fadhigooda. Guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa xusay in maanta golaha uu go’aan saday in ay tahay maalin tacsi ah goluhuna uusan shir qaban karin madaama uu ku madlansanaa inuu ka doodo aqrinta labaad sharciga warfaafinta waxaana uu yiri” Waxaan ka xunnahay in geeri xanuun badan nagu dhacday, oo dad badan oo tiradiisa la’ leeyahay aad ayey u badan tahay qaraxii saakay dhacay nooga dhinteen, sidaa darteed aqalku waxaa uu go’aan saday in maanta ay tahay maalin tacsi ah oo aan shir qabin karin iyo shaqo lakiin aan u tacsiyeeyno kaliya dadkii Soomaaliyeed ku geeriyooday dhacdadaas naxariis darada ah”. Dhanka kale golaha shacabka oo shaqadiisa caadiga ah iska siiwatay ee maalinleha ahaa ayaa ka tacsiyeey wixii dhacay qoraal kooban oo golaha shacabka ka soo baxay ayaa waxaa lagu yiri “Xildhibaanadda golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulankooda 27-aad ee kalfadhiga 6-aad waxa ay marka hore ka tacsiyadeeyeen Qaraxii Argagixisadu maanta ka geysatay isgoyska Control Afgooye inuu dadkii halkaas ku shahiiday uu rabi naxriistii jano ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay bogsiimo deg deg ah waxa ayna sidoo kale Akhrinta 3-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka”. Dhinaca kale guddoomiya madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa ku biiriyey tacsida dadkii saakay ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Muqdish, qoraal kooban oo uu soo dhigay bartisa ayuu ku yiri” Ugu horreyn waxaan murugada la wadaagayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed anigoo cambaareynaya falkii foosha xumaa ee argagixisada Shabaab ay ku laayeen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan maanta. Argagixisadu waxay duulaan ku tahay jiritaanka qarannimadeena waana waajib na wada saaran inaan u midowno sidii looga hortagi lahaa, waxaana ku baaqayaa shacab, madax iyo dowladba in ay u wada istaagaan la dagaalanka kooxdan sida arxanka daran u gumaadeysa umaddeena”. Si la mida ah Madaxweynaha dowlad golabaleedka Jubbaland oo dhankiisa ka tacsiyeey qaraxii saakay dhacay, qoraal kooban oo ka soo baxday Madaxtooyada Jubbalanda ayaa waxaa lagu yiri” Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qarax saaka ka dhacay isgooyska EX Contoral Afgooye halkaas oo ay ku naf waayeen Dad shacab ah oo u badnaa arday u socotay goob waxbarasho. Waxaa uu Madaxweynahu xusay in uu xanuunka la qaybsanayo ehelada dadkooda ku waayay masiibadan, Madaxweynahu wuxuu dadka halkaas ku geeriyooday Allah uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana kuwa dhaawaca ah ayuu u rajeeyay Caafimaad deg deg ah”. Dhankiisa, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warasame ayaa si la mid ah ka tacsiyadeeyey qaraxii saakay ka dhacay X koontarool qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ku yiri ” Waxaan canbaaraynaa weerarka argagexiso oo damiir, arxan iyo diin la’aanta ah oo ay kooxda argagexisada Al-shabaab ku qaadeen shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa isbaarada kala wareeg ee Ex koontarool Afgooye, waa fariin ay u dirayaan shacabka oo ay leeyihiin cidna u turi mayno, idinmana kala jeclin, Isbitaalada waxaa laga soo sheegayaa, in ay jirto dhiig la’aan. Waan ka xumahay in aanan dalka joogin oo aan dhiig shubi karin. Waxaan haddaba shacabka ku boorinayaa in degdeg dhiig loogu shubo dhaawaca” Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey qarax iyada oo barta Villa Somalia ay soo qortay “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca. Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib u dhigay socdaal uu ka tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sababta dib loogu dhigay safarkaan ayaa waxaa lagu sheegay inay la xariirto qaraxii ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee M/ Muqdisho, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha ka qeyb qaadan doonaa gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Khayre ayaa la filayey inuu Dhuusamareeb u tago dhameystirka dhismaha Galmudug oo haatan maraya meel gabo-gaba ah. View the full article
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii saaka ka dhacay Isgoyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sheegay in goobta lala beegsaday ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay Argagixisadu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed “Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ku amray Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaataysan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo: Argagixisadu waxay beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahay appeared first on Puntland Post.
  9. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab uu maanta ka dhacay gudaha degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaal toos ah oo muddo socday, la’iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi. Ma caadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada degmada Awdheegle oo ka mid ah meelihii ugu dambeeyey ee lagala wareegay. View the full article
  10. Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow ansixiyey hindise sharciyeedka doorashooyinka. Codbixin golaha ay geliyeen waxaa ogolaaday 171 xildhibaan, waxaa diiday 5 xildhibaan, 2 xildhibaan ayaa ka aamustay, tirada guud waxaa ay ahaayeen 178 Sharciga ayaa hadda u gudbaya aqalka sare, si dood kadib ay ugu codeeyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow meel-mariyey sharcigii doorashooyinka qaranka heer federal, ee dhowaanahan ay ka doodayeen. Sida aan xogta ku helnay, ka hor inta aan la meel-marin sharciga, ayaa waxaa saxitaan lagu sameeyay labo qodob oo ka hadlayay mudo kordhin loo sameeyo barlamaanka iyo arrimaha Somaliland. Sharciga ayaa waxaa u codeysay 171 xildhibaan. Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah
  12. TACSI MADAXWEYNE: 28/12/2019 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka dalka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 28/12/2019 Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug-cadaaya oo halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray door muhiima ku lahaa, qayb-weyna ka qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, markii danbena noqday maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu kaga tegay taariikh iyo astaamo ma guuraana muddadii uu xilka hayey. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Qaran News
  13. Xildhibaannada golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulankooda 27-aad ee kalfadhiga lixaad ayaa waxa ay ka tacsiyadeeyeen qaraxii saaka ee Ex-Koonyarool Afgooye. Guddoonka golaha shacabka ayaa dadkii halkaas ku dhintay Alle uga baryay in naxariistii Jano ka waraabiyo, kuwii ku dhaawacmayna u bogsiimo. Sidoo kale guddoonka ayaa xukuumadda ka dalbaday in gurmad caafimaad oo deg deg ah loo sameeyo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxa. Dhinaca kale gudoomiyaha golaha aqalka sare barlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ku hadlaya golaha ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed., gaar ahaan ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii xooganaa ee Ex-Kontorol Afgooye. Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi guddoomiyaha Golaha aqalka sare ayaa sheegay in gebi ahaanba la baajiyay kalfadhigii maanta ay goluhu isugu yimaadeen, islamarkaaana ay xanuunka la qaybsanayaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibta ka soo gaartay weerarkaasi. View the full article
  14. Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday Isbitaalka Madiina halkaas oo la geeyay dhaawacdii ugu badnaa ee ku soo wax yeeloobay qaraxii saaka ka dhacay isgooska Ex-koontarool Afgooye. Duqa Muqdisho ayaa booqday qeybta deg dega ah ee dhaawacyada culus iyo qeybaha kale ee dhaawacyada lagu baxnaaninayo waxa uuna warbixina quseeysa xaaladaha dhaawacyada ka dhageestay dhaqaatiirta iyo maamulka isbitaalka. Agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in isbitaalka Madiina la geeyey dhimashada 73 qof iyo dhaawac 52 kale, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa aad u liita. Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ballan qaaday in maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaaya dowladda federaalka Soomaaliya uu dalka dibaddiisa u qaadi doono dadka dhaawacyada culus qaba ee wadanka wax looga qaban waayo. Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka inay u gurmadaan dadka ku waxyeeloobay qaraxii xooganaa ee Ex-Koontarool Afgooye. View the full article
  15. MOGADISHU (HOL) - Over 70 people have so far been confirmed dead and close to 100 others injured as the death toll in the Ex-Control truck bombing rises. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU (HOL) - Over 70 people have so far been confirmed dead and close to 100 others injured as the death toll in the Ex-Control truck bombing rises. Source: Hiiraan Online
  17. MOGADISHU, Somalia — A truck bomb exploded at a busy security checkpoint in Somalia’s capital Saturday morning, killing at least 76 people including many students, authorities said. It was one of the deadliest attacks in Mogadishu in recent memory, and witnesses said the force of the blast reminded them of the devastating 2017 bombing that killed hundreds. The toll could rise as scores of people were rushed to hospitals, government spokesman Ismail Mukhtar told The Associated Press. Dr. Mohamed Yusuf, director of Madina hospital, said they had received 73 bodies. The Aamin Ambulance service reported at least 76 dead and more than 50 wounded. Most of those killed were university and other students returning to class, Mayor Omar Mohamud Mohamed said at the scene. Two Turkish brothers were among the dead, Somalia’s foreign minister said. Police Capt. Mohamed Hussein said the blast targeted a tax collection center during the morning rush hour as Somalia returned to work after its weekend. A large black plume of smoke rose above the capital. Images showed the mangled frames of vehicles and bodies lying on the ground. At a hospital, families and friends picked through dozens of bodies. “I saw many dead bodies lying on the ground,” witness Mohamed Abdi Hakim said. “Some of those dead were police officers, but most of them were students.” There was no immediate claim of responsibility. The al-Qaida-linked al-Shabab often carries out such attacks. The extremist group was pushed out of Mogadishu several years ago but continues to target high-profile areas such as checkpoints and hotels in the seaside city. The extremist group is now able to make its own explosives, its “weapon of choice,” United Nations experts monitoring sanctions on Somalia said earlier this year. The group had previously relied on military-grade explosives captured during assaults on an African Union peacekeeping force. Al-Shabab was blamed for the truck bombing in Mogadishu in October 2017 that killed more than 500 people. The group never claimed responsibility for the blast that led to widespread public outrage. Some analysts said al-Shabab didn’t dare claim credit as its strategy of trying to sway public opinion by exposing government weakness had badly backfired. “This explosion is similar like the one … in 2017. This one occurred just a few steps away from where I am and it knocked me on the ground from its force. I have never seen such a explosion in my entire life,” said witness Abdurrahman Yusuf. The latest attack again raises concern about the readiness of Somali forces to take over responsibility for the Horn of Africa country’s security in the coming months from the AU force. Al-Shabab, the target of a growing number of U.S. airstrikes since President Donald Trump took office, controls parts of Somalia’s southern and central regions. It funds itself with a “taxation” system that experts describe as extortion of businesses and travelers that brings in millions of dollars a year. Video journalist Mohamed Sheikh Nor in Mogadishu contributed. Copyright 2019 The Associated Press. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed. Source: Associated Press
  18. Ku dhowaad 60 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxii saaka aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Dadka dhintay oo u badnaa shacab ayaa waxaa ka mid ahaa arday jaamacadeed oo xilligaas la socday gaari Bus ah oo mareyey halkaasi. Weli dowladdu ma shaacin khasaaraha rasmiga ah, balse guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho oo booqday meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in khasaaruhu badan yahay, islamarkaana uu dhaawac kor u dhaafayo 90 qof. Sidoo kale Cumar Filish ayaa tilmaamay in weerarkan lala damacsanaa in laga fuliyo gudaha Muqdisho, balse ay ka hortageen ciidanka amniga, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/war.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-281322019-ww.mp3 View the full article
  20. Waxaa isi soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxii is-miidaaminta ahaa saaka ka dhacay isgoyska Ex koontorool Afgooye ee Muqdisho. Wali lama hayo tara koob rasmi ah oo ku saabsan dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas, maydad iyo dhaawacyo badan la gaadhsiiyey cisbitaalada magaalada Muqdisho. Agaasimaha isbitaalka Madiina Mamaxed Yuusuf oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in la soo gaadhsiiyey Isbitaalka 73 qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca 52 ruux oo kale. Dadka dhaawaca ah ayuu sheegay agaasimuhu inay u badan yihiin kuwo daran isla markaana lala tacaalayo baxnaanintooda. Source
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi Qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellada kasoo gaartay Qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxa ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay qaabilsan yihiingurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii laga dhintay. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan dalka wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo Argagaxisada. Qaraxa saaka ka dhacay Isgoyska Ex Kantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad gaaraya 76 ruux halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 110 ruux oo kale. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo magacowday Guddiga Gurmadka Qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka dalka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cawl Cilmi Cabdalla oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 28/12/2019 Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug-cadaaya oo halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo maray door muhiima ku lahaa, qayb-weyna ka qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, markii danbena noqday maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu kaga tegay taariikh iyo astaamo ma guuraana muddadii uu xilka hayey. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source