Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,292
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. BEIJING/PARIS (Reuters) - Development of China’s C919 single-aisle plane, already at least five years behind schedule, is going slower than expected, Source: Hiiraan Online
  2. Politicians and people on social media came out in support of Rep. Ilhan Omar after she spoke about living with PTSD — to which a Republican congressman responded, calling her a “disgrace” on Twitter. Source: Hiiraan Online
  3. Somali government forces beat and detained a record number of journalists in 2019, according to a new report by a Mogadishu-based journalists trade union. Source: Hiiraan Online
  4. Jabuuti iyo Itoobiya oo ay ka dhex oogan tahay xiisad la xidhiidha Jabhada FRUD armé Dowladda Jabuuti ayaa talalabo aan la aqbali karin ku qeexday go’aan jabhadda Cafarta dalkaas ee FRUD armé loogu ogolaaday inay xafiis ka furato gudaha dalka Itoobiya. Taliyaha ciidamada Jabuuti Zakria Checik Ibrahim oo dhowaan la kulmay dhiggiisa Itoobiya Adem Mohammed ayaa waxa uu cabasho kaga muujiyey inuu maamulka Cafarta dalka Itoobiya ee ANRS uu jabhadda FRUD armé u ogolaaday inay xafiis ka furato halkaas, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Jabuuti u sheegeen Caasimada Online. Jabuuti ayaa rumeysan in qorshaha xafiiskaas uu yahay in lagu qoro dagaalyahanno Cafar Itoobiyaan ah oo jabhadda FRUD armé kala qeyb gala dagaal ka dhan ah dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Taliyaha ciidamada Itoobiya Adem Mohammed ayaa u sheegay dhiggiisa Jabuuti inuusan hayn wax xog ah oo ku saabsan furitaanka xafiiskaas, islamarkaana uu ku kalsoon yahay in hoggaanka Cafarta Itoobiya aysan sidaas sameeneyn. Taa beddelkeeda, Jeneral Adem Mohammed ayaa ku eedeeyey ciidamada Jabuuti inay ka qeyb galeen dagaal dhex maray maleeshiyada Cafarta iyo Ciisaha, islamarkaana qaarkood ay qabteen maamulka Cafarta Itoobiya. Mar la weydiiyey in haddii ay jiraan ciidamadaas uu usoo gacan geliyo Jabuuti, Jeneral Adem ayaa ka aamusay. Dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka walaacsan in haddii Cafarta dalkiisa ay taageero ka helaan tan Itoobiya ay halis xooggan ku noqon karaan. Qaran News
  5. The crash in Iran of a Ukrainian Airlines jet bound for Toronto killed dozens of professors and researchers from campuses across Canada Source: Hiiraan Online
  6. “Iiraan oo lagu eedeeyay inay soo ridday diyaarad Ukraine+ Iran oo Diidayna inay wareejiso sanduuqa madow ee keydiyay xogta diyaaradii burburtay Warbaahinta Mareyknka ayaa tabisay in dowladda Iiraan ay si kama’ ah u soo ridday diyaaraddii rakaabka ahayd ee laga lahaa Ukraine, taasoo Arbacadii ku dhacday meel u dhow magaalada Tehran, islamarkaasna ay ku dhinteen dhammaan 176-dii qof ee la socotay. Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in diyaaradda Ukrainian International Airlines, oo nooceedu ahaa Boeing 737-800, uu ku dhacay gantaal, sida ay tabisay warbaahinta CBS. Dowladda Ukraine ayaa goor sii horreysay sheegtay inay baaritaan ku heyso sababtii ay u dhacday diyaaradda, iyo in uu soo riday gantaal. Hase ahaatee Iiraan ayaa meesha ka saartay suurtagalnimada in gantaal uu ku dhacay diyaaraddaas. Burburka diyaaradda rakaabka ah ayaa yimid saacado yar ka dib markii ay Iiraan fulisay weerar gantaallo loo adeegsaday oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Ciraaq. Warbaahinta CBS oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in qalabka satellite ee hawada uu qabtay caddeymo muujinaya in diyaaradda uu gantaal ku dhacay. Dhinaca kale, barnaamijka Newsweek oo ayaa soo xigtay saraakiil ka tirsan gaashaandhigga iyo sirdoonka Mareykanka iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan sirdoonka Ciraaq oo sheegaya in diyaaradda Ukraine uu haleelay gantaal lagu farsameeyay dalka Ruushka. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay “inuu shaki ka qabay” sababta ay diyaaraddaas usoo dhacday, wuxuuna yiri: “Qof ayaa laga yaabaa inuu khalad sameeyay”. Xilli ay sii xoogeysteen xiisadaha u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka, oo ka dhashay dilkii janaraal Qasem Soleimani loogu geystay dalka Ciraaq 3-dii bishan January, Iiraan waxay sheegtay inaysan Mareykanka ku wareejin doonin sanduuqa madow ee duuba xogta diyaaradda. Mas’uuliyiinta xukuumadda Tehraah ayaa sheegay in xitaa shirkadda Boeing ee diyaaraddaas farsameysay aysan sanduuqa ku wareejin doonin. Koox ka tirsan hay’adda bisha cas ee Ciraaq ayaa baareysay burburka diyaaradda Maxay tabisay warbaahinta Mareykanku? Warar kala duwan ayey telefishinka CBS News iyo warbaahinta Newsweek ku sheegeen in saraakiisha sirdoonka ee Mareykanka iyo Ciraaq hayaan caddeymo muujinaya in diyaaradda Ukraine lagu soo riday gantaal ay leedahay Iiraan. CBS ayaa warbixin kooban ku daabacday bogga ay ku leeyahay Twitter-ka, iyadoo sheegeysa in saraakiishu ay hubaan in diyaaraddaas lagu dhuftay gantaal, isla saacadihii la weerarayay saldhigyada ku yaalla Ciraaq. Waxay intaas ku dartay in xogtan ay kasoo xigteen sirdoonka Mareykanka. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @CBSEveningNews 923 people are talking about this Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @CBSEveningNews Dhanka kale, Newsweek oo soo xiganeysa saraakiisha Mareykanka iyo Ciraaq sheegtay in lagu kalsoonyahay xogta ku saabsan in diyaaraddaas uu ku dhacay gantaal lagu magacaabo Tor M-1, oo lagu farsameeyay Ruushka. Qaran News
  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa talalabo aan la aqbali karin ku qeexday go’aan jabhadda Cafarta dalkaas ee FRUD armé loogu ogolaaday inay xafiis ka furato gudaha dalka Itoobiya. Taliyaha ciidamada Jabuuti Zakria Checik Ibrahim oo dhowaan la kulmay dhiggiisa Itoobiya Adem Mohammed ayaa waxa uu cabasho kaga muujiyey inuu maamulka Cafarta dalka Itoobiya ee ANRS uu jabhadda FRUD armé u ogolaaday inay xafiis ka furato halkaas, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Jabuuti u sheegeen Caasimada Online. Jabuuti ayaa rumeysan in qorshaha xafiiskaas uu yahay in lagu qoro dagaalyahanno Cafar Itoobiyaan ah oo jabhadda FRUD armé kala qeyb gala dagaal ka dhan ah dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Taliyaha ciidamada Itoobiya Adem Mohammed ayaa u sheegay dhiggiisa Jabuuti inuusan hayn wax xog ah oo ku saabsan furitaanka xafiiskaas, islamarkaana uu ku kalsoon yahay in hoggaanka Cafarta Itoobiya aysan sidaas sameeneyn. Taa beddelkeeda, Jeneral Adem Mohammed ayaa ku eedeeyey ciidamada Jabuuti inay ka qeyb galeen dagaal dhex maray maleeshiyada Cafarta iyo Ciisaha, islamarkaana qaarkood ay qabteen maamulka Cafarta Itoobiya. Mar la weydiiyey in haddii ay jiraan ciidamadaas uu usoo gacan geliyo Jabuuti, Jeneral Adem ayaa ka aamusay. Dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka walaacsan in haddii Cafarta dalkiisa ay taageero ka helaan tan Itoobiya ay halis xooggan ku noqon karaan.
  8. WASHINGTON ― The House voted Thursday to order President Donald Trump to stop escalating hostilities with Iran, approving a resolution meant to limit the president’s war-making. By a vote of 224 to 194, with three Republicans and one independent in support and eight Democrats against, the House approved the war powers resolution forbidding the president from attacking Iran unless there’s an imminent threat or Congress declares war. The measure is mostly symbolic, though Democrats have said they may follow it with additional votes to constrain Trump’s actions toward Iran. Democrats moved forward with the resolution after they said the administration failed to justify the killing of Iranian military leader Qassem Soleimani in closed-door briefings on Wednesday. They had earlier hesitated to schedule a vote after Iran on Tuesday fired missiles at Iraqi bases housing U.S. troops. The fate of the resolution is uncertain in the Senate, where it would need Republican votes to pass. Two Republican senators, however, said on Wednesday that they might support curtailing the president’s war powers because the Trump administration has done such a bad job justifying the Soleimani assassination. Even if the House measure, introduced by Rep. Elissa Slotkin (D-Mich.), passed both chambers, it’s only a concurrent resolution, which does not go to the president for his signature and would likely have no actual effect on Trump’s ability ― or willingness ― to launch attacks on Iran. A joint resolution, by contrast, would have the force of law once signed by the president. But Democrats contend that a concurrent resolution is the correct means to constrain the president as laid out by the original War Powers Resolution of 1973. House Speaker Nancy Pelosi (D-Calif.) defended her decision to move the measure as a concurrent resolution, arguing that Trump would simply veto a joint resolution anyway. “This is a statement of the Congress of the United States and I will not have that statement be diminished by whether the president will veto it or not,” she said. Pelosi had previously said the House might also vote on efforts to repeal the 2002 Authorization for Use of Military Force Against Iraq, or AUMF, which the administration used as the legal basis for killing Soleimani, as well as another measure prohibiting funds for fighting Iran. It’s kind of a rock and a hard place. Rep. Alexandria Ocasio-Cortez on the debate over congressional tactics The 1973 War Powers Resolution states that a president is required to remove forces from the battlefield if Congress directs it to via concurrent resolution. But in 1983 the Supreme Court, in a case concerning a different law, ruled that Congress may not issue what amounts to a legislative veto of executive branch actions. Still, House Democrats say it’s the best they can do. “If we went another way and sent it to the president, he’ll veto, so what does that get you?” House Rules Committee chair Jim McGovern (D-Mass.) told HuffPost. Senators leading the effort to limit the president’s war-making powers are moving forward with a different strategy, however. Last week, Sen. Tim Kaine (D-Va.) introduced a similar war powers measure as a joint resolution, which would go to the president. Kaine said Thursday that he preferred his approach, which has so far garnered the tentative support of two of the four Republicans he would need to secure its passage. “I think we would like to try to get one to the president’s desk,” Kaine said, adding that it was more likely he could force a floor vote on his bill than on the House measure. Sen. Mike Lee (R-Utah), who is leaning toward supporting Kaine’s resolution, argued that using a concurrent resolution to try to limit the president’s war powers renders the effort “toothless” and presents merely a symbolic rebuke. The House’s strategy, he added, “makes no sense because it has no chance of going anywhere.” But Rep. Alexandria Ocasio-Cortez (D-N.Y.) pointed out that Trump previously vetoed a joint resolution aimed at withdrawing U.S. forces from Yemen, making the debate over legislative tactics mostly moot. It would take 67 Senate votes to override a presidential veto ― an extremely high threshold to meet with most Republicans strongly backing the president. “It’s kind of a rock and a hard place,” she said. Matt Fuller contributed reporting Source Huffpost Qaran News
  9. Toddobaadkii dhawaa Sirdoonka Soomaaliya (NISA), ayaa shaaciyay in dowlad shisheeye ay ka dambaysay xasuuqii Ex-Kontarool Afgooye ee December 28, 2019. Walow, muddo laba maalmood ah Al Shabaab ay ku dhiciweyday inay sheegato masuuliyadda xasuuqa, haddana warbixintii hor u dhaca ahayd ee NISA waxaa ka dhashay dood kulul oo u baahan in xagallo kala duwan laga eego xaqiiqda. Hay’adda waxay ka gaabsatay faafaahinta dowladdii ka dambaysay falka wuxushnimo, balse Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) ayaa shaki ka muujisay warbixinta, taas oo dadku siyaabo kala duwan u fasirteen. Siyaasiyiintu waxay ka codsadeen xukuumadda inay u soo bandhigto dadweynaha caddeynta baarista. Dad badan ayaa dareensan, inay hay’adda NISA lehayn awood aqoon iyo khibrad oo ay ku kala soocdo farsamada waxyaabaha qarxa ee ay adeegsadaan argaggixisada. Agaasimihii hore ee NISA – Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe ayaa qoraal uu la wadaagay warbaahinta ku yiri, “Awood uma lihin inaan qiimeyno caddeynta, si aan uga faa’iideysanno sirdoonka oo aan u dhisno dacwad ka dhan ah kuwa falka masuulka ka ah.” Mudane Sanbalooshe qoraalkiisii wuxuu ku xusay, “[Soomaaliya] waxay u baahan tahay khibrad, qalab ka maqan, iyo qaab cusub oo iskaashi dhexmara adeegyada amniga Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.” Intaas wuxuu raaciyay “Mar dambe kama bixi karno in baaritaannadayada iyo falanqayntayada sirdoon aanu u gudbinno qandaraasleyaasha ujeeddadoodu faa’iido doonka tahay” (New York Times – 26/10/2017). Hay’adda Aktis Strategy oo ay aasaaseen saraakiil ka tirsanaan jiray Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska, ayaa 2013kii qandaraas lagu siiyay inay Soomaalida (koonfur iyo waqooyiba) u tababarto sida looga hortago falalka argaggixisada. Nasiib darro, Aktis Strategy oo horey ugu fashilantay hawl qabadkeedii Tunis ayaa hanti dhan 1 bilyan Pound lagu siiyay mashuucda amniga, balse iyadoo aan hal maalin tababar qaban, xarun qurux badanse ka dhistay Xalane ayay iskaga carartay Soomaaliya. Khubarada siyaasadda ayaa rumeysan in welwelka Madasha Xisbiyada Qaranka garowsi lahaan lahayd haddii la horgeyn lahaa Baarlamaanka, si loo hubiyo suubbanaanta warbixinta, amase siyaasiyiintu ka dhursugi lahaayeen natiijada baarista fal dambiyeedka. Inkastoo aysan muuqan sabab loo abuuro shaki, haddana jahawareer waxaa dhaliyay in NISA ay Twitter ku shaacisay hordhaca baaristeedii xilli wargeyska “Ahval News” uu qorayo in masiibadii Ex-Kontrool Afgooye ay ka dambeysay Imaaraadka. Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo La-taliye u ahaan jiray Madaxweyne Farmaajo ayaa mar uu la hadlayay warbaahinta ku naqdiyay NISA in laga habboonaa habka ay u soo bandhigtay macluumaadka baaritaan aan weli gaarin natiijo kama dambeys ah . Sarkaal amniga ka tirsanaan jiray oo ka dhowrsaday inuu shaaciyo magaciisa ayaa sheegaya in “hay’addu heshay aqoon xirfad iyo tababar aan la barbardhigi karin xilligii Sanbolooshe amase Jeneraal Caballe.” Intaas wuxuu raaciyay “inaysan u suurtaggeli lahayn in NISA qabto dhagar qabihii Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase oo ahaa macallin jaamacad, xagjirtana u qaabbilsanaa hawgallada magaalada Muqdisho. Waayo si loo horgeeyo caddaaladda waxay hay’adda uruurisay in muddo ah caddeymo (evidence), iyadoo aan ka baqayn in lala baxsado (la sheego).” Haddii maanta lagu jahawareersan yahay ciddii ka dambaysay masiibada, waxaa marag maddoonta ah inay NISA masuul ka tahay xaaladdaas oo ay u dhaqantay si aan u qalmin culayska iyo muhiimadda ay leedahay hawsha loo xilsaaray (Unprofessional), Xukuumadda ay u adeegaysana gelisay mawqif aad u foolxun. Hay’adda iyo madaxdeedaba waxay mudan yihiin in lala xisaabtamo, Xukuumadduna waxaa looga baahan yahay inay jahawareerka ka jawaabto oo shacbiga iyo mucaaradkaba qanciso. Si kastaba ha ahaatee, dadka Soomaaliyeed waxay rumeysan yihiin in gacmo aan muuqan ay ka dambeyaan argaggixisada dalka. Haddaba, su’aasha jawaabta u baahan ayaa ah: Maxaa ku khasbay Al Shabaab inay sheegato xasuuq shacbi, iyadoo aan hore (2017, 2009 iwm) looga baran inay sheegto masiibo intaas le’eg? Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in sababta ku kalliftay Al Shabaab inay dusha u ritaan masuuliyaddii, ay astaan u tahay ciyaarta Soomaaliya oo isbeddeshay. Walow aan lahayn xaqiiqdii, haddana waxaa la tuhunsan yahay in afhayeenka (Cali Dheere) uu ku sugan yahay asagoo dhaawac ah, dalka dibeddiisa laguna riday mowqifkan xarajka ah. Shaki kuma jiro, si loo fahmo xaaladda qaraxyada Soomaaliya in loo baahan yahay macluumaad fara badan. Nathan Paul, oo ah suxufi baara khatarta amniga aan caadiga ahayn, ayaa qoraal uu ku soo bandhigay “Global Risk Insights,” ku yiri, “Carqaladeynta xaaladda jilicsan ee xasilloonida oo ay Soomaaliya si tartiib tartiib ah uga shaqeyneyso waxba uma tareyso himilada Imaaraadka ku dooneyo in loo arko inay tahay mid muhiim u ah nabadda gobolka.” Intaas wuxuu raaciyay qoraaga in “Sidoo kale waxaa la mid ah, dafiraadda Imaaraadka qaadista masuuliyadda doorkeeda ku aaddan maalgelinta argaggixisada dalka [Soomaaliya]” (Global Risk Insights). Xaqiiqda na hortaal ayaa ah, in qaar ka mid ah awoodaha shisheeye oo ku tartamaya khayraadka gobolka, gaar ahaan Soomaaliya ay ku lug leeyihiin xisillooni darrada siyaasadda iyo amni la’aanta dalka. Haddaba, maanta oo ay muuqato in gobolka Bariga Dhexe jahwareer hore leh uu wajahay, waxaa muhiim ah in la isweydiiyo maxaa dalka iyo dadka u dhan ah? Goormaase qeyladhaanta run loo qaadan doonaa! W/Q: Cabdulqaadir Cariif Qassim AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Dowladda Federaalka ugu yeeray inay joojiso fara-gelin uu sheegay inay ku hayso dhismaha maamulka cusub ee Galmudug. Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa sheegay in reer Galmudug ay dhameysan karaan arrimahooda gaarka ah, iyadoona uu ku baaqay in laga daayo fara-gelinta lagu hayo. Madaxweynaha Puntland ayaa ka war wareegay su’aal ahayd inay iska warqabaan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka. “Sida aanaan anaguba u jeclayn in aan faraha lala-gelin arrimaheena hoose ayay Puntland iyaduna u ixtiraamaysaa maamul walba arrimhiisa gudaha ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Waana shay dabiici ah inay aragti kala duwanaan iyo khilaafaad dhacaan xilliga doorashada, laakiin waxaan ku ixtiraamaynaa dadka reer Galmudug inay arrimahooda dhameystaan.” Madaxweyne Deni ayaa yiri “Dadka reer Galmudug waa dad soo jireen ah, waxay qayb ka qaateen xorriyaddii dalka, waxay aasaas u yihiin midnimada Soomaaliyeed, waa dad Somaliya xudun u ah, intaas iyo ka badan ayay ku filan yihiin, marka waxaan rajeynayaa in hawlaha Galmudug loo daayo dadka reer Galmudug.” Dadka la dhacsan Siyaasadda Villa Somalia ayaa maalmihii ugu dambeysay barraha bulshada asxaabtooda kula wadaagayay warar ku aadan in diidmada Madaxweyne Xaaf ay timid, ka dib markii uu u soo meeriyay Madaxweyne Deni. Tallaabada uu Xaaf horaantii bishan kaga soo horjeestay dhabaha loo marayo dhismaha Galmudug ayaa xoojisay khilaafka raggaadiyay doorashada Galmudug. Doorashada lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa hareeyay khilaaf marba weji lahaa.
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Howlgal ay ciidamada Jubbaland galabta ka fuliyeen deegaan lagu magaaco Yaaq Bishaaro oo dhaca duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, ayaa lagu dilay xubno Shabaab ah, iyadoo ay ciidamadu soo bandhigeen hub ay ku soo furteen howlgalkaas. Meydka ilaa seddax ruux oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ayey soo bandhigeen ciidamadu, iyagoo sheegay inay hayaan hal dagaalame oo ay dhaawac ku qabteen. Abaanduulaha guutada koowaad ee ciidanka daraawiishta Jubbaland Aadan Cabdulqaadir oo hoggaaminaayey ciidanka howlgalkaas fuliyey ayaa warbaahinta u soo bandhigay hubka ay ka furteen Al-Shabaab iyo meydadka xubnihii ay ku dileen howlgalka. Abaanduulaha ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanka Yaaq Bishaaro ay ku soo war geliyeen ciidamada amaanka in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay soo gaareen deegaanka sidaasna ay ugu soorta gashay inay xubnahaan dilaan kuwo kalena hubka ka furtaan. Dhankiisa Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo ka hadlay sida ay ciidamadoodu ugu guuleysteen howlgalkaas ayaa sheegay inay ku raad joogaan rag uu sheegay inay Shabaab u qaabilsanyihii fulinta dilalka qorsheysan, kuwaas oo uu sheegay inay ku dhuumaaleysanayaan gudaha magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka Jubbaland.
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Bar___Qubanaha-09012020.mp3 View the full article
  13. Baardheere (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Degmada Baardheere ee maamulka Jubbaland Ismaaciil Cabdi Qorrax, ayaa sheegay in ciidan aan la qoonin maanta laga soo dejiyay degmada Baardheere ee gobalka Gedo. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidankaan ay gaarayaan ku dhawaad 50 askari, oo aad u qalabeysan islamarkaana afka soo duubtay. “Ku dhawaad 50 Askari oo afka soo duubtay ayaa ka soo dagay Baardheere, waxaana la sheegay in Muqdisho laga soo diray, waana arrin qal qal looga abuurayo degmada” ayuu yiri Ismaaciil Cabdi Qorrax. Ismaaciil ayaa sheegay in ciidankan oo u qalabeysan oo tababar gaar ah qaba ay maanta diyaarad ka dejisay degmada Baardheere ee gobalka Gedo. Lama oga sababta keentay in magaaladaas ay gaaraan. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee Gedo iyo qaar ku sugan Muqdisho, oo Caasimada Online la xiriirtay way ka gaabsadeen inay ka hadlaan ciidankan. Xaalad cabsi ah ayaa hadda ka taagan degmada Baardheere waxayna wararku ay sheegayaan in ciidankaan ay doonayaan in ay soo qabtaan guddoomiyaha degmada iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobalka Gedo, Sheekh Maxmaed Xuseen Isaaq Alqaadi. Cabdullaahi Nuur Xasan oo ah guddoomiyihii degmada Baardheere ee xilka uu ka qaaday maamulka Jubbaland ayaa 23-ka bishii December sheegay in dowladda ay amartay in lasoo xiro Alqaadi. Gobolka Gedo ayaa waxaa si aad ah isugu haya dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland. Guddoomiyaasha degmooyinka kala ah Baardheere, Baled-Xaawo, Luuq iyo Dolow ayaa horey uga goostay maamulka Jubaland islamarkaana taageeray dowladda, hase yeeshee Jubaland ayaa taas uga jawaabtay inay xilka ka qaado.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Khubarada dhanka amniga ayaa talooyin iyo digniino amni u jeediyey shacabka magaalada Muqdisho, si ay uga feejignaadaan qaraxyada iyo halisaha amni ee kaga imanaya shacabka Muqdisho. Korneel Cabdullaahi Cali Macow, oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA, ayaa sheegay in dhowrka bil ee soo aadan ilaa sanadkaan loo baahan yahay in shacabka magaalada Muqdisho ee muujiyaan feejignaan dheeri ah, ayada oo ay u badan tahay in magaalada wajihi doonto dhacdooyin badan oo amni darro, sida ay ku ogaadeen baaritaano ay sameeyeen saraakiil ka tirsan xarunta Xalane ee Muqdisho. “Sanad kasta oo kala guur ah Al-Shabaab waxay ka faa’ideystaan mashquulka siyaadeed iyo mida doorashooyinka waxayna beegsadaan shacabka, shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, waxaa la filayaa in ay weeraro kale dhacaan waa in ay taxadaraan shacabka ku nool Muqdisho” ayuu yiri Cabdullaahi Cali Macow oo wareysi siiyey idaacadda Kulmiye. “Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed ee dagan Muqdisho in ay socodka yareeyaan iskuna dayaan in ay ka baaqsadaan hoteelada iyo wadada Maka Al-Mukarama, ka soo bilaaw Banaadir ilaa liido iyo wadooyinka kale, sidoo kale goobaha la isugu yimaado ayana ka digayaa” ayuu yiri. “Sidoo kale waa in waalidiinta aysan is raacin caruurta waa in laga baaqsadaa in hal gaari lawada raaco iyo in hal waqti la safro” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalkan. Korneel Cabdullaahi Cali Macow, ayaa qaba in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay sugida amniga Muqdisho loona baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay isku tashtaan maadaama ay dhamaan la’yihiin dhibaatooyinka taagan ee dhanka amaanka. Hoos ka dhageyso wareysiga Korneel Macow oo marka hore ka hadlaya qaraxii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/Macow.mp3
  15. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa mar uu hadal ka jeedinayey magaalada Garowe waxaa la weydiiyey sababta uu u saxiixi la’ayahay fulinta xukunkii dilka ahaa ee lagu riday seddaxdii nin ee lagu helay kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan. Madaxweyne ayaa ku jawaabay in xukunkaas uusan hada wax door ah ku laheyn, isla markaana go’anka ah xilliga ay ciqaabta dilkii Caa’isha marayaan raggaas ay u taallo maxkamadda sare ee maamulka. “Runtii kiiska Caa’isha oo kale ma jirto Soomaaliya meel uu ka dhacay, waadna ogtihiin seddaxda maxkamadood ee derejada koowaad, racfaanka iyo maxkamadda sare ayaa qaaday kiiska Caa’isha, dhamaantoodna waxay isku raaceen hal xukun oo dil ah, taasi waxay muujinaysaa in xukunkoodu uu si caddaalad ah u dhacay” ayuu yiri Madaxweyne Dani. Dani ayaa sidoo kale sheegay in fulinta xukunnada ay ridaan maxkamadaha Puntland, aysan wax door ah ku laheyn xukuumaddu, hadii caqabadi timaadana go’aanka kama dambaysta ah ay ka gaarto Maxkamadda sare ee Puntland. “Waxaan dad weynaha u sheegayaa in go’aanada ay gaareen maxkamadaha Puntland uusan shaqo ku laheyn Madaxweynuhu, dadbaa dhaha xeerka fulintiisa madaxweynaha saxiixa taasina sax ma aha, balse hadii khalad ka yimaado cadaaladda waan saxayaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Dani. Caa’isha Ilyaas Aadan oo aheyd gabar 12-sano jir ah ayaa horaantii sanadkii tegay ee 2019 dil iyo kufsi loogu geystay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana falkaas loo qabtay seddax nin oo maxkamadaha Puntland ay ku wada xukumeen dil toogasho ah, welina Garsoorka Puntland ma shaacin goorta ay dhici doonto fulinta xukunka kiiskii marxuum Caa’isha Ilyaas.
  16. Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u safray Dalka Erritrea, Sida ay xogta ku heleen Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi.com wuxuu safarka Madaxweynuhu ku saabsan [...] Source
  17. An unknown number of people are feared dead following an al-Shabaab attack on Somali forces at Afgoye town, some 30 kilometers (18.6 miles) from the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  18. Outraged Somalis are urging Australians to stop culling camels, and to instead send the animals to the Horn of Africa so that they can look after them. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Habeen-09012020.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu kulan deg deg ah berri ku aado magaalada Asmara ee dalka Eritrea, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caaismada Online u sheegay in madaxweynaha uu marti-qaad ka helay dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki. Kulanka labada madaxweyne ayaa looga hadli doonaa xiriirka labada dal, isbahaysiga ay wada dhisteen Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea, iyo arirmo kale pp gobolka ku saabsan. Booqashadan ayaa imaneysa xiili xiisad ay ka dhex oogan tahay dowladda Eritrea iyo dowladda Qatar oo aad ay isugu dhow yihiin Villa Somalia, mana cadda sida booqashada madaxweynaha ay tan u saameyn doonto. Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay soo saartay 28-kii November 2018 waxa ay ku eedeysay Qatar in dalkeeda ka waddo kicin dadweyne, khaarijin, dhibaateyn dhaqaale, iyo kharbudaad dhinac walba ah. “Kadib markii sanadkan ay Qatar ku guul darreysatay inay Sudan u adeegsato masrax ay kasoo qaado ficillo argagixiso oo ka dhan ah Eritrea, naf la-caarinimada Qatar sare ayey usii kacday ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Qatar ayaa iska diiday “eedeymahaas been abuurka ah”, waxayna sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn koox ama kooxo ku sugan dalka Eritrea, taasina ay dowladda Eritrea “si wanaagsan uga war-hayso.”
  21. Daawo: Gudoomiyaha Gobolka Sool OO Digniin Adag U Diray Dad UU Sheegay In Garoowe Ka Wadaa Falal Lid Ku Ah Gobolka Sool Source
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Wakiilka Gaarka ah ee QM James Swan oo magaalada Hargeysa kula kulmay madaxweynaha Somaliland ayaa war kasoo saaray wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyo doorashooyinka Somaliland. Hoos ka aqriso war-saxaafadeed kasoo baxay James Swan. Subax wanaagsan iyo Sannad Wacan oo Wanaagsan dhammaantiin. Waxaan uga mahad naqayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kooxdiisa iyo shacabka Somaliland soo dhoweyntooda diiran. Markii iigu dambeysay ee aan soo booqday magaalada Hargeysa waxay ahayd lix bilood ka hor. Waxaan ku talo jiraa in aan si joogto ah usii wado booqashada si aan usii wadno wada-hadallada aan la leenahay mas’uuliyiinta sare iyo weliba hay’adaha aan dowliga ahayn ee ku hawlan horumarka Somaliland. Qaramada Midoobay waxay ku leedahay magaalada Hargeysa xafiis si buuxda u shaqeeya oo fuliya mashaariic ballaaran oo kaladuwan si loogu faa’iideeyo dadka Somaliland xafiis joogto ah ka leedahay magaalada Hargeysa waxayna fulisaa barnaamijyo badan oo kala duwan oo loogu tala galay dadka reer Somaliland. Intii aan ku guda-jiray booqashada, waxaa sharaf ii ahayd in aan la kulmo Madaxweyne Biixi iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, wakiilo ka socday ururada bulshada ah, xisbiyada siyaasadda, iyo saaxiibada caalamka ee ka hawlgala Somaliland. Waxaa kale oo aan booqday mashruuc xirfadaha lagu baro dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo mashruuca barbaadinta duur-joogta. Qaramada Midoobay waxay soo dhoweyneysaa dadaallada loogu talagalay in lagu dhiso kalsoonida labada dhinac laguna xoojiyo wadahadallada u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho. Waxaan aaminsannahay inay jiraan dhinacyo badan oo iskaashi ballaaran laga samayn karo si loo hagaajiyo amniga, loo xoojiyo kobcinta dhaqaalaha, loona horumariyo nolosha dadka. Waxaan dhiirigelineynaa in si dhakhso leh horumar looga gaaro dhameystirka tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah Somaliland si loo qabto doorashooyinka baarlamaanka 2020ka. Waxaan soo dhoweyneynaa wada-xaajoodka u dhexeeya xisbiyada waxaanna ku boorinaynaa in la dhaqan-galiyo heshiisyadii dhowaan la gaaray kuwaas oo suurto gelinaya u diraar garowga doorashooyin dhaca 2020ka. Waxaan ugu baaqaynaa mas’uuliyiinta Somaliland inay xaqiijiyaan xurmaynta xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka, iyo sidoo kale awoodda ay xisbiyadu u leeyihiin abaabulka iyo hawlgalka. Jawiga siyaasadeed ee noocaas ah wuxuu muhiim u yahay in la helo geedi-socod lagu kalsoonaan karo. Waxaan hoosta ka xariiqnay dadaalladii wanaagsanaa ee dhowaan wax looga qabtay khilaafaadka daba-dheeraaday ee ka taagnaa Sool iyo Sanaag – oo ay ku jiraan dadaalladii lagu dhaqaaqay wixii ka dambeeyay dagaalkii Tukaraq ee 2018 – iyada oo loo maray wadahadal iyo hab wax ku ool ah oo lagu yareynayo xiisadaha laguna dhimayo halista colaado intaas ka badan. Waxaan ku boorinaynaa in dadaalladaas la sii joogteeyo oo lasii xoojiyo. Waxaa naga go’an inaan sii wadno wadashaqeynta Qaramada Midoobay ay la leedahay Somaliland iyo barnaamijyadeenna faraha badan ee lagu taageerayo dadkeeda. Iyadoo 16 xafiis, hay’ado, sanduuqyo, iyo barnaamijoy Qaramada Midoobay leedahay ay ka hawl-galaan Somaliland, ayaa taageeradeenu waxay iskugu jirtaa qaybo ballaaran oo xagga maamulka dowliga ah, amniga, horumarka, iyo barnaamijyada samafalka ah. Tusaale ahaan, shaqada QM waxaa ka mid ah taageeridda dugsiyada dhexe, qalabaynta iyo xirfad-dhisidda macallimiinta si ay u bixiyaan waxbarasho aasaasi ah oo tayo wanaagsan. Waxaan gargaar u fidinnaa dadka barakacayaasha ah iyo qaxootiyada ku nool Somaliland, ee kasoo cararay colaadaha ka jiro meelaha kale ama abaaro ay ku khasbeen inay kasoo tagaan deegaanadoodii. Waxaan taageernaa nidaamyada sarreynta sharciga, booliska iyo garsoorka. Hawlaha QM wey noocyo badanyihiin, laakiin waxay ka mideysanyihiin ujeedkooda oo ah in is-bedel wax ku ool ah oo wanaagsan ay helaan dadka iyo adeegyada dad weynaha ee Somaliland. Mar labaad, waxaan uga mahadcelinayaa dadka na marti-geliyay soo dhoweynta diiran. Waxaan rajeynayaa inaan sii wado booqashooyinka joogtada ah ee Hargeysa si aan u sii wadno xiriirka iyo iskaashiga una sii amba-qaadno arrimaha muhiimka ah ee aan ka wada hadalnay toddobaadkan. Mahadsanidiin
  23. DAAWO: Hordhaca Barnaamij Koobsanaya Waxqabadii Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Sanadkii Dhamaaday Ee 2019 Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Laba Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa loo xiray qaraxii Shalay subax ka dhacay Konataroolka Syidka, oo ka mid goobaha laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya. Askarta qaraxa loo xiray ayaa ilaalo ka ahaa Kontarool ay booliska leeyihiin oo ku yaala inta u dhaxeysa hoteel Wehliye iyo Isgoyska Dabka, halkaas oo la aaminsan yahay in uu soo maray gaariga isku qarxiyay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in gaarigaan uu soo maray baro kantarool, islamarkaana aysan jirin cid baartay, balse hadda loo hayo shaqsiyaad soo fududeeyay in uu halkaas gaaro. “Dabka ilaa Sayidka ma jirto waddo aan laamiga aheyn oo gaari soo mari kara waxaana qaraxa laga soo gudbiyay Kontaroolka u dhaw Iagoyska Dabka waana la qabtay ciidankii heegankaas ku qornaa” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. “Askari ku sugnaa kontaroolkaan laga soo gudbay waxa uu noo sheegay in aysan gaadiidka baareen maalmahanba oo ay iska fasaxayeen kana uu qayb ka noqday kuwaas marka waa la hubinayaa askartaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan Booliiska ah. Ciidamada amaanka Soomaaliya ee ku sugan Iagoysyada iyo wadooyinka Muqdisho, ayaan waqti badan gelin baarista gaadiìdka, waxayna qaarkood weydiiyaan oo kaliya aqoonsi halka qaar kalane aysan aqoonsi weydiinin gaadiidkana aysan wax baaritaan ah ku sameynin, waana xiliyada ay badanaa jirto xaalad daganaansho ah. Ciidamada Booliiska ee ku sugan waddooyinka Muqdisho waxaa ka muuqda dadaal, rafaad iyo daruufo adag mana lahan niyad dhisan oo ay ku howl galaan. Qaarkood waxay ka cabanayaan mushaar la’aan muddo dheer heyso halka qaarkoodna ay shaqeeyaan waqti ka badan intii loogu talagalay.