-
Content Count
214,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ilaa saddex ruux ayaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay qarax goor dhoweyd ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada muqdisho, halkaasi oo lagu baaro gaadiidka aada xarunta madaxtooyada Villa Somalia. Gaariga Qarxay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa gaadiid saf ugu jiray in la baaro, si loo hubiyo meesha uu ka yimid, cidda saaran, halka uu ku socdo iyo alaabta uu sido. Jugta qaraxa oo ay weheliso uuro iyo qiiq hawada isku shareeray ayaa laga arkay goobta qaraxaasi ka dhacay ee kantaroolka laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Villa Somalia. Wararku waxay sheegayaan, in sidoo kale qaraxu uu burbur xooggan gaarsiiyay qaar kamid ah gaadiidkii safka kula jiray, inkastoo aan weli si faahfaahsan xog looga helin khasaarihiisa. PUNTLAND POST The post Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Maanta oo Arbaco ah kuna beegan 08 01 2020 waxaa jira kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaaa uu Ajanduhu yahay Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Jaangooynta iyo Tayo Dhawrka. Sharcigaan ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ayaana sheegay in sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweyanaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khadka isgaarsiinta kula hadlay Madaxweyanaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmuudg, Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo haatan abuul siyaasdeed oo ka dhan ah dhismaha maamulkaasi ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ilo wareedyo lagu Kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in Madaxweynha Soomaaliya uu Xaaf ka dalbaday joojinta ololaha siyaasadeed ee uu ka wado magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dhankiisa Madaxweyne Xaaf uu dowladdaweydiistay in 20 xildhibaan laga siiyo baarlamaanka cusub ee Galmudug, sida Ahlu Sunna. Dhinaca kale waxaa Gaalkacyo ka socdo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidamo ka taabacsan Xaaf iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqda inuu ka baxay heshiiskii uu la galay dowlada federaalka ee ku aadanaa dhismaha maamulkaasi. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab khasaare nafeed geystay oo xalay ka kacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday guri ay daganaayeen qoys ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo labo wiil oo ay dhaleen. Wararka ayaa sheegaya in la awoodi waayey in la damiyo dambkaasi, waxaana ku dhintay Aabaha qoyska oo lagu magacaabi jiray, Sheekh Cumar iyo labadiisii wiil oo da’adooda lagu kala sheegay 8 sano jir iyo 10 sano jir. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay dabka ay ka badbaaday hooyada qoyskaasi oo Xaamilo aheyd, taas oo hadda dhaawac ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dabka ayaa waxaa la sheegay in uu yimid, kadib markii uu qabsaday Shidaal yaalay guriga gubtay. Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta looga hortagi waayey faafinta dabkaasi ayaa ah, kadib markii la waayey gaadiidkii gurmadka deg dega ee dab-damiska. Dhacdadaan ayaa murugo xanuun badan ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwii dariska lahaa qoyska ku gubtay dabkaasi.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-subax-08012020sx.mp3 View the full article
-
Wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa xaqiijisay in Iran ay ilaa 10 gantaal xalay ku garaacday, laba saldhig oo uu millatariga Mareykanka ku leeyahay gudaha waddanka Ciraaq. Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka, ayaa sheegtay in gantaallada baalistiga lagu garaacay saldhigyada al-Assad iyo Irbil ee ciidamada cirka Mareykanka. Dhinaca kale, bayaan kasoo baxay Ciidamada Ilaalada kacaanka Iran, ayaa lagu sheegay in uu si guul ah ku dhamaaday weerar ay sheegeen in ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraq. Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay, in duqeyntaasi loogu aargudayay jeneraal Qassem Soleimani, oo ay todobaadki hore Mareykanka ku dileen duqeyn cirka ah, xilli uu marayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Baghdad. Labada dhinac midkoodna weli kama hadal, khasaaraha ka dhashay gantaalaha, ay Iran ku garaacday saldhigyada Maraykanka ee gudaha dalka Ciraaq, balse Pentagon-ka ayaa sheegaya in ay weli qiimaynayaan haddii khasaare jiro. PUNTLAND POST The post Iran oo gantaalo ku garaacday saldhiyada Maraykanka ee gudaha dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
-
Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankiisi caadiga ahaa ku yeelanaya xaruntiisa magaalada Muqdisho. Kulanka maanta ee mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku saabsan Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Jaangooynta iyo Tayo Dhawrka ee dalka. Hindisaha Sharcigaasi ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana wasaaraddu sheegtay in sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay Ganacsiga Waddanka. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo ka doodaya Hindise Sharciyeedka Tayo Dhawrka appeared first on Puntland Post.
-
Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) has reached out to farmers in Somaliland with an agricultural development project. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Australia oo dileysa 10-kun oo geel ah+Sababta Maanta oo Arbaca ah, dowladda dalka Australia ayaa bilaabeysa dilka 10-kun oo geel ah kuwaas oo biyaha ka dhammeeyay xilli ay dalkaasi ka socoto musiibo dab. Geelaan la dilayo ayaa ku sugan koonfurta dalka Australia, halkaas oo ay ka socoto musiibadda dalka oo geystay khasaare laxaad leh. Dhibaato kale ayuu geelaan duur-joogta ah sidoo kale ku hayaa dadka ku nool deegaanada uu ku sugan yahay, waxaana uu biyo usoo doontaa xaafadana maadaama dalkaasi uu iminka ka taagan yahay roob iyo biyo yari. Geelaan ayaa duulaan kusoo qaada xaafadana, waxaana uu jajabiyaa gurya isagoo baadi-goobaya biyo, waxaana ka cabanaya dadka oo ka codsaday dowladda in ay ka qabato. Leynta geelaan ayay dowladdu u adeegsan doontaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay saaran yihiin shiish-yahanno ku xeeldheer ugaarsiga duur-joogta. Dalka Australia ayaa waxaa ku nool boqollaal kun oo geel duur-joog ah kuwaas oo waqti hore dalkaasi la geeyay, xilli alaabo loogo rartay, looguna adeegsan jiray gaadiid dalkaasi. Qaran News
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu ka feejigan yahay weerar kaga yimaada Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre, ka dib markii uu mucaaraday joogitaankiisa Magaalada Dhuusamareeb iyo dhabaha loo marayo dhismaha Galmudug. Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo Khamiistii gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa ka bilaabay kulamo uu ku dardar-gelinayo barnaamijkiisa uu ku sheegay inuu ku soo dhisayo Galmudug loo dhan yahay. Xuhno ku dhow Xaaf ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu ka war helay ciidan la sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu ka soo diray Magaalada Dhuusamareeb, si ay u soo xiraan, iyadoona uu ciidan uruursi ka sameeyay Magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa Isniintii Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Galmudug ee magaaladaasi ku sugan, waxaana uu ka dalbaday in la difaaco, haddii weerar uu kaga yimaado Magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa Magaalada Gaalkacyo ka abaabulay maleeshiyaad ku heyb ah, kuwaa oo uu u diyaariyay inay u jilbo laabtaan, haddii hujuumka la tuhunsan yahay uu soo wajaho. Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidan xoogan lagu arkaayo wadooyinka soo gala dhismaha uu Madaxweynuhu ka degan yahay Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo. Nabadoon Cabdi Wardheere oo ka mid ahaa Odayaal Dhaqameedyo Magaalada Gaalkacyo kaga qaybgalay kulan lagu taageeraayay mowqifka uu Madaxweynuhu kaga soo horjeestay kaalinta dowladda ee ku aadan dhismaha Galmudug ayaa sheegay in reer Mudugu uu difaaci doono, weerar kasta oo xukuumadda kaga yimaada. Nabadoon Cabdi Wardheere ayaa tilmaamay in dadka reer Mudug ay ka maqan yihiin doorashada ka socota Magaalada Dhuusamareeb, Xaaf-na uu doonayo in la dhiso Galmudug ay dadkeeda u dhan yihiin. Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in xukuumadda ay door-bidi doonto inay ka shaqayso, sidii ay u fashilin laheyd dhaqdhaqaaqa uu Xaaf ka wado Magaalada Gaalkacyo, bedelkii weerar toos ah lagu qaadi lahaa. Reer Galmudug ayaa kuu sheegaya in diidmada Xaaf ee waxa ka socda Dhuusamareeb ay xoojisay khilaafka markii horeba wiiqay habsami socodka dhismaha Galmudug.
-
With applause from a loud, passionate crowd Beltrami County on Tuesday, Jan. 7, became the first local government unit in Minnesota, and possibly the country, to refuse refugee resettlements. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cumar Yuusuf ayaa kamid noqday tobanaanka Soomaalida ah ee wax ku noqday falkii foosha xumaa ee 28-kii December, 2019, ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho. Yuusuf, oo kamid ah dadka ka shaqeysta dhismaha guryaha ee loo yaqaano Fuundiga, ayaa abaare 7:30 PM kasoo baxay hoyga ay ka degan yihiin degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka caasimadda Soomaaliya. Nasiib daro, isagoo maalintaas qorshihiisu ahaa in uu shaqeeyo lacag uu ku kaabo qoyskiisa oo uu u ahaa qofka kaliya ee u dhaq-dhaqaaqa, wuxuu la kulmay xasuuqaas. Sidda ay shaacisay Dowladda, 79 ruux ayaa ku naf-waayey falkaas oo Al-Shabaab ay sheegatay, waxaana badankooda ay ahaayeen arday iyo shacab, iyaddoo dhaawaca uu ka badan yahay 100. Ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa tilmaamay in hadafkoodu ahaa kolanyo Turki ah oo meesha maraysey. Ugu yaraan laba ajaaniib ayaa ku dhimatay qaraxa. Isagoo u waramaya Talafishinka Somali Cable, Axmed oo kamid ah bukaanada wali la il-daran dhacdadaas ayaa dib u celiyey xusuustiisa maalintaas. “Iyadoo dhibaatadaas aan la kulmay cid i qaada ayaan waayey,” ayuu yiri, isagoo ku daray “Isbitaal Madiina ayaa lii geeyay hal saac ayaan tuugaayey ‘halii daaweeyo’ hal saac ayaan tuugaayey”. “Miyir-beelay” Aabbe Cumar, oo “miyir-beelay” markii ay soo gaartay akhbaarta dhaawaca wiilkiisa, ayaa dalbaday in laga caawiyo sidii wiilkiisa u heli lahaa daryeel caafimaad, maadaama “xaaladiisu kasii dareyso”. Sidda laga dheehan karo muuqaalo laga soo duubay, Axmed ayaa weerarkaas is-miidaaminta ah ku waayey mid kamid ah lugahiisa. “Maadaama aanan lacag haysan, waan soo lugeeyay. Intii ay dhexda kusoo jiray ayaa la isoo wacay waxaan ku dhahay ‘waan soo lugeynayaan isuga’ ileen meesha [Isbitaalka] jeebkaaga [lacagta] ayaa xukunta,” ayuu xusay. “Faquuq” Dhaawacyadda wax ku noqday qaraxaas qaarkood waxaa loo qaadey Turkiga iyo Qadar. Shaqadda daabulista waxaa maamulayey Guddi uu magacaabay ra’iisul wasaare Khayre. Sidda ku cad dukumiintiyo aan aragnay, dhaawacyadda la qaaday ayaa la liis-gareeyay habeen kahor maalinta qaaditaankooda, waxaana lagu soo xulay sidda ay xaaladooda u liidato. Inta lagu guda jiray wareysiga, Axmed ayaa sheegay in uu kamid noqday dadka liiska lagu daray balse “faquuq” looga reebay safarka dibadda. Ma cadda halka loo qaadi lahaa Turkiga ama Qadar. “Anigoo been kuu sheegayn, waan kamid ahaa, waliba qofka 3aad ee la qoray ayaan ahaa,” ayuu ku adkeystay, isagoo tibaaxay “markii ay yimaadeen si jees-jees ah ayay ii dhinac-mareen”. Ma jiraan dhinacyo madax banaan oo xaqiijinaya eedeynta Axmed, wallow mas’uuliyiintu diideen in ay ka jawaabaan arrintaan. Wuxuu raaciyey: “Qof kamid ah shaqaalaha isbitaalka Madiina ayaa hal saac ku tuugayey ‘war ninkaan qaada’ waxay dhaheen ‘ma qaadeyno [wuu soo urayaa]’, jees-jees ayay iigu dhinac mareen”. “Dhakhaatiirta, ‘see tahay’ way iigu imaan waayeen, lugtii way iska sii urtay,” ayuu Axmed kusoo afjaray, isagoo muujiyey in uu ku qanacsan yahay qadarta ALLE balse uu aad uga xun yahay qaabka loola dhaqmay. Hoos ka daawo sheekada Axmed Xigasho: Garowe Online
-
Iran oo duqeysay saldhigyo Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe Iran ayaa baahisay muuqaalo ku saabsan weerarka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in laba saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, kuna yaala gudaha dalka Ciraaq lagu weeraray gantaalo. Telefishenka Dowladda Iran ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday saldhigyada Mareykanka uu ahaa mid loogu aargudayay dilka Qasem Suleimani oo shalay la aasay. Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay bartilmaameedsatay saldhigyo uu ku leeyahay Irbil iyo Al Asad ee gudaha dalka Ciraaq. Ilaa iyo hadda ma cadda in uu jiro khasaaro ka dhashay weeraradaas iyo haddii uu jiro inta uu la eg yahay. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in xaaladda ay wanaagsan tahay, saldhigyo Mareykanka uu leeyahayna lagu weeraray gudaha dalka Ciraaq, qiimeynna ay ku sameynayaan sida ay wax u dhaceen, dibna ay kasoo sheegi doonaan. Warbixin u soo saaray afhayenka aqalka cad ayaa lagu sheegay in arrintan ay ka war hayaan. “Waan ka war qabnaa weerarka lagu qaaday saldhigyadeena Ciraaq, madaxweynaha waa lagu wargeliyay arrintan, si dhaw ayuuna ula socdaa oo wuxuu darsayaa xaaladda isagoo latashanaya lataliyeyaashiisa dhanka ammaanka”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage caption. Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Javad sharif oo sheegay in Iran ay aargoosatay. “Iran waxay weerarkan qaaday iyadoo eegeysa axdi qarameedka 51, waxayna duqeysay saldhigyadii sida fuleynimada ahaa looga soo weerary muwaadiniinteena, mana raadineyno dagaal ee waxaan difaaceynaa nafsadeena”, ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka. Iran ayaa u digtay wadamada xulafada la ah Mareykanka ee dalalkooda u oggolaaday in uu saldhigyo ku yeesho. Madaxweeyne Donald Trump ayaa horay u sheegay in hadii ciidamada Mareykanka lasoo weeraro ay iyaguna weerari doonaan Iran, waxaase aan la ogeyn tallaabada xigta ee uu Mareykanka qaadi doona Jawaabta Trump: Donald J. Trump @realDonaldTrump All is well! Missiles launched from Iran at two military bases located in Iraq. Assessment of casualties & damages taking place now. So far, so good! We have the most powerful and well equipped military anywhere in the world, by far! I will be making a statement tomorrow morning. Qaran News
-
Lamu (Caasimada Online) – Shirkadda dhismaha Shiinaha ee China Communication Construction Company (CCCC) ayaa shalay ku dhowaaqday inay sababo amni u joojisay dhismihii ay ka wadday dekedda Lamu, kadib weerarkii ay Al-Shabaab halkaas ku qaaday Axaddii, oo lagu dilay saddex Mareykan ah. Shirkadda ayaa sheegtay inay dhimsha hakad gelisay illaa muddo toddobaad ah, inta xaaladda amni ee gobolka si wanaagsan loogu xaqiijinayo. “Waqtigan la joogo xaaladda Lamu County waa mid aad halis u ah. Si aan u xaqiijinno ammaanka dhammaan shaqaalaha, waxaan hakinay shaqadii aan ka wadnay halkaas illaa 13-ka bisha” ayey shirkadda CCCC ku tiri qoraal ay u dirtay shaqaalaheeda. “Dhammaan shaqaalaha, ka taga goobta oo aada guryihiina sida ugu dhaqsiyaha badan, islamarkaana suga ogeysiis kale oo ku saabsan inaad soo laabataan” ayey shirkadda ku tiri warqadda ay u dirtay shaqaalaheeda. Shirkadda Shiineeska ayaa dhiseysa saddex ka mid ah 32 goobood oo maraakiibta ay kusoo xirtaan oo ay dekedda yeelaneyso. Gobolka Lamu oo ka mid ahaa meelaha ugu badan ee loo dalxiiska tago dalka Kenya ayaa waxaa dhaawac xooggan gaarsiiyey weerarada Al-Shabaab, ayada hadda uu noqdo meel ay uga fogaadaan dalxiisayaasha. Qaar ka ka mid ah shacabka daganaa Gobolka Lamu ayaa sidoo kale bilaabay inay u barakacaan magaalooyinka yar yar, si ay u nabad galaan. Barakacaan ayaa bilowday maalin kadib markii Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab ay weerartay Saldhig Militari oo Mareykanka ay halkaas ku leeyihiin, halkaasi oo lagu dilay seddex kamid ah Shaqaalaha Mareykanka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga aban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa ka hadlay sababta keentay iyo cidda ka dambeysay in lix bil ka hor la magacaabo guddigan. Maareeye ayaa sheegay in sababta guddigan loo magacaabay xill hore ay tahay aragtida madaxda qaranka, gaar ahaan madaxwaynaha jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in xuskan uu ku buuxsan yahay 60 sano oo ay xor tahay jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uuna yiri, “Calaamadaha uu leeyahay 60 guuradan waxaa ka mid ah marka ugu horreysa waa 60 guuro, lixdan waa sannad ama waa xilli taariikheed u calaamadsan bulshooyinka caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed,Waa xilli qofka qaargaar wayn noqdo, khibrad dhammaysto, karti dhammaysto, oo waayeelnimo dhammaysto, sidaas darteed qaranka ayaa lixdan sano jirsaday”. Wasiir Maareeye ayaa sheegay in xuskan uu sidoo kale ku aaddan yahay, ayadoo 20 sano ay ku buuxsantay dib u dhisidda dawladnimada aan maanta haysano; “Marka labaad muhiimadda ay leedahay maalinkan waa labaatan guuradii markii dawladdan hadda jirta dib loogu soo yagleelay dawladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee dalka jabuuti oo runtii nidaamkan hadda jira uu ka yimi 2000, maalinba meeshii uu soo taagnaaba, maanta uu halkan joogo”. Maareeye ayaa ugu dambayn sheegay in xuska sannadkan uu ka dhici doono dhammaan degmooyinka dalka, ayadoo ay xildhibaanada, wasiirada iyo madaxda dalka ay tagi doonaan dagmo walba, sidaasna uga qayb qaadaan doonaan farxadda wayn ee lixdan guurada maalmaha xoriyadda iyo xuska labaatan guurada dib u dhisidda dawladnimada maanta jirta.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay guddigii loo xil saaray kiiska maxaabiis dhawaan ka baxsatay xabsiga dhexe ee Xamar. Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in guddiggaan ay ku howlan yihiin sidii baaritaano loogu sameyn lahaa dadkii xabsiga ka fakaday iyo sida ay ugu suurto-gashay. Wasiirka ayaa xusay in wixii ka dhacay xabsiga ay aheyd arrin halis ah, islamarkaana kuwii fududeeyay loola xisaabtami doono, sida ugu dhaqsiyaha badan. Saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dhawaan baxsadeen, sida ay sheegayaan warar laga helay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, inkasta oo mid ka mid ah dib loo qabtay.. Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin a Al-Shabaab, islamarkaana horey loogu riday xukunno, taasi oo dowladda dhexdeeda ka dhalisay carro xooggan. Xabsiga Dhexe ee Xamar oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu yahay mid amnigiisa siweyn loo ilaaliyo, waxaana cadeyn sababta keentay in maxaaabiis xukunaa ay baxsadaan, inkasta oo loo badinayo inay qaar ka mid ah maamulka xabsiga sii daayeen.
