Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,073
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU, SOMALIA (AP) - A truck bomb exploded at a busy security checkpoint in Somalia's capital Saturday morning, killing at least 78 people including many students, authorities said Source: Hiiraan Online
  2. Ku dhowaad 30 ardey oo saaka Waxbarasho usoo kalahay ayaakamid ahaa Dadkii lagu xasuuqay Kantaroolkii hore ee dhanka Afgooye Magaalada Muqdisho. Sawirkaan hoose wuxuu kamid [...] Source
  3. Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Ahmed ayaa soo booqdey Isbitaalada ay yaalaan Dadkii ku waxyeeloobay Qarixii Saaka lala beegsadey Kantaroolkii hore [...] Source
  4. Sharciga Doorashooyinka ee Baarlamaanku ansixiyey ayaa waxaa soo dhaweeyey Siyaasiyiinta- iyo Xisbiyada Mucaaradka iyagoo tilmaamay in loo bahan yahay in Aqalka Sare uu ansixiyo. Xildhibaan [...] Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddigii Gargaarka Beledweyn Oo Dib Ugu Soo Laabtay Kana Hadlay Kulan Ay La Qaateen Madaxweyne Farmaajo, halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo xubin ka ah madasha Xisbiyada Qaran ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Taliyaha Boosliska uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku amro in la qariyo dhimashada ka dhalatay qaraxii weynaa ee saaka ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye. Xildhibaan Fiqi ayaa tilmaamay inay dadka Muqdisho u dhaxeeyaan mid qarxinayo iyo mid doonayo inuu qariyo dhimashadooda. Xildhibaanka ayaa sheegay in horey hey’adaha ammaanku ay u diideen gaadiidka Gargaarka degdegga ah (Ambulance) iyo warbaahinta si xaqiiqda In la ogaado loo qariyo haddaba ay mareyso in Guddoomiyaha Gobolka lagu amro inuu qariyo dhimashada. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Xildhibaan Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook Shabaab ku qarxi oo Boolis ku qari. Horey hey’adaha ammaanku waxay u diideen gaadiidka Gargaarka degdegga ah (Ambulance) iyo warbaahinta si xaqiiqda In la ogaado loo qariyo, maantana waa kan taliyihii Boolisku guddoomiyaha gobolka u sheegaya “ha sheegin dhimashada”, yaa laga qarinayaa dhimashada, ma eheladii dadkii dhintey, mise shabaabkii dilka geystay mise kuwii dayacay dadkaas ammaankooda in la ilaaliyo, mise dadka Soomaaliyeed iyo adduunka kale! Waa nasiib-darro weyn in ay dadka reer Muqdisho ay u dhexeyaan kuwo qarxinaya iyo kuwo qarinaya, habdhaqanka taliyaha Booliskana oo ah ruuxa ugu sarreeya ciidamada Booliska oo ah hey’adda Amniga muwaadiniinta ka mas’uulka ah In uu isku dayo inuu qariyo tirada dhimashada dadkii maantay la xasuuqay! Waxaa ayaandarro taas ka weyn ah in madaxdii ku koontarooli laheyd hawshaas ama soo booqan laheyd baaxadda dhibaatooyinkaas ay Difaac uga jiraan goobihii ay degenaayeen oo cabsi heysa awgeed ay ku sugayaan halkaas warbixinada ay u soo gudbinayaan taliyihii lahaa dhimashada yaan la sheegin iyo kuwa la midka ah, waxaana laga yaabaa mararka qaar In loo sheegi in khasaaruhu kooban yahay bale mucaaradku buunbuuniyaan! Guddoomiyaha gobolka oo dadaalaya waxaa waajib ka saaran yahey badnaadinta dhiigga dadka uu madaxda u yahay ee ku dhaqan gobolka Banaadir oo uusan ku hallayn kuwa qarxinaya iyo kuwa qarinaya.
  7. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira Safarkii Kormeerka Mashaariicda Maamul daa-dejinta ee JPLG oo galay wajigii saddexaad ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka Salel halkaasi oo waftiga Madaxweyne ku xigeenka si balaadhan loogu soo dhaweeyey. Waftiga ayaa maray Deeganaada Qolujeed, Boon, Xariirad, Jidhi, Ceelgaal, Caasha caddo iyo Toqoshi oo uu waftiga Madaxweyne ku xigeenku mareen ayaa lagu soo dhaweeyey sidoo kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kormeeray mashaariic horumarineed oo laga fuliyey deegamadaasi xadhigana ka jaray dhismayaal cusub sidoo kalena uu dhagax dhigay kuwo kale. Ugu danbayntiina Waftiga Madaxweyne ku xigeenku hoggaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salel, halkaasi uu madaxweyne ku xigeenku kulan kula qaadan doono masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku mudada uu joogo uu u kuurgeli doonaa xaalada guud ee gobolkaasi. Wa bilaahi tawfiiq Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, ayaa booqday qaar ka mid ah Isbitaallada Muqdisho, oo la dhigay dhaawacyada dadkii maanta ay waxyeellada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ex-Kontrool Afgooye. Madaxdii hore ee Qaranka ayaa gurmad ugu baaqay dhammaan bulshadda Soomaaliyeed , waxaana ay sheegeen in dhaawacyadda la geeyay Isbitaallada ay badan yihiin. Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya gurmad xoog leh oo loogu gargaarayo dadka ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay saaka Isgoyska Ex Kontrool. Dadka ugu badan ee khasaaraha soo gaaray waa arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana tirada ardaydaas lagu sheegay illaa sodomeeyo ruux. Sidoo kale waxaa dadka dhintay ku jira Engineero u dhashay dalka Turkiga iyo Ciidamo Boolis ah oo goob ku dhow Isgoyska uu qaraxa ka dhacay ku lahaa xarun canshuuraha lagu qaado. Si kastaba ha ahaatee qaraxa ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa la qiyaasayaa inuu la mid noqon karo kii ka dhacay Isgoyska Zoobe, marka loo eego xajmiga qaraxa goobta uu ka dhacay oo ah mid mashquul badan.
  9. Muqdisho (Caasimadda Onliine)- Waxay faah faahin ka soo baxaysaa sida isbitaalada Magaalada Muqdisho loogu kala qaaday dadkii maanta ku waxyeeloobay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Muqdisho. Dhakhaatiirta caafimaadka ee ka hawlgasha Magaalada Muqdisho ayaa qaabilay dhibane-yaal la soo gaarsiiyay, iyagoona xilligan la tacaalaya dhaawacyadii la soo gaarsiiyay. Dhibane-yaasha oo intooda badan la geeyay Isbitaalka Madiina ayaa waxay maamulku sheegeen in la soo gaarsiiyay meydadka 73 qof iyo dhaawacyada 52 kale, Isbitaalka Digfeer ayaa la geeyay meydadka 3 qof iyo dhaawaca 35 kale, iyadoo isbitaalka Somali Sudanese la geeyay 1 qof oo meyd ah iyo 15 kale oo dhaawac ah, isbitaalka Kalkaal waxaa la gaarsiiyay 10 qof oo dhaawac ah, isbitaalka Shaafi ayaa la geeyay 8 dhaawac ah, halka Daaru Shifa la gaarsiiyay 6 dhaawac. Tirada dhimashada ayaa ah 77 qof, halka dhaawacuna uu sii caga-cageynayo 126 qof. Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in argagixisadu ay maanta xasuuqday dad aan waxba galabsan. Dadka ugu badan ee khasaaraha soo gaaray waa arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana tirada ardaydaas lagu sheegay illaa sodomeeyo ruux. Sidoo kale waxaa dadka dhintay ku jira Engineero u dhashay dalka Turkiga iyo Ciidamo Boolis ah oo goob ku dhow Isgoyska uu qaraxa ka dhacay ku lahaa xarun canshuuraha lagu qaado. Si kastaba ha ahaatee qaraxa ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa la qiyaasayaa inuu la mid noqon karo kii ka dhacay Isgoyska Zoobe, marka loo eego xajmiga qaraxa goobta uu ka dhacay oo ah mid mashquul badan.
  10. Maxadka Tababarada IMRA TRAIDING Cener Oo Munaasabad U Qabtay Arday Waxa Ka Baratay Maxadka Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Markab Siday Raashin Dhacay Oo Laga Celiyay Dekedda Berbera, halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xafiiska Garyaqaanka Guud Oo Ka Hadlay Xadhiga Siyaasi Ramaax, halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay la beegsadeen Ex-kaantorool Afgooye. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in goobta ay la beegsadeen argagixisadu qaraxan bahalnimada ah ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u banneysteen dhiigga muwaadin kasta, iyadoo aan kala sooc lahayn. Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda. “Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaateeyeen cadowgu. Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in muwaadiniin Turki ah lagu dilay qaraxii weynaa ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Ex. Kontrol Afgooye. Safiirka Turkiga u jooga magaalada Muqdisho Mehmet Yılmaz ayaa xaqiijiyey in laba qof oo Turki ah ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay kasoo xigteen warbaahinta Turkiga, iyadoo aan magacyadooda la shaacin. Wararka ayaa sheegaya in Weerarka loola dan lahaa Injineero Turki ah oo ku howlahaa dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, markii gaari weyn oo qarax siday lagu dhuftay gaari nooca aan xabbada karin ah oo ay wateen, kaasoo qaraxa ku burburay, waxaana la dhintay ilaaladooda. Labadan Muwaadin u dhashay Turkiga ayaa ahaa Engineero ka tirsanaa Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo qaadatay qandaraaska dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa Mid xooggan, waxaana ku dhintay ku dhawaad 80 ruux sidda ay sheegeen goobaha Caafimaadka iyo saraakiisha Booliska. Dadka ugu badan ee khasaaraha soo gaaray waa arday dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana tirada ardaydaas lagu sheegay illaa sodomeeyo ruux. Si kastaba ha ahaatee qaraxa ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ayaa la qiyaasayaa inuu la mid noqon karo kii ka dhacay Isgoyska Zoobe, marka loo eego xajmiga qaraxa goobta uu ka dhacay oo ah mid mashquul badan.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellado kasoo gaartay weerarkii argagaxiso ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeday ehelada dadkii waxyeellado kasoo gaartay weerarka ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen. Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah, waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo argagaxisada. Hoos ka arag warqadda lagu magacaabay guddiga iyo magacyadooda
  16. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Khasaaraha Qaraxii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ugu yaraan 76 qof ay dhimashadu marayso, halka dhaawacuna ka badanyahay 110 ruux. Qaraxa ayaa ka dhashay, gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasi oo qofkii waday ku miidaamiyay Isgoyska mashquulka badan ee Ex Kantarool Afgooye, halkaasi oo ay ku sugnaayeen gaadiid iyo dad badan,sida ay sheegeen goob-joogayaal. Dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay, ayaa u badnaa rayid, gaar ahaanna Ardayda wax ka barata dugsiyada iyo Jaamacadaha magaalada Muqdisho oo xilligaasi u socday goobaha Waxbarashada Sidoo kale, muwaaddiniin Turkish ah oo dhisayay wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay weheliyeen askar ilaalo u ahayd, ayaa ku dhintay qaraxa, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gurmadka deg deg ah ee Muqdisho. Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa iyana xaqiijisay in laba muwaadin oo u dhashay waddankaas ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay qaraxa. Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, ayaa dhammaantood ka tacsiyeeyay dhibaatada qaraxaasi ka dhalatay. Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa isna ka tacsiyeeyay waxyeellada qaraxaasi, waxaana uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, inkastoo malayshiyaadka Al-shabaab ay inta badan qaraxyo ka gaystaan magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Khasaaraha Qaraxii Muqdisho oo sii kordhay appeared first on Puntland Post.
  17. The death toll in the deadly attack at Ex-Control intersection in the Somali capital, Mogadishu, has risen to 60, health officials have reported. Most of the casualties have been taken to Madina Hospital which has received at least 70 dead bodies and over 90 wounded people. Other hospitals that received casualties include the Somali-Sudanese Hospital and Digfeer Hospital. At least two Turkish engineers and a dozen policemen are reported to have also died in the attack, in addition to over 30 students of the Banaadir University whose mini-bus was passing by the scene at the time of the bombing. It is believed the attack was targeted at a control check used to collect taxes in the area. Al-Shabaab terrorist group in the past carried out similar attacks in Mogadishu, but the group has so far not claimed responsibility. View the full article
  18. Taliyaha Booliska Somaaliyeed Jeneraal Xajaar ayey maanta Camarada Warbaahintu qabtay isagoo ku amraaya Duqa Magaalada Muqdishu Mudane Cumar Finish in uu qariyo oo aanu sheegin [...] Source
  19. Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal kooban wuxuu ka yiri weerarkii maanta ka dhacay Ex Afgooye Kantarool, isagoo tacsi udiraya Eheladii Dadkii ku [...] Source
  20. Waxaa weli isa soo taraya kororka dhimashada iyo dhaawaca guud ahaan dadkii ku waxyeeloobey qarax maanta ka dhacay Ex-Control, Afgooye. Weriyeyaasha Goobjoog News ayaa tagay qaar ka mid ah Isbitaallada magaalada Muqdisho si loo ogaado khasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxa. Inta badan maamulka iyo shaqaalaha Isbitaallada Muqdisho ayaa si wacan u qaabilay, xogna la wadaagay warfidiyeenka Goobjoog marka laga reebo maamulka isbitaalka Shaafi oo diiday iney sheegayaan dadka la soo gaarsiiyey, kuna sheegay mid sir ah. Ilaa hadda xogta aan heyno waa sidan: 1. Isbitaal Madiina: Dhimasho waxaa ay noogu sheegeen ilaa 73 qof halka dhaawacu uu yahay 53 qof. 2. Isbitaalka Kalkaal waxaa ay noo xaqiijiyeen in la soo gaarsiiyey ilaa 11 qof oo dhaawac ah. 3. Isbitaalka Somali Sudanes: waxaa ay sheegeen in la keenay hal meyd ah iyo 19 qof oo dhaawac ah, oo 4 halis tahay. 4. Dhankooda Isbitaalka Digfeer waxaa ay sheegeen in la keenay 4 Dhimasho iyo 37 dhaawac. 5. Isbitaalka Daarul Shifa waxaa ay xaqiijiyeen ilaa 5 dhaawac in la gaarsiiyey. Inkasta oo aan weli sii wadno baarista khasaaraha laakin si horudhac waxaan ogaannay in tirada dhimashadu ay gaartay 78 qof iyo dhaawaca oo ah 125 qof. Waxaa kale oo jira khasaare maaliyadeed oo ka dhashay goobta iyadana waxaan ku soo gudbin-doonnaa wararka dambe. Dowladda federaalka ah ayaa khasaaraha dadka ku sheegay keliya dhimasho 26 qof iyo dhaawac 60 qof, waxaa kale oo jira muuqaal ay Goobjoog News heyso balse aaney baahin oo mas’uulka ugu sareeya booliiska dalka uu ku leeyahay duqa Muqdisho Cumar Filish“Ha sheegin dhimashada iyo dhaawaca”! Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Hindisaha Doorasheedkii ay soo gudbiyeen Gudiga Doorashooyinka oo ay Baarlamaanku farafareeyeen ayaa la meel Mariyey. Qodobada ugu muhiimsanaa ee Madaxweyne Farmaajo iyo Gudiga KMG ee [...] Source
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi Qaran oo ka shaqeeya isku dubba ridka gurmadka loo sameeyo dadka waxyeellada kasoo gaartay weerarkii xooganaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyn u tacsiyadeeyay ehelada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarka ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka shaqeynayaan isku dubba ridka gurmadka loo fidinayo dhaawacyada iyo gargaaridda eheladii ay ka bexeen. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha wax looga qaban karin loo raadinayo caawimaad iyo daryeel dalka dibaddiisa ah, waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan inay qayb ka qaataan gurmadka socda iyo dagaalka looga soo horjeedo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. View the full article
  23. Xildhibannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay dhawaanahan ka doodayeen. Kulanka Golaha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayna goob joog ka ahaayeen ku-xigeennada Koowaad iyo labaad ee Golaha ayaa dood dheer kaddib waxa ay Xildhibaannadu akhrinta 3-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka. “Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxaa ogol u codeeyay (Haa) 171 waxaa diiday 5 Xildhibaan, waxaana ka aamustay labo Xildhibaan, sidaas ayuuna ansax ku yahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Halkaan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay la beegsadeen Ex-kaantorool Afgooye. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in goobta ay la beegsadeen argagixisadu qaraxan bahalnimada ah ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u banneysteen dhiigga muwaadin kasta, iyadoo aan kala sooc lahayn. “Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.” “Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaateeyeen cadowgu.