Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,073
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlaayey weerarkii ismiidaamiinta ee shalay ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi kadib sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Shaakir ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab, isagoo sheegay in Ahlu-sunna ay tahay mida kaliya ee sida daacadda ah ula dagaalantay. Sidoo kale wuxuu dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay ku hoggaamiso dagaalkaan, si guud ahaa dalka looga saaro kooxda Al-Shabaab. Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa carabka ku dhuftay in moqfika Ahlu Sunna uu yahay in gabi ahaan dalka laga suuliyo kooxdaan, wadankana lagu soo celiyo amni. “Ahlu-sunna Waljameeca waa cidda kaliya ee Al-shabaab la dagaallantay, deegaanno badanna ka xoreysay, mowqifka Ahlu-sunna Waljameeca waa in lala dagaallamaa nimankaan oo wadanka laga suuliyo, wadanka lagu soo celiyo amni, dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa iney nagu hoogaamiso ayna u aqoonsato culimada Soomaaliya iney yihiin, culimadaa dadka u damqaneysa.” ayuu yiri Sheekh Shaakir. Ugu damgeyn wuxuu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed inay u istaagaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay garab siiyaan dowladda federaalka ah si loo soo celiyo amniga iyo xasiloonida guud ahaan dalka. Ahlu Sunna ayaa waxaa si aad ah loogu xasuustaa dagaalkii adkaa ee ay Al-Shabaab kula gashay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo sidoo kale gobollada dhexe ee dalka.
  2. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo qoyskiisa ayaa la sheegay inay ka damqadeen eeddo uu guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe dhawaan u jeediyay oo nuxurkoodu ahaa in Madaxweyne Biixi uu dalkii ka dhigay ganacsi qoyskiisu leeyahay oo kale. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI dr. Cabdiraxmaa Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay qarax dad badan ku dhinteen oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaanu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi waxaanu ku yidhi qoraal uu soo saaray “ Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal! “Xamar dhaxal umay helin In dhiig korkeeda lagu qubo Xamar dhaxal umay helin In dadkeeda lagu dhibo…” Abwaan Laabsaalax.” Source
  4. Madaxda Turkiga ayaa si kulul u dhaleeceeyay weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho,kaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ahaa,halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Madaxweynaha Dalka walaalaha aanu nahay ee Turkiga Raccep Tayid Erdogan ayaa cambaareeyey qaraxaasi,isagoo tacsi ku aaddan dhacdadaasi u diray Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeed. “Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee Muqdisho,Labadeenna muwaadin iyo walaalaheyga Soomaaliyeed ee geeriyooday waxaan Eebbe u weydiinayaa naxariis, dhaawacana caafimaad deg-deg ah,Qarankeenna iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha nahay waan u tacsiyeynayaa,Turkey, weligeed Soomaaliya waa garab taagan yahay .”ayuu yiri madaxweynaha dalkaasi Turkiga Odugan. In kabadan 70 qof ayaa ku geeriyootay tiro 100 kor u dhaafaysana waa ay ku dhaawacmeen qaraxii shalay ee ka dhacay Ex-cantrool Afgooye. Dowladda badan ayaa si kulul u cambaareeyey falkaasi,kuwaasi oo dhamaantoodi muujiyay sida ay u garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda. Dowladahaasi oo cambaareeyey waxaa kamid ah Mareykanka,war uu soo saaray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Donald Yamomoto ayuu ku cambaareeyey falkaasi ,isagoo garab istaagna u muujiyay shacabka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
  5. MOGADISHU (HOL) - Turkey has dispatched military cargo airplane with medical supplies and transport back the injured from Saturday’s terror attack to Turkey for treatment. Source: Hiiraan Online
  6. Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa dhibaatadii ka dhalaya qarixii shalay ayaa si deg deg ah ugu soo gurmatay dadkii Soomaaliyeed oo dhaawacyadu ay ka soo gaadheen qaraxaasi. Diyaarada sidda dhaqaatiir iyo daawo oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dadkii dhaawacyadu ay soo gaadheen ayaa aroortii hore ee saaka ka soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah, iyagoona guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba. Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay musiibooyinku ay geystaan kooxda Alshabaab. Source
  7. (SLT-Ukraine)- Dowlada Ukraine iyo maleeshiyada mucaaradka ee ruushka taageero ayaa lagu wadaa in axada maanta ah ay isweydaarsadaan tiro maxaabiis ah oo hore ay u kala Qabsadeen. Labada dhinac ayaa bilowgii bishan xaqiijiyay in dhamaadka sanadkan 2019-ka ay isdhaafsan doonaan maxaabiista ay kala Haystaan. Arintaan ayaa timid kadib wadahadalo nabadeed oo ka dhaxmaray magaalada caasimada ah ee Paris. Isweydaariga maxaabiista wuxuu dhici doonaa bari waana mid aan sugeyno ayuu yidhi madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy. Haweeneyda afhayeenka u ah hogaamiyaha ismagacaabay ee gobolka Donetsk Ms Daria Morozova ayaa sheegtay in uu jiro heshiis laga gaadhay Arintaan. Ms Dari ayaa intaa raacisay in 87 maxbuus ay dib ugu soo laaban doonan gobolada Donetsk iyo Lugansk halka dhankooda ay 55 xubnood ku wareejin doonaan xukuumada Kyiv. Wadanka Ukraine ayaa ah dalka kaliye ee ku yaal qaarada Yurub oo marar badan ay ka dhaceen dagaalo Sokeeye oo u dhaxeeya ciidanka dowlada iyo Mucaaradka ku sugan gobolka Bari. Inkabadan 13,000 ayaa ku dhintay colaada ka taagan dalkaan kadib markii maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda bariga ay ku dhawaaqeen sanadkii 2014-kii dowlad ka madaxbanaan Ukraine. Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa ku eedeeyay xasaradaan in ay dabada ay ka riixeyso dowlada Ruushka. Source
  8. MOGADISHU (HOL) - Police Commissioner Gen. Abdi Hijaar was forced to make a public response Saturday after he was caught on tape telling Mogadishu Mayor Omar Filish not to disclose the casualty figures of the truck bombing in Ex-Control area. Source: Hiiraan Online
  9. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo u dhexeeyey dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo kooxda Macawiisley oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Macawiisley ay weerareen fariisimo Al-Shabaab ay ku leeyhiin deegaanka Ceel Cali ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday muddo saacado ah, islamarkaana la’islu adeegsaday hubka noocdyadiisa kala duwan. Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan iyo dagaalka xigay ay ku dileen ugu yaraan 10 ka tirsanaa dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku dhaawaceen tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan. Macawiisley oo ah koox ka aas aasantay deegaanada maamulka HirShabelle ayaa muddo dagaal kula jirta kooxda Al-Shabaab.
  10. (SLT-Washington)-Wasaarada difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in si dhow ay ula socoto dhoolatuska millatari oo ay wadaan wadamada Iiraan Ruushka iyo Shiinaha. Waan la soconaa dhaqdhaqaaqa ka socda gacanka waxaana sii wadi doonaa in dalalka xulafada aan nahay aan kala shaqeyno xaqiijinta amniga biyo mareenada Caalamka. Warsaxaafadeedka waaxda Pentagon-ka ayaa waxaa ku saxiixnaa afhayeenka wasaarada gaashaandhiga Sean Robertson. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya kadib markii uu sheegay xoghaya badda Mareykanka mr Thomas Modly uu sheegay in Iiraan falal aan habooneyn ay ka wado gacan biyoodka Hormuz. Xukuumada Washington ayaa bishii June weeraro lagu qaaday maraakiib ganacsi oo mareysay gacanka Khaliijka ku eedeysay dowlada Tehraan. Mareykanka ayaa dhanka kale kumanaan askari u diray dalka Sacuudiga taasi oo kaga sii dartay xiisadda ka taagan Gobolka Source
  11. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa xalay isbitaalada ku booqday dhaawacyada dadkii dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay Ex control Afgooye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay la socdeen xubno katirsan xildhibaannada golaha shacabka iyo wasiirro ayaa mid mid u booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalka Erdogaan Ex Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wuxuu guddoomiyuhu alle uga baryay in uu bogsiiyo dadka dhaawacyada qaba,isagoona ka tacsiyadeeyey dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qaraxaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Faat-Joy-1.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka aroortii hore garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad sidda gurmad deg deg ah oo ka timid dalka Turkiga. Diyaaradaan ayaa waxa ay keentay dhaqaatiir iyo sidoo kale daawooyin loogu talagalay in lagu baxnaaniyo dadkii shalay ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo wasiirka warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa wafdigaan iyo dhaqaatiirta ka socota Turkiga ku soo dhoweeyey garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Turkiga sida walaaltinimada leh oo uu markasta ugu taagan yahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay dhacaan musiibooyinka. Weerarkii ismiidaamiinta ee shalay oo ay ku dhinteen dad fara badan, kuna dhaawacmeen kuwa kale oo u badnaa shacab ayaa waxaa weli socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay oo hadda ku jira isbitaallada Muqdisho. Dadka dhintay sidoo kale waxaa ka mid ahaa Injineero Turki ahaa, kuwaas oo qaraxu haleelay, xilli ay marayeen isgoyska Ex-Koontarool Afgooye.
  13. Sheekh Maxamed Shaakir, Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in Ahlu-sunna yihiin kuwa kaliya ee sida daacadda ah ula dagaallamay Al-shabaab. Wuxuu sheegay Shaakir in dowladda dhexe looga baahan yahay iney ku hoggaamiso dagaallada Al-shabaab si dalka oo dhan looga saaro. “Ahlu-sunna Waljameeca waa cidda kaliya ee Al-shabaab la dagaallantay, deegaanno badanna ka xoreysay, mowqifka Ahlu-sunna Waljameeca waa in lala dagaallamaa nimankaan oo wadanka laga suuliyo, wadanka lagu soo celiyo amni, dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa iney nagu hoogaamiso ayna u aqoonsato culimada Soomaaliya iney yihiin, culimadaa dadka u damqaneysa” ayuu yiri Shaakir. Ahlu-sunna Waljameeca ayaa dagaallo adag waxay lasoo gashay Al-shabaab, waxaana ay ka qabsadeen deegaanno badan oo gobollada dhexe ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa dhibaatadii ka dhalaya qarixii ismiidaaminta ee shalay ayaa si deg deg ah ugu soo gurmatay dadkii Soomaaliyeed oo dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxaasi bahalnimo. Diyaarada sidda dhaqaatiir iyo daawo oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen ayaa aroortii hore ee saaka ka soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah,iyagoona guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba. Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda walaalaha aanu nahay ee Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay musiibooyinku ay geystaan kooxaha argagixisada ee Alshabaab. Qarixii xooganaa ee shalay ka dhacay Ex-kantrool Afgooye ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dadka dhaawacyada culus qaba loogu qaadi lahaa caafimaad dibadda ah. View the full article
  15. Dagaal u dhaxeeyey Maleeshiyaadka Macawisley iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan. Wararka ay heshay Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu bilowday kadib markii Macawisleyda ay weerar curur ku qaadeen fariisin Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana ka dhashay dagaalkan khasaare kala duwan. Xubno u hadlay macawisleyda waxay sheegeen iney dileen ku dhowaad 10 ka mid ah Al-shabaab, dhaawac badanna ay soo gaarsiiyeen, waa sida ay hadalka u dhigeenne. Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan, waxaana lagu soo waramayaa iney deggan tahay xaaladda halkii lagu dagaallamay. Kooxda Macawisleyda ayaa si ka madax bannaan DFS waxay qaadaan weeraro ka dhan ah Al-shabaab, marar badanna dagaallo culus ayeey la galeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Thermal facilities in Turkey have generated approximately $1 billion in revenue from some 3 million tourists, including 750,000 foreigners, throughout 2019, according to the head of the Thermal Health and Tourism Association (TESTUD). Source: Hiiraan Online
  17. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa booqday xarunta gurmadka deg-degga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo Dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii xooganaa ee Muqdisho ka dhacay Shalay. Mudane; Khayre, ayaa la kulmay Guddiga gurmadka iyo Dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, wuxuuna ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan, isagoo kula dardaarmay inay dedaalkooda oo dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo. Xarunta gurmadka deg-degga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dedaallada gurmadka , iyadoo dhaawacyada ay xaaladdoodu aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel Dalka dibeddiisa ah. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-291219.mp3 View the full article
  19. Dagaal u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Beeyo oo ku yaalla duleedka magaalada Berbera. Ugu yaraan Lix qof ayaa dagaalkan ku dhimatay, iyadoo dhaawacuna ka badan yahay 10, sida ay inoo sheegeen dad ku dhow deegaankan lagu dagaallamay. Weli waxaa halkaasi ka jirta xiisad xooggan oo ka taagan deegaankan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Somaliland. Maleeshiyaadkan ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaallamay deegaankan, mana jirto xal rasmi ah oo laga gaaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa booqday xarunta gurmadka deg-degga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo Dadkii waxyeelladu kasoo gaartay Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Ra’iusul wasaaraha ayaa la kulmay Guddiga gurmadka iyo Dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, wuxuuna ka dhegaystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan, isagoo kula dardaarmay in ay dedaalkooda oo dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo. Xarunta gurmadka deg-degga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dedaallada gurmadka , iyadoo dhaawacyada ay xaaladdoodu aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel Dalka dibeddiisa ah. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay. PUNTLAND POST The post Khayre oo Booqday xarunta gurmadka deg-degga ah iyo Isbitaalka Erdoğan ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Sheikh Mohammed Hussein Ali Al-Amoudi, Chairman and Owner of the leading Ethiopian investment group, Midroc Ethiopia, is set to invest 4 billion birr (around $126.2 million) in mega edible oil processing factory in Addis Ababa, Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  22. Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa dhibaatadii ka dhalatay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa degdeg kusoo dirtay diyaarad aad u weyn oo sidda daawo, laguna qaadi doono dhaawacyada daran. Diyaaradan waxaa sidoo kale la socda dhaqaatiir kaalin mug leh ka qaadan doona daweynta shacabka Soomaaliyeed ee dhaawacyadu soo gaareen. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah,iyagoona guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba. Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda walaalaha aanu nahay ee Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay musiibooyinku ay geystaan kooxaha argagixisada ee Alshabaab. Source: goobjoog.com
  23. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa booqday xarunta gurmadka deg-degga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo Dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii Muqdisho ka dhacay Shalay. Mudane; Khayre, ayaa la kulmay Guddiga gurmadka iyo Dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, wuxuuna ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan, isagoo kula dardaarmay inay dedaalkooda oo dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo. Xarunta gurmadka deg-degga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dedaallada gurmadka , iyadoo dhaawacyada ay xaaladdoodu aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel Dalka dibeddiisa ah. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay. Source: goobjoog.com
  24. Dowladda Turkiga ayaa si deg deg ah ugu soo gurmatay dadkii Soomaaliyeed oo dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxii Ex Kantarool Muqdisho. Diyaarada sidda dhaqaatiir iyo daawo oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen ayaa aroortii hore ee saaka ka soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah,iyagoona guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba. Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay musiibooyinka PUNTLAND POST The post Turkiga oo Diyaarad Gurmad ah u soo diray Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  25. The President of federal republic of Nigeria, Muhammadu Buhari has expressed dismay over the killings of innocent people in the country by the people who are not true Muslims. Source: Hiiraan Online