-
Content Count
214,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baghdad (Caasimada Online) – Iran ayaa gantaallo ku garaacday saldhigga militari ee Ain al-Assad ee ciidamada Mareykanka ay ka degan yihiin dalka Iraq iyo saldhig kale oo ku yaalla Erbil. Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka Jonathan Hoffman ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Waa ay caddahay in gantaalladan laga soo tuuray Iran, islamarkaana lagu beegsaday saldhigyada Mareykanka ee al-Assad iyo Erbil.” Saraakiisha Iran ayaa sheegay in weerarkan uu yahay midkii ay ballan-qaadeen inay uga aargudanayaan dilka Jeneral Qasem Soleimani, oo ay gaysteen Mareykanka. “Aargudashadii darneyd ee ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran waa ay billaabatay” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ciidamadaas. Warbaahinta Iran ayaa ku warramay weerarka saacado kadib markii Jeneral Qasem Soleimani lagu aasay magaalada uu kasoo jeedo. Illaa iyo hadda ma jiraan wax warar ah oo laga heli karo khasaaraha iyo waxyeellada ay gaysteen weerarada Iran ay qaadday. Saraakiisha Iran ayaa sheegay in weerarada ay billowdeen sacaaddu marka ay ahayd 1:20 am, xilligaas oo ah markii Mareykanka ay dileen Qasem Soleimani. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump lagu war-geliyey weerarada Iran, islamarkaana uu la-tashi la leeyahay golihisia amniga qaranka.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-07012020-sax.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xoolo lagu dhiiri galinayo ciidanka qalabka sida iyo kuwa AMISOM waxa ay ka guddoomeen bulshada ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee Degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Geella uu yahay 5 Neef ay ugu talagaleen cidanka qalabka sida, isla markaana ay tahay marti qaad loo sameynayo ciidanka. Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa sheegay in dadka deegaanka ay isxilqaameen, loona baahanyahay in lagu daysado, isagoo xusay in tani ay muujineyso sida ay dowladnimada u jecelyihiin bulshada Galmudug. Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta joogtada ah ee ay maamulka iyo odoyaasha dhaqanka Dhuusamareeb u sameynayaan madaxda dowladda Federaalka iyo ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan. View the full article
-
Four Kenyan school children were killed in a gunfight on Tuesday between police and al Shabaab militants from Somalia who attacked a telecommunications mast in the third such deadly incident in Kenya this week, police and an official said. Officers killed two attackers and recovered two assault rifles and bomb-making materials, police spokesman Charles Owino said. Owino told Reuters in a text message that the four killed were school children. He had said in a statement earlier on Tuesday that a teacher was among the dead. “I console the families of the four pupils that were killed by the heartless terrorist militia who are hell-bent on slaying innocent lives, instilling fear and disrupting education in the region,” Garissa County Governor Ali Korane said in a statement. The attackers also wounded three other children, Mohamed Dubow Aden, Garissa County’s Red Cross coordinator told Reuters. The United States has sent more troops to Kenya to reinforce security after al Shabaab killed three Americans on Sunday in an attack on a military base in Kenya used by U.S. forces. In Tuesday’s attack, police said militants fired at a mast belonging to Kenya’s leading operator Safaricom and at police guarding the facility. “Officers manning the mast and the base together with special forces were able to repulse them,” police said. The raid took place in a village in eastern Garissa county, which neighbors Somalia. The attackers did not damage the telecom network, police said. Al Shabaab frequently carries out attacks in Kenya in retaliation for Kenya sending troops into Somalia in 2011 after a series of cross-border attacks and kidnappings. The Kenyans were later absorbed into an African Union peacekeeping force, now 21,000-strong, which supports the shaky, Western-backed Somali government. Al Qaeda-linked al Shabaab has waged an insurgency in Somalia since 2008, aiming to topple the government and impose its own strict interpretation of Sharia law. On Sunday, al Shabaab destroyed six aircraft and killed three Americans during the attack on Camp Simba in coastal Lamu country. On Thursday, the insurgents killed three civilians on a bus in the same county. View the full article
-
Lamu (Caasimadda Online) – Qaar ka ka mid ah shacabka daganaa Gobolka Lamu oo ah Gobol Xeebeed ku yaalla dalka Kenya ayaa bilaabay inay u barakacaan magaalooyinka yar yar, si ay u nabad galaan. Barakacaan ayaa bilowday maalin kadib markii Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab ay weerartay Saldhig Militari oo Mareykanka ay halkaas ku leeyihiin, halkaasi oo lagu dilay seddex kamid ah Shaqaalaha Mareykanka. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadku ay ka guurayaan tuulooyinka u dhow garoonka diyaaradaha Manda Bay, iyagoo ka baqaya inay weerarro kale dhacaan ama inay Lamu ku dagaalamaan Ciidamada Ammaanka iyo dagaalyahannada Al-Shabab ee ku dhuumaalaysanaya duurka u dhow Boni. Canab Xaaji oo ka tirsan Golaha Deegaanka Lamu ayaa sheegtay inay dadka dareemayaan cabsi saa’id ah balse waxay tilmaamtay in Ciidamada Ammaanka ay wadaan dadaalo ku aadan sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab. “Dadku cabsi ayey qabaan, waxay ka guurayaan Magaalada iyagoo u guurayo tuulooyinka u dhow dhow Lamu sida Hindi, Sinambio, Mokowe iyo Kausara, cabsi xooggan ayaa jirto balse Amniga aad ayaa loo adkeeyey, ciidamada Militariga waxay qabanayaan shaqo wanaagsan” Ayey tiri. Axadii, Al-Shabaab ayaa weerartay Saldhigga Militariga ee Mareykanka ee ku yaalo Lamu, waxayna halkaas ku gubeen dhawr diyaarad ka hor inta aysan isaga bixin Saldhigga Ciidamadii Mareykanka iyo kuwii Kenya ee halkaas ku sugnaa. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in saddexda qof ee lagu dilay Saldhigga ay ahaayeen shaqaale Mareykan ah iyo laba qandaraasle halka sidoo kale la dhaawacay laba qandaraasle kale oo xaaladooda ay halis tahay. Mid kamid ah dadkii daganaa Saldhigga la weeraray agtiisa oo hadda u guuray Tuulada Hindi oo 5 Kilometer u jirto Lamu ayaa yiri “Haddii dadka ay weerari karaan xiro Militari oo ay leedahay Dowlad awood badan, maxaad u maleeneysaa dadka caadiga oo anigoo kale ah kuwaas oo aan wax hub ah heysan”. “Waxaa joogo Saldhigga Saraakiil Militari laakiin dadka soo weerarayo waa ogyihiin in saraakiil joogto, mar kastana way soo weerayaan, ma dooneysid halis, macquul maahan in lagu qabto adigoo ku dhex jiro saraakiil” ayuu sii raaciyey. Tan iyo markii ay Al-Shabaab weerarka soo qaadeen Axaddii, Kenya waxay xoojisay ammaanka gudaha iyo hareeraha gobolka Lamu oo xuduudda la leh Soomaaliya.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-07012020.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa maanta shaaciyey in uusan aqoonsaneyn isbaheysiga Carabta iyo Afrika ee Isniintii looga dhawaaqay Riyadh, caasimadda Sacuudiga. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in sababta ay u diideen golahaas ay tahay in aanan laga talo-gelin. Somaliland ayaa qoraalka ku sheegtay inaysan marnaba wada shaqeyn la yeelan doonin wadadmada ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ilaa inta laga aqoonsanayo gooni isku taageeda. “Somaliland waa dal madax bannaan dal kale uma daba fadhiisanayso Xuduudaheeda Badeed” ayaa lagu yiri qoraalka. Somaliland ayaa ku dhawaaqday madax banaani sanadkii 1991-dii, illaa hadda ma aysan helin hal wadan oo aqoonsado, waxaana loo arkaa Maamul Goboleed kamid ah dalka Soomaaliya. Isbaheysigan cusub ayaa waxaa ku mideysan illaa sideed dal oo isugu jira dalal carbeed iyo Afrikaan xad la leh Badda Cas iyo Gacanka Cadan, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay dadaal la doonayo in lagu xoojiyo iskaashiga iyo is dhex galka dhaqaale ee Gobolka. Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Sacuudi Carabiya, Suudaan, Soomaaliya, Jabuuti, Masar, Urdun, Yemen iyo Eritrea ayaa saxiixay Axdiga Golaha ee loogu gogol xaarayo shirka Madaxda wadamadan ee dhowaan la qabanayo. Soomaaliya ayaa meel muhiim ah kaga taal labada marin ee Gacanka Cadan iyo Badda Cas, waxaana muuqata in loolanka juquraafiga siyaasadda ee ka jira Gobolka inuu ka dhigi karo meel aad muhiim ugu noqon karta dalalka Caalamka, marka laga eego Istiraatiijiyad ahaa halka ay Soomaaliya ku taalo. Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Somaliland
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka qabto in mar kale lagala laabto Maamulka Hawada Sooomaaliya oo 30 sano kadib dhawaan loosoo celiyey. Axmed Macalin Xasan, oo ah Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya Maamulka hawada lagala noqon doono hadaan si deg deg ah loo ansixin sharciga Duulista Rayidka oo haatan ku jiro Gacanta Aqalka Sare ee Soomaaliya. Maareeyaha ayaa xusay in sharcigaan ay Dowladda Soomaaliya uga xayiran tahay waxyaabo badan oo dalka wax u tari lahaa mar uu wareysi siiyey warbaahinta Dowladda. “13 ka bishan waxaa Nairobi ka dhici doono shir looga hadlayo Hawada Soomaaliya, anagoo ugu horeyn nala weydiin doono sharcigii duulista Hawada” ayuu yiri Axmed Macalin Xasan. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 4-tii Bishaan ansixiyey Sharciga duulista Rayidka ee Hawada Soomaaliya, wuxuuna Maareeye Axmed ka codsaday Aqalka sare inay si deg deg ah u ansixiyaan Sharcigaan maadaama laga yaabo inay keento in Soomaaliya lagala noqdo maamulka Hawada. Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa hadda soo saarto lacag 22 Malyan ah sida uu sheegay Maareeyaha, wuxuuna intaas sii raaciyey inay soo saari doonaan 50 Malyan haddii la ansixiyo Sharcigaan hadda hor yaalo Aqalka Sare. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan lasoo wareegtay maamulka Hawada Soomaaliya oo muddo 30 sano ah lagala maamulayey gudaha dalka Kenya.
-
Baghdad (Caasimada Online) – Waxaa xog laga helay sababtii uu Jeneral Qasem Soleimani u joogay magaalada Baghdad ee dalka Iraq markii lagu dilay duqeyn ay fuliyeen Maryekanka. Ra’iisul wasaaraha Iraq Adel Abdul-Mahdi ayaa sheegay in qorshaha uu ahaa in uu la kulmo Soleimani, oo uu kala hadlo tallaabooyin la qaadi karo, si loo qaboojiyo xiisadda iska horimaad ee ka dhex oogan Iran iyo Sacuudi Arabia. Abdu-Mahdi ayaa yiri “Waxaa qorshuhu ahaa inaan la kulmo subaxa maalinkii la dilay. Waxa uu u yimid halkan inuu iisoo gudbiyo fariin ka timid Iran oo jawaab u ahayd fariin ay Sacuudiga u direen Iran, oo aan gudbinay.” Waxaa suurto-gal ah in Trump uusan ka war hayn kaalinta uu Soleimani ka cayaarayay isku soo dhowaanshaha Iran iyo Sacuudiga, taasi oo la rumeysan yahay in haddii uu ogaan lahaa uusan amri lahayn dilkiisa. Ama waxaa suurta-gal ah in Trump ogaa balse uusan kala jecleyn, sababtoo ah Trump waxaa dan weyn ugu jirtaa xiisadda Iran iyo Sacuudiga, si uu hub badan uga iibisyo Sacuudiga, oo Iran u arka cadowgooda koowaad. Weerarka lagu dilay Soleimani ayaa dhacay saacado un kadib markii ay taleefonka ku wada hadleen Abdul-Mahdi iyo Trump oo ra’iisul wasaaraha Iraq ka codsaday inuu gacan ka gaysto in dibad-baxayaahsa hareeyey safaaradda Mareykanka halkaas laga saaro. Abdul-Mahdi ayaa niyad jab ka muujiyey in Trump xilli uu dalbanayey in la dhex-dhexaadiyo Mareykanka iyo kooxaha Shiicada Iraq, uu isla dhinac kale qorshaynayey dilka Soleimani. Si kastaba, waxaa dhanka kale suurta-gal ah in militariga Mareykanka ee qorsheeyey weerarka aysan ka war-hayn wada-hadalladii Trump iyo Abdul-Mahdi, islamarkaana ay dileen Soleimani markii ay fursadda ku heleen. Wada-hadallada hoose ee Sacuudiga iyo Iran ayaa la rumeysan yahay inay tahay sababta Sacuudiga aysan weli uga hadal dilka Soleimani. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa walaalkiisa ka yar Khalid Bin Salman u diray Washington si xiisadda loo qaboojiyo. Cabsida laga qabo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe ayaa horseeday inay wada shaqeeyaan Sacuudiga iyo Qatar oo xiisad ay ka dhaxeyso, si dagaalka loo baajiyo. Qatar ayaa wasiirkeeda arrimaha dibedda u dirtay Iran, isaga po isku dayaya inuu Tehran ka dhaadhiciyo in la muujiyo is-xakameyn.
-
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku sugan dowlad goboleedka Jubbaland, oo kaashanaya Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, ayaa duqeyn culus ka geystay fariisimo maleeshiyada Al-shabaab ay ku lahaayeen, degaanka Caanoole oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose. Sidoo kale, Ciidamada ayaa duqeyn kale ka fuliyay xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay tababar ku qaadanayeen dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo loo diyaarinyay in ay dhibaatooyin ka gaystaan degaannada Jubaland. Wakaaladda Wararka SONNA, ayaa soo tebisay in sidoo kale ciidamadu duqeeyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeem degmada Jilib oo ka tirsan isla gobalka Jubbada Dhexe, ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo kamid ah Al-shabaab. Wakaaladda oo xiganaysa Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo ah Taliyaha Ciidanka kumaandoosta Soomaaliya qeybta Jubbaland, ayaa sheegtay in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, inkastoo aysan faahfaahin ka bixin. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maraykanka oo duqeymo la beegsaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, ciidanka kumaandoosta ee ka howlgasha deegaanada maamulka Jubbaland, oo kaashanaya ciidamadda AFRICOM ayaa saacadihII u dambeeyay duqeeyay Fadhiisimo ay maleeshiyada Al-shabaab ku lahaayeen, deegaanka Caanoole,oo hoostaga dgmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose . Dhinaca kale duqeyn tan la mid ah ayaa ciidanku ka fuliyeen xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe, waxaa sidoo kale ay Ciidanku duqeeyeen saldhiga Maleeshiyadu ku lahaayeem degmada Jilib oo ka tirsan isla gobalka Jubbada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Horjoogayaal sar sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab,waxaana lagu bur buriyay saldhigii cadowgu ku lahaa halkaasi. Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi oo ah Taliyaha Ciidanka kumaandoosta Soomaaliya qeybta Jubbaland oo la hadlaya Warbaahinta Qaranka ,ayaa u xaqiiyay in goobaha ay duqeymuhu ka dhaceen lagu gaarsiyay Khasaaro xooggan horjoogayaashii ku sugnaa halkaasi wakhtiga duqeyntu dhaceysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Iyada oo maanta ay kulmeen guddi ay dowladdu federaalka ah ku sheegtay iney qaban-qaabinayaan maalmaha xuriyadda ayaa waxaa riwaayad iyo qorshe xumi ku tilmaamay aqoonyahanno nala hadlay. Aqoonyahannada ayaa isweydiiyey muhiimadda guddiga, micno darrida uu dalka ugu fadhiyo iyo sababta ay shacabka u mashquulineyso iyada oo Soomaaliya wajaheyso caqabado badan oo wasiirrada sida gashaandhigga iyo warfaafinta loo baahnaa iney ku mashquulaan. Dr. Xasan Sheekh Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay iney tahay guul-darro iyo riwaayad “Haddii dowlaha ay ku fashilmaan adeeg dadweyne oo dhameystiran, waxaa caadi ah in dowladdu dadku u dejiso riwaayad iyo marin habaabin iyada oo dadka uga dhgigeyso iney shaqo qaran socoto”. Dr. Cali waxaa uu intaasi raaciyey in dowladda ay caadeysatay iney dadka ku madadaaliiso sawirro iyo wax aan jirin si maskaxda dadka aaney u aadin baahida muhiimka ah, waana noo ka mid ah cilmiga siyaasadda. Dhankiisa, Prof. Cabdullahi Shirwac ayaa isna ku tilmaamay arrimaha maalmaha xuriyadda dacaayad iyo waqti lumis isaga oo arrintaas Goobjoog News kala hadlay waxaa uu yiri “Dib u soo doorasho iyo olole siyaasadeed ayaan u arkaa, waa barnaamij ay wadeen tan iyo taalooyinkii iyo isxilqaanka” Cabdullahi Shirwac oo sii hadlaya“Waa borobagaan iyo maaweelo, waxay aheyd in laga fekero waxa dalka muhiim u ah sida gurmadka, fatahaadihii iyo abaarihii in dadkaas loo gurmado”. Dowladda federaalka ah ayaa intii ay xoogga saari laheyd isu soo dhowaanshiyada dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha kaha ah, amniga deegaan doorashooyinka, dastuurka iyo arrimaha kale ee muhiim ka ah waxaa ay in ka badan 50 qof u saartay dabaaldegga 60 sano guurada xuriyadda, taas oo aan la weydiin umadda in muhiim loo arko iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay dhismaha gole ka kooban sideed waddan oo Carab iyo Afrikaan ah oo xaduud baddeed la wadaaga Badda Cas iyo Gacanka Cadan. Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa qaabilay wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar, Jordan, Ereteriya, Yemen, Suudaan, Soomaaliya, iyo Jabuuti magaalada Riyad wuxuuna ugu hambalyeeyay aasaaska golaha iyo saxiixa Axdiga Golaha. Intii uu socday kulanka, wasiirradu waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya waddamada xuduudda la leh Badda Cas si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida gobolka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga. Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya Amiir Faisal bin farhan ayaa sheegay inay daneynayaan in xaalada gobolka ay noqoto mid degan oo aysan sii kicin mushkiladaha adduunka ka jira. Soomaaliya ayaa meel muhiim ah kaga taal labada marin ee Gacanka Cadan iyo Badda Cas, waxaana muuqata in loolanka juquraafiga siyaasadda ee ka jira Gobolka inuu ka dhigi karo meel aad muhiim ugu noqon karta dalalka Caalamka, marka laga eego Istiraatiijiyad ahaa halka ay Soomaaliya ku taalo.
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM), the EU and the UN on Tuesday kicked off a specialized training of 300 Somali police officers who will form part of the Federal Darwish Police, a special tactics unit of the police tasked with securing the country. Augustine Magnus Kailie, AMISOM Police Commissioner, said such training was crucial in transforming the Somali Police Force (SPF) into a capable force that can protect the people of Somalia. “As we have come to assist, build your capacity, you also should be standing ready to see how best you can tap from the various experiences and support you will receive so that as the Darwish especially, you will stand firm to defend the people of Somalia,” said Kailie in a statement issued by the AU mission. The training is being conducted as part of a joint police program backed by AMISOM, EU and the UN. The five-year Joint Police Program which supports increased police visibility, presence, capability and accountability and the implementation of the New Policing Model in Somalia at Federal and Federal Member State level. Abdi Hassan Mohamed, the Somali police commissioner, said the government has embarked on a drive to revive the Darwish special police unit by extensive recruitment and refresher training throughout 2020. “At the end of this training, our police special forces including the Haramcad, Darwish and the Birmad will be fully equipped and their combined capability will constitute a major force that can secure population centers,” Mohammed said during the opening ceremony in Mogadishu. Upon completion of the training, this police unit will be integrated into the Somali Police Force and deployed to all the Federal Member States of Somalia. View the full article
-
Shacabka Somaliland iyo dalalka taageera Somaliland ayaa si weyn ugu dheg taagaya go’aanka uu Madaxweyne Biixi soo saari doono 10 January oo ay laba maalmood inaga xigaan. Madaxweyne Biixi ayaa la sugayaa inuu 10 January si rasmi ah u hirgeliyo go’aankii guddigii dhexdhexaadinta ee ahaa in la kala diro guddiga doorashada ee wakhtigan iyo in dib loo soo magacaabo guddigii hore ee doorashooyinka. Madaxweyne Biixi ayaa ka dib laba kulan oo uu la yeeshay labada guddoomiye mucaarad ee UCID iyo Waddani, wuxuu codsaday in la siiyo ilaa 10 January si uu u qaado wixii caqabado ah ee hortaagan in la fuliyo go’aankii guddiga dhexdhexaadinta, waxaanu Madaxweynuhu maalmahan u dambeeyay wada tashi iyo kulamo la lahaa hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mid ah wasiiradiisa ugu dhow dhow. Labada guddoomiye mucaarad Faysal iyo Cirro oo dalka dibadiisa ku maqan ayaa la filayaa inay iyaguna toddobaadkan dalka ku soo laabtaan, iyagoo dhawraya go’aanka Madaxweynaha. Si kastaba ha ahaate, rayul caamka Somaliland iyo dalalka deeqaha Somaliland bixiya ee dhawaan socdaalka ku yimid magaalada Hargeysa, balse aan natiijo wanaagsan kala noqon kulankii ay Madaxweynaha la yeesheen ayaa isha ku Geeska Qaran News
-
Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu maalmo ka hor magacaabay Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa maanta kulankoodi ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa gudoominayay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),oo sheegay in sannadkan xuska uu ka duwanaan doono xusaskii hore u dhacay sannadihii hore. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay sababta guddiga uu kulankoodii ugu horreeyay maanta u yeeshay, ayadoo oo ay lix bilood ku dhawaad ay ka harsantahay xuska todobaadka xoriyadda, waxa uu sheegay marka hore in ay tahay aragtida madaxda qaranka, gaar ahaan madaxwaynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in xuskan uu ku buuxsan yahay 60 sano oo ay xor tahay jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, waxa uuna yiri, “Calaamadaha uu leeyahay 60 guuradan waxaa ka mid ah marka ugu horreysa waa 60 guuro. lixdan waa sannad ama waa xilli taariikheed u calaamadsan bulshooyinka caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed. Waa xilli qofka qaargaar wayn noqdo, khibrad dhammaysto, karti dhammaysto, oo waayeelnimo dhammaysto, sidaas darteed qaranka ayaa lixdan sano jirsaday”. “Marka labaad muhiimadda ay leedahay maalinkan waa labaatan guuradii markii dawladdan hadda jirta dib loogu soo yagleelay dawladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee dalka jabuuti oo runtii nidaamkan hadda jira uu ka yimi 2000, maalinba meeshii uu soo taagnaaba, maanta uu halkan joogo” ayuu yiri Maareeye. Wasiirka ayaa ugu dambayn sheegay in xuska sannadkan uu ka dhici doono dhammaan degmooyinka dalka, ayadoo ay xildhibaanada, wasiirada iyo madaxda dalka ay tagi doonaan degmo walba, sidaasna uga qayb qaadaan doonaan lixdan guurada maalmaha xoriyadda dalka. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Guddiga Qaban-qaabada maalmaha Xorriyadda dalka oo ku kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta magaalada magaalada Muqdisho kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ee gobolada koonfureed iyo kuwa woqoyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa gudoominayay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),isagoo ka warbixiyay, asagoona sheegay in sannadkan xuska uu ka duwanaan doono xusaskii hore u dhacay sannadihii hore. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay sababta guddiga uu kulankoodii ugu horreeyay maanta u yeeshay, ayadoo oo ay lix bilood ku dhawaad ay ka harsantahay xuska todobaadka xoriyadda, waxa uu sheegay marka hore in ay tahay aragtida madaxda qaranka, gaar ahaan madaxwaynaha jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in xuskan uu ku buuxsan yahay 60 sano oo ay xor tahay jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, waxa uuna yiri, “Calaamadaha uu leeyahay 60 guuradan waxaa ka mid ah marka ugu horreysa waa 60 guuro. lixdan waa sannad ama waa xilli taariikheed u calaamadsan bulshooyinka caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed. Waa xilli qofka qaargaar wayn noqdo, khibrad dhammaysto, karti dhammaysto, oo waayeelnimo dhammaysto, sidaas darteed qaranka ayaa lixdan sano jirsaday”. Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa sheegay in xuskan uu ku aaddan yahay, ayadoo 20 sano ay ku buuxsantay dib u dhisidda dawladnimada aan maanta haysano; “Marka labaad muhiimadda ay leedahay maalinkan waa labaatan guuradii markii dawladdan hadda jirta dib loogu soo yagleelay dawladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee dalka jabuuti oo runtii nidaamkan hadda jira uu ka yimi 2000, maalinba meeshii uu soo taagnaaba, maanta uu halkan joogo”. Wasiir Maareeye, guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ayaa ugu dambayn sheegay in xuska sannadkan uu ka dhici doono dhammaan degmooyinka dalka, ayadoo ay xildhibaanada, wasiirada iyo madaxda dalka ay tagi doonaan dagmo walba, sidaasna uga qayb qaadaan doonaan farxadda wayn ee lixdan guurada maalmaha xoriyadda iyo xuska labaatan guurada dib u dhisidda dawladnimada maanta jirta. View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa Axaddii weerar culus ku qaaday saldhigga ay adeegsadaan ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanka oo ku yalala gobolka LAMU. Weerarkan waxaa ku dhintay askari Maraykan ah iyo laba qandaraaslayaal ah. Dawladda Kenya weli ma shaacin waxyeellada dhinacooda soo gaadhay. Waxaa kaloo halkaasi ku dhintay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab sida ay sheegtay Dowladda Kenya inkastoo aysan weli Al-Shabaab ka hadlin haddii dagaalyahano laga dilay Haddaba Jay Bahadur oo ah Xiriiriyihii hore ee Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ku sugan Kenya ayaa shaaciyey laba sabab oo keentay inay Al-Shabaab weeraraan Saldhigga Mareykanka ee Lamu isagoo wareysi siiyey Idaacadda VOA. Midda koowaad ayuu ku sheegay inay tahay Dowladda Mareykanka oo kor u qaaday duqeymaha ay la beegsato xarumaha Al-Shabaab tan iyo markii uu xilka madaxweynimo ee Mareykanka qabtay Trump isla markaasna awoodda go’aan gaarista la gaarsiiyey ilaa saraakiisha hoose. Midda Labaad ayuu ku sheegay inay tahay Al-Shabaab oo ku fashilmay weerarkii ay ku qaaday September Saldhigga garoonka Diyaaradaha Balidoogle kaasoo uu ku sheegay inay ku fashilmatay ayna hadda dooneysay inay jabkaas kasoo kabato. Mar wax laga waydiiyey haddii Dowladda Mareykanka ay ka aargudan doonto Al-Shabaab ayuu sheegay inay Mareykanka mar kasta u qorsheysan tahay inay weeraro la beegsadaan madaxda Al-Shabaab iyo goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyadooda. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/0ed4bae3-2555-48ad-934e-14a0e333fd54_48k.mp3
-
Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud taliyaha qeybta Booliska gobolka ee maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa amaro dul-dhigay wadayaasha gaadiidka, gaar ahaan kuwa Takaasida ee ka howlgalada gudaha magaalada Boosaaso. Taliyaha ayaa sheegay in darawalladu aysan qaadin karin qof aynan ogeyn halka uu ku socdo iyo waxa uu yahay intaba. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay inay cidkasto oo ay ka shakiyaan ku soo wargaliyaan laamaha ammaanka ee magaaladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/lll.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Buulo-Burte ayaa weli kulamo ka wada gudaha magaaladaasi. Waare ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlayo khilaaf dhinaca maamulka ah oo ka taagan degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Khilaafka ayaa yimid, kadib markii waxgaradka deegaanka ay ka biyo diideen guddoomiye cusub oo uu dhowaan wasiir Caadle u magacaabay degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in kulamadu aysan ka soo bixin wax natiijo ah, islamarkaana lagu ballamay kuwa kale, si xal looga gaaro arrintaasi. HirShabelle ayaa inta badan is bedal ku sameysa mas’uuliyiinta degmooyinka iyo kuwa maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Ciidamada nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka NISA ay gaareen deegaanka Barujeed, kadib markii agagaarka deegaankaasi lagu arkay dagaalyahanno ka mid ah Xarakada Al-Shabaab. Taliyaha nabad sugida Guriceel, Maxamed Gaanyac Cabdulle oo hogaminayo howlgalka ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar markale saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Gaarisa, xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lala beegsaday saldhig ciidamada Booliska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Sareedo Bilcaan oo ka tirsan magaaladaasi. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaan ayaa sheegtay inay ku dishay 2 askari, sidoo kalena ay gubtay saldhigga uu dagaalku ka dhacay, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale taliye ku xigeenka Booliska Gaarisa, Kibet Bowen oo la hadlay warbaahinta sheegay inay ciidankooda ka hortageen weerarka, islamarkaana ay sameeyeen iska caabin xoogan. Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay ciidamada Booliska ay toogasho ku dileen labo ka tirsanaa dagaalyahannadii Al-Shabaab ee weerarka ka dambeeyey. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa afar qof oo rayid ahaa, kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka. Maalintii sabtida ayey aheyd markii dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay weerar xoogan oo khasaare geystay ku qaadeen saldhig ku yaalla gobolka xeebta Lamu, kaas oo ay si wadajir u daganaayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa milatariga dalka Kenya. View the full article
