Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada amamaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen xaafadda Taleex ee degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadaasi lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo markii dambe la sii daayey. Maalin ka hor ayey aheyd markii taliyihii nabad sugida degmada Qoryooley ee gobolka Sh/ Hoose lagu dilay agagaarka dalcadda Taleex ee degmada Hodan. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoona habeen hore laga sameeyey degmada Boondheere ee G/ Banaadir. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-13012020.mp3 View the full article
  3. Kooxaha ku loolama dalka Libya ayaa lagu wadaa in isniinta ay saxiixaan heshiis iyo xabad jiijin rasmi ah, wada hadalka waxaa uu ka socdaa caasimadda Ruushka ee Moscow . Kooxda uu hoggaamiyo Khaliifa Xaftar ayaa ogolaatay xabad joojinta, waxaana la sheegayaa inuu dhaqan galay xalay saqdii dhexe. Arrinta xabad joojinta ah waxaa ay ka dambeysay kulan todobaadkii hore dhexmaray madaxweyneyaasha Ruushka Putin iyo Turkiga Erdogan. Dagaalka ka socda Libya waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen dad tiro badna halka ay ku barakaceen in ka badan 300,000 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxa ay maanta leeyihiin kulan muhiim ah oo looga hadli doono arrimo dhowr ah. Kulankan oo ah midkoodii 29-aad ee Kalfadhiga Lixaad golaha shacabka ayaa waxau akhrinta Labaad marsiin doonaan Hindise sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo Dhowrka. Waxa uu kulankan baaqday Arbacadii aynu kasoo gudubnay, kadib qarax gaari oo ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay xukun dil ku fuliyey illaa afar qof oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsanaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Fagaarha lagu toogtay raggaan oo saddex ka mid ah ay askar ahaayeen ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi. Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in eedeysanayaasha ay qirteen dambiyadii lagu soo eedeeyay, kadibna lagu fuliyey dilka toogashada ah. Afarta qof ee la toogtay ayaa ka lahaa: 1: Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa maamulka degaanka Kuntuwaarey, uguna magacaawnaa dhirta iyo daaqa. 2: Xasan Cismaan Cali (Abayle) oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda ee ka howlgala Baraawe aadna looga yaqaanay degmadaas. 3: Xasan Faarax Maxamad (Gambiye) ayey sidoo kale Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda, islamarkaana ay qabteen,isaga oo ku wajahnaa degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. 4: Xuseen Xassan Geelle oo ah ninka afaraad ayaa Al-Shabaab ay sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dil ka fulisa deegaanada ay ka arrimiso ee koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
  6. Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xaruntooda magaalada Muqdisho ay ku kulmaan mudanayaasha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sida wararka aan ku helnay, kulanka maanta ayaa ah mid ay mudanayaasha kaga hadli doonaan indise-sharciyeedka Hawlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida. Kulankan ayaa shalay u baaqday Kooram la’aan, hase ahaatee waxaa la filayaa in maanta uu soo dhammeystirmo kooramka golahan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay xalay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ka sameeyeen ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya. Howlgalkan ayeey ciidanka waxay si gaar ah uga sameeyeen xafadda Taleex ee degmada Hodon, waxaana la sheegay in lagu qabtay rag u badan dhallinyaro. Saraakiisha ammaanka ee hoggaamineysa howlgalkan ayaan jirin wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen, iyadoo dadka la qabtay la sheegay in la baarayo. Ciidanka DFS ayaa xoojiyey howlgallada ammaanka lagu sugayo ee ay ka sameynayaan qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo axaddii kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaohosa ayaa ka dalbaday inuu dhexdhexaadin ka sameeyo muranka biyo xireenka ee u dhaxeeya dalal Masar iyo Itoobiya. “Ramaohosa waxaa uu saxiib la yahay Masar iyo Itoobiya, waana guddoomiyaha soo socda ee midowga Afrika, waxaa uu labada dhinac kala hadli karaa iney xal ka gaaraan waxa ka dhaxeeya si nabad ah” waxaa sidaasi yiri Abiy Axmred. Arrinta Biyo xireenka ayaa waxaa ay xasarad ka dhex dhalisay dalal uu maro webiga NILE, waxaana lagu wadaa in todobaadkan ay xal ku garaan kulan ka dhacaya dalka Mareykanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay saakay isaga barakacayaan dadka shacabka ah, kadib casbi soo wajahday. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya iyo kuwo Maraykan ah ayaa la sheegay in ay isku gadaameen deegaankaasi, waxaana taasi ay keentay in shacabka ka baqaan dagaalk halkaasi ka dhaca. Sida ay sheegeen dad ku dhow deegaankan, waxaa durba halkaasi ka bilowday dhaq-dhaqaaq aad u xooggan, iyadoo xaaladdu tahay mid kacsan. Tooratoorow waxaa ku yaalla maxkamado Al-shabaabku leeyihiin, waxaana sidoo kale deegaankan uu Al-shabaab u yahay mid aad ugu muhiimsan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Three civilians were killed in a suspected Al Shabaab attack in Kamuthe area, Garissa County in a pre-dawn strike on Monday. Source: Hiiraan Online
  11. Baghdad (Caasimada Online) – Saldhig ku yaalla waqooyiga magaalada Baghdad oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka ayaa shalay gelinkii dambe lagu garaacay gantaallo, waxaana halkaas ku dhaawacmay afar askari oo Iraqi ah. Illaa iyo hadda lama yaqaan khasaaraha weerarka kasoo gaaray ciidamada Mareykanka, haddii ay jiraan. Salhigga Al-Balad, oo ah halka ay ciidamada Mareykanka ku dayac tiraan diyaaradaha dagaalka ee F-16, ayaa waxaa lagu dhuftay lix gantaal. Qaar ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay maqaayad ku dhex taal saldhigga. Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Iran ay gantaallo ballistic ah ku garaacady laba saldhig oo ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Iraq, inkasta oo aysan wax khasaare nafeed ah kasoo gaarin ciidamada Mareykanka. Inta badan ciidamada cirka Mareykanka ee jooga Baghdad ayaa ku sugnaa saldhigga Al-Balad, oo 80km waqooyi kaga beegan magaalada Baghdad. Hase yeeshee maalmihii ugu dambeeyey ayaa la sheegay in ay billaabeen inay halkaas ka baxaan. “Saddex askari oo Iraqi ah oo ilaalo ka ahaa albaabka saldhigga ayaa dhaawacmay.” Waxaa sidaas yiri Colonel Mohammed Khalil oo ah sarkaal ka tirsan booliska gobolka waqooyi ee Saladin. Wakaaladda wararka ee AP ayaa sarkaal Mareykan ah kasoo xigatay in khuburo Mareykan ah, tababarayaal iyo la-taliyayaal Mareykan ah ay ku sugnaayeen saldhigga, markii weerarka lagu qaaday. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’iiliyadda weerarka. Hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha hubeysan ee Shiicada Iraq, oo ku xiran Iran.
  12. Amisom and US Africa Command (Africom), who are security partners in Somalia, have warned that Al-Shabaab have built sufficient resilience and weaponry to keep launching deadly attacks in the country. Source: Hiiraan Online
  13. Amiirka Qatar oo ka degay Iran,shaaciyeyna mawqifka dalkiisa ka taagan yahay Xiisada ka dhex oogan Iran & Maraykanka Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, xilli ay xiisad ka taagan tahay Bariga Dhexe. Amiir Tamim ayaa sheegay in mowqifka dowladda Qatar uu yahay inay taageersan tahay mowqifka Iran, maadaama uu sheegay inay Iran ay garab wanaagsan siisay waqtigii ay god’oomiyeen dowladaha Carabta ee ay hogaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Amiirka ayaa sheegay inay Iran Dekadaheeda iyo Hawadeeda u furtay Qatar markii ay Dowladaha Khaliijka go’doomin dhinac walba saareen dalkaan qaniga ah. Amiirka Qadar ayaa carabka ku adkeeyay, xilli ay si wadajir ah shir jaraa’id u wada qabteen isaga iyo Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, in xalka kaliya ee khilaafaadka Gobolka uu yahay wadahadal iyo in la yareeyo waxyaabaha keenayo in xiisadda sare usii kacdo. Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa tilmaamay in wadahadladii uu la yeeshay Rouhani ay ahaayeen kuwa wanaagsan oo miro dhal ah, isagoo intaas sii raaciyey in xiriirka ka dhaxeeyo Iran iyo Qatar uu yahay mid taariikhi ah oo ay labada dowladeed ka gaareen horumar weyn. Wuxuu sidoo kale xusay inuu madaxweynaha Iran Rouhani u fidiyey casuumaad rasmi ah oo uu ku tagayo caasimadda Qatar ee Doha. Dhiniciisa, Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa sheegay in labada dal ay go’aansadeen inay kordhiyaan tirada isweydaarsiga booqashooyinka dhexdooda ah, isagoo intaas ku daray muhiimadda ay leedahay nabadgelyada gobolka, gaar ahaan Khaliijka. “Waxaan go’aansannay inaan sii wadno iskaashiga iyo wadatashiga labada dal, waxaana rajaeynayaa in xiriirka ka dhexeeya Doha iyo Tehran uu sii fidi doono.” ayuu yiri. Booqashada Amiirka Qatar ee Tehran ayaa kusoo aadeysa xilli ay sare u kacday Xiisadda u dhaxeyso Mareykanka iyo Iran oo gaartay inuu Mareykanka duqeyn ku dilo sarkaal sare oo Iranian ah, halka Iran ay gantaallo ku garaacday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq. Qaran News
  14. South African President Cyril Ramaphosa has accepted the task, saying that a solution was surely possible. Egyptian officials have occasionally threatened military action against the dam. Source: Hiiraan Online
  15. Duqeyn hor leh oo loo geystay saldhig ciidan oo uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa waxaa ay sheegayaan in saldhig ciidan oo uu Mareykanka ku leeyahay gidaha dalka Ciraaq goordhow loo geystay duqeyn taas oo aan ilaa iyo iminka la ogeyn halka ay ka timid. Saldhigga la duqeeyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Balad, waana saldhig ciidanka cirka Ciraaq leeyahay balse Mareykanku daggan yahay kaas oo ku yaal waqooyiga magaalada Baghdad. Waxaa lala dhacay afar gantaal, sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka, lamana oga khasaaraha ka dhashay. Maalmo ka hor ayay aheyd markii Iran ay duqeysay saldhigyo Mareykanku ku leeyahay dalka Ciraaq taas oo jawaab u aheyd dil uu Mareykanku u geystay general caan ah oo Irani ah Qaasim Suleymaani kaas oo qaab dhuumaaleysi kusoo galay dalka Ciraaq Qaran News
  16. A majority of Americans said they disapprove of President Donald Trump's handling of Iran and feel less safe, according to a ABC News/Ipsos poll released on Sunday. Source: Hiiraan Online
  17. Faah-faahin ku aadan qaabkii uu Mareykanka u dilay taliyaha reer Iran oo soo shaac baxday Saddexdi bishan Janaayo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa waxa ay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Baghdad duqeyn ku dileen taliyihii ciidamada Quds ee Iran General Qasem Soleimani iyo afar kale. Taliyaha ayaa la sheegay in uu diyaarad caadi oo rakaab ah kasoo raacay caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq, magaciisa kuma xusneyn liiska rakaabka saaran diyaardda oo waa la qarinayay. Sida ay qorayaan warbaahinta Mareykanka rag Mareykanka iyo Israel u basaasa oo ku sugnaa gudaha garoonka magaalada Dimishiq ayaa u xaqiijiyay Mareykanka in uu General Qasem Soleimani uu la socdo diyaarad rakaab ah oo ku wajahan magaalada Baghdad. Ciidamada Mareykanka ee ku sugan magaalada Baghdad ayaa isu diyaariyay ka takhluusidda generalka, iyagoona diyaarsaday diyaarad nooqa aan duuliyaha laheyn taas oo ay ku rakiban yihiin laba gantaal. Marki ay magaalada Baghdad soo gaartay diyaaraddi sidday Generalka ayaa waxaa xaqiijin ahaan loogu diray basaasiin kale kuwaas oo soo xaqiijiyay. Safarka general Qasem Soleimani oo aad loo qarinayay ayaa waxaa garoonka looga soo doonay labo gaari oo caadi oo nooca yar-yar ah kuwaas oo ay wateen madaxda maleeshiyaad ay Iran ka abuurtay gudaha dalka Ciraaq islamarkaana dhawaan qabsaday safaaradda Mareykanka ee Baghdad, wax yar kadibna isaga baxay. Marki gaariga lagu hubsaday generalka oo ay kaamirooyin kor kala socdeen dhaq-dhaqaaqa generalka ayaa waxaa labo gantaal la beegsaday diyaaraddi duuliyaha aan laheyn ee loo diyaariyay in ay howlgalka fuliso taas oo hawada lasii geliyay. Si kastaba arrintan ayay Mareykanka ugu fududaatay in uu gacanta ku haayo amniga guud ee hawada Ciraaq iyo kan garoonka kor ahaan. Qaran News
  18. Somalia’s ex-President Sheikh Sharif Ahmed was an accidental politician. Now he wants to become the first man in the country to be re-elected. Source: Hiiraan Online
  19. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Libaax Ibrahim,Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda caalamiga ah ee Tamarta is-cusbooneysiisa Eng. Cumar Shuuriye iyo siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Abu,Dubai, waxay ka qaybgaleen Shirweynaha Sannadlaha ee Hay’adda Tamarta Is-cusbooneysiisa oo xarrunteedu ku taalo Magaalada Caasimadda Isutagga Imiraadka Carabta ee Abu Dhabi. Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa ka soo xigatay Cismaan Libaax Ibraahim Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Soomaaliya in shirkaasi muhiimad gaar ah uu u lahaa Soomaaliya,ayna ka faa’ideysandoonaan waxyabo badan oo dhinaca Tamarta la xiriira. Waxaa shirkaasi ka qeybgalay wafuud gaaraysa ilaa 1,500 oo ka kala socotay 16o dowladood oo Soomaaliya ay kujirto,Hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo Ururada bulshooyinka wadamadaasi,kuwaasi oo ejeedkoodi ahaa sidii ay diiradda u saari lahaayeen arrimaha laxiriira horumar laga sameeyo tamarta Caalamka. Mudadii labada maalmood ahayd oo uu shirkaasi socday waxyaabaha la isla gorfeeyay waxaa kamid ah in loo baahanyahay xoojinta iskaashi iyo wadashaqeyn dowladaha xubinta ka ah Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Is-cusbooneysiisa sidii loo joog tayn lahaa horumarinka ka faaideysiga khayraadka Tamarta,la isna dhaafsado qibradaha iyo aqoonta dhinaca Tamarka ah. Wafdiga uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil Cismaan Libaax Ibraahim ayaa Inta ay joogaan magaalada Abu,Dubai waxay la kulmi doonaan madax kala duwan sida Agaasimaha Hay’adda Tamarta Caalamka(IRENA) iyagoo kala hadli doona sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wefdi ka socda Soomaaliya oo shir muhiima uga qeyb-galay waddanka Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
  20. Parents are wrongly being arrested and having their children taken into care due to the stigma around female genital mutilation (FGM), Source: Hiiraan Online
  21. Jigjiga (Caasimada Online) – Cabdikariin Muuse [Qalbi dhagax] ayaa bixiyey wareysi uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo muhiim ah, kuwaasoo quseeya xarigiisa iyo qaabkii Dowladda Soomaaliya ugu dhiibtay Itoobiya. Qalbi dhagax, oo haatan ah hogaanka garsoorka ONLF, ayaa laga qabtay hotel ku yaala koonfurta Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug. Muddo saddex maalmood ah ayay ciidamadda sirdoonka Soomaaliya ku hayeen magaaladaas, iyagoo kadib u soo wareejiyey Muqdisho. Xukuumadda federaalka ayaa xariga iyo u dhiibistiisa Itoobiya ku fasirtay in uu “maleegayey falal argagixiso oo ONLF ka fuliso Soomaaliya” wallow eedeyntaas ay beenisay jabhada xorreynta Ogaadeeniya. Qabashadda iyo dhiibista Qalbidhagax, oo bar-madow ku noqday dowladda madaxweyne Farmaajo, waxaa ka dhiidhiyey shacab fara badan oo gudaha dalka iyo dibaddaba ku nool. Isagoo u waramaya SSTV, Qalbi dhagax ayaa sheegay in uusan marnaba ku fekerin in dowladda Farmaajo ay muwaadin Soomaaliyeed u dhiibi doonto “cadowga” Itoobiya. U-ololeyn Wallow uusan waligii la kulmin, sababta ayuu ku sheegay in uu kamid ahaa shaqsiyaadkii u ololeeyay in Farmaajo loo doorto madaxweynaha Soomaaliya, doorashadda bishii Febraayo, 2017-kii. “Xitaa mararka qaarkood waxaan gelaayey meelo sirdoonka Itoobiya ku jiro. Waxaa jirta in Xildhibaano ay ii digeen oo ay yiraahdeen ‘shaqadan aad waddo khatar bey kuugu tahay’ haddana waan gelaayey”. Isagoo sii hadlaya, Qalbi dhagax ayaa sheegay in uu aaminsanaa in Farmaajo uu yahay “hogaamiye daacad ah oo dadka iyo dalka xorreyn kara oo dib u dhisa kara” balse “ma noqon” madaxweynihii uu filaayey. “Culimo ayaan fariisiyey Qur’aan ayaan bilaabay. Saddex jeer ayaan Qur’aanka u dhameeyay, dartii. Markii u dambeysay Ri’ in aan soo iibiyey ayaan ku qatimay Qur’aanka,” ayuu xusay. Wuxuu ku daray: “Ma nihin qaraabo, kaliya waxay iga ahayd Soomaalinimo iyo waxaan raadinayey qof leh awood iyo karti dalka dib loogu xoreeyo, waxaan is iri shaqadii loo baahnaa kii qaban lahaa waa kan”. Safar is-biimeyn ah Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in Qalbi dhagax habeenkii laga qabtay Gaalkacyo maalintiisa uu kasoo duulay Muqdisho, halkaasoo si weyn loogu baarey isla markaana muddo daqiiqado ah lagu hakiyey. “Si isbiimeyn ah ayaan ku aaday Gaalkacyo, iyaddoo shaki badan uu iigu jiray. Maalintaas waan ka baaqan lahaa, laakiin shaqo halgan ah oo ka fuqsan waayey ayaan ku jiray,” ayuu tibaaxay. Saddex maalmood kadib markii lagu hayey Gaalkacyo, Qalbi dhagax ayaa sheegay in kolkii loosoo qaadey Muqdisho uu rajo ka qabay in uu taageero ka heli doono Farmaajo balse uu ku hungoobay. “Markii aan arkay in aan xagiisa u sii socdo waan nafisay, laakiin waxaan hubaa in xitaa hadii sawirro layga qaado oo loo gudbiyo in uusan waxba ka qaban lahayn, maadaama xogteyda loo gudbiyey,” ayuu ku daray. “Daba-qoodhi” Godka Jilacow ayuu saddex maalmood ku qaatay, iyaddoo maalin kamida la geeyay Dambi Baarista, oo lagu waydiiyey su’aalo ay ku jiraan reerka uu yahay, tirada caruurtiisa iyo in uu ONLF kamid yahay. “Su’aalahaas kadib, wixii rajo aan lahaa way dhamaadeen, waxaan xaqiijiyey in madaxweynuhu uusan ahayn qofkaan moodayey, dowladdu aysan ahayn taan moodayey, laba xaaladood oo ah; in Itoobiya ii dhiibaan ay ku qaadan doonto muddo bil ama 20 berri ah ama in ay dowladda oran doonto annagaa maxkamadeynayna, ayaan filaayey”. Maalintii afaraad ayaa laga soo saarey jeelka, isagoo kadib lagu wareejiyey Itoobiya. Mas’uuliyiinta uu aqoonsaday in ay saarnaayeen gaariga lagu wareejiyay ayuu ku sheegay Sanbaloolshe iyo safiirka Itoobiya. Dowladda Farmaajo oo xusay in aysan marnaba dooneyn in uu xabsiga Itoobiya kasoo baxo ayuu tibaaxay in uu kadib dhacdadaas u ictiraafay “daba-qoodhigii Itoobiya sida maamuladii ka horeeyay”. Sikastaba, isbedelkii ka dhacay Itoobiya ayaa suurtageliyay in Qalbi dhagax uu xorriyadiisa kadib u helo, wallow mudadii uu xabsiga Itoobiya ku jiray “lagu cadaadiyey in uu Jigjiga ka dego oo uu cafis dalbado”. Hoos ka daawo Wareysiga W/D: Garowe Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saddex carruur gaajo darteed ay ugu geeriyoodeen kaam ku yaallo halkaasi. Kaamka Calaf suge oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho ayaa carruurtaan ay ku dhinteen, kadib markii ay waayeen wax ay cunaan. Hooyada dhashay carruurtaan ayaa la sheegay inay tahay naafo, waxaana carruurta u soo shaqeyn jirtay ayeeydood oo iyana 28kii Bishii December ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Ex-control Afgooye. Farxiyo Xasan oo carruurta geeriyootay Habaryar u ah ayaa Warbaahinta u sheegtay in carruurtaasi gaajo darteed ay u dhinteen, kadib markii ay waayeen wax ay cunaan. Waxa ay sheegtay ayeeydood inay u soo dawarsan jirtay, balse ayeeyda ay ku dhimatay Qaraxii Excontrol. Laba ka mid carruurta ayaa geeriyooday, waxa ay ahaayeen Mataano, waxaana ku xigay wiil yar oo Shan bilood jiray oo loo waayay caanihii uu cabi lahaay, kadibna geeriyooday. Dadkaan dhibaatada haysata ayaanan jirin cid si gaar ah isugu hawshay inay daryeesho, waxaana hooyada oo xannuunsan hadda ay dhex jiiftaa Kaamka Calaf suge ee duleedka Magaalada Muqdisho. Ehellada caruurta oo la hadlay VOA, hoos ka dhageyso. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/0970d3d0-a41e-4b2d-ab09-bf98c642533d_48k.mp3
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska waa ciidanka kaliya ee leh awood sugid amni ee dal walb,a waana kuwa baara dhacdooyinka aduunyada ka dhaca, balse Soomaaliya waxay maanta mareysaa in qof walba ka baqo ciidamada booliiska Soomaaliya. Laga soo bilaabo madaxda qaranka iyo kuwa kalaba waxay sii dhimanaya kalsoonida ay ku qabaan booliiska Soomaaliya, oo ah kuwa lagu aaminay amniga Muqdisho. Dhowr dhacdo oo xanuun badan iyo kuwa fashilmay ayaa sabab u ah in lagu kalsoonaan waayo booliiska, waxaana dhacdooyinkaas qeyb ka ah. Dhowr jeer oo dharka booliska loo adeegsaday weeraro, rag boolis ah oo dilal rayid gaystay, iyo warar sheegaya in bastoolado laga helay hoolkii dabaal dagga ee maalinta ciidanka booliiska Soomaaliyeed, taas oo sababtay in madaxweynaha ka baaqdo. Hadda markii ay galayaan madaxtooyada iyo hareeraheeda, ama markii ay madaxda ka qayb galeyso munaasabadaha waxaa la baaraa ciidamada booliiska oo ay aheyd in ay iyaga wax baaraan, waana calaamad muujineysa in hay’adda booliiska Soomaaliyeed ay bur bur ku sii socoto. “Boolisku waa hay’ad ama ciidan caalami ah oo leh awooda 1-aad amaanka iyo baarista, balse Soomaaliya iyaga ayaa la baaraa, isla iyaga ayaa laga ilaaliyaa madaxdii qaranka sababtoo ah waxaa ku milmay Al-Shabaab” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliskii hore ee Soomaaliya oo aan qarinay magaciisa. Sababta keentay in fashil ku yimaado booliska ayaa lagu sheegay 3 arin oo kala ah. 1) – Waxaa lagu soo daray rag badan oo ka soo galay ciidamadii hore ee NISA oo u badnaa kuwa markii hore kasoo goostay Shabaab, islamarkaana aanan marin hubin badan. 2) – Dhalinyaro badan oo la qoray dhowrkii sano ee ugu dambeysay kuwaas oo aan soo marin hab raacyada qorista ciidamada, waxaana ku soo dhax dhuuntay Al-Shabaab badan oo gabdho iyo wiilal ku darsaday. 3) – Dharka ciidamada oo aan xadidneen waxaana laga helaa suuqyada magaalada Muqdisho iyadoo ay fududahay in qof kasta uu xirto iyagoo wata daraja walba. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagula taliyay in ay soo saaraan 10, 000 oo askar boolis ah oo lagu aaamini karo amaanka Muqdisho lana siiyo lacag iyo daryeel fiican si meesha looga saaro daryeel xumada iyo laaluushka. Haddii ay dowladda Soomaaliya qaadato talooyinkaan ayaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab laga saari doono magaalada Muqdisho balse hadda uu halis sii galayo amaanka dalka oo dhan, gaar ahaan Muqdisho.
  24. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Weriyaasha ka howlgala deegaanada maamulka Galmudug oo haatan ay ka socdaan doorashooyinka maamulkaasi ayaa ka cabanaya in laga hor istaagay tibinta doorashooyinka oo haatan ka bilaawday magaalada Dhuusamareeb. Weriyaashan oo iskaga kala yimid magaalooyinka waaweyn ee Galmudug, sida Gaalkacyo, Cadaado, Hobyo, Caabudwaaq, Gurceel iyo magaalooyin kale ayaa kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb, kaas oo eedeyn badan ay ugu jeediyeen xaafiisyo uu ugu horeeyo kan Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ay ka tirsanayaan tabashada ugu badan. Waxay sheegeen weriyaashan oo kala metelayey inta badan xarumaha warbaahineed ee ka howlgala dalka, in markii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare Kheyre uu tegay Dhuusamareeb ay howl-wadeenada xaafiiskiisu ku bilaabeen handadaad iyo in laga hor istaago howlahoodii tebinta dhacdooyinka deegaanka. Dhamaan guddiyada ay khuseyso arintaan ee ku howlan dhismaha maamulka Galmudug iyo xitaa Ra’iisul Wasaaraha ayey sheegeen inay kala hadleen oo la fariisteen, ilaa hadana aysan jirin wax iska bedelay sidiina ay u jirto caburinta kaga imaanaysa xaafiiska Kheyre. Waxaa xusid mudan in arintaan oo kale ay ka jirto guud ahaan xaafiisyada dowladda ee Muqdisho oo aan loo ogoleyn weriyaasha warbaahinta madaxa banaan in wararkooda ay soo tabiyaan, taas bedel keedna ay iyagu iska soo duubaan markaas kadibna u diraan warbaahinta, waxayna arintaan soo taageynd intii ay jirtay xukuumaddan. Guud ahaan weriyaasha ka howl-gala deegaanada maamulka Galmudug ayaa Ra’iisul wasaare Kheyre ka dalbaday inaan laga hor istaagin howshooda, iyagoo sheegay inay si ku meel gaar ah shaqadii u joojiyeen xalna ay ka sugayaan xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.