-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday shaqsigii bedeli lahaa danjire Cabdiraxmaan Guulwade. Guulwade ayaa la sheegay in uu iska casilay xubinnimadda guddiga wada-hadalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland. Is-casilaada Guulwade ayaa timid markii wareysi uu siiyey Shabelle uu ku sheegay in uu sax ahaa weerarkii Golabada Waqooyi. Dhanka kale, ildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa loo magacaabay in uu buuxiyo jagadii uu baneeyay Guulwade. Dalxa ayaa kamid ah baarlamaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan Aqalka Hoose, waana kamid ah mudaneyaasha ugu caansan. View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddida Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada. Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta. Source
-
(SLT-Washington)-Agaasimaha Fulinta ee Golaha Xidhiidhka Maraykanka iyo Islaamka ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi, Jaylaani Xuseen ayaa sheegay in Heshiis laga gaadhay dhacdadii ay Boliska magaaladaasi sida kediska ah ugu jeebadeeyaan 4 dhallinyaro Soomaali ah sannadkii 2018-kii. Dhallinyaradaasi oo walaalo ah, da’doodana u dhexeeyso 13 ilaa 16-jir ah ayaa waxaa katiinad ku jeebadeeyey Saraakiil Bolis oo ka tirsan Boliska ku shaqada leh Goobaha Barxadaha iyo Jardiinooyinka ee magaalladda Minneapolis. Shilkaasi oo ka dhacay Barxadda jardiin Gobaleedka ee Minnehaha Regional Park bishii July 10-dii ee sanadkii 2018-kii, iyadoo mid ka mid ah Saraakiisha Boliska uu qorigiisa ku cabsi-geliyey dhallinyaradaasi oo gacmaha laga katiinadeeyey. Agaasimaha Fulinta ee Golaha Xidhiidhka Maraykanka iyo Islaamka ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi, Jaylaani Xuseen waxa uu sheegay inay Boliska magaalladda Minneapolis la gaareen Heshiis ay Magdhow kaga bixinayaan Tacadiga iyo Cabsi-gelinta loo geystay dhallinyarada Soomaalida ee Toban jirayaasha ah. Waxa uu xusay inay labada dhinac isla gaadheen inay Boliska Minneapolis inay bixiyaan 170,000 oo Dollar oo si siman loogu qeybinayo Qoyska afarta wiil ee dhibanayaasha ah. Jaylaani Xuseen iyo Hooyada dhashay dhallinyaradaasi oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Minneapolis waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay Boliska qirteen inay qirteen inay dhacdadaasi ka dambeeyey, kana bixinayaan magdhow iyo Raalli-gelin. Source
-
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in maanta ay halkaasi kulan degdeg ah ku yeelan doonaan xildhibaannada baarlamaanka Galmudug. Sida ay Goobjoog News u sheegeen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Galmudug, guddoonka baarlamaanka maamulkaasi ayaa isugu yeeray mudanayaashan, lamana oga ajendaha kulankooda waxa uu yahay. Warar madax-banaan ayaa waxay sheegayaan in arrimaha looga hadli doono kulankan ay tahay khilaafka soo kala dhexgalay guddiga doorashada ee dhowaan la magacaabay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Maxkamadda la soo taagayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si buuxda uga dhex billaabatay Aqalka Senate-ka ee Mareyknaka maalintii Talaadada ee shalay iyadoo uu jiro loolan la xiriira xeerarka xukumaya si kiiska dacwadda horay loogu sii ambaqaado. Waa markii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee ay senetarradu u codeyn doonaan go’aan ka gaarista haddii ay tahay in madaxweynaha xilka laga qaado. Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ee Kongareeska ayaa ku doodaya in markhaatiyaasha loo oggolaado inay marag furaan si ay taasi gacan uga geysato kiiskooda Trump ee ah in uu ku xadgudbay awoodda madaxweynaha. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo waxa ka socda magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xaaf ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay muddooyinkan dambe caadeysatay kala qeybinta bulshada Galmudug, islamarkaana ay bedashay Odoyaashii dhaqanka Galmudug. Wuxuu tilmaamay madaxweyne Xaaf in looga baahan yahay musharraxiinta Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca in maamulkiisa uga dambeeyaan howlaha doorashada. Sidoo kale, wuxuu beesha caalamka u sheegay in dhib walba oo ka dhashay arrimaha siyaasadda Galmudug ay mas’uuliyaddeeda leedahay xukuumadda federaalka ah. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Giriiga)-Mid ka mid ah garsoorayaasha ugu weeweyn ee dalka Gariiga ayaa loo doortay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Dalkaasi. Ms Ekaterini Sakellaropoulou ayaa arbacadii shalay waxay taageero ka heshay xisbiga haya talada ee conservative iyadoo ay aqbaleen mudanayaasha baarlamaanka Gariiga. Tani ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu mideynayo xisbiyada siyaasada si meesha lagaga saaro burburka dhaqaale uu dalkaasi wajahayay 15-kii sano ee la soo Dhaafay. Haweeneydaan oo 63 jir ah ayaa aqoon balaadhan u leh cilmiga deegaanka iyo Garsoorka waxaana ay shaqada kala wareegi doontaa madaxweyne Prokopis Pavlopoulos, oo muddo xileedkiisa shanta sanno ah ay dhammaan doonto bisha sadaxaad ee Maarso. Badhtamaha isla bishaas ayaa Ms Ekaterini Sakellaropoulou waxaa si rasmi ah loogu dhaarin doonaa xilka Madaxtinimo. Source
-
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Xalay oo Khamiis ahayd yeeshay kulan Todobaadle ah oo inta badan lagu gorfeeyo arrimaha ammaanka, soo celinta bilicda Caasimadda iyo is-dhexgalka Bulshada. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), madaxda Degmooyinka iyo Agaasimayaal ayaa lagu falanqeeyay sidii loo dar-dar gelin lahaa amniga iyo nadaafadda Caasimadda. Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay Barnaamij lagu Magacaabo Bulsho Bile oo loogu tala galay is dhex galka Bulshada iyo dhiirri-gelinta hal-abuurka Shacabka ku dhaqan Caasimadda Dalka. Guddoomiye Filish ayaa shirkan guddoominayey, iyadoo Todobaad walba diiradda lagu saaro arrimo muhiim u ah gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Gaza)-Ciidanka Israa’iil ayaa toogasho ku dilay sadax ruux oo falastiini ah kadib markii ay ku dhowaadeen xeyndaabka Israa’iil ay ku ooday magaalada Gaza. Qoraal ka soo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in sadaxda ruux ay wateen walxaha qarxa kuwaasi oo isku dayay habeenimadii xalay in weeraro ay ka gaystaan gudaha Israel. Dhanka kale muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu muujiyay saxafi u dhashay falastiin oo ciidanka Israa’iil ay dhaawaceen xilli uu tabinayay Tacadigaan. Warbaahinta maxaliga ah ee Falastiin ayaa ku sheegtay magacyada dhalinyarada la dilay Maxamed Hani Abuu Mandiil Saalim Zuweyd Naciimi iyo Maxamuud Khaalid Saciid oo dhamaantood ahaa da’da 18 Jirka. Dhalinyaradan ayaa deganaa xaafada Maghazi ee badhtamaha magaalada Gaza iyadoo booliska falastiin ay meesha ka saareen wax hub ah oo dhalinyaradan Wateen. Falkaan ayaa ilaa iyo hada waxaa ka hadlin dhaqdhaqaaqa ururka Xamaas ee maamula magaalada Gaza Source
-
Jowhar (SMN) – Maamul goboleedka HirShabelle ayaa baaq kasoo saarey khilaafka kasoo cusboonaadey doorashooyinka Galmudug. Cusmaan Cabdullaahi Dhoore, wasiir ku xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, ayaa dhinacyada ku booriyey dulqaad. Xildhibaan Dhoore ayaa sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay xal deg-deg ag ka dhalisay muranka taagan. Isagoo hadalkiisa sii wata, mudanaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyaddoo shaqadu dhamaad tahay uu khilaaf yimaado. Doorashadda madaxtinimada Galmudug ayaa in laga cabsi qabaa in ay ku timaado dib-u-dhac maadaama aysan muuqan saan-saan fiican. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa balanqaadey in ay qafiifineyso cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, sidda ay sheetay Villa Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyaddoo shalay ay Muqdisho ku kulmeen guddiga UN-ka u qaabilsan arrintaas iyo madaxweyne Farmaajo. Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda qaranka, ayaa sheegay in guddigu sheegeen in ay warbixin ku celin doonan golaha guud. Isagoo hadalkiisa sii wata, afhayeenka hogaamiyaha dalka, ayaa rajeeyay in warbixinta ay noqoto mid sawir fiican ka bixineysa xaalada dhabta ah ee Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xayiraadan saaran ay caqabad ku tahay dagaalka ay kula jiro kooxaha hubeysan ee loogu yeero argagixisadda. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Ciidamadda Jubaland ayaa lagu waramay in ay xabsi u taxaabeen maamulihii shirkadda Hormuud ee magaalada Dhoobley. Mas’uulkan sarre ee xorriyadiisa dastuuriga ah laga qaadey ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Sheekh Ismaaciil. Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka hadlay burburinta Kenya ku waddaan anteenooyinka shirkada. Shacabka ayaa falka lagu xiray Ismaaciil ku tilmaamay tacadi ka dhan ah Hormuud ay ciidamada Jubaland ku garab-siinayaan dhigooda Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan si adag u cambaareysay burburin ay ciidamadda Kenya u geysteen xarumo ay Hormuud ku lahayd Jubooyinka. Maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu ku guuldareystay wax ka qabashadda xadgudubyadda ay Kenya kula kacayso hantida shacabka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-230120.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Muqdisho ayaa laba hab oo kala duwan uga fal-celinaya sheekada ku saabsan fanaanka Shabaabka ahaa ee ku dhex jiray dowladda Soomaaliya.. Hoteelada, maqaayadaha iyo goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan ayaa waxaa shalay aad loo hadal hayey warbixin ay dhawaan qortay Caasimada Online, taas oo aheyd in Fanaan ka tirsan shaqaalaha dowladda uu ka tirsan yahay saraakiisha Al-Shabaab, maalin kadibna ay soo bandhigtay NISA. Shacabka, Siyaasiinta iyo Ciidamada ayaa hadal haya Fanaanka Shabaabka noqday ee dowladda ka tirsanaa oo lagu magacaabo Abshir Gaarane Axmed, iyo filashada laga qabo in boqolaal kale oo Shabaab ah ay ku jiraan shaqaalaha dowladda. Sidoo kale baraha Bulshada ee Internate-ka ayaa aad loogu hadal haayaa Fanaanka Shabaabka ah oo ay soo bandhigtay NISA kadib markii ay baahisay Caasimada Online. Shacabka ayaa kuu sheegaya in aysan jirin qof la aamino, halka qaarkoodna ay kuu sheegayaan in hadda kadib ay iska ilaalin doonaan qof kasta oo uu yaqaan, wax uu doonaba ha ahaadee. Dadka qaar ayaa ku talinaya in aan qofna lala saaxibin lana aamin xataa hay’adaha amaanka, mas’uuliyiinta iyo qof kasta maadaama ay Al-Shabaab ku milmeen dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale, shacabka ayaa soo shaac bixidda arrintan ku tilmaamay guul iyo inay muujineyso wax qabadka hay’adaha ammaanka, oo mid mid usoo saaraya Shabaabka ku dhex jira dowladda. Bilihii dhowaa ayaa waxaa aad u badnaa xubnaha Shabaabka ah ee ay hay’adaha ammaanka soo bandhigayaan, ha noqdaan kuwa ku dhex jira dowladda ama kuwa dibedda ka jooga. Arrintan ayay aamisan yihiin inay cabsi badan ku abuuri karto xubnaha weli is-qarinaya eek u dhex jira dowladda, ayna keeni karto inay muddo hakad geliyaan howl-galladooda guracan. Wax ay ahaataba, shaac ka qaadista Abshir Gaarane Axmed ayaa wax weyn ka beddeshay fikraddii laga aaminsanaa cidda Shabaab ah iyo cidda aan ahayn.
-
A contingent of Kenya Defense Forces troops on Tuesday left Somalia after completion of their one year tour of duty in Kismayo before another group was dispatched at Jomo Kenyatta International Airport to replace them. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda goboleedka Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay qaadacday dhammaan hanaanka doorashooyinka qaranka ee la filayo in Soomaaliya ay guda gasho bilaha soo socda. War-saxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax heshiis siyaasadeed ah oo laga gaaray arrimaha doorashooyinka qaranka ee 2020/2021. “Sidaas awgeed, waxay Jubbaland ogaysiinaysaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka, inta laga gaararayo heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay, in aysan ka qaban karin Jubbaland wax shaqo ah oo la xiriira doorashooyinka 2020-2021.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubaland. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Hase yeeshee, waxaan la socod siinaynaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka in Dowladda Jubbaland ay diyaar u tahay in ay ka qaadato doorkeeda dastuuriga ah, si waafaqsan qaraarkii Baarlamaanlca Federaalka Soomaaaliya ee ku saabsanaa buuxinta kuraasta bannaan.” Go’aanka Jubaland ayaa caqabad weyn ka noqon kara hanaanka doorashooyinka qaran, waxaana la rumeysan yahay in sidoo kale Puntland ay qorsheyneyso inay hanaankan sidoo kale qaadacdo. Labada maamul ayaan wax xiriir ah la lahayn dowladda dhexe, waxaana go’aanka Jubaland ee caawa uu yimid maalmo un kadib markii madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo kan Puntland Saciid Deni ay Boosaaso kaga dhowaaqeen go’aanno ka dhan ah dowladda dhexe.
-
Somalia: Sudan and Somalia Discuss Investment Opportunities
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Somali delegation participating in the opening of the 37th session of Khartoum International Fair discussed the investment economic and commercial opportunities in the Sudan. Source: Hiiraan Online -
Turkey is building on its already-strong relationship with Somalia as it accepts an invitation to explore for oil in its seas. Ankara has spent years building trust in the region as it seeks to increase its influence. Source: Hiiraan Online
-
A Burundian soldier serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) was killed on Wednesday in a roadside blast in the outskirts of Mogadishu, local media and police said. Source: Hiiraan Online
-
Somalia, UN agencies seek 1.03 bln USD to help 3 mln people
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somalia, the UN and humanitarian agencies on Wednesday launched the 2020 Somalia Humanitarian Response Plan (HRP), seeking 1.03 billion U.S. dollars to provide life-saving assistance and livelihood support to three million people. Source: Hiiraan Online -
Wadaad ka tirsanaa ISIS oo laga soo saaray hog uu ku dhuumaaleysanayay “Wadaad” 250 kiilo culeyskiisu yahay islamarkaana ka tirsanaa, una fatwoon jirar kooxda ISIS ee dalka Ciraaq ayay ciidamada Ciraaq kasoo saareen hog uu ku dhuumaaleysanayay in muddo ah. imamen Shaifa al-Nima oo wadaadkan lagu magacaabo ayaa lagu eedeynayaa in yahay ninkii ka dambeeyay amar ama fatwada lagu bur-buriyay goobaha taariikhiga ah ee Ciraaq, waxaana sidoo kale lagu eedeynayaa in uu amray in la laayo wadaadada kale ee ka laba-labeeyay ku biiridda ISIS. Wadaadkan ayay ciidamadu kasoo saaree hog uu kaga dhuumaaleysanayay hay`adaha ammaanka oo ku yaal magaalada Mosul. Dhibka jiray ayaa ahaa in wadaadkani eysan ciidamadii soo qabtay ku qaadan waayeen gawaaridii ay wateen, waxaana loogu yeeray wiish iyo gaari weyn oo qaada. Qaran News
