-
Content Count
214,264 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Boosaaso)-Dabley hubaysan ayaa askari katirsan ciidanka taraafikada Puntland ku dilay badhtamaha magaalada Bosaaso. Cumar Xaaji Yuusuf, oo ahaa askari caan ka ah Boosaaso, ayaa lagu dilay agagaarka xarunta dowladda hoose, maanta barqadii, kadib markii rag ku hubaysan bastoolado ay rasaas la dhaceen. Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in dilayaashu baxsadeen booliiskuna uu goobta gaadhay markii uu falku dhacay. Lama oga cidda falkaan ka dambeysay, hase yeeshee Al-shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay dilal qorshaysan ka geysanaysay magaalada Boosaaso, oo sannadihii ugu dambeeyay ammaankeedu sii xumaanayay. Maalmo kahor maxkamadda ciidammada Puntland, ayaa dil ku xukuntay rag katirsan Al-shabaab iyo Daacish oo Boosaaso ku dilay askar iyo saraakiil ciidan. Source
-
PRESS STATEMENT 01/2020 UN Special Representative James Swan speaks to the press during visit to Hargeisa -9 January 2020 Good morning and Happy New Year to all of you. I thank President Musa Bihi Abdi, his team, and the people of Somaliland for their warm welcome. I last visited Hargeisa six months ago. I intend to continue to visit regularly for discussions with senior officials as well as non-governmental actors on developments in Somaliland. The United Nations maintains a full-time office in Hargeisa and implements a wide range of programmes to benefit the people of Somaliland. During this visit, I was honoured to meet with President Bihi and members of his cabinet, civil society representatives, political party leaders, and international partners working in Somaliland. I also visited a disability skills project and a wildlife rescue project. The United Nations welcomes initiatives aimed at building mutual confidence and fostering dialogue between Hargeisa and Mogadishu. We believe there are many areas in which greater cooperation could improve security, promote economic growth, and improve the lives of the people. We encourage rapid progress to complete all necessary steps for Somaliland to hold parliamentary elections in 2020. We welcome the inter-party dialogue and urge implementation of the recent agreements that would enable preparations for elections to be held in 2020. We call on Somaliland authorities to ensure respect for freedom of speech and assembly, as well as the ability of political parties to organise and function. Such political space is essential for a credible process. We have noted positively recent efforts to address longstanding disputes in Sool and Sanaag — including the aftermath of the 2018 Tukaraq fighting — through dialogue and constructive approaches to ease tensions and reduce the risk of further conflict. We urge that these efforts be maintained and reinforced. We are committed to continuing United Nations engagement with Somaliland and our many programmes in support of its people. With 16 United Nations offices, agencies, funds, and programmes active in Somaliland, our support covers a wide range of governance, security, development, and humanitarian programmes. As examples, the UN’s work includes support to primary schools, equipping teachers with the skills and materials to provide a sound basic education. We provide assistance to internally-displaced people and refugees in Somaliland, fleeing conflict elsewhere or forced to move by drought. We support the rule of law, policing and the justice system. The UN’s work is diverse, but the common thread is that it aims to make a practical and positive difference to the people and public services of Somaliland. Again, I thank our hosts for the kind reception. I look forward to continuing regular visits to Hargeisa to maintain our communication and collaboration and to follow up on the important issues we have discussed this week. Thank you. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Xeerar Maanta La Ansixiyay, halkan hoose ka DAAWO Source
-
Hargeysa (SMN) – Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa ku kulmay magaaladda Hargeysa, maanta oo Khamiis ah. Muuse Biixi Cabdi iyo James Swan waxaa shirka ku wehliyey xubno ka tirsan labadda dhinac oo qodobadii laga hadlay uu quseeyo. Dhinacyadda ayaa kawada hadlay sidii loo bilaabi lahaa wada-hadalka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo hakad ku jira. Ugu dambeyntii, waxay isla soo qaadeen xaaladda guud ahaan ee Somaliland gaar ahaan arrimaha mashaariicda UN-ka ka wado halkaas, deeqaha caalamka iyo arrimaha doorashooyinka. View the full article
-
Somali special forces backed by international partners killed 35 al-Shabab extremists on Tuesday in an operation in Lower Juba region in southern Somalia, a military official confirmed on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Madaarka Hargeysa waxaa saaka si weyn loogu soo dhaweynayaa Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe. Taageerayaasha xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa hormuud ka ah soo dhaweyntan Dhoolatuska Ah ee loo sameeyay guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Soo Dhaweyntan xamaasada leh ee saaka Faysal Cali Waraabe loo sameynaayo ayaa ka danbeysay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qoyska madaxweyne Biixi Dacwad ka Gudbiyeen Gudoomiye Faysal, halkan hoose ka DAAWO Source
-
Fadhigii 52aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday xeerar cusub, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey xeer in muddo ah ay goluhu ka doodayeen. Ugu horrayn waxa fadhiga maanta lagu ansixiyey wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey xeerka Shaqaalaha Rayidka ah X/No 31/2004 oo ay goluhu dooddiisu kusoo jireen, iyada oo wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland warbixin lagaga dhegaystay. Waxa sidoo kale dood iyo falanqayn dheer uu goluhu ka yeeshay laba xeer oo kala ah: Xeerka Xeerka maalgashiga. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Qaramada Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Duqeyntii Sucuudiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Riyadh)-Warbixin ka timid guddiga kormeerka cunaqabateynta Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen ayna wax lug ah ku laheyn ama ayna fulin weeraradii gantaalada ee bishii Setembar lagu qaaday goobaha shiidaalka ee dalka Sacuudi Carabiya. Khuburada madaxa bannaan ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u xilsaareen kormeeridda cunaqabateynta saaran dalka Yemen ayaa sheegay in inkasta oo Xuutiyiintu ay sheegteen weerarada dhinaca gantaalada ee lagu qaadat goobaha saliidda dalka Sacuudiga, haddana Kooxdaasi ayna fulin gantaaladii 14-kii September ee sanadkii 2019 ku dhacay Abqaiq iyo Khurain. Natiijooyinka ka soo baxay kormeerayaasha UN-ka ayaa ku soo beegmeen xilli ay xiisado ka jiraan gobolka, ka dib kolkii Mareykanku uu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Iiraan ,laguna magacaabo Qassem Soleimani oo ku sugnaa Ciraaq. Baadhayaasha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in gantaalada lagu weeraray goobaha saliida Sacuudiga aysan ka imaan dhulalka ay gacanta ku hayaan Xuutiyiihnta Yemen balse ay fulliyeen diyaaradaha Darooniska. Source -
Muqdisho (SMN) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada dawladda iyo Al-Shabaab uu maanta ka dhacay degaan u dhexeeya Afgooye iyo Wanlaweyn. Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidanka, iyaga oo adeegsaday qarax, kadibna jid-gal. Wararka dhinaca amniga waxay sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaaray askarta iyo Al-Shabaab, iyo weliba gaadiidka dagaalka. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku lugta leh dagaalka ee dowladda iyo Al-Shabaab. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo soo saaray qoraal cusub ayaa sheegay inuu difaacayo sharciga iyo danaha dowlad goboleedka. Xaaf waxaa uu ku eedeeyey Madaxda Dowladda Federaalka iney wadaan boob iyo dhac isla markaana ay awood adeegsanayaan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha shacbka, Maxamed Mursal Cabdiraxman ayaa qaabiley Safiirka Sweden ee u fadhiya dalla, Staffan Tillander. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadley arimaha Dooroshooyinka 2020-2021 ee la filayo in waddanka ay ka dhacadaan. Mursal ayaa u sheegay danjiraha in ay ka go’an tahay qabsoomida doorashooyinka, iyaddoo ana muddo kororsi ah dhicin. Diblumaasiga ayaa dhankiisa ku bogaadiyey gudoonka labadda aqal meelmarinta sharciga doorashooyinka oo muhiim u ah coddeynta mustaqbalka dhaceysa. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Oo Daboolka Ka Qaaday Qorshe Cusub. Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay sannadka ay ka bilaabayso mashruuca horumarineed ee JPLG-ga loo yaqaano degmooyinka Laascaanood, Ceerigaabo iyo Caynaba. Xukuumadda ayaa iyadu keligeed maalgelinaysa barnaamijka saddexdan degmo oo lama kaashanayso hay’addihii hore qaybta uga ahaa barnaamijkan. Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin, ayaa shaaciyay warkan. Dhawaan ayaa baraha bulshada si weyn loogu canbaareeyay in degmooyinkaasi ka maqnaadaan barnaamijka horumarinta dawladaha Hoose iyo adeegooda ee JPLG Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador James Swan. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa diirradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo qaramada midoobay u dhexeeya iyo dareenka ay Somaliland ka qabto kaalinta ay qaramada midoobay iyo beesha caalamkuba kaga jiraan horumarka Somaliland. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyey in madaxweynuhu wakiilka qaramada midoobay u guntay farriimo kala duwan oo la xidhiidha horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“waxyaabo badan baa kulanka lagaga wada hadlay, arrimo badan baa la isla soo qaaday oo ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen, arrimaha ugu muhiimsanna waxa kamid ah waxa ay Somaliland u gudbisay wakiilka inuu xoghayaha guud ka gaadhsiiyo farriimo ay kamid yihiin in muddo Soddon sanno ah ay Somaliland hanatay oo ka shaqaysay qaddiyaddeeda iyo madax-bannaanideeda oo ay danaheeda dhammaamtood iyadu gacanta ku hayso, haddii ay tahay dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda iyo maamulkeedaba, mid walbana ay ku guulaysatay inay ka shaqayso nabaddiisa iyo xasiloonidiisa.” Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata uu hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Somaliland ay muujisay walaaca ay ka qabto kaalmada ay qaramada midoobay iyo dalalka kale ee caalamkuba bixiyaan iyo sida ay qaran ahaan u saluugsan tahay, “Waxa kale oo aanu wakiilka ka codsannay inuu farriin ahaan u gudbiyo xoghayaha qaramada midoobay in saluug weyni nagaga jiro waxtarka, dhaqaalaha iyo deeqaha laga helo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo dalalka kale ee caalamka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ku jira, haddii ay tahay dhinaca dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo caawinta iyo arrimaha ay bulshadu u baahan tahay ee waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha uu mid walba saluug badani nagaga jiro waxtarka caalamka,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir. Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay inay ergayga u xaqiijiyeen inay Somaliland ka gudubtay dhammaanba wixii khilaaf ahaa, islamarkaana ay ka dhammaysatay wixii khilaaf ahaa ee dhexdeeda ka jirey, isaga oo madaxweynuhu u sheegay wakiillka inay Somaliland diyaar u tahay inay la garnaqsato Soomaaliya oo kala dooddo arrimaha masiiriga ah. Dhinaciisa, wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ambassador James Swan oo isaguna kulanka kaddib warbaahinta la hadlay waxa uu caddeeyey inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan hawlaha shaqo iyo mashaariicda ay ka wadaan gudaha Somaliland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland uga mahadnaqayaan sida habsamida leh ee ay u wada shaqeeyaan. Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta maaliyadda. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-09012020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya dableey Hubeysan oo gudoomiye waaxeed ka tirsan degmada Hiliwa ee Goblka banaadir ku dilay halkaasi. Guddoomiye waaxeedka la toogtay oo aheyd qof haween ah ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nasra Cali Geesood, waxaana goobta isaga baxsaday dableydii ka dambeeyey dilkeeda oo ku hubeysnaa buskoolado. Haweeneyda la dilay oo aheyd qof aad looga garanayey deegaanka ayaa la sheegay inay aheyd hooyo heysato illaa lix carruur Dadka degaanka ayaa sheegay in markii uu dilka dhacay kadib ay halkaasi gaareen ciidamada amniga oo halkaasi baaritan ka sameeyay, balse aan ku guuleysan inay soo qabteen kuwii dilkaasi geystay. Al-shabaab ayaa inta badan sheegata dilalka loo geysto mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan xubnaha maamulka Gobolka Banaadir. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyey kusoo badanayey dilalka iyo qaraxda iyadoo ay xusid mudan tahay in jidadka ugu muhiimsan ee magaalada ay ku xiran yihiin Dhagxaan.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay inay ka hortageen weeraro Shabaab ay doonayeen inay ka gaystaan Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa sheegay Shabaab inay isku dayeen bur burinta goobaha Bulshada isugu timaado, islamarkaana Ciidamada ammaanka arrimahaasi ay ka hortageen. Waxa uu sheegay Muqdisho inay yaalaan Koontaroolo badan oo lagu hubiyo gaadiidka, islamarkaana Shabaab ay awoodi waayeen gaari qarax Magaalada inay soo galiyaan. “Waxaa ay mareysaa in Al-Shabaab ay u suuro geli weysay inay burburiyaan meelaha Bulshada loogu adeego,waxaana sameynay koontoroolo farabadan oo amniga laga ilaaliyo,waxaana dowladda ka go’an inay ka hortagto weerarada Al-Shabaab ayuu yiri.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shacabka Muqdisho uga mahadceliyay wada shaqeyn uu sheegay inay la leeyihiin laamaha ammaanka, islamarkaana arrimahaasi guulo lagu gaaray. Shalay ayeey aheyd markii Isgoyska Sayidka uu ka dhacay Qarax gaari loo adeegsaday, halkaasi oo ay ku dhinteen Shan ruux oo uu ku jiro Agaasime ka tirsan dowladda Federalka Somaliya.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgalo qorsheysan oo ay deegaaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ka fuliyeen Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland. Deegaanka Yaaq Bishaaro oo dhanka galbeed kaga aadan magaalada Kismaayo ayey ciidanka hawlgalo ka fuliyeen, waxeyna sheegteen iney halkaas ku dileen dhawr xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Cabdinuur Mooge oo ah afhayeenka Hay’adda Amniga Jubbaland ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay iney afar ka mid ah Al-Shabaab ku dileen hawlgaladii ay ka sameeyeen duleedka Kismaayo, sidoo kalana waxey qirteen iney ka qaateen hubkii ay isticmaalayeen. Cabdinuur wuxuu qiray in tirada xubnaha ay ka dileen Al-Shabaab ay gaarayaan ilaa afar, isla markaana hawlgalka ay fuliyeen uu qeyb ka yahay qorshaha la doonayo in Gobolada Jubooyinka looga saaro Al-Shabaab.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa durba bilaabay soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Baarlamaanka labaad dowlad Goboleedka Galmudug sida ay sheegayaan warbixino halkaas laga helayo. Arintaan ayaa imaaneysa xilli odayaasha shalay loogu soo afjaray tababar ku saabsan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada. Odayaasha dhaqanka beelaha daga Galmudug waxaa loogu baaqay iney soo xulaan xildhibaano aqoon leh, waxaana loo sameeyay ballan qaad ku saabsan in la abaalmarin doono saddexda beelood ee la yimaada tirada ugu badan ee xildhibaanada aqoonta leh. Ballanqaadka waxaa sameeyay sida la sheegay Gudoomiyaha guddiga Farsmmada ee maamul u sameynta Galmudug, kaas oo door muhiim ah ka qaadanaya howsha socota. Odayaasha dhaqanka waxaa laga sugayaa iney soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka cusub iyagoo tirada ku darsanaya xildhibaanadii Ahlusunna ee goor hore la meel mariyay, waxaana la wada ogyahay in lagu saleyn doono habka awood qeybsiga beelaha halkaas daga. Arintaan waxey kusoo aadeysaa xilli qaar ka mid ah beelaha halkaas daga ay saluugsan yahiin habka ay wax u socdaan, sidoo kalana ay Gaalkacyo ka jirto xiisad kasoo horjeeda.
