Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,292
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa Khamiistii u codeeyey inay ka joojiyaan madaxweyne Trump inuu qaado talalabo militari oo kale oo ka dhan ah Iran, ayada oo Bariga Dhexe ay ka taagan tahay xiisaddii ka dhalatay dilkii Mareykanka ee Jeneral Qasem Soleimani. Qaraarkan ayaa ku meel-maray ayada oo ay taageereen 224 mudane, halka 194 oo badankood ah Jamhuuri ay kasoo hrojeesteen. Tallaabadan ayaa madaxweyne Trump ka xayuubineysa awoodihiisa dagaal ee ah inuu ciidamada Mareykanka u isticmaalo Iran, isaga oo aan ogolaansho ka haysan Congress-ka. Sharcigan ayaa hadda u gudbaya Aqalka Senate-ka, oo ay maamulaan Jamhuuriga, wuxuuna wajahayaa dagaal adag, si loo ansixiyo. Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa tallaabada Aqalka Wakiilada ku qeexay “nacasnimo” iyo mid siyaasad ay dhiiri-gelisay. Tallaabadan ayaa “arbushi karta awoodda dowladda Mareykanka ay uleedahay inay ilaaliso muwaadiniinteeda, kuwaas oo Iran weli ay isku dayeyso inay waxyeeleyso.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka Cad. Codka Aqalka Wakiilada ayaa yimid saacado kadib markii madaxweyne Trump uu sheegay in sababta loo dilay Qasem Soleimani ay ahayd inuu isku dayayey inuu qarxiyo safaaradda Mareykanka.​ REUTERS Source
  2. Asmara (SMN) – Madexwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray Dalka Eritrea isagoo uu halkaasi ku soo dhaweeyay Madexwaynaha wadankaasi Isaias Afwerki,. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada Dal iyo qaabkii loo hormarin lahaa iskaashiga iyo isu soo dhawaanshaha Wadamada Geeska Afrika. Hoos ka daawo sawirada View the full article
  3. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Sida aan ka soo xiganay Wakaalada wararka ee Reuters, Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa Khamiistii shalay xadiday awoodaha militari ee Madaxweyne Trump, iyadoo bariga dhexe ay ka taagan tahay xiisadii ka dhalatay dilkii Mareykanka ee General Qaasim Suleymaani. Xubnaha Golaha wakiilada Mareykanka ayaa u codeeyey inay ka joojiyaan madaxweyne Trump inuu qaado talalabo kale oo militari oo ka dhan ah Iran, waxaana qaraarkaas meel-mariyey oo taageeray 224 mudane, halka 194 kale oo xisbiga Jamhuuri u badan ay ka hor-yimaadeen. Tallaabadan ayaa madaxweyne Trump ka xayuubineysa awoodihiisa dagaal ee ah inuu ciidamada Mareykanka u isticmaalo Iran, isaga oo aan ogolaansho ka haysan Congress-ka. Sharcigan ayaa hadda u gudbaya Aqalka Senate-ka, oo ay maamulaan Jamhuuriga, wuxuuna wajahayaa dagaal adag, si loo ansixiyo. Dhanka kale Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa tallaabada Aqalka Wakiilada ku qeexay “nacasnimo” iyo mid siyaasad ay dhiiri-gelisay. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu yiti “tallaabadan waxay arbushi kartaa awoodda dowladda Mareykanka ay u leedahay inay ilaaliso muwaadiniinteeda, kuwaas oo Iran weli ay isku dayeyso inay waxyeeleyso”. Go’aanka Aqalka Wakiilada ayaa yimid saacado kadib markii madaxweyne Trump uu sheegay in sababta loo dilay General Qaasim Suleymaani ay ahayd inuu isku dayayey inuu qarxiyo safaaradda Mareykanka. PUNTLAND POST The post Awoodaha militari ee Trump oo la xadiday appeared first on Puntland Post.
  4. Senior U.S. Africa Command officials visited partner forces and U.S. troops stationed at Camp Simba and Manda Bay Airfield, Kenya, Jan 9. Source: Hiiraan Online
  5. Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa soo bandhigay liiska Xildhibaanadda baarlamaanka labaad ee Galmudug. Hoos ka akhriso liiska View the full article
  6. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga farsamada maamul u sameynta Gamudug ayaa maanta shaaca ka qaaday liiska xildhibaanada cusub ee baarlamanka Galmudug oo muddo la sugayey. Liiskan ayaa ka kooban 83 xildhibaan oo isugu jira 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna iyo 63 xildhibaan oo ay soo gudbiyeen odayaasha beelaha. Waxaa liiska ka dhiman kaliya 6 xildhibaan, oo beelahooda aysan soo gudbin, ayada oo la filayo in maalmaha soo socda ay soo gudbiyaan. Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa lagu wadaa inuu kulankiisii ugu horeeyay yeesho toddobaadkan, kadib dib u dhacyo muddo badan hareeyay, waxaana xiga doona doorashada guddoonka baarlamanka iyo madaxweynaha. Liiskan ayaa imanaya ayada oo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu dowladda kala noqdo u wakiilashadiisa arrimaha maamul u dhisidda Galmudug, islamarkaana ku adkeystay inay xukuumaddiisa sii shaqeyn doonto. Hoos ka aqriso liiska
  7. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasi oo uu wada-hadallo ku leeyahay. Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara International Airport kusoo dhoweeyey madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu Asmara ku sugnaan doono muddo laba maalmood ah, halkaasi oo labada hoggaamiye ay wada-hadallo ku yeelan doonaan. Dowladda Eritrea ayaa kamid ah dowladaha saaxiibada dhow la noqday dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, waxayna si qarsoodi ah u tababartaa ciidamo Soomaali ah. Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa sidoo kale ku wada jira Isbaheysi saddex geesood ah. Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga ujeedka safarka madaxweynaha, hase yeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli uu dhowaan Afwerki kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka, kadibna uu ka degay magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay wadahadallo ku yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Booqashadan ayaa sidoo kale imaneysa xiili xiisad ay ka dhex oogan tahay dowladda Eritrea iyo dowladda Qatar oo aad ay isugu dhow yihiin Villa Somalia, mana cadda sida booqashada madaxweynaha ay tan u saameyn doonto. Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay soo saartay 28-kii November 2018 waxa ay ku eedeysay Qatar in dalkeeda ka waddo kicin dadweyne, khaarijin, dhibaateyn dhaqaale, iyo kharbudaad dhinac walba ah. Dowladda Qatar ayaa iska diiday “eedeymahaas been abuurka ah”, waxayna sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn koox ama kooxo ku sugan dalka Eritrea, taasina ay dowladda Eritrea “si wanaagsan uga war-hayso.”
  8. Dowlada Puntland ayaa ka horyimid Sharciga Batroolka ee Wasiirka Kheyraadku uu soo diyaariyey ka dibna Baarlamaanku meel mariyey. Puntland Qoraal ay soo saartay ayay ku [...] Source
  9. Hordhac:28da Disember 2019, 171 Xildhiban ee Golaha Shacbiga ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) waxay ansixiyeen Sharciga Doorasho Heer Federal oo laalan (dabran), waxaa diiday 5 Xildhiban, waxaana ka aamusay 2 xildhiban. Su’aasha taagan waxay tahay maxaa 171 xildhibaan ku qanciyay inay ansixiyaan sharciga aan dhaqangal aheyn, isburinaya, u baahan saxitaan rasmi ah? Waxaan caddeynayaa inaan ka mid ah Aqlabiyadda Soomaaliyeed oo qabta inaysan suura gal aheyn in doorasho Hal Qof Hal Cod (HQHC) oo xalaal iyo xor ah ka dhacaysoJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) sannadka 2020/2021. Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxay ka baaqsaday fulinta waajibaadka wadaniga ah ee laga rabayoo ahaa diyaarinta doorashada HQHC oo xalaal iyo xor ah 2020/2021 sida ku cad Dastuurka Federaalka KMG ah iyo ballanqaadka 2016. Xilgudasho la’aantaas waa dambi weyn ee laga galay nabadda iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed. Labada sababood oo ugu weyn ee aysan ku dhici karin doorashada HQHC 2020/2021waxay ku cad yihiin warbixinta Guddiga kmg ee Golaha Shacbiga (GSh) ee Barlamaanka Federaalka Soomaliya (BFS) u xilsaaray diyaarinta sharciga doorashadaiyo Sharciga Doorashada Golaha Shacbigaansixiyay 28da Disember 2019 haseyeeshe laalan (suspended). Haddaba, su’aalaha akhristayaasha isweydiin karaan waxay yihiin: Maxay tahay sababta guddiga Golaha Shacbigau soo diyaariyay sharci doorasho HQHC ayadoo warbixintiisa ku soo caddeeyay in aqlabiyadda saamileyda siyaasadda Soomaaliya isku raaceenin Soomaaliya aysan ka dhici karin doorasho HQHC 2020/2021? Maxay tahay ujeedada loo ansixiyay sharci doorasho HQHC oo aan dhaqangal aheyn, laguna maamuli karin doorashada 2020/2021? Maxay tahay sababta Xukuumadda Dowladda Federaalka ugu gudbisay BFS sharci doorasho aysan kala tashan saamileyda siyaasadda? Doorasho xor iyo xalaal ah oo aan aheyn HQHCma ka dhaci kartaa Soomaaliya 2020/2021? Maxay tahay sababta aan looga wada hadleyn hab doorasho ee la hirgelin karo 2020/2021 oo aqlabiyadda saamileyda siyaasadda Soomaaliya heshiis ku tahay? Ra’yigeyga, waxaan ila tahay inujeedada koowaad ay tahay in la abuuro jaahwareer dhaliya in la yiraahdo suura gal ma ahan doorasho HQHC marka la isbarbardhigo fulinta sharciga doorashada Golaha Shacbiga ansixiyay, xaaladda siyasadeed, nabadgelyo, iyo wadashaqeyn ee dalka ku sugan yahay, khilaafka ka taagan iswaafajinta doorasho xor ah iyo awood qaybsi qabileed iyo qoondada haweenka, iyo waqtiga gaaban ee ka harsan muddada doorashada 2020/2021. Waxaa dhici karta inay jiraan sababo kale oo iga dahsoon. Ma qabo in qof mas’uul ah oo ka dhamqanaya xaaladda dadka iyo dalka Soomaaliya ku sugan yihiin uu ku fakari karo in sharciga doorashada ee Golaha Shacbiga ansixiyay la hirgelin karo2020. Sharcigaasu wuxuu u baahan yahay dib u eegid iyo ka baarandegidqoto dheer si looga saaro qaladaadka faraha badan ee ku jira. Intaa kaddib, waxaan hoos ku koobaya, ugana faalloonayasharciga doorashada oo ay ku jiran qodobbo isburinaya iyo kuwo abuuraya shaki weyn oo ah in doorasho xalaal ah ka dhacayso Soomaaliya 2020. Hal ku dhegga Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada Qaranka (GMDQ) waxay tahay: “Daawada dal burburay waa Doorasho xor iyo xalaal ah waqtigeeda dhacda.” Xusuus muhiim ah Waxaa waajib ah in mar kasta lagu celiyo is xusuusinta in sameynta sharci doorasho ka horreyso sugidda wadajirkaiyo wadatashiga dadka Soomaaliyeed, dhammeystirka Dastuurka muddada dheer qabyada ah, sameynta sharciga nidaamka dowladda iyo baahinta xukunka dowladda, tirakoobka shacabka Soomaaliyeed, sameynta sharciga muwaadinnimada, iyo dib u habeynta sharciga Xisbiyada, dhismaha garsoor, maamul doorasho, iyo nabadgelyo lagu aamino karo fulinta doorasho xor iyo xalaal ah, iyo ku talagalka dhaqaalaha loo baahan yahay. Kutalagalka Miisaaniyadda GMDQ 2020 waa 3 milyan doolar.Doorashada xorta iyo xalaasha ah waxay markhaati fur u tahay in Madaxda Ummadda iyo Dowladda Soomaaliyamataleysa ay haystaansharciyadda iyo kalsoonida shacabka soomaaliyeed. Sharciga doorashada BFS ansixiyay wuxuu ka soo horjeeda nuxurka qodobka 11 ee dastuurka kmg kuna saabsan “Sinnaanta muwaadiniinta JFS.” Afarta (4)faqradood ee uu ka koobanyahay qodobka 11 waxay ku nuxnuuxsanayaan in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay leeyihiin waajib iyo xuquuq mid ah,ayna siman yihiin sharciga hortiisa. Qabiilka iyo qabiilnimadawaa dhaqan, dareen, caqiido,cudur la dagaalamaya dowladnimo ku dhisan qodobka 11 ee dastuurka kmg. Ammaankooban iyo dhalliilbaallaran Hoggaanka iyo Guddiga Golaha Shacbiga waxay mudan yihiin ammaan kooban marka la fiiriyo habka (process) diyaarinta iyo doodda sharciga doorashada oo aad uga wanaagsan qabyo qoraalkii sharci ee Xukuumadda u soo gudbiyay Golaha Shacbiga, kaasoo aad loo dhalliilay dhinac walba, muujiyayna daacad darrada MadaxdaXukuumaddaka qabto doorasho xalaal iyo xor ah. Nasiib darro, dadaalka BFS waxaa baabi’iyay qodobka 53 ee sharciga doorashada kuna saabsan “Dib u dhaca Doorashooyinka.”BFS wuxuu ku xadgubay dastuurka kmg, mabaadi’ida sharciga doorashada ku taxan qodobka 4aad, iyo taabagelinta nidaamka dimoqradi ah. Qodobka 53 wuxuu xoojiyay shakiga ah in Soomaaliya aysan ka dhaceyn doorasho heshiis lagu yahay 2020/2021.Waxaa halis ah in Beesha Caalamka mariso doorashada 2020/2021 tub qallocan. Warqadda taarikhdeedu tahay 6 Jannaayo 2020 ee Guddoomiyaha Golaha Shacbiga Xildhiban Maxamed Mursal Sheikh Cabduraxman uga jawaabay warqad taarikhdeedu tahay 27 Disember 2019 ee Wakiillada dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska, QM, iyo Midowga Yurubu soo direen, waxay ka hadleysa in Golaha Shacbiga wax ka qaban doono 6 qodob oo sharciga doorashada ku murugsan, kuwaaso kala ah (1) qaybinta kuraasta deegan doorasho, (2) xeerka doorashada xildhibannada Somaliland, (3) Diiwangelinta codbixiyayaasha, (4) qaybinta kuraasta Aqalka Sare, (5) ku dhawaaqidda natiijooyinka doorashada, iyo (6) iyo qoondada haweenka. Warqado is dhaafsiga dhexmartay Guddoomiyaha Golaha Shacbiga iyo Wakiillada Beesha Caalamka waxay muujineysa mugdiga badan ee ku jiro sharciga doorashada. Jawaabta Guddoomiyaha waxaa muuqda ismaaweelin. Faahfaahinta Sharciga Doorashada Sharcigu wuxuu ka kooban yahay 7 cutub oo kala ah: qodobbo guud, maamulka doorashooyinka, diiwan gelinta codbixiyayaasha, musharraxiinta iyo ololaha doorashooyinka xisbiyada, diyaar garowga doorashooyinka iyo codbixinta, tirinta codadka iyo natiijada doorashooyinka, iyo qodobbo qubane ah. 7 cutub waxaa hoos yimaada 58 qodob. Sida ku cad qodobka 1 ee sharciga doorashada, Magaca sharciga waa “sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federal,” taaso meesha ka saareysa doorashada dowlad goboleedyada iyo golayaasha dowladaha hoose, waxna ka beddeleysa qodobka 14 ee sharciga GMDQ L. 04 ee 02.04.2015. Qodobka 2aad wuxuu ku saabsan erey-bixinta 25 erey, waxaana si gaar ah u soo qaadanaya 4 erey bixin ee kala ah “Xisbi,” “Musharrax”“muwaadin,” iyo “deegaan doorasho.” Xisbi waxaa loola jeeda xisbi siyasadeed ama isbaheysi ay ku mideysan yihiin xisbiyo siyasadeed oo si rasmi ah loo diiwan geliyay iyadoo la raacayo qodobka 6 ee sharciga Xisbiyada lr. 19 ee 27 Juun 2016. Ilaa maanta waxaa khilaaf ba’aan ka taagan yahay in Xisbiyada ka furan karaan xafiisyo dowlad goboleedyada marka laga reebo Gobolka Benadir, halka ay xafiisyo ka furanayaan dalka dibeddiisa, taaso ah deg deg iyo maawelo. Musharrax waxaa loola jeeda musharrax u tartamaya xilka Madaxweynaha JFS iyo xubin ama kursi golayaasha BFS, musharraxaaso ku tartamaya magaca xisbi siyasadeed. Qodobka 88 ee dastuurka kmg kuna saabsan shuruudaha ka qaybgalka doorashada Madaxweynaha JFS kuma jirto in Madaxweynaha ka tirsanaado Xisbi, arrintaaso u baahan in si qoto dheer loo darso ayadoo la tixgelinayo xilka Madaxweynaha JFS ee ku qoran qodobka 87 ee dastuurka kmg. Muwaadin waxaa loola jeeda qof kasta oo buuxiya shuruudaha ku qoran dastuurka federaalka kmg iyo shuruucda kale ee xeerinaya. Qodobka 8 ee dastuurka kmg wuxuu dhigaya in muwaadinnimada JFS tahay mid keli ah oo aysan jirin dhowr muwaadinnimo, isla markaana BFS soo saari doono sharci gaar ah ee caddeynaya sida lagu kasban karo, lagu hakin karo ama lagu lumin karo muwaadinnimada. Waxaa xaaran ah in la abuuro muwaadinnimo deegan. Nasiib darro, BFS sooma saarin ilaa maanta sharciga muwaadinnimada. Qodobka 8 wuxuu kaloo caddeynaya inmuwaadinka soomaaliyeed oo qaata muwaadinnimo dal kale uu haysanayo muwaadinnimada JFS. Haseyeeshe, waxaa welwel iyo shaki weyn laga qabaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee haysta muwaadinnimada dalal ajnabi ah oo qabanaya xilalka qaarkood sida xilka Madaxweynaha, Golaha Wasiirrada, iyo BFSay daacad u noqon karaan difaaca danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa xaaran ah in muwaadinka soomaaliyeed laga qaato muwaadinnimadiisa arrimo siyasadeed dartood. Deegan-doorasho waxaa loola jeeda deegaan loo asteeyay in laga soo doorto hal kursi baarlamaan. JFS waxay yeelaneysa 275 deegan doorasho ee xildhibannada Golaha Shacbiga iyo 18 deegaan doorasho ee xildhibannada Aqalka Sare ah. Sida ku cad qodobka 111G (E) ee dastuurka kmg, GMDQ ayaa awood u leh inuu caymiyo “deegaan doorasho” (delimitation of constitutencies and wards). Qodobka 3 wuxuu ku saabsan yahay ujeedooyinka Sharciga doorashada oo ay ugu muhiimsan tahay qeexidda nidaamka doorashada (electoral model) iyo maamulka doorashada xubnaha BFS. Xilka GMDQ oo ah inuu maamulo doorashada Madaxweynaha JFS oo BFS mas’uulka ka yahay waxay carqalad ku tahay sarreynta hoggaaminta BFS. Xilka Madaxweynaha JFS oo ku qeexan qodobka 87 ee dastuurka kmg wuxuu dalbaya in Madaxweynaha JFS uusan ka tirsanaan Xisbi si uu u guto xilkiisa ah inuu ilaaliyo in dhammaan hay’adaha qaranka ku dhaqman dastuurka iyo sharciga. Dalka Talyaaniga iyo dalal kaleba waxay tijaabiyeen in 3da goor ee ugu horreysa codbixintadoorashada Madaxweynaha laga dhigo 2/3 halka midda 4 laga dhigo 50%+1. Tan kale,Xubnaha 2 Gole ee Barlamaanka Talyaaniga waxaa lagu kordhiya wakiillo dhan 58 ee ka socda Goballada oo ka qayb galaaya doorashada Madaxweynaha keli ah. Qodobka 4, Faqradda 3 waxay tilmaameysa in muwaadin kasta JFS u dhashay xaq u leeyahay inuu wax doorto,lana doorto takoor la’aan. Faqraddaan waxay taagereysa qodobka 11 ee sinnaanta muwadiniinta iyo nidaamka doorashada tartanka ku dhisan, waxayna ka soo horjeedanidaamka awood qaybsiga beelaha 4.5, qoondada 30% haweenka, iyo shardiga isu dheellitirka qaybaha kala duwan ee bulshada. Faqradda 7 ee qodobka 4 waxay xaarantimeyneysa in xafiiska, hantida iyo shaqaalaha dowladda loo isticmaalo taageridda xisbi ama musharrax doorasho.Haseyeeshe Madaxda Dowladda Federaalka waxay maanta la joogo ka soo horjeedaan qodobkaasdastuuriga ah. Qodobka 6 wuxuu ku saabsan yahay GMDQ oo maamulaya doorashada heerka federaalka ah. GMDQ waxaa lagu dhisay qaabka awood qaybsiga qabiilka oo BFS ansixiyay. Sharciga doorashada wuxuu ku dhisan yahay Xisbiyo. Sidaa darted, Xisbiyada waxay xaqa u leeyihiin inay xubno matalaya ku yeeshaan GMDQ. Qodobka 7, xarafka A wuxuu faraya in la sameeyo daraasad ku saabsan sidii loo sameyn lahaa goobo-doorasho oo ay codbixiyayaasha codkooda ka dhiiban karaan maalinta doorashada. Xarafka Bee isla qodobka 7 wuxuu tilmaamayaa in GMDQ go’aaminayo maalinta doorashooyinka la qabanayo, taaso ay ka dhalan karto khilaaf iyo qalalaase siyasadded. Sidaa darted, waxaa habboon in dastuurka iyo sharciga doorashada lagu xadido waqtiga doorashado dhacayso. Qodobka 8 wuxuu dhigaya in Madaxda ka howlgaleysa xarumaha goobaha doorashooyinka lagu hordhaarinayo xubno ka mid ah GMDQ. Waxaa ka habboon in hawlwadennada GMDQ lagu hordhaariyo Garsoore Maxkamadda qaabilsan doorashada. Qodobka 9 wuxuu caddeynaya xasaanadda xubnaha GMDQhoggaamiyo mabaadi’ida guud ee ay ka mid yihiin: ilaalinta midnimada iyo wadajirka JFS, mabaadi’ida nidaamka dimoqradiyadaa iyo federaalka, ilaalinta xuquuqda siyasadeed iyo dowga ay leeyihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyo in xilkooda ku gutaan dhexdhexaadnimo, cadaalad, hufnan, karti, anshax suuban. Nasiib darro, Xubnaha GMDQ isku duubnaan uma difaacan mabaadi’ida guud iyo madaxbannaanida GMDQ oo aad iyo aad muhiim ugu ah doorasho xor iyo xalaal ah. Qodobka 10 wuxuu qeexaya nidaamka doorasho oo ah nidaamka aqlabiyada(Majoritarian system) oo ku saleysan tartanka halkii kursiba gaarkiis loo dooranayo (single member plurality). Habkaan waxaa lagu kala baxayo codka hal dheeriga ah ee tartanka kursiga deegaanka, wuxuuna ka duwan yahay nidaamka nisbadaxisbiyada ee liiska xiran (Proportional Representation Closed List) oo Xukuumadda iyo GMDQ taagersanaayeen. Qodobka 11 wuxuu ku saabsan yahay shuruudaha doorashada Madaxweynaha JFS oo ku qeexan qodobbada 87 iyo 88 ee Dastuurka federaalka ee kmg. Qodobkaan waxaa lagu kordhiyay in Madaxweynaha la doorto uu Ra’iisul Wasaare ka soo magacaabayo Xisbiga ku guuleysta aqlabiyadda xildhibannada BFS 50%+1 iyo in Xukuumadda oo dhan hal mar weydiisaneyso BFS codka kalsoonida. Qodobka 12 ee ku saabsan doorashooyinka labada gole ee BFS wuxuu ka kooban yahay 8 Faqradood. Faqradda 1aad waxay tixraacaysa qodobbada 64 (3)iyo72 (c) ee dastuurka kmg ah, kuna wada saabsan isu dheelitirka matalaadda qaybaha bulshada, hase yeeshe waxay ka gaabsatayka hadalka qodobbada kala ah 72 (b) ku saabsan in dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka ay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro is la eg ah iyo qodobka 9 ee ku saabsan Magaalo Madaxda JFS, ahna Gobolka Benadir oo aan matalaad laheyn. Faqradda 2 waxay dhigaysa in doorashado ka dhacayso dalka oo dhan. Farqaddan waxay burineysa faqradda3 oo leh, “ilaaiyo inta laga gaarayo tirakoob rasmi ah oo ka dhacda dalka oo dhan, laguna saleynayo qaybinta kuraasta hab deegaann doorasho, doorashada 275 xildhibaan waxay ka dhacaysa meel kasta oo suuragal ah iyada oo la ilaalinayo hannaanka awood qaybsiga bulshada soomaaliyeed lagu heshiisay.” Faqraddaan waxaylaaleysadhammaan doorashada HQHCee sharciga doorashada ku saabsan yahay. Faqradda 4 Qaybinta kuraasta Aqalka Sare waxaa loo raacaya sida ku xusan qodobka 72aad oo ah 18 gobolka oo dalka ka jiray 1991 ka hor. Hase yeeshe, Golaha Shacbiga ma tixgelin shuruudaha ku qoran qodobka 72 ee dastuurka kmg iyo xaaladda gobollada Waqooyi (Somaliland) oo ku xusan faqradda 7 ee hoos ku xusan. Faqradda 5 waxay dhigaysa in dowlad goboleedyada si dhab ah u hirgeliyaan nuxurka awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed iyo isu dhellitirnaanta mataalada bulshada ee kuraasta Aqalka sare, taaso aan suura gal aheyn sababtoo ah gobol kasta waxaa loo tartamaya 3 kursi oo muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu u tartamo, dowlad goboleedyadana uusan xil ka saarneyn. Faqradda 6 waxay dhigaysa in doorashada labada gole ee BFS dhacayso si wadajir ah, codbixiyayaashuna hal mar wada dooranayn musharrixiinta labada Gole. Faqradda 7 waxay dhigeysa in doorashada xildhibannada labada gole ee ka soo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland), yeelaneyso habraac u gaar ah oo BFS soo saarayo. Faqradda 8 waxay jideyneysa in BFS ka mid ahaan doonaan xildhibanno madaxbannaann oo aan xisbi ka tirsaneyn haddii Xisbiga ay isku soo sharraxeen, kuna guuleysteen uusan helin tiro xildhibanno ka badan 13 xildhibaan. Arrintaas waxay albaabka u fureysa in BFS ka mid noqon karaan xildhibanno madaxbannaan (independent MPs). Sharciga kama hadlin Xildhibannada ka baxa Xisbiga lagu soo doortay. Qodoboka 13 lambarkiisa 1 wuxuu dhigaya in dhammaadka 4 sano walba dalka Soomaaliya ka dhacayso doorasho sida ku cad qodobka 60 ee dastuurka federaalka kmg ah, waxayna doorashada dhacaysa bil ka hor dhammaadka muddada 4 sano ee muddada BFS. Hase yeeshe, faqraddaanwaafaqasam dastuurka kmg ah waxaa burrinaya qodobka 53 ee sharciga doorashada iyo faqradda 2 ee isla qodobkaan oo oggolanaaya dib u dhigidda doorashada 4 sano kaddib. Faqradda 2 ee isla qodobka 13 waxay sheegaysa in GMDQ uu ku dhawaaqayo maalinta doorashada marka uu xaqiijiyo jiritaanka dhammaan xaaladaha suuragelinaya doorashada, taasoo loo fasiri karo in ku dhawaaqidda maalinta doorashada ku xiran tahay qiimeynta GMDQ, taaso ka soo horjeeda qodobka 60 ee dastuurka kmg oo faraya in 4 sano kasta dalka soomaaliya laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah. Ma jiro xildhibaan haysta sharciyad iyo xasaanad 4 sano ka badan haddii aan dib loo soo dooran. Waxaa khalad ah in la yiraahdo BFS waa shaqeynaya ilaa barlamaan kale laga soo doorto, taaso horseed u noqoneysa xukun dheereysi, qaadashadamushaar sharcidarro ah, iyo ka baaqashada fulinta waajibaadka qabashada doorashada muddeysan sida caadada noqotay. Lambarka 3 ee qodobka 13 wuxuu dhigaya in GMDQ ay ku dhawaqaayaan maalinta doorashada 180 maalmood ka hor waqtiga codbixinta qabsoomi doonto. Muddada Xildhibannada BFS 10aad ee hadda xilka haya waxay ku eg tahay 27/12/2020. Sidaa darted, doorashada BFS 11 waxay dhacaysa 27/11/2020 sida waafaqsan qodobka 12 (8). GMDQ waa inuu go’aanka maalinta doorashada dhacayso ku dhawaaqo 27/5/2020. Lambarka 4 ee qodobka 13 wuxuu dhigaya in Madaxweynaha JFS dekreto ku saarayo maalinta qabashada ama codbixinta doorashada 15 maalmood gudahooda marka GMDQ ku dhawaaqo maalinta doorashada dhacayso. Ayadoo laga waayo aragnimo qaadanayo musuqmaasuqa doorashooyinka ka dhaca dalalka Soomaaliya la midka ah, waxaa muhiim in dastuurka Federaalka lagu caddeeyo waqtiga doorashada. Qodobka 14 wuxuu dhigaya in JFS yeelaneyso diiwanka codbixiyayaashadalka oo dhan. GMDQ ayaa ka mas’uul ah diwangelinta, keydinta xogta diiwaanka iyo xafidaada xogta diiwanka. Codbixiyaha wuxuu codkiisa ka bixinaya meesha (goob deegaanka) uu iska diiwangeliyay. GMDQ ayaa xeer gaar ah ku soo saaraya wixii faahfaahin dheeraad ah ee loo baahdo. Qodobkaan waxaa laalay qodobka 12 (3) ee kor ku xusan. Qodobka 15 wuxuu ku saabsan yahay shuruudaha diiwangelinta. Lambarka 1 ee qodobkaan wuxuu dhigaya in is diiwaan gelinta codbixiyaha u furan tahay qofkasta oo soomali ah oo gaaray da’da 18 sano waqtiga diiwangelinta. Su’aasha taagan waxay tahay yaa Soomaali ah? Ma jiro sharci qeexaya arrintaas. Soomalinnimadu waxay hambaarsansan tahay fikrado wadannimo,dhalasho, gobannimo, luqad, lahjad, diin, dhaqan, deganaasho iyo lahaansho dhul, abtirsi, siyasad, nabadgelyo, difaac, iyo dhaqaale.Xarafka C wuxuu dhigaya in diiwangelinta codbixinta ka reeban yihiin dadka ajaanibta ah ee dalka ku sugan, taaso u baahan hab lagu xaqiijin karo. Sidaas oo kale Xarafka Dwuxuu dhigaya in diiwan gelinta ka reeban tahay qofka da’diisu ka hooseyso 18 sano, taaso u baahan in si rasmi ah loogu sugo da’da muwadinka oo ah inuu jiro diiwanka dadweynaha (population registry) oo bixinaya aqoonsiga qofka. Qodobka 16 lambarka 4 wuxuu dhigaya in qof kasta oo isku diiwan geliya cod-bixiye wuxuu maraya habka gaarka ee lagu aqoonsado qofka (Unique Biometric Identification (UBI)), hawshaaso u baahan sarreynta sharciga, maamul iyo shaqaale tayo sare leh, daacad ah, ka baqaya xukun adag iyo ciqaab dowladeed. Qodobka 17 lambarka 1 wuxuu dhigaya in GMDQ ku wargelinayo Madaxda Qaranka waqtiga la bilaabayo diiwangelinta inta aan la shaacin ka hor. Qodobkaan wuxuu qasaya qodobka 13 (1, 2, 3, 4). Shardiga wargelinta wuxuu abuuraya awood in Madaxda Qaranka ay hakin karto bilowga waqtiga diiwan gelinta sababo kala duwan, mana jiro qodob ku khasbaya Madaxda Sare in la bilaabo diiwan gelinta haddii aysan jirin sababo sharcigu horey u tilmaamay. Lambarka 6 wuxuu dhigaya in Xisbiyada u soo dirsan karaan wakiillo goobaha diiwangelinta codbixiyayaashasi ay ula socdaan. Haseyeeshe sharciga ma siinayo fursad iyo xuquuq ay ku joojin karaan takoor ama gaboodfal muwaadiniinta qaar looga reebayo diiwangelinta haddii ay la kulmaan. Ka qaygalka wakiillada xisbiyada waa ikhtiyaari. Qodobka 21 lambarka 1 wuxuu dhigaya in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisinta oo mas’uul ka ah diiwanka dadweynaha ay ka caawineyso GMDQ sugitaanka muwaadinka soomaaliyeed ee xaqa u leh in la diiwangeliyo marka GMDQ u baahdo. Sidoo kale, Wasaaradda Amniga waxay ka qayb qaadaneysa sugidda amniga iyo dejinta xasaradaha goobaha diiwangelinta codbixiyayaasha ka dhacda haddii GMDQ ka codsado. Qodobka 22 lambarka 1 wuxuu siinaya GMDQ inuu soo saaro liiska kmg ah ee codbixiyayaasha muddo 2 bilood laga bilaabo marka ay dhammaato diiwangelinta oo ay tahay inaysan ka dambeyn 27 Maajo 2020. Liiska kmg waa in la soo saaro 27 Luulyo 2020. GMDQ wuxuu soo saaraya liista kama dambeysta ah oo saxan 2 bilood ka hor maalinta doorashada taaso ku aadan 27 Setember 2020. Qodobka 23 lambarka 1 wuxuu dhigaya in xisbiyada sida rasmiga ah loogu diiwan geliyay ay ka qayb qaataan doorashooyinka. Sida ku cad qodobka 4 (d) ee sharciga Axsaabta siyaasadda, xisbiga kumeel gaar loo diiwan geliyay wuxuu shan (5) bilood gudahooda ka hor intaan doorashada bilaaban soo codsan karaa in si rasmi ah loo diiwan geliyo. Shuruudaha diiwan gelinta rasmiga ah ee Xisbiyada waxaa ugu muhiimsan in Xisbiyada siyaasaddayihiin dimoqradi, leh muqaal qaran, matala ugu yaraan 2/3 (12) ee 18 gobol ee dastuurka federaalka aqoonsan yahay, golayaasha fulinta Xisbiyada lagu doortay hab dimoqradi ah, ilaalinayaan, dhiirrigelinayaan midnimada qaranka, u hoggaansan yihiin mabaadi’ida dimoqradiyada ee maamul wanaaggsa, ilaalinaya xuquuqda bani’aadamka, dhowraya habdhaqanka siyaasadda ku tiirsan Xisbiyada badan. Xisbiyada siyaasadda waxaa ka reeban xagjirnimo, qabiil, lahjad, hayb, sinji, goboleysi iyo isneceybsiin bulshada, ciidammo hubeysan, ku lug-yeelasho qaadashada iyo bixinta laalush iyo musuqmaasuq, u isticmaalka hantida qaranka dano gaar ah ee la xiriira doorashooyinka. Xisbi kasta waxaa laga rabaa in ugu yaraan 10,000 codbixiyayaal ah ka diiwan gashadaan ugu yaraan sagaal (9) ka mid ah 18 gobol ee ku xusan qodobka 49aad, faqrada (1) ee dastuurka kmg. Waxaa jira farqi u dhexeya 9 iyo 12 gobol. Lambarka 3 ee isla qodobkaas wuxuu dhigaya in marka Xisbiyada soo xulayaan musharrixiinta uga qaybgalaysa doorashooyinka ay dhowraan isu dhellitirnaanta bulshada soomaaliyeed si waafaqsan qodobka 12 faqradda 3aad ee sharciga, taaso loola jeedo in la hubiyo qabiilka musharraxa sida ku xusan qodobka 6 (d) ee Sharciga Xisbiyada siyaasadda. Ma cadda ilaa heerkee ayaa faraca iyo awood qaybsiga qabiilka la tixgelinaya. Sidaas oo kale Xisbiyada Siyaasadda waa inay tixgeliyaan qoondada haweenka oo ah ugu yaraan 30% (boqolkiisa soddon) xubnaha musharrixiinta xisbi kasta.BFS ayaa xeer ka soo saaraya hannaanka ugu habboon ee lagu xaqiijinayo qoondada haweenka. Dhinaca kale, Sharciga Xisbiyada wuxuu faraya in Xisbiyada dhexdooda ka jiro nidaam dimoqradi ah oo ku dhisan tartan xalaal ah. Qodobka 28 (1) ee Sharciga Xisbiyada wuxuu faraya in Xisbi walba u gudbiyo diiwaangeliyaha Xisbiyada ee GMDQ 30 (soddon) maalmood ka hor liista guud ee Xubnihiisa inta uusan magacaabin xubnaha uga qaybgalaya doorashada. Liiska waa in lagu caddeeya hantida iyo deymaha xubnaha Xisbiga. Qodobka 24 lambarka 1 wuxuu dhigaya in qof kasta oo Soomali oo buuxiyay shuruudaha sharciga tilmaamay inuu xaq u leeyahay in la doorto waxna doorto sida ku cad qodobka 22 (2) ee dastuurka kmg. Lambarka 2 ee isla qodobka wuxuu leeyahay in musharrax doorasho u taagan noqon karo qof kasta oo shuruudaha musharraxnimada buuxiyay isla markaana uu xisbi soo sharraxay. Lambarka 3 Xisbiyada ayaa magacaabaya musharrixiinta doorashada uga qaybgaleysa si waafaqsan dastuurkooda xisbi. Qodobka 25 lambarka 1 wuxuu dhigaya in musharraxa u tartamaya xubnaha barlamaanka federaalka laga rabo inuu buuxiyo shuruudaha ku xusan qodobka 58aad ee dastuurka kmg sidaahaanshaha muwaadin JFS, maskax fiyow, ugu yaraan jira 25 sano, shahaado dugsiga sare ama waayo aragnimo u dhiganta, yahay codbixiye diiwan gashan, ku dhicin xukun 5 sano ee la soo dhaafay, qoraal shakhsi ah uu ku aqbalayo musharraxnimada Xisbiga iyo ballanqaad inuu dhowrayo xeerarka iyo anshaxa doorashada iyo inuu bixiyo lacag u dhiganta US$ 2,000.00 (labo kun doolar) oo lagu shubayo khasnaddad dowladda dhexe oo aan la soo celineyn. Qodobka 26 lambarka 1 wuxuu dhigaya in Xisbiyada soo gudbiyaan magacyada musharrixinta uga qayb galeysa doorashada 120 (boqol iyo labaatan) maalmood oo shaqo ah ka hor maalinta doorashada, taaso u dhiganta 4 bilood, kuna aadan 27 Luulyo 2020. Lambarka 2 ee isla qodobka wuxuu faraya Xisbiyada inay soo gudbiyaan magaca musharraxa oo afaran, magaca hooyada, da’da iyo deegaanka. Sharciga ma dalbanayo in Xisbiyada soo gudbiyaan beelaha musharraxiinta sida uu dhigayo sharciga Xisbiyada siyaasadda. Sidaa darted, ma cadda sida GMDQ ku hubin karo isu dheellitirka bulshada Soomaaliyeed sida ku qoran qodobka 64 (3) iyo 72 (C) ee dastuurka iyo qodobka 12 (5) ee sharciga doorashada. Qodobka 27 lambarrada 1 iyo 2 waxay farayaan Xisbiyada inay si caddaalad ah u kala saaran musharrixiinta marka ay soo xulayaan, isla markaana hubiyaan in musharraxiinta buuxiyeen shuruudaha sharciga tilmaamay iyo in kale iyo inay xilka iyo mas’uuliyadda loo idmanayo u gudan karaan si hufan oo habboon. Fulinta mas’uuliyadda ku qoran faqradahaan waxay u baahan tahay cabbir iyo tusaalayaal. GMDQ wuxuu baaraya musharrax kasta, wuxuuma 6 maalmo shaqo gudahood ku ansixinaya ama ku diidaya liiska musharraxiinta loo soo gudbiyay. Xisbiyada waxay haystaaan 14 maalmood inay ku soo dhammeystiraan musharrixiinta GMDQ soo diiday. Qodobka 28 lambarka 1 wuxuu dhigaya in musharrixiinta xisbiyada summad u noqoneyso astaanta Xisbiga soo sharraxay. Madaama nidaamka doorasho ee la qaatay yahay Horreeya Guuleystaha (FPTP) waa lagama maarmaan in magacyada iyo sawirrada musharrixinta lagu hoos dhigo Astaanta Xisbiga soo sharraxay si cod bixiyayaasha u kala doortaan musharrixiinta. Qodobka 29 lambarka 29 wuxuu dhigaya in olalaha doorashada soconeyso 45 maalmood, ayna dhammaaneyso 48 ka hor maalinta codbixinta. Sidaa awgeed, ololaha doorashada wuxuu bilaabmayaa 11 Oktoobar 2020, wuxuuna dhammaanaya 24 Nofember 2020. Qodobka 30 lambarka 1 wuxuu mamnuucay in ololaha doorashada lagu qabto agagaarka iyo gudaha masaajidyada, goobaha caafimaadka iyo waxbarashada, iyo meelaha aan ku habbooneyn ololaha doorashada. Xisbiyada waxaa laga reebay inay ku ololeeyaan arrimo keeni kara kicin qabyaaladeed iyo kooxaysi diimeed oo abuuri kara fitno iyo khilaaf. Lambarka 5 ee isla qodobka wuxuu Xisbiyada ka mamnuucay in Xisbi si gaar ah u isticmaalo u adeegsado hantida ummadda ololaha doorashada kuna takrifalo dhaqaalaha dalka. Si loo xaqiijiyo qodobkaan, waxaa muhiim ah in hay’adaha Maamulka hantida Ummadda u xilsaaran lagu khasbo daahfurnaan iyo la xisaabtan dhab ah, joogto ah. Lambarka 6 wuxuu dhigaya in xisbiyada si siman u isticmaalaan warbaahinta dowladda iyo fagaarayaasha laysugu soo baxo muddada ololaha doorashada socdo. Lambarka 7 ee isla qodobkaas wuxuu Xisbiyada ku tartamaya doorashooyinka ka reebay in dhaqaale shisheeye u isticmaalaan ololaha doorashada sida uu qabo qodobka26 (1) ee sharciga xisbiyadalambar 19 ee 27 Juun 2016. Qodobka 42 muddada codbixinta waa hal maalin oo ka bilaabmeysa 6:00 am to 6:00 pm maqrinimo, laguna dooranayo 275 xubin ee Golaha Shacbiga iyo 54 xubin ee Aqalka Sare. Qodobka 43 ee ku saabsan cabashooyinka wuxuu dhigaya in wixii cabasho ah ee laga qabo maamulka goobta codbixinta loo gudbinayo xarunta ka sarreysa goobta si qoraal ah. Qodobka 48 (8) ee Sharciga doorashada wuxuu dhigaya in GMDQ go’aan ka gaarayo cabashooyinka la xiriira natiijada doorashada toddaba (7) maalmood shaqo gudahooda oo ka bilaabata maalinta xigta marka ay dhammaato codbixinta. Qodobka 48 lambarka 3 wuxuu dhigaya in Maamulaha Xarunta ku dhawaaqayo natiijada doorashada musharraxa ku guuleystay kursiga xildhibannanada marka uu isu geeyo tirada codbixinta rasmiga ah ee dhammaan goobaha hoos yimaada Xarunta deegan doorasho. Lambarka 5 ee isla qodobkaas, Maamulaha Xarunta wuxuu ku wareejinaya GMDQ heer Dowlad Goboleed natiijada codadka goobaha Xarunta hoos yimaada ee ay kala heleen tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare. Natiijada doorashada kuraasta Aqalka Sare ee dowlad goboleedka waxaa ku dhawaaqaya Madaxa Xafiiska GMDQ ee Dowlad Goboleedka ka howlgala. Lambarka 7 wuxuu caddeynaya in doorashada kursiga musharrixiinta hela codad isla eg lagu celinayo muddo 30 maalmood gudahooda ah. Qodobka 49 lambarka 1 wuxuu dhigaya in Xisbiyada ku kala guuleysanayaan tirada musharrixiinta xildhibannada ku guuleysta doorashada. Xisbiga ka gudba xaddi hoosaadka (threshold) oo hela ka badan 13 xildhibaan wuxuu ahaanaya xisbi qaran. Lambarka 4 ee isla qodobka wuxuu dhigaya xubinta lumisa xubinnimada BFSwaxaa beddelaya qofka doorashada hore ku xigay sida ku qoran qodobka 59(2) ee dastuurka kmg. Qodobka 50 wuxuu ku saabsan yahay dacwadaha doorashada. Khilaafka la xiriira doorashada waxaa ka garnaqaya GMDQ sida uu dhigayo qodobka 111G (2(G)) ee dastuurka kmg iyo qodobka 14(8) ee sharciga GMDQ. Cabashooyinka go’aannada maamul ee ka soo baxa GMDQ waxaa racfaan looga qaadan karaa Maxkamadda Sare ee dalka. Dacwadaha Maxkamadaha u gudbi kara waa kuwa la xiriira xaqa codbixinta, xaqa ka qaybgalka doorashada, iyo go’aanka kama dambeysta ah ee ee natiijada doorashada. Dacwdaha la xiriira xaqa codbixinta iyo xaqa ka qaybgalka doorashada waxaa loo gudbinaya Maxkamadda Gobolka. Dacwadaha la xiriira go’aanka kama dambeysta ah ee natiijada doorashada waxaa loo gudbinaya Maxkamadda Sare ee dalka.Qodobkaan wuxuu carqaladeynayaa awoodda garsoorka ee JFS oo u kala qaybsan Maxkamadda Sare ee heer Federal iyo mid Heer Dowlad Goboleed. Qodobka 51 wuxuu ku saabsan dambiyada iyo ciqaabaha ka dhalanaya jabinta sharciga doorashada. Lambarka 2 ee qodobka wuxuu dhigaya in qofka aan u dhalan JFS oo isku diiwan geliya codbixiye ama ay caddaatay inuu sifo qaldan isku diiwangeliyay wuxuu muteysanaya ciqaab aan ka yareyn 6 bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo qaddarkiisa maxkamadda awoodda u leh go’aamin doonto. Ma cadda Maxkamadda ama Maxkamadaha qaadaya dacwooyinka la xiriira jabinta sharciga doorashada. Qodobkaan dambiyada iyo ciqaabaha lama waafajin qodobbada 108 ee dastuurka kmg ee ku saabsan qaabka Maxkamadaha dalka. Weli BFS ma hirgelin qodobka 109 (3) ee ku saabsan soo saaridda sharci qeexaya wada shaqeynta Maxkamdaha heerka federaalka iyo Maxkamadaha dowlad goboleedyada. Qodobka 53 wuxuu ku saabsan yahay “Dib u Dhaca Doorashooyinka.” Lambarka 2 ee qodobka wuxuu amraya GMDQ inuu labada gole ee BFS hor keeno jadwalka, xogta iyo waxyaabaha lagama maarmaarnka u ah qabsoomida doorashada 2020 sida ku xusan qodobka 13 faqradda 3aad ee sharciga doorashada kaddib marka Aqalka Sare ansixiyo, saxiixo Madaxweynaha JFS, laguna faafiyo buugga sharicyada. Lambarka 3 ee isla qodobkaan wuxuu GMDQ u oggolanaaya inuu soo codsado 60 maalin(2 bilood) kaddib marka sharcigu dhaqangal noqdo, taaso macnaheedu yahay in GMDQ dib uga dhaco ku dhawaaqidda maalinta codbixinta doorashada 27 Maajo 2020. Lambarka 4 ee qodobka 53, BFS wuxuu isa siiyay awoodda ah inuu go’aan ka gaarayo qabasho la’aanta doorashada, taaso macnaheedu yahay waqti kororsi, taaso ay dhalaneyso khilaaf siyasadeed ama doorasho musuqmaasuqa ah oo bohol ku ridda dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed. Dr. Maxamud M. Culusow Afeef: Qoraallka waa iska leh qoraaga ku saxiixan Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxaa u safar la xiriira arrimaha amniga ugu baxay dalka Eritrea. Goobjoog News ayaa ogaatay in Farmaajo ujeedooyinka uu Asmaro u tagayo ay ugu muhiimsan yihiin labo arrin: 1. Inuu tababar u soo xiro ciidamo gaar ah uu horay halkaasi ugu diray kuwaas oo sida la sheegayo dhameystay arrimihii loo diray. 2. Inuu heshiis cusub oo tababarro iyo iskaashi amni la soo galo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Ciidamada inta badan loo diro dalka Eritrea waxay dad’doodu u dhaxeyaan 15-25, qaarkood waa la qasbay sida ay Goobjoog News u sheegay qaar ka tirsan waalidiinta caruurtoodu halkaasi jiraan. Ciidamada la soo tababarayo ayaa isugu jira NISA iyo kuwoo gaar ah oo dowladdu dooneyso iney u adeegsato dano gaar ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada gaarka ah ee lagu soo tababarayo Eritrea ay yihiin ciidamo loogu talogalay doorashada dalka ka dhici-doonta dabayaaqada sanadkan iyo horraanta sanadka soo socda. Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir soke, oo aan la fahmeyn waxaa uu la leeyahay kaligiitaliyaha Eritrea Isaias Afwerki, heshiiska amni ee hore lalama wadaagin baarlamaanka federaalka ah iyo shacabkaba. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Hay’adda Horumarinta Kalmooyinka ee dalka Turkiga (TIKA) ayaa shaacisay inay Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgelinayso mashaariic kor loogu qaadayo dhinaca Beeraha. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda Horumarinta Kaalmooyinka Turkiga oo sheegtay inay Somaliland ka fulinayso mashruuc looga gol leeyahay kor u qaadista tayada iyo tirada dallagyada beeraha iyo xoolaha si looga gaashaanto mustaqbalka saameynta abaaraha. Warku wuxuu intaas ku daray in Masuuliyiinta Hay’adda TIKA ay 100 xubnood oo ka mid ah Beeraleyda Khudrada ee Gabiley ku wareejiyeen 40 kiilo oo ah siidhka Tamaandhada, basbaaska iyo sunta cayayaanka iyo bacrimiyeyaasha beeraha. Isku-duwaha Hay’adda TIKA u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Galip Yılmaz ayaa sheegay inuu beeralayda u rajaynayo in wax-soosaarkoodu noqdo mid waxtar leh oo ay ka faa’iidaystaan taageerada Turkiga. Masuulkaa ka socday Hay’addaas Turkiga ah ayaa balanqaaday in dawladiisu sii wadayso inay taageerto dadka reer Somaliland. Hay’adda TIKA waxay xustay in wejiga labaad ee Mashruuca ay ku saacidayaan beeralayda Gabiley uu noqon doono inay si casri ah u tababari doonaan beerlayda iyo inay siiyaan qalabkii u dambeeyey ee loo adeegasado beeraha. Geesta kalena, Isku-duwaha Wasaaradda horumarinta Beeraha ee Gabiley Maxamed Maxamuud ayaa Hay’adda TIKA uga mahadceliyey taageerada ay siinayaan beeraleyda gobolkaas. Source
  12. Garoowe (Caasimadda Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa dhamaan waxaa looga soo horjeestay Sharciga Batroolka ama Shidaalka Soomaaliya oo ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Sooomaaliya. Maamulka Puntland ayaa sheegay in sharciga Batroolka ee Baarlamaanka ansixiyey uu ka hor-imaanayo dastuurka dalka & hehsiisyada soo socda. Qoraalka ka soo baxay Puntland ayaa Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Sharciga Batroolka ee la ansixiyey uu hoos u dhigayo Awooda Siyaasadeed, Dhaqaale iyo mid Maamul ee Dowlad Goboleedka Puntland. Puntland ayaa sheegtay in ay ku dhaqmayso heshiisyadii hore ee Dowlada iyo Dowlad Goboleedyada dalka ay ka gaareen Shidaalka ay qaybsiga kheyraad Soomaaliya isla markaana aysan dhaqan gali doonin sharciga ay labada aqal Ansixiyeen. Halkaan hoose ka akhriso Waraaqda kasoo baxay Puntland
  13. (SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa tallaabo aan la aqbali karin ku qeexday go’aan jabhadda Cafarta dalkaas ee FRUD armé loogu ogolaaday inay xafiis ka furato gudaha dalka Itoobiya. Taliyaha ciidamada Jabuuti Zakria Checik Ibrahim oo dhowaan la kulmay dhiggiisa Itoobiya Adem Mohammed ayaa waxa uu cabasho kaga muujiyey inuu maamulka Cafarta dalka Itoobiya ee ANRS uu jabhadda FRUD armé u ogolaaday inay xafiis ka furato halkaas. Jabuuti ayaa rumeysan in qorshaha xafiiskaas uu yahay in lagu qoro dagaalyahanno Cafar Itoobiyaan ah oo jabhadda FRUD armé kala qeyb gala dagaal ka dhan ah dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Taliyaha ciidamada Itoobiya Adem Mohammed ayaa u sheegay dhiggiisa Jabuuti in ayna hayn wax xog ah oo ku saabsan furitaanka xafiiskaas, islamarkaana uu ku kalsoon yahay in hoggaanka Cafarta Itoobiya aysan sidaas sameeneyn. Taa beddelkeeda, Jeneral Adem Mohammed ayaa ku eedeeyey ciidamada Jabuuti inay ka qeyb galeen dagaal dhex maray maleeshiyada Cafarta iyo Ciisaha, islamarkaana qaarkood ay qabteen maamulka Cafarta Itoobiya. Mar la weydiiyey in haddii ay jiraan ciidamadaas uu usoo gacan geliyo Jabuuti, Jeneral Adem ayaa ka aamusay. Dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka walaacsan in haddii Cafarta dalkiisa ay taageero ka helaan tan Itoobiya ay halis xooggan ku noqon karaan. Source
  14. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maanta oo Jimce ah u safri doona magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa la xidhiidha arrimo ku saabsan iskaashiga Gobolka iyo xaalado muddooyinkii u dambeeyay soo kordhay. Soomaaliya ayaa qeyb ka ah Isbaheysiga saddex geesoodka ee Eritrea iyo Itoobiya ee Is dhex galka iyo Iskaashiga Gobolka, sidoo kale Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ka mid ah Isbaheysiga cusub ee dalalka ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Caddan oo dhowaan Wasiirada Arrimaha dibadda ee 8 waddan ku kulmeen Magaalada Riyadh. Dowladda Eritrea ayaa muddooyinkii u dambeeyay loo arkayay inay heysay malafka arrimaha Gobolka ee danaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ay leeyihiin, iyadoo bishii hore Madaxweyne Isaias Afwerki uu booqasho ku tagay Imaaraadka Carabta, maalmo kaddibna waxaa uu tagay Addis Ababa. Eritrea ayaa bishii November ee sanadkii hore ku eedeysay Qatar inay dalkeeda ka wado xasillooni darro iyo kacdoon ay dooneyso inay ku kiciso dhalinyarada, abuurista falal amni darro oo ay ka mid tahay sameynta Kooxo shirqoolo dilal ku fuliya Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha sare. Dowladda Soomaaliya ayaa xulufo dhow la ah dalka Qatar oo ka taageer dhinacyo kala duwan oo dhaqaalaha ugu weyn yahay. Source
  15. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u dhoofay dalka Eritrea, maanta oo Jimce ah. Ujeedka socdaalka Farmaajo oo aan wali si rasmi ah loo ogayn ayaa yimid kadib casuumaad oo ka helay dhigiisa waddankaas. Isias Afawerki iyo Farmaajo ayaa lagu waddaa in ay yeeshaan kulamo laba geesood ah oo looga hadlayo arrimo badan oo ku aadan gobolka. Madaxtooyadda Soomaaliya oo fahfaahino kooban kasoo saartay safarka madaxweynaha ayaa shaacisay in lagu xoojinayo xiriirka labada dal. Eritrea ayaa kamid noqotay dowladaha saaxiibka dhow la ah dowladda Farmaajo, waxaana ay kawada tirsan yihiin iskaashiga dhaqaale ee gobolka. View the full article
  16. (SLT-Baghdad)-Jaajuusiin la shaqeeya Mareykanka oo ku kala sugan garoomada diyaaradaha ee Damascus iyo Baghdad ayaa ka caawiyey Mareykanka inuu helo xogta safar ee Jeneral Qasem Soleimani, kadibna dilo, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters. Soleimani iyo afar ilaalo ah oo ka tirsan Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa diyaaradda Cham Wings kasoo raacay magaalada Damascus, kadibna soo aaday Baghdad. Soleimani ayaa ku safrayey diyaarad rakaab ah, isaga oo ka fogaaday inuu adeegsado diyaarad gaar ah, si aan loo beegsan. Sidoo kale, Soleimani iyo ilaaladiisaba marnaba laguma darin xogta rakaabka diyaaradda, si aan looga war-helin. Sidaas oo ay tahay, Soleimani ayaa markii uu yimid Baghdad, oo ay soo galbniyeen kolonyo ka kooban laba baabuur, waxaa lagu dhuftay laguna dilay gantaal ay soo rideen Mareykanka. Baadhayaasha Ciraq ee kiiskan ayaa rumeysan in dad ka shaqeeya garoomada diyaaradaha ee Baghdad iyo Damascus balse si hoose jaajuusiin ugu ah Mareykanka ee gudbiyeen xogtiisa. Baadhitaanka kiiskan ayaa waxaa hoggaaminaya Falih Al-Fayadh oo ah la-taliyaha amniga qaranka Iraq. Dadka la tuhunsan yahay waxaa ku jira laba saraakiil amni oo ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Baghdad, laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda diyaaradaha ee Cham Wings, jaajuus ka shaqeeya garoonka Damuscus, iyo qof kale. Hay’adda sirdoonla Iraq ayaa rumeysan in lixdan qof, oo aan weli la xidhin, ay qeyb ka yihiin shabakad jaajuusiin ah, oo si hoose ula shaqeeya Millatariga Mareykanka, islamarkaana u gudbiya xogaha muhiimka ah. Labada shaqaale ee shirkadda Cham Wings ayaa waxaa sidoo kale baadhitaan ku haya sirdoonka Syria, sida ay laba sarkaal oo amni u sheegeen Reuters. Natiijada horudhaca ah ee baadhitaanka ayaa muujineysa in xogtii ugu horreysay ee Soleimani ay soo gudbiyeen kooxda garoonka diyaaradaha Damascus, sida uu sheegay sarkaal amni. Shaqada unuga sirdoonka ee garoonka Baghdahd ayaa kadib ahayd inay xaqiijiyeen imaanshihiisa iyo nooca kolonyada baabuur ee uu ku safrayey. Markii intaas xog ah loo gudbiyey Mareykanka, durba waxaa soo kacday diyaarad drone ah, oo dhowr gantaal ku dhufatay kolonyada uu la socda Soleimani, oo uu ka mid ahaa Abu Mahdi Muhandis, oo ahaa hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Shiicada ee Al-Shaxd Al-Shacab ee dalka Iraq. Guud ahaan waxaa goobta ku dhintay labadooda iyo 8 qof oo kale oo ilaalo ahaa. Source
  17. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku baaqay shir ay yeeshaan madaxda maamulada iyo dowladda federaalka. Deni oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaaladda Garowe ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel layska dhigo khilaafka shaqsiga ah. Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayuu cod dheer ku qeexay in waqti xaadirkan ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo wada-hadalo. Dhinaca kale, maamulkiisa ayuu sheegay in uu gebi ahaanba kasoo horjeedo sharciga doorashooyinka iyo batroolka. Xeerarkan, oo muhiim u ah waddanka, ayaa waxaa dhowaan meelmariyey Xildhibaanadda labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Hoos ka akhriso qoraalka Puntland ee sharciyada View the full article
  18. Dowladda Puntland, ayaa si rasmiya u qaaddacday Sharciga Batroolka Soomaaliya, oo ay meel-mariyeen labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Sharciga Batroolka uusan waafaqsaneyn mabaadi’ida ku xusan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaanna qodobkiisa 44-aad oo qeexaya in qeyb-siga Khayraadka Dabiicig ah uu noqdo mid ku dhisan Wada-xaajood dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale, qoraalka waxa lagu caddeeyay, in Sahrcigaasi uu ka hor-imaanayo qodobka 54-aad ee Dastuurka Puntland oo dhigaya in Khayraadka Dabiiciga ah ee ku duugan dhulka Puntland, ay ilaalintiisa iyo ka faa’ideysigiisa mas’uul ka tahay dowladda Puntland. Dowladda Puntland waxay sheegtay in aysan qeyb ka noqon doonin dhaqan-gelinta Sharcigaasi, ilaa inta ay wada-hadal isaga imaanayaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-xaajoodo sharciga. Hoos ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo si rasmiya u qaaddacday Sharciga Batroolka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa wuxuu soo jeediyay in hadal laga gaaro xiriirka liita ee dowladda iyo maamulada. Axmed Madoobe ayaa si gaar ah walaac wuxuu uga muujiyey wadashaqayn la’aanta xukuumadda iyo dowlad goboleedyadda. Tani ayuu tilmaamay in ay saameyn ku yeelatay amniga iyo arrimaha doorashooyinka ee sanadka dambe 2020-ka. Hadalkan ayuu Axmed Madoobe ka sheegay shirka golaha wasiiradda Jubaland oo shalay ka dhacay magaaladda Kismaayo. Dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyadda ayaa waxaa nan ka dhaxeynin xiriir wanaagsan, waxaana la digayaa inay sii jirto. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in uu tartamo kala duwan u qabanayo degmooyinka gobolka. Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], gudoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho, ayaa arrintaan ku dhawaaqay. Tartamadda oo uu xusay in ay ka qeyb-qaadanayaan xasiloonida iyo is-dhexgalka ayaa isugu jira hal-buurka iyo hibada. Cumar Filish oo aan soo bandhigin waqtiga sida rasmiga loo bilaabi doono ayaa cod dheer ku sheegay in qorshihiisu socoto. Hadalkan ayuu gudoomiyuhu ka sheegay munaasabad xariga looga jarayey xarunta cusub ee degmada Howlwadaag dib loo dhisay. View the full article
  21. (SLT-Tehran)-Warbaahinta Maraykanka ayaa daabacay in diyaaradii ku dhacday meel ku dhow magaalada Tehran ayna ku dhinteen dhammaan dadkii saarnaa oo gaadhayay 176 qof ay si khaldan u soo rideen ciidamada Iran. Saraakiil Maraykan ah ayaa u sheegay CBS in ay rumeysan yihiin in diyaarada oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 uu ku dhacay gantaal. Dowlada Ukraine ayaa hore u sheegtay in ay baadhayaan in gantaal uu soo ridey diyaaradan,balse xukuumada Iran ayaa diiday sheegashada. Burburka diyaarada ayaa yimid saacado yar kadib markii dowlada Iran ay gantaalo ku ridey labo saldhig ay ciidamada Maraykanka ee dalka Ciraaq. Taleefishinka CBS News ayaa ka soo xigtey sirdoon Maraykan ah in muuqaalo la arkay ay muujinayaan in walxo ka firidhay gantaal ay ku dhaceen diyaarada laga lahaa dalka Ukraine. Wargeyska Newsweek ayaa waxa ay ka xigteen Pentagon iyo sirdoon sare oo Maraykan ah iyo weliba sirdoonka Ciraaq inay sheegeen inay aaminsan yihiin in diyaarada Ukraine ay soo ridey gantaalka lagu farsameeyo dalka Ruushka ee Tor. Warkan ayaa soo shaac baxay iyadoo dowlada Iran ay sheegtay in ayna oggolaan doonin inay u dhiibto dowlada Maraykanka sanduuqa madow ee codka duuba ee ku rakibnaa diyaarada laga lahaa Ukraine. Source
  22. Gedo (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo horleh oo milatari waxay ka dejisay degaano ka tirsan gobolka Gedo. Sidda ay wararku sheegayaan ciidamaddan ayaa waxaa halkaas lagu geeyay diyaarad gaar ah oo ka qaadey magaaladda Muqdisho. Ma cadda sababta ka dambeysa arrintaan. Saraakiisha ayaa ku sheegay in ay qayb ka noqon doonan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xorreynta degaano badan. Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay ku howlanayd sidii ay u dhaqan-gelin lahayd qorsheyaasheeda dhanka ammaanka. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-10012020-sax.mp3 View the full article
  24. Tehran (Caasimadda Online) – Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay in diyaaradii dhawaan kusoo dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas. Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineysa in gantaal ay riday Dowladda Iran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran. Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegay in loo baahan yahay in baaritaan qotodheer lagu sameeyo waxa sababay shilka diyaaradda oo ay ku dhinteen 176 qof ee saarnaa. Trudeau ayaa sheegay in ay hayaan maclumaad dhanka sirdoonka ah oo ku aadan arrintaas. “Caddeymo aan ka helnay sirdoonka xulafadeena iyo kuweenaba waxay muujinayaan in diyaaradda dhacday uu soo riday gantaal ay gantay Iran, waxayna arrinta ahayd mid si ula kac ah loo sameeyay”, ayuu ra’iisul wasaaraha Canada. Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee dalka Ukraine ayaa dhacday saacado un kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq. Sidoo kale warbaahinta Mareyknka ayaa tabisay in dowladda Iiraan ay si kama’ ah u soo ridday diyaaraddii rakaabka ahayd ee laga lahaa Ukraine.
  25. Baghdad (Caasimada Online) – Jaajuusiin la shaqeeya Mareykanka oo ku kala sugan garoomada diyaaradaha ee Damascus iyo Baghdad ayaa ka caawiyey Mareykanka inuu helo xogta safar ee Jeneral Qasem Soleimani, kadibna dilo, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Reuters. Soleimani iyo afar ilaalo ah oo ka tirsan Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa diyaaradda Cham Wings kasoo raacay magaalada Damascus, kadibna soo aaday Baghdad. Soleimani ayaa ku safrayey diyaarad rakaab ah, isaga oo ka fogaaday inuu adeegsado diyaarad gaar ah, si aan loo beegsan. Sidoo kale, Soleimani iyo ilaaladiisaba marnaba laguma darin xogta rakaabka diyaaradda, si aan looga war-helin. Sidaas oo ay tahay, Soleimani ayaa markii uu yimid Baghdad, oo ay soo galbniyeen kolonyo ka kooban laba baabuur, waxaa lagu dhuftay laguna dilay gantaal ay soo rideen Mareykanka. Baarayaasha Iraq ee kiiskan ayaa rumeysan in dad ka shaqeeya garoomada diyaaradaha ee Baghdad iyo Damascus balse si hoose jaajuusiin ugu ah Mareykanka ee gudbiyeen xogtiisa. Baaritaanka kiiskan ayaa waxaa hoggaaminaya Falih Al-Fayadh oo ah la-taliyaha amniga qaranka Iraq. Dadka la tuhunsan yahay waxaa ku jira laba saraakiil amni oo ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Baghdad, laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda diyaaradaha ee Cham Wings, jaajuus ka shaqeeya garoonka Damuscus, iyo qof kale. Hay’adda sirdoonla Iraq ayaa rumeysan in lixdan qof, oo aan weli la xirin, ay qeyb ka yihiin shabakad jaajuusiin ah, oo si hoose ula shaqeeya Militariga Mareykanka, islamarkaana u gudbiya xogaha muhiimka ah. Labada shaqaale ee shirkadda Cham Wings ayaa waxaa sidoo kale baaritaan ku haya sirdoonka Syria, sida ay laba sarkaal oo amni u sheegeen Reuters. Natiijada horudhaca ah ee baaritaanka ayaa muujineysa in xogtii ugu horreysay ee Soleimani ay soo gudbiyeen kooxda garoonka diyaaradaha Damascus, sida uu sheegay sarkaal amni. Shaqada unuga sirdoonka ee garoonka Baghdahd ayaa kadib ahayd inay xaqiijiyeen imaanshihiisa iyo nooca kolonyada baabuur ee uu ku safrayey. Markii intaas xog ah loo gudbiyey Mareykanka, durba waxaa soo kacday diyaarad drone ah, oo dhowr gantaal ku dhufatay kolonyada uu la socda Soleimani, oo uu ka mid ahaa Abu Mahdi Muhandis, oo ahaa hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Shiicada ee Al-Shaxd Al-Shacab ee dalka Iraq. Guud ahaan waxaa goobta ku dhintay labadooda iyo 8 qof oo kale oo ilaalo ahaa.