Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,292
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Washington (Caasimada Online) – Waxaa daqiiqado ka hor soo dhamaaday shirkii jaraa’id ee aad loo wada sugayey ee madaxweynaha Mareykanka Trump uu kaga hadlayey weerarkii gantaalaha ahaa oo ay Iran xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhigyada Militari ee Mareykanka ee Iraq. Trump ayaa sheegay in Iran ay u muuqato “inay dabceyso” kadib markii weerarkii gantaallo ee ay ku qaadday uusan wax khasaare nafeed ah ka dhalan. Madaxweyne Trump ayaa xusay inay Iran tahay dowlad nasiib badan maadaama uusan qof Mareykan ah wax ku noqonin duqeymihii gantaallada ahaa ee ay Iran adeegsatay inkastoo ay Iran horey u sheegtay inay ku dishay 80 ka mid ah askarta Mareykanka. “Dhammaan ciidamadeena waa bad qabaan, islamarkaana waxyeelo yar ayaa gaartay saldhigyada. Ciidamadeenna weyn wax walba diyaar ayey u yihiin,” ayuu Trump ku yiri khudbad uu shacabka Mareykanka uga jeediyey Aqalka Cad. “Iran waxay u muuqataa inay dabceyso, taasi oo ah wax u wanaagsan dhinacyada ay arrintan khuseyso iyo dunida oo dhan. Cid Mareykan ama Iraqi ah kuma dhiman weerarka,” ayuu yiri madaxweyne Trump. Trump ayaa ku dhowaaqay in Mareykanka ay “cunaqabateyno dheeri ah oo darran” kusoo rogi doonaan Iran, hase yeeshee ma uusan sheegin wax aargudasho oo ka dhan ah weerarkii gantaallada – Taasi oo khubarada ay u arkeen jawaab miisaaman. Madaxweyne Trump ayaa quwadaha adduunka oo ay ku jiraan Russia iyo China ugu baaqay inay ka baxaan heshiiskii Nukliyeerka Iran ee 2015, islamarkaana ay ka shaqeeyaan heshiis cusub. “Dhammaanteen waa inaan ka shaqeynaa sidii aan Iran ula gaari lahayn heshiis dunida ka dhiga mid nabdoon oo ammaan ah.” Ayuu yiri. Ilo-wareedyo Mareykanka iyo Yurub ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Iran ay si ku talo-gal ah uga fogaatay inay khasaare nafeed gaarsiiso militariga Mareykanka, si aysan xaaladda uga sii darin.
  2. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-08012020.mp3 View the full article
  3. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista ee ICAO ee hore gacanta ugu haysay maamulka Hawada ee Soomaalida balse dhawaan ku wareejisay dawladda Soomaaliya ayaa 13ka bishan magaalada Nayrobi ku qabanaysa shir lagu qiimaynayo mudadii ay dawladda Soomaaliya gacanta ku haysay maamulka hawada. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in shirkan ka dhacaya Nayrobi 13 January lagu qiimayn doono mudadii ay dawladda Soomaaliya gacanta ku haysay iyo waxyaabaha u qabsoomay. Si rasmi ah looma oga in shirkan lagu casuumay dawlada Somaliland amaba ay ka war qabto, laakiin arrimaha shirkan dawladda Soomaaliya wax lagaga weydiin doono waxa la filayaa inuu ka mid yahay Somaliland oo ku gacan saydhay dawladda Soomaaliya inay maamusho hawada Somaliland. Waxa kale oo dawladda Soomaaliya la weydiin doonaa sharciga duulista rayidka ah oo ka mid ah qodobadii ay dawladda Muqdisho saxeexday inay soo diyaarin doonto mudada loo qabtay oo bishan ku eeg, waxaana xeerkaas ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo aanay weli ansixin aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaa aaminsan haddii ay ku guuldaraysato qiimaynta ICAO, inay suurtogal tahay in dib ay Qaramada Midoobay ula noqon karto maamulka hawada. Dawladda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo shirkan iyo in lagu martiqaaday ayaanay noo suurtogelin, laakiin dad khubaro ah oo arrimahan la socda oo uu Geeska Afrika la xidhiidhay ayaa tilmaamay inaan Somaliland wax dan ahi ugu jirin shirkaas, islamarkaana aanay haboonayn inay ka qayb gasho xataa haddii lagu casuumay, maadaama oo lala xisaabtamayo dawladda Soomaaliya Source
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaaji Ducaale Cabdalle (Axmedkeyse) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/01/2020, dalka Maraykanka. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo door muhiima ka soo qaatay halgankii xornimo doonka iyo sidii Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda uga qaadan lahayd maxmiyadii boqortooda Ingiriiska 1960-kii, isagoo ka noolaa afartii qof ee ku wehelinaayey Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, Shantii Bishii May, sannadkii 1960-kii saxeexii ay Somaliland xornimadeeda kaga qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-June, raggaas oo kala ahaa Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Maxamuud Cabdi Carraale iyo Axmedkeyse Ducaale,sidoo kale waxa uu ka mid noqday afartii wasiir ee ay Somaliland yeelatay markii ay midoobeen labad dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu marxuumku kaalin mugweyn ku lahaa taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  5. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa si rasmi ah loo bilaabi doonaa sida ay shir jaraa’id uga dhawaaqeen guddiga farsamada & maamul u dhisidda Dowlad Goboleedka Galmudug. Guddiga waxey sidoo kale sheegeen in la xaliyay dhamaan tabashooyinkii ay qabeen beelaha qaar, sidoo kalana raali galin buuxda laga siiyay bulshada Galmudug dib u dhaca ku yimid xulista xildhibaanada. Xiligaan wixii ka dambeeya si toos ah ayaa loo guda geli doonaa xulista Baarlamaanka Galmudug loona baahan yahay in xildhibaanada u diyaar garoobaan doorkooda cusub ee Baarlamaanka Galmudug. Inkastoo guddiga ay sheegeen iney xaliyeen khilaafkii jiray, hadana waxaa jira wali qaar ka mid ah beelaha oo tabashooyin qaba kuwaas oo ku doodayo in la badalay saxiixayaashii rasmiga ahaa. Waxaa kaliya la ogyahay in laga heshiiyay 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna, balse aysan jirin wax kale oo la ogyahay oo xal waara laga gaaray. Howsha qabashada Doorashada Galmudug ayaa qaatay muddo badan waxaana Dowladda Soomaaliya lagu eedeeyey inay u qoran yihiin 69 Xildhibaan iyadoo aysan jirin hal oday dhaqameed oo lagala tashtay.
  6. Baghdad (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Iraq ayaa shaaca ka qaaday in Iran ay usii sheegtay weerarkii xalay ay ku qaaday laba saldhig oo ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalkaas. Iran ayaa dhowr iyo toban gantaal xalay la beegsatay saldhigyada Ain Al-Shamsi iyo Erbil, ayada oo ka aargudaneysa weerarkii Mareykanka ay ku dileen Jeneral Qasem Soleimani. Inkasta oo Iran ay sheegatay dilka 80 askar, ayaa haddana askarta Mareykanka la rumeysan yahay inuusan wax dhaawac ama dhimasho ah kasoo gaarin weerarka, waxaana hadda soo baxaya warar ku saabsan in laga yaabo inay horey usii ogaayeen. Afhayeenka ra’iisul wasaare Adel Abdul Mahdi ayaa sheegay in Iran kusoo war-gelisay in weerar soo socda. Adel Abdul Mahdi ayaa la rumeysan yahay inuu kadib xogtaas usii qishay Mareykanka, kadibna ciidamada Mareykanka ayaa sii galay dhufeysyo dhulka hoostiisa ku yaalla, taasi oo keentay inaysan wax dhibaato ah soo gaarin. Sidoo kale dalalka xulufada la ah Mareykanka ee ciidamadooda ay ku sugan yihiin labada saldhig ee Iran ay weerartay ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah aysan soo gaarin askartooda. “Waxaa shaqeeyey habkeena digniinaha gantaallada” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo la hadlay wargeyska USA Today. Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in xaqiiqda ah in weerarkaas aysan ku dhiman askar Mareykan ah, ay gobolka ka bad-baadisay dagaal, sababtoo ah Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu aargudan lahaa haddii askar ka dhiman lahayd. Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarkii Iran ay xalay qaadday uu ahaa “dharbaaxo wejiga looga duiftay” Mareykanka, waxaana uu ku baaqay in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan gobolka.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Iiraan ayaa howlgal ka fulisay xeebaha Soomaaliya, halkaasi oo lagu soo bad-baadiyey dad u dhashay dalka India. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la dagaalanka burcad badeedka ee Iiraan leedahay ay howlgal kusoo badbaadiyeen illaa 13 qof uu dhashay dalka Hindiya. Dadka Hindida ah ee la badbaadiyey ayaa waxay saarnaayeen Doon laga sameeyey Alwaaxyo taasoo ku dhex socotay gudaha Xeebaha Soomaaliya. Ciidamada Iiran ayaa markii ay dadkaan soo badbaadiyeen kadib waxay ku wareejiyeen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Hindiya. Indian Naval Ship Sumedha, presently on Anti Piracy Patrol in Gulf of Aden, provided fresh water and medical supplies to the crew of stranded dhow Al-Hamid on 6th January. The dhow had suffered a broken main engine shaft. Later, tt was towed to safety away from the Somali coast. pic.twitter.com/a6eNbE7x6G — ANI (@ANI) January 8, 2020
  8. Jeneraalka cusub ee badelay Qasem Soleimani Ismaaciil Qaani, Jeneraalka cusub ee ciidanka Quds Maalma kahor markii Mareykanka uu gudaha dalka Ciraaq ku dilay Jeneraal Qaasim Suleymaani, waxaa xilkii uu hayay loo magacaabay Jeneraal Ismaaciil Qaani kaas oo hadda noqonaya madax ciidanka Qudus. Qaani wuxuu sannadkii 1957-dii ku dhashay gobolka Mashad ee waqooyiga bari ee dalka Iran. Waa magaalada labaad ee ugu dadka badan Iran, sidoo kalena waa meel ay siyaartaan dadka shiicada ah. Wuxuu sannadkii 1980 ku biiray ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran, wuxuuna ka qeyb qaatay dagaalkii 1980-1988 dhexmaray dalalk Iran iyo Ciraaq. Markii uu ku biiray ciidanka Qudus, waxaa la geeyay gobolka Khorasan ee Iran oo ku yaalla xuduud dalalka Afghanistan iyo Turkmenistan. Waxbadan laga ma oga howlihii uu qaban jiray, wuxuuna inta badan diiradda saari jiray arrimaha gudaha dalka Iran oo ay ka mid tahay kahortagga daroogada la geliyo dalkaas iyo gacan siinta kooxaha kasoo horjeeda ururka Taliban. Waxaa kale oo la sheegay in uu qaabilsanaa arrimaha maamulka ee ciidanka Qudus. Sannadkii 2012, waxaa cunaqabateyn kusoo rogay Dowladda Mareykanka oo ku eedeysay in dhaqaale uu ku bixiyo hawgallada ciidanka Qudus ee ay ka fuliyaan caalamka. Kumannaan qof ayaa isugu soo baxday aaskii Qaasim Suleymaani ee shalay Suleymaani waxaa la aaminsan yahay in uu ka shaqeeyay xoojinta galaangalka Iran ay ku leedahay bariga dhexe, gaar ahaan dalalka Suuriya, Ciraaq, Lubnaan iyo Yaman. Haseyeeshee caqabadda ku horgudban Ismaaciil Qaani waxay tahay, sidii uu uga soo dhalaali lahaa shaqadii uu hayay nin ay shacabka Iran u arkayeen “geesi iyo halyey dagaal” kaas oo saameyn badan lahaa. Qaani wuxuu ballan qaaday in uu wax ka qaban doono dilka Qaasim Suleymaani. Markii uu ku dhawaaqayay magacaabista Jeneraal Qaani, hogaamiyha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Khamenei, wuxuu sheegay in aanan waxba laga badeli doonin qorshaha ciidanka Qudus. Inkastoo wali ay su’aal ka taagan tahay in Qaani u yeelan karo saameyn la mid ah midda Suleymaani, haddana qaar ka mid ah dadka darsa arrimaha bariga dhexe waxay aaminsan yihiin in saameynta ciidanka ilaalada kacanka ee Iran ay ka sareyso shakhsiyaad keli ah. “Way adag tahay in Qaani la barbar dhigo astaamihii hoggaamiyenimo ee uu lahaa ninkii isaga ka horeeyay”, ayuu yiri Ali Alfoneh, oo katirsan machadka Arab Gulf ee Magaalada Washington. Wuxuu intaa raaciyay in dilka Qaasim Suleymaani ay saameyn ku yeelan doonta ciidanka Qudus oo uu inbadan la falgalay howgaladooda, balse aanay u dhutin doonin. Qaran News
  9. Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhintay, 15 kalena waa ku dhaawacmeen Qaraxii saaka ka dhacay Isgosyka Sayidka ee magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiinta Goobaha Caafimaadka iyo Gurmadka deg dega ah ayaa laga soo xigtay in qaraxa ay ku dhinteen 4 qof, islamarkaan ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 15 ruux oo kale. Malayshiyaadka Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi, ayaa tilmamay in ay la beegsatay xubno ka tirsan mas’uuliyiinta Villa Somalia iyo Baarlamanka. Qaraxa ayaa ku soo beegmay 10 maalmood kadib markii qarax ay Al-Shabaab ka fulisay Ex-Control Afgooye ee Muqdisho ay ku dishay 81 qof oo u badnaa shacab, 28-kii December 2019. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta Khasaaraha Qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Iranian forces fired missiles at military bases housing U.S. troops in Iraq on Wednesday in retaliation for the U.S. killing of an Iranian general, raising the stakes in its conflict with Washington amid concern of a wider war in the Middle East. Iran’s Supreme Leader Ayatollah Ali Khamenei, addressing a gathering of Iranians chanting “Death to America”, said the attacks were a “slap on the face” of the United States and U.S. troops should leave the region. Tehran’s foreign minister said Iran took “proportionate measures” in self-defense and did not seek to escalate the confrontation. The next move appeared to lie with Washington. U.S. President Donald Trump, who ordered the drone strike that killed General Qassem Soleimani in Baghdad on Friday, gave an initial response on Twitter: “All is well!”. Casualties and damage from the missile attacks were being assessed and Trump said he would make a statement on Wednesday. Trump, who was impeached last month and faces an election this year, at the weekend threatened to target 52 Iranian sites if Iran retaliated for Soleimani’s killing. CASUALTY TOLL DISPUTED Iranian state television said Iran had fired 15 ballistic missiles from its territory at U.S. targets in its neighbor Iraq. The bases targeted were al-Asad air base and another facility in Erbil, the Pentagon said. One source said early indications were of no U.S. casualties, while other U.S. officials declined to comment. Iranian television said 80 “American terrorists” had been killed and U.S. helicopters and military equipment damaged. It provided no evidence of how it obtained that information. Germany, Denmark, Norway and Poland said none of their troops in Iraq were hurt. Britain, which also has personnel in Iraq, condemned the Iranian action. Iraq said its forces did not suffer casualties. More than 5,000 U.S. troops remain in Iraq along with the other foreign forces in a coalition that has trained and backed Iraqi forces against the threat of Islamic State militants. “As we evaluate the situation and our response, we will take all necessary measures to protect and defend U.S. personnel, partners, and allies in the region,” Pentagon spokesman Jonathan Hoffman said. In Tehran, Khamenei said in a televised speech: “Military action like this is not sufficient. What is important is ending the corrupting presence of America in the region,” renewing Tehran’s long-standing demand for Washington to withdraw its forces. Iranian Foreign Minister Mohammad Javad Zarif said the strikes “concluded” Tehran’s response to the killing of Soleimani, who had been responsible for building up Iran’s network of proxy armies across the Middle East. He was buried in his hometown Kerman on Monday after days of national mourning. “We do not seek escalation or war, but will defend ourselves against any aggression,” he wrote on Twitter. Iranian television reported an official in the supreme leader’s office as saying the missile attacks were the “weakest” of several retaliation scenarios. It quoted another source saying Iran had lined up 100 other potential targets. The state media also showed footage of what it said were the missiles being fired into the night sky. In the background, voices shouted “God is greatest”. It also showed what it said were images of the blasts where they struck. It was not possible to verify the images’ authenticity. Tehran’s defense minister said the missiles were Iranian-built. WAY OUT? Oil prices rose on Wednesday but retreated from peaks hit in frenzied early trading following the missile attack. [O/R]. Analysts said market tension could ease as long as oil production facilities remain unaffected. They also saw Trump and Zarif’s comments as signaling a period of calm, at least for now. If the U.S. military was spared casualties and Iran takes no further measures to retaliate for Soleimani’s killing, there might be an opportunity for Washington and Tehran to seek a way out of their increasingly violent confrontation. Analysts have said that despite its strident rhetoric, Iran will want to avoid any conventional military conflict with superior U.S. forces. In the past, they say it has focused on asymmetric strikes, such as sabotage or other military action via proxies. U.S. officials said Soleimani was killed because of intelligence indicating forces under his command planned attacks on U.S. targets in the region. They have not provided evidence. Before Soleimani was buried his body was taken on a tour of cities in Iraq and Iran, drawing huge crowds. A stampede at his funeral on Tuesday killed at least 56 people. An hour after the Iranian missile attack, state television showed footage of the burial, where hundreds of people started chanting “God is greatest” when the strikes were announced over loudspeakers. “His revenge was taken and now he can rest in peace,” Iranian television said. Friction between Iran and the United States rose after Trump withdrew in 2018 from a nuclear deal between Iran and world powers, approved by his predecessor Barack Obama, and reimposed sanctions on Tehran slashing its vital oil exports. Khamenei, in his speech on Wednesday, ruled out any resumption of talks with Washington on the 2015 deal. Trump’s U.S. political rivals have challenged his decision to order Soleimani’s killing and questioned its timing in a U.S. election year. Democrats in the U.S. Congress and some of the party’s presidential contenders warned about the escalating conflict. “We must ensure the safety of our service members, including ending needless provocations from the Administration and demanding that Iran cease its violence. America & world cannot afford war,” U.S. House of Representatives Speaker Nancy Pelosi said on Twitter. In an apparently unrelated incident, a Ukrainian airliner with more than 160 people on board crashed on Wednesday soon after taking off from Tehran, killing all on board. Source: Reuters
  11. Gaarisa (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay macluumaad dheeri ah oo ku saabsan weerarkii ay Al-Shabaab Habeen hore ku qaadeen Saldhig ay leeyihiin ciidamada Booliska oo ku yaalo Deegaanka Sareedo. Ciidamada Booliska dalka kenya ayaa soo bandhigay magaca nin ay sheegeen inuu hoggaaminayey weerarkii Sareedo kaasoo lagu dilay ciidamo Kenyan ah iyo arday. Boolisku waxaa ay sheegeen in weerarkaasi uu ka dambeeyey nin lagu magacaabo Mauliid Bilaal, kaas oo ka hor inta uusan ku biirin Al-Shabaab macalin ka ahaa Iskuul ku yaalla deegaankaas, wuxuuna sabab u noqday inay Al-Shabaab ku biiraan dagaalyahano badan oo u dhashay Kenya. Sida ay Kenya sheegtay, weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay 4 qof oo isugu jirtay seddex Arday iyo mid kamid ah Ciidamada Ammaanka Kenya, inkastoo ay Al-Shabaab sheegatay tiro intaas ka badan. Kibet Bowen oo ah Guddoomiyaha deegaanka Dadaab ayaa shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah maadaama ay bateen Weerada Al-Shabaab, isla markaana ay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amniga. Al-Shabaab ayaa laba jibaaray weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, waxayna wargeysyada kasoo baxo dalka Kenya qoreen inay dadka Shacabka ah bilaabeen inay ka barakacaan goobaha u dhow Saldhigga Mareykanka ee Lamu. Kooxda Al-Shabaab ayaa mar hore wacad ku martay inay wadi doonto weerarada laga fuliyo gudaha Kenya inta ay dowladda Kenya kala baxeyso Ciidamada ka joogo Soomaaliya oo intooda badan ku sugan Gobolka Gedo iyo Jubbooyinka, Halka madaxweyne Uhuru Kenyatta uu isna sheegay inuusan lasoo bixi doonin ciidamadiisa inta Al-Shabaab laga ciribtirayo.
  12. Ciidamada Kenya ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab ay ka bilaabeen gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo howlgallo wada lagu arkayo deegaanada dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Ujeedka dhaq dhaqaaqyadaan cusub ayaa ah sidii loo xoojin lahaa amniga gobolkaasi oo inta badan weeraro gaadma ah ay ka fuliso Al-Shabaab. Bilowga sanadkaan cusub Al-Shabaab ayaa kordhisay howlgalladeeda gudaha Kenya, waxaana ugu dambeeyey midkii ay shalay ku qaaday duleedka magaalada Gaarisa. View the full article
  13. United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL) PRESS RELEASE UNSMIL Convenes Meeting of Libyan Economic Experts to Discuss Establishment of an Experts Commission to Unify Financial And Economic Policy and Institutions Participants provided input on the prospective Terms of Reference of the LEEC including ideas on its purpose, mandate and structure TRIPOLI, Libya, January 7, 2020/ — UNSMIL convened yesterday a meeting of 19 Libyan economic experts representing the main Libyan financial and economic institutions as well as the different economic sectors. The experts, who took part in the meeting, were selected based on their capacity to represent interests from across the Libyan political and geographic spectrum. The Libyan experts agreed that the Libyan economy was under duress due to the institutional fragmentation caused by the conflict and that this was having an increasingly detrimental impact on the daily lives of Libyans. It was also agreed that any comprehensive political settlement would require a mechanism to unify financial and economic policy as well as the institutions. The participants discussed a proposal to establish a Libyan Expert Economic Commission (LEEC). This proposal was initially developed in preparation for the National Dialogue and has now been introduced in the Berlin process. Participants provided input on the prospective Terms of Reference of the LEEC including ideas on its purpose, mandate and structure. The Berlin process is the second step in the three-step initiative to bring an end to the conflict laid out by SRSG Ghassan Salame in his July 29, 2019 briefing to the Security Council. The third step is a Libyan-led process to reach a comprehensive settlement that addresses the underlying drivers to the Libyan crisis. This meeting in Tunis is part of the economic basket, complemented by a military track and a political track. UNSMIL is working to activate all three of these Libyan-led tracks this month. Representatives from the international community were invited to portions of yesterday’s meeting to lend their support. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL). SOURCE United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL) Qaran News
  14. Diyaaradii laga lahaa Dalka Ukraine ee saaka cilad farsamo awgeed ugu burburtay meel aan ka fogayn Garoonkii ay ka duushay oo ku yaal Caasimada Iraan [...] Source
  15. Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah. Adeegyada daruuriga ah sida laydhka iyo is-gaadhsiinta waxa cashuur 5% ah lagu soo rogay shacabkii halka ay ka ahayd in shirkadaha la cashuuro (income tax). Markaa hooyada tamaandhada ku iibisa wadada dhinaceeda ee Dawladda Hoose cashuurto, markay guriga ku noqoto waxa laga rabaa cashuur kale oo matalan saaran laydka ay dirqiga ku bixiso si caruurteedu wax ugu akhristaan, telefoonka yarna wuu dulsaaran yahay. Culayska intaas leegi ma saarna taajirka. Si taas la mid ah arimo daruuri ah oo ay ahayd inay dawladdu kaabto, sida quutal daruuriga, ayay cashuuri saaran tahay. Qaabka cashuurtu u dejisan yahay waa mid u kala culus sida loo kala taag daran yahay, halka ay ka ahaan lahayd in ay u kala cuslaato sida loo kala dakhli badan yahay. Bal ila eeg qareenada iyo xawaaladaha: Cashuurta ruqsadda xawaaladuhu waa 2 milyan oo SL Shillings ah. Ta qareenka laga qaadaa na waa 1 Milyan oo SL Shillings ah. Hadii uu leeyahay xafiis sharci waxa dheer 315 USD. Markaa xawaaladda lacagta badan soo saarta iyo qof keligii ah isku eeg qaabka loo cashuur. Tujaarta ma laga qaadaa cashuur dakhligooda (income tax) mise waxa la sahlanaatay dawlada qofka shacabka ah? Tudhaale. Ha loo tudho shacabka. Nolosha oo awalba adag, sanad walba cashuur hor leh ma qaadi karaa shacabku? Source
  16. Muddo kooban waxaan ku dhex jiraa ganacsiga Shidaalka. Waa ganacsi aad uga duwan shaqadii aan mudada dheer ka shaqaynayey ee Aviationka. Wax badan ayaa iiga kordhay shaqadan cusub. Laakiin waxaan aad ula yaabay dhawrkii Gantaal ee ay xalay saqdii dhexe Iran riday dartood ayaa durba saaka qiimihii shidaalkii ku jiray haamaha Berbera ee muddo hore la keenay loo qaali gareeyey! Waan fahmi karaa shidaalka hadda la soo iibinayaa inuu ka qaalisanaan doono kii ka horeeyey duruufaha ka jira bariga dhexe darteed, laakiin shidaalkii bil/bilo ka hor la keenay in maanta ay shirkadaha waaweyn ee shidaalka dalka keenaa (RED SEA, HASS, WARAABE, SOM PETROLEUM) inay qaali gareeyaan iyaga oo sabab ka dhigaya xiisada bariga dhexe ka jirta, waxaan u arkaa inay tahay ka faa`iideysi khaldan (Opportunism – الانتهازية) iyo degdeg ku macaash. Cida culayska dhaqaale iyo qiimaha kordhay ku dhacayo ama saameynayaa waa dadweynaha gaadiidka wata. Source
  17. Mareykan iyo IIraan Laba abeeso ee dhiiggayg jaqaayey, maanta ma is cunayaan? Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xuseen, labadii barakeeyey xasuuqa suuriya iyo ilaalinta Bashaar Alasad, labadii Yemen dumiyey ee Xawthiyiinta u gacangeliyey, labadii, hadda waa labadii.. ayaa maanta siyaasad xumida Taraam awgeed is khilaafsan! Mareykanku waa cadow, Chine waa cadow, Ruushku waa cadow, Iiraanna waa cadow, dhammaantooda waa awoodo danahooda dhaqaale iyo caqiidadooda u dulleeya oo u dulmiya ummadaha kale. Afartaasiba xasuuq iyo dabargoyn ayay ku hayaan muslimiinta, waxaana ugu dhib badan Maraykanka, isagaana ugu awood badan uguna saameyn badan. Dhab ahaanse marka taariikhda wax lagu qiimeeyo, caqiidada la eego, aadminnimada iyo dhaqanka la fiiro geliyo, saddexda kale waa Ruushka, Chine iyo Iiraan ayaa ka cadaawad xun Maraykan, hase yeeshee fursadda uu Maraykan awooddiisa ku helay ayaanay iyagu weli mid la mid ah helin, hadday helaanna way ka dhib badnaan doonaan. Iiraan iyo China haddii ay awoodaan waxa ay dumin doonaan goobaha cibaadada ee Muslimka oo dhan, waxaanay xasuuqi doonaan cid kasta oo Alle ku caabudda diinta Nebi Muxammad-scw- Sida imikaba xaalku ku dhowyahay dalalkooda. Sheekh la odhan jiray Cabdalla Sactar oo masjid weyn oo magaalada Sanca ku yaalay ka khudbayn jiray ayaan ka bartay (اللهم سلط الظالمين بالظالمين، وأخرجنا من بينهم سالمين), Allahayow daalimiinta isku sallid oo naga dhex saar annaga oo nabadqabna. Waxa aad iyo aad u fiican oo inala gudboon inta aynaan cid taageerin ama colaadin in aynnu sooyaalka taariikheed ee ciddaas, istiraatiijiyaadkooda siyaasadeed iyo rumayntooda caqiido ee dhabta ah ku miisaanno waxa aynnu metelaynno ee dad iyo diin ah, oo aanay cadaawad aynnu cid gaar ah u qabno iyo caaddifadi ina indho tirin. Alle muslimka ha u hiiliyo oo ha tabantaabiyo, tawfiiqdana ha ina waafajiyo- Aamiin. Dr-Abdulqani Hussein Beder Source
  18. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) oo kawada hadlay u diyaar garowga arrimaha doorashooyinka soo socda. Kulankooda ayaa ka dhacay xarunta gudiga doorashooyinka madaxa banaan ku leeyihiin taas oo ku taal Madaxtooyada qaranka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID Oo Shacabku Ku Nool Magaalada Hargeysa Ugu Baaqay Inay Soo Dhawayn Ballaadhan U Sameeyaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Tehran)-Taleefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in ugu yaraan 80 “argagixiso Mareykan ah” lagu dilay weeraradii 15-ka gantaalo ee lagu qaaday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq. Taleefishinka ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ku guul-darreysteen in xitaa hal ka mid ah gantaallaadeeda dhexda laga qabto. Sheegashada Iran looma xaqiijin karo si madax-banaan, islamarkaana taleefishinka dowladda sooma bandhigin wax caddeymo ah. Taleefishinka oo soo xiganaya Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay diyaarisay 100 bartilmaameed oo ku yaalla Bariga Dhexe, oo ay beegsan doonto, haddii Washington ay qaaddo tallaabo aargudasho ah. Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarkii Iran ay xalay qaadday uu ahaa “dharbaaxo wejiga looga duiftay” Mareykanka, waxaana uu ku baaqay in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan gobolka. “Ficillada militari ee noocan ah kuma filna. Waxaa muhiim ah in lasoo afjaro joogitaanka musuq-maasuq ee Mareykanka ee gobolka,” ayuu Khamenei ku yiri khudbada laga sii daayey taleefishinka. Dhinaca kale, dhammaan Mareykanka iyo dalalka xulufada la ah ee ciidamadooda ay ku sugan yihiin labada saldhig ee Iran ay weerartay ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah aysan soo gaarin askartooda. Source
  21. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa nabad sugida ee ka howlgala deegaanada Galmudug ayaa maanta howlgallo ka wada qeybo ka mid ah G/Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay gaareen deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur, halkaas oo dhaq dhaqaaq ay ka wadaan iyana dagaalyahannada Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug. View the full article
  22. (SLT-Hargeysa)-Maxaa Ka Jira Ina Xarunta C.I.D-Da Looga Yeedhay Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga UCID?, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Tehran (Caasimada Onlien) – Taleefishinka dowladda Iran ayaa sheegay in ugu yaraan 80 “argagixiso Mareykan ah” lagu dilay weeraradii 15-ka gantaalo ee lagu qaaday saldhigyada Mareykanka ee Iraq. Taleefishinka ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ku guul-darreysteen in xitaa hal ka mid ah gantaallaadeeda dhexda laga qabto. Sheegashada Iran looma xaqiijin karo si madax-banaan, islamarkaana taleefishinka dowladda sooma bandhigin wax caddeymo ah. Taleefishinka oo soo xiganaya Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay diyaarisay 100 bartilmaameed oo ku yaalla Bariga Dhexe, oo ay beegsan doonto, haddii Washington ay qaaddo tallaabo aargudasho ah. Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarkii Iran ay xalay qaadday uu ahaa “dharbaaxo wejiga looga duiftay” Mareykanka, waxaana uu ku baaqay in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan gobolka. “Ficillada militari ee noocan ah kuma filna. Waxaa muhiim ah in lasoo afjaro joogitaanka musuq-maasuq ee Mareykanka ee gobolka,” ayuu Khamenei ku yiri khudbada laga sii daayey taleefishinka. Dhinaca kale, dhammaan Mareykanka iyo dalalka xulufada la ah ee ciidamadooda ay ku sugan yihiin labada saldhig ee Iran ay weerartay ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah aysan soo gaarin askartooda.