-
Content Count
214,051 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Bitlis)- Todoba qof ayaa ku dhintay halka 64 kalena laga soo badbaadiyey doon siday Muhaajiriin ka yimid dalalka Pakistan, Bangladesh iyo Afghanistan oo kula dagtay Haro ku taala dalka Turkiga, gaar ahaana gobolka Bitlis. Doonta ayaa degtay xili ay ku sii jeedday degmada Adilcevaz ee gobolka Bitlis, oo ku taal xeebta waqooyiga harada Lake Van, sida uu sheegay xafiiska Badhasaabka gobolka Bitlis, oo tilmaamay in Shilku abbaaraha 3am (0000 GMT). Haradan ayaa u dhow xadka Turkigu uu la leedahay Iran, halkaas oo muhaajiriintu ay si joogto ah ugu gudbaan Turkiga, iyagoo ku sii jeeda galbeedka dhinaca Yurub. Ma cadda sababta muhaajiriinta ay ugu dul degeen ama ugu safrayeen harada Lake Van, oo gabi ahaanba ku taal xuduuda Turkiga. Shan qof ayaa maydkooda laga helay goobta, halka laba kalena ay ku dhinteen cusbitaalka, waxaana 64 qof ee la soo badbaadiyay loo qaaday Cisbitaallada, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha gobolka Bitlis ee shilku ka dhacay. Sannadkan oo kaliya Turkiga ayaa ka mid noqday dalka martigeliyey tirada ugu badan ee qaxootiga ah ee dunida oo dhan 3.7 milyan oo reer Suuriya ah, taas oo marar badan sheegtay inay doonayso inay ku celiso aag nabdoon oo ku yaal waqooyiga bari ee Suuriya. Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka digay mowjado qaxoontinimo oo dheeri ah waa hadii dagaalada Suuriya – iyo weeraro hor lehi ay ka sii socdaan dalkaasi ay keeni karto qoxooti tiro badan. Source
-
Mudaharaad looga horjeedo in cid ka tirsan dowladda Puntland ay timaaddo degmada Xiingalool, oo ay abaabuleen shacab ka caraysan xilka qaadistii Dhooba-daareed, ayaa maanta ka socda degmadaasi Xiingalool ee gobolka Haylaan. Qaar kamid ah bulshada degmada Xiingalool, oo u badan dhalinyaro iyo haween ,kuna dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Puntland, ayaa maanta socod ku maraya waddooyinka Xiingalool xilli la filayo in Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland uu maalmaha soo socda booqdo degaanno ka tirsan gobollada Sanaag iyo Haylaan. Dadka mudaharaadka samaynaya ayaa gudaha magaalada Xiingalool ku gubaya taayirada gaadiidka. Xiingalool ayaa kamid ah degaannada la filayo in uu booqdo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Gobollada Sanaag iyo Hayland, ayaa laga soo sheegaya in ay ka jirto xiisad ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiin Xaaji Maxamed Dhooba-daareed, kaasi oo xilka looga xayuubiyay mooshin ay dabada ka riixaysay xukuumadda Puntland. PUNTLAND POST The post Mudaharaad looga horjeedo Puntland oo ka socda degmada Xiingalool appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta iyo Go’aamadii Ka Soo Baxay. Fadhigii 51-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan. Golaha wasiirradu waxay dood dheer ka dib ansixiyeen siyaasadda qaran ee maalgashiga, sidoo kale waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo qoraalka xeerka maalgashiga, waxaana golaha sharaxaad ka siiyey wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo garyaqaanka guud ee qaranka. Dhinaca kale, waxa golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxay mar kale ku celilyeen go’aanka Jamhuuriyadda Somaliland ee xidhiidhka wada shaqayneed ee dalalka caalamka iyo hay’aduhu inuu yahay in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirrada iyo ergooyinka ka socda waddamada caalamka, madaxda ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reebban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan oggolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ee ay khusayso. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Faarax Xiirey oo ka mid ahaa dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho, ayaa habeenkii Isniinta lagu dilay degmada Hodan, waxaana markii ugu horreysay dilkiisa ka hadlay ehelladiisa. Ehellada Cabdullaahi oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dilka marxuumka uu ka dambeeyey sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda. Cabdullaahi Cabdikariim Maxamed Xiireey oo ay walaal yihiin ayaa sheegay in inta aan la dilin ka hor ay jirtay dood iyo khilaaf ka dhaxeeyey marxuumka iyo taliyaha guutada 1-aad ee 12-ka April ee ciidamada xoogga dalka, oo lagu magacaabo Xasan Jaamici. Cabdullaahi Cabdikariim ayaa sheegay in 23-kii bishan xilli habeen ah ayuu marxuumka u yimid sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Cabdi Jaamac, islamarkaana ay israaceen, daqiiqado kadibna Cabdullaahi Xiireey lagu dhex diley gaarigii uu watay. Cabdullaahi Cabdikariim waxa uu intaas ku darey in Cabdillaahi Xiirey uu lahaa shirkad ganacsi, islamarkaana Xasan Jaamici uu dhowr mar ugu hanjabay dil. Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karto eedeymaha qoyska Cabdullaahi Xiirey ay u jeediyeen Xasan Jaamici. Sidoo kalena, nooma suurta-gelin inaan helno Xasan Jaamici si uu uga ajwaabo eedeymahan. Hoos ka daawo hadallada qoyska Cabdullaahi Xiirey
-
Jowhar (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil uu askari ka tirsan ciidamadda Soomaaliya uu ka geystay Jowhar, caasimada HirShabelle. Marxuumka ayaa la sheegay in uu ahaa wiil yar oo kamid ah ganacsatadda ka shaqeysa iibinta kaluunka ama Malayga. Dilka ayaa la sheegay in uu yimid markii askariga uu waydiiyey wiilka yar shan kun oo Shiling Soomaali, markii uu u sheegay uusan hayn la dilay. Dadwayne ka careysan khaarijinta wiilka yar ayaa isugu soo baxay magaaladda, waxayna sameyeen banaanbaxyo xoogan. Xaaladda magaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana wali aanan ka hadlin arrimahaan laamaha ammaanka dowlad goboleedkaas. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Carro.mp3 View the full article
-
RW Xasan Cali Kheyre ayaa laguwadaa inuu maanta booqdo Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud halkasoo uu u tagayo xoojintachowlaha Doorashada Galmudug oo wali qas ka [...] Source
-
(SLT-Saint Paul)- Masjid ku yaalla magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa sabtidii 21-ka December weeraray nin caddaan ah, sida ay sheegeen maamulka. Ilaalada iyo maamulka Masjidka Darul-Imaan ayaa sheegay in xilli aroor hore ah uu Masjidka soo galay qof caddaan ah kadibna darbiyadiisa uu ku qorey hadalo naceyb ah. Waxay sidoo kale sheegeen inuu burbur u gaystay xafiisyada Masjidka. Booliska ayaa markii uu soo gaarey Masjidka waxaa ay baaritaano ku sameeyeen ciddii ka dambeysay hadallada u muuqdo naceyb ee lagu qoray darbiyada Masjidka. Source
-
Hargeysa (SMN) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulankii labaad la yeeshay hogaanka xisbiyadda mucaaradka. Kulankaan ayaa looga hadlay qodobadii ay kala saxiixdeen ee ku saabsanaa doorashooyinka degaanka iyo baarlamaanka. Madaxtooyadda Somaliland ayaa shaacisay in leysla qaatay in xukuumadda talada haysa la siiyo 15-casho oo ay doorashooyinka ku qabaneyso. Doorashooyinka degaanka iyo baarlamaanka Somaliland ayaa lix jeer baaqday lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana walwal ka muujiyey caalamka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Waarka-Duhur-26122019.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar weyn u leh hannaanka hufnaanta Maamul iyo xaqiijinta doorka dowladda kaga aaddan qaabeynta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in sharciga Shirkadaha Dalku uu si gaar ah u dhiirri gelinayo ganacsiga, shaqo abuurka iyo fursadaha maalgashi ee dalkeenna, dhawrayana xuquuqda hantiyeed ee muwaadiniinta. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaarisay sharciyadan iyo mudnaanta ay siiyeen in lagu jaangooyey talo soojeedintii ganacsatada iyo dhaqaalayahannada Soomaaliyeed. Sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud ee dalka iyo Shirkadaha Ganacsiga ayaa ka tarjumaya dadaallada wax-ku oolka ah ee Dowladdu ay ku bixisay sanaddadii la soo dhaafay yareynta musuqmaasuqa, xal u helista caqabadaha haysta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta kalsoonida maalgashadeyaasha Caalamiga ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo labo sharci saxiixay appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in mar kale ay halkaasi ka soo cusboonaatay colaad u dhexaysa laba beelood oo dhowaan laga heshiiyay. Colaadda ayaa dib u soo noqotay, kadib markii degaannada Ceel Afweyn iyo Gar-Adag maanta lagu dilay laba qof oo shacab ah, kuwaasi oo ka soo kala jeeda beelaha horay halkaasi ugu dagaallamay, sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Wararku waxay sheegayaan, in malayshiyaad hubaysan oo ka kala tirsan labada beelood ay maanta isku hor-fadhiyaan degaannada Ceel Afweyn iyo Gar-Adag ee galbeedka gobolka Sagaan, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dagaallo culus dib uga dhex qarxaan labada beelood. Sidoo kale, Ciidamada Somaliland ee ku sugan galbeedka gobolka Sanaag, ayaa lagu eedaynaya in ay la kala safan yihiin malayshiya-beeleedka halkaasi isku hor-fadhiya, xilli aysan jirin wax waan-waan ah oo lagu qaboojinayo colaaddaasi. PUNTLAND POST The post Colaad mar kale ka qaraxday degaannada Ceel Afweyn iyo Gar-Adag appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in Ayax uu ku degay galbeedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe. Deegaano ay ka mid ah Bangoronyo iyo deegaano kale oo dhaca Galbeedka magaalada Jowhar ayaa la sheegayaa in ayaxaasi lagu arkay. Dadka Beeraleyda ah ee ku nool glabeedka Magaalada Jowhar ayaa sheegay in uu beerahooda ku degay ayaxaas , iyagoo sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan in uu dalagyada ka baa bi’iyo. Maalmo ka hor ayay aheyd markii ayax fara badan uu ku degay deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan iyadoo marki dambe ay dadku iska kiciyeen kadib markii ay rasaas ku rideen. Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud, waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku degayo qeybo kale oo ka mid ah dalka. Magaalooyinka uu horey usoo maray Ayax ayaa waxaa kamid ah Cadaado, Hobyo, Guriceel iyo Gaalkacyo, waxaana baraha bulshada qabsaday falcelin ku saabsan dadka Reer Cadaado oo dabka saartay Ayaxa. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dhakhaatiir u dirtay goobaha uu ku dagay Ayax, wuxuuna saameyn ku yeeshay nolosha dadka caadiga iyo Beeraha.
-
Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle uu Nin Ganacsade ahaa u diley Shan Kun oo Shilin Soomaali ah. Dilka Ninka ayaa yimid, kadib markii Askariga uu weeydiistay in uu bixiyo lacagta ninka oo Suuqa Jowhar ku iibinayey Mallaay, hayeeshee uu sheegay in uu hadda heyn balse xabad uu ku dhuftay, sida uu sheegay qof kamid ah dadka Magaalada Jowhar. “Isii 5 kun Sh. Somali ah Wallow ma haayo ilaa aan ka gadanayo mallaayga aan soo qaatay isug, maya madaxa ayuu uga dhuftay xabad, Shan kun darteed ayuu u dilay, waxaana ka codsanayaa laamaha amniga in sharciga la horkeeno dilaaga si xaqdarada ah ku dilay maskiinkaan ayuu yiri” qof kamid ah dadka Jowhar. Askariga dilka geystey ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxaana baadigoob ugu jira ciidamada booliska magaalada Jowhar. Dad ka careysan dilka wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Muxumad Maxaad oo 33 jir ah ayaa waxaa ay banaanbaxyo ka dhigeen wadooyinka magaalada Jowhar iyagoo hakad muddo kooban ah ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah magaalada Jowhar. Wiilkaan Maanta lagu dilay Magaalada Jowhar ayaa waxaa xusid mudan in wiil la dhashay sanadkii hore uu diley mid ka mid ah ciidamada milatariga xaafada Horseed ee magaalada Jowhar, waxaana marxuumkaas isna lagu magacaabi jiray abdicasiis Muxumad Maxaad
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii xalay kulan salaan ah la qaatay weftigii ballaadhnaa ee ka socday maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dawladda Federal-ka Itoobiya ee booqashada shaqo ku joogay Somaliland. Weftiga ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada oo ay hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka is-maamulka Oromada Mrs Chaltu Sani Ibraahim, ayaa kulankooda salaanta ah madaxweynaha kula qaatay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay labada dhinac iska xog-waraysteen xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo guud ahaanba Itoobiya, iyaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh ee uu dalka ugu soo dhaweeyey. Kulanka Salaanta ah ee uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wa bilaahi Tawfiiq Source
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta wuxuu la hadlayaa Shacabka isagoo Arimo badan ka hadli doona. Xaalada Guud ee Puntland, Amaanka Soomaaliya iyo [...] Source
-
Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA iyo wasaarada Qorshaynta iyo Xiririrka caalamiga ah ee Puntland waxay si wadajir ah markii ugu horaysay u wada qabteen shirka wadatashiga Bulshada Rayidka oo ku aadan Qorshaha Hormarinta PL ee shanta (5) sano ee soo socota 2020-2024. Shirkan oo ay kasoo qaygaleen 70 aqoonyahan oo kakala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada rayidka oo ay hogaaminayso PUNSAA waxaa looga hadlay Arrimo ay kamid yihiin qodobada mudnaanta la siiyay ee ku jira Qorshaha hormarinta PL 2020-2024(priorities of the 5YPDP(2020-2024). Sidoo kale waxaa looga hadlay kaalinta Bulshada Rayidka PL ay ka qaadankarto qorshahan(Role of Civil Society) iyo hindisida mudnaan cusub oo laga yaabo in ay Bulshada ku cusubyihiin sida Isadalka cimiladaiyo Dimuqraadiyada PL kuwaas oo qay ka noqonkarta Qorsha cusub(emerging new priorities/issue). PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Qorshaha Horumarinta Puntland oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si weyn walwal uga muujiyay qodob cusub oo lagu soo daray sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal, kaasoo shalay loo qeybiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka. Qodobkan ayaa ahaa in Madaxweynaha uu Ra’iisul Wasaaraha ka soo magacaabayo Xisbiga ku guuleysta aqlabiyada Baarlamaanka, waxaana qodobkaas uu ku tilmaamay inuu gacmaha ka xirayo Madaxweynaha, kana hor-imaanayo qodobka 90aad ee Dastuurka oo qeexaya awoodaha Madaxweynaha. Haddaba qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu kaga hadlay qodobkaas oo saacadihii la soo dhaafay dadku si weyn uga hadlayeen:- ARIMO KU GADAAMAN QOD.11aad EE SHARCIGA DOORASHOOYINKA. Anigoo u mahad celinaya gudiga sharciga doorashooyinka ee Baarlamaanka, haddana waxaan lagama maarmaan ah in la ifiyo arimo ku gadaaman qodob cusub ee ay gudigu ku soo dareen sharciga oo ah qodka 11aad gaar ahaan faqradiisa 6aad ee sharciga doorashooyinka ee sheegaya ama tibaaxaya in madaxweynahu uu ka soo dhex qabanayo wasiirka koowaad xisbiga ku guuleeysta aqlabiyadda Barlamaanka. Haddaba waxaan isleeyahay qodobkaasi cusub ee aan horay baarlamaanku oga doodin ogana baaraan dagin waxuu u baahan yahay is dul istaag iyo ka doodis badan, marka laga eego arimaha soo socda: 1. Qodobka oo aad moodo inuu ka hor imaanayo qodka 90aad ee dastuurka ee qeexaya awoodaha madaxweynaha, asagoo gacmo xiraya madaxweynaha. 2. Qodobka oo wax ka badal weyn ku sameynaya nidaamkii xukun ee dalka ee ku dhisnaa kuna saleysnaa awoodo dheeli tiran oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo wasiirka koowaad, lakiinse haddii qodabkaan 13aad la qaato waxaa dhaci doonta in awoodda wasiirka koowaad ay aad xoogeysato uuna noqonayo asagu madaxa dowladda (Head of State) sida curfi ahaan lagu yaqaano wasiirada koowaad ee ku yimaado habka aqlabiyadda Baarlamaanka. Haddii ay sidaas dhaceysana oo nidaamkaas xukun ee cusub aan u guureynana waxay u baahan tahay in si weyn looga hadlo loogana baaraan dago oo uusan si sibiq ah nagu galin laguna qaadan. 3. Qodobka oo laga yaabo inuu qalqal iyo qulub ku keeno nidaamkii awood qeybsi ee dalka ka jiray, waayo hadduu madaxweynuhu wasiirka koowaad ka soo magacaabayo xisbiga hela aqlabiyadda Baarlamaanka waxaa imaan karta in haddii madaxweynaha la doortay uu noqdo beel (X) qofka hogaamiya xisbiga hela aqlabiyadda baalamaankuna noqdo isla beel (X) uu madaxweynuhu ku qasbanaado inuu qofkaas magacaabo maadaama uu asagu yahay hogaamiyaha xisbiga ee xaqa u leh xubintaas ama xilkaas, taas oo dhaawac ku ah dhowrista nidaamkii awood qeybsi ee jiray. Dhanka kale hadduu madaxweynuhu asagoo dhowraya awood qeybsiga qofkaas qof aan aheyn oo beel Y ah uu xisbigaas ka dhex qabsadana, waxaa imaan karta inuusan qofkii hogaamiyaha xisbiga ahaa uu ku qanci waayo oo halkaas khilaaf iyo burbur xisbigaas ku yimaado ay dhacdo. Haddaba waxaan xildhibaanada sharafta leh u soo jeedin lahaa in qodobkaas ay sii gaar ah diiradda u saaraan loogana doodo.
-
Jowhar (Caasimadda Online) – Mooshin ka dhan ah madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in xildhibaanada Baarlamaanka ay gudbiyaan, waxaana la fahamsan yahay in 40 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ay isku raaceen iney gudoonka wakiilada u gudbiyaan go’aankoda. Waxaa la fahamsan yahay in maamulka HirShablle uu yahay mid gudan waayay waajibkii saarnaa, sidoo kalana gabi ahaan wax ka qaban waayay amaanka, horumarka iyo dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab sida ay ku doodayaan Sharci-dejiyeyaal. Lama oga tallaabada xigta oo ay qaadi doonaan xubnaha wada mooshinkaan, balse waxaa la ogyahay inuu socdo abaabulka, sidoo kalana xubin ka tirsan Baarlamaanka oo taageero weyn u ah xukuumadda hadda ayaa la hadlay saxaafadda. Aadan Kaladire wuxuu aaminsan yahay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay wadaan mooshin aan wakhtigaan loo baahneyn, kaas oo keeni kara buuq siyaasadeed. Sida la ogyahay dhamaadkii 2017 ayey aheyd markii madaxweyne Maxamed Cabdi Waare loo dhiibay xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka HirShabelle, waxaana jirta in lagu guuldareystay dhawr mooshin oo laga gudbiyay.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa haatan uu khilaaf ka taagan yahay 20 Xildhibaan oo Ahlusunna Wal-Jamaaca laga siiyey Baarlamaanka Cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug, iyada oo Odayaal iyo Waxgarad ay kasoo horjeesteen. Cabdullaahi Macalin Cali oo kamid ah dadka deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin raalina ka noqoneyn Xildhibaannada Ahlusunna laga siiyey Baarlamaanka Galmudug. Wareysi uu siiyey warbaahinada Muqdisho ayuu sheegay in marnaba aysan qeyb ka noqoneyn dhismaha Galmudug, Ururka Ahlusunna uu in ka badan 70 Ruux uu ku diley deegaanka Xeraale,isla markaana ay aqbaleyn in Xildhibaannada deegaankooda loo xil saaro Urur Gaar ah. Sidoo kale waxaa jiro beelo kale oo ka hor imaaday 20-ka Xildhibaan oo ay dhawaan ku dhawaaqday Ahlu Sunna iyadoo beelaha qaar ay ku doodayaan in laga qaatay tiro badan oo aysan qaadan karin marnaba. Dhanka kale, waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacday xaflad lagu soo dhaweenayo labadii Xildhibaan oo ay Ahlu Sunna ka qaadatay Beesha Sacad kuwaas oo dhawaan lasoo gudbiyey magacyadooda. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Ahlu Sunna u ogolaatay 20 ka mid ah 89 Xildhibaan ee uu yeelanayo Baarlamaanka Galmudug.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta qasriga madaxtooyada kula qaatay gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Markii kulankaasi laga soo baxayna wax warbaahinta la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani waxaanay shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
-
Popular Contributors
