-
Content Count
214,264 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dawladda Iran oo hawlgal ka fulisay xeebaha Somalia Dowladda Iiraan ayaa howlgal ka fulisay xeebaha Soomaaliya, halkaasi oo lagu soo bad-baadiyey dad u dhashay dalka India. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la dagaalanka burcad badeedka ee Iiraan leedahay ay howlgal kusoo badbaadiyeen illaa 13 qof uu dhashay dalka Hindiya. Dadka Hindida ah ee la badbaadiyey ayaa waxay saarnaayeen Doon laga sameeyey Alwaaxyo taasoo ku dhex socotay gudaha Xeebaha Soomaaliya. Ciidamada Iiran ayaa markii ay dadkaan soo badbaadiyeen kadib waxay ku wareejiyeen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Hindiya. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa xalay hawlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan Degmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir iyaga oo qarxiyay laba Miino oo kuwa dhulka la galiya ah. Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa Xaqiijiyay in Miinooyinka ay qarxiyeen ciidamada Gaashaan ay ahaayeen ku aasnaa dhulka, waxayna kooxaha argagixisadu doonayeen in ay ku laayaan shacabka Soomaaliyeed. Xaafadda Baar Ubax ee degmada Warta nabadda oo ah halka ay ciidamadu ku qarxiyeen miinooyinka ayaa waxaa laga sameeyay howlgal qorsheysan oo sidoo kale lagu bartilmaameedsaday rag la tuhun sanyahay oo ka tirsan kooxda Al Shabaab. Ciidamada Gaashaan ayaa inta badan waxa ay fuliyaan hawlgalada qorsheysan ee lagu beegsado Xubnaha Shabaabka ka tirsan. Inta badan Gaashaan ayaa hawlgalkooda wuxuu ku saleysan yahay mid ay ku hagaan taleefoonada gacanta ee GPRS lagu xiro.
-
Tallaabooyin uu Trump ciqaab ku muteysan karo haddii uu Iiraan weeraro Dhismaha Naqsh-e Jahan Square, oo ku yaalla magaalada Isfahan, wuxuu ka mid yahay xarumaha dhaqanka ee ay Unesco ku leedahay Iiraan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmaya cambaareyn sii kordheysa oo ku saabsan hanjabaaddii uu ku sheegay inuu weerari doono xarumaha dhaqanka ee dalka Iiraan. Mr Trump ayaa hanjabaaddaas jeediyay ka dib markii ay xiisad ka dhalatay duqeyntii ay Mareykanka ku dileen taliyihii u dhashay Iiraan ee lagu magacaabi jiray Qasem Soleimani. Madaxweyna ayaa sheegay in xarumaha dhaqanka ay ka mid yihiin 52 goobood oo uu Mareykanku ka calaamadeystay “haddii ay Iiraan waxyeello gaarsiiso muwaadiniinta Mareykanka u dhashay”. Hase ahaatee waaxda dhinaca dhaqanka u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo wasaaradda arimaha dibadda ee UK ayaa ka mid ah dhinacyada sheegay in goobaha noocaas ah aan la waxyeelleynin. Dalalka Mareykanka iyo Iiraan ayaa wada saxiixay heshiiska Qaramada Midoobay ee ilaalinta goobaha hiddaha iyo dhaqanka, xitaa haddii uu dagaal socdo. Sidoo kale weerarrada milatari ee ka dhanka ah xarumaha ganacsiga ayaa loo arkaa dambi dagaal, sida uu qabo sharciga caalamiga ah. Trump ayaa ciqaab muteysan kara haddii uu tallaabo noocaas ah ka qaado Iiraan. Madaxweyneyaal horay xilal u soo qabtay ayaa la hor geeyay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, iyagoo loo heysto dambiyo ay galeen oo ka soo horjeeday xeerarka dagaal ee caalamiga ah. Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa in dilkii Qasem Soleimani uu sababo dagaal ka dhex qarxa Iiraan iyo Mareykanka. Soleimani, oo taageero weyn ka heystay dowladda iyo Shacabka reer Iiraan ayaa Jimcadii lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ka fuliyeen magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq. Dilkiisu wuxuu huriyay xiisad ka taagan gobolka bariga dhexe, iyadoo Iiraan ay ku hanjabtay “inay aargudasho weyn ka sameyn doonto arrintaas”. Isjiiritaan ka dhacay aaskii loo sameynayay, oo ay dad aad u badan ka qeyb galayeen waxaa ku dhintay ku dhawaad 60 ruux. Soleimani wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa milatariga Iiraan Mareykanka ayaa difaacay dilka ninkan, waxayna sheegeen inaysan u dulqaadan doonin “tallaabo khaldan” oo ay Iiraan qaaddo. Maxay ahaayeen hanjabaadaha madaxweyne Trump? Hanjabaadihii ugu horreeyay wuxuu madaxweyne Trump ku jeediyay qoraallo isdabajoog ahaa oo uu Sabtidii soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Mr Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu asteystay 52 goobood oo Iiraan ku yaalla, kuwaasoo qaarkood “uu heerkoodu aad u sarreeyo, muhiimad weynna ugu fadhiyaan dhaqanka Iiraan”. Wuxuu ku gooddiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo duqeyn doono, burbur xog lehna loo geysan doono haddii ay Iiraan tallaabo aargoosi ah u qaaddo dhinaca Mareykanka. Xog hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa u muuqday inuu khfiifinayay hanjabaaddaas, isagoo sheegay in Mareykanku uu Iiraan ka qaadi doono tallaabo sharciga caalamiga ah waafaqsan. Laakiin madaxweyne Trump ayaa mar kale ku celiyay hanjabaaddiisa, oo uu ku adkeystay, wuxuuna yiri: “Iyaga waa loo oggol yahay inay dilaan dadkeenna, waa loo oggol yahay inay jirdil ku sameeyaan dadkeenna, waa loo oggol yahay inay isticmaalaan miinooyinka waddada dhinaceeda lagu aaso, waa loo oggol yahay inay dadkeenna qarxiyaan – annagana ma naloo oggola inaan taabanno dhaqankooda miyaa? arrintaasi ma shaqeyneyso”. Maxay tahay cambaareynta uu soo jiitay hadalkaas? Agaasimaha guud ee hay’adda arrimaha dhaqanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Unesco, Audrey Azoulay, ayaa sheegay in Iiraan iyo Mareykanka ay labaduba saxiixeen heshiiskii 1972-kii ee ilaalinta xarumaha dhaqanka iyo waxyaabaha dabiiciga ah. Waxay labada dalba sidoo kale saxiixeen heshiiskii 1954-kii ee dhigayay in la ilaaliyo goobaha dhaqanka, haddii uu dagaal dhaco. Mr Trump ayaa sanadkii 2018-kii Mareykanka ka saaray heshiisyada hay’adda Unesco, isagoo sababtana ku tilmaamay eedeymo loogu jeedinayay inuu u eexday Israel. Hanjabaadda xarumaha dhaqanka Iiraan ee Trump waxay mideysay dadka reer Iiraan Waxaa qormadan sameeyay Sam Farzaneh, oo ka tirsan laanta BBC Persian Islamarkii la shaaciyay warka ku saabsan dilka Qasem Soleimani, dadka reer Iiraan way kala qeybsanaayeen. Qaarkood way ka xumaadeen dhimashadiisa, qaarna way u dabaal dageen in la dilay, iyagoo dareenkooda kala duwan ku muujinayay baraha bulshada. Laakiin markii uu madaxweyne Donald Trump bartiisa Twitter-ka kusoo qoray hanjabaadda ku aaddan inuu bartilmaameedsan doono goobaha dhaqanka caanka ku ah ee Iiraan, waxaa si mideysan uga soo horjeestay dadka Iiraaniyiinta ah oo dhan. Qaar ka mid ah xarumaha loo hanjabay waa kuwo diimeed, kuwo kalena diin lama xiriiraan, laakiin dadka reer Iiraan ee diimaha kala duwan heysta waxay dhammaantood jecel yihiin dhaqankooda, waxayna cambaareeyeen hadalka kasoo yeeray Trump. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan oo arrintaas ka faa’iideysanayay ayaa isbarbar dhig ku sameeyay kooxda dowladda Islaamiga ee IS, oo burburisay xarumo dhaqan oo ay lahayd Suuriya. Xarumaha ugu waaweyn ee dhaqanka Iiraan Iiraan waxay hoy u tahay in ka badan 20 xarumood oo ay maamusho hay’adda dhaqanka iyo hiddaha Unesco ee hoos tagta Qaramada Midoobay. Persepolis, waa caasimadda dadkii beershiyaanka ahaa ee hore iyo boqortooyadii Achaemenid. Xaruntan waxay taariikh ahaan soo jirtay xilli ka horreeyay qarnigii 6-aad. Naqsh-e Jahan Square, oo ku taalla magaalada Isfahan, waxaa la dhisay horaantii qarnigii 17-aad, waana mid ka mid ah fagaareyaasha ugu waaweyn ee ku yaalla magaalooyinka caalamka. Qasriga Golestan, oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tehran, waxay xarun u ahayd boqortooyadii Qajar dynasty oo Iiraan xukumeysay intii u dhaxeysay 1785 ilaa 1925 Waxaa kale oo jira goobo kale – oo aan liiska ugu jirin hay’adda Unesco – laakiin muhiimad weyn oo dhinaca dhaqanka u ah dalka Iiraan. Qaran News
-
Trump oo bixiyay jawaabtii la wada sugayay ee aargoosiga Iiraan Mr Trump ayaa sheegay in cunaqabateyno dheeraad ah la saari doono Iiraan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa jeediyay khudbadda qaranka ee laga sugayay, isagoo ku sugan Aqalka Cad. Hadalkan oo uu jeedinayay xilli ay ku hareereysnaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulkiisa ayuu ku sheegay in aysan jirin dad Mareykan ah oo wax ku noqday weerararkii talaadadii lagu qaaday labo saldhig oo ku yaalla Ciraaq, burbur aan weyneynna uu soo gaaray xarumahaas. Wuxuu Trump seegay in Iiraan ay u muuqato inay dib u dageyso oo ay nafistay. Isagoo la hadlayay warbaahinta, si toos ahna looga daawanayay telefishinnada ayuu sheegay in Iiraan ay hadda dib u dagtay maadaama ay beegsatay saldhigyada ciidamada Mareykanka. Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay cunaqabateyno hor leh dul dhigi doono Iiraan, si looga jawaabo tallaabada aargoosiga ah ee ay qaadday xukuumadda Tehran. Wuxuu dhinaca kale ka dalbaday dalalka Midowga Yurub, Ruushka, iyo Shiinaha inay ka baxaan heshiiskii nuclear-ka ee Iiraan, kaasoo uu dhawaan Mareykanku laalay. Hase ahaatee madaxweyne Trump qayaan jawaab rasmi ah ka bixinin su’aashii la iswada weydiinayay ee ahayd, “tallaabada xigta ee uu Mareykanku qaadi doono” ka dib gantaallada Iiraan ay la beegsatay saldhigyadooda dalka Ciraaq. Waxaan leenahay dano isku mid ah Donald Trump ayaa jawaab ka bixiyay weerarkii Iiraan Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Iiraan iyo Mareykanka loo baahnaa inay ka wada shaqeeyaan la dagaallanka cadowgooda midka ah. “Kooxda dowladda Islaaniga ah waxay cadow u tahay Mareykanka iyo Iiraan labadaba, waxaana waajib nagu ahayd inaan si wadajir ah uga hortagno. Intii aan xilka hayay waxaa howlgallada Mareykanka lagu dilay tobannaan kun oo ka tirsanaa dagaallameyaasha IS”, ayuu yiri Trump. Siduu u dhacay weerarkii gantaallada Iiraan? In ka badan 10 gantaal oo laga soo riday gudaha Iiraan ayaa lagu garaacay labo saldhig oo ay ciidamada Cirka ee Mareykanku ku leeyihiin magaalooyinka Irbil iyo Al Asad, oo dhinaca galbeed ka xiga caasimadda Baqdaad ee dalka Ciraaq. Weerarradaas ayaa dhacay habeenimadii ay talaadada sii baxeysay, Arbacaduna soo galeysay, abaare 22:30 GMT. Dhowr gantaal oo kale ayaa ku dhacay meelo masaafe u jira goobihii uu bartilmaameedku ahaa. Dhowr gantaal ayaa ku dhacay meelo ka durugsan saldhigyada la beegsanayay Weerarradan ay Iiraan fulisay ayaa yimid saacado yar ka dib markii la aasay Qasem Soleimani, oo ahaa taliyihii ciidamada Iiraan ee bariga dhexe. Kani wuxuu ahaa weerarkii ugu horreeyay ee ay Iiraan si toos ah ugu qaadday Mareykanka, tan iyo qabsashadii safaaradda Mareykanka ee Tehran, sanadkii 1979-kii. Saacado yar ka dib markii gantaalladaas la riday, diyaarad laga leeyahay waddanka Ukraine ayaa ku dhacday meel u dhow Tehran, wax yar ka dib markii ay duushay. Hase ahaatee ma jirto caddeyn loo hayo in labada dhacdo ay xiriir leeyihiin. Shirkado badan oo diyaaradeed ayaa baajiyay duullimaadyo ay ku dul mari lahaayeen saldhigyada cirka ee Iiraan iyo Ciraaq, xilli ay hadda xiisaddu sare u sii kacday. Qaran News
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani oo xalay hadal ka jeediyey munaasabad lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ka hadlay arimo dhowr ah, isagoo eedeymo badan u soo jeediyey dowladda federaalka. Ugu horeyn Dani ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyey inay ku fashilmeen amnigii guud ee dalka, si gaar ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo uu sheegay in amni darada ka jirta ay fashil ku tahay madaxda hoggaamisa dowladda dhexe. Madaxweyne Dani ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda amni gaar ahaan dadka reer Muqdisho, isagoo reer Puntland-na ugu baaqay inay kaalin ka qaataan nabad ku soo dabaalidda Muqdisho. Dhinaca kale Madaxweyne Dani ayaa soo hadal qaaday sharciga Batroolka dalka oo shalay uu ansixiyey golaha Aqalka Sare, waxuuna labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ku dhaliilay inay ku deg-degeen ansixinta sharcigaas. Dani ayaa sheegay in Puntland ay ka digeyso ansixinta sharciyada dalka ee aan lagala tashan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka. “Puntland kuma qanacsana dib u habeynta ku socota dastuurka dalka ee aan laga tala geli n dowlad goboleedyada dalka ka jira, dowladda federaalka waxay iska indha tireysaa ka qeyb galinta arimaha dastuurka ee dowlad goboleedyada dalka, waxay jebisay dhamaan heshiisyadii horay loo wada gaaray”ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Dani. Madaxweyne Dani ayaa khudbadiisa ku sheegay in maamulka uu hoggaamiyo ee Puntland uu diyaar u yahay inuu ka qeyb galo meel kasta oo wadahadal dhab ah uu ku dhex marayo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka. “Puntland waxay soo dhaweyneysaa inay diyaar u tahay meel walba inay kaga qeyb gasho wadahadal dhex mara dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waa hadii ay dhab ka tagay dowladda federaalka”ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani. Ugu dambeyntii Dani ayaa shacabka iyo maamulka reer Somaliland ugu baaqay inaysan dayicin midnimada umadda Soomaaliyeed.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee ururka Al-Shabaab ayaa xalay war ka soo saaray weerarkii ay Axadii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ee ku yaalla deegaanka Manda Bay ee gobolka Lamu. Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegay in ayaa weerarkii Maanda Bay ay ku dileen kuna dhaawaceen 17 askari oo Mareykan ah iyo sagaal askeri oo ka mid ah ciidamada khaaska ah ee dowladda Kenya, sida uu hadalka u dhigay. “Saldhigga lagu magacaabo ‘Kaam Simba’ ayaa ah xero militari oo ay leedahay dowladda Mareykanka, waxaana ka howlgala boqolaal ciidamo Amerikaan ah. Waa taliska laga hago howlgallada uu Mareykanku ka wado waqooyiga Kenya, waa goobta ay reer galbeedku kasoo abaabulaan howlgallada basaasnimo ee ka dhanka ah Muslimiinta bariga Afrika.” Ayuu yiri Cali Dheere oo u hadlay Al-Shabaab. Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkii ay ku qaadeen ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Manda Bay uu qeyb ka ahaa olole dagaaleedka loogu magacdaray ‘Qudus Lama Yahuudeynayo’ kaas oo uu sheegay in lagu beegsanayo Mareykanka. “Maadamaba buu yiri uu Mareykanku weli maamulka Yahuudda ku garab siinayo una sharciyeeyey magaalada Qudus, si ay u deygaamaysato Yahuudu”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale sheegay inuu digniin u jeedinayo shacabka Mareykanka, “Farriinteena ku wajahan shacabka Mareykanka waxay tahay, ku seexda kuna soo toosa in inta dowladdiinu ay sii waddo inay maamulka Yahuudda ku taageerto dulmigooda ka dhanka ah ehelkeena reer Filistiin ee Muslimka ah, ciidankiinuna duulaan ku joogaan waddamada Muslimiinta, aadan marnaba amni iyo ammaan ku heli doonin gudaha dalkiina, ama dibadiisaba intaba”.
-
Mombasa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Kenya ayaa xabsiga dhigay nin galay Kaniisad ku taala magaalada Mombasa kadina sheegay inuu ka tirsanaa mitidiinta Al-Shabaab. Eedeysanaha ayaa Kaniisadda tagay Jimcihii si uu u qirto inuu ku lug lahaa kooxda Al-Shabaab, waxayna maxkamad ku taala Kenya isla shalay amartay in xabsiga lagu sii hayo muddo 10 maalin inta laga baarayo. Kadib markii Eedeysanaha uu shaaciyay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, Baadariga Kaniisadd ayaa wacay Booliiska oo xiray eedeysanaha. Xeer Ilaaliye Eric Masila, ayaa sheegay in eedeysanaha uu Kaniisadda u aaday si loogu duceeyo, isagoo intaas ku daray in eedeysanaha oo sheegay inuu dhawaan kasoo laabtay Soomaaliya uu haayo macluumaad muhiim ah oo hay’adaha ammaanka ka caawin doona kahortagga weerarada Al-Shabaab. Waxa uu sheegay inay rabaan in eedeysanaha xabsiga lagu haayo 10 maalmood si loo baaro. Garsooraha maxkamadda Ednah Nyaloti, ayaa Xeer Ilaalinta ku raacday isla markaana Booliiska u ogolaatay in eedeysanaha xabsiga ay ku hayaan 10 maalmood. “Eedeysana waa in xabsiga uu kusii jiraa 10 maalmood oo lasugayo baaritaanada,” ayay tiri Ms Nyaloti. Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in eedeysanaha uu la shaqeynayay laamaha ammaanka. Nyaloti waxay sheegtay in tuhmanaha uu diyaar u yahay inuu bixiyo macluumaad gacan ka geysan doona soo qabashada xubno badan oo Al-shabaab ka soo laabtay, iyadoo hadalkeeda raacisay inay muhiim tahay in eedeysanaha aanan la aqoonsan. “Waa muhiim inaan ilaalino aqoonsiga eedeysanaha. Wuxuu la shaqeynayaa saraakiisha ammaanka, wuxuuna diyaar u yahay inuu nasiiyo macluumaad muhiim ah oo ku saabsan howlgallada Al-Shabaab,” ayuu yiri Masila. Wuxuu ka dhawaajiyay in Booliisku ay baarayaan xogta taleefanka eedeysanaha si loo helo xiriiro uu la sameeyay eedeysanayaal kale “Waan baari doonaa xogta Sim Kaarada oo aan rumeysanahay ineey ku jiraan macluumaad horseedi kara in lasoo xiro eedeysanayaal badan,” ayuu yiri Xeer Ilaaliye Masila. Eedeysanaha, oo si deggan u fadhiistay maxkamadda, ayaa sheegay inuusan wax diidmo ah u hayn xarigiisa. Dacwadda kiiska eedeysanaha ayaa la dhageysan doonaa 23-ka bishaan January.
-
Farmaajo has become a spectator to Mogadishu’s bloodletting and will be remembered as the worst thing that happened to the city since the civil war. My heart goes out to those who lost their lives or were injured in the Ex-Kontrool atrocity, and the hundreds more whose entire futures had been cruelly destroyed. In 2019, there were at least 930 victims who were blown up, assassinated or seriously injured in explosions in Mogadishu alone. This is an average of 78 people every month who have come to harm within the city’s 5-square mile radius – almost three people every 24 hours. The first car bomb of 2019 happened on the 14th of January. As I write today, the first explosions of this year are already being reported – another car bomb in the city. Many lives will be lost again. Whilst these statistics are likely to be gross understatements, the true scale of the daily deaths and injuries in Mogadishu is impossible to count accurately. However, these numbers are nonetheless deeply horrifying and show one thing: behind the “progress” façade of debt relief and economic reform lies a brutal reality: how a legacy of indifference and incompetent leadership has turned Mogadishu into a city of death and residents’ lives worthless. The government is at a point where accepting the inevitability of these terrorist horrors has become so routine, doing nothing is instinctive and rehearsed. The sequence is also appallingly familiar too: an attack happens; many people lose their lives or are injured; a highfalutin wail combined with Twitter selfies with the injured follows; and all is forgotten until the next horror strikes. Terrorism is a difficult menace to tackle at the best of times. It requires serious leadership, an understanding of the threats and the development of key enabling pillars to mitigate it. Significant gaps in the capabilities of the law enforcement agencies mean Mogadishu was always uniquely exposed and terrorist attacks within the city were not entirely new. However, the inevitability of these terror attacks, their ferocity and frequency mean something has changed: we are not seeing exceptional cases of one-off events. We are now in a world where what happened at Zoobe and Ex-Kontrool have sadly become the norm. It is utterly shocking. Wrong place in history On the 20th of May 2017, president Farmaajo mentioned in his first press conference that he removed his picture from his office and decided to hang the picture frame of president Aden Adde on his office wall instead. He explained that the picture will remind him every day of the honour of serving one’s people, good democracy and true value of courageous leadership. He wanted to be remembered as one of the great Somali leaders. Like so much about Farmaajo, it is difficult to know whether he was indulging in misplaced nostalgia after the “Farmaajo II Geeya” euphoria a few weeks earlier or if he really meant it. However, this episode tells us a lot about the man’s mindset and his obsession with recognition and place in history. Unlike Sharif Sheikh, whose leadership was stress tested in war, Farmaajo craves acceptance and validation to prove himself. Farmaajo is of course no Aden Adde and will never be – that much is clear. We also know now that leadership in a crisis was never one of Farmaajo’s strong virtues as the people of Mogadishu realised it to their cost. Unconscious incompetence is one thing – something can be done about it; indifference to daily savagery at your doorstep when you are the president, whose overriding priority is to protect people’s lives, is all together different. We are not seeing isolated failings of leadership here, rather a president whose basic conviction in humanity for his people is lacking. If the unspeakable atrocities that are happening in Mogadishu, and the thousands who have been killed or maimed in the past three years under his watch have not strained the president’s conscience, then we are seeing something that is truly troubling. Indeed, a new low for the country. Too pusillanimous to do anything Our optimism three years ago of a new dawn has now turned into the grim realisation that Farmaajo will go down in history as the worst thing that ever happened to Mogadishu since the civil war. The dreadful thing is not so much a president too pusillanimous to help his people as how his tone from the top normalised serial indifference to the atrocities in Mogadishu – an inaction that has inspired so many across the entire machinery of his government. That is why, as hundreds are murdered in the city, no one is ever held accountable, nor are any lessons learned. This is the enduring nightmare that he leaves behind for the people of Mogadishu. At the country starts the final year of his presidency, there is a sense of understandable dread all round. We now have emboldened and resurgent terrorists, murdering the country’s best and brightest in unspeakable horrors; a city in permanent lock down under emergency rule, crippling residents’ lives; a president reportedly unable to venture out of his compound and paralysed with fear; a new genre of self-serving charlatans in government who are content at being spectators to atrocities and have no stake in what is happening in the city. Worse, the option to walk away from it all means it will be the people of Mogadishu that are left with the consequences. Add this to the new group of self-interested “Maqaam Doon” whose sole purpose is the chance to turn the city into another “Maamul Qoboleeyd”, thus completing the country descent into managed mayhem and self-destruction. The lives of the people of Mogadishu must mean something There is no cost in expressing ambition, only in trying to realise it. One can not defeat terror by appearing to take action through a microphone within the confines of Villa Somalia. So many Potemkin initiatives on security were created, giving the appearance of good progress without the reality. It is when these Potemkin structures are cruelly exploited and exposed that the real moments of tragedy hits the people of Mogadishu. That is why atrocities like Zoobe and Ex-Kontrool happen; the reason there is no effective strategy for fighting terrorism in the country; and why Mogadishu has become a giant prison of its residents. Our naive optimism of three years ago has led to this fearful realism which pervades today. As we look to the future, we must learn the lessons of these horrors. The real danger is to let the current state of affairs become so accepted and normalised, alternatives to it no longer come to mind – in essence, ending up with the horror of another continuity Farmaajo. We should not let that happen. The people of Mogadishu have paid an enormous price with their lives and will continue to do so. We, as a country, can and must do better than this. We ended up with Farmaajo because he had deeper pockets than his rivals and for want of anyone better, rather than because he was a potential Aden Adde. This is a warning from history and a key lesson for tomorrow. Farmaajo will not miraculously discover his conscience or backbone in his final year in office. For someone who craves recognition, his own place in history is already assured for the wrong reasons: Qalbi Dhagax, Zoobe, Ex-Kontrool, and of course the bloodletting in Mogadishu. It is an appalling legacy. The people of Mogadishu may be leaderless, but their lives matter. Aloow Wadani Wax Tara, Dadkiisa Iyo Dalkiisana Jeceyl Noo Keen. By: Abdi Ali abdirahman.ali3@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbaahintu su’aal ka weydiisay sababta uu u saxiixi waayay, fulinta xukunkii dilka ahaa lagu riday, saddexdii nin ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aaden. Madaxweynaha oo su’aashaasi ka jawaabaya, ayaa sheegay in saddexda maxkamadood ee Derejada kowaad, Rafcaanka iyo Maxkamadda Sare ee qaaday Kiiskii Caa’isha, ay dhammaantood isku raaceen hal xukun, taasi oo sida uu tilmaamay muujinaysa in xukunkoodu si caddaalad ah u dhacay. Deni ayaa sidoo kale sheegay, in fulinta xukunnada ay ridaan Maxkamadaha Puntland, aysan wax door ah uga furneyn madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, balse ay go’aanka kama dambaysta ah ka gaarto Maxkamadda sare ee Puntland. Wuxuu sheegay, in xukuumaddu aysan marnaba fara-geli Karin arrimaha Garsoorka, sidaasi darteedna aysan meelna ka soo gelin xukunnada ay ridaan Maxkamadaha, kuwaasi oo sida uu xusay ku dhammaada go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda sare ka gaarto. Hoos ka daawo jawaabtiisa PUNTLAND POST The post Deni oo la weydiiyay sababta uu u saxiixi waayay dilka raggii lagu helay Kiiskii Caa’isha? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed, ayaa ka horyimid hannaanka loo wado dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, kadib markii uu sheegay in dowlad goboleedyada dalka aan lagala tashan, dib u-eegista lagu samaynayo qodobada masiiriga ah ee Dastuurka. “ Waxaa muuqata in Dastuurku noqday mashruuc aan dhammaanayn, Puntland waxay caddaynaysaa haddaba, in aysan ku qanacsanayn Nidaamka dib u-eegista Dastuurka, oo ay ahayd in uu ku salaysnaado wada-tashi iyo wada-xaajood siyaasadeed oo loo dhanyahay.” Ayuu yiri Deni. Madaxweynaha ayaa sheegay, in dowladda Federaalka Soomaaliya, aysan wax wada-tashiya ka siin dowlad goboleedyad hannaanka dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka oo u baahan in siyaasad ahaan looga heshiiyo, maadaama uu ku jiro arrimaha masiiriga ah. Mudane Deni, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay noqotay wax qofkii yimaada meesha uu rabo iskala aado, halkii la raaci lahaa nidaamka dalka u degsan. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in qawaaniinta, nidaamka dalka iyo wax lagu heshiiyay la ixtiraamo, si isku’haynta dadka Soomaaliyeed loo ilaaliyo, islamarkaana aysan u dhantaalmin wadajirka iyo midnimada dalka. Hoos ka daawo hadalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Deni oo ka horyimid hannaanka loo wado dib u-eegista Dastuurka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Shirkii Garoowe ee fashilmay Dowladda Puntland ayaa soo jeedisay, in ay wada-hadal isu’gu yimaadan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si loo xalliyo muranka iyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay ka hadlayay sannad-guuradii kowaad ee ka soo wareegtay doorashadiisi 8- January 2019, ayaa ku baaqay in xukuumadda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalku ay shir isu’gu yimaadan, si loo dhammeeyo khilaafaadka jira. Deni ayaa sheegay, in Puntland ay diyaar u tahay, in ay marti-geliso shir weyne Wada-tashi ah oo madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, ay kaga wada-hadlaan, kagana tashadaan arrimaha muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu xusay in arrimaha u baahan in laga wada-hadlo ay kamid yihiin; doorashada madaxtinimada dowladda Federaalka ee 2020/2021-da, dhammaystirka Dastuurka KMG ah, qeybsiga Khayraadka iyo deeqaha Caalamiga ah. Madaxweyne Deni, ayaa caddeeyay in xataa haddii meel kale lagu qabanayo, ay Puntland mar walba diyaar u tahay ka qeyb-galka shirkaasi, si ay kaalinteed u qaadato. PUNTLAND POST The post Puntland oo gobol wada-hadal u fidisay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in Puntland ay gebi ahaanba qaaddacday Sharciga Batroolka Soomaaliya, oo ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay, in Puntland aan lagala tashan diyaarinta Sharciga Batroolka Soomaaliya, balse ay taladiisa isku koobtay dowladda Federaalka, sidaasi darteedna aysan marnaba Puntland wax ku darsan doonin Sharci kasta oo aan talo laga siin. Wuxuu caddeeyay, in Puntland ay dhowaan soo saari doonto warqad rasmiya oo ay ku qaaddacayso Sharciga Batroolka Soomaaliya, oo sida uu sheegay ay soo diyaarisay dowladda Federaalka, iyadoo aysan wax talo ah ka siin dowlad goboleedyada dalka. Deni ayaa tilmaamay, in Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu dhigayo, in dhammaan arrimaah masiiriga ah ee dalka ay ka wada-tashadaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, taasi oo uu ku eedeeyay in dowladda hadda jirtay ay baalmartay. Ugu dambeyntii, wuxuu u mahadceliyay mudanayaasha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka ku matala Puntland oo sida uu sheegay qaadday ansixinta Sharcigaasi Batroolka. PUNTLAND POST The post Puntland oo qaaddacday Sharciga Batroolka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayay Yoolasha u qorshaysan Xukuumaddiisa, ayaa mar kale ballan-qaaday, in ay ka go’antahay hirgelinta doorashada hannaanka Xisbiyada badan ee qof iyo cod. “ Waxaan jecelnahay in aan dhiirri-gelinno Dimuqoraaddiyadda iyo tartanka, Waxaan aad iyo aad xoogga u saaraynnaa oo dhab naga ah, in mashruucaas Dimoquraaddiyadu uu hirgalo, haddii Ilaahay idinka dhigo.” Ayuu yiri mudane Deni. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu furan doono urur-siyaasadeed cusub, kaasi oo sida uu xusay ay hadda socoto diyaarinta qorshihiisa iyo magaciisa, si loo dhiirri-geliyo barnaamijka Dimuqoraaddiyeynta Puntland iyo hirgelinta doorashada xisbiyada badan. Mudane Deni, ayaa shaaciyay in uu bisha labaad ee sannadkan 2020-ka uu si rasmiya ugu dhawaaqi doono urur-siyaasadeedkiisa cusub, kadib markii uu dhammaystiro hawlaha ka dhiman dhismaha ururkaasi. PUNTLAND POST The post Deni oo shaaciyay in uu bisha soo socota soo bandhigayo urur-siyaasadeed cusub appeared first on Puntland Post.
-
To paraphrase the aptly titled book “Somalia: Nation in Search of a State” by David D. Laitin, Professor of Political Science at Stanford University and the late Said Sheikh Samatar (RIP) who was a Professor of African History at Rutgers University until 2015 Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar-___-Qumanha-Waraka-08012020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay ururka Al-Shabaab ayaa digniin culus loogu diray dowladda Kenya, waxayna u soo jeediyeen inay ku cibra qaadato weerarkii ay Axadii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee deegaanka Manda Bay. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu yiri: “Howlgalkii lagu qaaday saldhiga ciidamada badda Mareykanku ku leeyihiin Manda Bay, Kenya wuxuu ahaa gallad Allaah uu ku galadeystay mujaahidiinta. Si loo weeraro camp Samba waxaan dhaafnay xerooyin badan oo weliba taagdaran oo ay leeyihiin ciidmadiina militeriga Kenya, sababta aan u dhaafnay xeryahaas waxay aheyd in la ogaado taagdarida ciidamada Mareykanka ee idin tababara.” Sidoo kale Al-Shabaab ayaa bayaankooda ku sheegay in ciidamada ay Mareykanku u tababaraan dowladda Kenya ay dhibaato ku hayaan dadka muslimka ah ee ku nool meelo ay ka mid yihiin magaalo xeebeedka Mombasa iyo gobolka Waqooyi Bari, sida ay hadalka u dhigeen. “Cutubyada ciidamada gaarka ah ee uu idiin tababaro Mareykanka ayaa dhibaato weyn ku haya muslimiinta ku nool Mombasa, gobolada waqooyi bari iyo dhul xeebeedka ay muslimiintu degaan. Waxey qeyb ka yihiin dilalka qorsheysan, afduubka, tacadiyada iyo dhamaan gabood fallada loo geysto culimada iyo dadka wax galka u ah muslimiinta aad xooga ku heystaan” ayaa lagu yiri qoraalka. Al-Shabaab ayaa sidoo kale dowladda Kenya iyo shacabkeedaba ugu goodiyey inaysan nabad ku naaloo doonin inta ay Kenya heysato dhulka NFD. “Shacabka Kenya marna nabad kuma noolaan doono, kumana hurdi doono inta aad xooga ku heysataan dhulalka mauslimiinta. Kenya ma ahaan doonto meel loosoo dalxiis tago inta ay dhibaatada ku heyso muslimiinta ku nool mandiqadan” ayaa lagu yiri warka Al-Shabaab. Dhankooda dadka muslimka ah ee ku nool dalka Kenya ayey Al-Shabaab ugu baaqeen inay ka fogaadaan xarumaha iyo gaadiidka dowladda Kenya oo ay sheegeen inay bartilmaadsanayaan. Qeybihii dambe ee qoraalkooda Al-Shabaab waxay uga hadleen qoraalkii ka soo baxay taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, kaas oo ay ugu hadleen khasaarihii ka soo gaaray weerarkii Manda Bay, iyagoo ku sheegay qoraalkaas mid xaqiiqada ka fog. “Macluumaadka aad faafiseen iyo khasaaraha aad qirateen kama turjumeyso jabkii idinku gaaray Manda Bay, waxaa dacfi idinkugu filan dacaayadaadka been abuurka ah iyo macluumaadka khaldan ee aad ka bixiseen khasaaraha idinku gaaray weerarkii Axadii, idinkoo ku marin habaabinaya shacabkiina”ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka ka soo baxay maleeshiyada Al-Shabaab.
-
(SLT-Ciraaq-Wakaaladda Federaalka Duulimaadka madaniga ah ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday maanta in la mamnuucay isticmaalka hawada waddamada Ciraq , Iran, biyaha gacanka Khaliijka iyo badda Cammaan. Halka Shirkado kale oo sameeya duulimaadka Madaniga ah ay ku dhawaaqeen iyana in ay baddaleen jahada duulimaadkooda iyada oo laga fogaanayo hawada waddamada aan soo xusnay Dhanka kale qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa muwaadiniin tooda kala baxaya Dalka ciraaq , halka kuwo kalana ay u dirayaan digniinno culus oo looga digayo khatar amni oo soo wajihi karta. Dhammaan arrimahaasi oo dhan waxa ay ka dhasheen Saawiiriikhdii lagu ganay saldhigyo ciidanka Mareykanka ay kaga sugan yihiin Dalka Ciraq Wakaaldda Duulimaadka Rayidka Mareykanka ayaa sheegtay in iyada oo laga fogaanayo xasaradaha milatari iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira Bariga dhexe ay qaateen go’aanadan lagu bad baadinayo dadka rayidka ah Inta go’aan kaan uusan soo bixin ayay Wakaaladda Duulimaadka Rayidka Mareykanka ammar ku bixisay in shirkadaha duulimaadka rayidka ah ku shaqada leh ay ku war galiyaan in dayuuradahooda aysan ku duuli Karin joog ka yar 26,000 oo mitir marka ay dul marayaan hawada Dalal ay ka mid yihiin Iran iyo Ciraq . Sidaasi si lamid ah waxaa iyana go’aan kaas la mid ah ku dhawaaqay Dowladda Faransiiska oo sheegtay in ay mamnuucday in shirkadaheeda rayidka ay ku duulaan hawada Waddamada Iran iyo Ciraq. Source
-
Aragtiyaha Qaar Ayay Taariikhyahanadu Ku Sheegaan Inay Soo Bilaabeen Aragtida Ku Duulista Hawada Sare, Khubaradii Reer Giriig Ee “Icarus” “Daedlus” Iyo Caalimkii Weynaa Ee “Archytas” 400-BC. “Archytas” Ayaa Ahaa Xisaabyahan Faylasuuf Iyo Injineer, Waxaanu Sameeyey Aaladii Ugu Horeysay Ee Duusha Hawada Sare Iyadoo Aan Wade Lahayn, Aaladaas Oo 200-Mitir Hawada Sare U Duushay, Waxaanay Ku Shaqaynaysay Mishiin Yar Oo Lagu Magacaabi Jirey “Pigeon” Oo Uu Sameeyey Caalimku. “Daeddlus” Oo Ahaa Caalim Giriiga Ayaa Ku Noolaa “Vimana” Oo Ah India, Waxa Uu Dhalay “Icurus” Oo ahaa Isna Saanic Reer Giriiga, Waxa Uu Sameeyey “Daedlus” Riishash Iyo Baalal Ka samaysan Waxyaalo Uu Isku Dhalaaliyey Oo Uu Isu Geeyey, Waxa Qalabkii Uu Sameeyey Xidhay Sanadkii 1637-dii Wiilkiisii “Icurus” Isagoo Aabihii Uga Digay Inuu Ku Duulo Waayo Maaha Wax Laysku Halayn Karayay Qalabkaasi Uu Sameeyey Oo Lagu Duuli Karyey Se Waa Ka Dhega Adaygay Wiilkiisu Arinkii Waxaanu Fuulay Buur-dheer Kaasoo Kasoo Booday Markii Uu Dhexda Marayey Ayaa Agabkii Mac-malka ahaa Qoraxdu Dhalaalisay Dabadeedna Ka Kala Tuurtay Waxaanu Kasoo Dhacay Buurtii Webi Weyn Oo Ku Yaalay Buurta Hoosteeda Ayuu Ku Haftay Halkaas Ayuu Ku Geeriyooday. ● FG: Waa Aragtida Reer Galbeedku Qayb Kamid Ahi Ku Doodaan Inay Bilaabeen Culimadani Aragtida Ku Duulista Hawada Sare’ Iyagoo Ka Biyo Diidan in Muslimku Aragtidan Abuurkeeda Lahaa. * Aragtida In Hawada Sare Lagu Duuli Karo Waxaa Hal-Abuuray Caalimkii Weynaa Ee Islaamka ahaa Ee “Cabaas Ibnu Firnaaz”, Sanadii 852-dii Ayuu Koray Minaaradii Masjidka “Qurdubi” Ee Dalka Isbayn Isagoo Sameeyey Baalal Uu Ku Duulo- Se Kuma Guulaysan Dhulka Ayaa Uu Kusoo Dhacay Dhaawac Fududina Wuu Kasoo Gaadhay. Ugu Dambayn Hamigiisii Kama Raja Dhigin,Inuu Maalin Uun Duulo, Waxaa Isagoo 70-Jira, Uu Samayeeyey Qalab Kale Oo Uu Ku Duuli Karo, Wuxuu Fuulay Buur-dheer, Wuxuu Hawada Ku Duulay Mudo 10-Minute ah’ Kadib Dhulka Ayuu Ku Dhacay, Dhabarkana Dhaawac Weyn Ayaa Kasoo Gaadhay, Waa Aasaasihii Ugu Horeeyey Taariikhda Aadanaha Ee Bilaabay In Hawada Lagu Duulo. ● FG: Aragtidani Waa Aragtida Badi Sida Saxda Ah’ Looga Midaysanyahay Lagana Ictiqaadsanyahay Dunida. Kadib Aragtidii Cabaas Waxaa Sii Amba Qaaday Qarnigii 11aad, khabiirkii Reer Ingiriis “Eilmer” Kaas Oo Sameeyey Isku Day Inuu Duulo Isagoo Samaystay Baalal, Waxaanu Ku Xidhay Baalashaas Cududihiisa Iyo Lugihiisa, Waxaanu Koray Minaarada “Malmesbury Abbey” , Hawada Ayuu Ku Duulay Muddo 15-Il-bidhiqsi ah’ Ugu Dambayn Dhulka Ayaa Uu Kusoo Dhacay Waxaanu Ka Jabay Labada Lugood, Ugu Dambayn Wuxuu Noqday Curyaan. Sanadkii 1502-dii Ayaa Waxaa Aragtiyhii Culimadaasi Daah-Fureen Sii Amba Qaaday Caalimkii Weynaa Ee Reer Talyaani Ee Naqshadeeye Sawir Gacmeedka Dunida Ugu Caansan Ee “Mona Lisa” “Leonardo Da Vinci” Waxaanu Soo Qaqabtay Shimbiro Badan Si’Uu U Tixraaco Naqshada Abuuritaan Ee Shimbiraha Nidaamkooda Duulitaan, Waxa Uu Ku Guulaystay Inuu Sameeyo Diyaarad U Samaysan Qaab Muuqaaleedka Shimbiraha, Waxaanu Isugu Xadhko Iyo Waxyaabo kale Oo Uu Farsameeyey, Waxaanu Uu Waday Muddo Hase Yeeshee Uma Suuro Gelin Arinkaasi Walow Uu Sameeyey Qoloftii Ugu Horeysay Ee Diyaaradeed Ee Dunida La Nashaqadeeyo Maadama Oo Uu Ahaa Naqshadeeyey “Farshaxamayste” Cajiiba. Hadana Sanadkii 1799-kii Ayaa Waxaa Hawshii Culimadaas Ee Qori-Isu Dhiibka Ahayd Sii Amba Qaaday Caalimkii Weynaa Ee Reer Ingiriis “Georgy Cayley” Waxa Uu Ku Guulaystay Inuu Sameeyo Mishiin Awood U Leh Inuu Qolofkii Diyaarada Kor U Kiciyo, Walow Uu U Leexday Dhankaa Iyo Baabuur Samaynta Markii Dambe 1853-dii Ayuu Sameeyey Gaadhigii U Horeeyey Ee Dad Badan Oo Rakaaba Qaadi Kara. Waxaa Isasoo Taray Samayntii Iyo Casriyayntii Wax Ka Bedelkii Diyaaradaha Ee Culimadii Dunida Ugu Waaweynaa Taariikhda Aadanaha Ee Dhanka Culuumta, Sanadkii 1856-dii Ayaa “Jean marie le bris” Waxa Uu Sameeyey Duulimaad Gaaban Ahna Isku Daygii Ugu Horeeyey Ee Dunida Duuli Kara Iyadoo Naqshadii Uu Wax Ka Badelay Oo Uu Woxoogaa Hawada Ku Duuliyey Se Weli Ma Noqon Ma Noqon Mid la Xakamayn Karo. Kadib “Alexnader Mozhaisky” Ayaa Isna Sameeyey Naqshado Cusub, Sannadkii 1883, “John J. Montgomery” Oo Mareykana Ayaa Isna Sameeyey duulimaad Kale , Oo Ka Gedisan Nashqadihii Hore, Sidoo Kale Waxaa Duulimaadyada Wax-Ka Bedelkooda Ka Qayb Qaatay Oo Sameeyey Naqshado Cusub Oo Kala Duwan, Khubarada “Otto Lilienthal” , “Percy Pilcher”, iyo “Octave Chanute” “Sir Hiram Maxim” wuxuu Sameeyey Qolof Weyn Oo culeyskeedu yahay “3.5 tan” Dhererkeeduna yahay (34 m), Oo Ku Shaqayna Mishiin (270KW) ah’ Way U suuro Geli Weyday Arinkaasi Inay Si Saxa U Duusho Faraha Ayaanu Ka Qaaday “Maxim” Samaynta Duulimaadkaas, Se Sanadkii 1894-tii Ayaa Dib Mishiinkiisii Looga Shaqaysiiyey, Se Hadana Riyadaasi Ma Suuro Gelin Sanadkii1890-dii Ayaa Injineerkii Reer Ingiriis Ee “Lowrence Hargrave” Sameeyey Fadhiisin “Kursiga Lagu Fadhiisto” Oo Qaadkiisu Yahay Qaad Nin Awoodna U Leh Inay Xejiso Culayska Ninkaas Se Aan La Duuli Karin Oo Bilaa Baalal Ah, Waana Naqshada Laga Tixraacay Samaynta Kuraasta Diyaaradaha, Ninba Taagtii Ayuu Tabcayey Oo Samaynayey. Intii U Dhaxaysya Sanadihii ,1867— 1896 Ayaa Isna Dhankiisa Waxaa Hawsha Ka Waday Injineerkii Reer Jarmal Ee Ahaa Ragii Duulimaadyada aadanaha Ugu Horeeyey Loona Yaqaanay “Flying Man” Ugu Dambayn Wuxuu sameeyay Sanadkii 1896-dii duulimaad aad U Cajiiba, Waana Shakhsigii Ugu Horeeyey Ee Si Saxa Hawada Ugu Duula Mudo. Clement Ader’s Eole,Oo Ahaa Injineer Faransiisa Ayaa Isna Dhankiisa Dedaalka Sii Amba Qaaday, Waxaanu Sameeyey Duulimaad Sidii Hore Ka Casrisan, Oo U Sameeyey Baalal 14-M Dhererkoodu Gaadhayo, Taasoo Ka Casrisan Kuwii Hore Culimadu Usoo Sameeyeen. “Samaynta Diyaaradii Ugu Horeyasay Ee Si Saxa Hawada Ugu Duusha” Walaalaha “Wright Brothers” Ee ” Orville” Iyo “Wilbur” Waa Labo Walaalo Ah’ Oo U dhashay Dalka Maraykanka, Waana Labadii Shakhsi Ee Ugu Horeeyey Loona Diiwaan Galiyey Taariikhda Aadanaha Inay Sameeyeen Diyaaradii Ugu Horeysay Ee La Xakameeyo Isla Markaana Si Saxa Hawada Ugu Duusha Sanadkii 1903, iyagoo Sameeyey Mishiinkii Ugu Horeeyey Ee Xakameeya Diyaarada 17-Dec 1903-dii 10:30 Subaxnimo Ayay Xeebta North Carolina, Ku Duuliyeen Iyagoo Adeegsanaya Mishiinkii Ugu Horeeyey Ee Xakameeyey Qolofta Diyaarada, Mishiinkaasoo Lagu Magacaabo, “Wright Flayer III” Iyadoo Ay Aqoonsatay “Fédération Aéronautique Internationale” (FAI), Loona Diiwaan Geliyey Inay Ahayeen Ikhtiraacayaashii Duulimaadkii La Xakamayn Karayey. Sidoo Kale “Alberto Santos-Dumont” Ayaa Sanadkii 1906-dii Isna Sii Amba Qaaday, Ilaa 1909-kii Ayaa Dedaalada Khubaradu Sii Wadeen, Waxaana La Sameeyey Mishiin Ka Casrisan Kii Wright Brothers Laguna Magacaabo “Bleriot VIII design” Waana Markii Ugu Horeysay Ee La Sameeyey Diyaarad Balaala Sida Saxda Ah Ugu Duulaysa, Sanadkii 1919 Ayaa Waxaa Dhacay Duulimaadyadii Ugu Horreeyay Ee Ganacsi Isla Markaana Caalami ah, Waxaanay Isaga Kala Goosheen Dalalka Canada Iyo Maraykanka. Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Dagaal Iyadoo Tijaaba ah’ Waxaa La Soo Saaray, Sanadkii 1939-kii Waxaana, Lagu Magacaabi Jirey, “Heinkel He 178” Waxaana Sameeyey Jarmalka. Se Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Dagaal Ee Si Saxa Loo Duuliyo Kana Qayb-Qaadatay Dagaal Waxay Sameeyeen Jarmalku 1943-dii Waxaana Lagu Magacaabi Jirey “Messerschmitt Me 262″ Waxaanay Ka Hawl Gashay Meesha Lagu Magacaabo ” Luftwaffe” Ee Ku Taal Jarmalka. Sanadii 1947-dii Ayaa Lasoo Saaray Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Xaawareheedu Dhaafay Xawaaraha Dhawaqa Taasoo Lagu Magacaabi Jirey “Bell X-1”. Ugu Dambayn Diyaaradii Ugu Horeysay Ee Xamuula Isla Markaana Qaadi Karta Rakaab Waxaa La Soo Saaray 1952-dii Waxaana Lagu Magacaabi Jirey “Havilland Comet” . Hadana 1958- dii Ayaa La Sameeyey Diyaaradii Ugu Cajiibsanayd Ee Rakaabka Dunida Aad U Raacaan Dadkuna Isku Halayn Karaan Una Kala Gooshta Wadamada Dunida, Ganacsi Ahaana Guuleysata Waana “Boeing 707” In Ka Badan 50-Sanadood Ayay Dunida Ka Shaqaynaysay1958-2010-Kii, Sidoo Kale Sanadkii 1970-Kii Ayaa La Sameeyey “Boeing 747” Oo Ah Naqshad Cusub Oo Ahayd Diyaaradii Ugu Weynayd Dunida Ee Rakaab Tiro Badan Qaada, Ugu Dambayn Waxaa La Sameeyey 2005-tii “Airbus A380” Oo Ka Qaad Weyn Kuwii Hore Kana Casrisan. Waxaa Qoray- Fadxi Greenford Qaran News
-
OTTAWA (HOL) - Kenyan-Somali activist, Abdi Omar (Yalahow) who campaigned for compensation of the victims of the Wagalla Massacre in North Eastern Kenya has died. Source: Hiiraan Online
-
Police in Kenya has made public the name of the man who allegedly led yesterday’s A-Shabaab attack on police in Saretho area near the Dadaab Refugee Camp. The attack, which killed at least one police officer and a number of students, was claimed by Al-Shabab. Police now say a man named Maulid Bilal, a former teacher in the area, led the attack. Al-Shabaab had claimed to have killed two police officers, while the Kenyan security said two militants were killed. The attack came days after the militant group killed three Americans and destroyed several planes in a raid on a naval base near Lamu, a Kenyan coastal town. The group appears to have stepped up its attacks inside Kenya in recent days. Al-Shabaab attacks in Kenya intensified after the government in Nairobi sent troops into Somalia in 2011. View the full article
-
Washington (Caasimada Online) – Waxaa daqiiqado ka hor soo dhamaaday shirkii jaraa’id ee aad loo wada sugayey ee madaxweynaha Mareykanka Trump uu kaga hadlayey weerarkii gantaalaha ahaa oo ay Iran xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhigyada Militari ee Mareykanka ee Iraq. Trump ayaa sheegay in Iran ay u muuqato “inay dabceyso” kadib markii weerarkii gantaallo ee ay ku qaadday uusan wax khasaare nafeed ah ka dhalan. Madaxweyne Trump ayaa xusay inay Iran tahay dowlad nasiib badan maadaama uusan qof Mareykan ah wax ku noqonin duqeymihii gantaallada ahaa ee ay Iran adeegsatay inkastoo ay Iran horey u sheegtay inay ku dishay 80 ka mid ah askarta Mareykanka. “Dhammaan ciidamadeena waa bad qabaan, islamarkaana waxyeelo yar ayaa gaartay saldhigyada. Ciidamadeenna weyn wax walba diyaar ayey u yihiin,” ayuu Trump ku yiri khudbad uu shacabka Mareykanka uga jeediyey Aqalka Cad. “Iran waxay u muuqataa inay dabceyso, taasi oo ah wax u wanaagsan dhinacyada ay arrintan khuseyso iyo dunida oo dhan. Cid Mareykan ama Iraqi ah kuma dhiman weerarka,” ayuu yiri madaxweyne Trump. Trump ayaa ku dhowaaqay in Mareykanka ay “cunaqabateyno dheeri ah oo darran” kusoo rogi doonaan Iran, hase yeeshee ma uusan sheegin wax aargudasho oo ka dhan ah weerarkii gantaallada – Taasi oo khubarada ay u arkeen jawaab miisaaman. Madaxweyne Trump ayaa quwadaha adduunka oo ay ku jiraan Russia iyo China ugu baaqay inay ka baxaan heshiiskii Nukliyeerka Iran ee 2015, islamarkaana ay ka shaqeeyaan heshiis cusub. “Dhammaanteen waa inaan ka shaqeynaa sidii aan Iran ula gaari lahayn heshiis dunida ka dhiga mid nabdoon oo ammaan ah.” Ayuu yiri. Ilo-wareedyo Mareykanka iyo Yurub ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Iran ay si ku talo-gal ah uga fogaatay inay khasaare nafeed gaarsiiso militariga Mareykanka, si aysan xaaladda uga sii darin.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-08012020.mp3 View the full article
-
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista ee ICAO ee hore gacanta ugu haysay maamulka Hawada ee Soomaalida balse dhawaan ku wareejisay dawladda Soomaaliya ayaa 13ka bishan magaalada Nayrobi ku qabanaysa shir lagu qiimaynayo mudadii ay dawladda Soomaaliya gacanta ku haysay maamulka hawada. Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in shirkan ka dhacaya Nayrobi 13 January lagu qiimayn doono mudadii ay dawladda Soomaaliya gacanta ku haysay iyo waxyaabaha u qabsoomay. Si rasmi ah looma oga in shirkan lagu casuumay dawlada Somaliland amaba ay ka war qabto, laakiin arrimaha shirkan dawladda Soomaaliya wax lagaga weydiin doono waxa la filayaa inuu ka mid yahay Somaliland oo ku gacan saydhay dawladda Soomaaliya inay maamusho hawada Somaliland. Waxa kale oo dawladda Soomaaliya la weydiin doonaa sharciga duulista rayidka ah oo ka mid ah qodobadii ay dawladda Muqdisho saxeexday inay soo diyaarin doonto mudada loo qabtay oo bishan ku eeg, waxaana xeerkaas ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo aanay weli ansixin aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaa aaminsan haddii ay ku guuldaraysato qiimaynta ICAO, inay suurtogal tahay in dib ay Qaramada Midoobay ula noqon karto maamulka hawada. Dawladda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo shirkan iyo in lagu martiqaaday ayaanay noo suurtogelin, laakiin dad khubaro ah oo arrimahan la socda oo uu Geeska Afrika la xidhiidhay ayaa tilmaamay inaan Somaliland wax dan ahi ugu jirin shirkaas, islamarkaana aanay haboonayn inay ka qayb gasho xataa haddii lagu casuumay, maadaama oo lala xisaabtamayo dawladda Soomaaliya Source
