-
Content Count
214,292 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka aynu ka heleyno deegaanada Galmudug ayaa ku warramaya in xalay illaa saaka kulamo siyaasadeed oo iska horjeeda ay ka socdaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee maamulkaasi. Kulamada oo ah kuwa is daba joog ah ayaa waxaa looga hadlayaa dhismaha Galmudug iyo sida loo wajahayo doorashada la filayo inay ka dhacdo Dhuusamareeb. Guddiga farsamada ayaa dadaalladii ugu dambeeyey ka wada magaaladaasi, si loo dhameystiro dhismaha maamulkaasi oo uu weli khilaaf ka taagan yahay. Shalay guddiga ayaa ku dhaawaqay inta badan liiska xildhibaanada cusub, iyadoo weli looga fadhiyo soo xulista xubnaha haray oo gaaraya illaa lix mudane. Dhinaca kale Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa shirar ka wada Gaalkacyo, isagoo ku dhaawaqay shir looga hadlayo dhismaha iyo aayaha Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in ergooyin ay direen beelaha qaar ee Galmudug ku sii qul qulayaan Gaalkacyo, kuwaas oo ka soo horjeestay xildhibaanada la shaaciyey. Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka weli ka taagan Galmudug oo soo jiitamayey, tan iyo markii la aas aasay maamulkaasi.
-
Wararka naga soo gaaraya Galmudug ayaa sheegaya in kulamadii ugu dambeeyey ay ka socdaan degmooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee gobollada Galgaduud iyo Mudug. Kulamada oo aha kuwa xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka ee maamulka Galmudug oo hadda maraya meel gabagabo ah. Shalay ayaa lagu dhawaaqay inta badan xildhibaanada labaad ee maamulkaasi, kuwaas oo dooran doono madaxweynaha cusub. Wariyaha Idaacadda Shabelle, Cali Xasan Barqadle (Cali Gaab) ayaaka warbixiyey wararkii ugu dambeeyey ee shirarkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Wareysi-Cali-Gaab-.mp3 View the full article
-
Guddoomiyaha guddiga farsamada ee maamul u dhisida Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa ka faah faahin dadaallada ay haatan ka wadaan magaalada Dhuusamareeb. Cabdinaasir Beyle oo guddoomiye u ah guddigaas ayaa sheegay in qorshaha dhismaha dowlad goboleedka Galmudug uu marayo meel wanaagsan, islamarkaana si cadaalad lagu soo xulay xildhibaanada labaad ee baarlamaanka maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kuwa haray sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo xuli doono, si loo guda galo howlaha kale ee doorashada. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Jaamac.mp3 View the full article
-
(SLT-London)-Baarlamaanka Dalka Ingiriiska ayaa la horgeeyey mooshin lagaga dalbanayo inay aqoonsadaan qaddiyada madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo muddooyinka soo socda la eegi doono jawaabta ka soo baxda. Xildhibaan Stephen Doughty oo farriin ku baahiyey bartiisa Twitter ayaa ku shaaciyey “Taageerada Somaliland way ku soo kordhaysay Baarlamaankii u dambeeyey, waxaan filayaa in xildhibaannada UK ee baarlamaanka cusub ay taageeri doonaan xidhiidhkeena taariikhiga ah, waxaanan gudbiyey mooshin la xidhiidha arrinkaas. Sida lagu baahiyey mareegta Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa mooshinkan oo la gudbiyey 19 December, 2019, waxa uu u dhignaa sidan:- “Mooshinkani waxuu Golaha xusuusinayaa xidhiidhka adage e taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska; waxaan ugu hambalyeynayaa dadka reer Somaliland sannad guuradii 59aad ee ka soo wareegtay madaxbanaanida Somaliland oo ahayd maxmiyad Ingriis ah.” Mooshinkan oo xildhibaan Stephen Doughty oo xisbiga mucaaradka ee Shaqaalaha uga soo baxay magaalada Sheffield u soo gudbiyey baarlamaanka Ingiriiska, ayaa la raaciyey Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Ingiriiska inay si rasmi ah u aqoonsato in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay waddan madax-bannaan, isla markaana ay qaaddo tallaabooyin lagu dhiirrigelinayo wadahadal lala yeesho saaxiibbada kale ee caalamiga ah, Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika inay gacan ka geystaan sidii nabad iyo xasilooni waarta loogu heli lahaa gobolka iyada oo lagu saleynayo go’aanka shacbiga Somaliland.” Mudooyinka soo socda ayaa la eegi doonaa wakhtiga iyo sida uu ku dambeeyo mooshinkan lagu dalbaday aqoonsiga Somaliland. Source
-
(SLT-Tehran)-Dowladda Iran ayaa qiratay in si aan ula kac aheyn ay u soo rideen diyaaraddii rakaabka aheyd ee laga lahaa dalka Ukraine. Sida uu baahiyay Telefishinka Qaranka Iran ayaa lagu sheegay in falkan uu ku dhacay khalad uu bani’aadam sameeyay. Bayaan laga akhriyay Telefishinka ayaa lagu sheegay in dadkii mas’uulka ka ahaa falkaas lala xisaabtami doono. Dowladda Iran ayaa hore u sheegtay in diyaaradda ay cilad farsamo ah ku soo dhacday, iyadoo beenisay warar sirdoon oo sheegayay inay diyaaradda soo riday. Diyaaradda ay laheyd Shirkadda Ukraine International ayaa waxaa saarnaa illaa 176 ruux oo 63 ka mid ah ay u dhasheen dalka Canada. Habeenkii Arbacada ayay aheyd xilli Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ay duqeynayeen saldhigyo Mareykanka ku lahaa dalka Ciraaq, waxaana la sheegayaa in diyaaraddan oo xilli habeen ka kacday garoonka diyaaradaha Tehran ay haleeshay gantaal. Source
-
(SLT-Cumaan)-Suldaan Qaboos Bin Saciid oo ahaa Suldaankii Boqortooyada Cumaan ayaa geeriyooday sida laga soo xigtay Telefishinka dalka Cumaan iyo Wakaaladda wararka ee dowladda. Bayaan ka soo baxay Maxkamadda Saldanada Cumaan ayaa lagu sheegay in Suldaan Qabos uu Alle oofsaday habeenimadii Jimcaha. Waxaa bayaanka lagu sheegay in Suldaan Qabos uu dalka Cumaan ku hoggaamiyay siyaasad isku dheelitiran oo adduunka oo dhan ay xushmeeyaan. Saddex maalmood oo baroordiiq ah ayaa lagaga dhawaaqay Cumaan, waxaana calanka waddanka hoos loo dhigi doonaa muddo 40 maalmood ah. Qoyska boqortooyada Cumaan ayaa ku qasban inay go’aan ka gaadhaan muddo 72 saacadood gudahood ah cidda beddeli doonta Qaboos. Suldaan Qabos ayaa ahaa ninka boqortooyada carabta ee ugu xukunka dheeraa, waxaana uu muddo xanuunsanayay, iyadoo la sheegayay inuu qabay kansar. Qabos ayaa da’diisu aheyd 79 jir ah, wuxuu xukumay dalka Cumaan illaa iyo markii aabihiis uu xukunka ka tuuray afgambi aan dhiig ku daadan sannadkii 1970. Tan iyo markii uu la wareegay awoodda, Suldaan Qaboos wuxuu Cumaan ka dhigay dal casri ah oo leh kaabayaal dhaqaale, isagoo ka bedelay xaalad go’doon aheyd. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Ereteriya, ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki, waxayna labada Madaxweyne salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas. Madaxweyna Farmaajo oo casuumaad rasmi ah oo qaadanaysa muddo labo maalmood ah ku joogaya Asmara ayaa wada-hadallada uu la leeyahay Madaxweyne Afwerki ay ku lafa-guri doonaan sidii loo dardargelin lahaa dhismaha hannaanka iskaashiga diblumaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee labada dal, kaas oo ay Madaxdu isku afgarteen bartamihii sanadkii 2018-kii. Labada Madaxweyne oo kulan saacado socday ku qaatay Madaxtooyada Asmara ayaa iska xog-waraystay dadaallada wadajirka ah ee labada dal ay ku xoojinayaan xiriirkooda walaaltinimo iyo xaaladaha u danbeeyey ee la xiriira xasilloonida amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Gobolka. Madaxweyne Afwerki ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga wehelinaya aqbaaladda martiqaadka uu u fidiyey, isagoona tilmaamay in is-dhaafsiga booqashooyinka heer Madaxeed ee Soomaaliya iyo Ereteriya ay adkeysay kalsoonida iyo wax-wada-qabsiga labada dowladood. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Subax-11012020.mp3 View the full article
-
Tehran (Caasimada Online ) – Dowladda Iran ayaa war cusub ka soo saartay diyaaraddii rakaabka aheyd ee Arbacadii la soo dhaafay ku dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Tehran ee Caasimada dalkaasi, taasi oo laga lahaa dalka Ukraine. Telefishinka Qaranka Iran ayaa goor dhow baahiyey in si aan ula kac aheyn loo soo riday diyaaradaasi, islamarkaana uu ku dhacay gantaal si qalad ah loo ganay. Sidoo kale war-murtiyeedka ka soo baxay milatariga Iran ayaa waxaa lagu sheegay in la ciqaabi doono cidda mas’uulka ka ah falkaasi. Diyaaraddaan oo ay laheyd shirkadda Ukraine International ayaa waxaa la socday 176 ruux oo isugu jiray rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda oo dhammaan shilkaasi ku geeriyooday. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo xiisada u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay cirka isku shareereyso, taas oo ka sii dirtay markii la dilay Jeneral Qasem Soleimani. Iran ayaa dilkaasi kadib bilowday duqeymo ka dhan ah saldhigyada ciidamada Mareykanka iyo xarumaha uu ku leeyahay dalka Iraq.
-
Iran says it ‘unintentionally’ shot down Ukrainian jetliner
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
TEHRAN, Iran (AP) — Iran announced Saturday that its military “unintentionally” shot down the Ukrainian jetliner that crashed earlier this week, Source: Hiiraan Online -
Hoggaamiyihii dalka Cumaan Suldaan Qabuus bin Said oo geeriyooday Suldaankii dalka Cuman, Sultan Qaboos bin Said Al Said, oo ahaa hoggaamyihii ugu xukunka dheeraa carabta ayaa geeriyooday Jimce isaga oo 79 jir ah, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda. Sultan Qaboos ayaa bishii tagtay kasoo laabtay tijaabo caafimaad oo uu kusoo maray dalka Belgium. Waxaa jiray warar sheegaya inuu qabay cudurka kansarka. Sultan Qaboos ayaa afgambi aan dhiig ku daadan wuxuu xukunka kala wareegay aabihiis 1970-kii, isaga oo taageero ka helaya Britain. Wuxuu kadib isaga oo adeegsanaya saliidda ay qaniga ku ahayd Cuman, dalkiisa ku hoggaamiyey waddada horumarka. Sultan Qaboos ayaan lahayn xaas, iyo caruur ka dhaxasha xukunka, si rasmi ahna uma magacaabin qof beddela, inta uusan dhiman ka hor. Sida ku qoran xeerka Saldanadda, Golaha Qoyska Boqortooyada – oo ka kooban 50 rag – ayaa suldaan cusub ku dooran doona muddo saddex maalmood gudahood ah. Haddii qoyska aysan ku heshiin suldaan cusub, golaha difaaca qaranka, guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Golaha Shuurada iyo Golaha Dowladda ayaa furi doona warqad xiran oo uu Sultan Qaboos uu si sir ah ugu qoray magaca qofka uu u doortay inuu xukunka ka beddelo, haddii aan qof lagu heshiin. Dadka aadka loo hadalka hayo inay beddeli karaan ayaa waxaa ka mid ah saddex walaalo ah, oo isaga ilmo adeer la ah, kuwaas oo kala ah; wasiirka Dhaqanka Haitham bin Tariq Al Said; ra’iisul wasaare ku-xigeenka Asaad bin Tariq Al Said; iyo Shihab bin Tariq Al Said oo ahaa taliyihii hore ee ciimdada Badda Cuman, islamarkaana la-taliye u ah Saldanadda. Suldaanka waa qofka leh go’aanka ugu dambeeya ee Cuman, wuxuuna sidoo kale hayaa xilalka ra’iisul wasaaraha, taliyaha sare ee ciidamada, wasiirka difaaca, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka warrimaha dibedda. Dalka Cumaan ayaa looga dhowaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo billaabaneysa maanta oo Sabti ah. Qaran News
-
Area liberated after raid on base to ‘clear remnants of the militants from their hideouts,’ says military commander Source: Hiiraan Online
-
Sultan Qaboos completely dominated the political life of Oman for almost 50 years Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar aanu helayno ayaa sheegay in Wariye Cabdiqaadir Cismaan Casayr (Coday) maanta la horkeenay Maxkamada gobolka Maroodi-jeex, taasi oo go’aan kama dambeysa ah ka gaartay kiiska loo haysto. Cabdiqaadir Coday oo muddooyinkii dambe Kiiskiisu ka socday Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay maxkamadu maanta ka gaadhay go’aan kama dambeysa ah oo iskugu jira xadhig iyo ganaax lacageed. Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa Coday ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo Saddex Milyan oo SL Shiling ah, oo Maxkamadu ku sheegtay inay tahay ganaax lacageed, sida uu baahiyey Agaasimaha Telefishanka HCTV. Maxamed Cabdi Ilig, Agaasimaha guud ee Telefishanka HCTV, ayaa xukunka ay maanta Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ku riday Coday ku tilmaamay mid cadaalad darro ah, oo uu aad uga xun yahay. “Waxaan aad iyo aad uga xumahay xadhiga Cadaalad darada ah ee ku dhacay Cabdiqaadir Cismaan Casayr” ayuu yiri Agaasime Maxamed Ilig. Cabdiqaadir Coday ayaa muddooyinkii dambe ee uu xidhnaa waxa dhowr jeer la geeyay Isbitaalka, si loogu dabiibo xaalado caafimaad daro oo soo wajahay inta uu ku jiray xabsiga. Xukunka maanta ay Maxkamdu ku riday Coday ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay si weyn uga dayriyeen Dadka u dooda xuquuqul insaanka iyo xoriyada saxaafada, kuwaasi oo iyagu xadhiga Cabdiqaadir u arkayey mid sharci daro ah, isla markaana ay tahay in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo.
-
Darawal Al-Shabaab ka badbaadiyay rakaab uu siday Darawal Raymond Juma wuxuu waday baska lagu weeraray waddada isku xirta Mombasa iyo Lamu “Ma ihi qof geesi ah” ayuu yiri darawalkii badbaadiyay rakaab saarnaa bas lagu weeraray bariga dalka Kenya. Darawalkan oo lagu magacaabo Raymond Juma wuxuu ku dhaqaaqay tallaabooyin khatartooda leh si uu u badbaadiyo 47 qof oo rakaab ah oo saarnaa baska xilligii uu weerarka dhacayay. “Rakaabkii aan waday waxay lamid ahaayeen sida walaalahey iyo waaliddiinteyda, marka waxaan sameeyay tallaabo kasta oo aan ku badbaadin karo nafteyda iyo dadkii aan jeclaa,” ayuu yiri Raymond Juma oo BBC la hadlayay. Juma wuxuu darawal ka ahaa mid ka mid ah labo bas oo 2-dii bishan Janaayo ay rag hubeysan ku weerareen inta u dhexeeyso magaalooyiinka Mombasa iyo Lamu ee dalka Kenya, waxaana baska iska laheyd shirkadda basaska ee Mombasa Raha. Wuxuu sidoo kale sheegay in raggii weerarka kusoo qaaday ay ku labisnaayen dareeska militariga xilli rasaas hawada u rideen isla markaasna waxay ku amreen inuu joojiyo baska. “Markii aan diiday in aan joojiyo baabuurka, waxay nagu fureen rasaas, marka waxaan ogaa haddii aan istaajiyo baabuurka inay na dilayaan dhammaanteen.” “Rakaabka ayaa qeylo isku daray markii ay rasaasta nagu fureen,” ayuu yiri darawalka. ‘Xilligii ugu naxddinta badnaa ee isoo marta’ Rasaasta waxay haleeshay taayarka baabuurka, “Markii uu taayarka banjaray, rakaabka waxay bilaabeen inay ka boodaan daaqadda si ay noloshooda u badbaadiyaan, dadka waxay ku kala carareen keymaha” Taayarka baska oo banjaray markii ay haleeshay rasaasta Ninkan 46 jirka ah, wuxuu sidoo kale sheegay in muddo hal saac ah uu cararayay ilaa markii uu gacan haadiyay darawal kale oo markii dambe qaaday. “Waa maalintii ugu naxddinta badneyd abid ee soo marta nolosheyda, waa Alle mahaddiis, baskii ma uusan gaddoomin, dhammaanteen waa badqabnaa,” ayuu yiri daraqwalka. “Kirishbooygeygii la dilay” Balse darawalkii waday baskii labaad, Abuubakar Hemed ayaa u hoggaansamay dableydii markii ay ku amreen inuu joogsado, wuxuu u maleynyay saraakiil boolis ah. Dhammaan 41 rakaab ee saarna baska ayay dableyda ku qasbeen inay ka soo degaan. “Waxaa laga codsaday rakaabka inay ku dhawaaqaan shahaadada halka kuwii ku dhawaaqi waayay la tooganayay,” ayuu yiri Hemed. Saddex qof oo saarna baska waxaa dilay maleeshiyaad la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al Shabaab, waxaana weerarka ku dhawaacmay tiro dad ah. “Waxaa la dilay kirishbooygii la socday baska,” ayuu yiri Hemed. Wuxuu sidoo kale sheegay in rakaabka ay argagaxeen halka qaarna kalena ay ooynayeen xilli dableyda ay hor taagnaayeen isla markaasna ay durbadiiba u suurogashay in rakaabka ay baxsadaan. Baskiii weerarka lagu qaaday Ururka Al Shabaab ma aysan sheeganin weerarka lagu qaaday baska, balse waxay sannadihii lasoo dhaafay gudaha Kenya ay ka geysteen weeraro kala duwan. Dhibaatooyinka ka dhashay amni darrada waxay saameyn ku reebeen nolosha dadka ku nool gobolka. Deegaanka Lamu waxaa horey uga dhacay weeraro khaasare badan dhaliyay. Shirkad laga leeyahay Shiinaha oo ka shaqeyneysay qorshaha dhisidda dekedda Lamu ayaa shaaca ka qaaday in si kumeel gaar ah ay howsheeda u joojineyso amni darro aawadeed. Qaran News
-
Samiira Axmed oo ku guuleysatay dacwad ay kusoo oogtay BBC-da Dacwadda ay wadatay Samiira Axmed waxay ku muddeysan tahay intii u dhaxeysay 2012-kii ilaa 2018-kii Samiira Axmed oo tabin jirtay barnaamij ka baxa BBC-da ayaa ku guuleysatay dacwad ay kusoo oogtay BBC-da, oo ku saabsan dood la xiriirtay in mushaaraadka shaqaalaha la simo. Gabadhan ayaa sheegtay in mushaar aysan u qalmin la siin jiray xilli ay BBC-da ka qaban jirtay barnaamijka ra’yi aruurinta ee lagu magacaabo Newswatch, kaasoo ay ku tilmaantay mid aad u yaraa marka la barbar dhigo mushaarka uu qaadan jiray wariye Jeremy Vine, oo isagana qaban jiray barnaamijka Points of View. Go’aanka laga soo saaray dacwaddan ayaa lagu sheegay in “shaqada gabadhan ee barnaamijka Newswatch ay la mid tahay shaqada uu qabto Jeremy Vine oo martigaliya barnaamijka Points of View, iyadoo la eegayo qodobka 65(1) ee xeerka simitaanka mushaaraadka shaqaalaka, oo lasoo saaray sanadkii 2010-kii”. Samiira ayaa sheegtay in hadda ay faraxsan tahay, maadaama xal laga gaaray dacwaddaas. “Ma jirto haweeney dooneysa inay dacwad kusoo oogto shirkaddii ay horay shaqaalaha ugu ahayd”, ayey tiri, iyadoo intaasna ku dartay: “Waan jeclahay inaan u shaqeeyo BBC-da”. Maamulka BBC-da ayaa yiri: “Waan ognahay in dacwadaha shirkadaha dhexdooda lagu qaado aysan ahayn kuwo farxad galinaya dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Waxaan dooneynaa inaan si wadajir ah ula shaqeyno Samiira, annagoo xalka u heleyna qaab taban”. Samiira (midig) oo ay wehlineyso wariyaha barnaamijka subaxlaha ah ee BBC-da Naga Munchetty, maalintii ugu horreysay ee la billaabayay dacwadda Samiira Axmed waxay u mahad celisay ururka midowga suxufiyiinta ee (NUJ) iyo kooxdeeda dhinaca sharciga, iyadoo mahad taas la mid ahna u jeediyay dhammaan raggii iyo dumarkii ku taageeray ol’olaheeda. Wariyahan ayaa sheegtay inay ka maqneyd lacag dhan £700,000. Laakiin BBC-da ayaa ku jawabatay in iyada iyo wariye Vine ay qaban jireen “doorar shaqo oo aad u kala duwan”. Garsoorka ma aysan caddeynin in Samiira ay heli doonto lacagta ay sheegatay inay ka maqan tahay. Waxay garsooku sheegeen in go’aanka ay soo saareen uu dhigayo in la simo qandaraaska ay Samiira mushaarka ku qaadan jirtay intii u dhaxeysay 1 October 2012 ilaa 30 September 2018 iyo kii uu qaadanayay wariye Jeremy Vine, intii u dhaxeysay 2008 ilaa July 2018″. Waxay gabadhan ku doodeysay in lagu sameeyay cunsuriyad dhinaca jinsiga ah, maadaama ay haweeney tahay, wariyaha ka mushaarka badnaana uu rag yahay. Maamulka BBC-da ayaa sheegay in Samiira ay ahayd wariye shaqo fiican qaban jirtay, ayna ka qoomameynayaan in kiiskan uu gaaray heer dacwadeed. Jeremy Vine wuxuu qaban jiray Points of View muddo 10 sano ah ilaa sanadkii 2018 Xog hayaha guud ee ururka midowga suxufiyiinta ee NUJ Michelle Stanistreet ayaa sheegtay in Samiira ay geesinnimo weyn sameysay markii ay dacwaddaas gudbisay. Dadkii kiiskan taageeray ee fikirkooda uga hadlay Twitter-ka ayaa la shaaciyay. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @BBCCarrie 72 people are talking about this Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @BBCCarrie Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @janegarvey1 73 people are talking about this Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @janegarvey1 Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @MargaretAtwood 36 people are talking about this Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @MargaretAtwood Samiira ayaa guddiga dhageysanayay dacwadda, oo dhammaatay bishii Nofember, u sheegtay inay fahmi weysay sababta iyada iyo wariyaha ninka ah loo simi waayay mushaaraadkooda. Vine ayaa lacag dhan £3,000 oo gini ku qaadan jiray halkii xalaqo ee uu ka tabiyo barnaamijka BC-da ee “One’s Points of View”, intii u dhaxeysay sanadihii 2008-dii ilaa 2018-kii. Hase ahaatee Samiira ayaa barnaamijkeeda Newswatch, halkii xalaqo lagu siin jiray lacag dhan £440 gini. Qaran News
-
Yaa ka faa’iideysanaya, yaase ku khasaaraya xiisadda Iiraan iyo Mareykanka? Protestors in Tehran take part in an anti-US rally following the killing of Qasem Soleimani Dilkii uu Mareykanku u geystay janaraalkii Iiraan ee Qasem Soleimani iyo weerarkii gantaallada ee ay Iiraan ku aargoosatay waxay kiciyeen cabsi xoog leh oo laga qabo inuu dagaal toos ah dhex maro labada waddan. Cidda faa’iideysa ama khasaareysa waxay ku xirantahay tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan Washignton iyo Tehran. Haddaba, yaa guuleysanaya yaase guul-darreysanaya? Iiran Inkastoo uu ka dhintay sarkaal sare oo milatari ah, Iiraan waxay faa’iido yar ka heshay dilka Qasem Soleiman. Geerida Janaraalka, iyo aaskii dadka badan ay usoo baxeen ee daba socday, waxay Tehran u sahleen inay indhaha shacabka ka jeediso qalalaasihii ka aloosnaa mudaharaadyadii looga soo horjeeday dowladda ee ka dhashay sare u qaadista qiimaha shidaalka. Mudaharaadyadaas oo waji xun sii yeelanayay waxay Iiraan ka billowdeen bishii November. Arrintaas waxay sidoo kale Iiraan u fududeysay inay guud ahaan shacabkeeda mideyn karto xilli sidaasoo kale xasaasi u ah, iyadoo aysan saameyn ku yeelanin kala qeybsanaanta siyaasadeed ee jirta. Dowladda Iiraan waxaa saarnaa cadaadis dhaqaale oo ka dhashay cunaqabateynnadii ugu dambeeyay ee uu Mareykanku kusoo rogay, ka dib markii uu Madaxweyne Donald Trump ka baxay heshiiskii nuclear-ka Iiraan, sanadkii 2018-kii. Soleimani wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreysa milatariga Iiraan Sanadkii lasoo dhaafay, xaaladdu waxay sii xumaatay ka dib markii ay Iiraan soo ridday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo uu leeyahay Mareykanka. Sidoo kale waxay gacanta ku dhigtay maraakiib. Waxaa kale oo Iiraan lagu eedeeyay inay taageereysay weerarro gantaallo ah oo uu ka mid ahaa kii lagu qaaday warshadaha saliidda sifeeya ee Sacuudiga – arrintaasoo ay beenisay. Dilkii Soleimani ka dib, durbadiiba Iiraan waxay sameysay aargoosi, iyadoo weerar ku qaadday saldhigyada Mareykanka ee dalka Ciraaq. Dowladdu waxay tallaabadaas ka faa’iideysaa in ay sii heysato taageerada shacabka, maadaama ay muujisay inay wax sameyn karto haddii uu Mareykanku tallaabo kale ka qaado. Hase yeeshee, haddii ay Iiraan tallaabooyin dheeraad ah qaaddo, waxaa laga yaabaa inaysan noqonin dhinaca guuleysta. Inkastoo ay ku xirantahay qaabka kale ee ay Iiraan ugu aargudeyso Soleimani, haddana waxaa la ogyahay in milatari ahaan uu waddankan ka awood yar yahay Mareykanka, haddii uu dagaal toos ah dhex marana uu culeys weyn soo wajihi karo Tehran. Iyadoo hadda ay Iraan saaran yihiin cunaqabateyno culus, cadaadisna uu ku heysto inay u hoggaansanto heshiiskii bacriminta nuclear-ka, haddii ay xaaladdu sii xumaato waxaa suurtagal ah in ay go’doon sii gasho. Mareykanka Waxaa laga yaabaa in maamulka Trump uu ku guuleystay tijaabinta awoodda milatari ee Iiraan, halka uu si ku talagal ahna u xoojiyay fursadda madaxweynaha Mareykanka dib loogu soo dooran karo bisha November ee sanadkan. Wuxuu sidoo kale farriin muujineysa taageero u diray dalalka uu xulafada la yahay ee Israa’iil iyo Sacuudi Carabiya, oo ay cadow isku yihiin Iiraan. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Iiraan ay dib u dagtay markii ay gantaallo ku weerartay saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq Laakiin gacanta uu Mareykanku la horreeyay waxay sababtay ficillo far-far-ku-taag ah, waxayna taasi keeni kartaa inuu sare u kaco qiimaha shidaalka ee caalamka. Waxaa kale oo ka dhalan kara inay Mareykan kale dhintaan, islamarkaana uu dagaal horleh oo sannado kale qaata ka billowdo gobolka bariga dhexe. Arrintaas waxay saameyn ku yeelaneysaa dalal kale oo farabadan, oo ku yaalla gobolkaas iyo meelo ka fogba. Xoogagga Shiicada ee Ciraaq Si kooban, xoogagga Shiicada ah ee ay Iiraan taageerto ee ku sugan dalka Ciraaq waxay ka faa’iideysan karaan xiisaddan hadda taagan. Bilihii lasoo dhaafay, dowladda Ciraaq waxay wajaheysay mudaharaadyo looga soo horjeedo maamulkeeda oo ku saabsan saameynta ay Iiraan ku leedahay dalkaas. Waxaa kale oo lagu eedeynayay inay maamul xumo iyo musuqmaasuq ka jiraan dowladda Ciraaq. Mudaharaadyada waxaa ka qeyb galayay ururrada bulshada ee dalka Ciraaq Maleyshiyaadkan – iyo dhammaan ururrada siyaasadeed ee ka dhisan Ciraaq – waxay dhimashada Soleimani u adeegsan karaan inay dib u hantaan saameyntii ay Ciraaq ku lahaayeen iyo inay sharciyeystaan sii joogista waddankaas. Baaqa ku saabsan in ciidamada Mareykanka laga eryo Ciraaq wuxuu ahaa mid ah muddo dheer soo jeedinayeen ururradaas. Waxay sidoo kale fursad siineysaa kooxaha argagixsada, sida IS iyo Al-Qaacida, oo dib u xoogeysan kara. Israa’iil Iiraan iyo Israa’iil waxay muddo dheer isku heysteen danaha gobolka bariga dhexe, waxayna dowladda Iiraan dooneysay in la burburiyo xukuumadda Yuhuudda. Marka laga eego dhinaca Iisraa’iil, waxaa wali taagan halis badan oo iyaga ka dhan ah. Kuwaas waxaa ka mid ah taageerada ay Iiraan siiso dhinacyada cadowga ku ah Iisraa’iil, sida ururka fadhigiisu yahay Lubnaan ee Xisbullah iyo madaxweynaha Suuriya Bashaar al-Asad. Sidaas awgeed, dilka Soleimani wuxuu caddeyn u yahay sida uu Mareykanku u damacsan yahay inuu xakameeyo awoodda Iiraan. Dhinaca Iisraa’iil, waxay u badan tahay in tallaabadan laga soo dhaweeyay, loona arko inay tahay mid dani ugu jirto amniga Israa’iil iyo yareynta dhaqdhaqaaqyada kooxha ay Iiraan taageerto. “Israa’iil waxay si buuxda Mareyknaka ugu garab taagan tahay dadaalka uu ugu jiro sugidda nabadgalyadiisa”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo hadlayay weerarka ka dib. Mudaharaadeyaasha bariga dhexe Halista soo socota ee ku saabsan dagaal dhaca waxay dowladaha ku yaalla Bariga Dhexe siineysaa marmarsiiyo ay ku joojiyaan mudaharaadyada ka socda guud ahaan gobolka. Si gaar ah waxay u khuseeyaan dibadbaxyadii dhawaan ka dhacay dalalka Ciraaq, Lubnaan iyo Iiraan, oo dadweynahoodu ay ka careysan yihiin shaqo la’aan iyo musuqmaasuq. Waxaa mudaharaadeyaashaas lala tacaali doonaa iyadoo marmarsiiyo laga dhiganayo amniga qaranka. Mudaharaadeyaasha Lubnaan waxay ka cabanayaan musuqmaasuq iyo sinnaan la’aan Dowladuhu waxay xitaa sii qaadi karaan tallaabo dheeri ah, iyagoo siyaasiyiinta kasoo horjeeda gacan adag ku qabanaya, uguna soo gabbanayaan xiisadaha soo socda. Sacuudiga iyo Imaaraadka Sacuudi Carabiya iyo Isu tagga Imaaraadka Carabta waxay taagan yihiin booska ugu halista badan. Labadooduba waxay saameyn kasoo gaartay weerarradii lagu qaaday maraakiibta ee ka dhacay marin-biyoodka Hormuz iyo weerarkii lagu qaaday warshadaha saliidda ee Sacuudiga. Ficilladaas waxaa si weyn loogu tuhmay inay ka dambeyso Iiraan ama ay fuliyeen ururrada ay taageerto. Laakiin Iiraan waxay beenisay inay wax lug ah ku lahayd. Mareykanku wuxuu Iiraan ku eedeeyay weerarradii lagu qaaday maraakiibta ku sugneyd gacanka Cumaan Imaaraadka Carabta oo weerarradaas ka jawaabaya ayaa khafiifiyay xiriirkii ay la lahaayeen Iiraan, halka Sacuudigana ay garab istaageen cadaadiska xooggan ee ay Washington ku heyso xukuumadda Tehran. Tan iyo Markii uu dhacay dilkii Soleimani, labadan waddanba waxay ku baaqeen in xaaladda la dajiyo, wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaana u safraya Washington, si uu wadahadal ula yeesho maamulka Trump. Laakiin halka ay juqraafi ahaan gobolka uga yaallaan, iyo cadaawadda kala dhaxeysa Iiraan ayaa ka dhigeysa kuwo u nugul weerarrada ka imaan kara Iiraan. Yurub Yurub oo horayba ula dhibaatooneysay inay xal u hesho badbaadinta heshiiskii nuclear-ka Iiraan, waxay hadda si ay ka yeesho la’dahay xiisadda ka dhex taagan Iiraan iyo Mareykanka. Dowladda UK waxay arrintu ku noqotay kadis, xilli horena laguma sii wargalinin weerarkii diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay ku dishay sarkaalka Iiraan. Isla sidaasoo kale, dalal reer Yurub ah oo Mareykanka kala qeyb qaatay dagaalkii IS, ciidamadooduna ay ku sugan yihiin Ciraaq, waxaa laga yaabaa inay arrinta faraha kala baxaan, haddii ay Iiraan ku dhawaaqdo dagaal ay la gasho Mareykanka. Dilkii Soleimani wuxuu dhammaanteen na xasuusinayaa inaan xal loo helin saameynta dhinaca maamulka ee ka dhalatay kacdoonkii carabta ee dhacay muddo ku dhawaad 10 sano ah ka hor. Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa ku guuldarreystay isku day ay ku dili lahaayeen jeneral kale oo sare oo Iranian ah oo ku sugnaa dalka Yemen, isla maalinkii ay duqeyn drone ku dileen Jeneral Qasem Soleimani, oo ahaa taliyihii ugu awoodda badnaa ciidamada Iran, waxaa sidaas weriyey New York Times. Shaac ka qaadista howlgalkan labaad ayaa muujinaya in maamulka Trump uu waday qorshe olole ballaaran ah oo markii hore aan la ogeyn, kaasi oo looga dan lahaa in lagu wiiqo awoodda Iran ay u leedahay inay qaado dagaal maldahan oo ay ka fuliso dalal kale. Weerarka fashilmay ee ka dhacay Yemen ayaa la doonayey in lagu dilo Abdul Reza Shahlai oo ka tirsan ciidamada Quds ee Iran, ee uu hoggaamin jiray Jeneral Soleimani. Afar sarkaal oo xog ogaal u ahaa weerarka ayaa sheegay in Shahlai la beegsaday balse uu ka bad-baaday duqeynta. Abdul Reza Shahlai ayaa la rumeysan yahay inuu yahay abaabulaha iyo maal-geliyaha maleeshiyooyinka shiicada ee gobolka. Madaxweyne Trump ayaa ansixiyey weerarka ka dhanka ahaa Shahlai isla xilligii uu ansixiyey weerarkii lagu dilay Jeneral Qasem Soleimani, 3-dii Janaayo, inkasta oo aysan caddeyn in labada weerar ay dhaceen waqti isku mid ah. Shahlai iyo Soleimani ayaa ahaa laba ka mid ah dhowr sarkaal oo u dhashay Iran oo maamulka Trump uu ku beegsaday dadaal la doonayo in looga hortago weerarada ka dhanka ah goobaha Mareykanka iyo in Iran laga joojiyo “gardarrada” ay ka waddo gobolka, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah. Dowladda Mareykanka ayaa horey ugu yaboohday 15 milyan oo dollar oo la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar ku saabsan Shahlai. Shalai ayaa lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weeraro ka dhan ah xulufada Mareykanka iyo isku daygii fashilmay ee sanaddii 2011 lagu dili lahaa safiirka Sacuudiga ee Mareykanka.
-
Sultan Qaboos bin Said Al Said of Oman, the Arab world’s longest-serving ruler, has died aged 79, state media say. Last month he returned home after undergoing medical checks and treatment in Belgium. There were reports he was suffering from cancer. Sultan Qaboos deposed his father in a bloodless coup with British support in 1970. Using its oil wealth, he then set Oman on a path to development. He was unmarried and had no heir or designated successor. Sultan Qaboos died on Friday evening, state media reported early on Saturday. Three days of national mourning have been declared. According to the sultanate’s Basic Statute, the Royal Family Council – comprising about 50 male members – should choose a new sultan within three days of the throne falling vacant. If the family cannot agree, members of the defence council and the chairmen of the Supreme Court, the Consultative Council and the State Council will open a sealed envelope in which Qaboos secretly recorded his choice and enthrone that person. The leading contenders reportedly include three brothers who are cousins of Qaboos: Culture Minister Haitham bin Tariq Al Said; Deputy Prime Minister Asaad bin Tariq Al Said; and Shihab bin Tariq Al Said, a former Oman Navy commander who advises the sultan. The sultan is the paramount decision-maker in Oman and also holds the positions of prime minister, supreme commander of the armed forces, minister of defence, minister of finance and minister of foreign affairs. For almost five decades, Sultan Qaboos completely dominated the political life of Oman, which is home to 4.6 million people, of whom about 43% are expatriates. At the age of 29 he overthrew his father, Said bin Taimur, a reclusive and ultra-conservative ruler who banned a range of things, including listening to the radio or wearing sunglasses, and decided who could get married, be educated or leave the country. Sultan Qaboos immediately declared that he intended to establish a modern government and use oil money to develop a country where at the time there were only 10km (six miles) of paved roads and three schools. In the first few years of his rule, he suppressed with the help of British special forces an insurgency in the southern province of Dhofar by tribesmen backed by the Marxist People’s Democratic Republic of Yemen. He pursued a neutral path in foreign affairs and was able to facilitate secret talks between the United States and Iran in 2013 that that led to a landmark nuclear deal two years later. Sultan Qaboos was described as charismatic and visionary, and he was widely regarded as popular. But he was also an absolute monarch and any dissenting voices were silenced. A degree of discontent surfaced in 2011 during the so-called Arab Spring. There was no major upheaval in Oman, but thousands of people took to the streets across the country to demand better wages, more jobs an end to corruption. Security forces initially tolerated the protests, but later used tear gas, rubber bullets and live ammunition to disperse them. Two people were killed and dozens of people were injured. Hundreds were prosecuted under laws criminalising “illegal gatherings” and “insulting the sultan”. The protests failed to produce anything in the way of major change. But Sultan Qaboos did remove several long-serving ministers perceived as corrupt, widened the powers of the Consultative Council, and promised to create more public sector jobs. Since then, the authorities have continued to block local independent newspapers and magazines critical of the government, confiscate books, and harass activists, according to Human Rights Watch. Source: BBC
-
Muscat (Caasimada Online) – Suldaankii dalka Cuman, Sultan Qaboos bin Said Al Said, oo ahaa hoggaamyihii ugu xukunka dheeraa carabta ayaa geeriyooday Jimce isaga oo 79 jir ah, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda. Sultan Qaboos ayaa bishii tagtay kasoo laabtay tijaabo caafimaad oo uu kusoo maray dalka Belgium. Waxaa jiray warar sheegaya inuu qabay cudurka kansarka. Sultan Qaboos ayaa afgambi aan dhiig ku daadan wuxuu xukunka kala wareegay aabihiis 1970-kii, isaga oo taageero ka helaya Britain. Wuxuu kadib isaga oo adeegsanaya saliidda ay qaniga ku ahayd Cuman, dalkiisa ku hoggaamiyey waddada horumarka. Sultan Qaboos ayaan lahayn xaas, iyo caruur ka dhaxasha xukunka, si rasmi ahna uma magacaabin qof beddela, inta uusan dhiman ka hor. Sida ku qoran xeerka Saldanadda, Golaha Qoyska Boqortooyada – oo ka kooban 50 rag – ayaa suldaan cusub ku dooran doona muddo saddex maalmood gudahood ah. Haddii qoyska aysan ku heshiin suldaan cusub, golaha difaaca qaranka, guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Golaha Shuurada iyo Golaha Dowladda ayaa furi doona warqad xiran oo uu Sultan Qaboos uu si sir ah ugu qoray magaca qofka uu u doortay inuu xukunka ka beddelo, haddii aan qof lagu heshiin. Dadka aadka loo hadalka hayo inay beddeli karaan ayaa waxaa ka mid ah saddex walaalo ah, oo isaga ilmo adeer la ah, kuwaas oo kala ah; wasiirka Dhaqanka Haitham bin Tariq Al Said; ra’iisul wasaare ku-xigeenka Asaad bin Tariq Al Said; iyo Shihab bin Tariq Al Said oo ahaa taliyihii hore ee ciimdada Badda Cuman, islamarkaana la-taliye u ah Saldanadda. Suldaanka waa qofka leh go’aanka ugu dambeeya ee Cuman, wuxuuna sidoo kale hayaa xilalka ra’iisul wasaaraha, taliyaha sare ee ciidamada, wasiirka difaaca, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka warrimaha dibedda. Dalka Cumaan ayaa looga dhowaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo billaabaneysa maanta oo Sabti ah.
-
Siihaya xilka Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland, Nuur Ciise Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keenta in aan weli la fulin xukunkii lagu riday saddex nin oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aaden. Saddexda xukmane oo kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, ayaa lagu helay in ay ka dambeeyeen kufsigii iyo dilkii February 2019 magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas Aaden. Guddoomiyaha oo si kooban uga warbixiyay heerarka uu soo maray Kiiska, ayaa sheegay in Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ay dil toogasho ah ku ridday saddexda xukmane 12-May-2019, Xukunkaasi oo Maxkamadda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019. Wuxuu intaasi ku daray, in Maxkamadda sare ee Puntland 25-kii August 2019, ay rasmiya u ayidday dilka lagu riday saddexda xukmane, taasi oo ka dhigan in heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Puntland ay isku raaceen xukunkaasi. Sidoo kale, wuxuu xusay in saddexda xukmane ay dib u-eegis ka qaateen xukunkii kama dambaysta ahaa ee Maxkamadda sare , balse dib u-eegistaasi ay mar kale laashay Maxkamaddu, sidaasi darteedna xukunkaasi uu fulin-suge yahay. Guddoomiyahaoo la weydiiyay sababta aan weli loo fulin xukunkii dilka ahaa ee lagu riday saddexda xukmane? ayaa sheegay in ay weli Xafiiska Xeer-Ilaalinta Puntland ka sugayaan Galkii xukun-fulinta, oo ay ku lifaaqan yihiin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka ee ehelada Marxuumad Caa’isha Ilyaas. Dhinaca kale, wuxuu tilmaamay in Xafiiska Xeer-ilaalintu ay Maxkamadda u soo gudbiyeen, codsi ku aaddan fulinta xukunka, balse aysan ku soo lifaaqin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka, sidaasi darteedna uu Galkaasi kala dhimanyahay. Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in madaxweynaha Puntland uusan wax saxiix ah ku yeelan Karin kiiskan, maadaama uu yahay xukun Madaniya, isagoo xusay in madaxweynuhu saxiixo keliya Kiisaska Ciidamada. Hoos ka daawo wareysiga oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo shaacisay sababta loo fulin waayay xukunka Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
