-
Content Count
214,051 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay loo qeybiyey sharciga doorashooyinka qaranka ee heer federal, oo is-beddelo cusub lagu sameeyey. Sharcigan oo maalmahan ay xildhibaanada ka doodayeen, ayaa waxaa soo diyaariyey guddi hoosaad ka tirsan baarlamanka, hase yeeshee waxaa lagu sameeyey is-beddelo dhowr ah, kadib markii la dhageystay aragtida xildhibaanada, intii ay doodda socotay. Sharciga ayaa waxaa ku jira qodob si weyn u dhimay awooddii madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo ah in madaxweynaha uusan hadda kadib awood u lahayn inuu ra’iisul wasaare u magacaabo qofkii uu doono, balse ay qasab ku tahay inuu ra’iisul wasaaraha kasoo magacaabo xisbiga ugu kuraasta bata baarlamanka., Farqada 6-aad ee qodobka 11-aad ee sharcigan ayaa u dhigan sidan: “Madaxweynaha JFS ayaa ka soo magacaabaya xisbiga ama isbahaysiga doorashada ku guulaysta kuraasta ugu badan aqlabiyadda baarlamaanka (50% +1) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.” Sharciga ayaa waxaa sidoo kale ku qoran in nidaamka xukunka Dawladda Soomaaliya uu yahay nidaam baarlamaani ah, islamarkaana mnadaxweynaha ay kulan wadajir ah ku dooranayaan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si waaqfsan Qodobka 89-aad ee Dastuurka. Si kastaba, sharciga ma dhigayo in hoggaamiyaha xisbiga ugu kuraasta bata baarlamanka uu si toos ah u helayo jagada mnadaxweynaha, taasi oo ka duwan nidaamka baarlamaaniga ee dalalka dunida, sida UK oo kale, oo xisbiga hela kuraasta ugu badan uu si toos ah u qaadanayo xilka ra’iisul wasaaraha. Tani waxa uu macnaheedu noqon karaa in hoggaamiye xisbigiisa laga kuraas bato, uu weli awood u heli karo inuu codad ka raadsado xildhibaanada xisbiyo kale, kadibna loo doorto madaxweyne. Hoos ka aqriso qodobka 11-aad iyo guud ahaan sharciga Qodobka 11-aad: Shuruudaha iyo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Madaxweynuhu waa madaxa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana loo dooran kara muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha ku xusan Qodobka 88-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Nidaamka xukunka Dawladda Soomaaliya waa nidaam Baarlamaani ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kulan wadajir ah ku dooranaya xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa loo raacaya sida ku xusan Qodobka 89aad ee Dastuurka, GMDQ ayaana maamulaya sida ku cad Qodobka 111G (2)(a) ee Dastuurka ayadoo loo fulinayo si waafaqsan Xeer Hoosaadka kulamada wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Maalinta doorashada Madaxweynaha JFS waxaa reeban hadaljeedinta murashaxiinta iskood u tanaasulay iyo marti-sharafta iyo olole kasta oo saameyn ku yeelan kara codbixiyeyaasha ilaa doorashadu ka dhaceyso, waxaana lagu faahfaahinayaa habraac ay soo saaraan GMDQ si waafaqsan Dastuurka, Xeer Hoosaadka Baarlamaanka FS iyo habraaca doorashada Madaxweynaha. Murashaxa ku guuleysta xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla marka la doorto wuxuu Baarlamaanka Federaalka hortiisa ku marayaa dhaar, waxaana dhaarinaya guddoomiyaha Maxkamadda Sare si waafaqsan Qodobka 96aad ee Dastuurka kmg. Madaxweynaha JFS ayaa ka soo magacaabaya xisbiga ama isbahaysiga doorashada ku guulaysta kuraasta ugu badan aqlabiyadda Baarlamaanka (50% +1) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha la magaacaabay iyo Golihiisa Wasiirrada ayaa waydiisanaya Baarlamaanka codka kalsoonida. Halkan ka aqriso sharciga oo dhan
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay loo qeybiyey sharciga doorashooyinka qaranka ee heer federal, kaasi oo qeexaya habka loo soo dooranayo xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya. Sharcigan oo maalmahan ay xildhibaanada ka doodayeen, ayaa waxaa soo diyaariyey guddi hoosaad ka tirsan baarlamanka, hase yeeshee waxaa lagu sameeyey is-beddelo dhowr ah, kadib markii la dhageystay aragtida xildhibaanada, intii ay doodda socotay. Haddaba hoos ka aqriso qodobka ka hadlaya 12-aad oo ka hadlaya hannaanka doorasho ee labada gole ee baarlamaanka. Qodobka 12-aad: Doorashooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Hannaanka Doorasho ee Labada Gole ee Baarlamaanku waxay noqonaysaa mid tix-gelinaysa isu-dheellitirnaanta qeybaha bulshada (haweenka, dhalinyarada dadka laga tirada badanyahay iyo beelaha Soomaaliyeed) si waafaqsan Qodobka 64aad faqradiisa (3) iyo Qodobka 72aad xarafkiisa (c) ee Dastuurka. Sida uu dhigayo qodobka 64aad ee Dastuurku, kuraasta loo tartamayo ee Golaha Shacabku waa 275 Xubnood, waxayna matelaan dhammaan Bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Doorashadu waxay ka dhaceysaa dalka oo dhan. Ilaa iyo inta laga gaarayo tirakoob rasmi ah oo ka dhaca dalka oo dhan, laguna saleynayo qaybinta kuraasta hab deegaan doorasho, 275-ta xubnaha Golaha Shacabka doorashadoodu waxa ay ka dhacaysaa meel kasta oo suuragal ah iyada oo la ilaalinayo hannaanka awood qaybsiga bulshada soomaaliyeed ku heshiisay. Sida uu dhigayo qodobka 72aad ee Dastuurku, kuraasta loo tartamayo ee Aqalka Sare ugu badnaan waa 54 Xubnood, Doorashooyinka iyo qeybinta kuraasta Aqalka Sare waxaa loo raacayaa sida ku xusan Qodobka 72aad ee Dastuurka. Sida ku xusan Qodobka 72aad xarafka (C) ee Dastuurka waa in Dowlad Goboleedyada si dhab ah u hirgeliyaan nuxurka awood qaybsiga iyo isu dheelitirnaanta matalaada bulshada ee kuraasta Aqalka Sare. Doorashada labada gole ee BFS waxay u dhacaysaa si wadajir ah, codbixiyuhunna wuxuu hal mar wada dooranayaa murashaxiinta labada gole. Iyadoo la dhowrayo waajibaadka dastuuriga ah ee midnimada dalka iyo u sinnaanta hannaanka doorashooyinka ee shacabka Soomaaliyeed, iyadoon waxba loo dhimayn nidaamka matalaadda ee ku salaysan deegaan doorashada iyo axsaabta siyaasadda, ilaa iyo inta xal kama dambeys ah laga gaarayo xaaladda siyaasadeed ee gaarka ah ee hadda jirta, doorashada xildhibaannada labada gole ee kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland) waxa uu yeelanayaa habraac u gaar ah waxaana xeer kusoo soo saaraya baarlamaanka JFS. Xisbigii ku guuleysan waaya Doorashooyinka Labada Aqal codad u dhigma boqolkiiba afar (4%) tirada guud ee cododka ama 13 xubnaha Labada Aqal wuxuu luminayaa matelaada xisbi ee labada gole ee Baarlamaanka, Xubnaha la doortayna waxay u joogayaan si madaxbannaan ama axsaab kale ayey ku biirayaan. Halkan ka aqriso sharciga oo dhan
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay uu magaalada ka dhacay iska horimaad, iyadoo dhanka kalena aan la garanayn haddii uu khasaaro jiro iyo haddii kalaba. Iska horimaadkan ayaa yimid markii kooxo hubeysan ay weerareen Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Cantoobo, oo tan iyo bishii October ku sugan Magaalada Dhuusamareeb. Ninkan ayaa si dhow ula shaqeeya Guddiga Farsamada ee ku hawlan Dhismaha Maamulka Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in Cantoobo lagu weeraray afaafka hore ee hoygiisa, xilli uu sii gelaayay hoyga uu ka degan yahay Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb. Ilaalada Maxamed Axmed Cantoobo, Gudoomiyihii hore ee Degmada Hodan, iyo kooxdii weerarka soo qaaday ayuu iska horimaad muddo kooban socday ku dhex maray xaafadda Dayax. Cantoobo ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri “Rabbigi na badbaadiyay ayaa mahad leh” Xaaladda ayaa mid caadi ku soo laabatay, ka dib markii ay dib u gurteen kooxdii weerarka soo qaaday, oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin. Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb oo ku baxay goobtaasi ayaa ka sameeyay hawlgal kooban oo amniga ay ku xaqiijinayeen. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u sheegay in Cantoobo uu ka badbaaday weerarkaasi, mana cadda in khasaaro uu ka soo kala gaaray ilaaladiisa iyo raggii weerarka soo qaaday. Weerarkan ayaa waxaan jirin cid ka hadashay. Iska horimaadkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, ay maanta is hortaag ku sameeyeen kulan ay magaaladaasi ku lahaayeen Ahlu Sunada Galmudug.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horeysay fahfaahin buuxa ka bixisay kaamirooyinka cusub ee lagu xiray qaar kamid ah isgoysyadda Muqdisho, caasimada Soomaaliya. Cabdullaahi Faarax, agaasimaha siyaasadda iyo sharciga ee Wasaaradda Amniga, ayaa sheegay in ujeedada ka dambeysa talaabadan ay tahay si looga hortago weerarada Al-Shabaab. Faarax ayaa rumeysan in kaamirooyinka ay hoos-u-dhigi doonan fal-dambiyeedyadda kana hortagi doonan weeraradda xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida. “Weeraradda hoos ayay u dhacayaan, sababtoo ah waxaa qabaneysa Kaamiradda, waana talaabo horey loo qaadey,” ayuu Faarax u sheegay qeybta English-ka ee Tv-ga VOA. Ibraahim Xaaji, agaasimaha warbaahinta ee Wasaaradda Difaaca, ayaa shaaca ka qaadey in ciidamadda ammaanka ay si gaar ah ula socon doonan dhaqdhaqaaqa Kaamirooyinka. “Koox ka tirsan laamaha ammaanka ayaa jira oo maamulaya, mana rabo in aan kusii dheeraado, waa arrimo ammaan,” ayuu ku daray. Illo wareedyo ayaa tibaaxay in kaamirooyinka laga maamuli doono xarunta nabad sugida iyo sirdoonka Somaaliya ee loogu yeero Habad Khadiijo. Iyaddoo shacabka aragtiyo kala duwan ka bixiyey, waxaa walaac ka muujiyey siyaasiyiinta mucaaradka oo sheegay in si gaar ah loogu rakibay agagaarka hoygooda. Siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Xildhibaano kasoo horjeeda dowladda Farmaajo ayaa tuhunsan in loogu talagalay in lagula socdo dhaqdhaqaaqdooda xili jawi xasaasi ah lagu jiro. Bishii October, 2019, Al-Shabaab, oo si joogto ah weeraro uga geysta magaala madaxda, ayaa ku amartay xarumaha ganacsi ee Muqdisho, in aysan mehradahooda banaanka uga dhejin karin Kaamirooyin. Isha: VOA + Garowe Online
-
MOGADISHU, SOMALIA – Authorities in Somalia have installed security cameras on major roads in the capital, Mogadishu, in an effort to deter ongoing attacks by the Islamist militant group Al-Shabab. Residents and business owners have welcomed the stepped-up security. But, as Mohamed Sheik Nor reports from Mogadishu, some analysts doubt the cameras will be enough to stop the attacks. This month, Somali authorities began installing security cameras on some of Mogadishu’s major roads, like the Maka al-Mukarama, which leads to the presidential palace. Abdullahi Farah, director of policy and legal affairs at the Ministry of Security says the closed-circuit television cameras, mounted at key intersections, are meant to deter frequent attacks by the al-Shabab terrorist group. Farah says the security cameras will reduce criminal activities and prevent al-Shabab from carrying out attacks. He says these surveillance cameras will reduce the terrorist attacks. They will deter them from carrying out attacks because the cameras are tracking them. Therefore, he says, our people are quite happy about the move and deem it a step forward. Mogadishu residents and business owners have welcomed the cameras in the city’s business center, which the Islamist militants often target. Business owner Deqa Salad is one of those who think the cameras will make a difference. She says these cameras deter anyone from committing a crime. Even ordinary thieves avoid cameras like these, she says, because they afraid to be caught on camera. But political analyst Hassan Barise says the cameras will only deter terrorists who fear getting caught — not suicide bombers who were told that if they kill, they will be rewarded in the afterlife. “But the others who have been seriously brainwashed, or heavily indoctrinated ones, will not be avoiding anything,” said Barise. “Because, in the end of the day, they think that they will go to heaven.” Barise adds the cameras themselves will need security, as al-Shabab is likely to target them for destruction. The terrorist group in May ordered Mogadishu businesses with cameras to remove them or else they would attack. Ibrahim Hajji, director of communications at the Ministry of Defense, says authorities will closely monitor the new security cameras. A special team is manning this system, which the government established, he says. He says he does not want to go into details, as it is a sensitive matter. To further deter the Islamist militants, Somali authorities say they are also training and deploying more police and intelligence officers in the capital. Source: VOA
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-Qumnaha-Wararka-25122019-sax.mp3 View the full article
-
Makkah (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub ka gaaray arrimaha xajka, oo xajkii tagay ay hareeyeen caqabado dhowr ah, sida uu sheegay wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan. Heshiiskan ayaa yimid kadib markii wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya uu tagay dalka Sucuudiga halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi, oo ay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha Xajka iyo Xujeyda. Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay isagoo jooga magaalada Barakaysan ee Makka Al-mukaramah in maanta uu la kulmay Madaxda wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga,wuxuuna xusay in ay kala saxiixdeen heshiis la xiriira wadashaqaynta Arrimah Xajka 1441/2020. “Waxaan ku heshiinay wasaaradda xajka iyo Cumarada Sucuudiga in la xaliyo dhammaan caqabadihii xajkii sanadkii 1440/2019” ayuu yiri Wasiirka Sheekh Nuur Maxamed Xasan. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in waxbadan laga bedelo adeegyadii loo qaban jiray xujeyda Soomaaliyeed.
-
Xildhibaan Idiris Cabdi DhaKter oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ayaa maanta golaha shacabka ka sheegay dhibaatada Ayaxa, waxaa uuna dowladda ugu baaqay in wax laga qabto. Xidhibaanka ayaa sheegay in haddii aan wax laga qaban Ayaxaasi uuna soo gaaro gobalada beeraha badan ee wabiga uu maro uu geysan doono saameyn badan oo soo wajahda shacabka waxaana uu yiri” Dhibaatada hadda ugu daran Ayax waaye oo laga soo buufiyey dalka aan dariska nahay ee Itoobiya oo dalka soo galay dhinaca Seylac ayuu ka soo galay ilaa gobalada dhexe ayuu soo maray hadda waxaa uu ku sugan yahay Baledweyne, waxaa uu rabaa inuu dhulkii beeraha oo labada Webi inuu yimaado” . Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa ayaa yiri” Sidaad ogtihiin Ayaxa labo nuuc waaye waa mid Korankar u socda iyo mid socda kani labadiiba waa yahay, waqtigii dowladdii waxaa waxaa lagu koontarooli jiray hey’ad khuseysa oo plant protection la dhaho oo wasaaradda Beeraha ay leedahay, hadda wasaaraddu waxaa ay leedahay koox ka shaqeyso oo ka hortagga Ayaxa ah ilaa iyo haddana howl ay qabatay ma arkin markii hore waxaa loo koontarooli jiray Biological iyo Chemical”. Dhanka kale xildhibaanka Idiris ayaa eedeeyey wasaaradda Beeraha waxaana uu sheegay ilaa iyo hadda in aysan jirin wax qabad ay wado waxaana uu yiri” Koronkorkaas soo socda meel weyn ayaa loo qodi jiray markii uu ku habsado ayaa lagu duugi jiray, wax dhaqdhaqaaqa oo shaqo socoto maleh wasaaradda Beeraha waxaan ka rabnaa in ay wax ka qabato hey’ado ayaa jiro oo taqasus u leh oo mar waliba gacan dalka ku siin jiray dowladdii dhexe, waqtigii hadda ugu danbeysay Shinbir Masagada waxyeeleen jirtay UNDP ayaa buufin jirtay” Ugu danbeyn xildhibaan Idiris Cabdi Dhaktar ayaa ka deyriyey haddii Ayaxa uu ku dago dhulka ku teedsan labada Webi ee Jubba iyo Shabeelle ay ka dhalan karo sameyn dhanka dadka, Beeraha iyo xoolaha soo wajahda waxaan uu yiri” Haddii Ayaxaan soo socda uu beeraahaan labada Webi dhexdeeda uu yimaado oo awalna keedkoodii uu dhamaaday waxaan u malaynaa Soomaali iney cunto la’aan ay noqon doonto geedihii daaqiina waa la weynaa Xoolihiina dhibaato ayaa ka soo gaareyso Baniiaadamkana dhibaato ayaa ka soo gaareyso marka waxaan rabnaa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax laga qabto” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galinkii danbe ee maanta waxaa lagu dilay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Kooxo ku hubeysnaa Bastoolada ayaa askarika toogtay xili uu ku sugnaa meel aan sidaa kaga fogeen xarunta ganacsiga ee Ruqsan Mall ee xaagadda Suuq Bacaad ee demagada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku darayo in kooxii dilka u geystay askariga ay goobta iskaga baxsadeen ka dib markii ay dilka geysteen, waxaana ila goobta soo gaaray ciidama fara badan dowladda ka tirsan kuwaas oo goobta baaritaanno ka sameeyey. Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa badanaa ka dhaca dilal qorsheesan kuwaas ay la kulmaan ciidamada dowladda iyo dad shacab ah waxaana dhacda in badanaa qolyaha dilal fuliya ay ka baxsadaan goobta ay dilka ka geysan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE UAE, Eritrea decades of distinguished relations The current visit of the Eritrean President is an addition to the strong relations between the two counties and opens new horizons of cooperation in all fields ABU DHABI, United Arab Emirates, December 24, 2019/ — The UAE and Eritrea have enjoyed strong historic relations established since the era of the late Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan and continued its development and progress with the support of the leadership of the two countries that contributed to enhancing cooperation and has positive results on both countries. In the light of these decades old strong relations, the UAE citizens have the privilege of entering Eritrea without a pre-entry visa, which mirrors the country’s pioneering international stature, which has opened wide horizons for Emiratis citizens to access all sectors, especially in the tourist, investment and trade domains in Eritrea. The strong relations are sustaining thanks to the directives of the wise leadership of President His Highness Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, His Highness Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Vice President, Prime Minister and Ruler of Dubai, His Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Crown Prince of Abu Dhabi and Deputy Supreme Commander of the UAE Armed Forces, and President of Eritrea, Isaias Afwerki for the benefit of the two friendly countries. In this framework, the current visit of the Eritrean President is an addition to the strong relations between the two counties and opens new horizons of cooperation in all fields Distributed by APO Group on behalf of United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Coperation. SOURCE United Arab Emirates Ministry of Foreign Affairs & International Qaran News
-
Guddoomiyaha guddiga ganacsiga, warshadaha iyo horumarinta dhaqaalaha dalka ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beebe ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo shaciga shirkada. Xildhibaanka oo maanta ka hor hadlayey golaha shacabka golaha uu fadhiyey ansixinta sharciga shirkada dalka ayaa yiri” Mudane guddoomiye sharciga nidaaminta shirkadaha waa baahi taagneyd tan iyo intii Jamhuuriyaddu jirsatay, dalkuna mayeelan sharci u gaar ah oo shirkadaha nidaaminaayo balse waxaa jira xeerar iyo nidaamyo midba dhinac ka quseeyo ganacsiga” Sidoo kale Xildhibaan Beenebeene oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in ay jirto baahi weyn oo loo qabo helitaanka sharci nidaamiya shirkadaha dalka, waxaa uuna ku soo kordhiya hormarka dhaqaale ee dalka waxaana uu yiri” Baahi weyn ayaa loo qabay helitaanka sharci shirkadaha ganacsiga nidaamiya oo waxay ku soo kordhiya hormar dhaqaalaha daka waxaana soo gudbiyey wasaaradda ganacsiga oo maanta halkaan nala joogta”. Dhanka kale Xildhibaan Maxamud ayaa tilmaayey In guddigu dhageysi badan kala sameeyey bulshada qeybaheeda kala duwan iyo rugta ganacsiga Soomaaliya waxaana uu yiri ” Guddigu waxaa uu dhageysi badan kala sameeyey bulshada qeybaheeda kala duwan oo sharciga saameynta tooska ah uu ku lahaa sida rukta ganacsiga, sharcigaan waxaa golaha sharciga uu cod aqlabiyad leh oo 142 mudane ah May 12-kii 2018-ka. Ugu danbeyn guddoomiyaha guddiga Guddoomiyaha guddiga ganacsiga, warshahadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beebe ayaa ayaa golaha shacabka ka codsaday in sharcigaan ay meel mariyaan waxaana hadalkiisii ka mid ahaa” Aniga oo ku hadlaayo magaca guddiga dhaqaalaha iyo ganacsiga waxaan golaha sharafta leh ka codsanayaa in ay noogu codeeyaan sharcigaan shirkadaha si aan madaxweynaha Jamhuuriyadda aan ugu gudbino uuna u saxiixo oo uu sharci dalka ka dhaan gala u noqdo” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya socdaalka uu ku gaala bixinayo waddamada Yurub iyo hankiisa musharraxnimo ee guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxaanu ku dheeraaday in uu waayo aragnimo siyaasadeed oo dheeraad ah u leeyahay Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye, halkan hoose ka DAAWO Source
-
hubeysan ayaa xalay fiidnimadii waxay toogasho ku dileen Cismaan Axmed Askar oo ka mid ahaa shaqaalaha dekedda Boosaaso, xili uu gurigiisa u sii hoyanayey. Marxuumka ayaa u geeriyooday rasaas ay dableydu kaga fureen qaybaha sare ee jirkiisa. Goobjoogayaal ayaa VOA u xaqiijiyey in dableydii falka dilka ah geystay ay baxsadeen, mana jiraan wax war ah oo ay laamaha ammaanka ee Puntland ay ka soo saareen. Arrintan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo habeenimadii Isniinta ay gudaha magaaladda Boosaaso ay dabley aan haybtooda la garaneyn ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada amniga oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Ilkacase. Dadweynaha magaaladda Boosaaso ayaa si weyn waxay wallaac uga muujinayaan ammniga magaaladda oo toddobaadyadii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan oo aan weli maamulka Puntland ka hadlin. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay qirtay in siyaasad xumo baahsani ka jirto gudaha Somaliland, midaasi oo keentay dib u dhacyada badan ee ku yimaada qabsoomida doorashooyinka. Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in Somaliland ay weli curdin tahay, isla markaana ay weli qabyo ka yihiin sharciyo badan oo weli dhismaya, isagoona xusay inay ka xukuumad ahaan la halgamayaan talada loo dhiibay. Biixi ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in siyaasada Somaliland ay xuntahay, aadna u liidato, sida ay baahiyaha bulshada sida Wadooyinka oo kale u liitan ee ay u burbureen, waa sida uu hadalka u dhigaye. Wuxuuna ku baaqay Madaxweynuhu in siyaasada Somaliland la dajiyo oo la iskuna yimaado, si doorashooyinka u qabsooman iyadoo si wada jir ah loogu wada dhan yahay, oo wax tabasho ah aysan jirin. Muuse Biixi ayaa waxa kale oo uu Golaha wakiilada Somaliland ka difaacay inay iyaga ka qabsoomi laadahay doorashadu, isagoona sheegay in Golahaasi diyaar u yahay inuu baneeyo haddii uu yimaado golihii badali lahaa. Biixi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay la dagi laadahay inaysan laheyn qodobka ah ‘in xilka sii joogaan goluhu ilaa inta ay ka imaanayaan gole kale’, midkaasi oo noqon kara muddo korodhsi dadban oo sababi kara inaysan doorashooyinku qabsoomin. Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyey in loo baahanyahay in Somaliland iyadu ay gaadho isku filnaansho ah in doorashooyinkeeda ay iyadu qabsan karto, kana maarmi karto beesha caalamka, xili ay qaar kamid ah wadamada ka taageera doorashooyinka ay soo saareen digniino.
-
Ciidammada Dawladda Isreal ayaa sheegay in Duqayn diyaaradahoodu ay ku dileen 9 Qof oo isku qoys ah ay u dhacday si khalad ah. Ciidammada Isreal ayaa sheegay in Duqayntu dhacday, markii la bixiyey Amar iyadoo la xaqiijin halka la beegsanayaa inay tahay halka ay ku sugan yihiin Dad ay ku sheegeen inay khatar ku yihiin Shacabka Isreal. Duqaynta ay ku dhinteen 9-ka Qof ayaa dhacday 14-kii bishii la soo dhaafay ee November, 2019. diyaaradaha Isreal ayaa Duqeeyay Guriga uu Magaalada Qasa ku leeyahay Rasmi Abu Malhous oo Ciidammada Isreal loogu sheegay inuu yahay Hoggaamiyaha Jabhadda Islamic Jihad oo ah Jabhad ka dhaqdhaqaaqda dhulka la haysto ee Falastiin. Laakiin, Ninka Gurigiisa la weerarray oo aan ahayn ninka la moodayey iyo 8 Qof oo kale oo Qoyskiisa ah ayaa weerarkaa ku Geeriyooday. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-25122019.mp3 View the full article
-
Puntland security forces conduct operations in the coastal city of Bossaso, the headquarters of the Bari region on Wednesday following the killing of an army officer. The planned operation came after a young man, Osman Ahmed was killed on Tuesday night by unknown gunmen who fled from the scene. No group has yet claimed credit for the assassination, however, Al-Shabaab and ISIS-linked militants often carry out such attacks in the commercial town. In the past few years, security in Bossaso has been gaining momentum and there have been routine security operations in the city. View the full article
-
Somalia’s Lower House of parliament has on Wednesday passed two significant bills during their meeting in Mogadishu. The public financial management bill and the Corporate Legislation bill was unanimously approved by the members via a vote. 148 members voted for the first bill to become a law, six opposed while two others abstained. On the other hand, all 156 members present an approved company or Corporate Legislation Bill. The two crucial bills which are very significant to the Ministry of Finance will be submitted to the President for assent before adopted as a new law. Somalia’s lower House of parliament is expected to on recess during New Year’s Eve before returning for the seventh session. View the full article
-
Al-Shabaab militants launched a massive offensive in Kulbiyow, Lower Jubba region. The attack was targeted Jubbaland and Kenyan military base in the town on Tuesday. The ambush sparked direct confrontation with reports indicating both sides used different weapons that led to a heavy toll of casualties. Al-Shabaab said the attack and subsequent fighting inflicted losses on the allied forces but did not elaborate on the number of the fatalities. In recent months, the tension between the allied forces and al-Shabaab has been mounting in southern Somalia amid intensified US airstrikes on the militant group. View the full article
-
Ceelasha Biyaha (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya inuu halkaas ka bilowday barakac ay samaynayaan qaar ka mid ah shacabka deggan Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa la arkayey qoysas badan oo kasoo cararaya guryihii ay ka daganaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha, oo dad badan ay dageen xilligii ciidamada Itoobiya ay xoogga kusoo galeen Magaalada Muqdisho. Sida ay Caasimada Online ogaatay, sababta keentay inay dadkaan ka barakacaan guryahooda, ayaa ah kadib markii ay bateen weerarada ay Al-Shabaab xilliyada habeenkii ah kusoo qaadaan, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyey noqday kuwa joogto ah. Sidoo kale qoysaska barakacay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay halkaasi madaafiic kusoo tuuraan xilliyada habeenkii ah markii ay weerarka soo qaadaan Al-Shabaab, taasoo argagax iyo cabsi ku abuurtay dadkii halkaas daganaa. Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa waqtiyada habeenkii ah ka taliyo qeybo badan oo ka tirsan Ceelasha Biyaha, waxayna fariisimo ku leeyihiin meel duleedka ka ah Ceelasha Biyaha oo ah xero lagu tababaro maleeshiyada Al-Shabaab. Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa qiyaas ahaan 15km u jira Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab laga saaray dhawr sano ah, balse weli waxaa muuqato awoodda iyo saameynta ay Al-Shabaab ku leeyihiin.
-
Popular Contributors
