Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Lix Qof oo Somaliland Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lixdan qof ee la toogtay oo dhamaantood rag ah ayaa la sheegay inay dilal ka geysteen deegaano ka mid ah gobollada Sool, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo Gabilay,Ku darsoo Toogashada ayaa saaka ka dhacday xabsiga weyn ee Mandheera Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay 1: Axmed-Guray Ibraahin Faarax oo kasoo jeeda Magaalada Burco 2: Farxaan Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Magaalada Buuhoodle 3: Cabdullaahi Ismaaciil Xayd oo kasoo jeeda Magaalada Burco 4: Ceydaruus Khadar Haybe oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa 5: Khadar Aleel oo kasoo jeeda Gobolka Magaalada Gabiley 6: Xasan Muxumed Cismaan oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa. Qaran News
  2. (SLT-Khartoum)-Shan qof, oo ay ku jiraan laba askari, ayaa la dilay kadib markii ciidamada Sudan ay maanta weerareen wakiilo ka tirsan sirdoonka laga baqo ee dalkaas oo gadooday. Salaasadii, rasaas culus ayaa laga maqlay qaar ka mid ah saldhigyada hay’adda sirdoonka NISS ee Khartoum, kadib markii wakiilada hay’addaas ay diideen qorshe howlgab oo ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta cusub ee dalkaas. Xubnaha NISS ayaa hormuud u ahaa weerarkii lagu qaaday dibad-baxayaasha intii uu socday kacdoonkii lagu riday madaxweyne Omar al-Bashir, bishii April 20119. Goor dambe oo Talaadadii ahayd ciidamada militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee RSF ayaa ku xoomay xarumaha sirdoonka kadib markii rasaasta laga maqlay. “Waxaan go’aansanay inaan weerarno xarumaha si loo soo geba-gebeeyo kacdoonkan…waxaana hadda la wareegnay saldhigyada,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay madaxa shaqaalaha madaxtooyada Sudan General Osman Mohamed al-Hassan. “Waxaa naga dhintay laba askari, waxaana naga dhaawacmay afar kale oo ay ku jiraan laba sarkaal.” Ayuu yidhi. Dhinaca kale, dhaqaatiir ayaa sheegay in saddex qof oo shacab ah – oo dhammaantood isku qoys ahaa – ay sidoo kale ku dhinteen rasaas la isku weydaarsaday meel ku dhow saldhigga NISS ee Koonfurta Khartoum. Wiil dhallinyaro ah ayaa sidoo kale la dhaawacay. Afhayeenka dowladda Faisal Mohamed Saleh ayaa sheegay in wakiilada NISS ay gadoodeen kadib markii ay diideen lacagta loogu qondeeyey inay howlgab uga noqdaan shaqada. AFP Source
  3. Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada maamulkaasi ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose. Ugu horreyn Cabdinuur ayaa sheegay in howlgallada si gaar ah looga fuliyey deegaanada Cabdalla Biroole, Yaaq Bishaaro iyo tuulooyin hoostaga Jamaame. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu khaarijiyey illa afar xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howlgala deegaanada Jubbaland ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka. View the full article
  4. Baghdad (Caasimada Online) – Saddam Hussein waxaa la dilay 30-kii December 2006, hase yeeshee dhufeysyo uu dhisay intii uu noolaa ayaa ciidamada Mareykanka ka bad-baadiyey inay ku la’daan weerarkii gantaallo ee ay dhowaan ku qaaday Iran, waxaa sidaas weriyey taleefishinka CNN. Ciidamada Mareykanka, inkasta oo saacado ka hor loo sheegay in weerar kusoo socdo, haddana uma diyaarsaneyn inay iska difaacaan weerarkii gantaallada Ballistic-ga ee Iran, waxayna ku qasbanaadeen inay galaan dhufeyso dhulka hoostiisa ku yaalla oo uu dhisay Saddam Hussein. areykanka ayaa dhufeysyo ayaga ay dhiseen ku lahaa saldhigga Cayn Al-Asad hase yeeshee dhufeysyadan waxaa loogu talo-galay kaliya gantaallada fudud, awoodna uma lahan inay celiyaan gantaallada riddada dheer. Ma aysan hubin in dhufeysyada uu dhisay maamulkii Saddam Hussein ay awood u u leeyihiin inay ka difaacaan gantaallada Iran, hase yeeshee markii weerarka uu billowday ayay garowsadeen in dhufeysyadan tobaneeyo sano jirka ah ah ay aad uga xooggan yihiin kuwa Mareykanka, taasi oo noloshooda bad-baadisay. Lt. Col. Staci Coleman, oo hoggaamineysay ciidamada Mareykanka ee dhufayska galay ayaa sheegtay inay shaki badan qabeen. “Waxaan ku dhex jiray dhufeyska dhulka hoostiisa ah, waxaana niyadda ka lahaa qalad ayay ahayd inaad halkan naftaada ku aaminto,” ayey tiri. “Toban daqiiqo kadib markaan sidaas niyadda iska iri waxaa billowday weerarka, kadibna waan garowsaday inaan qaldamin. Dhulka ayaa ruxmay laakiin waxba nooma soo gudbin,” ayey tiri Coleman. Weerarkii Iran ay qaaday toddobaadkii tagay ayaa jawaab u ahaa dilkii Mareykanka ee Jeneral Qassem Soleimani, hase yeeshee cidna wax kuma noqon, waxayna taas uga mahad-celinayaan Saddam Hussein.
  5. Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan dalalka geeska Africa danjire Onanga-Anyanga ayaa soo gabagabeeyey booqasho uu ku joogay M/ Muqdisho. Intii uu ku sugnaa Caasimadda danjiraha ayaa la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, safiiro caalami ah iyo ururada bulshada rayidka ah. Sidoo kale Ambassador Onanga-Anyanga ayaa kulan la qaatay gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ay ka wada hadleen qodobo ku saabsan doorashada soo aadan ee ka dhaceysa Soomaaliya. Ergeyga ayaa ballan qaaday in QM ay si buuxda uga taagereyso dowladda Soomaaliyeed inay si nabdoon oo xor iyo xalaal ah u qabsoonto doorashadaasi.. Ugu dambeyn wuxuuu tilmaamay in uu bogaadinayo, islamarkaana uu soo dhaweynayo nidaamka axsaabta badan ee la filayo in lagu tartamo. View the full article
  6. Cabdi Ismaaciil Boos Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Bangiga dhexe ee Puntland Cabdi Ismaaciil Boos, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Mudane Boos, oo cuskanaya qodobka kamid ah Dastuurka dowladda Puntland, ayaa sheegay in madaxweynuhu uusan xaq u lahayn xilka qaadistiisa, balse ay ahayd in uu Baarlamanka weydiisto in xilka laga qaado, si qof kale loogu magacaabo booskiisa. Sidoo kale, wuxuu sheegay in uu isagu weli yahay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Puntland, islamarkaana uu shaqadiisa sii wato, inkastoo uu xusay in xafiis kale oo laga dhinac sameeyay la keenay Guddoomiyihii uu soo magacaabay madaxweyne Deni. Cabdi Ismaaciil Boos, ayaa ugu dambeyntii madaxweynaha Puntland ku eedeeyay, in xilka qaadista uu soo qoray, ay u yeeriyeen koox yar oo uusan magacyadooda xusin, kuwaasi oo sida uu sheegay madaxweyne Deni cadaadis ku saaray arrintaasi. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Boos: Deni xilka igama qaadi karo shaqadeydaan sii wataa appeared first on Puntland Post.
  7. Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, Xirsi Yuusuf Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa ka horyimid xil ka qaadistii uu ka sameeyey Madaxweynaha mamaulkaasi, Xaaf. Xirsi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qadista, isagoo carabka ku dhuftay in xilligaan Madaxweynaha Galmudug uusan sameyn karin xil ka qaadis iyo magacaabis. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu xil ka sii heyn doono illaa madaxweyne cusub loo dooran doono hoggaanka dowlad goboleedka Galmudug. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/War-Cali-Gaab-Kaalkacyo.mp3 View the full article
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya waxa ay May ama June qaban doontaa doorasho baarlamaan, inkasta oo ay jiraan walaacyo amni iyo kuwa farsamo, waxaa sidaas sheegay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed intii lagu guda jiray booqasho uu Axadii ku tagay dalka Koonfur Afrika. Doorashada ayaa noqon doonta tii ugu horreysay tan iyo markii Abiy Ahmed uu xafiiska la wareegay bishii April 2018, islamarkaana uu billaabay isbeddelo siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale. Qorshihiisa isbeddel ayaa sidoo kale huriyey rabshado islamarkaana muuujiyey kala qeybsanaanta qowmiyad ee dalka Itoobiya, oo ay ku nool yihiin 105 milyan oo qof. Guddiga doorashada ayaa bishii June 2019 sheegay in xaaladda amni ay dib u dhigi karto doorashada 2020. Isaga oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay si wadajir ah magaalada Pretoria ugu qabteen madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa Abiy waxa uu sheegay in Itoobiya iyo dadkeedaba ay u wanaagsan tahay in doorashada ay u dhacdo sidii loo qorsheeyey. Itoobiya ayaa si joogto ah doorasho u qabaneysay tan iyo 1995-kii, hase yeeshee marka laga reebo 2005, ma jirin doorasho lagu loolamay. Abiy Ahmed ayaa dhinaca kale weydiistay madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa inuu soo faro-geliyo muranka muddada taagan ee kala dhaxeeya Masar, kuna saabsan biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile. Xiriirka Itoobiya iyo Masar ayaa xumaa tan iyo markii dalka ku yaalla Bariga Afrika uu billaabay dhismaha biyo-xireenka Grand Renaissance 2011—kii.
  9. Xabsiga Mandheera ee Somaliland Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah dil toogasho ku fulisay Lix nin oo horey u xukunaa, kuwaaas oo qaarkood muddo dheer xabsi ku jiray. Lixda nin ee Somaliland toogatay ayaa saaka toogashadoodu ka dhacday jeelka wayn ee Mandheera oo ku dhow magaalada Berbera. Magacyada ragga ay Somaliand toogashada ku fulisay iyo deegaanada ay ka soo kala jeedaan ayaa ah sidan. 1-Farxaan Maxamed Xasan (Buuhoodle ) 2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd (Burco) 3- Axmed Ibraahin Faarax (Burco) 4-Khadar Aleel Xirsi (Gabiley) 5- Xasan Muxumed Cismaan (Hargeysa) 6- Caydaruus Khadar Haybe (Hargeysa) Dhanka kale war ka soo baxay xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa lagu soo bandhigay tirada dadka xukunka dilka ah lagu fuliyey, magacyadooda iyo dambiyada loo haystay. Waxaanu warka xeer ilaalintu Somaliand u qornaa sidan:- Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaashan hoos ku xusan. 1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan. 2: Gacan ku dhiigle Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ismaaciil Faarax maxamad. 3: Gacan kudhiigle khadar Aleel Xirsi Ina Maryan Cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Siyaad Cabdi muxumad . 4: Gacan ku dhiigle Farxaan Maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse. 5: Gacan ku dhiigle Caydaruus Khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac . 6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad. Waxaa dilkaas toogashada qisaasta ah lagu fuliyey goob fagaare ah, taas oo ka soo jorjeeda Xabsiga Mandheera. PUNTLAND POST The post Somaliland oo war ka soo saartay 6 Nin oo ay toogasho ku fulisay appeared first on Puntland Post.
  10. Booliska deegaanka Kitui ee dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay illaa 6 ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaasi. Lixda ruux ee xabsiga la dhigay oo dhamaantood dhalinyaro ah ayaa ka yimid dhanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Booliiska ayaa magacyada raggaasi ku kala sheegay C/rashiid Maxamed, Maxamed Cali Barre, Deeq Maxamed, Salaad C/raxamaan, C/qaadir Xuseen iyo Maxamed Taka. Nicolas Mutua taliyaha Booliska deegaanka Kitui ayaa tilmaamay in dadka la qabtay ee Soomaalida ah aysan heysan wax lagu garan karo ama warqad cadeyneysa safarkooda. Sidoo kale wuxuu Nicolas Mutua tilmaamay in haatan raggaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Dowladda Kenya ayaa la tacaaleysa weerarada uga imaanaya dagaalyahannada Al-Shabaab oo kordhiyey howlgallada ay ka fuliyaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
  11. Ciidamo katirsan xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii lasoo dhaafay kala dhex-galay Labo Malleeshiya Beeleed oo dhowaan ku dagaallamay degaannada Mirxayleey iyo Bangeelle. Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxanay sheegeen in ay garab taagan yihiin shaqada ay wadaan Ciidankooda iyo in xal buuxa laga gaaro dagaalka. Taliyaha Guutada 13-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya, Qeybta 21-Aad Col; Cabdiraxman Macallin Maxamuud (Timadheere), ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin dagaal Beeleed halkaasi ka dhaca, haatanna ay xaaladdu deggen tahay. View the full article
  12. Wararka naga soo gaaraya M/ Hargeysa ayaa sheegaya in saaka Somaliland ay toogasho ku fulisay 6 ruux oo maxkamadaha maamulkaasi horay ugu rideen xukun dil ah. Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen gobollada Sool, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo Gabilay oo dhammaan hoostaga Somaliland. Sidoo kale toogashada ayaa ka dhacday xabsiga weyn ee Mandheera oo ku yaalla gobolka Saaxil. Lixda qof ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: 1: Axmed-Guray Ibraahin Faarax 2: Farxaan Maxamed Xasan 3: Cabdullaahi Ismaaciil Xayd 4: Ceydaruus Khadar Haybe 5: Khadar Aleel 6: Xasan Muxumed Cismaan Falkaan toogashada ah oo ay Somaliland ku fulisay lixdaan qof ayaa noqonaya kii ugu horreeyey inta la xasuusto taariikhda casriga ah. View the full article
  13. Xaalad kacsanaan ah ayaa lagu soo warramayaa in weli laga dareemayo deegaano hoos yimaada magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyo u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaalamay halkaasi laga dareemayo deegaanadaasi. Cali Cumar Yuusuf oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka warbixiyey, sida ay tahay xaaladda, isagoo tilmaamay inuu dagaalku ka biloway barkad biyood la qodayey. Halkaan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod-Faadumo.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-15012020-sx.mp3 View the full article
  15. Daawo: Maayirka Burco Oo Badhasaabka Togdheer Iyo Taliyaha Ku Eedeeyay In Ay Gabeen Shaqadii Loo Igmaday +Sababta Source
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar aanu ka helayno deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Somaliland ay goordhoweyd la wareegen Saldhigii deegaankaasi oo ciidamada Puntland ay hore ugu hayeen gacanta. Saldhigaasi Boocame ayaa waxa gacanta ku hayey Ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasi oo ay kala wareegen Ciidamo kale oo taabacsan Somaliland oo iyagu hore uga tirsanaa Ciidamada maamulka Puntland. Ciidamadan maanta la wareegay Saldhiga Boocame ayaa waxay calanka Somaliland ka taageen gudaha saldhigaasi, waxaana hor kacayay ciidamadaasi sida la sheegay Saraakiil caan ka ah deegaanada maamulka Puntland. Wararka aanu helayno ayaa waxay intaasi ku sii darayaan in Ciidamada la wareegay Saldhigaasi uu maamulka Somaliland ku soo xoojiyey ciidamo kale iyo gaadiid dagaal, si ay u kordhiyaan awooda ciidamada la wareegay saldhigaasi. Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka soo baxaya maamulka Puntland oo ku aadan Saldhigaasi ay kala wareegeen Ciidamada Somaliland, oo uu kala dhaxeeyo dagaal dhanka xuduuda ah.
  17. MOGADISHU (HOL) - Six men who had been convicted for murder and terrorism in Somaliland were executed in Hargeisa Wednesday. Source: Hiiraan Online
  18. NAIROBI (HOL) - The Eastern Africa regional bloc IGAD has warned of a threat to food security in the region in the wake of the ongoing locust invasion calling on member states pull up resources to stem the tide of the menacing swam. Source: Hiiraan Online
  19. (SLT-Boosaaso)-Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa markii ugu horreysay duulimaad ka bilaabi doonta bisha soo socota Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Wasaaradda Duulista Hawada ee Maamulka Puntland ayaa shaacisay in Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay duulimaadkii ugu horreeyay 3-da bisha labaad ee 2020 ay ka bilaabi doonto Magaalaa Boosaaso. Sidoo kale Wasaaradda Duulista Hawada Puntland ayaa sheegtay in Ethiopian Airlines 3 jeer toddobaadkii ka dagi doonto Garoonka diyaaradaha Boosaaso. 15-kii bishii July 2019 ayey aheyd markii Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay si toos ah uga bilowday Duulimaadkeedii ugu horreeyay ee Puntland, iyadoona hada si toos ah ugu shaqeysa Magaalada Garoowe ee Caasimada maamul gobolleedka Puntland. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Waxa muuqata inay guuldaro ku dhammaadeen wada hadalo muddo u socday Madaxweynaha iyo xisbiyada oo la doonayay in xal lagaga gaadho ismari-waaga ka dhashay guddiga doorashooyinka. Ergadii dhexdhexaadinta oo go’aamadii ay soo saareen dejiyeen xiisadii siyaasadeed ee dalka ka taagnayd, ayaa waxa ay xisbiyada mucaarad iyo muxaafidba sheegeen inay aqbaleen go’aamadooda oo nuxurkoodu ahaa in la kala diro guddiga doorashada ee wakhtigan oo calaamatu su’aal saareen kalsoonida lagu qabi karo dhexdhexaadnimadooda iyo in la soo celiyo guddigii hore ee doorashooyinka. Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID waxay sheegeen inay aqbaleen labadaas qodob, halka uu xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisuna sheegeen inay aqbaleen balse ay fulintiisa u marayaan jid sharci ah, waxaana markaas bilaabmay isu soo dhawaanshaha madaxweynaha iyo labada guddoomiye mucaarad oo ka hor go’aamada guddiga aad u kala fogaa. 23 December ayay Madaxweynaha iyo mucaaradku yeesheen kulankoodii u horeeyay oo ku qabsoomay jawi degen, waxaana la iskula qaatay saddex qodob oo nuxur ahaan ahaa In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto. – In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka. – In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada. Maalintii ku xigtay ee 24 December wuxuu Madaxweyne Biixi kulan la yeeshay guddiga doorashooyinka, waxaanay sida ay madaxtooyadu sheegtay uu Madaxweynuhu guddiga doorashada kala hadlay qabsoomida doorashooyinka iyo caqabadaha hortaagan oo ay madaxtooyadu sheegtay inay iyaga laftoodu [guddiga doorashadu] ka mid yihiin, waxaanu Madaxweynuhu ku taliyay in deg deg looga gudbo dhammaanba dareenada wixii turunturooyin ah ee doorashooyinka hortaagan. 26 December wuxuu Madaxweyne Biixi kulan labaad la yeeshay madaxda mucaaradka ee Faysal iyo Cirro, waxaana markii uu shirku dhammaaday wada jirs saxaafadda ula hadlay Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo wada jir u sheegay in Madaxweynuhu qabsaday ilaa 10 January si uu u dhammeeyo wixii caqabado ah ee hortaagan fulinta labadii qodob ee guddigii dhexdhexaadintu soo saareen. Ka sokow hadalka Madaxweyne-xigeenka iyo Cirro, waxa banaanka u soo baxay warar sheegaya in intii uu kulanku socday ay Madaxweyne Biixi iyo Faysal Cali Waraabe hadalku ka taag-taagmay, wixii maalintaas dhex maray Madaxweynaha iyo Faysalna, waakan Faysal sheegay Isniintii toddobaadkan. Inkastoo ay dadka badankooda gashay rajo ah in uu Madaxweyne Biixi si rasmi ah u fulinayo labadii qodob ee ergada si uu muranka siyaasadeed meesha uga baxo, maadaama oo madaxweye-xigeenkii saxaafadda arrintan u xaqiijiyay, haddana dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa saadaalinayay inay adagtahay in Madaxweyne Biixi fuliyo labadaas qodob, waxaana ay shirar kala duwan oo aanay warar rasmi ahi ka soo bixin laaakiin la sheegay in doodoodu adkayd dhex mareen Madaxweyne Biixi iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ee uu odayga ka yahay, kuwaas oo wararka ka soo baxayaa ay sheegayaan inay qabeen rayi ah inaanu Madaxweynuhu fulin labada qodob ee ergada dhexdhexaadinta. Ugu dambayn kulankii la wada sugayay ayaa wuxuu dhex maray Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradka Isniintii toddobaadkan, waxaanu kulankaasi ku dhammaaday natiijo la’aan ka dib markii uu Madaxweyne Biixi u sheegay madaxda mucaaradka inaanu haynin sharci uu ku kala diro guddiga doorashooyinka. Waxa muuqata inuu quus ku soo dhammaatay kulankii indhaha lagu wada hayay ee la filayay in si rasmi ah loogu soo gunaanado khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan oo la fuliyo labadii qodob ee ergada dhexdhexaadintu soo saartay, waxaana suurtogal ah inuu imika dib u istaadhmo ismari-waagii xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo mucaaradka. Fulin la’aanta labadaas qodob iyo ismari-waaga xukuumadda iyo mucaaradkuna wuxuu dalka ku yeelanayaa saamayn dhawr nooc ah oo ay ka mid yihiin kala qaybsanaanta bulshada iyo wada shaqayn la’aanta mucaaradka iyo xukuumadda oo sii xoogaysata iyo saamayn dhinaca dibadda ah maadaama oo ay dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland Madaxweynaha ka codsadeen in la fuliyo labadii qodob ee ergada dhexdhexaadintu soo saartay oo ay u sacabo tumeen. Si kastaba ha ahaate, shacabka Somaliland oo labadii sannadood ee u dambeeyay arkaayay khilaafaadka xukuumadda iyo mucaaradka ayaa qaba walaac ah in muranka siyaasadeed uu saamayn ku yeelanayo nolosha shacabka Somaliland oo marka horeba la daalaa dhacaya duruufo kala duwan. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ku baaqay in aan dib loo soo celin khilaafkii Xisbiyada, ee la gaadho xal iyo heshiis kama dambays ah oo ay isku af gartaan saddexda Xisbi Qaran. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika wuxuu yidhi “In khilaaf dambe inagu soo noqdo maaha, mana wacna, ee Saddexda Xisbi iyo Xukuumadda waxaan talo odaytinimo ku leeyahay waxaa inoo wada dan ah heshiiskiina, ee khilaaf dambe yaanu inagu soo noqon, ee heshiis kama dambays ah gaadha, heshiiskiinuna waanu ku faraxnayna, oo dhammaan dadkeenu wey ku faraxayaan, laakiin khilaafkeena soo noqonaya dan inooma ah”. Source
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa maanta toogasho ku fuliyey illaa lix ruux oo horay maxkamadaha ku yaalla maamulkaasi xukun dil ah ugu rideen. Ragga la toogtay ayaa lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen deegaano ka mid ah gobollada Sool, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo Gabilay oo dhammaan hoostaga Somaliland. Toogashada ayaa saaka ka dhacday xabsiga weyn ee Mandheera, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ehellada ragga la toogtay ay aad uga xumaayeen toogashada, kuwaas oo ku doodaya in si sharci darro ah loo xukumay raggaasi. Falka toogashada ah ee Somaliland ku fulisay lixdaan qof ayaa noqonaya kii ugu horreeyey inta la xasuusto taariikhda casriga ah. Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay 1: Axmed-Guray Ibraahin Faarax oo kasoo jeeda Magaalada Burco 2: Farxaan Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Magaalada Buuhoodle 3: Cabdullaahi Ismaaciil Xayd oo kasoo jeeda Magaalada Burco 4: Ceydaruus Khadar Haybe oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa 5: Khadar Aleel oo kasoo jeeda Gobolka Magaalada Gabiley 6: Xasan Muxumed Cismaan oo kasoo jeeda Magaalada Hargeysa.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Onanga-Anyanga oo dhowaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey socdaalkiisii Soomaaliya. Mr. Onanga-Anyanga ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa mid uu ku indho indheynayey xaaladda guud ee Soomaliya, gaar ahaan amniga iyo arrimaha doorashooyinka. “Waxaan u tagey Muqdisho anigoo dareemaya rajo ay ku dheehantahay awooda dadka iyo dowladdooda si ay uga gudbaan caqabadaha hada jira.” ayuu yiri Ergeyga. Sidoo kale Wakiilka Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa xusay in intii uu joogay Muqdisho kulamo uu la qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo heer Qaran ah iyo kuwo caalami ah, waxaana uu kala hadlay amniga, doorashooyinka, horumarka iyo gargaarka. Ergeyga QM ee Geeska Afrika ayaa si gaar ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaacil Ibraahim (Xaliimo Yarey) kala hadlay arrimo ku aadan doorashada soo socota iyo kalsoonida lagu qabo inay noqoto mid hal qof hal cod ah. “Doorashooyinku waxay noqon karaan geedi socod dib-u-heshiisiin Qaran, laakiin waxay sidoo kale horseedi karaan khilaafaadka, sidaa darteedna howlaha doorashada waa inay taageeraan Qaramada Midoobay.” ayuu yiri Mr. Onanga-Anyanga. Ugu dambeyn wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey horumarka ka jira dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu sanadkaan 2020-ka Soomaaliya u yahay mid muhiim ah.