-
Content Count
214,264 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Three people from the same family were killed following a blaze in their home in Baidoa, Southwest state on Tuesday night. Two boys who were ten and eight years respectively together with their father were burnt to death after their house caught the blaze. It is not immediately clear the main cause of the fire, but residents reported that the owner of the house that caught fire was a fuel trader in the area. View the full article
-
The United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) has handed over medical equipment to a health facility operated by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Mudane Saalax Xasan Cumar (Saalax Carab) ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Saalax Carab ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray gaariga, islamarkaana uu qarxay, xilli uu saf ugu jiray Conrtol gaadiidka lagu baaro, sidoo kalena laga ilaaliyo xarunta Villa Soomaaliya oo ku yaalla halkaasi. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey afhayeenka maamulka gobolka Banaadir inay ku dhinteen illaa saddex qof, kuna dhaawacmyeen lix kale. Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxa uu dhacay xilli ay gaadiid fara badan ku jireen safka baaritaanka, islamarkaana uu burbur soo gaaray. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay socdaan baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka oo lagu ogaanayo, sida ay wax u dhaceen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, sida ay goor dhow ku baahisay boggagooda Internet-ka. Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka dhanka howlgallada ee dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaan ay khasaare ku gaarsiiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamo, sida uu hadalka u dhigay. Qaraxaan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad gelyada oo maalmihii la soodhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.
-
Ururka Geellayda Somaliland ayaa walaac ka muujiyay geella ay dawladda Australia ku laynayso dalkeeda, iyagoo ugu baaqey dhammaan madaxda iyo bulshada Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo sidii geelaas loo badbaadin lahaa. Halkan ka akhriso War-saxaafaddeed uu ururku soo saarey maanta: Ururka dhaqashada Geela iyo soo saaridda caanaha Geela Somaliland, waxaa uu aad uga xunyahay dilka 10 kun oo neef oo Geel ah oo ku nool wadanka Australia, waxaana uu halkan Baaq uga dirayaa Madaxdda Dawladda Australia inay dilkaasi si degdeg ah u joojiyaan, kana fekeraan siyaabo kale oo loo xalin karo Dhibaatada uu Geelaasi ku hayo degaanka ee ay ka walaacsan yihiin Madaxda Waddanka Australia. Geelu, waxaa uu Bulshada Somalida ugu jiraa kaalinta Labaad ee noolaha, waxaana ku tiirsan Nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, iyaga oo so weyn ugu tiirsan caanihiisa iyo cadkiisa. Waxaa kale oo ururku Baaq u dirayaa madaxda kala duwan ee Somalida, aqoon-yahanka, Saxaafadda iyo qof kasta oo Soomaliyeed oo codkiisa la maqli karo, in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan sida ay arintaa ugu xun yihiin. Ururku waxaa uu aamisan san yahay in geelaasi assal ahaan uu ka soo jeedo dhulka Somalida oo ah kan uu ku dhaqan yahay Geela addunka ugu badani, sidaa awgeed ay tahay in geelaasi dawladda Australia ku soo celiso dhulalka Somalida si uu u helo daryeeel, iyo si Bulshada Somalidu uga faa’iideysato. Madaxda Somalida, iyaga oo cod mid ku hadlaya waa inay ka hawlgalaan sidii Geelaa loogu soo celin lahaa dhulkiisii markii horeba laga xabaadhay. Ugu Dambayn Ururku waxaa u soo jeedinayaa in Somalida ku dhaqan Australia ay ka hawl galaan sidii ay maamulka dalkaas u gaadhsiin lahaayeen dareenkan iyo sidii looga fekeri lahaa keenista xal kale oo lagaga kaaftoomo dilka Geela. Allaa mahad leh. Mustafa Ali Duale Gudd. Ururka dhaqashada Geela iyo soo saaridda Caanaha Geela. Hargeisa Somaliland Source
-
Muxuu ka dhigan yahay gantaalada IRAN ku weerartey Saldhigyada ciidamada Maraykanku isticmaalo ee Ciraaq ee aan cidna waxba ku noqon? Habeenkii xalay ayaa ciidamada IRAN oo ka jawaabaya dilkii, Gen Qassem Suleymani waxay weerar gantaalo ah ku qaadeen laba Saldhig oo ciidammada Maraykanku isticmaalaan kuwaas oo ku yaala Cayn Al-Assad iyo mid ku dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Erbil dalka Ciraaq. Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee IRAN Mohammad Javad Zarif, waxaan bartilmaameedsaney ayuu yidhi Saldhigyadii weerarka looga qaadey Gen Qassem Suleymani gudaha Ciraaq, taas oo waafaqsan ayuu yiri Qaraarka Isdifaaca ee Qaramada Midoobey. Ma jirto cid la og yahay oo wax ku noqotey gantaalada, waxa keliya ee ay sameeyeen ayaa ah in gantaalo la hagayo, aan la iska difaacin ay ku dhaceen gudaha Saldhigyada taas oo ahayd fariin cad oo keliya. Qaar kamid ah falanqeeyaasha arrimaha siyaasadda ee Bariga Dhexe ayaa sheegaya in weerarkan uu ahaa mid IRAN ay laba arrimood uga jawaabeyso: In ay ka *****so ballanqaadkeedi ahaa in ay aargudaneyso In Ay wejigeeda fadeexad ka badbaadiso marka loo eego shacabkeeda oo aaskii Suleymani keliya 50 qof oo kale kaga dhinteen kuwaas oo is jiiray. Tan saddexaad ayaa ah in jawaabteedi aysan xaaladda uga sii darin. Waxaa si weyn loo hadal hayaa qodobka labaad iyo kan saddexaad marka la eego halka ay bartilmaameedsadeen iyo sida aan wax khasaare ah u dhicin, in uu ahaa mid ay weji gabax isaga ilaalinayaan, maadaama kacdoon kale uu gudaha dalkaas ka socdo, arrintaas waxaa xaqiijin kara hadalada ka soo baxay Ayatullah Khumeyni iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee IRAN. Al-Khumeyni ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Maraykanku ka isticmaalo gudaha Ciraaq taas oo jawaab u ah weerarkii iyo xadgudubkii ay ku dileen Gen. Qassem Suleymani. Al-khumeyni ayaa Maraykanka uga digey in ay jawaab ka bixiyaan weerarkooda, wuxuuna sheegay in haddii ay Jawaab bixiyaan iyaguna ay sii wadayaan in ay weeraro kale la beegsadaan, sidaas si lamid ah waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee IRAN oo sheegay in ay kala joogaan, Maraykankana laga doonayo in aysan sii wadin oo xaaladda uga daraan, haddii ay sameeyaan anaguna jawaab ayaan bixineynaa ayuu yidhi. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxa uu sheegay in gantaaladu wax dhib ah geysan xaaladuna ay tahay mid wanaagsan. Waxaa hadda kubaddu ag taalaa Maraykanka oo aan cidna waxba uga noqon gantaalada IRAN, waxaana la aaminsan yahay in Maraykanku aanu jawaab kale ka bixineyn gantaalada IRAN. Istraatiijiyadda IRAN ayaa ah in ay sii wadaan taageerada Malayshiyaadka ka soo horjeeda Maraykanka ee gudaha Ciraaq, dib u abaabulaan kooxoo hore sida Sadriyiinta, si waxyeelo loo gaadhsiiyo danaha Maraykanka, laakiin ma dhici karto in Iran ay sii waddo in ay gantaalo kale ku rido Saldhigyada Maraykanka iyo ciidamadiisa, waxaana dalka Ciraaq noqon karaa mid dib ay uga dhacaan dagaalo Proxy War ah. Si kastaba gantaalada la hagayo ee si toos ah loogu bartilmaameedsadey Saldhigyada hoyga u ah Ciidanka Maraykanka, taas oo loo ridey si xariifnimo ah, ayaa ah fariin cad oo Iran ku sheegi karto in ay geysan karto waxyeelo intaas ka badan. Caalamka ayaa si weyn uga welwelsan in xaaladdu faraha ka baxdo waxaana soo baxaya baaqyo dhamaan dhinacyadu in ay xaaladda dejiyaan Source
-
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xirgeeye ayaa shaacisay in 10 qof maalmihii u dambeeyey ay Shuban Biyood iyo Oof-wareen ugu geeriyoodeen deegaamo ka tirsan Buuhoodle. Agaasime Xergeeyo oo shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhakhaatiir iyo hawlwadeeno ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland xaaladaha caafimaad daro ee ka soo kordhay deegaamadaasi Buhoodle. “Xanuunku waxa uu ka bilaabmay Widh-widh oo run ahaantii dad u badan caruur la keenayey ilaa dabayaaqadii bishii December, dad badan ayaa la keenay oo runtii usoo dhacay gaar ahaan xanuun Xumadd, Shuban iyo Oofwareen ah. Xanuunadaasi waxay ahaayeen xanuuno xumadd xoogle iyo oofwareen uu ka dilaacay magaalada Widh-widh iyo hareeraheeda oo xanaanadii Widh-widh (MCH) la keenay dad aad u farabadan oo awoodiisa ka badan. Markaa Wasaarada Caafimaadku way ka hawlgashay, waxaanu uga hawlgalnay inaanu xaruntana dawooyinka ka dirno, dad khubaro ah oo xanuunkaasi soo darsana aanu u dirno, gobolada u dhawdhaw oo uu ku jiro Buuhoodle iyo Laascaanood labadaba laga diro kooxo dhakhaatiir ah. Waxoogaa dhimasho 10 qof ahina ay timid, waxa hadana jirtay in guud ahaan marka la eego dadkii tirade badnaa ee imanayey in si wanaagsan loo daaweeyey, gacantana lagu qabtay xaaladihii, sida ay noo sheegeen dhakhtarku ay hoos u soo dhacayso oo xaaladda Widhwidh ay soo hagaagayso,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland, Maxamed Cabdi Xirgeeye. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa warqad ku aadan doorashada soo socota 2020- illaa 2021-ka u diray xubnaha beesha caalamka. Warqadaan ayaa sidoo kale looga hadlay sharciga doorashooyinka oo ay dhowaan ansixiyeen xildhibaanada baarlamaanka. Guddoomiye Mursal ayaa xusay in sharcigaan uu waafaqsan yahay Dastuurka KMG ah ee dalka, islamarkaana uu muhiim u yahay doorashada la qorsheynayo. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in doorashadu ku dhici doonto waqtigeeda, islamarkaana muddo kororsi uusan jiri doonin. “Sharciga ay ansixiyeen golaha shacabka wuxuu waafaqsan yahay dastuurka waxaana la filayaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan xildhibaanada, waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan kuu xaqiijiyo in xeerka doorashada uu noqon doono mid dhaqan gala waqtigiisa sanadka 2020/21-ka inkasta oo dhowr arrimood oo wali u baahan is waafajin siyaasadeed iyo dood dheer oo Baarlamaanku leeyahay, iyada oo looga doodi doono arrimahaasi fadhiyada golaha shacabka ee soo socda.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasu ku daray “Degmooyinka iyo kuraasta xildhibaannada gole farsamo baarlamaaneed ayaa la sameyn doonaa mustaqbalka dhowr si loogu diyaariyo qabyo qoraal gaar ah oo ku saabsan qaababka loo adeegsan doono hagitaanka sida loo qeexi doono golaha shacabka iyo kuraasta loogu qoondeeyay goob walba”. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in guddiga doorashooyinka Qaranka ay haatan wadaan wadatashiyo guud oo ay la yeelayanayaan daneeyayaasha iyo dowlad goboleedyada, taas oo looga gol leeyahay, sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah. “Guddigu diayarinta sharciga doorashooyinka waxay wada tashi ballaaran la yeelan doonaan daneeyayaasha ay quseyso oo ay ku jiraan dowladaha xubinta ka ah federaalka (FMS) ka dibna waxay u soo bandhigayaan qaraar soo jeedin ah kalfadhiga xiga ee bandhigayaan qaraar soo jeedin ah kalfadhiga xiga ee baarlamaanka.” Doorashada Soomaaliya ee soo socota oo aan weli la’isku fahmin nooca ay noqoneyso ayaa waxaa jira is mari waa u dhexeeya dowladda iyo xubnaha mucaaradka.
-
Faah Faahin: Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo maanta ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu ku qarxay bar koontarool oo ciidamada ammaanka ku baaraan gaadiidka. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey Shan qof, iyadoo tiro intaa ka badanna uu dhaawac soo gaaray, waxaana sidoo kale burburay gaadiid halkaasi yaallaym gaar ahaan kuwo ku jiray saf si baaritaan loo marsiiyo. Laamaha amniga weli wax faah faahin ah kama aanay bixin qaraxan, waxaana weli xiran halka uu qaraxa ka dhacay oo ciidanka DFS ka wadaan baaritaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen maanta waxa ay kaga dayriyeen xaaladda caafimaad ee wariye Cabdiqaadir Coday oo ah Tifaftiraha Telefishanka HCTV, oo mudo xidhan. Ururka Suxufiyiinta Somailand ee SOLJA waxa uu ku baaqay in la sii daayo saxafiga xidhan, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo baxay Ururka SOLJA, kaas oo u dhignaa sidan: “Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa ay walaac xoogan ka muujinayaan xaaladda caafimaad ee Tifaftiraha Telefishanka HCTV Cabdiqaadir Saeebaan Casayr (Coday), kaas oo la xidhay 17-kii November 2019-ka, muddo laba bilood ahna ku xidhan xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa kadib markii Telefishanku uu baahiyey Warqad cabasho oo ay qortay shirkadd ganacsi oo gaar loo leeyahay ee Fly Dubai oo ay u qortay garoonka ay diyaaraduhu ay ka haadaan ee Cigaal International Airport. Wariye Cabdiqaadir Coday ayaa intii uu ku xidhnaa Xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa waxa la soo darsay xaaladdo caafimaad oo aad u daran oo ay ka mid yihiin Dhiig-Car iyo Wadne Xanuun, waxaanay Boolisku muddo shan jeer ah ay u qaadeen dhakhtarka si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo,” Dhinaca kale ururka SOLJA waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in Qaabka loo xidhay Wariye Cabdiqaadir Coday ay baalmarsanayd hab-raaca sharciga Somaliland iyo xeerka Saxaafada Somaliland ee Lr 27/2004. Source
-
Faah-faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho, iyadoo ay weerar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha uu geystay. Gaadhiga qarxay ayaa ku jiray saf lagu baadhayey gaadiid sugayey in la hubiyo, si ay u maraan Control ku yaalla halkaasi oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Qaranka. Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaaraan illaa shan qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Sidoo kale waxaa ku burburay gawaadhi xilligaas ku jiray safka baadhitaanka. Illaa iyo hadda ma jirto cid faah faahin guud ka bixisay qaraxaasi. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale haatan wada baadhitaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxa, kuwaas oo xidhay gabi ahaan Sayidka. Qaraxaan ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib midkii xooganaa ee 28-kii bishii hore ka dhacay isogoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare badan. Source
-
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in laba saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, kuna yaala gudaha dalka Ciraaq lagu weeraray gantaalo. Telefishenka Dowladda Iran ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday saldhigyada Mareykanka uu ahaa mid loogu aargudayay dilka Qasem Suleimani oo shalay la aasay. Mareykanka ayaa sheegay in Iran ay bartilmaameedsatay saldhigyo uu ku leeyahay Irbil iyo Al Asad ee gudaha dalka Ciraaq. Ilaa iyo hadda ma cadda in uu jiro khasaaro ka dhashay weeraradaas iyo haddii uu jiro inta uu la eg yahay. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in xaaladda ay wanaagsan tahay, saldhigyo Mareykanka uu leeyahayna lagu weeraray gudaha dalka Ciraaq, qiimeynna ay ku sameynayaan sida ay wax u dhaceen, dibna ay kasoo sheegi doonaan. Warbixin u soo saaray afhayenka aqalka cad ayaa lagu sheegay in arrintan ay ka war hayaan. “Waan ka war qabnaa weerarka lagu qaaday saldhigyadeena Ciraaq, madaxweynaha waa lagu wargeliyay arrintan, si dhaw ayuuna ula socdaa oo wuxuu darsayaa xaaladda isagoo latashanaya lataliyeyaashiisa dhanka ammaanka”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka. Sidoo kale weerarka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Javad sharif oo sheegay in Iran ay aargoosatay. “Iran waxay weerarkan qaaday iyadoo eegeysa axdi qarameedka 51, waxayna duqeysay saldhigyadii sida fuleynimada ahaa looga soo weerary muwaadiniinteena, mana raadineyno dagaal ee waxaan difaaceynaa nafsadeena”, ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka. Iran ayaa u digtay wadamada xulafada la ah Mareykanka ee dalalkooda u oggolaaday in uu saldhigyo ku yeesho. Madaxweeyne Donald Trump ayaa horay u sheegay in hadii ciidamada Mareykanka lasoo weeraro ay iyaguna weerari doonaan Iran, waxaase aan la ogeyn tallaabada xigta ee uu Mareykanka qaadi doona. Source
-
Warbaahinta dalka Iran ayaa kusoo warrantay in diyaarad nooceedu yahay 737 oo ay saarnaayeen 180 qof ay ku burburtay meel aan ka fogeyn caasimadda Iran ee Tehran. Wakaaladda wararka ee Fars ayaa kusoo warrantay in diyaaradan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Ukraine ay burburtay waxyar un kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee Imam Khomeini ee caasimadda Tehran. Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay ee shilka diyaaradda. Wararku waxay intaa ku darayaan in diyaaradda ay kusii jeeday caasimadda Ukraine ee Kiev, ilaa iyo haddana ma cadda waxa sababay shilka diyaaradda iyo in ay la xidhiidho xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran. Wixii warar ah ee kasoo kordha halkan kala soco. Source
-
A large car bomb explosion was heard at Sayidka Junction near Somalia’s Parliament in Mogadishu on Wednesday, reports said. According to witnesses, the blast occurred near buildings where several government offices are located. There are reports of casualties, but, the number is yet to be confirmed. The explosion comes just days after Somalia’s Al Shabaab militants stormed a military base used by US forces in Kenya’s coastal Lamu region, killing three American citizens. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho, iyadoo ay weerar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha uu geystay. Gaariga qarxay ayaa ku jiray saf lagu baarayey gaadiid sugayey in la hubiyo, si ay u maraan Control ku yaalla halkaasi oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Qaranka. Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaaraan illaa shan qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Sidoo kale waxaa ku burburay gawaari xilligaas ku jiray safka baaritaanka. Illaa iyo hadda ma jirto cid faah faahin guud ka bixisay qaraxaasi. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxa, kuwaas oo xiray gabi ahaan Sayidka. Qaraxaan ayaa ku soo aadaya maalmo kadib midkii xooganaa ee 28-kii bishii hore ka dhacay Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare badan.
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si dhab loo shaacin. Sidoo kale wuxuu burbur xoogan soo gaaray gaadiid saf ugu jiray Control ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi, si loo baaro. Weli ma jirto cid ka warbixisay qaraxaan iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay, balse waxaa haatan socdo baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Gaari ay ka buuxaan Qalabka Qarax ayaa goor dhaweyd wuxuu ku qarxay meel aan ka fogayn Madaxtooyada Soomaaliya, Khasaaraha rasmiga ah ilaa hada ma cada. [...] Source
-
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dalka Iran, weliba qeybta ladagaalanka burcad badeedka ay hawlgal ay ka sameeyeen xeebta Soomaaliya ku badbaadiyeen ilaa 13 u dhashay dalka Hindiya. Kooxda Hindida oo saarnaa doon alwaax ayaa waxaa arkay ciidanka Iran oo roondo ahaa kadibna waxaa ay ku wareejiyeen helicopter kuwa ciidamada badda ah oo laga lahaa Hindiya. Source: goobjoog.com
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed oo xalay ka kacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday guri ku yaalla xaafada Howlwadaag ee magaalaaasi, gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaanop Onodka. Wararka ayaa sheegaya in marka hore dabka uu qabsaday Shidaal guriga yaalay, waxaana uu sababay geerida Aabe lagu magacaabi jiray Sheekh Cumar iyo laba wiil oo uu dhalay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in hooyada qoyska oo dhaawac ah laga soo badbaadiyey dabkaasi. Dhacdadaan ayaa waxa ay murugo ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwii dariska la ahaa qoyskaasi oo saaka si aad ah u hadal haya. View the full article
-
Waxaa goordhow uu qarax ka dhacay bar kontorool uu ku taalo isgoyska Sayidka ee bartamaha Magaalada Muqdisho. Qof Goobjooge oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inuu qaraxu ahaa gaari isla markaana uu ka dhacay goob dad badan joogeen. Goobta waxaa ku sugan hey’adaha amniga oo waxaa socdo baaris iyo gawaariga gargaarka oo khasaaraha qaadaya. Hey’adaha gargaarka oo aan la hadalnay waxaa ay sheegeen in khasaare dhan walbo ah uu jiro balse aaney sheegi karin tiro. Goobta uu qaraxu ka dhacay horey ayey qaraxyo kale uga dhaceen, waa xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, amniga, golaha shacabka iyo xarumo kale oo dowladeed. Wararkan kala soso halkan. Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo lala beegsaday Control ay halkaasi ku leeyihiin ciidamada dowladda. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac,waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Xaaladda ayaa sidoo kale kacsan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay isku geedaamay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. View the full article
